-
Content Count
214,505 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 , 16ka May 2020, kuna saabsan Dib-u-dhisidda Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee maamulkaasi. Madaxweynaha maamulka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad, faqraddiisa 19aad. Markuu arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda Shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus 3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
-
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin guud ka bixiyey mas’uuliyiin u badan agaasimayaal oo u xiran eedeymo la xiriira musuq-maasuq. Dr. Suleymaan ayaa sheegay in ay xabsiga la dhigay illaa 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dadka xiran ay ku jiraan agaasimayaal waaxeedyo iyo kuwa guud, islamarkaana ay hayaan cadeymo ku aadan musuq-maasuqaasi. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in xeer ilaalinta ay soo gaba-gabeysay baaritaan waqti dheer qaatay oo la xiriira kiiska musuq-maasuqa ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay dacwad ku soo oogeen shakhsiyaadka la haysto. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-16052020-sx.mp3 View the full article
-
Diyaarad ciidan oo ay leedahay dowladda Qatar islamarkaana sidday qalabka looga hortago faafitaanka cudurka COVID 19 ayaa galabta soo cagadhigatay garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaasi la wareegtay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda .Federaalka. Soomaaliya Fowziyo Abuukar Nuur. Munaasabaddii deeqdaasi lagula soo wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho. Fowziyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo la wareegtay deeqda ayaa dowladda Qatar uga mahadcelisay kaalmadan oo ay tilmaantay in ay ku soo aadday waqti loo baahnaa. Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka qaadaneysa dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba beenisay sheegadii dowladda federaalka Soomaaliya ee ay ku sheegtay inay Somaliland u dirtay diyaarad Ayaxa buufinaysa, iyada oo kaashaneysa Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO. Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay inay FAO ugu deeqday diyaaradahaasi kadib markii ay ka codsadeen, isla markaana ay u kala diri doonaan qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka oo ay qeyb ka tahay Somaliland. Wasiirka beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada dowladda federaalka, isagoona shaaciyay in hay’adda FAO ay hore codsi ugu gudbiyeen ayna dhawaan soo gaari doonaan diyaaradahooda. Wasiir Axmed ayaa dowladda faderaalka ku eedeyay inaysan laheyn tabar ka badan inay isku sawiraan arrimo aysan war ka heyn bilowgeeda. Wuxuuna xusay inaysan marnaba jirin diyaarad Ayax lagu buufinayo oo kasoo duuleysa Muqdisho, balse ay diyaaradaha ay ugu talo-galeen la dagaalanka Ayaxu ay kasoo duulayaan caasimada dalka Kenya ee Nairobi. Maaha markii u horeysay ee la beeniyo sheegasho kasoo yeerta dowladda federaalka Soomaaliya, xili ay dhawaan fadeexad ka dhalatay sheegasho la xiriirtay gargaar ay UNCHR usoo marisay Puntland.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo COVID-19 ah, 13 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland 25, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween. 1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo COVID-19 ah, 13 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland 25, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween. 1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii warbaahintaTalyaaniga qaarkood ay baahiyeen in Silvia Romaano oo ahayd gabar u dhalatay dalka Talyaaniga islamarkaana maxbuus ahaan ay uheysteen Al-Shabaab in lagu kala wareegay sii deysmadeeda beerta Mire Cismaan Warsame “Mire Indha-Yare” oo ku taallo degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa arrintaas waxaa ka hadlay ganacsade Mire Indha-yare. Wargeyska La Repubblica oo xogtan baahiyey ayaa yiri “Is-dhaafsiga Silvia iyo lacagta madax-furashada ayaa ka dhacay meel u dhow beerta Xaaji Mire Indha Yare, oo ahaa mudane xubin ka ahaa kooxdii “Il Manifesto”, taasi oo 1989-kii ayada oo uu hogayo qareen Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, kasoo horjeestay Maxamed Siyaad Barre.? Mire Indha-yare, oo ah guddoomiyaha qeybta beeraha ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed, islamarkaana maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inaysan jirin cid beertiisa kula wareegtay Silvia Romano, hadalkaane uu yahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay. Mire Indha-yare ayaa sheegay in uusan ku lug lageyn arrimaha haweeneydaas, islamarkaana beertiisa aysan aheyn goobta lagula kala wareegay balse warbaahinta qaar ay xogta si qaldan ku gaartay. “Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in beertayda oo Afgooye ku taallo lagu kala wareegay haweeneydii Talyaaniga aheyd,” ayuu Mire Indha-yare. Sidoo kale waxa uu iska fogeeyay ku lug lahaanshiyaha arrimaha siyaasadda isagoo dalbaday in aan laga been sheegin beertiisa. Sii deysmada Silvia Romano ayaa waxaa ka qeyb qaatay sida la sheegay sirdoonada Talyaaniga, Turkiga, Qatar iyo Soomaaliya waxaana maalma ka hor dib loogu celiyay dalkeeda hooyo ee Talyaaniga. Silvia ayaa lagu sii daayey lacag madax-furasho ah, oo cadadkeeda uusan caddeyn.
-
Suspected Al-shabaab militants have destroyed a Safaricom communication mast in Khorof Kharar, Wajir in a predawn attack. Source: Hiiraan Online
-
Wareegto kasoo Baxdey Xafiiska Madaxweynaha ayaa Wasaaradaha Dalka lagu amray in ay k hortagaan Cidwalba oo isku deyda inay Dalka soo galiyaan Cgdha Dibada lag [...] Source
-
Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa saraakiisha Dowladda Yemen ee degan caasimadda Riyadh weydiistay inay isaga baxaan, islamarkaana joojiyay taageeradii maaliyadeed ee ay siin jireen, sida ay werisay warbaahinta Carabiya21. Tan iyo 2015, Sucuudiga ayaa hogaaminayay xulufo Yemen kula dagaalameysa dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta, si loo soo celiyo dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Madaxweyne Cabdu Rabbu Mansoor Haadi. Wixii markaas ka dambeeyay, inta badan xubnaha Dowladda Yemen waxaa ay deganaayeen magaalooyinka Riyadh iyo Jeddah, qarashkoodana waxaa bixinayay dowladda Sucuudiga. Sarkaal Dowladeed oo si qarsoodi ah ula hadlay Carabiya21 ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudigu ay wargeliyeen mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska madaxtooyada iyo Ra’iisul Wasaaraha Yemen. Sidoo kale dhowr wasaaradood ayaa la gaarsiiyay go’aanka cusub. Sarkaalkaasi waxaa uu hadalkiia ku daray “dhamaan shaqaalaha dowladda Yemen kuma degana qarashka Sacuudiga, qaar ayaa qarashkooda ku nool.” Warqad lagu faafiyay Internet-ka ayaa muujineeysa in saraakiisha Yemen iyo shaqaalaha degan Riyadh loo sheegay in lacagtii ugu dambeysay la siin doono dhamaadka May. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan astaamo muujinaya in dowladda Sacuudiga ay quus ka taagan xaaladda Yemen, kadib shan sano oo dagaal ah, oo aan laga gaarin wax guulo ah, ayada qarash bandan uu kaga baxay, sumcad darro xooggan oo caalami ahna ay kasoo gaartay.
-
Suspected Al-Shabaab militants destroyed a communication mast in Khorof Harar area in Wajir county of northeast Kenya on Friday night, police confirmed on Saturday. Wajir police boss Thomas Ngeywa confirmed the incident in Khorof Kharar, where the suspected al-Shabab militants also targeted a police camp at 2:00 a.m. in an attack that was executed simultaneously. “I can confirm that suspected members of al-Shabab militants conducted an attack in Khorof Harar police camp, destroyed a communication mast belonging to Safaricom early Saturday morning,” Ngeywa told reporters in Wajir town. A police report also said heavy attack from the militants forced the police officers at the camp at the time of the attack to seek refuge in the nearby bushes after they were overpowered. In a statement posted on Alshabab’s affiliated media online sites, the group said it destroyed a communication mast and inflicted heavy casualties on the Kenyan forces at the camp. The latest incident came after earlier intelligence reports suggested that the militants were planning to carry out attacks in the region. Al-Shabaab militants have in the recent past attacked communication masts in bid to cut police from immediate response. Northeastern Kenya has suffered grenade and gun attacks in recent years since Kenya took its troops to Somalia to fight the al-Shabaab militia group in October 2011. Several attacks believed to have been carried out by al-Shabaab militants have occurred in Mandera, Wajir, and Garissa and Dadaab districts of northeastern Kenya even as the military reports gains against the Islamist group by capturing their military bases and killing scores of them.
-
Puntland has recorded 11 new cases in the past two days, bringing the total infections to 136, according to the state’s health ministry. This is part of the total cases in Somalia that climbed to 1,284 with the death toll reached 53, most of the deaths were recorded in the capital, Mogadishu. The Somali government has suspended all local and international flights as part of measures to curb the spread of the COVID-19, which has severely affected the world. Turkey has delivered medical aid to Somalia to help the country fight the deadly Virus. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus iyo ku-xigeenkiisa. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku taariikhaysan 16-May-2020 ayaa Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus loogu magacaabay G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus ayaa loo magacaabay G/sare. Cawil Jaamac Nuur, sida ku xusan lagu xusay Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay shan Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida kuwaas oo kala ah; G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan, G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed, G/sare. Cali Faarax Caydiid, G/sare. Cabdi Cali Jaamac iyo /sare. Maxamuud Faarax Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Galmudug state president Ahmed Ali Kariye also known as [Qoorqoor] has appointed new officials to complete his new cabinet. In a statement obtained by Shabelle Media Network, Qoorqoor appointed 11 state ministers and 25 deputies, the latest move for a long journey to shape an inclusive government. Two lawmakers in the Somali federal parliament are among the new cabinet which is expected to be submitted to the parliament for approval in the coming days. The international community has welcomed the formation of the new Galmudug government as a step forward following years of political chaos in the regional state. View the full article
-
President Uhuru Kenyatta has banned movement of persons and passengers in and out of Kenya through the Tanzania and Somalia borders following the rise of cross-border Covid-19 transmission. The President said only cargo vehicles will be exempted from the directive which takes effect from midnight May 16, 2020. Kenyatta however stated that only truck drivers who test negative for the coronavirus will be allowed entry into Kenya. “All drivers of the cargo vehicles shall be subjected to mandatory COVID-19 disease testing and will only be granted entry into the territory of the Republic of Kenya if they test negative,” said the President. Addressing the Nation from State House, Nairobi, President Kenyatta said over the last week a total of 43 cases recorded in the country had been imported from the neighbouring Somalia and Tanzania. “These 43 cases represent almost a quarter of the 166 confirmed infections during this last week,” said Kenyatta. He noted that out of the 43 imported cases 14 were recorded in Wajir, 16 in Namanga, 2 in Lunga Lunga and one in Loitoktok. The President further noted that 78 truck drivers who were foreign nationals tested positive for Covid-19 and were denied entry into Kenya at different border crossings. “If we had not taken that intervention the imported cases through our borders would today have accounted for more than 50% of this weeks infections,” he said. The Head of State said within the Kenyan borders, Covid-19 infections have now spread to 22 of the 47 counties. “These numbers and the spread of infections clearly indicate that if no action is taken all the gains already achieved in combating this pandemic will undoubtedly be lost,” he said. Citizen TV View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay shakhsiyaad loo xiray musuq-maasuq kasoo billowday wasaaradda caafimaadka, balse ku baahay wasaarado kale. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay isagoo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud inay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale. Dadka loo xiray kiiskaan ayuu xafiiska Xeer ilaalinta sheegay inay ka mid yihiin agaasimayaal waaxeedo iyo kuwa guud, madaxda barnaamijyada iyo maashriicda ay wado wasaaradda Caafimaadka, la-taliyayaal, madaxda shirkado gaar loo leeyahay oo la shaqeeyo wasaaradda caafimaadka, Ganacsato iyo shaqaale kale oo ka shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda. Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay inay hayaan caddeymo ku aadan musuq-maasuqaas, waxaana caddeymaha la hayo lagu sheegay inay kamid yihiin rasiidyo, Jeegag iyo heshiis la sheegay in loo diyaarsaday sidii lacago loogu musuq-maasuqi lahaa. Dr. Suleymaan ayaa sidoo kale sheegay inay Xayiraad iyo baaritaan ku sameeyeen akoonada eedeysanayaasha loo heysto kiiskaan iyo Akoono ay leeyihiin shirkado lala xiriirinayo inay qeyb ka yihiin musuq-maasuqaan si xog looga helo lacagta la tuhunsan yahay in la lunsaday. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadkaan lasoo xiray loo maray sharciga iyo waddada saxda ah ee loo maro xuriyad ka qaadista dadka lagu soo eedeeyo dambiyada iyo musuq-maasuqa. Xeer ilaalinta ayaa ugu dambeyntii sheegtay inay soo gaba-gabeysay baaritaan waqti dheer qaatay oo la xiriirto kiiska musuq-maasuqa ee wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna Dr. Suleymaan sheegay inay dacwad kusoo oogeen shakhsiyaadka la haysto una gudbiyeen maxkamadda awoodda u leh dacwadaan iyadoo laga sugayo in waqti loo qabto maxkamadeynta. Halkaan hoose ka daawo war-saxaafeedka xeer-ilaaliyaha
-
Qaran News
-
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Jubbaland xukun dil ah ay ku fulisay askari xalay askari kale ku dilay gudaha magaaladaasi. Askariga maanta la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdinaasir, wuxuuna ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada Jubbaland. Askariga xalay lagu dilay Kismaayo ayaa isna sidoo kale ka mid ahaa ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda maamulkaasi. Dilka ayaa yimid ka dib markii uu muran xoogan soo gala dhex galay labada askari. Jubbaland ayaa xukun deg-deg ah ku fulisa askarta iyo shaqsiyaadka kale ee gacanta lagu dhigo ee dilalka ka geysta magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka J/Hoose. View the full article
-
TACSI MADAXWEYNE: 16/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 16/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi halgamaa ah oo kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Sonmaliland, isagoo ka mid ahaa haldoorkii qaybta weyn ku lahaa halgankii iyo dib ula soo noqoshadii xornimadii 1960-kii inaga luntay ee aynu dib ula soo noqonay 1991-kii. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii, MW, MUJ SNM, asxaabtii iyo Shacabka reer SL geerida ku timid AHU Marxuum Muj Xasan Guure Jaamac oo xalay xaqii ugu yimid HRG, AHU waxa uu ahaa shakhsi halgan weyn u soo galay sidii umaddan SL u heli laheyd caddaalad iyo dawladnimo… pic.twitter.com/C0QtTiWez4 — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) May 16, 2020 Qaran News
-
Popular Contributors
