Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray go’aankii shalay wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya. Sheekh Shariif qoraalkiisa ku sheegay inuu aad uga xunyahay go’ankaas uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya mudada intaas la’eg dib ugu dhigay hadal jeedintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laga doonayey inay baarlamaanka hor yimaadaan 27-ka bishan. “Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May” ayuu yiri. Sheekh Shariif sheegay in talaabadaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalka sharciga doorashooyinka, isagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada dalka oo mudo kororsi ay sameystaan hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda dowladda federaalka. “Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey. Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Shariif Sheekh. Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku fashilmeen in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda dowladdu ay dusha u rida doonaan cawaaqibkii ka dhasha mudo kororsi dhaca. “Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda. Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Shariif. Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay go’aankii shalay waqtiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qorsheysan oo afduub ah, “Go’anadi shirkii 2-da guddi jogto ee shalay May 25, 2020. waxu ahaa go’ano qorsheysan oo afdub ah, waliba qodobo sharciga doorashada jabiyey. Guddonka ayaa fulsaday qorsho ay waten horayna looguso heshiiyey. Xubno kamid ah guddoonka iyo Madaxtooyada oo mudo korarsi kawada shaqaynaya” ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene. Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxaa looga dhawaaqay waqti kordhin loo sameeyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo la rabay in 27-ka bishan uu hor yimaado xildhibaanada golaha shacabka. Guddiga ayaa loo kordhiyay mudo hal bil, waxaana lagu balansanyahay in kulanka golaha shacabka ay hor tagaan 27-ka bisha dambe ee June, isla amrkaana ay ka horjeediyaan warbixin ku saabsan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waqtiga loo qorsheeyay inay dhacdo.
  2. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/BAr___Qubanaha-26052020-ww.mp3 View the full article
  3. The post Maswirka Caawa : – Muqdisho Accord waa qorshaha meesha looga saarayo Raisal Wasaare Kheyre iyo Mudo korodhsiga Far aajo appeared first on . Source
  4. Hoos ka daawo The post Daawo Fadeexad iyo Khatar weyn : – Xildhibaanda Federaalka ee ka soo jeeda Gobolada Woqooyi oo lagu khasbaayo in ay noqdaan Xisbiga Nabad iyo Nolol, Codkoodan siyaan Madaxweyne Farmaajo appeared first on . Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la xaqiijiyay 10-qofood ayaa geeriyootay, halka tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii gaari xamuul ah uu dad saarnaa mooto Bajaaj iyo kuwo lugeynayaba ku jiiray isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Gaariga jiiray dadkaas ayaa la sheegay in uu fariin goostay, sidaasna uu ku laayey dadka, waxaana dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen loola cararay goobaha caafimaadka. Maamulka degmada Howlwadaag ayaa gaaray goobta uu shilkaasi ka dhacay, waxuuna guddoomiyaha degmada Howl-wadaag Mustaf Kheyre warbaahinta u xaqiijiyay in 10 qofood ay ku geeriyootay shilkaas. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in meydadka dadkaas ay badankood kasoo saareen dhismeyaal uu ku burburiyay gaariga xamuulka ah ee fariinka/ bareegga goostay. Guddoomiye Mustaf Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in markii laga soo tago 10-ka qof ee geeriyootay, ay jiraan dad kale oo shilka ku dhaawacmay, kuwaas oo qaarkood uu dhaawacoodu halis yahay, isla markaana loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho.
  6. Hoos ka Daawo shir jaraa’id oo ay Garowe ku qabteen galabta The post Daawo Marwo Caashe Gelle iyo Dalada Bulshada Rayidka ah ee PUNSA ee Puntland oo rajo fiican ka muujiyey soo afjarida khilaafkii maamul ee u dhaxeeyey Madaxada Sare ee Puntland appeared first on . Source
  7. Puntland forces have arrested the driver of the leader of ISIS section in Somalia after massive operation was conducted in villages of Bosaso town, the commercial hub of Bari region. Speaking to the media, Commander of Bari region police forces Hussein Ali Mohamud said the forces nabbed the man along with other terrorists and are held in police custody. The operations took place in Isku Shuban, Toga Jaceyl, Toga Canjeel, and Dooha-Gabin, and weapons, as well as vehicles, were recovered. The commander vowed that the operations will be continuous to flash out the fighters from the region as wells as the country. The resurgence is particularly notable in Puntland, a semi-autonomous part of northern Somalia where al-Shabaab has for a long time maintained a limited presence. The faction operational in the region swore allegiance to Islamic State in Iraq and Syria (ISIS) terror organization in the Middle East. The group led by Sheikh Abdulkadir Mumin, a former Al-Shabaab cleric who pledged his allegiance to IS leader Abu Bakr al-Baghdadi in 2015 carries out attacks and assassinations against Puntland security forces, who have been struggling to expel the militants from the region. In 2016, the U.S. State Department designated Mumin as a global terrorist. Since the emergence of the IS faction in October 2015, the group has claimed responsibility for deadly attacks in Puntland and southern Somalia
  8. Balcad (Caasimada Online) – Duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan meel aad ugu dhaw deegaanka Gololey oo hoos taga Balcad, waxaa galabta makhribadii qarax lagula beegsaday gaadiid ay wateen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya. Qaraxa oo nuuciisa lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyo gadiid ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya. Illaa sideed askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militeriga Soomaaliya, waxaana dhaawacii askartaas loola cararay demada Balcad. Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxay sheegeen in 10 askari ay uga dileen ciidanka dowladda, kadib markii qaraxaasi uu haleelay gaari ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo kasoo baxay Jowhar, kuna jeeday Muqdisho. Inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaa inta badan qaraxyo lagu dhibaateeyo ciidanka dowladda Soomaaliya, mararka qaarna waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ku aasa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Weerarrada Al-Shabaab ee ku wajahan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa haatan u batay dhanka qaraxyada la geliyo wadada hareereheeda, kuwaas oo meelo fog laga hago, si loola beegsado gaariga ciidanka markii uu ku soo dhawaado.
  9. Dowladda Turkiga oo saaxib dhow dhow la’ah dowladda federaalka tan iyo markii uu cilaaqaadka la yeeshay ayaa ka hadashay xaaladda dalka hadda uumaraayo , gaar ahaan hadal maalmahaan saxaafadda dalka ka qurtay hadalkii ka dhanka ahaa dowlad goboleedka Jubbaland ee ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika, Amb. Francisco Madeira. Wakiilka dowaladda Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Amb. Kani Torun oo qoraal kooban soo dhiga bartiisa Twitter-ka ayuu uga hadlay arrintaasi, waxaana uu ugu baaqay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka gacansiiya dhanka amniga iyo dhinacyo kale in uusan faro-gelin siyaasadda gudaha ee Soomaaliya waxaana uu intaas ku daray in loo baahan yahay ururku in ar weliba dhex dhexaad ka noqdaan oo aysan faraha la galin siyaasadda Gudaha Soomaalia “Midowga Afrika waa in uusan faragelin siyaasada gudaha ee dalka Soomaaliya, Midowga Afrika waa inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan.” ayuuu qoraalkiisa ku yiri danjiraha dowladda turkiga ee u jooga Soomaaliya Kani Torun. Hadalka dhowaan ka soo yeeray wakiilka midowga afrika Amb. Francisco Madeira ayaa dhaliyey in facelin badan laga bixiyo iyadoo ay xusid mudan tahay dowlad goboleedka Jubbaland xildhibaannada ku matalo federaalka in ay sheegeen in maxkamad ay la tiigsan doonaan halka xisbiyada dalka ay dalbadeen in la badelo Francisco Madeira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. The political trajectory has not been a walk in the park for Somalia- a nation recovering from a brutal and devastating civil war and facing the threat of the most lethal terrorist group in Africa Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay go’aankii shalay wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qorsheysan oo afduub ah, “Go’anadi shirkii 2-da guddi jogto ee shalay May 25, 2020. waxu ahaa go’ano qorsheysan oo afdub ah, waliba qodobo sharciga doorashada jabiyey,” ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene. Qoraalka Xildhibaanka ayaa intaas ku daray “Guddonka ayaa fulsaday qorsho ay waten horayna looguso heshiiyey. Xubno kamid ah guddoonka iyo Madaxtooyada oo mudo korarsi kawada shaqaynaya.” Hadalka Xildhibaan Maxamuud Beenebeene ayaa biirinaya hadallo ka soo yeeray in badan siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwaas oo go’aankii waqti u kordhinta guddiga doorashooyinka ku tilmaamay mid hor dhac u ah dib u dhac doorasho iyo qorshe mudo kororsi oo ay wado xukuumaddu. Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxaa looga dhawaaqay waqti kordhin loo sameeyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo la rabay in 27-ka bishan uu hor yimaado xildhibaanada golaha shacabka. Guddiga ayaa loo kordhiyay mudo hal bil, waxaana lagu balansanyahay in kulanka golaha shacabka ay hor tagaan 27-ka bisha dambe ee June, isla amrkaana ay horjeediyaan warbixin ku saabsan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waqtiga loo qorsheeyay inay dhacdo.
  12. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwan geliyay 22-kiis oo cudurka Covid-19 ah kaas oo laga diiwaan geliyey magaalooyin dhowr ah sida warbixiteeda maalin laha ah ay ku sheegtay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay maanta wasaaradda ayaa lagu sheegay in gobolka Banaadir laga diiwaan geliyey 5 kiis taas oowax badan ka yar kiisaskii maalmihii tagay laga helay magaalada, Somaaliland ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 14 xaaladood oo COVID19, halka dowlad goboleedyada Jubbalanad, 1 Hirshabeelle1 Koonfur Galbeed 1 laga diiwaan geliyay kiisas isku oo mid weliba 1 kiis oo Coronavirus ah sida lagu xusay warbixinta wasaaradda. Xanuunka Coronavirus ayaa labadii maalin ee tagay waxaa soo yaraanayey dadka uu soo ridanayo haba ugu badnaato magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo laga diiwaan geliyey kiisaskii ugu yaraa tan iyo markii xanuunka kiiskii ugu horeeyey la helay 16-kii March 2020 guud ahaan bukaanno ayaa gaarayo 1,711(kun toddobo boqol iyo kow iyo toban), waxaa ka bogsaday 253 (laba boqol konton iyo saddex) halka ay u geeriyoodeen 67 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. A convicted terrorist who tried to travel to Somalia to join Al Shabab was back in a British jail after breaking the terms of his early release by owning a moped. Source: Hiiraan Online
  14. Ilhan Omar, D-Minn., said that while she will support 2020 presidential candidate Joe Biden in his White House bid, she also thinks it is important to believe survivors of sexual assault, including a woman who has leveled allegations against the former vice president. Source: Hiiraan Online
  15. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwan-geliyay 22 kiis oo cudurka Covid-19 ah. War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 14 kiis laga helay Somaliland, gobolka Banaadir 5, Jubbaland 1-qof, Koofur Galbeed 1-qof iyo Hirshabeelle oo 1 ruux laga helay taas oo caddeyneysa in gobolka Banaadir tiradA cudurka uu soo ridanayo ay hoos u dhacday, halka uu kusii fidayo gobolada dalka. Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in illaa 18 ruux ay ka bogsatay cudurka 1 ruuxna uu u geeriyooday. Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa gaartay 1,711, waxaa sidoo kale ka bogsaday 253, halka ay u geeriyoodeen 67 ruux. View the full article
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-26052020.mp3 View the full article
  17. The week ending on 24 May 2020 saw a significant reduction of rainfall amounts across the country. A few pockets in the southern and northeastern regions however recorded light rains. In general, the seasonal rain performance was remarkable and beneficial to all the water dependent sectors. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU (HOL) - Somalia Tuesday recorded 22 more COVID-19 cases bringing to 1,711 the number of confirmed cases since the global pandemic hit the Horn of Africa nation in mid-March. Source: Hiiraan Online
  19. At least three soldiers were killed and four others wounded Tuesday when rival Somali government forces clashed in the capital, Mogadishu, witnesses said. Clashes erupted when Deynile district authorities attempted to demolish homes in the outskirts of Deynile neighborhood and a rival unit blocked them prompting the fierce clash. A local resident who spoke to Caasimada online said there was a heavy exchange of fire which lasted for some hours. “We heard the sound of heavy gunfire, we were unable to get outside,” he said. He added” three dead bodies of Somali soldiers were seen in area” The infighting between the militias within the armed forces has been a reoccurring event in the past few months claiming the lives of many of civilian lives. Somalia has been riven by civil war since 1991, when clan-based warlords overthrew a dictator then turned against each other. The weak U.N.-backed government is now battling an Islamist insurgency, which frequently carries out attacks in the capital Mogadishu and other parts of the country. The group wants to overthrow the central government and establish its own rule in the country, based on its strict interpretation of Islamic sharia law.
  20. Six months ago, Beledweyne, a town in central Somalia was battered by heavy rainstorms. The flooding destroyed houses, crops and roads, and displaced thousands of families. Source: Hiiraan Online
  21. Astrazeneca’s bid to produce the world’s first Covid-19 vaccine is facing a moment of truth, with results from a major trial expected within weeks. The British drugs group has teamed up with scientists from Oxford University, who are developing the potential shot, and on Thursday last week it was handed a £1billion boost from the US government. It is the latest big bet made by Astra boss Pascal Soriot, who has overseen the company’s transformation from laggard to industry leader over the past eight years. Under the Frenchman, Astra prioritised research and development of potentially lucrative cancer drugs which have gone on to become blockbuster hits, generating billions of pounds in revenues to replace its medicines that have lost patent protection. The scale of the turnaround was underscored recently when Astra overtook Unilever and Shell to become the UK’s most valuable listed company, worth £118billion. Arch-rival Glaxosmithkline, although bigger in terms of revenue and headcount, trails behind with a valuation of £83billion. And analysts said Astra’s resurgence has also vindicated Soriot and chairman Leif Johansson’s defence of the company against a hostile takeover bid attempted by US rival Pfizer in 2014. They rebuffed Pfizer’s attempts to buy the British firm for just 5500p per share – or £69billion – going against the wishes of major investors who wanted them to engage. on their current value However, since then shares have more than doubled in value and outperformed the FTSE 100 index. They are up 107 per cent since May 2014, when the Pfizer bid was dropped, compared to the blue chip index’s rise of just 11.8 per cent over the same period. According to analysis by investment platform AJ Bell, when dividends are included Astra’s returns to shareholders represents an increase in value of 163.4 per cent. Russ Mould, AJ Bell’s investment director, said: ‘The performance of Astrazeneca’s shares over the five years since Pfizer scrapped its bid offers a good example of how stock markets are get-rich-slow schemes when they are used properly. ‘The healthy returns made by shareholders are also a timely reminder that investors – and company executives – should always focus on the development of products and services that serve a purpose and not financial engineering.’ Results from Oxford University vaccine trials are expected next month. In a note to clients, analysts at UBS said Astra was on course to make its first deliveries of the shot in September. Source Thisismoney Qaran News
  22. NAIROBI (HOL) - The European Union has warned the delay of timelines for the electoral commission to announce the election dates could have possible consequences noting it was ‘concerned’. Source: Hiiraan Online
  23. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, aadna ugu dhow xukuumadda, ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya wado qirshe ka dhan ah Axmed Madoobe. Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay sidii loo soo xiri lahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo dad kale oo uu sheegay inay gacan saar la leeyihiin. “Jubaland xalkeeda dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa, waa la qabanaa, Axmed Madoobe-na waa la soo xirayaa; inta gacan-saarka la lehna waa lasoo xirayaa,” ayuu yiri mar uu la hadlay Telefishinka Shabelle ee Magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabada ugu horeyso ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya ay tahay sidii loo soo xirir lahaa Xuduudda ay Soomaaliya la leedahay dalka Kenya. Wuxuu sheegay in marka lagu guuleysto xiridda Xuduudda uu Axmed Madoobe kusoo dhici doono wado cidlo ah, sidaas ay gacanta ugu soo dhigi doonto Dowladda Soomaaliya, sida uu isaga aaminsan yahay. Mar uu ka hadlayey khudbaddii wakiilka Midowga Afrika uu ka hor jeediyey Qaramada Midoobay ee ku saabsaneyd inay Nairobi ku heshiyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, ayuu sheegay in khudbadaas ay aheyd mid saxan oo u dhacday sidii uu rabay baarlamanka Soomaaliya. “Khudbadaas waxay aheyd mid saxan, Cabdirashiid Janan yuu yahay, Axmed Madoobe yuu yahay, ma Gaaljecelaa, Maya waa Ogaadeen, waxaa heshiiyey 4 nin oo isku beel ah,” ayuu sii raaciyey Amin Jeesow. Halkaan hoose ka daawo wareysiga Xildhibaan Jeesow
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maamulka degmada Dayniile ee Gobolkan Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ka warbixiyey dagaal maanta ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex maray degmadaas. Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay meesha uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay soo weerareen dad shacab ah, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye Jacfar ayaa sheegay in Ciidamada weerarka soo qaaday ay burburiyeen dhul ay daganaayeen dad shacab ah. Jacfar ayaa xusay inay ciidamada Degmada u gurmadeen dadkaas shacabka ah ee lasoo weeraray, sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana ay ku guuleysteen inay ka celiyaan dhulkii ay boobayaan isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen ciidamadaas kuwa lasoo dirsaday. Dagaalkii saakay ka dhacay Xaafada Cara-gaduuda ee degmada Dayniile ayaa waxaa uu sababay dhimashada in ka badan shan askari oo labada dhinac ah iyo dhaawaca tiro kale, waxaana dagaalkaas ku baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la isku hayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, hase ahaatee ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Hoos ka daawo Jacfar