Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,515
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qoraalkaan waxaan ku eegeynaa habka go’aan qaadashada marka ay jiraan marxalado adag , waxaana tusaale u soo qaadaneynyaa labo dhacdo ama go’aano uu madaxweyne John F. kennedy qaatay, go’aanada uu qaatay ayaa midna uu ku fashilmay midna uu ku guuleystay, labadaan dhacdo ama xaladood ayaa kala ah: Source: Hiiraan Online
  2. Koox Saynisyahanno oo ka tirsan shirkadda Cilmiga bayoolajiga Mareykanka ee fadhigeeda yahay California ayaa ku dhawaaqay in ay heleen daawo loga hortigi karo Cudurka Corona Virus. Madaxda sare ee Shirkadan ay sheegay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ogadeen in ay joojinkarto in uu ku faafo jirka bani aadamka xanuunka Corona Virus tijaabooyin la sameeyay kadib. War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Cilmiga bayoolajiga Sorrento waxaa lagu sheegay in ay soo saari karaan illaa 200,000 bilwaliba, balse ay u baahan tahay ogolaanshaha Dowladda Mareykanka. Shirkadda Sorrento ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in wax weyn ay ka tari karto daawadaan SARS-CoV-2, oo ah Virus horseedi karo inuu si fudud u faafo xanuunka COVID-19. Shirkadda ayaa ka warbixisay baaritaankeedii iyada oo ku dhawaaqday in ay heshay Daawo 100% ka hortagi karto SARS-CoV-2. War saxafadeedkan oo jimcihii shalay ka soo baxay Shirkadda Sorrento ayaa lagu sheegay in Shirkadda ay rumeysan tahay in Daawadan loogu magac daray STI-1499 ay tahay midda uga haboon ee lagula dagaalami karo xanuunkan halista ah ee Corona Virus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ka socda dadaallo xal loogu raadinayo khilaaf xoog leh oo ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayuu khilaafkoodu banaanka u soo baxay kadib markii xaafiiska Madaxweyne Deni 14-kii bishan ay kasoo baxday dikreeto uu ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabidda taliyeyaashaas, isagoo soo saaray isla maalintaas digreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni. Siyaasiyiin, xubno ka tirsan goleyasha Puntland iyo isimada dhaqanka ayaa ku soo baxay khilaafka ka dhex qarxay labada masuul, waxayna haatan ku howlanyihiin xalinta khilaafkaas, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah waan-waanta socota. Dhinacyada ku howlan xal u helidda khilaafka Deni iyo Karaash weli u ma suurta gelin sida aan xogta ku heleyno inay isisoo hor fariisiyaan, balse waxa ay sheegeen in midba mar ay kula xariireen teleefoon, si ay ugu qanciyaan waan waanta socota. Xubnaha isugu jira siyaasiyiinta iyo isimada ee ku howlan dhameynta khilaafkaas waxa ay sheegeen in Puntland aysan maanta xamili karin khilaaf miisaanka intaa dhan leh, iyadoo ay xusid mudantahay in Puntland ay safka hore uga jirto gobollada dalka ee faraha ba’an ay ku hayaan cudurka Coronavirus iyo Ayaxa ka dilaacay Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira xaalado ba’niaadanimo oo ka dhashay daadad ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana weli gurmad u baahan dadkii ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobkan Guga, iyadoo meelaha qaar laga cabsi qabo inay ku dhuftaan daadad hor leh. Inta badan siyaasiyiinta reer Puntland ayaa qaba in iyadoo la fiirinayo caqabadahaas aysan Puntland xamili karin khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ah hoggaankii ugu sareeyay maamulka, waxayna ku dadaalayaan dhameynta khilaafkaas.
  4. Guddiga ka hortagga iyo wacyigelinta Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta dib u fasaxay in deegaannada Somalailand uu imaan karo Qaadka ka imaan jiray dhanka dalka Itoobiya oo dhowaan guddiga uu hakiyey sababo la xirara xakameynta faafitaanka xanuunka COVID-19 iradoo waqtigii guddiga uu horay ugu asteeyey ay ka harsan tahay muddo afar Cisho ah. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday guddiga uuna ku sixiixnaa guddoomiyaha guddiga ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil ( Seylici) ayaa lagu xusay in guddigu uu go’aa nsaday in laga bilaabo maalinimada barito ah oo taariikhdu tahay 17-5-2020-ka uu fasax yahay Qaadka lana keeni karo deegaannada Somaliland. Dhanka kale kale guddiga ayaa soo saaray qodobo dhowr ah kuwaas oo ah habraaca lagu iibinayo Qaadka iayadoo dadka iibinayo loogu baaqay in ay fuliyaan, guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inaan la ogolaan doonin in lagu kulmo Qaadka oo lawada cuno iyadoo lagu xusay qoraalka in dadka iibinayo aysan ka badan labo ruux iyaga oo isku jirsanayo masaafo dhan labo Mitir si looga fogaado faafitaanka caabuqa Coronavirus. Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)_Qaadka ayaa la fasaxay, iyadoo berri uu iman doono guud ahaan deegaannada Somaliland. Faahfaahfinta ka hor akhriso warqaddan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaba in dowladda Kenya oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso dacwad dhanka badda ah ay gacansiin ka heleyso siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta lagu eedeynayo gacan siinta Kenya ayaa la sheegay inay ku kala nooyihiin dalka iyo dibadiisa, kuwaas oo la tilmaamay inay Kenya ka gacan siinayaan damaceeda ah in meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda Aduunka ee ICJ lagu xaliyo kiiska badda. Maxamed Jaamac oo mar wasiiru dowle kasoo noqday wasaaradda dekadaha iyo gadiidka badda Soomaaliya, sido kalena soo noqday xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka Soomaaliya ayaa siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah dad horey xilal uga doo qabtay dalka ku eedeeyay in damaca Kenya ee badda ay gadaal ka riixayaan. Maxamed Jaamac ayaa madaxda dowladda federaalka u soo jeediyay inay maxkamad la tiigsato siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku lugta leh arrinta kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo isku deyaya, sida uu sheegay, inay u hiiliyaan Kenya. “Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay marka hore kasoo jeesato difaaca badda, kadibna ay baacsato kuwa daba dhilifka u ah Kenya, waxaan u sheegayaa in hebel hebel la dhihi karo ninkii maalin kaliya u hiiliyay Kenya ama maamul goboleed ha joogo ama mucaarad ha ahaadee,” ayuu yiri siyaasi Maxamed Jaamac oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho. Balankii ay u qabatay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku in ay ku dhegaysato garnaqsiga ugu dambeeya ee ay Kenya iyo Soomaaliya ka dhiibanayaan dacwadda dhextaal ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ayaa ahaa bishan foodda inagu soo haysa ee Juun. Hase ahaateen sida ay muujinayaan dukumentiyo la helay oo labada dal u direen maxkamada, waxa soo if baxaya in ay Kenya dalbanayso in dacwadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska Corona awgood. Soomaaliya ayaa dhankeeda doonaysa in dhegaysiga garnaqsigu xiligii loo cayimay qabsoomo, waxayna sida ku cad qoraallada ay maxkamadda u gudbisay ka cabaynaysaa cadaadis ay Kenya ku hayso oo arinta badda iyo dacwada la xiriira. Kenya waxay ku andacooneysaa in fayraska Corona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen oo dhowr wadan ay ku kala suganyihiin. Hoos ka dhageyso codka Siyaasi Maxamed Jaamac https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod.mp3
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay fasaxday qaadkii lasoo iib geyn jiray deegaanadeeda, iyadoo mudadii xayiraada ee la saaray ay ka harsantahay afar cisho. Warqad kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana lagu socodsiiyey ganacsatada qaadka ayaa lagu cadeeyay in laga bilaabo Axada berito la fasaxay qaadka. Iyadoo lagu xusay qoraalka todoba qodob oo ah habraac caafimaad oo ganacsatada looga baahanyahay inay ilaaliyaan. “Iyada oo ay ka harsan tahay waqtigii mudo ku siman afar cisho, waxa uu guddiga COVID-19 go’aamiyey in la fasaxo wixii ka dambeeya berrito oo Axad ah, uu qaadku u imaan karo sidiisii caadiga aheyd, waxayna guddigu soo saareen qodobo habraac ilaalinta cafimaadka bulshada ah, kuwaas oo ay khasab tahay in la ilaaliyo ganacsatada qaadka iyo dadka is ticmaalaba” ayaa lagu yiri qoraalka. Qodobada ugu muhiimsan habraaca caafimaad ee kasoo baxay guddiga COVID-19 ee Somaliland waxaa ka mid ah in qaadka ay soo iibin karaan oo kaliya laba qof. In dadka ay wax kasoo iibsanayaan ay u jirsadaan laba mitir, inay xirtaan qalabka afka iyo gacmaha ee looga taxadaro faafitaanka cudurka Coronavirus. In dadka iibsada qaadka aysan iskugu imaan marfashyada qaadka, sida xilliyadii hore iyo sidoo kale maqaayadaha lagu qayilo. Hoos ka aqriso warqadda
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoontay dawo iyo agab caafimaad oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Munaasabaddii deeqdaasi lagula soo wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho. Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka qaadaneysa dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19 ayaa qalabkaan u adeegsaneysa dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka Feyruska Karoona. Hoos ka daawo muqaalka
  9. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay mashruuca xarigga internetka 2Africa, oo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu dheer xargaha internetka ee badda hoosteeda mara, kaas oo isku xiraya Yurub, Bariga Dhexe iyo 16 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika. Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya shirkadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC. Shirkadda Dalkom Somalia ayaa ka mid ah saamileyda WIOCC, isla markaana wakiil uga ah dalka. Wasiirka ayaa u mahadecliyay Dalkom Somalia tallaabada kale ee ay kaga mid noqotay mashruucan ballaaran, iyadoo hore u ahayd shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta xarigga badda hoostiisa mara. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay mashruucan mid abuuraya fursado cusub oo dhaqaale, isla markaana wax ka tari doona in dalkeenu uu si fudud ugu xirmo dalal badan oo ganacsi nagala dhexeeyo. “Waxaan aaminsannahay in mar kasta oo uu kordho xawaaraha internetka in ay la kordhi doonaan dhaqaalaha iyo adeegyada ku dhisan internetka. Adduunka maanta waxaa lagu kala horumari doonaa hadba sida uu dal kasta u adeegsado teknolojiyada, waxaa kobaca teknolojiyada aasaas u ahna waa internet xawaare sare leh,” ayuu yiri wasiirku. “Dawlad ahaan waxaa nooga aadan waa inaan dhiirrigelino, isla markaana fududeyno maalgashiga noocan oo kale ah, inagoo u abuureyna jawi lagu ilaalinayo maalgashigooda iyadoo loo marayo siyaasado iyo shuruuc ilaalineysa danaha dadka, dalka iyo maalgashatadaba.” Warbixin dhowaan ay soo saartay Shabakadda Cable, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 7aad ee adduunka, iyo kaalinta 1aad ee Qaaradda Africa dhinaca celcelis ahaan qiimaha ugu jaban ee 1GB ee internetka taleefoonka gacanta. Hase yeeshee, waxay fursad ballaaran ka bannaan tahay sidii loo horumarin lahaa internetka lagu bixiyo xargaha ee lagu isticmaalo guryaha iyo xafiisyada. Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay ayaa ugu baaqay shirkadaha Soomaaliyeed inay markan u soo jeestaan sidii ay u maalgashan lahaayeen dhismaha xargaha internetka ee isku xira magaalooyinka (terrestrial fiber network), iyadoo lala kaashanayo Dawladda si looga caawiyo arrimaha rukhsadaha iyo sidii maalgelin caalami ah loogu heli lahaa mashaariicdaas. Tallaabooyinka noocaas ah ayuu wasiirku sheegay inay faa’iidada internetka wada gaarsiin doonto dalka oo dhan, soona kordhin doonto hal-abuurro cusub oo ay ka mid tahay in dadweynuhu adeegyada dawladda ay helaan iyagoo aan iman xafiisyada (e-government). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 , 16ka May 2020, kuna saabsan Dib-u-dhisidda Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee maamulkaasi. Madaxweynaha maamulka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad, faqraddiisa 19aad. Markuu arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda Shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus 3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. 7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
  11. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin guud ka bixiyey mas’uuliyiin u badan agaasimayaal oo u xiran eedeymo la xiriira musuq-maasuq. Dr. Suleymaan ayaa sheegay in ay xabsiga la dhigay illaa 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dadka xiran ay ku jiraan agaasimayaal waaxeedyo iyo kuwa guud, islamarkaana ay hayaan cadeymo ku aadan musuq-maasuqaasi. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in xeer ilaalinta ay soo gaba-gabeysay baaritaan waqti dheer qaatay oo la xiriira kiiska musuq-maasuqa ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay dacwad ku soo oogeen shakhsiyaadka la haysto. View the full article
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-16052020-sx.mp3 View the full article
  13. Diyaarad ciidan oo ay leedahay dowladda Qatar islamarkaana sidday qalabka looga hortago faafitaanka cudurka COVID 19 ayaa galabta soo cagadhigatay garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaasi la wareegtay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda .Federaalka. Soomaaliya Fowziyo Abuukar Nuur. Munaasabaddii deeqdaasi lagula soo wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho. Fowziyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo la wareegtay deeqda ayaa dowladda Qatar uga mahadcelisay kaalmadan oo ay tilmaantay in ay ku soo aadday waqti loo baahnaa. Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka qaadaneysa dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba beenisay sheegadii dowladda federaalka Soomaaliya ee ay ku sheegtay inay Somaliland u dirtay diyaarad Ayaxa buufinaysa, iyada oo kaashaneysa Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO. Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay inay FAO ugu deeqday diyaaradahaasi kadib markii ay ka codsadeen, isla markaana ay u kala diri doonaan qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka oo ay qeyb ka tahay Somaliland. Wasiirka beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada dowladda federaalka, isagoona shaaciyay in hay’adda FAO ay hore codsi ugu gudbiyeen ayna dhawaan soo gaari doonaan diyaaradahooda. Wasiir Axmed ayaa dowladda faderaalka ku eedeyay inaysan laheyn tabar ka badan inay isku sawiraan arrimo aysan war ka heyn bilowgeeda. Wuxuuna xusay inaysan marnaba jirin diyaarad Ayax lagu buufinayo oo kasoo duuleysa Muqdisho, balse ay diyaaradaha ay ugu talo-galeen la dagaalanka Ayaxu ay kasoo duulayaan caasimada dalka Kenya ee Nairobi. Maaha markii u horeysay ee la beeniyo sheegasho kasoo yeerta dowladda federaalka Soomaaliya, xili ay dhawaan fadeexad ka dhalatay sheegasho la xiriirtay gargaar ay UNCHR usoo marisay Puntland.
  15. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo COVID-19 ah, 13 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland 25, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween. 1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo COVID-19 ah, 13 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland 25, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween. 1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii warbaahintaTalyaaniga qaarkood ay baahiyeen in Silvia Romaano oo ahayd gabar u dhalatay dalka Talyaaniga islamarkaana maxbuus ahaan ay uheysteen Al-Shabaab in lagu kala wareegay sii deysmadeeda beerta Mire Cismaan Warsame “Mire Indha-Yare” oo ku taallo degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa arrintaas waxaa ka hadlay ganacsade Mire Indha-yare. Wargeyska La Repubblica oo xogtan baahiyey ayaa yiri “Is-dhaafsiga Silvia iyo lacagta madax-furashada ayaa ka dhacay meel u dhow beerta Xaaji Mire Indha Yare, oo ahaa mudane xubin ka ahaa kooxdii “Il Manifesto”, taasi oo 1989-kii ayada oo uu hogayo qareen Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, kasoo horjeestay Maxamed Siyaad Barre.? Mire Indha-yare, oo ah guddoomiyaha qeybta beeraha ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed, islamarkaana maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inaysan jirin cid beertiisa kula wareegtay Silvia Romano, hadalkaane uu yahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay. Mire Indha-yare ayaa sheegay in uusan ku lug lageyn arrimaha haweeneydaas, islamarkaana beertiisa aysan aheyn goobta lagula kala wareegay balse warbaahinta qaar ay xogta si qaldan ku gaartay. “Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in beertayda oo Afgooye ku taallo lagu kala wareegay haweeneydii Talyaaniga aheyd,” ayuu Mire Indha-yare. Sidoo kale waxa uu iska fogeeyay ku lug lahaanshiyaha arrimaha siyaasadda isagoo dalbaday in aan laga been sheegin beertiisa. Sii deysmada Silvia Romano ayaa waxaa ka qeyb qaatay sida la sheegay sirdoonada Talyaaniga, Turkiga, Qatar iyo Soomaaliya waxaana maalma ka hor dib loogu celiyay dalkeeda hooyo ee Talyaaniga. Silvia ayaa lagu sii daayey lacag madax-furasho ah, oo cadadkeeda uusan caddeyn.
  18. Suspected Al-shabaab militants have destroyed a Safaricom communication mast in Khorof Kharar, Wajir in a predawn attack. Source: Hiiraan Online
  19. Wareegto kasoo Baxdey Xafiiska Madaxweynaha ayaa Wasaaradaha Dalka lagu amray in ay k hortagaan Cidwalba oo isku deyda inay Dalka soo galiyaan Cgdha Dibada lag [...] Source
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa saraakiisha Dowladda Yemen ee degan caasimadda Riyadh weydiistay inay isaga baxaan, islamarkaana joojiyay taageeradii maaliyadeed ee ay siin jireen, sida ay werisay warbaahinta Carabiya21. Tan iyo 2015, Sucuudiga ayaa hogaaminayay xulufo Yemen kula dagaalameysa dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta, si loo soo celiyo dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Madaxweyne Cabdu Rabbu Mansoor Haadi. Wixii markaas ka dambeeyay, inta badan xubnaha Dowladda Yemen waxaa ay deganaayeen magaalooyinka Riyadh iyo Jeddah, qarashkoodana waxaa bixinayay dowladda Sucuudiga. Sarkaal Dowladeed oo si qarsoodi ah ula hadlay Carabiya21 ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudigu ay wargeliyeen mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska madaxtooyada iyo Ra’iisul Wasaaraha Yemen. Sidoo kale dhowr wasaaradood ayaa la gaarsiiyay go’aanka cusub. Sarkaalkaasi waxaa uu hadalkiia ku daray “dhamaan shaqaalaha dowladda Yemen kuma degana qarashka Sacuudiga, qaar ayaa qarashkooda ku nool.” Warqad lagu faafiyay Internet-ka ayaa muujineeysa in saraakiisha Yemen iyo shaqaalaha degan Riyadh loo sheegay in lacagtii ugu dambeysay la siin doono dhamaadka May. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan astaamo muujinaya in dowladda Sacuudiga ay quus ka taagan xaaladda Yemen, kadib shan sano oo dagaal ah, oo aan laga gaarin wax guulo ah, ayada qarash bandan uu kaga baxay, sumcad darro xooggan oo caalami ahna ay kasoo gaartay.
  21. Suspected Al-Shabaab militants destroyed a communication mast in Khorof Harar area in Wajir county of northeast Kenya on Friday night, police confirmed on Saturday. Wajir police boss Thomas Ngeywa confirmed the incident in Khorof Kharar, where the suspected al-Shabab militants also targeted a police camp at 2:00 a.m. in an attack that was executed simultaneously. “I can confirm that suspected members of al-Shabab militants conducted an attack in Khorof Harar police camp, destroyed a communication mast belonging to Safaricom early Saturday morning,” Ngeywa told reporters in Wajir town. A police report also said heavy attack from the militants forced the police officers at the camp at the time of the attack to seek refuge in the nearby bushes after they were overpowered. In a statement posted on Alshabab’s affiliated media online sites, the group said it destroyed a communication mast and inflicted heavy casualties on the Kenyan forces at the camp. The latest incident came after earlier intelligence reports suggested that the militants were planning to carry out attacks in the region. Al-Shabaab militants have in the recent past attacked communication masts in bid to cut police from immediate response. Northeastern Kenya has suffered grenade and gun attacks in recent years since Kenya took its troops to Somalia to fight the al-Shabaab militia group in October 2011. Several attacks believed to have been carried out by al-Shabaab militants have occurred in Mandera, Wajir, and Garissa and Dadaab districts of northeastern Kenya even as the military reports gains against the Islamist group by capturing their military bases and killing scores of them.
  22. Puntland has recorded 11 new cases in the past two days, bringing the total infections to 136, according to the state’s health ministry. This is part of the total cases in Somalia that climbed to 1,284 with the death toll reached 53, most of the deaths were recorded in the capital, Mogadishu. The Somali government has suspended all local and international flights as part of measures to curb the spread of the COVID-19, which has severely affected the world. Turkey has delivered medical aid to Somalia to help the country fight the deadly Virus. View the full article