-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18-May 2020 ay khafiifisay bandowgii la xiriiray xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo la-tacaalidda xanuunka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in la khafiifiyay go’aannadii la xiriiray bandowga COVID-19 sida isu-socodka gaadiidka iyo xarumaha ganacsiga ee degaannada Puntland. “waxaa la khafiifiyey go’aamadii Bandowga ee 27kii March 2020 kasoo baxay Guddiga Covid19 Puntland,sida isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo Keenista Qaadka ee deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, guddiga ayaa dib u fasaxay iibinta iyo ka ganacsiga Qaadka, balse waxay dadka ka ganacsada xasuusiyeen in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaadka ee ku saabsan COVID-19 sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada. “Dadka Qaadka kala iibsanaya iyo kuwa Ciida isu diyaarinaya, waxaa uu guddigu xasuusinayaa in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaad ee ku saabsan Covid-19, sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada.” Ganacsatada Qaadka, ayaa lagu wargeliyay in ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta nadaafadda, islamarkaana aysan Jaadka ku hor-gadin xarumaha dowladda kuna dhaqmaan talooyinka caafimaadka. “Gancsatada Qaadka waxaa lagu wargelinaya inay masuuliyad ka saarantahay illaalinta nadaafadda, in aan lagu horgadin qaadka xarumaha Dowladda iyo inay ku dhaqmaan talooyinka Caafimaad ee aan kor kusoo sheegay” Go’aankaas Khafiifinta bandowga xanuunka COVID-19, ayaa dib u-eegis lagu samayn doonaa iidda Soon-fur kadib, sida ay sheegeen guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka COVID-19 ee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo khafiifisay go’aannada la xiriira bandowga COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan Beesha caalamka u dirtay fariin ay ku cadeynayso mowqifkeeda ku aadan qorshaha cusub ee ay ku wajahayaan wada-hadalada Mas’uuliyiinta dowladaha Itoobiya iyo Mareykanku. Somaliland ayaa si weyn uga hortimid qorshe ay Abiy Axmed iyo Donald Yamamoto ku rabaan inay dib ugu soo celiyaan midnimadii Soomaaliya, xili ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan. Sida ay tibaaxayaan warar hoose oo aanu helayno, Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay xiriiro kala duwan la sameysay dalalka beesha caalamka ee xiriirka wanaagsani kala dhaxeeyo, kuwaasi oo ay u gudbisey mowqifkooda ku aadan arrinkaasi. Xukuumada Somaliland ayaa sidoo kale dalalkaasi beesha caalamka u sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u furmaan wada-hadalada Soomaaliya, balse aysan ogoleyn qaabka leexsan ee dhawaan loo wajahay wada-hadaladaasi. Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah oo inta badana u dooda Madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, ayaa isagun dhawaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay wadaan qorshe ay midnimo qasab ah uga dhex sameynayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xili uu si xawli ah u socdo qorshe cusub oo ay iska kaashanayaan Abiy Axmed iyo Donald Yamamoto, kaasi oo ku aadan sidii ay si deg-deg ugu furmi lahaayeen wada-hadalada labada dhinac, isla markaana ay ka dhalato midnimo.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mar kale xalay ka tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii gobolka Mudug AUN Axmed Muuse Nuur oo shalay qarax ismiidaamin ah lagu dilay ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar hadafyo kala duwan leh. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in mudda laba bilood gudahood ah la dilay Guddoomiyaashii Mudug iyo Nugaal taasina muujinayso in weerar hadafyo iyo wejiyo kala duwan leh uu ku socdo Puntland balse gacan bir ah lagala hor-tegi doono kuwa falalkaasi ka shaqaynaya. Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo lagu helo dilalka Guddoomiyaashii Gobollada Mudug iyo Nugaal iyo sidoo kale fal kasta oo lagu dhibaateynayo mas’uuliyiinta Puntland. Mudane Deni ayaa sidoo kale sheegay in ay dad kala duwan u hayaan dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana ay dhowaan sharciga sharciga marin doonaan isagoo xusay in goob fagaare ah lagu toogan doono. Sidoo kale dilkii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayuu sheegay in lagu wado baaritaan cid kasta oo ku lug yeelatana sharciga la hor-geyn doono si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar hadafyo iyo weji kala duwan leh appeared first on Puntland Post.
-
Imaaraadka Carabta oo calooshood u shaqeystayaal reer galbeed ah u kireeyey inay Turkiga kula dagalamaan Liibiya Calooshood u shaqaysteyaal Reer Galbeed ah oo ku xiran shirkado fadhigoodu yahay Imaaradka Carabta ayaa la geeyay Libya si ay u taageeraan General Khaliifa Hafter oo dagaal kula jira Dowladda ay taageerto Qaramadda Midoobay, sidaasna waxaa shaaca ka qaaday warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay Qaramadda Midoobay. Wabixinta oo ay labo diblamaasi si kooban ugu dul mareen warbaahinta Bloomberg ayaa sheegeysa in koox calooshood u shaqayteyaal ah oo xiriir la leh laba shirkadood uu fadhigoodu ayahy Dubai ay Libya u safreen bishii June 2019-kii, iyagoo ku socda qorshe militari oo aad loo maalgeliyay kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu taageero isku dayga Jeneral Khalifa Hafter iyo ciidankiisa LNA ay doonayaan in ay ku ridaan dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee degan Tripoli. Labada shirkadod ee Lancaster 6 DMCC iyo Opus Capital Asset Limited FZE ayaa hagaya howlgalka si ay Haftar u siiyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo awooda internet-ka. Koox rag ah oo ku dhow 20 ayaa ka degay Libya dabayaaqadii June 2019. Maalmo yar kadib laba doomood ayaa lagu qaaday waxaana la geeyay Malta, oo ku taala Talyaaniga. Qaramadda Midoobay ma aysan sheegin sababta halkaas looga dejiyay. Balse qareenadda ragga ayaa sheegay in raggaasi ay bixinayeen adeeg ku saabsan saliidda iyo gaaska. Hafter, in uu la warego Libya waxaa ku tageera Imaaraadka Masar, Ruushka iyo Dowlado kale. Dowladda ay Qaramadda Midoobay aqoonsantahay waxaa taageera Turkiga iyo Dowlado kale oo Reer Galbeed ah. Meel ay calooshood u shaqaysteyaal buuxiyen Sanadihii lasoo dhaafay, Libya waxaa ay noqoneeysay meel uu ka socda dagal daahsoon. Kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, oo u dhashay Ruushka, Sudan iyo Syria ayaa la geeyay wadanka si ay uga dagaalamaan. Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta la hadlay Bloomberg, calooshood u shaqaysteyasha lagu sheegay warbixinta Qaramadda Midoobay waxaa ay balanqaadeen inay joojin doonaan hubka uu Turkigu geynayo Tripoli, iyagoo adeegsanaya doomo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca. Warbixintu waxay sheegeeysaa in lix diyaarado militari ah la geeyay Libya, taasi oo xad gudubku ah cuna-qabateynta hubka ee Qaramadda Midoobay. Qareenada Calooshood u shaqaysteyaasha ayaa Bloomberg u sheegay in deeymaha loo soo jeediyay Shirkadaha Opus and Lancaster 6 aysan xaqiiqo ahayn, waxayna intaas ku dareen in ay la shaqaynayaan Qaramadda Midoobay si ay u sameyso baaritaan kale. Qaran News
-
Ururka caalamiga ah ee midowga culimada Muslimiinta, International Union for Muslim Scholars (IUMS) ayaa maanta ku baaqay in dhammaan dunida iyo dalalka Islaamka ay u istaagaan inay ka hortagaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Falastiin. Xoghayaha guud ee IUMS, Ali al-Qaradaghi ayaa ku eedeeyey Israel inay ka faa’iideysaneyso kusii jeedka caalamka ee cudurka Coronavirus, iyo taageerada maamulka Trump, si ay ugu dhaqaaqdo siyaasadaheeda gardarrada ku dhisan ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. “Culimada Muslimiinta waxay ku baaqayaan in la garab istaago shacabka Falastiin, iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay arrimahooda go’aan ka gaaraan iyo inay xorreeyaan dhulkooda la haysto,” ayuu yiri al-Qaradaghi. Waxa uu sheegay in maamulka Mareykanka uu si buuxda mas’uul uga yahay ansixinta qorshaha Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Qudus iyo dhulalka kale ee Falastiin. Goosashada Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ayaa dhici doonta 1-da July, sida ay isku raaceen ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo ninka ay doorashada ku loolameen ee Beny Gantz. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay ka bixi doonaan heshiisyada wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Israel, haddii ay ku dhaqaaqdo qorshahan, taasi oo wiiqi doonta dadaallada lagu raadinayo xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel. Goosashada Daanta Galbeed ayaa qeyb ka ah waxa loogu yeeray “Heshiiska Qarniga”, oo 28-kii Janaayo uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Qorshahan ayaa Qudus u aqoonsanaya “caasimadda aan la kala qeybin” ee Israel, wuxuuna Israel siinayaa madax-banaanida qeybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed. Falastiiniyiinta iyo ururka dalka Islaamka ayaa si weyn uga hor-yimid qorshahan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya digniino ay soo saareen mas’uuliyiinta ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lala wadaagay ciidamada amniga iyo shaqsiyaad muhiim ah oo ku jira dowladda Somalia. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegeysa in la tuhunsan yahay in magaalada Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 5 qof oo lagu soo xiray waxyaabaha qaraxa, kuwaas oo damacsan iney galaan xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in hoteellada Muqdisho qaarkood oo aan bandowga saameyn ku yeelan loo sheegay iney muujinayaan feejignaan dheeraad ah. Mas’uuliyiinta amniga ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay badaleen qorshihii qaraxyada kadib markii ay gaadiid soo gelin waayeen Muqdisho, islamarkaana ay billaabeen in shaqsiyaad ay qaraxyo ku soo xiraan. Al-Shabaab ayaa hore isku qarxiyay maqaayad ay dad shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka Sayidka, waxayna Qaraxaas u adeegsadeen qof ismiidaamiyay, arintaas ayaa abuurtay walaac iyo wal wal cusub. Muqdisho ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ka xasilooneed qaraxyada iyo weerarada tooska ah markii laga reebo weerarada hoobiye ah iyo dilalka qorsheysan.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Calooshood u shaqaysteyaal Reer Galbeed ah oo ku xiran shirkado fadhigoodu yahay Imaaradka Carabta ayaa la geeyay Libya si ay u taageeraan General Khaliifa Hafter oo dagaal kula jira Dowladda ay taageerto Qaramadda Midoobay, sidaasna waxaa shaaca ka qaaday warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay Qaramadda Midoobay. Wabixinta oo ay labo diblamaasi si kooban ugu dul mareen warbaahinta Bloomberg ayaa sheegeysa in koox calooshood u shaqayteyaal ah oo xiriir la leh laba shirkadood uu fadhigoodu ayahy Dubai ay Libya u safreen bishii June 2019-kii, iyagoo ku socda qorshe militari oo aad loo maalgeliyay kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu taageero isku dayga Jeneral Khalifa Hafter iyo ciidankiisa LNA ay doonayaan in ay ku ridaan dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee degan Tripoli. Labada shirkadod ee Lancaster 6 DMCC iyo Opus Capital Asset Limited FZE ayaa hagaya howlgalka si ay Haftar u siiyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo awooda internet-ka. Koox rag ah oo ku dhow 20 ayaa ka degay Libya dabayaaqadii June 2019. Maalmo yar kadib laba doomood ayaa lagu qaaday waxaana la geeyay Malta, oo ku taala Talyaaniga. Qaramadda Midoobay ma aysan sheegin sababta halkaas looga dejiyay. Balse qareenadda ragga ayaa sheegay in raggaasi ay bixinayeen adeeg ku saabsan saliidda iyo gaaska. Hafter, in uu la warego Libya waxaa ku tageera Imaaraadka Masar, Ruushka iyo Dowlado kale. Dowladda ay Qaramadda Midoobay aqoonsantahay waxaa taageera Turkiga iyo Dowlado kale oo Reer Galbeed ah. Meel ay calooshood u shaqaysteyaal buuxiyen Sanadihii lasoo dhaafay, Libya waxaa ay noqoneeysay meel uu ka socda dagal daahsoon. Kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, oo u dhashay Ruushka, Sudan iyo Syria ayaa la geeyay wadanka si ay uga dagaalamaan. Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta la hadlay Bloomberg, calooshood u shaqaysteyasha lagu sheegay warbixinta Qaramadda Midoobay waxaa ay balanqaadeen inay joojin doonaan hubka uu Turkigu geynayo Tripoli, iyagoo adeegsanaya doomo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca. Warbixintu waxay sheegeeysaa in lix diyaarado militari ah la geeyay Libya, taasi oo xad gudubku ah cuna-qabateynta hubka ee Qaramadda Midoobay. Qareenada Calooshood u shaqaysteyaasha ayaa Bloomberg u sheegay in deeymaha loo soo jeediyay Shirkadaha Opus and Lancaster 6 aysan xaqiiqo ahayn, waxayna intaas ku dareen in ay la shaqaynayaan Qaramadda Midoobay si ay u sameyso baaritaan kale.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somalia ayaa joojiyay dadka aan la aqoonin ee mara wadada hormarta Madaxtooyada Somalia. Ciidankaan ayaa dadka lugeynaya weydiiya aqoonsi ama qof damiin ah haddii ay keeni waayaan waxaa loo diidaa in ay maraan wadadaas lamana sheegin sababta. Xalay ayaa ugu darneyd waxaana la joojiyay dhamaan dadkii wadadaas marayay oo ay qaarkood aqoonsiyo heestaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta inay suurta gal ay tahay in magaalada ay qaraxyo ka dhacaan. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa is weydiinaya sababta arrintaan keenta balse ilaa hadda ma jirto qof uga jawaabay. Shacab badan oo dagan xaafadaha nawaaxiga Madaxtooyada ayaa geli waayay guryahooda, waxayna dantu qasabtay iney dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen. Cabsi xoog leh ayaa Muqdisho ka jirta 48-dii saac ee la soo dhaafay waxaana aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka soo gala madaxtooyada Somalia oo markii hore dadka lugeynaya ku qabin dhibaatooyin badan.
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr, Suleymaan Maxamed Maxauud oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen kiis la xariira musuq-maasuq oo ka bilowday wasaaradda caafimaadka, lugahana la galay wasaarado kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya . Dr Suleymaan ayaa tilmaamay in cadeymo lagu hayo mas’uuliyiinta xiran oo isugu jira agaasimayaal waaxeedyo iyo kuwa guud oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka in xafiiskiisu uu musuq-maasuqa iyo wax isdaba marinta uu ka taagan yahay meel aad u adag, sida la-dagaalanka Al-Shabaab oo kale, sida uu hadalka u dhigay “Marka hore waxaan rabaa in aan kuu sheego musuq-maasuqu xafiiskeygu wuxuu ka taaganyahay meel aad u adag la dagaalanka musuqmaasuqa iyo la dagaalanka argagixasadu isku meel ayay xafiiskeena ka taaganyihiin”ayuu yiri Dr Suleymaan. Dhinaca kale wuxuu digniin u diray shaqsiyaad uu carabka ku dhuftay inay difaacayaan mas’uuliyiinta xiran, islamarkaana ay dano gaar ah ka lee yihiin arrintaasi, “Qof Meelahaa ka hadlaya oo dhahaya kiiska waa la siyaasadeyay iyo siyaasadbaa ku jirta waa qof iska hadlay booliisbaa jooga xeer ilaalinbaa shaqeynaysa”. ayuu sii raaciyey. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay xiran yihiin illaa 20 qof oo u badan dad mas’uuliyiin ah, kuwaas oo loo heysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq.
-
BEESHA CAALAMKA , DAWLADAHA GOBOLKA GEESKA AFRICA MIYEY MOOGAN YIHIIN TAARIIKHDA IYO DHACDOOYINKA SOMALILAND IYO SOMALIA SOO KALA MARAY ? Waxa sanadahan ugu dambeeyey aad moodaa in ay muuqato in beesha caalamka iyo dawladaha Gobolka Geeska Africa ay duudsi iyo yaraysi ku hayaan qadiyad umadeed oo lixdan sano soo socotay sidii loo sixi lahaa dibna loogu soo celin lahaa milgihii iyo maamuskii ay dawladnimo ee dadka Somaliland. Dadka Somaliland waxa ay Somalia ku darsadeen dal iyo dawladnimo ay ka qaateen gumeystihii boqortooyada ingiriiska oo ay Somaliland u ahayd maxmiyad maamulkiisa hoos tagta loona yaqaanay Somaliland British Protectorate taasi oo ay ka qaateen 26 June 1960kii isla markaana ay 1 July 1960kii kula bahoobeen Somalia iyada oo ujeedada loo socday ahayd midnimo shan soomaaliyeed. Midnimadii Somaliland iyo Somalia hungadii iyo cadaalad daradii ka dhashay ee aan loola macaamilin laba dawladood oo wax isku darsaday , waxa ay cadaynaysay niyad wanaaga iyo kalgacaylka dadka Somaliland u hayeen midnimo soomaaliyeed iyo sida ay uga daacada ahaayeen . Mararka qaarna waxa loo qaadan karaa ilduuf siyaasadeed iyo taloseeg ku dhacay wax-garadkii iyo Aqoonyahankii reer Somaliland ee xiligaa talinayey oo aan waxoogii xeer iyo xero midna gashan dhamaantoodna markii dambe ka dayriyey waxii dhacay iyo sidii loola dhaqmay . Taasi oo qaadatay in lagu soo celiyo xoog iyo xeelad waxii la awoodayey ka dib markii la arkay cadaalad darada iyo hungada lagala kulmay midow oo macno weyn lagu dhisan oo dhinac ka rarnaa , markii la isku dayey in wax gudaha laga saxona dhaliyey cunfi iyo cadaadis lagu sameeyey dadka Somaliland iyo sidii loo baabiin lahaa. Cadaadiska iyo tirtirka taariikhda iyo wadajirka dadka Somaliland waxa loo maray siyaasad qoto dheer oo marka hore loogu talo galay in iyaga la qoleeyo oo beelo laga dhigo , siyaasadaasi oo la rabay in la yidhaahdo beel baa wax diidan oo qadiyada umada Somaliland lagu kala jabinayey , waxaana ka mid ahaa sameyntii gobolada sool iyo awdal . Markii arimahani lagu guuleystay ayaa cadaadiskii dadka Somaliland lagu hayey waxa loogu daray xasuuq isir iyo beeleed ( ethnic genocide ) lagu tirtirayo beesha dhexe ee Somaliland iyada oo loo adeegsanayo calankii cududii iyo waxii ay somaali wada lahayd oo dhan taasi oo lagu baabiiyey waxii ay duunyo iyo daaro dhisanayeen intii ay soo noolaayeen , lagu xasuuqay maatidii iyo haweenkii oo lagu duqeeyey madaafiic iyo diyaarado ciidan . Arimahani iyo dhacdooyinkani waa kuwii ka dhacay Kosovo oo kale ee Bosnia iyo Serbians kii maamulayey Jamhuuriyadii burburtay ee Yugoslavia ku laayeen dadka reer Kosovo looguna geystay xasuuq ba’an oo ku qotoma isir dabargoyn. Si kastaba ha ahaatee taariikh dheer oo hirdano hoose iyo halgano muuqda lahayd ayaa waxa lagu soo celiyey qaranka Jamhuuriyada Somaliland 18 May 1991kii markii jabhadii SNM ka xoreysay dalka nidaamkii kalitaliska ahaa ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre horaantii sanadkaasi , iyada oo dib ula soo noqoshada dawladnimada Somaliland ahayd go’aan shacbi oo ay gaadheen waxgaradkii iyo aqoonyahankii beelaha Somaliland wada degani dibna loogu heshiiyey in xanafihii iyo xurgufihii nidaamkaasi ka tagey xalay dhalay laga noqdo , iyada oo ay si rasmiya ugu dhawaqeen madaxdii nidaamkii maamul ee u dhisnaa jabhadii SNM. Mar kale ayaa 31 May 2001 dadka Somaliland u codeeyeen dastuur qaran oo afti dadwayne lagu ansixiyey 97% kaasi oo qeexaya qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka uu yahay , halka uu ku yaallo , xuduudihiisa , habkiisa maamul , ganacsi , dhaqaale , siyaasadeed, xoriyaadka iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland iyo wax waliba oo dastuur qaran oo dal leeyahay qeexo kana hadlo . Haddaba in beesha caalamka garwaaqsan waayaa qaranimada Somaliland xuquuqda dadka Somaliland iyo dawladnimadooda oo ay labadii dhinac ee wax isku darsaday dhinac raacaan waxa ay noqoneysaa duudsi iyo dambi laga galay dadka Somaliland oo aduunku ula badheedhay taasi oo meel ka dhac ku ah umad dhan oo aayaheega ka tadhatay. Lagama fiirsan xataa in xafiisyadii dawladaha aduunka , ururada caalamiga ah iyo urur goboleedada laga wada furo magaalada muqdisho , taasi oo gef cad ku ah Hargeisa iyo Jamhuuriyada Somaliland una muuqata go’doomin siyaasadeed oo lagu hayo umada Jamhuuriyada Somaliland iyo dawladnimadeeda iyo waxii ay u soo hurtay naf iyo maalba in ay soo ceshato qarankeegii oo madax banaan . Malahayga beesha caalamka dadka metalaya iyo dawladaha aduunka ee muqdisho fadhiyaa waxa aanay hayn taariikhda Somaliland iyo Somalia iyo waxii la soo kala mutay soddon sano oo midnimo lagu wada jiray taasi oo noqoneysa maah-maahdii soomaaliyeed ee odhanaysay ; ” Xaajo nimaan ogeyni indhuhuu ka ridaa ” . Sidaasi oo kale ayaa aduunku iska indho tirayaa waxii ay dadka Somaliland qabsadeen sagaal iyo labaatan sanadood iyada oo aan cid wax ku taageertay jirin noloshana dib uga soo bilaabay seeska ilaa ay ay soo gaadhay qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee dimuqaradiga ah ee waxa uu mudan yahay iyo kaalinta muhiimka ah ee uu geeska Africa kaga jiro la yaqaano. Mooganaantani waa mid sababaysa in aan xalka Somaliland iyo Somalia la helin ilaa dhex laga noqdo arimahani aan kor ku soo xusay oo dhan oo aan lagu galin xaalad xogogaalnimo iyo cadaaladeed , waxaana jira shaqsiyaad Somaliland ka soo jeeda oo muqdisho iyo aduunkaba qaar joogaan oo aaminsan aragti ah midnimo , kuwaasi oo aan ku qancin karin xataa qoysaskooda marka wax kale laga yimaado, cidii ku go’aan qaadataa ama u haysata in ay umad masiirkeed matali karaan waa cid aan xal rabin. Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
-
The Somali health ministry on Sunday confirmed 64 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,421. Fawziya Abikar, the health minister said the majority of the latest cases were recorded in Banadir which have 33, Somaliland 16, Galmudug eight, and Southwest seven. Abikar said one patient succumbed to the respiratory disease as the death toll so far since the first infection remains at 56. She said four people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 152. The minister said 45 of the latest cases which were tested in the last 24 hours are male while 19 others are female persons and the cases are largely due to community transmission. The spike in the COVID-19 cases comes at a time Somalia is also facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation. The UN has warned that if the virus transmission is not contained rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal dhowr ah iyo saraakiil caafimaad oo kala duwan oo la hadlay Caasimada Online, waxaa maalin walba Suuqa-Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laga qaadaa tobaneeyo qof oo u badan caruur iyo dumar kuwaas oo suuxsan. Dadkaan ayaa la sheegay iney neef qabad-soomaan kadib markii kumanaan dad ah ay isugu tageen Suuqa-Bakaaraha, kuwaas oo doonaya iney u adeegtaan maalmaha dabaal dagga ee Bisha Soonfur. Kuleyl darran, ciriiriga oo saa’id ah, dadka oo is-dul qaadaya, haweenka oo ay ku jiraan kuwa uur-leh, qaar xanuun iyo caruur aan awoodin iney galaan ciriiriga saa’idka ah ayaa la sheegay iney wajaheen xaalado halis ah. Sidoo kale arintaan ayaa la sheegay iney si fudud u faafin karto qatarta Covid-19. Qof kamid ah ganacsatada Suuqa-Bakaaraha ayaa tirada dadka maalintii yimaada Suuqa ku tilmaamay tobaneeyo kun. Sidoo kale, ganacsatada ayaa sheegay dadka Isbitaallada loo qaado ee Neef-qabad soomay iney ka badan yihiin kuwa banaanka loo soo saaro ee biyaha lagu shubo waxayna arintaasi sababi kartaa dhimasho badan. Maaliyiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa u diyaar garoobaya dabaal dagga Ciidul-Fitriga oo ku beegan maalmo kadib waxaana suuqyada Muqdisho ku arkeysaa kumanaan qof oo caruur iyo dumar u badan oo adeeganaya. Sawirro muujinaya mashquulka Bakaaraha
-
An African Union Mission in Somalia (AMISOM) unit in Bilis Qooqani town on Friday stopped a late-night attack on Jubaland Security Forces (JSF), killing and arresting several terrorists in the process. AMISOM forces recovered several AK 47 rifles and rounds of ammunition from Al Shabaab elements who were neutralized during the foiled attack. The two Jubaland Forces wounded in the ensuing battle are currently receiving treatment at the AMISOM Forward Operating Base (FOB) in Bilis Qooqani. “At about 00:30 hours, Jubaland Security Forces stationed in Bilis Qooqani were attacked by about 20 Al-Shabaab terrorists from three different directions. Our Bilis Qooqani defense points immediately responded by dispatching one platoon to support our Somali counterparts. Three Al-Shabaab militants were killed and several others wounded during the attack which was successfully repelled,” Brigadier Paul Njema, AMISOM Sector 2 Commander said. Sector two is the southernmost AMISOM frontline sector based in the border town of Dhobley which sits across the common border between Somalia and Kenya. The sector is manned by Kenya Defence Forces (KDF) who have forward operating bases in 10 other towns apart from Bilis qooqani which came under attack. Ambassador Madeira, SRCC and Head of AMISOM, hailed AMISOM Kenyan forces for the courage, bravery and professionalism displayed in Bilis Qooqani. He congratulated them for yet another victory against Al Shabaab, as they fulfill AMISOM mandate in Somalia. AMISOM MEDIA
-
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax maanta galinkii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lala eegtay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Gaarigii guddoomiyaha Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka, xili uu Guddoomiyihu ka baxay xafiiskiisa, waxaana loo adeegsaday gaari Nooha ah (Toyota Noah minivan), kaas oo ku dhacay gaariga Guddoomiyaha. Qaraxa waxaa ku dhintay dadku ku dhow 10 qof oo ku jiro guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa. Bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah Dad rayid ah ayaa qaraxa ku dhintay waxaana kamid ah sida ay goobjoogayaal u sheegeen Puntland Post, 2 haween ah oo saarkaa Mooto Bajaab maraysay wadada, kuwaas oo hilbahoodii googo’een, halka wadihii Bajaajbta uu soo gaaray dhaawac culus. Sidoo kale dad rayid ah oo marayey hareerara wadada weyn ee bartaha Gaalkacyo oo ahayd meeshii qaraxu ka dhacay ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas, inkastoo oo aan tirakoobkood rasmiga ah aan la ahayn. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddaa qaraxa, waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug ayaa cambaareeyey qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Dad rayid ah oo ku dhintay qaraxii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
The Kenya Defence Forces (KDF) launched sustained overnight airstrikes targeting Al-Shabaab militants following an attack at Khorof Kharar Police Post in Wajir on Saturday morning. According to a security official, the airstrikes were directed at possible hideouts of the militants along the Kenya-Somalia border. In an interview with the Nation, Wajir County Commander Thomas Ngeywa said that the terrorists might have suffered an unknown number of casualties following the airstrikes. HEAVY CASUALTIES “Our counterparts from the KDF launched aerial strikes against the Shabaab militants at night in response to an earlier attack and we suspect they might have suffered heavy casualties in the process,” said Mr Ngeywa. “We however can’t tell the exact number of the casualties,” he added. During the raid, the militants destroyed a Safaricom communication mast in what appeared like a simultaneous attack aimed at disrupting communication in the area. The Al-Qaeda-linked militants also looted an armoury and made away with three rifles according to a security official. The militants are also said to have planted Improvised Explosive Devices (IEDs) on the Qarsa-Konton route. It is believed that some officers might have sustained injuries after their vehicle ran over an IED. TERROR ATTACKS He said that security forces will step up their war against the Somalia-based terror group. The number of terror attacks in the region have increased this year. Khorof Kharar is currently among the terror hotspots in Wajir County. It is about 30 km from the Kenya-Somalia border. Source: Daily Nation
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyey dilkii loo geystay guddoomihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Axmed Muuse Nuur Yarre oo maanta Gaalkacyo ugu geeriyooday qarax lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Mudug ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa tacsi u diray maxada iyo dhammaan shacabka dowlad doboleedka Puntland iyo weliba Eleadii uu ka baxay guddoomiyahii gobolka Mudud waxaa uu xusay in muruga iyo tiiraanyada ay la qeybsanayaan shacabka dowlad goboleedka Puntland waxuuna yiri mar uu arrintaas ka hadlaayey. “Waxaa nasoo gaartay in cadowga Argagixisada ah ay qarax ka geysteen dowlad goboleedka walaalaha ah ee aan deriska nahay uuna ku dhintay guddoomiyihii gobolka Mudug, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa madaxda, shacabka iyo dhammaan reer Puntland waxaana uga tacsiyeenaynaa dhibaataaas Argigixisadu geysatay insha allah waana ay heli doonaan waxaa ay mudan yihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gaban gabeeyey Madaxweynaha. Hadalka galabta ka soo yeeray madaxweynaha doowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta magaalada Gaalkacyo oo ay wada maamulaan labada dhinac Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur Yarre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ah ayaa horay u sheegay in ku dhawaad shan jeer uu ka badbaaday shirqoollo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku khaarajiyaan. Allaha u naxariistee Axmed Muuse ayaa wareysi uu bixiyey dhawaanahaan waxa uu ku sheegay in laamaha ammaanka, gaar ahaan ciidanka PSF-ta Puntland ay uga digeen isku dayo dil oo lala damacsan yahay, waxuuna intaas ku daray in saraakiisha ammaanku ay kula dardaarmeen in uu is ilaaliyo shirar iyo goobaha lagu beegsan karana uusan tegin. “Qolada PSF-tu waxay igu yiraahdeen taxadar, qorshayaal kugu socdaa jiree, waxaa jirtay in dhawaan jaakad qarax ah laga soo saaray guri ku yaalla magaalada Gaalkacyo, lamana qaban qofkii watay baaritaano ka dibna waxaa soo baxday in PSF-tu igu wargeliso in aan taxadaro” ayuu yiri xilligaas marxuum Axmed Muuse. Isaga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yiri, “Ilaaheybaan tala saartay anigana ima dili karaan Al-Shabaab, shaqadeydana si daacad ah ayaan u qabsadaa, hada ka horbey I qarxiyeen oo aysan waxaba I gaarin oo gaarigii kaliya iga baaba’ay, marbey u soo dhaceen gurigeyga si ay ii khaarajiyaan, mar kale ayey igu sugeen hotel aan deganaa hortiisa, balse markaas aniga oo gaari wadan ayuu Alle igu soo beegay oo aan iska gudbay, marka anigu kama baqayo waxna ma dili karaan Alle ayaa wax dila, mida kale qof is dilaya cid iska waardiyey karta malahan.” Sidoo kale 4-sano ka hor ayuu sidaan oo kale Axmed Muuse uga hadlay arrimaha Al-Shabaab xilligaas oo uu sheegay in uu uga go’ay goobihii cibaadada, dhex galkii bulshada iyo kaalmeyntii dadka dan yarta ah oo hadii uu gaari wato uusan horay u sii dhaweyn karin, taasna ay ku kalifeen Al-Shabaab. “Waxaan soo marnay waqti uu dalkeena gumeyste heystay, balse waqtigaas diinteena ayaan ilaashan karnay, hada waxaa yimid dad diintii kugu dulminaya, xaafidul Qur’aan ilmaha kaa kaxeysanaya, oo qarax kuugu soo xiraya ayaa hada soo baxay, taas ayaana gumeysi ka daran, anaga waxaa nagala rabaa in aan dadka u sheegno in Shabaabka na gaaleysiinaya ay iyagu gaalo yihiin,” ayuu yiri marxuum Axmed Muuse Nuur afar sano ka hor. Xilligaas waxa uu intaas ku daray, “Ma garanayo waqti iigu dambeysay in aan jameeco tago, oo masjidkiibaa la iga ceyrsaday, aadanihii ayey cabsi ku abuureen, dadkii iskuma lugeynayo oo isma aamini karo, argagax ayey ku abuureen bulshada, laakiin waxan maanta ku dhiiranayaa in aan idiin sheego in Shabaabku gaalo yihiin, diinta Islaamka iyo noloshaba kasoo hor jeeda. “Hadaan safar ahay dhalinyarada ma qaado waxaan ka baqaa in uu I qarxiyo, waana asxaan darro Cadaylaha ma qaado maanta, waa qaadi jiray waagii hore qofka Islaamka ah wado loogama tago , kii tuugsanayey ayaan ka baqay, axsaankiibaa lumaya, islaamnimadii iyo ajarkiiba lumaya Ilaahey hanaga qabto ee aan iska helino shayaadiinta” ayuu xilligaas ku yiri bulsho uu khudbeynayey. Axmed Muuse Nuur ayaa maanta duhurkii lagu khaarajiyay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii gaari uu watay lagu dhuftay gaari NOAH ah oo qarax ku rakibanyahay, kaas oo uu ka xeynayey qof naftiisa halige ah, waxaana halkaas kula geeriyooday seddax ka mid ah ilaaladiisii. Hoos ka dhageyso codka marxuum Axmed Muuse oo sheegaya in la dili rabo https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/COD-Guddoomiyaha-Gobolka-Mudug.mp3
-
At least four people including the governor of Mudug, a region in Somalia’s semi-autonomous state of Puntland were killed in a suicide bomb attack, witnesses said, in an attack claimed by the Al-Qaeda linked group al-Shabaab. The attack on Ahmed Muse Nur, governor of Mudug region, happened in the regional capital of Galka’yo on Sunday, May 17. Officials said. A suicide bomber driving explosives-laden motorized cycle rammed into the governor’s vehicle outside the headquarters of Mudug region killing him and three of his bodyguards instantly. Said a witness. “We heard a huge blast and soon clouds of smoke went into the air. Before the blast, the governor accompanied by his bodyguards were seen moving out of the regional headquarter” added another witness. Security officials have confirmed that the explosion was very strong and has caused serious damages. In late March, the governor of Nugaal region in Somalia’s Puntland state was also killed in similar circumstances. Alshabab claimed full responsibility for the bomb attack that left the governor dead through a statement posted on its affiliated media online sites. “The governor of the apostate administration in the Mudug region was killed in a martyrdom operation in Galkayo today.” Alshabab said in a statement. The militant group, together with a branch of the Islamic State in the country, operate in Bari Regin’s Golis mountain ranges. Both groups have been carrying out attacks and assassinations against Puntland security forces, who have been struggling to expel the militants from the region. Al Shabaab frequently carries out bombings to try to undermine Somalia’s central government, which is backed by the United Nations and African Union peacekeeping troops. The most deadly attack blamed on al Shabaab was in 2017 when a truck bomb exploded next to a fuel tanker in Mogadishu, killing nearly 600. .
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxii maanta ka dhacay gobolka Mudug, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur , dowladda ayaana cambaareysay qaraxaasi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca dowladda ayaa sheegay in ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan shacabka Magaalada Gaalkacyo ee maanta weerarka lala beegsaday oo waxyeeladu ka soo gaartay. Wasiirka Maareeye ayaa xusay si kulul u cambaareeyaan weerarkaas uu ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo lagu dilay gudoomiyihiii gobolka Mudug Allaha u naxariisto Axmed Muuse Nuur yare iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ku dhaqnaa woqooyiga magaalada Gaalkacyo sida lagu xusay qoraal ka soo baxay wasiirka Warfaafinta. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Galka’yo (PP News Desk) — The Governor of Mudug Ahmed Muuse Nur and three soldiers died after a tuktuk laden with explosives was rammed into the vehicle of the governor earlier today in North Galka’yo. Al-shabaab has claimed responsibility for the attack. A senior security officer in Galka’yo told the media the attacker targetted the governor’s vehicle in an area near the headquarters of the regional adminstration. President of Puntland State Said Abdullahi Deni sent condolences to the families of the late governor and the three soldiers who lost their lives in the attack. Puntland State condemned the perpetrators of the terrorist attack in Galka’yo. In March Al-shabaab used a similar tactic to assassinate the governor of Nugaal Abdisalam Hassan Hirsi. The deteriorating security situation in Mudug has prompted some people to question the effectiveness of the security reforms initiated by the incumbent Puntland State administration. © Puntland Post, 2020 The post AL-SHABAAB ASSASSINATES MUDUG GOVERNOR appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab Caafimaadka geysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka galmudug taasi oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka dalka kusii faafaya ee covid-19 . Agabkaan oo isugu jiray Sariiro iyo qalabkale oo looga hortaga cudurka safmareenka ayaa waxaa kala wareegay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ay ku bogaadiyeen dadaalka wasaaradda ay dowlad-goboleedyada ku geyneyso daawooyinka iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo ka hortaga cudurkaan qatarta ah Karoona Feyrus. Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka soomaaliya ayaa waxa ay maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga iyo xakameynta Covid-19 u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan galineyso sidii loo xakameyn lahaa caabuqaan aduunka uu sida xooggan ula dagaalamayo ee covid-19 iyadoo la kaashaneyso dhammaan dowlad-goboleedyada dalka si loo ilaaliyo bad-qabka shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Israel ayaa raadineeysa inay dib usoo celiso xiriirkii diblamaasiyadeed ee ay la lahayd Dowladda Turkiga iyadoo labada dhinacba ay safiirro isu magacaabayaan, sidaa waxaa wargeyska Middle East Eye u sheegay sarkaal Israeli ah. Waxa uu xusay in labada dowladood ay dano isku mid ah ka leeyihiin, Syria iyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah. War laga helay dad isticmaala warbaahinta bulshada ee Turkiga ayaa sheegay in Israel ay soo jeedisay in ay Turkiga la sixiixato heshiis xadeynta badda Mediterranean-ka ah, kaasi oo la mid ah mid ay sanadkii lasoo dhaafay la gashay Libya, sii loo wiiqo qorsha Greek-gu uu doonayo in uu dhinaca ugu riixo Turkiga. Qoraal muujinaya suurta-galnimada in xiriirka lasoo celiyo oo lagu daabacay akoon rasmi ah oo Twitter-ka ah ayaa lagu sheegayin Israel ay ku faaneeyso xiriirka diblamaasiyadeed ee Turkiga ay la leedahay ayna rajeyneyso in xiriirku uu sii xoogeysto mustaqbalka. Dadka indha-indheeya xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Israel ay iska indho tirtay qoraal ay saxiixeen xulafadeeda oo Dowladda Turkiga ku cambaareeynaya dhaq-dhaqaaq sharci darro ah, gaas qodis iy is-bal-aarin ay ka wado bariga Mediterranean-ka. Qoraalka waxaa sixiixay wasiirada arrimaha dibadda ee Cyprus, Masar, France, Greece iyo the Imaaraadka. “Weligeen Turkiga kalama aanan hadlin xadeynta badda, xitta barisamaadkii xiriirka labada dhinac ee sagaashamaadkii,” ayuu sarkaal Israel u dhashay u sheegay Middle East Eye. “Waxa aan raadineyno hadda waa xiriir rasmi ah oo aan la yeelano Turkiga. Haddii aanan xiriir yeelan, waxa aan wada jir u gaari karno ayaa yar.” Sarkaalku waxaa uu sheegay in Turkiga uu safiir ku leeyahay Greece inkasta oo xiisad ay kala dhaxayso. “Imaaraadka Carabta iyo Turkiga xitaa dhibaatooyin ayaa ka dhaxeeya laakiin Imaaraadka safiir ayaa u jooga Ankara,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray. Mar la weydiiyay warka lagu cambaareeyay Turkiga ee ay Israel ka maqnayd, ayuu sarkaalku ku jawaabay in Israel aysan marnaba qayb ka noqon kooxdaas. “Keliya waxaan xubin ka nahay madasha Gaaska ee bariga Mediterranean-ka, kaasi oo fadhigiisu yahay magaaladda Qaahira. Turkiga iyo Israel safiirro uma kala joogaan caasimadahooda tan iyo markii uu Maraykanku safaaradiisii Tel Aviv u raray Qudus, bishii May ee 2018-kii. Kadib markii ciidanka Israel ay xuduudda Israel iyo Falastiin ku dileen dad badan uu dhashay Falastiin ayaa Turkigu ku amray safiirkii Israel in uu si ku meel gaar ah uga baxo wadanka, waxaana uu u wacay safiirkiisii Tel Aviv. Sarkaalka Israel waxaa uu sheegay in arrinta Syria ay tahay mid ka mid ah sababaha ay labada Dowladood xiriirkooda u soo celinayaan. “Sidoo kale ururka ay taageerto Iran ee Xisbullah waxaa uu caqabad ku yahay ciidanka Turkiga ee Idlib, iyo ciidankeena koofurta Suuriya. Taasna waa dan aan ka mideysannahay, iyo sidoo kale tamarta,” ayuu yiri sarkaalku. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in Israel iyo xukuumadda Ankara ay ku dhowaayeen in ay ku heshiiyaan in gaaska Israel la geeyo Tukiga ka hor intii uusan xiriirkoodu bur-burin. Israel waxa ay Turkiga ka caawisay horraantii bishaan in uu shixnad dawo ah gaarsiiyo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, Ankara-na waxaa ay ogolaatay in Isbitaaladda Israel ay dhoofsadaan qalab caafimaad oo lagula dagaalamo Coronavirus. Si kastaba uma muuqato in xiriirku soo hagaagayo iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo xiriirka uu la leeyahay Erdogan uusan wanaagsaneyn uu ku guuleystay in uu soo dhiso Dowlad kadib saddax doorasho oo sanad gudihiis ah. Turkigu waxa uu rajeynayay in Dowlad uu hogaaminayo Benny Gantz ay horseedi lahayd dib u heshiisiin. Laakiin taas bedelkeeda, isbuucaan waxaa la dhaariyay Dowlad isbaheysi ah oo heshiis ku ah in ay Daanta Galbeed lagu daro Israel.Taas Turkiga ma aqbali doono.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. “Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhinaca kale si kulal u cambaareeyay falkii beegsaday Xarunta guddoomiyaha Gobolka Mudug waxaana madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryay intii ku dhimatay weerarkaasi in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay in uu u boogadhayo, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo.” Hadalka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maanta qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo lagu dilay goddoomihii gobolka Mudug, kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-Shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-17052020.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
