-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Minneapolis (HOL) - A Minneapolis venture capitalist who led the campaign to "Save Lake Calhoun" from reverting its name to Bde Maka Ska has lost his office lease after a viral video of him racially profiling a group of Somali entrepreneurs at an Uptown Minneapolis office building garnered condemnation throughout Minnesota and beyond. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-280520.mp3 View the full article
-
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa saaka oo Khamiis ah warbixin ka soo saartay xaaladda Xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland iyo kiisaskii u dambeeyay ee la diiwaan-geliyay. Warbixin lagu daabacay bogga wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in baaritaannadii u dambeeyay lagu ogaaday in hoos u dhac ku yimid kiisaska la xiriira Xanuunka COVID-19 ee laga helay gudaha Puntland. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu xusay in mudadii u dhexaysay 22-28-kii bishan May xanuunka laga baaray dad gaaraya 87 ruux balse laga helay 8 bukaan oo keliya kuwaas oo kala jooga gobollada Mudug iyo Nugaal. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay xanuunka ay haatan gaartay 178 ruux kuwaas oo ay ku jiraan 6 bukaan oo u geeriyooday iyo 15 qof oo ka bogsaday xanuunka. PUNTLAND POST The post Hoos u dhac ku yimid kiisaska Xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa magacaabay Guddiga Wasaaradaha ee Mashaariicda Xalka waara. Dikreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Waare, ayaa lagu sheegay in Guddigaas oo ka kooban 9 Xubnood ay u xilsaaran isku dubaridka iyo mashaariicda xalka waara, taasi oo qeyb ka ah Xal u helida Biyaha Had iyo jeer ku fataha Magaalada Beledweyne iyo Guud ahaan Degaanada Hirshabelle. Guddiga ayaa ka kooban Wasaaradaha Qorshaynta, Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Biyaha iyo Tamarta, Beeraha iyo Waraabka. Sidoo kale, Guddiga waxaa ku jira Guddoomiyaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Xafiiska Mashaariicda Xalka waara u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo magacaabay Guddiga Mashaariicda Xalka Waara appeared first on Puntland Post.
-
Madaxeynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee magaalaa Cadaado iyo wararka sheegaya in ay jiraan dad COVID-19 ugu geeriyooday Cadaado. Kadib kadib markii uu shalay gaaray halkaas ayuu ka hadlay u jeedada safarkiisa isaga oo tilmamaay in uu la xiriiro socdaalkiisu ogaashaha xaaladda caafimaad iyo mid shaqo,waxaana uu tilmaamay in wax badan laga qaban doono xaaladaha caafimaad ee ka jira Cadaado iyo degaanada hoos taga. Dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay in ay ka waantoobaan wax kasta oo u keeni kara dhibaato caafimaad maadaama Corona uu ka dilaacay Cadaado waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in aan la dhayeelsan. Maamulka Galmudug ayuu tilmaamay Qoor qoor in uu kala hadlay dowladda sidii qalab caafimaad loo gaarsiin lahaa Cadooda isla markaana ay geysay balse dadkuna ay tahay in ay qaataan kaalintooda. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegay magaalada Cadaado tan iyo doorashadiisii waxaana uu inta uu ku suganyahay uu kulamo la qaadan doonaa maamulada iyo bulshada magaalada Cadaado. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay gurmadka Caafimaad ee la geeyay Cadaado appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Diyaarad siday agab caafimaad gelinkii dambe ee Shalay ka dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado. Diyaaradda ayaa sidoo kale waxaa la socday dhakhaatiir caafimaad oo baaritaanno la xiriira COVID-19 ka soo sameeynaya degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, si dheecaanada halkaasi laga soo qaado loogu baaro shaybaarka Muqdisho. Agabka caafimaadka oo isugu jirta marada wajiga lagu xirto, (Face mask), gacmo gashi, sariiro, qalabka dadka neefta siiya iyo agab kale ayaa lagu wareejiyay guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo ka mahadceliyay gurmadka deg deg ah ee lasoo gaarsiiyay. Guddoomiye Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa xusay in dhakhaatiirta ay dowladda Federaalka u soo dirtay Cadaado ay sameynayaa baaritaanno bukaano looga shakisanyahay in ay qabaan cudurka, balse jawaabta saxda ah laga sugi doono marka ay dhamaato baaritaannada. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo gurmad Caafimaad gaysay Cadaado appeared first on Puntland Post.
-
Anger over the death of George Floyd spilled into the streets of Minneapolis for a second night Wednesday, as protesters lobbed rocks and bottles at police and gathered separately outside the homes of Hennepin County Attorney Mike Freeman and the fired officer who knelt on Floyd’s neck. Source: Hiiraan Online
-
Elwak, the second most populous town in Mandera County, is set to become a municipality after members of the county assembly voted to elevate its status. Source: Hiiraan Online
-
Six months ago, Beledweyne, a town in central Somalia was battered by heavy rainstorms. The flooding destroyed houses, crops and roads, and displaced thousands of families. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka iyo golaha wasiirada ee kasoo jeeda Beelaha Mogadishu Clan ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulankan, oo ka dhacay Hotel Doorbin, ayaa looga hadlayey sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare, xilli iminka la sugayo in go’aan la gaaro qaabka doorashooyinka dalka ka dhacaya uu gobolka ugu lug yeelan karo. Guddi isku-dhaf ah oo ka kooban xildhibaano ka tirsan laba Aqal ayaa dhameystiraya sharciga doorashooyinka dalka, ayaga oo go’aan ka gaaray arrimo ay ka mid yihiin waxa laga yeelayo gobolka Banaadir iyo arirnta Somaliland. Shirkii xalay ayaa waxaa ka qeyb gala Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiirka Ganacsiga Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiir Ku-xigeenka dekadaha Cusmaan Daallo, Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo xildhibaano badan Si kastaba kulanka ayaa waxaa ka maqnaa inta badan Wasiirada Beelaha Mogadishu Clan ku matala Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, oo la sheegay inay kulankan uga baaqdeen cabsi ay xilalkooda ka qabaan. Ma jiraan qodobo kasoo baxay kulanka, hase yeeshee dhinacyada ayaa eegayey waxa laga yeelayo haddii mar kale gobolka Banaadir la duudsiiyo xuquuqdiisa doorashooyinka soo aadan. Kulamo kale oo sidan oo kale looga hadlay arrintan gobolka Banaadir, ayaanay kasoo bixin natiijo la taaban karo, hase yeeshee dadaalladan ayaa la rumeysan yahay in cadaadiska ku kordhin doonaan dowladda federaalka. Gobolka Banaadir waa kan kaliya ee dhaqaalihiisa ay ku tiirsan dowladda, hase yeeshee inta badan dhaqaalihiisa ayaan gobolka wax loogu qaban, waxaana lagu quudiyaa xildhibaano iyo wasiiro intooda badan ka yimid gobollo kale. Dadka qaar ayaa rumeysan in sida kaliya ee gobolka uu isaga dulqaadi karo culeyska aan loo sineyn ee dowladdu ku hayso shacabkiisa ay tahay ayada oo caasimadda loo raro magaalo kale, dowladda isaga tago, oo dadka gobolka ay aayihiisa u madax-banaanaadan.
-
Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Dalka Sacuudiga Ugu yaraan 6 Ruux ayaa ku geeriyootey weerar ka dhacay Boqortooyada Sacuudi carabiya sida ay sheegeyaan Warbaahinta gudaha oo soo xiganaya laamaha ammaanka dalkaas. Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Al-Amoah oo ku yaalla koonfur galbeed dalkaas, waxaana wali ay Booliisku baadi goobeyaan raggii ka dambeeyey qaarkood oo baxsaday. Faahfaahin lagama bixin sababta iska horimaadka dhalisay iyo cida ku lugta laheyd inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu dhexmaray rag ka soo jeeday labo qoys oo khilaaf uu soo kala dhex galay. Dowlada Sacuudiga ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarkan oo sidoo kale saddex qof ay ku dhaawacmeen. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gudbiyey habraaca loo marayo soo xulista xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya kasoo gelaya deegaanada Somaliland, marka la gaaro dabayaaqada sanadkan. Habraacan, oo weli qabyo ah, lagana yaabo in waxa laga beddelo, ayaa waxaa soo saaray guddiyo isku dhaf ah oo ka kala socda labada gole ee baarlamaanka federaalka, kuwaas oo loo xil saaray inay kasoo tala bixiyaan sharciga doorashooyinka oo markii hore aan qeexeynin hanaanka loo marayo soo xulidda xubnaha Somaliland ku metela dowladda federaalka iyo qodobo kale, waxaana guddigaas hoggaaminaya Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow. Habraacan ayaa u eg kii doorashadii 2016, waxaana lagu sheegay in xildhibaankiiba ay soo dooranayaan ergo ka kooban 75, ayada oo doorashaduna ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho. Xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa kulan ka dhacay Talaadadii 26-kii bishan waxaa isugu yimid xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka federaalka, waxaana laga hor akhriyey habraacan cusub. Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo ka socday xukuumadda, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirrada kala ah Maareeye iyo Beyle, waxayna la dhacsanyihiin xubnahan ku jira xukuumadda, qaabka loo soo diyaariyey habraacan. Hase yeeshee waxaa habraacaan si adag uga soo hor jeestay siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland, waa kuwa aan ku jirin xukuumadda, si kale hadii loo dhigana waa kuwa mucaaradka ah. Xubnaha ka hor yimid habraaca cusub waxay la hadleen warbaahinta, waxayna sheegeen in xukuumaddu ay afduubaneyso doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay gobollada waqooyi ee Somaliland. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka ka mid ah xildhibaanada golaha shacbaka ee gobollada waqooyi kasoo galay baarlamaanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay soo qoratay qaabka ay u soo xulaneyso xubnaha baarlamaanka federaalka kasoo gelaya Somaliland, isla markaana ay u diyaarsatay dad gaar ah, waxuuna tilmaamay in taasi ay muujineyso in dadka gobollada waqooyi kasoo jeeda aysan u madax banaaneyn inay kuraastooda doortaan. Sidoo kale waxay beesha caalamka u direen warqad ay uga cabanayaan habraacan cusub, waxayna ku soo bandhigeen qoraalka ay ku gudbiyeen dacwadaas qodobo ku yaalla dastuurka oo ay sheegeen in lagu xad-gudbay, iyaga oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu afduubtay habsami u socodkii howlaha doorashada dalka. Hoos ka aqriso habraaca muranka dhaliyey
-
Dawlada ugu Tunka weyn Dowladaha taageerada ciidan siiyey Gen. Khalifa Haftar oo ku baaqday Wadahadal deg deg ah Dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa guulo waa weyn ka gaartay dagaalka ay kula jiraan ciidamada uu Hogaamiyo Janaraal Khalifa Haftar ay taageerayaan dowlado ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Masar. Ruushka oo lagu tuhmayo in uu taageerayo janaraalka doonaya in uu xoog kula wareego talada dalka Liibiya ee Khalifa Haftar ayaa ku baaqay in xaalada dagaal la qaboojiyo wadahadl deg deg ahna la furo. Xukuumada Moscow ayaa soo jeedisay hindise xabad joojin deg deg ah iyo wadahadal siyaasadeed oo lagu dhameynayo xiisadda Libya ka taagan gaar ahaan dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Daacada u ah Khalifa Haftar. Ruushka ayaa taageero ku siinayay dagaalka Janaraal Khalifa Haftar oo hada lagu jabiyay dagaalka Tripoli, waxaana Ruushka si qarsoodi ah Liibiya u geeyay calooshood u shaqeestaaal Ruush ah iyo diyaarado dagaal oo caawinaya xulufata Khalifa Haftar. Ciidamada dowladda Liibiya oo taageero ka helaya Milatariga Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabsaday goobo muhiim ah oo kuyaala Caasimada oo ay horey u haysteen ciidamada Jeneral Khaliifa Haftar. Qaran News
-
Xildhibaanow Xusuusnow Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo. Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah. Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay. Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020. Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News soo dhacay bartamaha 2020. Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020. In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi ka dib markii shuruud laga dhigay. In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku. Sidaas ay tahay waa laguu cad gooyay. Cidi kaama hor joogto in aad keligaa go’aan ka gaarto qaabka aad doonto in ay doorashadu noqoto iyo waliba goobta kursiga la dhigayo aad ku tartami lahaydeen. Waxa keliya ee Xildhibaanow aan ku xusuusinayo waa in haddii tirada dadka Soomaaliya ay tahay 15 milyan ay Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanku ay ka noqonayaan Boqolkiiba 0.002. Haddii Xildhibaannada Baarlamaanka iyo ergooyinka soo dooratay la isku darana aad tihiin boqolkiiba 0.09 shacabka Soomaaliya. Waa tiro ka yar boqolkiiba hal aad madax ugu tihiin inta kale oo ah boqolkiiba 99 iyo dheeraad. Doorasho xilligeedi kuma dhici karto oo waan aragnaa in laga gaabiyey. Mana aha Corona oo ma aragno howl doorasho oo socotay oo Corona uu hakiyay. Kordhin farsamo oo lama huraan ah waa ku qabatay oo waa la qaadan. Marka aad go’aan gaareyso, meelmarin iyo fulintiisa adiga lagaa rabo laaca keliya lama eego. Xisaabta ku darso xaqiiqada ku hor iyo hareera taalla oo u qeybsameysa maxaa Soomaali ka suurta gal ah haddii la baajiyo doorashada? Iyo maxaa ka suurta gal ah ajnabiga kala danaha ah ee qaar noo hayo amniga, qaar na siiyo deeqaha, qaar naga taakuleeyo siyaasadda iyo diblomaasiyadda qaarna uu shidaalka iyo kalluunkeenna ku rabo lacag la’aan ama sida ugu jaban ee suurta gal ah. Yuusuf Garaad – Waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, danjirihii hore ee Soomaaliya ee QM iyo madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. Qaran News
-
Maxay Ilhaan Cumar ka tidhi dilka ninkii madowga ahaa? Ilhan Omar Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geeysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target. Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd. Ilhan Omar ayaa booliska ku dhaleeceysay isticmaalka rasaasta cinjirka ah iyo sunta ka ilmeeysiisa ee dibadbaxyaasha Minneapolis, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay booliska u geysteen George Floyd oo ahaa nin madow ah. George Floyd. “U adeegsashada rasaasta caagga ah iyo sunta ka ilmeysiisa dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo ay ku jiraan caruur, marka sidaa darteed marnaba looma dul-qaadan karo,” ayay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku daabacday. ”Waxa maanta ka dhacaya magaaladeena waa arrin ceeb ah, boolisku waa iney is xadidaan, bulshadeenuna waxay u baahantahay waqti ay ku dawoowdo.” Dhanka kale Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd. Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: ” George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.” Lakiin caradii ka dhalatay dilkaa ayaa wali la dajin la yahay, waxaana sii xoogeeysanaya dibadbaxayda iyo rabshadaha magaalada Minneapolis. Qabanqaabayaasha ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaa inuu dibadbaxa u dhaco si nabad, iyaga oo raacaya tallooyinka kala fogaanshaha bulshda ee lagula tacaalayo faafidda cudurka corona. Dibad baxaaysha ayaa ku dhawaaqayay erayada “Ma neefsan karo.” Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn. Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay “hadda yihiin shaqaale hore.” Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh “Ma neefsan karo”, iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd. Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka. Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay damacsan yihiin in dalka ay geliyaan jawi dagaal ka hor doorashooyinka dalka Duulaanka ka dhanka Al-Shabaab ayaa la filayaa inuu ka billowdo ilaa afar maamul gobaleed oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Goballada la filayo in duulaanka ka billowdo ayaa waxaa kamid ah Shabeellada hoose, Galgaduud, Shabeellada dhexe, Jubada Dhexe oo ka kala tirsan dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Saraakiisha militariga ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid la doonayo in Shabaab looga xoreeyo deegaano badan ka hor inta aan madaxda hadda jirto waqtigu ka dhammaan, hase yeeshee mucaaradka ayaa rumeysan in dano kala lala leeyahay. Xildhibaanada mucaaradka qaarkood ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qorshahan ka dhanka Al-Shabaab uu yahay mid la doonayo in doorashada dib loogu dhigo si beesha caalamka iyo Soomaalida kale looga dhaa-dhiciyo in dalka ay ku faran tahay saddex arrin oo kala ah. Covid-19, Fatahaado iyo Jawi dagaal. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Soomaaliya oo ay ka harsan tahay muddo 6 bil oo kaliya lamana oga sida ay ugu suurta geli doonto arrintaas. Si kastaba, militariga ayaa ku adkaystay in arrintasan ay tahay mid amni oo aan siyaasad ku lug lahayn
-
Wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, danjire Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite ayaa ku guulaystay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarashada ee dalka JSL. Wasaaradda waxbarashada ee dalka UAE ayaa bogeeda ku dartay in Somaliland ka mid tahay dalalka ay ogolaatay shahaadadeeda waxbarasho. Bahda waxbarashada ayaa soo dhaweeyay talaabadan oo ay u sheegeen inay tahay mid kor u qaadaysa niyadda ardayda reer Somaliland. Wakiil Muniir, ayaa la sheegay in afartii bilood ee u dambeeyay uu hawshan ka shaqaynayay oo uu dedaal u galay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarasho ee JSL. Geeska Qaran News
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-Shabelle-270520-ww.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay xerada Banyooley oo ka tirsan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, gaar ahaan xuduudda Kenya, kadib markii uu safar muddo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Janan uu la yimid hub iyo lacag islamarkaana uu dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay gobalka Gedo. Ugu yaraan 100 qori oo AK47 ah, rasaas farabadan iyo mushaarka muddo saddex ilaa laba bil ah ayaa la sheegay in laga soo siiyay Nairobi, waxa uuna dhaq dhaqaaq kawadaa aagga dagaal ee Beladxaawo. Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay dhowr jeer ay maqleen rasaas lagu sheegay dhoola-tus, halka qaar kale ay sheegeen in ciidankiisa ay sameynayeen Dab rid, taas oo abuurtay baqdin xoog leh. Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war qabaan dhaq dhaqaaq ciidan ee wasiir Janan islamarkaana ay diyaar u yihiin wax ay ugu yareen is-difaac. Dadka degaanka ayaa ka cabsi qaba in markale gobalka ka dhacdo dagaal muddo bilo ah ay daganaansho ka jirtay kadib. Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya kal hore ku eedeysay in gobalka ay ka wado xasiloonin darro amni iyo mid siyaasadeed.
