-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Britain ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 15,000 oo Geniga Ingiriiska iyo Kharashka Dacwadaha, kadib markii ay Hay’ad Islaami ah ku eedeeyeen inay Muhaajiriinta Soomaalida u soo tahriibiyaan dalalka Europe. Wargeyska waxa uu bishii December 10-dii ee sannadkii hore ee 2020-kii qoray Maqaal ku xidhiidhinaya Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ee Xarunteeda Dhexe ku taallo dalka UK inay Muhaajiriinta Soomaalida ka taageeraan sidii ay u soo gaadhi lahaayeen dalka UK. Waa markii Labaad ee ay Hay’adda Al-khair loo xukmiyo Lacago Magdhow oo la xidhiidha Warbixinta beenta ee ay qaar ka mid ah Warbahinta UK ka faafiyeen. Bishii April ee sannadkan, Wargeyska kale ee The Times waxay oggolaadeen inay bixiyaan Ganaax lacageed oo dhan 50,000 oo Giniga Ingiriiska, Kharajka Dacwadaha iyo inay bixiyaan Raalli-gelin Daabacan, kadib markii ay Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ka qoreen Warbixin aan raad lahayn oo ku aadan inay Hay’addaasi ku lug leedahay Is-xambaarka Muhaajiriinta ku sugan dalka Giriiga. Warbixinta Wargeyska The Times qoray ayaa waxa uu ku sifeeyey Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation iyo Asasaha Hay’adaasi oo lagu magacaabo Imaam Qaasim Rashiid Axmed inay ku lug leeyihiin Dembiyada Tahriibinta iyo sidii Muhaajiriinta Soomaalida ku sugan Turkiga uga taageeri lahaayeen sidii ay ku soo gaari lahaayeen dalalka Europe. Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ayaa soo dhaweeyey Xukunkasi, isagoo xusay inay Kharajka magdhowga u adeegsan doonaan Hawlaha Samafalka ee ay ugu adeegaan dadka nugul ee ku nool qeybo ka midah dalalka Caalamka. Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation oo la asaasay sanadkii 2003-dii waxay Adeegyada Samafalka ee 10-kii sano ee la soo dhaafay ku bixiyeen kharaj dhan 200 milyan oo Giniga Ingiriiska. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, Mudane Guuleed Saalax Barre ayaa ka fal-celiyey kulankii shalay dhex-maray mushrrax madaxweyne Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro). Guuleed Saalax ayaa shaaca ka qaaday in wax laga haboon yahay ay tahay in guddiyada doorashooyinka ay kasoo dhex-muuqdaan xarumaha ololaha doorashooyinka ee musharraxiinta, maadaama ay u dhexeeyaan xubnaha u tartamaya doorashooyinka. “Ma haboona in guddiyada doorashadu ka soo dhex-muuqdaan xarumaha ololaha musharraxiinta, maadaama ay dhex-dhexaad u yihiim dhammaan musharraxiinta,” ayuu qoraalkiisa ku yiri gudoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida iyo shaqada guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal. “Waxaa muhiim ah in laga durko wax walba oo u muuqda ama keeni kara kalsooni darro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Kulanka Khayre iyo Ciro oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii guddiga uga shaqeyn karaan doorasho madax banaan. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan si rasmi ah loo guda-galayo doorashooyinka dalka, maadaama lasoo saaray jadwalkii lagu wajihi lahaa doorashada. The post PUNTLAND oo ka hortimid kulankii dhexmaray Kheyre iyo Maxamed Cirro + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Galdogob, Puntland, Soomaaliya Wadanka Soomaaliya oo mudo dheer ku jiray dhibaatooyinkii ay keeneen dowlad burburku, waxaa dhinacyada dayacaad badani soo gaartay ka mid ah dhinaca juqraafiyada dhul, bad iyo cir. Maanta aduunka waxaa jehaynaya iclaanka technolojiyada xambaarsan oo uu ugu weyn yahay Internet-ku iyo arimaha la halmaala. Magaalada Galdogob waa degmo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Mudug, Puntland, Soomaaliya, qaybta muujisyada juqraafiga dhulka iyo wadamada ee shirkadda weyn ee Google waxay magaaladaasi ugu suntantahay in ay ka mid tahay dalka Itoobiya, lama garanayo sababta keentay arinkaan, ma satellite-kooda ayaa u qabtay in magaaladaasi ka mid tahay dalka Itoobiya, ma dowladda Itoobiya ayaa u gudbisay in ay Galdogob ka mid tahay dalkeeda lama garanayo. Shabakadda Wikipedia oo ah mid uruurisa macluumaadka aduunka, ahna shabakad aad loogu kalsoon yahay ayaa Goldogob ka qortay sidan: Galdogob, also spelled Galdogob, is a border town wholly administered by the semi-autonomous Puntland State of Somalia, and serves as the capital of the Galdogob District within the Mudug region.Wikipedia Galdogob oo sidoo kale loo qori karo Goldogob waa magaalo xuduudeed, dhamaan ay maamusho dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, waana magaalo madaxda degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Marin habaabinta ku jirta Google Map waa mid u baahan in wasaaradda teknolojiyadda ee Soomaaliya ay ka dacwooto, lana xiriirto shirkadda Google si dhakhso ah waayo shaqooyin badan oo dhinaca internet-ka ah ayaa ku xiran, magaalo dal ka tirsan basle dhinaca online dal kale ku astaysan waxay keenaysaa dhibaatooyin dhinaca sharciga ah . Tusaale qofka raba inuu u safro magaalada Galdogob, haduu internet-ka ka raadsho meesha loo maro magaalada ama habka lagu gaari karo, Google Maps waxay soo saaraysaa in magaaladu ay tahay Itoobiya taas oo markaa khasbaysa in qofkaasi fahmi waayo meesha wax ka khaldan yihiin. Sidoo kale waxaa xusid mudan in magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya uu Google places u yaqaan magaalo walba 2 ama 3 magac sida: (Muqdisho, Mogadishu) (Garoowe, Garowe) (Hargeysa, Hargeisa) taas oo keenaysa khalkhal dhinaca magacayada iyo weliba dhinacyada ganasiga iwm. Magacyada magaalooyinka Soomaaliya oo aan cadayn waxa ay nagu keeneen in aan si hagaagsan u adeegsan weyno google places api oo aanu uga baahannay samaynta barnaamijyada software-ka, waana dhibaato soo wajihi doonto cinwaan bixinta magaalooyinkeena, sidaa waxaa Puntland Post u sheegay Eng. Siyaad Cali Yuusuf oo ah maamulaha Shirkadda Ramaas Software Ltd iyo qoraa dhinaca teknolajiyadda. Ugu danbeyn waxaa loo baahan yahay in dawladda federaalka iyo maamulka Puntland kawada shaqeeyaan sidii loo saxi lahaa arinkaas waayo adeegyo badan sida safarada, ganacsiga iyo sharciga dhinaca online-ka ah ayaa ku xiran in magaalada Galdogob iyo kuwa kaleba lagu asteeyo dalka rasmiga ah ee ay ka tirsan tahay taas oo ah dalka Soomaaliya. © PUNTLAND POST The post Google oo Galdogob u aqoosan Itoobiya!! appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-ka illaa 2021-ka. Munaasabada oo ay soo qaban-qaabiyeen Agaasinka Waxbarashada maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxda sare maamulka gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Degmooyinka, Bahda Waxbarashada, Waalidiin iyo Marti Sharaf kale. Waxaa munaasibadaas lagu shaaciyey liiska 13-ka Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad, kaasi oo ay u fariisteen arday ka badan 25-kun, islamarkaana lagu galay 72 xarumood oo hoos yimaada gobolka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo asaguna qeyb ka ahaa munaasibada ayaa waxa uu ardeyda gudubtay iyo kuwa hartayba ku amaanay dadaalka ay muujiyeen, isagoona kula dar-daarmay in lagu dadaalo Waxbarashada si Bulshada u noqdaan kuwo aqoon leh oo jahliga la dagaalama. Wadarta guud ee Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir ee sanadkaan gudubtay ayaa waxaa lagu sheegay 24,198 arday oo isugu jira 10,275 Dumar ah iyo 13,923 Rag ah, waxaana dhacay gobolka dhan sanadkan arday dhan 1,687. Waxay noqoneysa sanadkii labaad oo xiriir ah oo uu qaado gobolka Banaadir Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee dugsiyada waxbarashada gobolka Banaadir ee caasimada, tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya. Hoos ka aqri magacyada ardayda gashay kaalmaha hore The post Magacyada Ardayda 10-ka kaalin ee ugu sarreeya ee Muqdisho oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
” kulmiye-nimaddu qaali bay igu joogtaa ” . In aan qabyaaladda la dagaalamo ,dadka isu Soo dhaweeyo xisbinimadanadana aan xoojiyo ayaan kulmiye isagga sharaxay anigoo og halista arrintaasi leedahey . Kulmiye in aan iska sharaxay awgeed waxaan ku waayay 3/2 (lsadex meelood labba codkii aan heli lahaa) , waxaana kulmiye awgii IGA codeeyey dadkii iigu dhawaa ehel iyo asxaab ntoodii badnayd iyagoo igu diidey kulmiye awgii . Maanta anagoo buuro dhaadheer iyo jarar waahwayn gurguurasho kagga Soo baxney Marnaba nama qabato in dad xisbiyo kale kasoo baxay nagu qabsadaan jidkii siraad ee aanu saawasaawaha kusoo maray . Wasiiraddii ku guuldaraystey in ay Hal xubin baarlamaan iyo deegaan xisbiga kasoo saaraana kama yeelayno in guushii aanu xiniinyahayagga ku keeney na seejiyeen . Ahmed Nour Guruje Qaran News
-
Sheekh Max’ed Cumar Dirir oo ka qeyb qaatey Olole Nadaafadeed saaka ka bilaabmay Hargeysa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirrir oo ka mid ah Culimadda Somaliland ee qayb ka ahaa olalaha naafadda dooxa weyne ee Hargeysa ayaa Culimada dalka ugu baaqay in ay qayb ka qaatan olale kasta oo lagu nadiifinaayo dalka . ” Sheekhu maaha in misaajid nadiifa iyo goob nadiifa uun uu suge waa inuu doorkiisa ka qaataa , waana mahadsan yihin maamulka dawladda hoose “. ayuu yidhi Sidoo kale wuxuu sheekhu yidhi ” Waxaan Jeclaan lahaa, haddii ay joogaan madaxdii dawladda hoose , inay madaxdii Ka Saraysay Ee dawladda dhexana Yimaadaan “ olalaha ayaa waxa ka qayb ahaa culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa Qaran News
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland security forces in Burtinle have detained several men driving a lorry carrying 30 dead dik-diks. The men stand accused of killing dik-diks for illegal trade. “We brought this problem to the attention of authorities several years ago. Poachers are killing wild animals that make our countryside a place visited by people every year” said a former member of Burtinle district council. Poachers were transporting dead dik-diks for sale in Puntland cities. Nugaal Police have arrested poachers who were on the way to Garowe to sell dead dik-diks to potential customers. “Poaching, deforestation and illegal enclosures in the countryside are major problems we have been grappling with for a long time. We ask the Puntland government to enact laws against those illegal activities” said one elder. Nugaal Police promised to be tough with poachers and that lorries will be searched thoroughly at checkpoints. Some people buy dik-dik meat to treat children for whooping-cough. © Puntland Post, 2021 The post Poachers in Puntland Kill 30 Dik-diks at Burtinle Countryside appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Oline) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan gudaha Kismaayo iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shirka wasiirada maamulkaasi. Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo qeyb ka ah socdaalka Rooble ee magaalada Kismaayo. Intii uu socday waxaa shirkan diirada lagu saaray xaaladda Jubbaland iyo arrimaha doorashooyinka dalka oo ka dhacaya magaalooyin ka tirsan maamulkaasi. Sidoo kale waxaa kulanka golaha wasiirada Jubbaland oo ka duwanaa sidii hore lagu soo hadal qaaday sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta wasaaradaha xukuumada federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay bah-wadaag wada yihiin. Rooble oo shalay gaaray degmada Kismaayo ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, wuxuuna xalay la kulmay siyaasiyiinta Jubbaland ee kasoo jeedo gobolka Gedo, isaga oo kala hadlay dadaallada uu wado xafiiskiisa ee ku aadan dib u heshiisiinta gobolkaasi. Waxa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu booqday meelo ay ka mid ah tahay dekedda magaallo xeebeedka Kismaayo, isaga oo uu wehlinayey Axmed Madoobe. Waa safarkii ugu horreeyey ee Rooble ku tego Jubbaland, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna safarkan qeyb ka yahay socdaallo kala duwan oo horay ugu tegay xarumaha dowlad goboleedyada kale ee ka jira gudaha Soomaaliya. The post Rooble iyo Axmed Madoobe oo wada gudoomiyey shirka Wasiirada Jubaland + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo laga celiyey Cabdi Cali Raage oo ah shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Saraakiil sarre oo ka tirsan garoonka Kismaayo ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Cali Raage lagu celiyey amar kasoo baxay madaxda sare ee Jubaland, kadib markii uu diyaarad kasoo raacay magaalada Muqdisho. Cabdi Cali Raage oo kal hore soo noqday La-taliyaha sarre ee madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, kadib markii uu ku dhowaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday. Waxaa la rumeysan yahay in Raage uu qeyb ka ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa khilaafkii Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ee curyaamiyey qabsoomida doorashada. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta Cabdi Cali Raage looga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana xusid mudan in weli ay xiisad kala dhaxeyso madaxda sarre ee Jubbaland. Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta oo asagu gaaray shalay, si loo dar-dar geliyo arrimaha doorashooyinka iyo xal ka gaarista khilaafka mudada dheer ka taagna gobolka Gedo. The post Xog: La-taliyaha Farmaajo Cabdi Cali Raage oo laga celiyay garoonka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta mas’uuliyiinta Galmudug ku wareejiyay taakulo ka kooban raashin iyo shidaal loogu tala-galay ciidamada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa mas’uuliyiinta Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ku wareejinay bilowga Taakulada Puntland uga qayb qaadanayso la dagaallanka Al-shabaab ee deeganada Bacaadwayne iyo Wisil. Munaasibadan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Agaasimaha Warfafinta Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo Taakulo Raashin iyo Shidaal ah ku wareejisay Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaga qeybgalay Munaasabad lagu soo Bandhigaayay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad Dugsiyada Gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-2021. Imtixaanka fasalka 8-aad ee sanadkaana ayaa waxaa u fariisatay ardey kor u dhaafeysa 10-kun waxaana ka gudbay imtixaanka 10,275 halka ay ku dhaceen 642. Sanadkaana ayaa waxaa maamulka Gobolka Banaadir u suurta gashay inay qaadaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee Magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u canbaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise. Golaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo hor keeno caddaaladda shakhsiyaadkii ka danbeeyay falkaas. Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee dalka Haiti inay ka fogaadaan rabshado cusub iyo inuu dalku galo qalalaaso . Dhinaca kale,ciidamada ammaanka ee dalka Heyti ayaa dilay afar ruux oo looga shakisam yahay in ay lug ku leeyihiin dilkii madaxweynihii dalkaasi,waxaana gacanta lagu dhigay laba kale,halka la tilmaamay in qaar kale oo baxsad ah ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince. Taliyaha ciidamada Boliiska ee Heyti Leon Charles ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka madaxweynaha la dili doono ama la soo qaban doono. Mr Moïse oo ah madaxweynaha la dilay ayaa ahaa 53-sano jir,waxaana haatan xaaskiisa lagu daaweynayaa Gobolka Florida. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo si adag u canbaareeyay dilkii madaxweynihii Haiti appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo weli howl-gallo ka wada magaalada Muqdisho ayaa markale gacanta ku dhigay kooxo burcad ah, xilli ay dhac ka geysanayeen gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Raggan oo watay mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah ayaa waxaa lagu qabtay howl-gal ay sameeyeen ciidamada ammaanka, kaas oo uu ka qeyb-qaatay maamulka. Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo soo badhigay raggaasi oo labo ahaa ayaa shaaca ka qaaday in loo gudbiyey hay’adda CID-da, si loogu sameeyo baaris dheeri ah. Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in burcada lasoo qabtay ay dhibaato weyn ku hayeen bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, isla-markaana xilliga la soo qabanayey ay gacanta kula jireen fal-dambiyeedka lagu soo qabtay oo ah dhac baahsan. Howl-galkan ayaa qeyb ka noqonayo dagaal ka dhan ah burcadda hubeysan oo ay dowladda Soomaaliya ka billowday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Tan iyo bishii hore oo ay billowdeen howl-galladan ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay kooxo kala duwan oo dhac ka waday qeybo badan oo ka mid ah gudaha caasimada. Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah, dalkuna uu aadayo doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba. The post Howl-gal ka dhacay Muqdisho oo lagu qabtay Burcad horleh appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka Jubaland. Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada heer Federaal ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya socdaalkiisa Jubaland ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubaland. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale xalay Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiinta Gedo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qayb-galay Shirka Golaha Wasiirada Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Xilli RW Rooble uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa waxa uu kulmo siyaasadeed la qaatay siyaasiyiin ka soo jeedda Gobalka Gedo isagoona kala hadlay arrin la xiriirta doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaareey. Sidoo kale RW Rooble waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe la shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland shirkaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Dhanka kale RW Rooble ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada garbahaareey ee gobalka Gedo si uu halkaasi uga furo dib u heshiisiin ku saabsan doorashada Gedo. Booqashada RW Rooble ee Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo uu dalku isku diyaariyay Doorasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland: Supreme Court Ratifies Election Results The Somaliland Supreme Court has officially ratified the parliamentary and local council election results. This came after the court had listened to at least 20 complaints lodged by unsuccesful candidates and their parties, Kulmiye, UCID and Waddani. The first complaint was lodged with court on the 6th of June, 2021, exactly a week after the election date, May 31st. Addressing the court, Chief Justice, Adan Haji Ali Ahmed, declared that after arguments from the plaintiffs and the defence, [in this case, the Somaliland National Elections Commission], the court had reached a unanimous decision to ratify the result, with no dissenting vote. It is expected that the newly elected members of the House of Representatives will be called into session, to be sworn in and to elected a new Speaker and two deputies. Qarannews.com Qaran News
-
DF oo jawaab kulul ka bixisay warbixintii Global Initiative
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warbixin dhowaan kasoo baxday Global Initiative oo ah urur caalami ah oo daraaseeya dambiyada abaabulan, wuxuuna si gaara uga hadlay arimaha kalluumeysiga. Warqad kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya oo loogu jawaabayey Global Initiative ayaa lagu sheegay in warbixinta uu soo saaray ururkaasi ay tahay dacaayad lagu suura xumeynayo horrumarada laga sameeyey kalluumeysiga. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in warbixintan si gaar ah loogu beegsaday iyada, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed, sida qoraalka jawaabta ah lagu sheegay. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in arrintan looga gol-leeyahay in lagu difaaco dano shisheeye, gaar ahaan maraakiibta xaalufinta ka wada xeebaha dalka. Wasaaradda oo lagu dhaliilay qaabka ay u bixiso shatiyada ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaatay inay sii wadi doonto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay taageeri doonto shirkadaha wadaniga ah ee ka shaqeeya arrimaha kulluumeysiga dalka. Si kasta warbixinta kasoo baxday Global Initiative ayaa lagu sheegay inay haatan sii xoogeysteen kuluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya, Kadib markii hoos loo dhigay weerarada kooxaha burcad-badeeda tan iyo sanadkii 2012-kii. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in maraakiibta shisheeye ee kaluumeysiga ay si tartiib tartiib ah ugu laabteen badda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Iran, Yemen iyo Koonfurta Aasiya. The post DF oo jawaab kulul ka bixisay warbixintii Global Initiative appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen agagaarka isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ciidamada ay toogteen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu doonayey inuu weerar ku soo qaado ciidanka amaanka ee jooga halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay toogteen ninkaasi oo watay qoray AK47 ah, kadib markii uu isku dayey inuu rasaaseeyi ciidamada Booliska ee ilaalada ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Taliska Boolisk Soomaaliyeed oo ka hadlay dhacdadan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana uu doonayey inuu carqaladeeyo amniga wadadaasi oo ay waardiyo ka hayaan ciidamo ka tirsan ammanka. “Ciidanka oo ka feejignaa dhagarta cadowga mar walba soo maleego ayaa ka hortagay ninkaan, isla markaana toogasho ku dilay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska. Sidoo kale Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay boorso uu watay ninka la dilay oo la rumeysan yihiin inuu sitay walxaha qarxa, balse haatan waxaa socda baaritaano ay weli wadaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya. Ciidamo gaar ah ayaa loo diyaariyey ilaalinta dhismaha jidka xiriiriya labada magaallo ee Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo loogu talagalay inay ka hortegaan weerarada qorsheysan. Laamaha amaanka ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada iyo baaritaanada lagu sugayo amniga , si looga hortego falalka lidiga ku ah nabad-gelyada Howl-galladii ugu dambeeyey ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. The post Ciidamada ammaanka ‘oo nin hubeysan ku toogtay’ Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - The international payment service, Visa Card has made its first arrival in Somalia following its launch by the International Bank of Somalia (IBS). Source: Hiiraan Online
-
Muqdishp (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska eee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu magacaabi jiray, Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris. Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo loo keenay xaalado caafimaad, isaga oo ugu dambeyn xalay ku geeriyooday gudaha Muqdisho. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay geerida ku timid Marxuum Muuse Cabdulqaadir Idiris, waxaana si gaar ah qoraalkan tacsi loogu diray ehellada marxuumka, Booliska & guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxuu ehelka iyo ciidanka boliiska ugu tacsiyeenaa geerida naxdinta lahayd ee ku timid Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir oo ahaa Taliyaha Qeybta Shabeelaha Hoose oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay inuu marxuumka khabiir sare oo lasoo shaqeeyey Booliska dalka iyo kuwa caalamiga ah. AUN Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay ciidamada Booliska, gaar ahaan hoggaanka Interpol, sida uu shaaciyey talisku. “Col Muuse waxuu ahaa khabiir dhanka shuruucda boliiska dalka iyo caalamiga asigoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka boliiska gaar ahaan hoggaanka Interpol”. Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii Booliska ee gobolkaasi, kaas oo inta uu noolaa wax badan ka qabtay amniga gobolka. The post Taliyihii Booliska gobolka Shabeelaha Hoose oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ayaa kulamo gaar gaar ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka. Wararka ayaa sheegaya in xalay Rooble uu si gaar ah u qaabilay siyaasiyiinta Jubbaland, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Gedo, isaga oo kala hadlay arrimaha gobolkaasi. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha dib u heshiisiinta gobolka Gedo iyo sidii loola shaqeyn lahaa guddiga loo xil-saaray arrintaasi, si howsha loo bilaabo. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiinta Gedo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisuul wasaaraha dalka. Rooble iyo siyaasiyiinta ku abtirsada Gedo ayaa sidoo kale iska xog wareystay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii doorasho loogu qaban magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, maadaama uu yar yahay waqtiga, welina ay caqabado iska jiraan. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa maanta lagu wadaa inuu mashaariic kala dunwa oo horumarineed ka dhagax-dhigo gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose. Booqashada uu Rooble ku joogo Jubbaland ayaa ah tii ugu horreysay, waxaana ay ku soo aadeysaa, xilli xasaasi ah oo la galayo doorashooyin, maadaama heshiis la gaaray. Si kastaba, Jubbaland ayaa in muddo ah ka mid aheyd maamullada sida weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka, walow haatan ay isaga soo dhawaadeen sidii hore. The post Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay siyaasiyiinta GEDO? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Dubai)-Saacadihii hore ee saaka oo Khamiis ah ayaa waxa uu dab iyo qarax ka kacay Markab xamuul oo ku sugnaa Dekedda Jebel Cali oo ku taalla Koonfurta magaalada Dubai. Xafiiska Warbaahinta ee Dowlad-gobaleedka Dubai ayaa sheegay inay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen daminta dabka ka kacay Markab nooca Kontaynarada xambaara, mana kala cadda waxa sababay qaraxaasi. Dekedda Jebel Ali Port waa Dekedda ugu mashquulka badan Dekedaha ku yaalla Bariga Dhexe, waxayna xarun u tahay 8,000 oo Shirkado Ganacsi. Dadka Deegaanka waxay maqleen Qarax weyn, kaasi oo ruxay dhismayaal dhowr Kiilomitir ka fog Dekedda Jebel Cali. Muuqaalo la soo bandhigay Baraha Bulshadda ayaa muujinaya Dab ka kacay Markab taagnaa Dekedda, iyadoo qaraxaasi uu ruxay Dhismooyin ku yaalla meel 25 Kiilomitir u jirta Dekedda Jebel Cali. Maamulka shirkadda DP World ee gacanta ku haya Dekedda Jebel Ali weli qoraal rasmi ah kama soo saarin Qaraxaasi. Source
-
Jacob Zuma Oo Isku Dhiibay Booliska Xabsigana Loo Taxaabay.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT- Koonfur Afrika)-Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa isku dhiibay booliiska si uu u bilaabo xukun xabsi ah oo ku saabsan quudhsiga maxkamadda. Waxaa loo kexeeyey xabsi ku dhow gurigiisa sida ay sheegtay hay’addiisu. Booliska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xidhaan 79 jirkaan haddii aanu isa soo dhiibin isla maalintaas. Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ka dib markii uu ku guurdarraystay in uu ka qayb qaato baadhitaano musuqmaasuq. Xukunka ayaa dood sharciyeed oo aan hore loo arag ka dhaliyey Koonfur Afrika, ayadoo waqti kama dambays ah loo qabtay soo xidhitaanka Zuma oo ku aaddanaa Arbacadii 22:00 GMT. Waqtiga loo qabtay ayaa lagu soo rogay ka dib markii Mr Zuma uu diiday inuu is dhiibo Axadii. “Madaxweyne Zuma wuxuu go’aansaday inuu u hogaansamo amarka xidhitaanka,” ayaa lagu yidhi qoraalkiisa oo kooban. Gabadhiisa, Dudu Zuma-Sambudla, ayaa goor dambe ku qortay Twitter-ka in aabaheed “uu ku sii jeedo (xabsiga) xaaladdiisuna ay aad u fiican tahay”. Mr Zuma waxaa loo xukumay 15-bilood oo xadhig ah 29-kii June kadib markii uu ka horyimid awaamiirtii la siiyay ee ahayd in uu caddeyn ka bixiyo baadhitaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay. Ganacsatada ayaa lagu eedeeyay inay shirqooleen siyaasiyiinta si ay saameyn ugu yeeshaan hanaanka go’aan qaadashada intii uu xafiiska joogay. Balse Mr Zuma wuxuu dhowr jeer ku celceliyay inuu dhibane u yahay shirqool siyaasadeed. In kasta oo uu xisbigiisa ka saaray xafiiska 2018, African National Congress (ANC), haddana wuxuu heystaa koox daacad u ah taageerayaashiisa, gaar ahaan gobolka uu ka soo jeedo ee KwaZulu-Natal. Taageerayaashiisa ayaa gurigiisa ku soo xoomay ka dib intii uusan is dhiibin Arbacadii. Source