-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Rooble iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyeen magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbalanad, Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo caasimada Jubbaland waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabad-gelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland. Sidoo kale inta uu joogo Ra’iisul wasaaruhu sida uu qorshuhu yahay waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowladdu ka higelineyso gudaha maamulka Jubbaland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ayaa shalay gaaray magaaladaasi, kuwaasi oo haatan ku sugan degmada Kismaayo, waxaana soo dhamaatay qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waa safarkiisii ugu horreeyey ee Rooble uu ku tegayo magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada; Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle. The post Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaaraya dalka Haiti ayaa sheegaya in goordhaw la dilay Madaxweynihii dalkaas Jovenel Moïse, . Moïse ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa hoygiisa, waxaana la sheegay in dilka madaxweynaha ay ka dambeyn koox aan heyb tooda la aqoon oo hoygiisa ku weerartay, Claude Joseph’s oo ah ra’iisul wasaaraha Haiti ayaa shaaciyay geerida madaxweynaha dalkaas Jovenel Moïse. ” Waxaan cambaareyna weerarka waxuushnimada ah ee lagu dilay madaxweynahenna, dalka oo dhan ammaankiisa anaga sugeyno aniga ayaana hoogaamiyaha ah” ayuu yiri ra’iisul wasaare Claude Joseph’s , Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Ethiopian embassy in Kenya has refutted media reports that it was up for closure as a cost cutting measure by the Federal Government in Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
-
Port-au-Prince (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Haiti Jovonel Moïse ayaa lagu dhex-dilay guri khaas ah oo uu degan yahay, abaare 1:00 am ee maanta xilliga Haiti, sida uu shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha ku-meel gaarka ah ee dalkaas Claude Joseph. Haiti waa dal ku yaalla Caribbean-ka, wuxuuna xuduud la leeyahay dalka Dominican Republic, halka dhanka baddana uu ugu dhow yahay dalalka Cuba iyo Jamaica. Sida uu sheegay ra’iisul waaare Claude Joseph oo war-saxaafadeed soo saaray, waxaa dilka fuliyey koox hubeysan oo aan la aqoonsan, balse sida uu sheegay ku hadlayey luuqadda Spanish-ka. Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay marwada koowaad, Martine Moïse, waxayna hadda taallaa isbitaal, sida bayaanka lagu sheegay. Ra’iisul wasaaraha ayaa dilka ku qeexay “ficil arxan-darro ah, naceyb ku dheehan, islamarkaana ka baxsan bani’aadannimada.” “Waxaan qaadnay dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay si aan u xaqjiino sii jiritaanka iyo ilaalinta qaranka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Joseph. Kadib warka ku saabsan dilka, ayaa waxaa rasaas dhaceysa laga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, oo bilihii dhowaa ay ka jireen rabshado xooggan ayaga oo ay ku dagaalamayeen booliska iyo burcad hubeysan. Rabshadahan ayaa ka dhashay saboolnimo sii kordheysa iyo xaisllooni-darro siyaasadeed oo dalka ka jira. Madaxweyne Moïse ayaa lagu banaan-baxayey tan iyo markii uu talada dalka la wareegay 2017-kii oo madaxweyne loo doortay, ayada oo mucaaradka ay sanadkan ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu dalka u rogo nidaam kali-talis ah. The post Madaxweynihii dalka HAITI oo gurigiisa lagu dhex dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu Hoggaamiyo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Ujeedka Rooble ee magaalada Kismaayo ayaa la xiriirta sidii dib u heshiis looga loogu gaari lahaa khilaafka gobolka Gedo. Sidoo kale Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada dalka ee 2020-21. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii Dalka Haiti, Jovenel Moïse ayaa maanta a lagu dhex dilay gurigiisa, ka dib weerar ay fuliyeen koox aan la aqoonsan, sida uu warbaahinta u sheegay Ra’iisul wasaaraha kumeel-gaarka ah ee dalkaas, Claude Joseph. Mr Joseph ayaa intaa ku daray inuu tallada isagu uu hayo hadda.Weerarka ka dhacay guriga Madaxweynaha geeriyooday, waxaa kalo ku dhaawacmay marwada koowaad waxaana la dhigay Isbitaal. Weerarka ayaa dhacay iyadoo ay sii kordhayaan mowjadaha rabshadaha la xiriira siyaasadaha iyo falalka burcadnimo ee ka jira waddanka saboolka ah ee ku yaal Caribbean-ka. Dalka Haiti oo dhinaca bari xadduud kala wadaagaa dalka jamhuuriyadda Dominican (Republic of Dominican). Saddexda jiho ee kalana ay bad kaga teedsan tahay , waxaa sidoo kale ka taagan xaalad bina-aadamnimo oo sii kordheysa iyo cunno yari, dilka Madaxweynaha ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo khalkhal baahsan. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii dalka Haiti oo la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Asluunta Dowladda Federaalka iyo kuwa NISA ayaa maanta dagaal ku dhaxmaray degmada Dolow ee Gobolka Gedo. Dagaaalkan waxaa ku dhaawacay Taliyaha Nabad sugidda degmada Doolow Xasan Cidad waxa sidoo kale dhaawac ah Sarkaal kale oo NISA ka tirsan. Lama oga sababaha dagaalkan keenay iyo waxa la isu qoomay , hase ahaatee dadka degaanka ayaa mar keliya ka war helay dagaalkan. Saraakiisha Dowlada ee Gobolka Gedo ku sugan wali wax war ah ma aysan ka soo saarin dagaalka maanta ciidanka Asluunta iyo kuwa Nabad sugidda ka dhaxmaray degmada Doolow Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
For 30 years, Somaliland has called for its independence as a sovereign nation. Source: Hiiraan Online
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmada Doolow oo ka tirsan gobolkaasi. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah u dhex-maray ciidamada nabad sugida Doolow iyo kuwa dowladda ee ka howlgala gudaha degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobgoogayaal oo ay la xariirta shabajadda Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in is-raasaseynta labada dhinac oo muddo socotay uu ku dhaawacmay talityaha ciidanka nabad sugidda Doolow oo lagu magacaabo Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa. Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dagaalka dhex-maray labada dhinac, balse mar qura ayey dadka deegaanka ka war-helin xabad dhaceysa. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan deggan tahay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxsay shaqaaqadaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada oo la xiriira iska hor imaadkaasi dhaliyey khasaaraha. Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa inta badan dhexdooda is rasaaseeya, waxaana ka dhasha khasaare kala duwan oo qaarkood soo gaara dadka rayidka ah ee lagu kor diriro. The post Ciidamo ka wada tirsan DF oo ku dagaallamay Doolow + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal wasaaraha Dalka Maxamed Rooble ayaa markii ugu horeeyey intuu Raysal wasaaraha ahaa wuxuu booqanayaa Jubbaland, iyadoo booqashadiisu ay qayb ka tahay Dardar galinta Arimaha Doorashada. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la qorshaynayaa inuu Garoonka Diyaaradaha uu kusoo dhaweeyo, iyadoo maanta ay Wadajir u sugayaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee Amisom. Inta uu Raysal wasaaruhu uu joogo Kismaayo wuxuu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Jubbaland, Waxgaradka iyo Bulshada Jubbaland. Arimaha miiska looga wadahadlo doono waxaa qayb ka ah Gobolka Gedo, oo Madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo wax ka badan intii la siiyay Heshiiskii u dambeeyay. Puntlandi.com Kismaayo The post Rooble oo kolkii u horeeyey booqanaya Kidmaayo appeared first on . Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo dowlad goboleedka Jubaland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta degaanka. Sidoo kale, Inta uu joogo magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Jubaland. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale daarran dhammeystirka dib heshiisiinta Gedo iyo si guud howlaha doorashooyinka oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahiyey sida uu u baxsday Axmed Cabdi Jaamac oo ku xirnaa xabsiga magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, kuna xukunaa, xukun dil toogasho ah. Afhayeenka ciidanka Asluubnta oo lagu magacaabo, G/le Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in maxbuuska oo ay soo wajahday xaalad caafimaad uu u baahday daryeel caafimaad oo ka baxsan xabsiga kadibna marka la waday uu baxsaday. Xirsi ayaa sidoo kale xusay in tuhun ay ka qabaan saraakiishii iyo ciidankii loo xil-saaray soo daaweynta maxbuuska fakaday, isaga oo tilmaamay inay dayacaad sameeyeen. “Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraakiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hubeysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in dayacaad la sameeyay”ayuu yiri Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo afhayeenka ciidanka Asluubta Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la xiray saraakiishii loo xil-saaray caafimaadka maxbuuska , sidoo kalena lagu raad joogo mid ka mid ah askartii waday maxbuuska oo maqan.. “Waxaa dhici karto in qaarkood ay xiriir la leeyihiin Raggaas hubeysnaa, waxaa maqan mid kamid ah ciidankii waday Maxbuuska balse waxaa xiran saraakiishii mas’uulka looga dhigay in ay isbitaalka geeyaan xukmanaha dibna ugu soo celiyaan Xabsiga ” ayuu yiri. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ay ka baxsadeen qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo si gaara u beegsaday xasbigaasi. The post Sidee ayuu Puntland uga baxsaday maxbuuskii ku xukunaa dilka? appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta waxaa ku eg 4 bil iyo 29 maalin oo ah inta ayaamood ee ay madaxweyneyaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu darsantay 4-tooda sano oo dastuuriga ahayd kaddib, 151-kaas maalin oo aan qiimeyn ku sameyn doonno waxaa ku jira kala adkaashiyo hawlo shaqo, casharro iyo cibrooyin, guulo iyo guul-darro iyo arrimo u baahan in la barto si dowladnimada Soomaaliya u sii jirto. Isbarbardhigga aan maanta qormadan ku sameynay kuma jiro sida labada madaxweyne ay dalka ugu yimaadeen xilliga ay la wareegayeen, oo madaxweyne Xasan waa tii uu u yimid dal federal ah balse ay Puntland keliya jirto, Al-shabaab ay haysato inta badan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, miisaaniyad rasmi ah jirin, IMF iyo World Bank aaney joogin, aan lahayn aqoonsi caalami ah, oo qalfoof uun ah halka madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyey dal dunida aqoonsan tahay oo 32 safaarad u shaqeyso, 5 dowlad goboleed oo dhisan, marka laga reebo Jubbada hoose inta kale oo xor ah, miisaaniyado iyo xisaab-xirro 4 sano jiray, barnaamijka deyn cafinta oo socda iyo arrimo kale si uu wax ugu sii daro. 4-tii sano ee Farmaajo joogay wax ma ku daray mise maya? Waa dood iyo qormo maalin kale ah, balse maanta sida aan sheegnay isbarbardhiggu waa 5-tii bil ee muddo xilkeedka labada masúul ugu darsantay iyo mid weliba waxaa ay ku qabteen? Yaase guuleystay? Heshiiska Doorashada: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu September 10, 2016-kii gaaray iyada oo madasha wadatashiga qaran ay heshiis ku yihiin dhammaan habraacyada doorashada, laakiin madaxweyne Farmaajo 8-dii February 2021-kii waxaa uu gaaray isaga oo maalin ka hor uu shir uga soo baxay Dhuusamarreeb, golaha wadatashiga qaran ugana soo carooday arrimo ay ka mid yihiin Gedo, Somaliland iyo guddi doorasho loo agu muransanaa. Wareejinta Awoodaha: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu awoodihiisa wareejiyey September 5, 2016-kii, oo inta aanu dhammaan waqtigiisa halka madaxweyne Farmaajo uu sidaasi sameeyey May 1, 2021-kii 83 maalin February 8, 2021-kii, weliba mar ay dagaallo ka dhaceen Xamar oo ciidamo ka gadooday muddo kordhin 2 sano ah oo uu sameeyey ay Villada u jirsadeen hal KM. Xasillooni Siyaasadeed: Muddada 4 bil 29-ka maalin ah ee madaxweyne Xasan u raacday ma jirin qalalaaso siyaasi ah, oo dalku nabad u ahaa, wadar oggol ayaa wax walba lagu qabanayey halka madaxweyne Farmaajo uu April 12-keedii sannadkan si iskiisa ah ugu darsaday laba sano, isaga oo halis geliyey dalka iyo naftiisa, natiijada ka dhalatayna ay sababtay kalsooni la’aan illaa hadda jirta. Farmaajo February 19, 2021-kii waxaa uu xabbadeeyey musharraxiin dibadbax dhigayey, illaa hadda uu 5 bil ku darsadaydna aan la ogeyn goorta la dooran doono Senetorka ugu horreeya baarlamaanka 11-aad. Shaqada Doorashada: Madaxweyne Xasan Sheekh bil kaddib markii muddo xileedkiisu dhammaaday, yacni October 15, 2016-kii waxaa la doortay Senatorkii ugu horreeyey ee baarlamaanka federaalka ah halka xilliga Farmaajo la dhisay guddiga doorashada dadban June 19, 2021-kii. Dowlad is-oggol: Madaxweyne Xasan Sheekh, 5-ta bil ee kaddib muddo xileedkiisa waxaa jiray is-oggol labada heer ee dowladda federaalka ah, waxaana heshiis ahaa madaxweynaha JF iyo madaxda dowlad goboleedyada halka madaxweyne Farmaajo aaney isa salaamin labo ka mid ah maamul goboleedyada sida madaxweyne Deni iyo madaxweyne Madoobe. Dhammeystirka Xulista: Maanta oo kale oo 151 beri ay raacday muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qabsoomay doorasho ay ka qeyb galeen 135 odey, oo soo xulay in ka badan 14 kun oo ergo doorasho ah oo dooratay 275 ka tirsan golaha shacabka iyo weliba in 400 ka badan oo baarlamaannada dowlad goboleedyada oo doortay 54 Senetor oo BF halka maanta iyada oo madaxweyne Farmaajo uu ku darsaday 5 bil aan lahayn odeyaal iyo ergo midna. Dhammeystirka doorashada Baarlamaanka: Madaxweyne Xasan Sheekh, 5 bil kaddib muddo xileedkiisa waxaa uu dalku lahaa labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo ka kooban 329 xubnood. Doorasho Madaxweynaha Xiga: Madaxweyne Xasan 151 maalin gudahood waxaa uu ku guuleystay in ay tartamaan in ka badan 20 musharrax oo madaxweynenimo, iyada oo doorashada uu qabtay uu kusoo baxay Farmaajo, laakiin isla muddadaas oo maanta ku beegan, madaxweyne Farmaajo far ma dhaqaajin, waxaa la billaabi la’yahay doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Wufuud Ka Socota Dalalka Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka & Dimuqraadiyadda Oo Dalka Ku Soo Wajihan” (SLT-Hargeysa)-Beesha Caalamka ayaa si dhaw ula socota arrimaha dhaawac ku ah dimuqraadiyadda Somaliland ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku doonayso iyada oo aan haysan aqlabiyadda Golaha Wakiillada Somaliland inay ku hantido shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland . Doorashadii Golaha Wakiilllada ee dalka ka dhacday ayaa Xisbiga KULMIYE uu helay 30 Xildhibaan ,halka ay labada Xisbi Mucaarad heleen aqlabiyadda Golaha ah in shir guddoonka Golaha ay iyagu xaq u leeyihiin haddii la tixgelinayo dimuqraadiyadda,balse Xukuumadda KULMIYE ayaa wadda ciddiyo ku dagaalan iyo fallal dhiig-bax ku ah dimuqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland,kuwaas oo ah qaar ay doonnayso inay ku iibsato Xildhibaanadda ka soo baxay Xisbiyadda mucaaradka si ay u hesho tirada ay rabto oo ay u gaadho aqlabiyadda ay raadinayso “Waxay ku odhanayaan Xukumadda waxay u baahantay laba iyo toban 12 Xildhibaan oo ay soo iibsato,marka sidaa la leeyahay sharraftii Xildhibaanada la soo doortay ayaa meel lagaga dhacayaa,waxa aan leeyahay arrinkaa Xukuumaddu haka joogsato, cidda ay u doorranayaa shir guddoonka iyaga ayaa xor u ah, Madaxweynaha waxa aan leeyahay tacab baddan ayaad gelisay doorshada ee dib haka xumayn sharrafta iyo karraamada Xildhibaanada dhawr,Xildhibaanadu waa Xildhibaano la soo doortay oo huwan sharraf iyo karraamo marka ay Golaha galaan cidda ay dan u arkaan ayey u doorranayaan shir guddoonka.”Xildhibaan Khadar Cali Xakiin. Geesta kalena tallaabooyinkaa iyo qaar kale oo ay waddo Xukuumadda KULMIYE,kuwaas oo ay ku doonnayso inay ku hantido shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa si dhaw ula socda daneeyayaasha iyo Saaxiibada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo kobcinta dimuqraadiyadda Somaliland,kuwaas oo ay qaarkood hadda dalka joogaan Beesha caalamka ayaa hore bayaan ay u soo saareen ku amaamay Somaliland doorashooyinkii dalka ka dhacay ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,iyagoo si gaar ah uga hadlay doorashada Golaha Barlamaanka Somaliland “Saaxiibada caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka reer Somaliland, xisbiyada siyaasadeed, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo hay’adaha kale ee dawlada sida wanaagsan ee ay u dhacday qabsoomida doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2021 iyo habsami u socodka doorashada.”ayey ayaa lagu sheegay war-muriyeed ay sooo saareen Midowga Yurub, Beljam, Danmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Nederland, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska” Dhanka kalena qaar kamid ah goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee doorshooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka dhacay,ayaa iyagu hadda joga Magaalada Hargeysa,balse xoggo kale oo soo baxaya ayaa sheegay in Wufuud ka socota Beesha Caalamka gaar ahaana dalalka Somaliland ka taarra doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda in la filaayo inay dalka soo gaadhaan dhawaan,kuwaas oo kullamo la yeellan doonna Madaxweynaha iyo Xisbiyadda Qaranka . Source
-
Hoggaanka Militiriga ee TPLF Jeneraal Tsadkan Gebretensae shaaciyay in ay diyaar u yahiin dhaqan-gelinta xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda ka taagan Gobolka Tigray. Jeneraal Tsadkan oo la hadlay wakaallada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haddana la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad joojin buuxda si lo gaaro xal nabadeed. “Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan, haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arrinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu yiri Jen. Tsadkan. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii ka dhacay gobalka Tigre, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF, waxuu intaa ku daray in ka bixitaankii magaalada Mekelle uu ahaa mid muddo la qorsheynayay oo tashi badan ay gelisay Xukuumadda. PUNTLAND POST The post Jabhadda TPLF oo ku dhawaaqday xabad-joojin appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland Oo Shay Kasta Oo Maceeshadda Ka Mid Ah Qiimihii La Siin Jiray Ay Ku Korodhay Lacag U dhaxaysa 7 Illaa 10 Dollar (SLT-Hargeysa)-Culays dhanka nolosha ah ayaa ka jira guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ka dib markii Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ahi aad sare ugu kacday. Guud ahaan Raashinka ayaa Magaalooyinka dalka Qiimihiisu aad sare uga kacay, taasi oo dhibaato ku noqonaysa Dadka danyarta ah ee aan awoodin inay culayskaa Qaabilaan. Wargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay korodhka Qiimaha Raashinka ku yimid, ayaa ogaaday in faraq aad u badan u dhexeeyo Qiimaha cusub iyo Qiimihii hore. Mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa, ayaa u sheegay Wargeyska in Raashinka dalka dibeddiisa ka yimaadda ka sakow uu kordhay qiimaha waxa gudaha Somaliland laga soo saaro. “Shay walba oo aanu iibino sare ayey u kaceen, iska daa wax dibedda inooga yimaadda’e ee xittaa waxaa sare u kacay qiimaha waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Hargeysa, waxaanu intaa ju daray “Waxyaabaha sare u kacay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka mid ah Bariiska, oo gadbadda waxaanu siin jirnay 24 dollar, haddana waxaanu siinaynaa 30 dollar, daqiiqda oo aanu siin jirnay 21 dollar, hadda waxaanu siinaynaa 24 ilaa 25 dollar, Sonkorta oo aanu siin jirnay 23 dollar, hadda waxay maraysaa 26, 27 illaa 28 dollar, Saliidaha noocyadeeda kala duwan iyana waxaa ku kordhay qiime, oo tusaale ahaan saliidaha qaarkood oo jirikaankii joogay 18 dollar, hadda waxaa la siinayaa 28 dollar oo 10 dollar ayaa ku kordhay, Baastada iyana qiimaheedii wax baa ku kordhay, oo kartoonkii 6 dollar ahaa hadda wuxuu marayaa 8 dollar..” Waxaanu intaa ku daray in sababta kordhisay qiimaha Raashinku aanay ahayn Cashuur Dawladdu ku kordhisay, balse la kordhiyey Qiimihii lagu soo qaadi jiray Koontiinnarada “Wax Cashuur ah oo kordhay ma jiraan, laakiin sida aan ka war hayo waxaa jira in lacagtii Koontiirada la kordhiyey, oo halkii ay awalba ka hayeen saddex kun ayaa 7 kun laga dhigay, markaas Xukuumadda waxaanu u soo jeedinaynaa inay arintan hoos u eegto oo ay wax ka qabato, maxaa yeelay dadkeenu waxay u badan yihiin danyar, oo ma qaadi karaan culayskan oo kale, ta kale Raashinka oo qudha maaha ee waxaa sidoo kale sare u kacay qiimihii shidaalka, iyo qiimihii agabka dhismaha…” ayuu yidhi Axmed Shabeel Cige oo ka mid ah Ganacsatada Bakhaarrada ku haysata Magaalada Hargeysa. Ibraahim Cabdi Cismaan oo isna ka mid ah Ganacstada ka ganacstada qaybaha kala duwan ee maceeshada, isla-markaana haysata Bakhaarka Alnajax, ayaa isna wuxuu ka xog-warramay aragtidiisa ku wajaahan qiimaha sare u kacay ee maceeshada, waxaanu yidhi “Labadii bilood ee ugu dambeeyey Raashinka iyo waxyaabaha kala duwan ee aanu iibino qiimahoodu uu sii kordhaayey, ciladuna anaga maaha ee qiimihii aanu markii hore ku soo iibsan jirnay ayaa shay kastaba wax lagu daray, sidaas darteedna anaguna wax baanu ku darnay, inkasta oo aanan ku darin wax buuran, Saliidda ayaa ugu daran oo waxaa ku kordhay 7 dollar iyo wax ka badan, Bariiska ugu yaraan 6 ilaa 7 dollar, ayaa ku kordhay, Sonkorta ilaa 4 dollar baa ku kordhay, daqiiqda 3 ilaa 4 dollar baa ku kordhay, Bastaada 2 ilaa 3 dollar baa ku kordhay, markaas Dawladda ayaa dalka iyo dadkaba ka masuul ah, ee arintan wax ka ha ka qabato, oo haddii ay tahay Dekadda iyo haddii ay tahay cid kaleba xooga ha saarto sidii ay arintan wax uga qaban lahayd, maceeshadana loo jabin lahaa”. Xariir Cabdilaahi Axmed oo isna haysta Dukaan oo aanu wax ka weydiinay siduu u arko maceeshada qaaliga noqotay wuxuu ku jawaabay “Haa…waa dhab oo wax walba qaali ayey noqdeen, anaguna maadaama aan tukaan haysto qiimihii awal la iga soo siin jiray Raashinka, qiimo ka qaalisan ayaa la iga soo siisay, aniguna sanaati ayaan saaray, dadkii macaamiisha noo ahaa iyo dadkii kale ee wax naga iibsanaynayeyba, aad bay u yaaban yihiin, markaas Ganacstada waaweyn dadkooda ha u naxariistaan, oo wax walba ha u jabiyaan”. Maxamed Nuur Cabdi oo isaguna ka mid ah dadkii raashinka iibsanayey, oo aanu wax ka weydiinay is beddelka ku yimid qiimaha maceeshada wuxuu yidhi “Qiimihii awalba aanu wax ku iibsan jiray qiimo ka qaalisan ayaa hadda wax na lagaga iibiyaa, wax kastana kor bay u kaceen, wax kasta oo sare u kacaana waxaa laga jaraa oo ay ka go’an tahay dadka masaakiinta ah, ee Dawladdu sida ugu dhakhsaha badan arintan wax ha uga qabato” Source