-
Content Count
211,104 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Reer saaxil-oow hadaad ii Hiilin waydeen anaa idiin Hiilinaya” Musharrax Sucaad Carmiye oo ku hadhey Doorashadii Golaha Wakiilada Gobolka Saaxil ayaa sidan qortay “Asc dhammaantiin. Ugu horeyn waan idiin mahadnaqayaa meelkastood joogtaan. Waxan ku faraxsanahay iney doorashadi si nabad ah inoogu dhacdo. Ugu horeyn waxan u mahadnaqayaa qofkastoo itaagersanaa. Waxan u mahadnaqayaa intii ilasoo shaqeysay muddadii aan ololaha kujirey ee 8-da Billood ahayd oo dhabar adayg farabadan ii muujiyey. Waxan u mahadnaqayaa inta hiilka iyo Hoodaba ila garab taagneyd, waxan si gaara uugu mahadnaqayaa intaanu isasoo gaadhi kariweynay ee codkooda isiisay oon leeyahay waan idiin ogahay, waxan kaloon u mahadnaqayaa intii qalbiga iyo niyada iga taagersanayd, waxan u mahadnaqayaa intii iisoo ducaynaysay inaan guuleysto, dhamantiin waxan leeyahay waynu dedaalney oo meel fiican ayeynu nimi. Markasta Qoraalka ilaahay ayaa qoran se inagu waynu dedaalney. Ducadeenu waxey ahayd ilaahow kursigaas nagu guulee hadduu khayr noo leeyahay. Reer saaxil waxan leeyahay goorkasta iyo goobkasta waan idinla joogaa. Waxaanan ka aamusi doonin cadaalad darrada iyo dulmiga saaxil taala ee dadka lagu hayo, waxaanan ka aamusi doonin dayaca reer saaxil ka muuqda. inta iga danbeysa ee hammiga siyaasadeed leh jecelna inay kubiiraan kuraasta dalka looga arrimiyo ama mid Barlamaan ha noqoto ama mid deegaan ha noqotee waxan leeyahay, cidna hawga habranina inaad isasoo sharaxdaan. Waan kaga dhabeeyay ujeedkaygii ahaa inaan reer saaxil tuso in kuraasta cidkastaa geydo. Ugu danbeyn waxan hambalyaynayaa intii kuraasta Golaha wakiilada ku guuleysatey oon leeyahay ilaahay xilkaas aad qaadeen haydiin fudeydiyo. Reer saaxil-oow hadaad ii Hiilin waydeen anaa idiin Hiilinaya. Mahadsanidin. Qaran News
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay Ayax diigaanyo ah (fara badan) oo ku wajahan qayba kamid ah dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxa lagu sheegay in kastoo meelo kamid ah Soomaaliya & Itoobiya uu ka da’ay roob taasina ay yareysay cabsida laga qabay ayaxa hadana in laga cabsi qabo in Soomaaliya & Itoobiya markale lagu arko ayax farabadan oo dhibaatoyin kala duwan geysta. Hay’adda FAO ayaa qiimaysay saameynta uu bariga Itoobiya iyo Waqooyiga Soomaaliya ka geystay Ayaxa, sidoo kalena labada dal uu Ayaxa kuso wajahan yahay dabayaaqada Bisha aan ku jirno ee June. Sida laga soo xigtay FAO, hawlgallada hawada ka sokow, sahminta dhulka iyo kooxaha xakamaynta ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona helitaanka iyo yareynta Ayaxaka ka hor inta uusan si xoog ah u soo gaarin Somaaliya. PUNTLAND POST The post Hay’adda FAO oo ka digtay Ayax diigaanyo ah oo ku wajahan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa amar culus dul-dhigtay xubnaha musharraxiinta ee ku soo baxay natiijooyinka hordhaca ah ee la shaaciyey, kadib doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka ee Isniintii ka dhacday maamulkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Hargeysa Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey sida ay u dhaceen doorashooyinka ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddigii ka shaqeeyey qabsoomida doorashooyinkii dhowaan ka dhacay magaalooyinka Somaliland. Kaahin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay harsan tahay kaliya ku dhowaaqista natiijada doorashooyinkii ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Sidoo kale wasiirka ayaa soo saaray amaro culus oo ku socdo xubnaha musharraxiinta ee guuleystay iyo kuwa laga guuleystay, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida guud. Halkan hoose ka aqriso 1: Inay sameeyaan dabaal degyo waaweyn oo gawaarida magaalooyinka lagu wareejiyo, taasi oo dhalin karta nabadgeliyo darro. 2: In ay mamnuuc tahay in lanisticmaalo waxyaabo Bululeer oo kale ah, oo xilliga ololaha ay kujireen Musharixiinta ay isticmaaleen. 3: in sidoo kale ay mamnuuc tahay waxkasta oo kicin kara musharixiintii kaga guuleystay, isla markaana nabadgelyada wax u dhimi kara. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codsaday Xisbiyada in Xildhibaannada ka tirsan ee guuleystay ay u gudbiyaan xeerarka lagu dhaqo dalka ee ka hortagaya dhibaatooyinka lidiga ku ah amniga. Go’aanadan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, iyada oo saaka magaalada Gibiley ay dad ka careysan doorashada dibad-bax ka dhigeen magaaladaasi, kadib markii uu doorashada deegaanka kusoo bixi waayey musharraxii Xisbiga Ucid ee ka sharraxnaa degmadaasi. The post SOMALILAND oo amar culus dul-dhigtay musharaxiintii guuleystay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uu qorshaynayo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Ruushka iyo Maraykanka marka uu shir madaxeedkiisa ugu horeeya uu la yeesho dhigiisa Mareykanka Joe Biden dabayaaqada bishan, Kulanka fool ka foolka ah ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Geneva 16-ka Juun ayaa imanaya iyadoo uu aad u xumaaday xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka. Xiisado ayaa ka taagan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiisada Ukraine iyo eedeymaha la xiriira faragelinta doorashooyinka maraykanka. Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha reer Yurub ay tahay inay ku bixiyaan gaaska Ruushka lacagta yuurada maadaama Moscow ay wado dadaalkeeda ka dhanka ah doolar-ka. Ruushka ayaa qorshaynaya inuu dhimo kaydadkiisa lacagta dollarka isagoo raba inu uga wareego lacagaha sida yuurada iyo dahabka. PUNTLAND POST The post Vladimir Putin oo doonaya in la hagaajiyo xiriirka Ruushka iyo Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Toban maalin ayaa laga joogaa tan iyo markii la saxiixay is-afgaradkii lagu dhameystirayey heshiiskii September 17 iyo talooyinkii guddiga farsamo ee Baydhabo 16, laakin sidaa ay tahay ilaa hadda waxaa la dhameystiri la’ýahay guddiyadii doorashadii ee FIET iyo SEIT, waxaana sababta leh xukuumadda Rooble iyo maamul goboleedyada daacadda u ah madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Heshiiskaas kadib, arrimaha ay aheyd in si dhaqso ah loo guda galo waa in la badalo guddiyadii lagu muransanaa isla markaana la magacaabo guddiyo cusub, ilaa hadda waxaa badalay, guddiyo cusubna sameeyey Jubbaland, Cabdi Xaashi, guddoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta Somaliland iyo maamulka Puntland. Jubbalabd: 1-dii June 2021, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka, xubnaha waa 12. Cabdi Xaashi: 2-adii June 2021: Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey lix xubin oo guddiga doorashada ah, 4 xubin oo SEIT iyo 2 xubin oo FIET ah guddida doorashada iyo midka khilaafaadka. Puntland: 2-bada June, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa isna magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee SEIT oo gaaraya 8 xunbood. Waxaa xusid mudan in maamullada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed oo laga la’yahay soo gudbisa liiska guddiyada doorashada, oo lagu daray dowladda federaalka ah ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee soo gudbiyey guddiyadii hore ee u badnaa ciidanka, shaqaalahooda iyo taageereyaasha Farmaajo. Waxaa jira warar sheegaya in ay doonayaan in dib usoo celiyaan qaar ka tirsan 67 xubnood oo cabasho ka keeneen saamileyda siyaasadda, loona arkay in aaney qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah, oo ay daacad u yihiin Farmaajo. Daahidda Rooble, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ay daahinayaan guddiyada doorashada waxay dib u dhigi kartaa 60-kii cisho ee la lahaa waxaa lagu soo afjarayaa doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa guul Qaran ku tilmaamay doorashadii dalka ka qabsoontay ee golayaasha wakiillada iyo degaanka. Sidoo kale waxaa uu mudanayaasha ku wargeliyay mar haddii golihii kale doorasho galay in ay iyaguna, doorasho isu diyaariyaan. Dhanka kale waxa uu xusay in aanay asxaabta saddexda xisbi Qaran aanay isku khilaafin doorashadii dalka ka dhacday. Waxaa kale oo uu ciidamada Qaranka ku boggaadiyay sidii ay sugista ammniga iyo doorashada qaybta libaax leh uga qaateen. Waxaanu murashaxiinta iyo bulshaweynta reer Somalilandba ugu baaqay inay iimaansadaan go’aanka guud ee guddida doorashooyinku ay soo saaran ee la xidhiidha guusha doorashada. Waxaanu guddoomiye Saleebaan sidan ka sheegay furitaankii kalfadhiga 75-aad oo uu saaka furay. Source
-
“Asc dhammaantiin. Ugu horeyn waan idiin mahadnaqayaa meelkastood joogtaan. Waxan ku faraxsanahay iney doorashadi si nabad ah inoogu dhacdo. Ugu horeyn waxan u mahadnaqayaa qofkastoo itaagersanaa. Waxan u mahadnaqayaa intii ilasoo shaqeysay muddadii aan ololaha kujirey ee 8-da Billood ahayd oo dhabar adayg farabadan ii muujiyey. Waxan u mahadnaqayaa inta hiilka iyo Hoodaba ila garab taagneyd, waxan si gaara uugu mahadnaqayaa intaanu isasoo gaadhi kariweynay ee codkooda isiisay oon leeyahay waan idiin ogahay, waxan kaloon u mahadnaqayaa intii qalbiga iyo niyada iga taagersanayd, waxan u mahadnaqayaa intii iisoo ducaynaysay inaan guuleysto, dhamantiin waxan leeyahay waynu dedaalney oo meel fiican ayeynu nimi. Markasta Qoraalka ilaahay ayaa qoran se inagu waynu dedaalney. Ducadeenu waxey ahayd ilaahow kursigaas nagu guulee hadduu khayr noo leeyahay. Reer saaxil waxan leeyahay goorkasta iyo goobkasta waan idinla joogaa. Waxaanan ka aamusi doonin cadaalad darrada iyo dulmiga saaxil taala ee dadka lagu hayo, waxaanan ka aamusi doonin dayaca reer saaxil ka muuqda. inta iga danbeysa ee hammiga siyaasadeed leh jecelna inay kubiiraan kuraasta dalka looga arrimiyo ama mid Barlamaan ha noqoto ama mid deegaan ha noqotee waxan leeyahay, cidna hawga habranina inaad isasoo sharaxdaan. Waan kaga dhabeeyay ujeedkaygii ahaa inaan reer saaxil tuso in kuraasta cidkastaa geydo. Ugu danbeyn waxan hambalyaynayaa intii kuraasta Golaha wakiilada ku guuleysatey oon leeyahay ilaahay xilkaas aad qaadeen haydiin fudeydiyo. Reer saaxil-oow hadaad ii Hiilin waydeen anaa idiin Hiilinaya. Mahadsanidin. Source
-
(SLT-Washington)-Shirkadda Facebook Inc ayaa xayiraad muddo laba sanno ah ku soo rogtay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump akoonnada uu ku lahaa Facebook iyo Instagram muddo laba sanno ah. Waxaa laga mamnuucay labada goobood bishii January wixii ka dambeeyay qoraalladii uu ka sameeyay rabshadihii ka dhacay Capitol ee Mareykanka, laakiin bishii hore Guddiga kormeerka ee Facebook ayaa dhaleeceeyay ganaaxa furan. Facebook ayaa sheegtay in ficillada Mr Trump ay ahaayeen xadgudub daran oo sharciyada shirkadda ah. Mr Trump ayaa sheegay in tallaabadani ay sharaf dhac ku tahay malaayiin qof oo u codeeyay doorashadii madaxtinimo ee sannadkii hore. Tallaabada Facebook ayaa timid iyadoo shirkadda weyn ee baraha bulshada ay sidoo kale soo afjarayso siyaasad ahaan qaar ka mid ah xeerarka dhexdhexaadnimada waxyaabaha ku saabsan. “Xayiraadda Mr Trump waxay dhaqan gashay laga bilaabo taariikhda markii ugu horreysay ee la joojiyay 7 Janaayo,”ayaa lagu yidhi qoraal uu madaxweyne ku xigeenka Facebook ee arrimaha adduunka Nick Clegg uu soo dhigay bartiisa. “Marka la eego culeyska duruufaha ku kalifay hakinta Mr Trump, waxaan aaminsanahay in talaabooyinkiisa ay ka dhasheen xadgudub aad u daran oo ku saabsan sharciyadeenna oo u qalma ciqaabta ugu badan ee la heli karo,” ayaa lagu yidhi qoraalka. Hadal uu soo saaray ayuu Mr Trump ku yidhi: “Xukunka Facebook wuxuu aflagaado ku yahay rikoorka dadka 75m dhigaya, iyo dad kale oo badan, oo noo codeeyay …” “Waa inaan loo oggolaan inay ka baxsadaan faaf-reebka iyo aamusinta, ugu dambayntiina, waan guuleysan doonnaa. Dalkeennu mar dambe ma qaadi karo xadgudubkan!”ayuu sii raaciyay. Marka lagu daro Facebook, oo in ka badan laba bilyan ay isticmaalaan bil kasta, Mr Trump waxaa sidoo kale laga mamnuucay Twitter, YouTube, Snapchat, Twitch iyo aaladaha kale ee warbaahinta bulshada rabshadihii January. Source
-
(SLT-Tigray)-Xaalad adag oo bani’aadanimo ayaa laga soo sheegaya Gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, iyadoona ay soo xoogeysanayaan baaqyada ku aaddan in si deg-deg ahi colaadda loo joojiyo. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa gaadhay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray-ga, kuwaa oo sida la soo sheegayo u baahan gargaar deg-deg ah. Dhibaatooyinka sii kordhaya ee gobolkan ka taagan ayaa ka dhalatay isku dhacyada u dhaxeeya Militariga Itoobiya iyo maleeshiyada taabacsan TPLF. Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobey, Mark Lowcock ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof ay xaalad macluul ahi ku wajahayaan gobolkaasi, ka dib billooyin ay colaaduhu socdeen. Mark Lowcock ayaa ka digay dib u soo noqoshada macluushii darneyd ee dalkaasi ku dhufatay sanadkii 1984-kii, isagoona ku baaqay xabad joojin deg-deg ah oo waqooyiga Itoobiya looga dhawaaqo. Dadka wajahaya xaaladda adag ee ka jirta gobolka ayaa u muuqdo kuwo go’doon ka jira. Dhinacyada ay colaaddu u dhaxeyso ayuu Mark Lowcock ugu baaqay inay shaqaalaha gargaarka u ogolaadaan inay si buuxdo u taggi karaan goobaha rayidka. Dhanka kale Mark Lowcock ayaa sheegay in si deg-deg ah loogu baahan yahay lacago, si loo taageero dadaalada gargaarka bani’aadanimo lagu gaarsiinayo kuwa u baahan. Toddobadii bilood ee colaaddu ka jirtay gobolkaasi ayaa waxaa meesha ka baxay adeegyadii caafimaadka iyo dalagii beeraha. Source
-
Hooyo Xaali Mustafe Iid, iyo wiilkeedii yaraa Barkhad yare. #MAANSO: “HANKAAGUNA WAA CIRKAAS.” • Hobeeya hobeey hobeeya • Habeen-dhaladoow hobeeya • Hankii ummaddoow hobeeya • Hobeey Barkahdoow hobeeya • Waxaan kugu habi samaane • Aniga hadalkayga qaado • Hadaaq oo weri dabeeto • Huf iyo been waa la dhaafay • Huuhaadii waa la duugay • Hoosiiskii waa la feydey • Cadceedda hortaada taagan • Sedkeedii bay haleeshay • Runbaa lagu heesi maanta • Hubaaleey qaado taada • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Hillaac baxayoow dhegeyso • Hadraawi siduu mar sheegay • Hargeysi waxay dednaato • Xumaanta ku huursanaato • Hanqaar onkod baa ku yeedhay • Hambaabirtay oo ka booddey • Mar kale hurdadii ka toostay • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Hu’gaygiiyoow dhegeyso • Halkaygii waan ku toosay • Anigu hadafkaygii gaadhey • Dad haadaan lagu xereeyey • Huq iyo ciil uu ku raagey • Hankoodii dhaawac qoomay • Hashoodii oo dhalaysa • Hadhuub inta uu ka buuxsho • Hortooda nin uu ku maali • Weliba hiinsiga u diidi • Hujuun ugu dari dabeeto • Hiirtaanyo ku seexda fiidka • Waqood hagardaamo haysey • Horseedkoodaad ahayde • Hankayagii waa rumoobay • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Miiraale hugmoow dhegeyso • Kuwii haybta igu soocay • Adoo halal dheer dhashooda • Kuwii hoos kuu dhigaayey • Harraati miyaad ku jiidday • Ninkii shalay ii hanjabayey • Habaaska miyuu cantuugay • Hortooda runtii ma keentay • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Hubkaygiiyoow dhegeyso • Dadkaaga u hiili dhaaxo • Jidkaad ku hagayso dooro • Hirkaad fananayso guudka • Hoggaa ka sokeeya daawo • Jeedaali hummaagga leexsan • Hareeraha fiiri waaga • Hanuuni bahdaa hanuuni • Hankooda la wiiqay dhaahi… • Hiraal iyo guul u muuji • Kurtood waa wada hormuude • Halyeey iyo waa nindoore • Hargaantiyo waa akhyaare • Ka tuur heeryadan la saaray • Dhacsii halgan weeye noloshu • Hullaabta la saaray xoor dheh • Hafriinyaha qaata diid dheh • Halgaad quudhsiga la eego • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Magool la huboow dhegeyso • Markay hawl noqoto xaajo • Hibiyo ay noqoto xeelad • Ninnaba kaagama horreeyo • Hoggaami dadkaba hoggaami • Hufnaantu ku dooro dawga • Halbeegga ka yeel cadaalad • Hobeeya Barkhadoow hobeeya • Hammiga laabtoow dhegeyso • Hanuuni waqaa hanuuni • Hogaanka u tuur bahdaada • Hadhkiyo ugu yeedh hilaadda • Hayaanka la gaadh rugtiisa • Hir doogliyo gee ramaaska • Hadhaadiga eexda quuta • Hareerta ka dhaaf ciyoonba • Hadhuudhka cunsii firkooda • Hobeeya Barkhadoow hobeeya • Haraga jiidhkoow dhegeyso • Hangoolkiyo gudinta qaado • Ka kici habbisada dushooda • Nimaan hadlin hooyadiiba • Ma siiso waxay u hayso • Hurdada yaan lagugu gaadin • Xaqaa kuu hiilin doona • Horraan-qaad baad ahayde • Hilinka aad eegga qaadday • Horiyo ugu soco hortaada. • Hankaguna waa cirkaase • Halbeegaaguna cadaalad Waxa curiyey: Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
-
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada horu-dhaca ah ee golaha deegaanka Gabilay . Natiijada guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa golaha deegaanka Gabilay ku horeya Natiijo hordhac ah: Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ku horeya xisbiga Kulmiye oo 5 kursi ka helay doorashada golaha deegaanka Gabilay . Hoos ka akhriso natiijada golaha deegaanka gabilay 1⃣UCID 4 2⃣ KULMIYE 5 3⃣ WADDANI 4 Dhanka kale barqanimada maanta ayaa lagu wadaa in guddiga doorashooyinka Somaliland ay shaaciyaan natiijada golaha deegaanka Hargeysa iyo natiijada golaha wakiilada gobalka maroodi jeex. Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay natiijooyinka doorashooyinka golaha deegaanka iyo golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku soo baxay laba haween ah oo keliya . Labada haweena ayaa ku soo baxay golaha deegaanka xudun iyo taleex . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay dowqeymo ay diyaadaha Kenya ka geysteen deegana hoostaga gobalka Gedo . Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya.” Duqeymahan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah , xilli muddooyinkii u dambeyay uu aad u xumaa xiriirka labada dowladood. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Somaliland: The Power of Democracy Greg Mills, John Githongo, John Steenhuisen, Abbasali Haji, Chipokota Mwanawasa and Tendai Biti Commentary, 4 June 2021 Spotlighting an African rarity: a poor but democratic nation. A dirty white, bullet-pocked house, without electricity and running water, does not merit a second glance in the town of Burao high in the east of Somaliland. Yet this former colonial governor’s residence, shaded by a giant acacia, was the site of the Grand Conference of the Northern Peoples in Burao, held over six weeks, which concluded with the declaration of Somaliland’s independence from Somalia on 18 May 1991. Since then, the Somalilanders have stuck with a winning formula, despite the absence of international recognition and the tepid democratic enthusiasm of much of the Horn of Africa. In the immediate region, only Somaliland is ranked as ‘partly free’ (with a score of 42/100) on Freedom House’s political rights and civil liberty rankings. Ethiopia (22), Djibouti (24) and Somalia (7) all rank as ‘unfree’, and the same is true for Uganda (34), Rwanda (21), Burundi (14), Egypt (18), Sudan (17), South Sudan (2) and Eritrea (2) in the next regional ring. Only Kenya (48) to the south also enjoys ‘partly free’ status. Somaliland uses democracy to keep its people together. Its steady democratic performance and progress are a breath of fresh air in a continent where democrats are facing an uphill struggle. Only seven countries of 49 in sub-Saharan Africa are currently in the ‘free’ category. This is the lowest figure since 1991, with under 10% of the population of the continent living in countries classified by Freedom House as ‘free’. Somaliland also shows that you don’t have to be rich to be democratic. Despite a tiny national budget of just $250 million for its 3.5 million people (according to Minister of Finance Saad Shire) and a tough geography and hostile climate, Somaliland is showing the way for much richer countries to follow. ‘A place that has made something out of virtually nothing’ is how former Nigerian president Olusegun Obasanjo has described the progress made by Somaliland. His trip there in May 2019 was the first by an African president, current or former, since the territory re-declared its independence in May 1991. HEAVY HISTORICAL BAGGAGE Somaliland gained its initial independence from the UK in 1960. Five days later, it made an ill-fated decision to join former Italian Somaliland in a union that was envisaged ultimately to include French Somalia (now Djibouti), the Somali-dominated Ogaden region of Ethiopia (now Region 5) and a chunk of northern Kenya; this was the origin of the five-pointed star on the Somali flag. In the centre of the capital, Hargeisa, is the independence memorial, comprising a MiG-17 fighter-bomber erected on a plinth. This commemorates the event when, having lost control of the province, Somalia’s then-ruler Siad Barre ordered his air force – operating from the local airport – to bomb the city, which had been briefly captured by local Somali National Movement (SNM) liberation fighters in May 1988. With the planes flown by Rhodesian mercenaries, among others, the air raids resulted in thousands of civilian casualties. By the time of Siad Barre’s fall three years later, the main cities of Hargeisa and Burao had been razed to the ground. Not for nothing was Hargeisa known as the ‘roofless city’ after systemic looting by Mogadishu had stripped it of roof sheeting and even doors and their frames. Since then, Somalilanders have sought stability on the principle of maximum ownership and the reality of minimum resources. Peace did not require vast external financing. There was none available anyway at the time, save for remittance flows to Somaliland families, totalling an estimated $500–900 million annually by 2019. In fact, the absence of outsiders may be precisely the reason for Somaliland’s success, at least compared to its southern neighbour, Somalia, which has lurched violently from peace conference to initiative, peacekeeping mission to external military intervention, and failing government to fragile coalition, seemingly with little discernible progress. In Somalia, ‘conflict entrepreneurs’ have fed off both the fighting and the talking in a top-down process financed by donors, mostly taking place outside the country. By contrast, Somaliland’s peace conferences were managed and financed by locals, bringing their own food and shelter. The last conference in 1993 was held over five months under the trees in the western city of Boroma. Such dialogue, long a feature of Somaliland society, was organic and bottom-up rather than top-down. Somalilanders concentrated on achieving peace, not on acquiring comforts or financial benefits for delegates from a peace process. Despite its obvious dysfunctionality, Somalia somehow refuses to countenance Somaliland’s right to a divorce, clinging chauvinistically to the notion that the marriage can be repaired. And the rest of Africa blindly stumbles on with hopes for reunion and fears of the impact of accepting the current two-state reality. RECOVERY Somaliland’s recovery since the 1990s has similarly demanded persistence and the principle of inclusion. The former UK protectorate has developed a stable, democratic system of politics, merging modern and traditional elements. In 2002, Somaliland made the transition from a clan-based system to a multi-party democracy after a referendum in 2001, formalising the Guurti as an Upper House of Elders, which secures the support of traditional clan-based power structures. There have since been regular elections and a frequent turnover of power between the main political parties. The 2003 presidential election was won by Dahir Riyale Kahin by just 80 votes in nearly half a million against Ahmed Mahamoud Silanyo. The tables were subsequently turned in 2010, with Silanyo winning 49% of the vote to his opponent’s 33%. In November 2017, Muse Bihi Abdi, a former SNM fighter who had earlier served as a Soviet-trained fighter pilot in the Somali Air Force, was elected president. He received 55% of the vote, becoming the country’s fifth president and cementing a tradition of peaceful handovers of power rare to the region. On 31 May 2021, around the 30th anniversary of Somaliland’s independence and the 20th anniversary of its multi-party democracy, the parliamentary and local district elections went off smoothly – despite the coronavirus pandemic – with 1.1 million voters registered by the National Electoral Commission (NEC), and the establishment of 2,709 polling stations countrywide. Unlike Somaliland’s previous six elections, which were mostly funded by outsiders, 70% of the $8 million budget was financed internally. And despite delays in the elections – caused by a standoff between the presidency and opposition parties over the nomination of members of the NEC, as well as challenges with the iris biometric voter registration system – these were the most competitive yet, with 246 candidates for 82 parliamentary seats and 966 for 249 district municipality posts across the six regions. Critics say that Somaliland’s democracy has been facilitated by the dominance of a single clan, the Isaaq, unlike Somalia, which has to balance the competing interests and ambitions of four major clans and several smaller ones. But this argument understates the differences between the Isaaq’s sub-clans and sub-sub-clans, ignores the internal violence that accompanied the country’s birth process – which had to be resolved – and overlooks the tremendous hard work that went into that process. The focus on the relative integrity of the clan system, President Abdi contends, also underestimates the impact of the democratic culture of the SNM. ‘For 10 years’, he says from his offices in Hargeisa, ‘the SNM was struggling for democracy, refusing the dictatorship of Siad Barre. The democracy we now have was also based on the constitution of the SNM, which was very democratic, in which there were regular elections every two years, and in which the central committee operated like a parliament’. He cites the example of former President Silanyo, who was removed in the 1989 SNM elections, and yet accepted the change. ‘We have a tradition of accepting results and changing power, and accepting leadership even outside of the SNM, which is very unusual’, he points out, ‘among African liberation movements’. SUPPORTING STRUCTURES Donors have helped in sponsoring the local civil society group that provides election oversight: according to the Somaliland Non-State Actors Forum (SONSAF), in 2021, the EU was the principal contributor to its $2 million budget. SONSAF deployed nearly 900 monitors countrywide and ran an Election Situation Room in Hargeisa staffed by 16 operators, collecting and collating countrywide incident reports between April and July 2021. This is how donors can spend money wisely in support of local governance initiatives and the cause of peace and stability. Of course, as with any democracy, there are challenges of consolidation. Delays to the election process have resulted in officials serving well beyond their original mandates, while journalists face problems of access and pressure from authorities. There are instances of minor clans being subject to political and economic marginalisation, and violence against women remains a serious problem in a highly patriarchal society. We observed the 31 May elections in Sahel region, including Burao, the former colonial capital of Sheikh and the villages of Ina Dhakool and Qoyta – the latter of which was the site of a casualty clearing station during the civil war. For all of its diplomatic isolation, Somaliland is strongly globalised. The link with the diaspora is evident in the names of Burao’s suburbs, including Xaafada London, Abu Dhabi and Jarmalka (Germany). Yet Somaliland remains synonymous with grinding poverty and dirt-scrabble hardship. A high percentage of the population is illiterate and required assistance at polling stations, many of which were run by university students. The slow pace of voting was accompanied by constant grumbling on a high Somali volume setting. Regardless, the enthusiasm was palpable, not least among the very old and young. Preference was patiently given to disabled and female voters. A voting age of 15 might seem low, and a cynical way of vote stealing, but it serves as a deradicalising mechanism for the largest demographic: 70% of Somaliland’s population of 3.5 million is under the age of 30. The younger generation sees democracy as a means of diluting the impact of the clan system. Democracy demands and creates a high-trust and transparent environment. Assisted voters – about one-fifth of those in our area of observation in 46 polling stations – were asked their preference which was filled in by the presiding officer, and then shown immediately to the agents representing the three parties in the station. These practices help to ensure votes are respected. The crowds were not voting just for political parties; they were voting for nationhood and to show their pride in self-determination. Somaliland’s commitments to improving democratic norms and standards, and its regular change of leaders at the polls, have made it a regional democratic superpower. Its progress should shame those much richer African countries where incumbents are rolling back democratic progress because it threatens their power and financial privilege. Those African leaders – of governments and oppositions alike – who are committed to democracy should recognise Somaliland’s undoubted progress from war to peace. The authors were members of the international election monitoring team convened by the Brenthurst Foundation, and were based in the Sahel region in eastern Somaliland. The views expressed in this Commentary are the authors’, and do not represent those of RUSI or any other institution. BANNER IMAGE: Women in Somaliland holding their Voter ID cards. Courtesy of Jim Haylebroek/Wikimedia Commons Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada. Tallaabada ay qaadeen labada madaxweyne ayaa noqoneysa mid meesha ka saareysa eedeyntii Farmaajo ee aheyd in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay diidan-yihiin in dalka uu aado doorasho. Axmed Madoobe ayaa 1-dii bishaan Jun u gudbiyey xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta xubaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka. Xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa tiradoodi dhameyd 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September. Sidoo kale, Wareegto kasoo baxday 2-dii bishaan xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iyadana lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya siddeed xubnood. Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahaan ayaa lagu socodsiiyey Xafiiska ra’iisal wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo. Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqonaya maamuladii u horeeyay ee soo magacaaba xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo ilaa hadda aysna xubnahooda soo gudbin maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed. Saddexda dowlad goboleed ee ilaa hadda aan soo gudbin Guddiga ku matalaya doorashada, ayaa waxaa xusid mudan inay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee soo magacaabay Guddiyadii muranka ka dhashay kaddib saxiixi 17-ka September 2020-ka. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa in guddiyadooda ay soo magacaabi waayan saddexdaan dowlad goboleed, hase yeeshe waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya inuu weli taagan yahay is-jiid-jiid cusub. The post Axmed Madoobe iyo Deni oo qaaday tallaabo meesha ka saartay eedeyntii madaxweyne FARMAAJO ee doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya degaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal culus oo soo gaaray xalay xilli dambe uu ku dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed. Labada maleeshiyo Beeleed oo isku heysta dhul ku yaal tuulooyinka lagu dagaalamay ayaa dagaalkooda waxaa uu yahay mid soo laab laabtay, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 2 Ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen. Dadka degaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in xalay xilli dambe uu dagaalka joogsaday, hayeeshee weli la dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed. Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug weli dagaalkaas kama hadlin, waxaana sidaan oo kale uu dhowr jeer dagaal Beeleedka uu uga dhacay degaano u dhow Deegaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska koontarool Balcad ee degmada Heliwaa, kuwaas oo ilaalo ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib iska hor imaad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi, kaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac , inkastoo aan is dhab loo ogeyn. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi xigay ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca kooxda Al-Shabaab, iyaga oo intaasu kusii daray inay khasaare xoogan gaarsiiyeen ragga dagaalka soo qaaday. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale dagaalka, kadib howl-gallo kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, iyada oo weerarkan uu qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro gaadmo ah ku qaaday ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha dhismaha ka wada wadada Muqdisho iyo Jowhar. The post Ciidanka DF iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia and two other African nations still vote in the current UN session despite being in arrears in their contributions to the UN operating budget. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay rasaastii lagu furay kolonyo gawaari ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud. Taliyaha ayaa hadalkiisi ugu horeeyay ku sheegay in falkaas uu u dhacay qaab aan ku talo-gal aheyn, isagoona raali-gelin ka bixiyey wixii ka dhacay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu xabadeeyay Xasan Sheekh. “Ilaali la socotay Xasan Sheekh ayaa waxa ku qaldamay ciidankii Asluubta, shil ayaa dhacay oo cid loogu talo-galay majirin, madaxweynihiina waa ka raali-gelinaynaa iyo umadda Soomaaliyeedba,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Asluubta. Maalin kadib, Taliyaha ayaa eedeynta u weyn ee falkaas dusha u saaray ilaalada madaxweynihii hore, isagoona sheegay hadal ka duwan midkiisi hore ee kor ku xusan, wuxuuna sheegay in rasaasta ay bilaabeen ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh oo ka gudbay barkatarool ee lagu rasaaseeyay, kadib markii ay isku dayeen inay hubiyaan gawaarida uu saarna madaxweynaha hore. “Gaariga cabdi-bilaha ee ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudbay. Waxay ahayd inay istaagaan. Haddii uu dhihi lahaa waxaan wadnaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, askarta jidkey u furi lahayd ma dhihin ee waa gudbay,” ayuu yiri. “Kadib markii uu gudbay, wuxuu joojiyeen (ciidamada) gaariga dambe si ay u hubsadaan. Gaarigii gudbay ayaa xabad soo billaabay. Kaamiraa jirto, umad badanaa joogtay. Waxa aan sheegayana waa wax cad. Dhibaatada Cabdi-bilahaas ayaa sameeyay. Wuxuu dili gaaray ninkii uu ilaalinayay.” “Haddii cidi xabad kugu soo riddo, waxay tahayna aadan ogayn, adigana aad xabad haysato, faataxa lama akhrinaayo ee xabad baa loogu jawaabayaa, markaa arrinka xabadda sidaa bay ku dhacday, ma ahan wax Asluubtu bilowday.” Hadallada Taliyaha ee is-burinaya ayaa dhaliyey hadal hayn badan, ayada oo dadka qaar ay su’aal geliyeen arrinta keentay in labo mar uu siyaabo kala duwan uga hadlo rasaastii lagu furay Xasan Sheekh, xili xildhibaano la socday madaxweynihii hore ay ku tilmaameen “isku-dey dil oo bareer ah,” ayagoona ka dalbaday madaxda dalka inay baaris ku sameeyaan. The post Laba dhacdo oo kala duwan oo Taliye Shub uu ka sheegay weerarkii Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.