Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,104
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya, gelinkii dambe ee shalay ayaa tuulo lagu magacaabo Aala-fuutow oo qiyaastii 65-KM dhanka galbeed ka xigta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa ka dhacay qarax xoog leh oo khasaare culus uu ka soo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena dad shacab ah ay ku dhinteen. Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 61-xubnood oo isugu jiray saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, dagaalamayaal kale iyo dad rayid ah, waxuuna ka dhashay gaari weyn oo kooxdu ay ku diyaarineysay waxyaaba qarxa. Warbaahinta ciidamada qalabka sida oo soo xiganeysa saraakiil militeri ayaa baahisay warka qaraxaan iyo xogta khasaaraha ka dhashay. Hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay oo goobta ka ag dhawaa ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 61-da qof ee ku geeriyootay qaraxaas, halka 59-ka kale ay ahaayeen Shabaab, waxaana ku jira ilaa lix sarkaal oo ajaanib ah, sida lagu shaaciyey xogtaan. Guri ka koobnaa 11-qol oo qaraxyo isugu jira kuwa gawaarida lagu rakibo, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo jaakadaha is-miidaaminta ay ku diyaarinayeen ayaa la sheegay inuu galabta ku burburay qaraxaas, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo ay qarax ku rakibayeen, waxaana geeriyooday dhammaan xubnihii saraakiisha iyo dagaalamayaasha isugu jiray ee ku sugnaa gurigaas. Saraakiisha ajaanibta ah ee ku geeriyootay qaraxaas waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabi jiray Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo u dhashay dalka Afgaanistaan iyo nin magaciisa lagu soo koobay Khaalid oo isna u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo aad ugu xeel dheeraa sameynta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Soomaaliya. Xaruntaas waxaa la sheegay inay aheyd tan ugu weyn ee qaraxyada lagu diyaariyo oo kooxdu ay ku laheed gobolka Shabeellada Hoose, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya balan qaadeen in baaritaan kadib ay soo gudbi doonaan xog dhameystiran oo ku saabsan qaraxaas ka dhacay duleedka degmada Qoryooley. The post ‘Qarax ka dhacay guri ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ay ku dhinteen 61 xubnood’ appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Hargeysa)- Xoggo rasmi ah oo aanu ka helnay illo-wareedyo rasmi ah, ayaa sheegay in kulan ay yeesheen shalay hoggaanka Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku heshiyeen inay kale qaataan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa Magaalada Hargeysa. Kullankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid albaabadu ay u xidhnayeen,waxaana la sheegay inay ka qayb-galeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Masuuliyiin kale. Dhanka kale, Xoggaha aannu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in masuuliyiinta Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID oo ay hoggaaminayeen Faysal Iyo Cirro ay ku heshiyeen inay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ay kale qaataan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa Magaalada Hargeysa,maaddaama oo ay haystaan aqlabiyadda kuraasta Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa. Waxa kale oo ay sheegeen xogguhu in Gudoomiyayaasha UCID iyo WADDANI iyo masuuliyiinta kale ee labadaa Xisbi ay ku heshiyeen in Maayarka uu qaato Xisbiga WADDANI ,isla markaana loo doorto Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge, halka Maayar ku-xigeenka isla qaateen in loo doorto Xildhibaan Khadar Axmed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanadda ka soo baxay Xisbiga UCID. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labadda Xisbiyadda WADDANI iyo UCID,marka laga yimaado xoggahaa aannu ka helnay illo-wareedyadda rasmiga ah ee sheegay in Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay kala qaateen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Magaalada Hargeysa Source
  3. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowaladda ay ka fuliyeen deegaan hoostaga gobalka shabeelada hoose ay ku dileen xubna ka tirsan Al-shabaab. Ciidamada dowladda ayaa howl-galkaan ka fuliyey deegaan lagu magacabo Aala-fuutow oo dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir kaxigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose. Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sidoo kale sheegay in guri ay ku sugnaayeen Al-shabaab ayna ku farsameynayeen qaraxyada uu qarax ka dhacay kadib markii mid ka mid ah waxyaabaha ay sameynayeen ay ku qarxeen . Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen horjogayaal ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaas oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali. Xubnaha shabaab ka tirsan ee goobtaas ku dhintay ayeey ciidamada dowladda ku sheegen in ka badan 55- dagaalyano shabaab ah oo ay ku jiraan 6 horjooge oo Ajaanib ah . Goobjoog Source: goobjoog.com
  4. Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa laga dalbaday inuu baaritaan deg deg ah ku sameeyo eedeymo ka dhan ah shirkad kamid ah qandaraasleyda gacansaarka dhow la leh madaxwayne Recep Tayyip Erdogan oo laga yaabo inay ka dhaceen dalal ay kamid tahay Soomaaliya. Codsigaan ayaa waxaa baarlmaanka dalkaas u gudbiyey Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CPH, wuxuuna codsigaas yimid kadib markii ay soo baxeyn eedeymo ah in SADAT International Defense Consultancy ay maleeyshiyaad ku tababarto dalka Suuriya. Eedeymaha loo jeediyey shirkaddaan ayaa waxaa kamid ah inay taageero qalab iyo mid tababar ay siisay Jabhadda Al-Nusra Front oo ka dagaalanto gudaha dalka Suuriya taasoo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacidda. Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga CPH, Unal Cevikoz ayaa qoraalka loo gudbiyey baarlamaanka dalka Turkiga ku sheegay in tallaabooyinka ay qaaday shirkaddaas ay xadgudub ku yihiin shuruucda Qaramada Midoobay iyo guud ahaan kuwa Caalamka. Guddoomiyaha Xisbiga CPH ayaa baarlamaanka dalkaas ka codsaday in baaritaanka lagu daro haddii Shirkadda SADAT International Defense Consultancy ay tababaro military ka sameyso dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Liibiya. “Xisbiga CHP wuxuu rabaa in dadweynaha lala socodsiiyo arrimaha SADAT iyo in la baaro dhammaan howlaheeda milatari ee caalamiga ah, haddii ay tababaro milatari ku bixisay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya, iyo haddii ay dirtay hub sharci darro ah oo jabinaya shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada Midoobaya” ayaa lagu yiri qoraalka. Shirkada SADAT ayaa bixiso talooyin dhanka istaariijiyadda iyo taageerada xoojinta ciidanka, waxaana la sameeyey shirkadda sanadkii 2012. Shirkadda ayaa waxaa aas-aasay Adnan Tanriverdi oo ah Jeneraal howlgab ah, wuxuuna sidoo kale ahaa la taliyihii Erdogan ee arrimaha Militariga intii u dhaxeysay sanadihii 2016 illaa 2018, waxaana u shaqeeyo illaa 200 oo saraakiil howlgab ah. Inta badan saraakiisha howlgabka ah ee ka tirsan Shirkadda SADAT ayaa waxaa la rumeysan yahay inay markii hore shaqadooda ku waayeen sababo la xiriira daacadnimadooda diinta Islaamka. Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho waxay ka dhistay saldhig weyn oo ciidan kaas oo ay ku tababarto ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada loo yaqaano Gorgor kuwaas oo loo diyaariyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Mucaaradka Turkiga oo baarlamanka ka dalbaday baaritaan la xiriira Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  5. (SLT-Toronto)-Booliska gobolka Ontario ee Canada ayaa sheegay in darawal si ula kac ah u uu jiidhsiiyay gaadhigiisa qoys ka kooban afar ruux halka qof kalana uu ku dhaawacmay oo Muslimiin ah. Dhibanayaasha, oo dhammaantood hal qoys ayaa markii uu falkan dhacayay waxa ay doonayeen inay ka gudbaan waddo laami ah fiidnimadii Axadda magaalada London, oo qiyaastii 200km (124 mayl) koonfur-galbeed ka xigta Toronto. Booliska ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen laba haween ah oo kala jira 77 iyo 44 jir, nin 46 jir ah iyo gabadh 15 jir ah. Sidoo kale wiil sagaal jir ah ayaa si xun u dhaawacmay oo cisbitaalka lagu daweynayaa. Hase yeeshee, Maamulka deegaanka ayaan shaacin magacyada dhibanayaasha. Weerarka ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo weerarada Islaam naceybka ah ee ka dhaca gobolada dalka Canada oo dhan. Raysal wasaaraha Canadia Justin Trudeau wuxuu sheegay inuu ka argagaxay wax uu ku tilmaamay ficil nacayb, wuxuuna sheegay in fikirradiisu ay la jiraan dhibbanayaashii ay jeclaayeen, oo uu ku jiro wiilkii yaraa ee badbaaday. Eedeysane 20-jir ah oo magaciisu yahay Nathaniel Veltman ayaa loo xidhay falkan, Waxaa lagu soo oogay afar dambi oo dil ah darajada koowaad iyo hal isku day dil sida ay daabacday Global News oo ay Somalilandtoday soo xigatay. Source
  6. (SLT-Washington)-Maxkamadda Sare Maraykanka ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaadhka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci-darro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayay. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in go’aan ay gaadhay Maxkamada dalka Mareykanka ay dhabar jab ku tahay dad badan oo Soomaali ah iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah. Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xidhiidhaan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xidhiidha g’aanka Maxkamada. Waddanka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka kuwo kale ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono. Source
  7. Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni yesterday sent a stern warning to landgrabbing cliques behind the spate violence over land disputes in Garowe. President Deni urged security forces and the judiciary to deal harshly with landgrabbers. “Puntland Government will not pay blood-money to families of landgrabbers who take up arms against security forces cracking down on landgrabbing misdemeanours” said President Deni at a meeting on planning organised by Puntland Development Research Center. President Deni has outlined tough measures against landgrabbing cliques in Garowe. Garowe, the seat of Puntland State Government, has experienced a high rate of land disputes caused by an authorised occupation of public lands in parts of Garowe and its outskirts. A 13 metre square plot of land in Garowe costs almost twice as high a similar-sized plot of land in Galka’yo or Qardho. “People see plots of land acquired by politicians and their hangers-on, and therefore view landgrabbing as a quicker way to make fortune” said a former Garowe Municipality senior planning officer who prefers to be quoted anonymously. To some locals, land redistribution is an urgent task. “Land disputes caused by landgrabbing is the tip of the iceberg. Puntland has a political class with illegally acquired land holdings” said Ibraahim Mohamud, a former real estate and land broker in Garowe. President Deni called on people involved in land disputes not to resort to violence. “Puntland has courts that can adjudicate on land disputes” added President Deni. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Sends Stern Warning Against Landgrabbing appeared first on Puntland Post.
  8. Qaar kamid ah Ganacsatada Puntland, ayaa bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ay ka socon-wayday gudaha Puntland. Xubno ka tirsan Ganacsatada ayaa u sheegay Puntland Post in laga aamin-baxay isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah, islamarkaan aysan hadda ka shaqayn dhammaan magaalooyinka Puntland. Sidoo kale, guddiga xukuumadda Puntland u xil-saartay socod-siinta Lacagta Shilinka oo go’aanno kala duwan ka soo saaray arrintan ayaan weli isbeddel muuqda keenin. Tallaabadii u dambaysay oo guddigaas qaaday waxay ahayd xannibaad uu saaray Dollar-ka danabaysan ee mobile-ka la isu’gu diro, taas oo wixii hal dollar ka la joojiyay, inkastoo aysan faa’ido soo kordhin. Waxa xusid mudan, in go’aankaas u dambeeyay uu culays horleh ku keenay Ganacsiga iyo iibsiga adeegyada as’aasiga u ah nolosha dadweynaha. PUNTLAND POST The post Ganacsatada Puntland oo bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah appeared first on Puntland Post.
  9. Soldiers of the Djiboutian Armed Forces serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Sunday celebrated the 44th anniversary since the formation of their country’s military. Source: Hiiraan Online
  10. A Somali mother and her child were killed and four others injured when a Kenyan warplane bombed two towns in southern Somalia, the woman’s husband said on Monday. Source: Hiiraan Online
  11. Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed), ayaa beeniyay sheegashada xukuumadda Puntland ee ku saabsan, in ay Gobolka Sanaag ka hor-istaagtay doorashadii Somaliland. Ex. Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku saabsan in xukuumadda Puntland Gobolka Sanaag ka hor-istaagtay doorashadii Baarlamanka iyo dowladaha hoose oo dhowaan ka dhacday Somaliland. “Puntland kamay celin doorashada Somaliland dhulka Maakhir ee dadkaa diiday oo ku amaanan” ayuu yiri Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) Dhooba-daareed ayaa shacabka Gobolka Sanaag ku bogaadiyay sida ay u diideen codaynta doorashadii Somaliland, waxaana uu ku boorriyay in ay mowqifkooda adkaystaan. PUNTLAND POST The post Dhooba-daareed oo caddeeyay cidda hor-istaagtay in doorashadii Somaliland ka dhacdo Sanaag appeared first on Puntland Post.
  12. Somalia was traditionally an oral society where word and learning often travelled by mouth. In the modern world, poets, writers and presidents have often emerged. They have rarely mixed, however. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo u warramayey warbaahinta ayaa amar culus dul-dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku sugan baraha koontaroolada. Taliye Xijaar ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska Soomaaliyeed looga baahan yahay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlahooda shaqo, maadaama ay wakiil ka yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u yihiin adeegayaal. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay inay wada-shaqeyn buuxda yeeshaan ciidamada Booliska iyo shacabka, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga dalka. ”Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimada, maadaama la galayo doorasho. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii dambe ay cabasho xoogan ka soo yeereysay shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan ciidanka ku sugan koontaroolada ku yaalla Muqdisho. Si kastaba amarka kasoo baxay taliyaha Booliska ayaa ah mid looga jawaabayo qeylo dhaaanta shacabka oo isa soo tareysay, waxaana kusoo aaday, xilli loo baahnaa. The post Taliye Xijaar oo amar dul dhigay ciidamada booliiska appeared first on Caasimada Online.
  14. Maxkamada ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey. Go’aanka ka soo baxay Maxkamada dalka Mareyka ugu sarreeysa ayaa dhabar jab ku ah dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah. Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xiriiraan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xiriira g’aanka Maxkamada. Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka qaar ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Soogalootiga appeared first on Puntland Post.
  15. The Supreme Court ruled unanimously Monday that immigrants who entered the country unlawfully and were granted a temporary stay for humanitarian reasons do not become eligible to seek permanent residency. Source: Hiiraan Online
  16. More than 130 al-Shabab militants have been killed in the past three weeks of security operations in the Middle Shabelle region, the Somali National Army (SNA) said on Monday. Source: Hiiraan Online
  17. A man accused of killing four members of a Canadian Muslim family after running them over in his pickup truck, targeted them in an attack motivated by hate, police said on Monday. Source: Hiiraan Online
  18. Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howl-galka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Boorow oo ay ku sugnaayeen dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan lagu qabtay xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, isla-markaana u qaabilsanaa uruurinta lacagaha ay ugu yeeraan Zakawaat-ka. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in weli howl-galka uu socday, isla-markaana ujeedkiisa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka oo dhan. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka Cali Boorow oo howl-galka qorsheysan ay ka fuliyeen ciidamada Danab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xiriira howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan yare degan, balse waxaa dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan labada dhinac. Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha sida weyn ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, iyada oo weeraro qorsheysan iyo qaraxyo kasoo abaabusho gobolkaasi. The post Ciidamada Danab oo howl-gal qorsheysan ku qabtay xubno ka tirsan AlShabaab appeared first on Caasimada Online.
  19. Wararka ka imaanaya Gobolka shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay tuulo hoostagta degmada Qoryoolay ee gobolkaasi. Qaraxa ayaa ka dhacay tuulada Aala-footow ee dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir ka xigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada hoose. Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa shaacisay in qarax uu si gaar ah kaga dhacay xaruntii Al-shabaab ay ku farsameen jireen qaraxyada oo ku taala gobolka shabeellada hoose. Xarunta qaraxyada lagu farsameynayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiill ajaaniib iyo Soomaali ah iyo dagaalameyaal badan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo dhamaantooda goobta ku geeriyooday, kadib markii xiligaasi ay ku howlanaayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa. PUNTLAND POST The post xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku geeriyooday qaraxyo ay diyaarinayeen appeared first on Puntland Post.
  20. Siyaasi Maxamed Biixi Haaruun oo ka hadlay Tartanka Xilka Maayernimo ee Hargeysa+Sadexda Musharax ee la kala wato Intii ay soo baxday natiijada doorashadii gobolka M/jeex, waxa soo xoogaysanaaya olole ku saabsan meeyarnimada Hargeysa oo sadexda xisbi kala wattaan. In kasta oo aanay xisbiyadu rasmi u shaacinin shakhsiyaadka ay wax u doonayaan, hadana waxa magaalada ku badan saddex magac – Cabdikariim A. Mooge (Waddani), C/raxmaan Soltelko oo Kulmiye ay rabaan in ay soo celiyaan, iyo nin kale oo magaciisa la iigu sheegay Siciid C/samad oo UCID ka socda. Sidoo kale, waxa aan maqlayaa Kulmiye in aanay Soltelko isku raacsanayn oo nin kale oo Siciid Jaamac lagu magacaabo uu isna safka hore ku jiro. Si kastaba, hadal gun buu leeyahay ee waxa xoog u adkaan doonta in Mooge oo daafaha iyo daamaha Hargeysa oo dhan laga doortay, lagu bedelo xildhibaan jifo, oo qoyskoodu doortay, oo dhawr kun oo cod dirqi iyo tu xun ku keenay. Xaaladda taas oo kale ah ma ahayn cidda xilkaas qabanaysaa in ay muran gasho, laakiin degmadeena wax u gaar ah ayaa jira. Haa, wax u gaar ah baa jira oo jilayaasha siyaasaddu badiyaa ma tix geliyaan rabitaanka dadweynaha, mana xishoodaan, tixgelin la’aanta iyo xishood darada ayaana sabab u ah dhaqamo badan oo aynu aragno/maqalno. Waxa qoray Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  21. Marka hore waa run in ilaa iyo xad xisbiyada mucaaridku gaar ahaan WADDANI uu doorashadan guul lama filaan ah ka gaadhay markii uu kuraasida ugu badan ee wakiilada isagu ku guulaystay. Dabcan hadii aan ku hambalyeeyo lafteedana wax dhibaato ah uma arko mana ahi shakhsi ka tirsan sadexda xisbi midnaba. Keliya waxan qirayaa oo aan cid kalena dafiri karin in WADDANI uu guusha ku kasbay dadaal iyo qorshayaal uu aad uga baaraan degay sidii guusha uu kasbay ugu xaqiijin lahaa waanay u shaqaysay hadii aan la is xaasidayn. Mucaaridka waxa kale oo caawiyay xaaladda xisbul xaakimka Kulmiye oo dad badan oo taageersanaa ay muddoba ka dayrinayeen balse laga dhego adaygay ka hor doorashadaba. Intaasoo jirta hadana waxa run ah oo la yidhaa ciyaari waa gelin dambe. Kulmiye wax badani waxay kaga xidhan yihiin hadba sida Madaxwayne Muuse Biixi uu uga falceliyo guul darrada xisbigiisa ee doorashadan iyo talaabooyinka uu qaado si xisbigiisu uga soo kaban karo khasaaraha doorashadan xili ay 16 bilood oo keli ahi ka hadhsan tahay doorashadii Madaxtooyada. In kasta oo weli natiijadii rasmiga ahayd ee doorashadu aanay soo bixin haddana waxa durtaba muuqda in uu bilawday olole hor leh oo lagu kala xodxodanayo xildhibaanadii iyo xubnihii golayaasha degaamada ee ku soo baxay doorashada. Waxa la isku hayaana waa yaa noqon doona Shirgudoonka Golaha cusub ee wakiilada iyo weliba Meeyarada (Gudoomiyayaasha Golayaasha Degaanka) gaar ahaan degmooyinka heerka “Grade A” oo kuwa ugu muhiimsan ee mucaaridku ku taamayo ay yihiin caasimadda Hargeysa iyo Berbera oo ah magaalo-dekedeedka keliya ee Somaliland. Dhinaca kale isbahaysiga labada xisbi ee mucaaridka waxa jira dad sharaystay ama ka shakiyay balse maaha wax ku cusub Somaliland. Tan iyo xiligii Rayaale way dhici jirtay in mucaaridku mararka qaar ay heshiisyo gaar ah oo isxulafaysi ay dhex maraan si ay mawqifyo midaysan uga qaadan karaa arimo gaar ah oo xadidan xilyo gaar ah, oo ay u arkaan in ay jiraan dano gaar ah oo ay wadaagi karaan ama ay tahay in ay u midoobaan si ay isaga dhiciyaan xisbul xaakimka markaa talada haya. Hadana waa la og yahay oo maaha qasab in wax kasta mucaaridku ay isku aragti ka noqdaan waxanay inta badan ku xidhan tahay danaha ay wada leeyihiin iyo kuwa ay kala leeyihiin. Mararka qaar waxaba dhici jirtay in labada xisbi ee mucaaridka uu mid la daawaysto xisbul xaakimka maanta lafteeda iyo mustaqbalka dhawna maaha wax aan la fili karin in ay dhacdo. Qaran News
  22. MOGADISHU (Reuters) – A Somali mother and her child were killed and four others injured when a Kenyan warplane bombed two towns in southern Somalia, the woman’s husband said on Monday. The bombing by the Kenyan plane occurred last Thursday night in two towns in the Gedo area in Somalia’s semi-autonomous state of Jubbaland. The Somali government on Friday condemned what it called “indiscriminate air strikes” in El Ade and Hisa-u-Gur towns carried out by Kenyan forces. A contingent of the Kenyan military is part of the African Union-mandated peacekeeping force AMISOM stationed in Somalia to help defend the government from the al Qaeda-linked insurgent group al Shabaab. Ali Ahmed Sheikh, the woman’s husband, told Reuters on Monday he had been out of the house when the warplane struck his family home in El Ade and that of a neighbour on Thursday night. “I found my house destroyed, my wife Sahra Aden and the baby she suckled dead,” Sheikh told Reuters from Erdogan Hospital in the Somali capital Mogadishu. He was there attending to his children – two boys and two girls – who were injured in the attack. He said that in the raid, the Kenyan planes had also bombed other villages and destroyed telecommunications masts of Hormud Telecom, a Somali telecoms firm. A Somali government statement said the air strikes had resulted in death and injury of civilians including women and children, but it gave no specific details about the victims. Zipporah Kioko, spokesperson for the Kenyan military, referred Reuters back to AMISOM for comment on the incident. In a statement on Saturday, AMISOM said it was gathering information on the reported incident. Al Shabaab is seeking to topple the government and establish its own rule in Somalia based on its own strict interpretation of Islamic sharia law. Source: Reuters The post Kenyan air strike in Somalia allegedly kills woman and her child appeared first on Caasimada Online.
  23. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey cida is hortaagtay in doorashada Somaliland ay ka dhacdo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya oo isku hayaan Somaliland iyo Puntland. Dhoobo-Daareed ayaa marka hore beeniyey sheegashada Puntland ee ah inay ka hortegtay in doorashada Somaliland lagu qabto deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolkaasi, isaga oo sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay xukuumadda Garoowe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doorashadaasi ay iska diideen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Sanaag, isla-markaana ay mudan yihiin in lagu boggaadiyo. “Puntland kamay celin doorashada Somaliland dhulka Maakhir ee dadkaa diiday oo ku amaanan” ayuu yiri Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed). Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay sii adkeeyaan mowqifkooda. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan deegaanada Somaliland oo gobolka Sool uu ka mid yahay ay ka dhacday doorashada golaha wakiilada iyo tan deegaanka ee maamulkaasi, taas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan hal milyan oo qof oo codadkooda dhiibtay. Si kastaba labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaallamay gobolladaasi. The post Dhoobo-Daareed oo war xasaasi ah kasoo saaray doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  24. Siduu Abuubakar Shekau ku noqday hoggaamiyaha Boko Xaraam?+Halkuu Dhaqaalaha ka heli jiray Abuubakar Shekau wuxuu awoodda kooxda la wareegay markii uu gacanta booliska ku dhintay ninkii aasaasay ururkaas, Maxamed Yusuf, sanadkii 2009-kii. Shekau wuxuu kooxda u horseeday in weeraro dhiig badan uu ku daatay ay ka fuliso waqooy bari Nigeria iyo dalalka qaar ee deriska la ah. Intii uu hoggaaminayay Boko Xaram, waxay kooxda fuliyeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyin, falal afduub ah iyo in ay maxaabiis si xoog ah uga soo sii daayaan xabsiyada. Sannadkii 2014 waxay kooxda bilowday olole ay ku qabsaneysay magaalooyinka, si shareecada Islaamka ay halkaas ugu soo rogaan. Abuubakar Shekau ayaa la rumeysan yahay in uu jiray da’da 40 sano, wuxuu ka soo dhex muuqanayay muuqaallo uu uga hadlayay ololaha kooxda. “Waxaan ku raaxeystaa dilka, sida aan ugu raaxeysto marka aan gowracayo digaagta ama Idaha”, ayuu yiri mar uu ka soo muuqday muuqaal la baahiyay 2012-kii. Tan iyo markii uu hoggaanka kooxda la wareegay, in ka badan 30,000 oo qof ayaa ku dhimatay weerarrada, halka in ka badan 2 milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen. Kooxdan ayaa si weyn looga hadal hayay caalamka ka dib markii sannadkii 2014 ay boqollaal gabdho ah ka afduubteen iskuul ku yaalla degmada Chiboka ee gobolka Borno, waxaana bilowday olole lagu baadigoobayay gabdhahaas oo in badan oo ka mid ah ay wali maqan yihiin. Wixii xilliggaas ka dambeeyay, Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay in Shekau uu yahay ‘argagixiso caalami ah’, waxaa uu dul digay madaxiisa $7 milyan oo doolar. Abuubakar Shekau wuxuu dagaal dhiig badan uu ku daatay ka waday waqooyi bari Nigeria, in ka badan 10 sano, waxaana ka hor yimid ururka la baxay dowladda Islaamka ee Galbeedka Afrika, maadama uu ahaa nin aad xagjir u ah. Dadka qaar waxay saadaalinayaan in geerida Abuubakar Shekau ay horseedi doonto in uu soo afjarmo dagaalkii kooxdan kala dhexeeyay ururka Iswap, waxaana dhici karta in dagaalyahanada Boko Xaraam ay ku biiraan ururkaas, halka dad qaar ay sheegayaan in dagaalyahannada ay weli kusii dheganaan doonaan fikradihii Shekau. Halkuu dhaqaalaha uu ka heli jiray? Boko Haram waxay soo caan baxday oo ay warbaahinta caalamka soo jiidatay sannadkii 2014-kii, ka dib marki dugsi ku yaallo magaalada Chibok ee gobolka Borno oo ay kooxda si aad ah uga dhaqdhaqaaqdo ay ka afduubteen 300 oo gabdhood oo iskuulkaas wax ka baraneysay. Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda ee Afrika ayaa sannadkii 2015-kii sheegay in kooxda Boko Xaram uu yahay midka ugu waxyeellada badan ee kooxaha argagixisada ee caalamka ka dagaallama. Xarunta dhexe ee gaashaandhigga Nigeria ayaa sheegtay in ka ganacsiga daroogada iyo lacag ka timid caalamka oo dhan ay tahay mida lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqyada Boko Xaram oo ay ku jiraan madaxfurasho laga helo afduubayada. Deegaannada kooxda gacanta ugu jira ayaa sannadihi ugu dambeeyey hoos u dhacayey, maadaamaa ay ururka dhexdiisa kala qaybsnaan ka dhalatay. Sannadkii 2015-kii, Abubakar Shekau wuxuu ballanqaaday inuu daacad u yahay ururkii la baxay Khilaafada Islaamka ee uu hoggaaminayay Abubakar Al-Baqdadi, wuxuuna ballanqaaday in uu magaca Boko Xaram u beddelo Iswap. Balse sannadkii 2016-kii, ISIS waxay u Shekau ku bedeshay Abu Muscab al-Barnawi oo ahaa hoggaamiye ka tirsanaa kooxda, taas oo keentay in Shekau uu sameeyo koox u gaar ah oo loogu yeero Jamaacatu Ahlu-Sunna Liddacwati wal-Jihadi (JAS). Sida kooxda ay u fiday intuu madaxda ka ahaa? Abuubakar Shekau wuxuu dagaal dhiig badan ku daatay kula jiray militariga Nigeria, Chad iyo Niger, 10-kii sano ee la soo dhaafay. Intii uu kooxda madaxda ka ahaa ayaa laga bartay daafaha caalamka, waxayna waarer ka geysteen Nigeria iyo dalalka deriska la ah, waxayna ku dileen boqollaal qof. Shekau wuxuu kala wareegay hoggaanka Boko Xaaram Mohammed Yusuf, oo meel fagaare ah ay ku dileen booliska Nigeria, sannadkii 2009-kii. Kooxdan ayaa si weyn looga hadal hayay caalamka ka dib markii ay bilowday afduubka gabdhaha iskuulleyda ah ee Waqooyi-Bari Nigeria. Waana xilligii uu bilowday olole kooxdaas ka dhan ah. Haddii la xaqiijiyo geerida Shekau, waxaa laga yaaba in kooxda ay soo afjaranto, sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha gobolka. Kooxda la baxday dowladda Islaamka garabkooda galbeedka Afrika ayaa dagaal adag kula jira kooxdan Boko Xaram. Qaran News