-
Content Count
211,104 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qarax bam-gacmeed ah oo habeenimadii xalay lagu qaaday gaari marayay caasimadda Afganistan ee Kabul ayaa waxaa ku geeriyooday gabar saxafiyad ah oo u shaqeyneysay TV maxalli ah iyo hooyadeed, waxaana ku dhaawacmay walaasheed. Mina Khairi ayaa u shaqeyneysay Ariana News seddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta TV-gaas. Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta Afghanistan ayaa bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyay geerida gabadhaas suxufiyadda ah iyo hooyadeed. Sidoo kale, ururka ayaa si adag u cambaareeyay qaraxa lagu dilay gabadha weriyaha waxaana ay ku baaqeen in dowladd u si dhab ah u baarto dhacdadaas. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan, waxaana ugu baaqeynaa dowladda inay si dhab ah u baarto” ayay ku yiraahdeen qoraalka. PUNTLAND POST The post Suxufiyad ku dhimatay qarax ka dhacay Afganistan appeared first on Puntland Post.
-
Mahad dhamaanteed alle ayay u sugnaatay, nabigeena suuban nah naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato. Maqaalkan waxa aan uga hadlayaa Isbadalo Kasocda qaar kamid ah wadamada islaamka, gaar ahaan Labbo wadan oo Kamid ah wadamada ugu Tunka weyn wadamada islaamka waaana:…. A) Turkiga B) Saudia Arabia Labbadaan wadan waxa aan usoo qaatay sababo la xiriira inay yihiin wadamo muraayad u ah islaamka kuwaas oo taariikh ahaanba huwan diinta islaamka. Xogtaan waxa ay ku koobnaan doontaa qarnigii tagay iyo kan lagu jiro oo kaliya, waxaana is dul taagi doonaa wadan waliba suu ahaa anigoo isbadaladaas kusaleynaya qoddobada soosocda. • Hormarinta dhinaca dacwada Diinta islaamka • Hormarinta Iyo garab qabashada Wadamada islaamka • Hiigsiga uu mid waliba hiigsanayo siduu u noqon lahaa mid ka ciyaara darajo sare marka lafiiriyo arimaha laxirriira islaamka iyo guud ahaan caalamul islaamiba. Si aynu u dheehano sirta ku daahsoon awoodaha iyo loolanka maldahan ee ka jira wadamadaan aynu u daadagno gunta dhigaalka inagoo ku horaysiinana Turkiga. Turkey Turkigu waxa uu ahaa xaruntii ay ku shaqeyn jirtay dowladii Cismaaniyiinta, taas oo u dambeysay Khilaafooyinkii islaamka soomarey. Sidoo kale Turkigu waxa uu ahaa xaruntii ugu dambeysay oo uu kataliyo taliska guud ee islaamka. Awoodii ay ku naaloonaysay Turkigu waxa ay daciiftay bilowgii Qarnigii 18aad. Kolkaas gaaladu waxa ay isku deydey iney inqilaabto Turkiga, weyna inqilaabtay. Sannadii 1924 Mustafe Kamal AtaaTurkey ayaa aas-aasay jamhuuriyada Turkiga. Reer galbeedku waxay la galeen balan salka ku haysa inaan dib dambe loomaqal khilaafo islaamiya iyo in shareecada islaamka latirtiro, laguna shaqeeyo qaanuunka reer galbeedka Iwm. Sannadii 1925 waxa uu soo saaray qaanuun mamnuucaya shacaa’irta islaamka sida: • Gabadhu iney xijaabato • Cimaamada madaxa lasaarto • Salaanta Muslimiinta isku salaaman iyo wixii la halmaala. Sidoo kale sannadii 1928 waxa uu mamnuucay • In shareecada islaamka la barto • In Afka Carabiga lagu adimo • Raga iyo dumarka iney dhaxalka kasimanyihiin. • Iwm. Intaas waxaa usii dheerayd mamnuuc ka ahaanshaha uu mamnuuc ka yahay qof Turkey ahi inuu xajka aado muddo dheer oo 20 iyo dhowr sanno ah. Masaajidka ugu weynaa Turkiga waxaa loobadalay madxaf dadku ay booqdaan. Nin layiraahdo Cadnaan madri oo reysal wasaare kanoqday dalkaas kaas oo hogaaminayey xisbul cadaala isagoo loolan doorasho ku jira ayuu raacay diyaarad. Haggaha diyaarada (Beylood) ka ayaa usheegey rakaabku iney isdiyaariyaan oo ay diyaaradu dhacayso cilad jirta owgeed . Cadnaan wuxuu balan ku qaaday haduu alle ka badbaadsho shilkan uuna mar hogaanka Turkiga u gacan kalo, inuu kuceliyo islaamnimada. Awooda alle iyo qadar kiisa qurxoon dartiis wuxuu cadnaan noqday shakhsiga kaliya ee ka badbaaday shilkaas. Wakhtigu waxa uu is guraba waxaa dhacday doorashadii laga qorshaynayay wadankaas waxaana kusoo baxay codayntii cadnaan, waxa uuna ku guuleysatay majaro u qabashada dalkaas. Shacabka Turkigu waxay kujireen nolol adag waxeyna u heelanaayeen qof mar qura ka sheekeeya islaamka. Cadnaan guushiisii kadib waxa uu shacabkiisa usheegey, hadii ay dhalato bisha ramadaan in lagaga adimi doono af carabiga gabi ahaan masaajida dalkaas. shacabkiisu waxay aad ugu riyaaqen arinkaas halka ay aad uga xumaadeen reer galbeedku, maadama uu ka xuub siibtay dal ay kusoo tababareen cilmaaniyada. Wakhtigaan la joogo Turkigu ma ahan kii hore ee la dhalan rogay se waa mid kudhisan jaceyl diineed iyo difaacida dadka muslimka ah. Aan inyar kasii ifiyo Turkiga uu maanta hoggaanka u hayo madexweyne Erdogan, waxaa aad looga dheehdaa inuu yahay shakhsi kufaana islaanimadiisa kaas dalkiisa iyo dadkiisaba Diin jaceyl ku haga. Sidoo kale waa hoggaamiye in badan ka shaqeeyey sidii uu Turkigu u noqon lahaa dal hormuud u ah islaamka. Sidii loo mideyn lahaa dalalka islaamka oo ay isku garabsan lahaayen. Sidii Diinta loo difaaci lahaa loogana soo horjeedsan lahaa islaam nacaybka. Difaacida dadka muslimiinta ah ee daafaha Aduunka ku dhaqan hadey soo wajahdo dhibaato. Udoodida qadiyaha islaaamka sida arinta Walaalaheen reer falastiin. Turkigu marma marka ka danbaysa waxaa kasoo yeera baaqyo farxad gasha quluubta muslimiinta sida in dib loo furo masjidyo horey madxaf u ahaa. Waxaa tusaale nool ah wakhti xaadirkan Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia oo ku yaal magaalada Istanbul in markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Guntayda iyo gunaanadkayga Turkigu waa wadan Koraya dhan kastoo laga qiimeeyo sida Saudi Arabia Wadankani waa dal ku yaal galbeedka Aasiya oo ka kooban qaybta jasiiradda Carabta. Sacuudi Carabiya ayaa ah gobolka ugu weyn ee madaxbannaan Bariga Dhexe, kaas oo juqraafi ahaana ah gobolka shanaad ee ugu weyn Asia tan labaad ee dunida Carabta ka dib Algeria iyo 12aad ee adduunka ugu weyn. Sacuudi Carabiya ayaa xuddun u ah Jordan iyo Ciraaq waqooyi, Kuwait ilaa waqooyi bari, Qadar, Bahrain iyo Imaaraadka Imaaraadka Carabta xagga bari, Oman ilaa koonfur iyo yemen xagga koonfureed. Waxaa laga soocay Israel iyo Masar Gacanka Cadanba, waana waddanka keliya ee leh xeebta Badda Cas iyo xeebta Gacanka oo badi dhulkeedu wuxuu ka kooban yahay lamadegaan, dhul hoose iyo buuro. Sacuudi Carabiya waa isha dhaqaalaha ugu weyn ee Bariga Dhexe ilaa Oktoobar 2018 iyo dalka 18aad ee adduunka ugu weyn. Saudi Carabia waa wadan dadkiisu muslim yihiin waxaana laga soosaaray Nabigeena Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato. Sidoo kale waa wadan ay kuyaalaan goobo nagu weyn hadaan nahay dad ku abtirsada islaamka, waxaa kuyaala Xarameynkii. Waa wadan Islaamku wada ilaashado maadaama uu yahay xaruntii islaamka waa mid waajib naga saaranyahay inaynu wada Ilaalino sharafta iyo Karaamada Saudia Arabia. Aynu u daadagno gunta digaalkeena iyo dhulka la isku yiraahdo sacuudi carabiya. Sacuudigu waa wadan soo maray taariikh iyo mar-xaalado kaladuwan , waa wadan xudun u ahaa furashooyin badan (Fatuuxaad). Uma dhaadhacayo taariikhdii ay soomartay sacuudi carabiya se waxaan waxyar ka iftiimin doonaa xog yar oo ku saabsan. Sacuudi carabiyadii mucaasirka ahaa waxa uu ahaa wadan kudhaqma diinta islaamka iskuna xukuma dhamaan shacaa’irta islaamka weliba dhowra. Waxa uu ahaa wadan Lagu barto shareecada islaamka , wadamada islaamkana ka caawiya xaga faafinta dacwada islaamka. Sucuudigu wuxuu ahaa wadan xudun u ah mabda’a Salafiga. Waxa uu ahaa wadan Mar waliba isku arka kan ugu sareeya marka laga hadlayo wax yaabaha kusaabsan Islaamka. Waxa uu ahaa wadan ka qeyb qaata caawinta dadka dhibaataysan ee kudhaqan wadamada danyarta ah ee islaamka. Waxa uu siin jiray Waxbarasho bilaash ah ardeyda huwan haybada islaamnimada ah ee daafaha dunida kala joogta. Waxa uu qeyb kaqaadan jirey hormarada wadamada islaamka ee Faqriga ah. Nasiib darro wakhtiyadan danbe waxa ay cagta saartay wado hoos u dhigaysa qiimaheeda iyo sumcaday islaamku u hayeen. Tan micnaheeduna ma’ahan in wanaagii sucuudigu ee aan kor kusoo xusnay uu burburay balse waa saadaal laka dheehan karo in loo baqayo. Sababtoo ah wakhti xaadirkan uu yimid wiilka dhaxal sugaha ah ee Mohamed binu salmaan, waxa uu la soo baxay dagaal uu kuhayo kudhaqankii shareecada islaamka. Marba marka ka danbaysa waxaa kasoo dhalaala waxyaabo aan lagu farxin. Arimihii udambeyey oo uu ku kacay waxaa kamid ah: Inuu furey goobo koob ciyaar lagu sameeyo (dance). Inuu dhiirigashay isdhexgalka Raga iyo dumarka ajanabiga kala ah taas oo qayb ka noqotay inay iskumeel kuwada qoobka ciyaaraan. In uu wadanka kucasumay dadka ugu xun xun dadka kucaanka ah qoobka ciyaarka (dance ) wadankii ugu barakada badnaa wadamada. Inuu hoos udhigey dacwadii hay’ada fariqada kheyrka iyo kareebida xumaanta taas oo kashaqeyn jirtay Saudi Arabia. Inuu badalay boor kudhaganaa Wadada aada medina Almunawara taas oo ay ku qorneyd “waxaa gali kara dadka muslimka ah” isagoo u badalay aaaga xaramka oo kaliya. Inuu sameeyey xarumo shaneemooyin ah oo la iskugu yimaado. In uu mamnuucay in makarafoonka Salaada kor looqaado uuna diiday in banaanka laga maqlo Quraanka iyo Salaada marka latukanayo. In ay dowladiisu ku dadaaleyso In wadanka laga dhigo wadan loo soodalxiis tago, taas oo saamayn tabab yeelan karta. Inay ciqaab kala kulmaan culumadii isbida inay wax saxdo. In qadiyadihii Islaamka ee guud aad moodid inuu ka xuubsiibanayo sacuudiga, xitaa laga cabsi qabo inuu afku is dhalan rogo. Guud ahaan waxyaabahaasu waxay cadaymo u yihiin dib u socodka kasoo dhalaalaya maamulka furaha u haya sucuudiga oo ah wadanka ugu barakada badan wadamada islaamka. Waxaa nagu waajib ah inaan ka dhiidhino intii awoodeena ah sidoo kale aan u ducayno inuu alle noo xafido wadamada shacaatirka iyo taariikhaha islaamku ku duuganyihiin gaar ahaan sucuudi carabiya. Ugu danbayn Ujeedadeydu waxa ay ahayd inaan isla aragno halka Turkiga laga keeney iyo halka loowado, sido kale halka Sucuudigu joogi jirey iyo halka loowado. Hadaba waxaa muhiim ah arrimaahaas oo dhan inaan sifiican isha ugu hayno waayo Aduunyada maanta isbadalo iyo tartamo xoogan baa ka socda la socodkooduna waxa ay muhiim noogu yihiin fursaha aan uga diirad qaadan karno sidaan u samayn lahayn isbadal dal iyo dad iyo ka qaadashada waayo-aragnimo mid taban iyo mid toggan bah. Waxaan idin ku dhex xusuusin dhigaalkan in lagu jiro xilli adag, waxaa muhiim ah inaan diinteena gows dambeedka ku qabsano oo kudhaqankeedana kudadaalno. Sidoo kale aynu isku ducayno In Alle mideeyo Umadda islaamka. Alle iimaanka hanagu sugo, Khaatumadana hanoo wanaajiyo. Abdirahman Mohamed Aden – Waxaad kala xiriiri kartaa Jaaburi999@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Halka laga keeney Turkey iyo meesha loo wado Sacuudi appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay markale dib ula wareegeen deegaanadii ay dhowaan ka qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Dhexe. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, isla-markaana lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay haatan ku sugan yihiin deegaanada War-Ciise, Qoordheere, Wararaxley iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay saaka si nabdoon kula wareegtay deegaanadaasi oo dhowaan howl-gal milatari ku qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib dagaallo culus oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle. Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidanka dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Biyo-Cadde oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi. Sidoo kale labada dhinac ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada deegaanadaas, iyada oo shacabka ku dhaqan halkaasina ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo uu khasaare xoogan kasoo gaaray labada dhinac, kadib markii ay isku fara-saareen gudaha gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka HirShabelle, iyaga oo deegaano badan ka heysta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi. The post Al-Shabaab oo shaacisay inay dib u qabsatay deegaano ku yaalla gobolka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Faah faahin dheeriya ayaa laga helayaa dagaal muddo ku dhow saacad socday oo habeenkii xalay Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray qeyb kamid ah Magaalada Muqdisho. Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Ex-koontarool Balcad ee Muqdisho, waxaana inta uu socday dagaalka Ciidanka Booliska iyo Al-shabaab ay dadka maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo la isku adeegsanayay. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka bilowday, kadib markii xubno ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo Bar koontarool ku leh wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo ay ka socoto dhismo. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Haramcad oo ka hadlay dagaalkii xalay dhacay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray. PUNTLAND POST The post Dagaal xalay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay fal aad looga argagaxo, kadib markii Macallin iskuul uu si arxan daran u dilay xaaskiisa, sida ay sheegeen goobjoogeeyaal iyo qoyska gabadha la dilay. Bashiir Cabdi oo ahaa macallin wax ka dhiga iskuulka Hanti-wadaag ayaa lagu eedeeyey in gurigii uu ka guursaday ku dilay xaaskiisa Salaado Faarax Cali oo u dhashay hal gabar, dhacdadaan oo ka dhacday degmada Warta Nabadda {Ex-Wardhiigleey}. Ehelada marxuumada ayaa waxay sheegeen in argagax leh uu u dilay marxuumada, isagoo madaxa iyo qeybaha kore jirkeeda bir ugu garaacay taasoo keentay in dadku ay ka argagaxaan markii la arkay marxuumada oo gacmaha ka xerxeran oo meyd ah. Qoyska gabadha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u danbeeyay aysan lamaanahaasi xiriirkooda fiicneyn wax wada hadalna uusan ka dhaxeyn, taasoo labada qoys ay xal u waayeen. Dilka marxuumad Salaado Faarax Cali ayaa si weyn looga argagaxay. waxayna qoyska gabadha ay ka codsadeen DF in loo caddaalad falo marxuumada. Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa hadda baadi goob ugu jira macalinka dilka u geestay xaaskiisa oo baxsaday. Macalinka dilka geestay ayaa caan ka ahaa degmada Warta Nabada uu degnaa sidoo kale macalin ka ahaa The post Macallin iskuul oo xaaskiisa si arxan daran ugu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal-yahannada Taliban ayaa jimcihii shalay qabsatay degmo ku taal koofurta waddanka Afghanistan, kadib markii ay halkaas isaga carareen ciidanka ammaanka ee dowladda Afghanistan. Sarkaal ka tirsan laamaha amniga ee koofurta gobolka Zabul oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta u xaqiijiya in dagaalyahannada Taliban ay soo galeen degmada Shinkay subixii hore ee Jimcaha, kaddib markii ciidmada dowladda ay dib uga gurteen. Shinkay ayaa noqonaysa degmadii todobaad oo ay si buuxda ula wareegeen xoogagga Taliban tan iyo markii ciidamada Maraykanku ay bilaabeen in ay ka baxaan waddanka Afghanistan. Afhayeenka Taliban Yousaf Ahmadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahannadooda ay sidoo kale qabteen shaqaalihii ammaanka, laakiin ma sheegin tiradooda, hase yeeshee sheegashada Taliban ee qabsashada shaqaalaha ammanka ayaan weli la xaqiijin karin. PUNTLAND POST The post Xoogagga Taliban oo qabsaday degmo ka tirsan Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Menlo Park (Caasimada Online) – Shirkadda Facebook ayaa ku dhowaaqday inay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka mamnuucday isticmaalka shabakaddan muddo laba sano. Facebook ayaa madaxweyne Trump ku eedeysay inuu huriyay weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congress-ka Mareykanka 6-dii Janaayo 2021, isaga oo u adeegsanaya baraha bulshada oo ay Facebook ku jirto. “Ayada oo la eegayo baaxadda duruufihii hoggaamiyey in la xayiro Mr. Trump, waxaan aaminsannahay in ficilladiisa ay ka dhignaayeen xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarkeena, taasi oo u qalanta ganaaxa ugu sarreeya,” waxaa sidaas yiri madaxweyne ku-xigeenka Facebook ee arrimaha caalamiga ah Nick Clegg, oo soo saaray bayaan. “Waxaan cinwaanadiisa xannibi doonnaa muddo laba sano ah, oo kasoo billaabata taariikhda xayiraddii koowaad oo aheyd 7-da Janaayo ee sanadkan.” Go’aanka Facebook ayaa yimid kadib markii guddi kormeer oo ay shirkadda sameeyey ay bishii tagtay joogteeyeen go’aankii Trump looga mamnuucay shabakaddan, balse ay sheegeen inaysan sax aheyn in Trump lagu soo rogo xayiraad abadi ah. Trump ayaa si deg deg ah uga jawaabay go’aanka Facebook, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku yiri “Xukunka Facebook wuxuu aflagaado ku yahay 75-ka milyan ee ii codeeyey doorashadii 2020 ee lagu shubtay.” “Ma ahan in loo ogolaado inay la baxsdaaan faafreebkan iyo aamusintan, ugu dambeynna waa guuleysan doonnaa. Dalkeena uma dulqaadan karno xadgudubkan hadda kadib,” ayuu yiri. Facebook ayaa sidoo kale go’aan cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in hadda kadib aysan mas’uuliyiinta xilalka haya ka reebi doonin in lagu dabaqo xeerarka shirkadda, taasi oo Trump uu kaga baxsan jiray in tallaabo laga qaado muddadii uu xilka hayey. The post Facebook oo xukun laba sano ah ku ridday Donald Trump appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The government of Somalia says that it "strongly condemns" Kenyan airstrikes in Somalia's Gedo region that killed and injured civilians. Source: Hiiraan Online
-
Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Sanaag ee Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa bannaanka u soo saartay in ay dhammaantood dhaceen Murrashaxiin Sideed ahaa oo ka soo jeeday Bariga Gobolka Sanaag. Murrashaxiintan dhammaantood isla dhacay, ayaa waxa ay ka sharaxanaayeen Saddexda Xisbi ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, iyada oo sababaha ay u dhaceen loo aanaynayo in codadka deegaannada ay ka sharaxnaayeen yaalay iyo tirada murrashaxiintu ay kala badnaayeen. Dadka deegaannada Bariga Sanaag iyo guddaha Magaalada Ceerigaabo ka coddeeyey, ayaa tiradoodu waxa ay tiradoodu gaadhaysaa 11,591 qof, kuwaas u coddeeyey sideeddii murrashax ee ka sharaxnaa saddexda Xisbi, taas oo keentay in murrashaxna heli waayo tiradii loo baahnaa ee uu ku soo baxayey. Sababaha loo aanaynayo in ay Murrashaxiintan ayaa waxa ka mid ah in deegaannada Bariga Sanaag dadka u sharaxan aanay is diiwaan gelin oo aanay wada qaadan kaadhka codbixinta, qorshaha xumo ka timid dhinaca siyaasiyiinta deegaankaasi oo aan isu tanaasulin, isla markaana sided murrashax isku barbar yaacayey, Wasiirka shaqo gelinta iyo Arrimaha bulshada deegaanka Bariga Sanaag ka soo jeeda oo la sheegay inuu maarayn kari waayey murrashaxiintaasi oo saddex ka mid ah murrashaxiinta dhacay ka sharaxneeyeen Xisbiga Kulmiye. Haddaba, halkan waxa aanu isku soo gudbinaynaa siddeeda Murrashax ee ka sharaxnaa Gobolka Sanaag, gaar ahaana deegaannada dhinac bariga ka xiga Degmada Ceerigaabo, sida ay u kala heleen codadkii dadku dhiibteen, balse aan u suurto gelin in mid ka mid ahi soo baxo. Kulmiye Ibraahin Ducaale Cawke, waxa uu helay, 2906 cod Ahmed Yusuf Mohamed, waxa uu helay, 1379 cod Ahmed Aadan Guray, waxa uu helay, 952 cod Waddani Siciid Ibrahim Mohamed, waxa uu helay, 1757 Siciid Mohamed Ahmed, waxa uu helay 2516 cod UCID Abdikarim Mohamed Hasan Gufure, waxa uu helay, 1377 cod Abdirashiid Hasan Mohamed, waxa uu helay 29 cod Yasin Mohamed Sharmaake, waxa uu helay 1575 Source
-
Mogadishu (HOL) - The bodies of four young men have washed up on Lido beach on Friday, nearly a full day after they were first reported missing by their families. Source: Hiiraan Online
-
ADDIS ABABA (Xinhua) -- The Ethiopian Federal Attorney General Office announced on Thursday criminal charges have been filed against 53 soldiers accused of killing and raping civilians. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu cambaareyneyso duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka DF oo dhameystiran Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilo laguna dhaawaco dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya. Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya. Hawlgalladaan KDF ee lagu soo koobay sheegashada fulinta hawlgallada ka dhanka ah xagjirnimada shaki la’aan ayaa loo qabtay qaab ka baxsan waajibaadkooda hoos yimaada waajibaadka UNSC ee amarka AMISOM, gaar ahaan OP17 oo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in ciidamada AMISOM ay gutaan waajibaadkooda iyagoo si buuxda ugu hoggaansamaya dowladaha ka qayb qaadanaya. waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Waxaa muuqata inay sii kordheysa muuqato daandaansiga iyo kala sooc la’aanta ay ciidamada KDF ay howlgalada ka fuliyaan Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka xagjirnimada, waxna ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada, laakiin kaliya waxay sii xagjirineysaa beelaha taageera xag-jirnimada. Dadka rayidka ah iyo hantidooda waa in aysan waligood noqon bartilmaameedka ficil militari. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay sare u qaadday tixgelinta xaqdarrada ah ee naf iyo maalba shacabka rayidka ah ee KDF, oo ah waajibaadka ugu weyn ee AMISOM, marar badan oo lala yeeshay Jamhuuriyadda Kenya iyo Midowga Afrika. Waa in la ogaadaa, madax-adayga Jamhuuriyadda Kenya oo aan awood u lahayn inay ilaaliso heerka laga filayo KDF iyada oo la waafajinayo waajibaadkeeda sharciga caalamiga ah ayaa ah sababta ka dambeysa inuu xumaado xiriirka diblomaasiyadeed, taas oo keentay in DFS ay jarto dhammaan xiriirkii diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Kenya. Waa wax laga xumaado in KDF ay wali ku hoos jirto aragtida ah Xaaladda Heshiiska Ergada (SMA) waxay ka ilaalinaysaa ficilladooda la xisaabtanka dilka sharci darrada ah ee kuwa aan waxba galabsan iyo burburinta hantida gaarka loo leeyahay. Si taas loo gaaro, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay u soo bandhigi doontaa walaaca ay ka qabto hawlgaladan si isdaba joog ah oo KDF ku wajahan PSC, laakiin sidoo kale waxay bilaabi doontaa hanaan lagu dhisayo guddiga sheegashada joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ku cad qodobka) 0N, farqadiisa 59, ee Heshiiska Howlgalka Xaaladda, si loola xisaabtamo kuwa geysta burburka sharci darrada ah ee hantida iyo soo celinta dhibbanayaasha. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa AMISOM inay fuliso waajibaadkeeda sida ku cad farqadda OP18 ee xafiiska UNSC ee AMISOM si loo xoojiyo isku mid ahaanta soo tebinta khasaaraha rayidka iyo in lala shaqeeyo hay’adaha DFS, si ay ula socdaan falalkan foosha xun ee fuleynimada ah ee lagula kacayo bulshada. Falalkan rabshadaha ah waxay diiradda saarayaan muhiimada doodaha socda ee ku saabsan Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya iyo nooca, qeybaha howlgalka Midowga Afrika ee 2021-ka. The post DF Soomaaliya oo si caro leh uga hadashay duqeymo ay ciidanka Kenya ka geysteen G/Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada wakiillada iyo deegaanka Somaliland ayaa dhacday 31 May 2021 Waxaa ilaa hadda la shaaciyay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Somaliland Shan (5) gobol oo kala ah Sanaag, Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Sool. Waddani oo hoggaaminaya kuraasta shanta gobol ayaa helay 24 kursi, halka Kulmiye uu helay 22 kursi, sidoo kale Ucid ayaa ka helay 16 kursi, iyadoo Golaha Wakiillada Somaliland ay yihiin 82 xubnood. Waxaa xusid mudan in 62 xubnood ee Golaha Wakiillada Somaliland ee la shaaciyay aysan ku jirin wax haweena. Weli waxaa la sugayaa natiijada gobollada dhiman, oo lagu wado in lagu dhawaaqo saacadaha soo socdo. Sanaag Waddani: 5 Kulmiye: 4 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Sanaag waa 12 xildhibaan. Awdal Kulmiye: 5 Waddani: 5 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Awdal waa 13 xildhibaan. Togdheer Waddani: 7 Kulmiye: 4 Ucid: 4 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Togdheer waa 15 xildhibaan. Saaxil Kulmiye: 4 Waddani: 3 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Saaxil waa 10 xildhibaan. Sool Kulmiye: 5 Waddani: 4 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Sool waa 12 xildhibaan. Dhanka kale natiijada hordhaca ah ee golaha deegaanka Somailand ayaa inta badan la shaaciyay, waxaana loo kala helay sidan. Burco Waddani: 5 Kulmiye: 4 Ucid: 4 Berbera Kulmiye: 6 Waddani: 4 Ucid: 3 Boorama Waddani: 5 Kulmiye: 5 Ucid: 3 Baligubadle Kulmiye: 4 Waddani: 3 Ucid: 2 Oodwayne Waddani: 6 Kulmiye: 4 Ucid: 1 Buuhoodle Waddani: 5 Kulmiye: 4 Ucid: 2 Sheekh Waddani: 3 Kulmiye: 3 Ucid: 3 Baki Waddani: 5 Kulmiye: 3 Ucid: 1 Laascaanood Waddani: 5 Kulmiye: 5 Ucid: 3 Caynaba Kulmiye: 4 Ucid: 3 Waddani: 2 Taleex Kulmiye: 6 Waddani: 3 Ucid: 0 Xudun Kulmiye: 7 Waddani: 2 Ucid: 0 Ceerigaabo Waddani: 6 Kulmiye: 5 Ucid: 2 Ceel-afwayn Kulmiye: 5 Ucid: 3 Waddani: 3 Gar-adag Kulmiye : 4 Waddani: 3 Ucid: 2 Sallaxley Kulmiye: 4 Ucid: 3 Waddani: 2 Saylac Kulmiye: 4 Waddani: 4 Ucid: 3 Lughaya Kulmiye: 5 Waddani: 2 Ucid: 2 PUNTLAND POST The post Doorashada Somaliland: Sidee loogu kala guuleystay kuraasta wakiillada iyo deegaanka? appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya oo ka hadashay duqeymo ay Kenya ka geysatay Gedo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymo la sheegay in shalay diyaaradaha Kenya ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Gedo oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo Ciidanka Kenya ka geysteen Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo 3-dii bishan uu keenay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in howlgallada Ciidanka Kenya ay yihiin kuwo ka baxsan hanaanka Ciidanka AMISOM, islamarrkaana aysan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah. Waxay tilmaantay in howlgallada ay Ciidanka Kenya ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwo aan wax ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada, laakiin ay yihiin kuwo sii xagjiraynaya dadka taageera xag-jirnimada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka hadashay duqeymo ay Kenya ka geysatay Gedo appeared first on Puntland Post. -
(SLT-Hargeysa)-Boqor Osman Buurmadow ayaa hambalyeeyay doorashada ka qabsoontay Somaliland iyo doorka beeshiisu ka qaadatay. Waxa uu xisbiyada mucaaridka ugu baaqay inay shirguddoonka geeyaan cid u qalanta. Qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyay ayaa u dhignaa sidan: Waxaan sikal iyo laab ah u hambalyaynayaa dhamaan bulshada soomaaliland guusha iyo nabadgelyada soomaaliland ee doorashada labada gole waxaan sigaar ah ugu hambalyaynayaa beelaha East Burco Clan oo guul kasoo hooyey doorashadii dalka kaqabsoontay. Waxaa lagaadhay wakhtigii hogaanka baarlamaanka lagu hubsanlahaa Cid uqalanta Hogaaminta golaha labada xisbi mucaarad Waa inay umidoobaan dhisida hogaan Adag waxaan si aan gabasho lahayn utaageerayaa cabdirisaaq khaliif axmed doodir Kuxigeenka waxaan ku talin lahaa inlasiiyo Xisbiga ucid guulbaan urajaynayaa soomaliland Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah garabka mucaaridka ayaa si weyn usoo dhaweeyay tallaabo uu sheegay inuu qaaday ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib dalab ay u direen xildhibaano uu kamid yahay. Mahad ayaa sheegay in Rooble uu ka dambeeyo amarka uu taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed uu maanta ku bedelay qaar kamid ah ciidamadii Asluubta ee ku sugnaa xarumaha dowladda iyo kontoroolo muhiim ah. “Waxaan bogaadinayaa ugana mahadcelinaynaa RW Maxamed Xuseen Rooble tilaabada uu ka qaaday Ciidamadii Asluubta ee joogay wada hormarta Kawaanka Malayga, Maxkamadaha, Xabsiga Dhexe iyo Dekadda ee maalin dhawayd xabadeeyay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri. “Waxaa naga go’an in aan si buuxda ula shaqayno RW Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay.” Sidoo kale, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa soo dhoweeyey tallaabaday uu qaaday Rooble. “Cagaarkii waxaa bedelay kaaki, xabaddiina Faataxo ayaa bedeshay!.! Waa ku mahadsan yahay Raysul wasaare Rooble abuuridda xasilooni siyaasadeed iyo kala danbayn.” Hadalka Mahad Salaad ayaa imanaya saacado un kadib markii maanta Ciidamada booliska la geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn, kuwaasi oo laga qaaday ciidankii hore u joogey ee Asluubta. Ciidamada Asluubta ayaa dhowr jeer qaaday tallaabooyin muran badan dhaliyay, kuwaasi oo lagula kacay mas’uuliyiin uu ugu dambeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay rasaas ku fureen xili uu marayay aaga maxkamadda gobolka Benaadir. The post Mucaaradka oo bogaadiyey tallaabadii uu maanta qaaday Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha la magac baxay Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin culus hawada usoo mariyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. enaraal Xuud ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble uga digaayo inuu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo uu sheegay inaysan aqoonsaneyn. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u sheegayaa haddii uu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo Cali Guudlaawe wixii dhibaato ah oo ka dhasha mas’uuliyadeeda inuu isaga qaadan doono, balse isaga iyo wafdigiisa kale ay imaan karaan Beledweyne,” ayuu yiri Jenaraal Xuud. General Xuud ayaa sidoo kale ka hadlay dadaallada uu Rooble ku doonayo in lagu xaliyo tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan qaab dhismeedka Maamul Hirshabelle, wuxuuna sheegay inay si weyn usoo dhaweenayaan arrintaas. Generaalka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in shirkii wadatashiga qaran ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya aan marnaba lagu soo hadal qaadin arrinta Hiiraan halka waqti badan la geliyey sidii loo xallin lahaa xiisadda ka jirto Gobolka Gedo. Hadalka General Xuud ayaa imaanaya xili dhawaan Xukuumadda Rooble ay ku dhawaaqday iney xalinayaan tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabeelle, waxaana soo baxaya warar sheegay in Rooble doonayo inuu tago Beledweyne. Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabeelle. Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka Hishabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabeelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid. The post Jenaraal Xuud oo Rooble uga digay ‘qorshe uu damacsan yahay’ appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali National Army (SNA) said its special forces unit killed 70 Shabab militants and injured several others on Thursday near Jowhar, a town in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online