Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,104
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo ku siman 10 billood aan siin mushaharkii ay xaqa u lahaayeen shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal, kuwaasi oo ay kal hore la soo wareegtay. Sida ku cad cadeymo ay aragtay Caasimada Online, Shaqaalaha ayaa mudadaas la meer-meerinayay, ayada oo dowladda u ballan-qaaday in mushaharkooda heli doonaan marka laga baxo xayiraadihii Coronavirus, balse la ceyriyay markii dambe ayada oo aan wax xuquuq ah la siin. Maareeyaha duulista iyo Hawada Rayidka Axmed Macalin ayaa shaqaalahan kahor intii aan la ceyrin “ku qanciyey in mushaharkooda uu ka maqnaanayo inta lagu jiro xaalada Covid-19”, oo kal hore uu ka baxay dalku. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kadib markii uu dhamaaday culeyskii Covid-19, islamarkaana la qaaday xayiraadihii ka dhashay saameynta cudurkaas oo qeyb ka aheyd duulimaadyadii la joojiyey, ayaa waxay dowladda qaaday afar tallaabo, oo aan marnaba uusan ku jirin ballan-qaadkaas, kuwaasi oo kala ahaa; 1. Waxa soo noqday diyaaradihii over flight. 2. Waxaa la furay diyaaradihii local. 3. Waxa la furay diyaaradihii International. 4. Shaqaalihii ayaa Promotion loo sameeyey oo lacagtii loo kordhiyey. “Hadaba Axmed Macalin waa uu ka been sheegay balantii uu qaaday ee ahayd waad helaysaa mushaharkiina, waliba waxaanu ka ahaynaa caddeyn oral iyo written ahba oo aanu idinl wadaagaynaa,” ayaa lagu yiri nuqul ay Caasimada Online lasoo wadaageen shaqaalaha 10-ka bilood mushahar la’aanta ah ee la ceyriyay. “Hadaba, waxaanu bilownay in aan cabashadayada u gudbino xildhibaanadii na-matalayey madaama isku socodkii gobolada la joojiyey, waxaanu la xidhiidhnay Wasiirka Maaliyada Federal Soomaaliya Dr.C/raxmaan Bayle, wuxuu nagu qanciyey anigaa arintaa ka hawlgalaya Mushaharkiina aad xaqa u lahaydeena waad helaysaan, markii dambena wuxuu noola yimid wax aan macquul aheyn oo ah in la helo saxiixa wasiirka Somaliland.” Shaqaalahaan oo badankooda xiligaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda hay’adda duulista iyo rayidka ay lunsadeen ama musuq-maasuqeen mushaharkii ay xaqa u lahaayeen 10-aad bilood. Dowladda federaalka ayaa tan iyo markii ay la wareegtay maamulka hawada si rasmi ah ula soo wareegtay shaqaalahan oo kamid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), kadib markii xukuumadda Somaliland ay shaqada uga joojisay inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka. Wixii ka dambeeyay intaas, dowladda ayaa shaqaalahaan kolba cudur daar u gudbineysay, ayada oo ugu dambeyntiina ka ceyrisay shaqada, ayaga oo muddo ku siman 10-billood ku leh mushaharkooda, waxayna waqti xaadirkan ka cabanayaan madaxda sarre ee wasaaradda duulista, waxayna cabashadooda u gudbiyeen madaxda sarre ee dalka. Sidoo kale, wasiirkii hore ee duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaat Oomaar ayaa qoraal uu u diray hay’adda ku dalbaday in wax laga qabto cabashadan, hase yeeshee ma jirto cid dhageysatay, waxayna hadda cabasho kale u direen madaxweyne Farmaajo. Haddaba waxaan idin la wadaageynaa warqadda shaqada looga eryey shaqaalahan, warqadda Oomaar iyo qoraalka cabashada ah ee ay soo saareen. The post DF oo 10-bil mushaarka ka haysata shaqaale ay kala soo wareegtay garoonka Hargeysa kadibna ceyrisay + Caddeymo appeared first on Caasimada Online.
  2. Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax oo ahaa taliyihii ururka 6-aad guutada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta lagu dilay gadaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe. Dilka sarkaalka waxaa xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo yiri “Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab galabta ayuu geeriyooday isaga oo cadawga la dagaalamaya oo dalkiisa iyo dadkiisa difaacaya”. Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ciidamo dhawaan tababar ku soo qaaday dalka Turkiga. Geerida marxuum Cabdiwahaab ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo baraha bulshada ee Soomaalida. Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Gorgor oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
  3. Increasing numbers of African American mosques are closing, while the overall number of mosques in the United States continues to grow, according to a new report. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Addis Ababa)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya, Dina Al-Mufti ayaa waxa uu shaaciyey inuu dalkiisa ku haminayo inay Saldhigyo Millateri ka dhistaan Badda Cas, balse ma uu carabaabin dalka ama dalalka Gobalka ee ay Itoobiya Saldhigyada ka dhisan doonaan. Afhayeenka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay dalal kala duwan u muujiyeen Itoobiya rabitaankooda ku aadan Kontoroolka danaha ee Gobalka Badda Cas iyo in laga dhiso Saldhigyo badan oo Milllatari. Waxa uu caddeeyey inuu dalkiisa si dhow u danaynayo arrinkaasi, wuxuuna wax laga walaaco ku tilmaamay xaalladda dhimatay ee ku gedaaman Mandiqadda Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay dhawaan soo bandhigeen Ciiddankooda cusub ee Badda, kuwaasi oo ku hubeysnaa Hubka Mariniska. Ciiddanka Badda Itoobiya waxay hore Saldhig Ciiddanka Badda ku lahaayeen magaalada Masawac ee dalka Eritrea, ka hor inta ayna Eritrea ka xoroobin Ethiopia bishii May ee sannadkii 1991-kii. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Maxamed Cabdiwaaxid oo ahaa Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka xooga dalka ee Gorgor ayaa maanta lagu dilay dagaal adag oo ay ciidamadu la galeen kooxda Al-Shabaab. Allaha unaxariiste Korneylka ayaa ku dhintay dagaal ka socda deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xooga dalka iyo dagaal yahano ka tirsan Shabaab. Geerida Korneylkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan, Abuukar Dubbe oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid sarkaalkaan. Wararka la helay ayaa sheegaya in Taliye Maxamed Cabdiwahaab hoggaaminayey dagaalka iyo askar kale ay ku dhinteen Qarax haleelay gaarigii ay saarnaayeen. Alshabaab ayaa sidoo kale dagaalka looga dilay saraakiil iyo dagaalamayaal waxaana la sheegay in laga qabsaday 2 gaari kuwa kalena laga gubay. Waxaa maalmihii u dambeeyay degaanada Shabeellada Dhexe ka socday howl-galo ay wadeen ciidamada, kaasi oo ay uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab deegaanada gobolkaas. Maxamed C/waaxid ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo dadaal badan ku bixiyey dagaalka lagula jiro Shabaab, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka. The post Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Isniintii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland, waxaana kasoo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku aadan Musharaxiinta ku guuleystay doorashadaas iyo xisbiyadooda. Natiijada hordhaca ah ee laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Musharax Qaasim Aadan Saleebaan Cali uu ku guuleystay inuu kamid noqdo mudaneyaasha golaha Wakiilada ee baarlamaanka Somaliland. Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa kasoo jeeda jufada Fiqi Shini, beesha Ayaale Ceyr ee Habargidir. Sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah ee uu Qaasim ka helay gobolka Sool codadka uu kusoo baxay ayaa dhan 1922 cod. Qaasim ayaa markii uu isu-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada Somaliland waxaa lagu xiray magaalada Hargeysa, ayada oo markii dambe la sii daayey, wuxuuna xiligaas xarigiisa ku eedeyay inay ka dambeeyaan madaxda xisbiga Kulmiye. Guusha Qaasim ayaa durtaba qabsatay baraha bulshada waxaana ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo ku hambalyeeyay guusha uu kasoo hooyay doorashada golaha wakiilada ee Somaliland. Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa saacadihii u dambeeyay soo saarayey natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii qabsoomay Isniintii, waxaana lagu soo waramayaa in isla gobolka Sool uu isagna kasoo baxay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland oo xilkaas iska casilay, kadib markii uu isku-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa kamid ah xubnaha ku guuleystay doorashada, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah, wuxuuna helay codad dhan 4456, kana sharaxnaa xisbul xaakimka Kulmiye. The post Beesha Habargidir oo kursi ku yeelatay baarlamanka cusub ee Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  7. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay natiijada golaha wakiilada deeganada qaar ee Somaliland . Deeganada la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah Saylac, sallaxley, Lughaye iyo deeganada kale ee Somaliland . Hoos Ka Akhriso Natiijada 1 ;Natiijada hordhaca ee Saylac. Kulmiye 4 Waddani 4 Ucid .3 2; Natiijada hordhaca ah ee Lughaya Ee Somaliland Kulmiye 5 Kursi Waddani 2 kursi Ucid 2 Kursi 3; ;Sallaxley Natiijada hordhaca ah ee degmada Sallaxley ee golaha deegaanka Kulmiye 4 waddani 2 Ucid 3 4 ;Buuhoodle Natiijada hordhaca ah ee degmada Buuhoodle ee golaha deegaanka ee Somaliland Waddani 5 Kulmiye 4 Ucid 2 5; Golaha Deegaanka Laascaanood ayaa la shaaciyay. Waddani 5 Kulmiye 5 UCID 3 6; Golaha Deegaanka Degmada Xuddun oo kaTirsan Gobolka SOOL 1:kulmiye 7 2:Waddani 2 3 UCID 0 7; Natiijada hordhaca ee degmada Taleex ● Kulmiye 6 ● Ucid 0 ● Waddani 3 8;Natiijada hordhaca ah ee Golaha Deegaanka Degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag ee Somaliland oo ka kooban sagaal xubnood , waxaa loo kala heley 4 Kulmiye ah 3 Waddani ah 2 UCID ah. 9; Natiijada Degmada Sheekh . ● Ucid 3 ● Kulmiye 3 ●Waddani 3 10;Natiijada hordhaca ee degmada Ceel-afweyn ● Kulmiye 5 ● Ucid 3 ● Waddani 3 11; Oodwayne Natijada Doorashada Golaha Degaanka Oodweyne. Wadani 6 Kulmiye 4 Ucid 1 12; Caynaba, Natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Caynabo Waxa loo kala helay sidan. Kulmiye 4 UCID 3 Waddani 2 13; Natiijada hordhaca ah ee golaha Deegaanka Balli-gubadle ayaa la shaaciyay. Kulmiye 4 Waddani 3 UCID. 2 14; Natiijada hordhaca ah ee Degmada Baki ee Gobolka Awdal . ● Waddani 5 ● Kulmiye 3 ● Ucid 1 15 ; Natiijada hordhaca ah ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag . ● Waddani 6 ● Kulmiye 5 ● Ucid 2 16;Natiijada Doorashada Golaha Wakiilada Gobalka Sool ee hordhaca ah. Xisbiga Kulmiye : 5 Xildhibaan Xisbiga Waddani : 4 Xildhibaan Xisbiga UCID 3 Xi ldhibaan Source: goobjoog.com
  8. Doha (Caasimada Online) – Waardiye Kenyan ah oo ay Qatar ku eedeysay inuu lacag ka helay “wakiil ajnabi ah” si uu been ugu dhex faafiyo dalkan ayaa xabsiga laga sii daayey, sida ay Arbacadii sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha. Malcolm Bidali, oo loo yaqaan Noah, ayaa qormooyin ka qoray silica haysta shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka shaqeeya mashruucyada iyo dhismooyinka koobka kubadda cagta adduunka ee 2022 oo ay Qatar marti-gelineyso. “Malcom hadda xabsi kuma jiro, hase yeeshee waxa uu sida muuqata Qatar ku wajahayaa eedeymo been abuur ah oo la xiriira dhaq-dhaqaaqiisa muddada fog ee sharciga ah,” waxaa sidaas bayaan ay twitter ku daabacaday ku tiri hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. “Dhammaan eedeymaha la xiriira shaqadiisa xuquuqda aadanaha waa in la laalaa,” ayey tiri. Qatar ayaa 29-kii May sheegtay in Bidali lagu soo oogay dacwadaha “dambiyo la xiriira lacag uu ka helay wakil ajnabi ah si uu u abuuro una faafiyo warar been ah,” kadib markii la xiray horraanytii May. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee kala ah Amnesty International, Human Rights Watch, Migrant-Rights.org, FairSquare iyo Business and Human Rights Resource Centre ayaa dhammaantood ku baaqay sii-deyntiisa. Kooxahan ayaa sheegay in Bidali “ay u muuqato in loo xiray inuu adeegsaday xuquuqda uu leeyahay inuu si nabdoon ugu ololeeyeo xuquuqda aadanaha,” waxayna intaas ku dareen inay gurigiisa ka xireen booliska sirta ah ee Qatar. Qatar ayaa marar badan lagu eedeeyey xadgudubyo iyo silic ka dhan ah shaqaalaha dhisaya garoomada koobka kubadda cagta adduunka 2022, kuwaas oo badankood ka yimaada dalalka Asia, sida India, Pakistan, Bangladesh iyo kuwa kale. AFP + VOA The post Maxay Qatar ku haysataa ninka Kenyan-ka ah ee ay xiratay? appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa qaatay mas’uuliyadda dilka illaa 23 ruux oo shacab ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday duqeymo ay diyaaradihiisa sanadkii 2020-kii ka fuliyeen dalalka ay ka jiraan colaadaha oo ay Somalia kua mid tahay. Qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi lagu dilay duqeymo ay ka geysteen dalalka Soonaaliya, Ciraaq, Afghanistan, Yemen iyo Nigeria. Sidoo kale qiimeyn ay sameysay waaxda Gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka ayey ku sheegtay in howl-gallo milatari oo ay fuliyeen sanadkii 2020-kii ay ku dileen 23 ruux oo rayid halka, 10 kalena ay dhaawacmeen. Dadka ku dhintay duqeymahaasi ayaa kala joogay dalka Afghanistan oo lagu dilay 20 ruux, halka Soomaaliya iyo Ciraaqna lagu dilay min hal ruux, sida lagu sheegay warbixinta. Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaashaandhiga Mareykanka uu Congress-ka dalkaasi ka qaatay lacag fara badan oo gaareyso illaa saddex milyan oo dollar si magdhaw loo siiyo ehellada dadka lagu dilay howl-galladaasi dhanka cirka ahaa. Dhinaca kale urur aan dowli aheyn oo liis gaareeya dadka lagu dilo duqeymaha diyaaradeed ayaa sheegay in weerarada Mareykanka lagu khaarijiyey illaa 102 ruux oo shacab ahaa, taasoo shan mar ka badan tirada uu sheegay Aqalka Pentagon-ka ee dalka Mareykanka. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro culus ka fuliyo gudaha dalka. Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Drones Mareykanka ka geysteen koonfurta Soomaaliya, iyaga oo inta badan sheega in weeraradaaasi ay ku bartilmaameedsadaan saldhigyadda Al-Shabaab. The post Mareykanka oo sameeyey qirasho ku saasban Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  10. Natiijada Golaha Degaanka Degmada Baki oo lagu dhawaaqay+Siday Xisbiyadu u kala heleen Waddani 5 Kulmiye 3 Ucid 1 Qaran News
  11. Natiijadda Hor Dhaca ah ee Golaha Wakiillada Gobalka Sool kulmiye 5 Waddani 4 UCID 3 Source
  12. Natiijadda Golaha Wakiillada Gobolka Sool+Sida Xisbiyadu u kala heleen kulmiye 5 Waddani 4 Ucid 3 Qaran News
  13. Natiijada Golaha Degaanka Degmada Ceerigaabo+Sida Xisbiyada u kala heleen Natiijo hordhac ah: Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. WADDANI 6 KULMIYE 5 UCID 2 Tirada guud ee kuraasta degmada Ceerigaabo waa 13xubnood. Qaran News
  14. Ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Rooble ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jowhar gaar ahaan goobaha ay biyaha ku baxeen. Rooble oo ay la socdaan wafdi wasiirro iyo xildhibaanno gobolka ah ayaa waxaa uu qaatay diyaaradaha muqaatiga u kaca, isaga oo marka hore la kulmay madaxweynaha Hirshabelle Guudlaawe. Kormeelka ra’isul wasaare Maxamed Rooble ee Jowhar ayaa imaanaya iyada oo dad badan ay ka barakaceen goobaha biya baxa isla markaana dhibaato ay kasoo gaartay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Natiijo hordhac ah: Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. 1⃣KULMIYE 5 2⃣ WADDANI 6 3⃣ UCID 2 Tirada guud ee kuraasta degmada Ceerigaabo waa 13xubnood. Source
  16. Jowhar (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle. Wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehlinayo socdaalkiisa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, warfaafinta, gargaarka iyo musiibooyinka. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah wafdigan mas’uuliyiin ka socda hay’adaha samafalka iyo kuwa gargaarka ee Qaramada Midoobay, isla-markaana fadhigoodu yahay Muqdisho. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa u kuur-gali doono xaaladda magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay daadadka fatahaada wabiga Shabelle. Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday. Magaalada oo dhan ayaa go’doon u galay fatahaadaha waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi. Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi, inkasta oo si kumeel gaar ah loo macmalay. HirShabelle ayaa muddo bil ah la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle oo marar badan kusoo noq-noqotay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana xiligaan socda dadaalo lagu samato bixinayo. The post Sawirro: Ra’iisul wasaare ROOBLE oo gaaray JOWHAR appeared first on Caasimada Online.
  17. Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay kala hadlay isaga oo marna raalli gelin siiyey madaxweyne Xasan Sheekh marna dalbaday in isaga iyo ciidankiisa la raalli geliyo. General Mahad ayaa sidaasi sameeyey kadib markii ay ciidankiisu xabado ku rideen galabnimadii Axadda gaadiid uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa xalay waxaa uu yiri “Dhacdada ciidanka asluubta ka dhacday waxay aheyd mid lama filaan ah, madaxweynihii hore ee dalka ilaalo la socotay oo waddada heysay ayaa ogaal la’aan waxaa ku qaldamay ciidankii asluubta..cid looguma talo-gelin, madaxweynaha waan ka raalli gelineynaa”. Dhanka kale, General Mahad ayaa waxaa uu saaka ka laabtay raalli gelinta isaga oo yiri “Ciddii tiri aniga ayaa la iigu sugaayey meesha, kalmadda iyada ah raalli gelin haka dhiibeen, waxaan leenahay mas’uuliyiinta waddanka soo martay ee arrimahaas ku hadlay ciidanka waa ciidankoodii ee raalli gelin ha siiyeen”. Lama oga waxa sababay kala hadalka taliyaha asluubta, laakin waxaa uu gabagabadii sheegay in ciidanka madaxeweyne Xasan ay xabadda bilaabeen, isaga oo ku hanjabay in cidda xabad rido, xabad kale indhaha laga gelinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dabley hubaysan ayaa todobaadkan bartamaha waddanka Nigeria ka af-duubtay in ka badan 136 arday oo da’yar ah. Dowlada Nigeria ayaa maanta sheegtay in Isniintii todobaadkan rag huebysan ay Tegina ee bartamaha Nigeria ka afduubteen carruurtaas ardayda ah. Maamulka degmada Tegina ayaa sheegay in duullaanka lagu qaaday aysan markii hore cadeyn karin tirada rasmiga ah ee carruurta la qafaashay. Sida ay sheegtay dowladda Nigeria, burcada hubeysan ayaa argagax ku haya dadka deggan waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria, kuwaas oo bililiqo iyo dhac u geysta xoolaha iyo tuulooyinka, isla markaana dadka qafaasha. PUNTLAND POST The post In ka badan 136 carruur ah oo lagu af-duubtay bartamaha Nigeria appeared first on Puntland Post.
  19. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s prisons commandant Mahad Adan has dismissed reports that his men fired at the convoy of former president Hassan Sheikh Mohamud noting instead the former president’s guards opened fire first contradicting an earlier statement by Justice Minister Abdulkadir Nur. Source: Hiiraan Online
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada kala duwan ee maamulka Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii la soo dhaafay si habsami leh uga dhacday magaalooyinka maamulkaasi. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa illaa iyo hadda si horudhac u shaaciyey natiijada 13 degmo oo ka mid ah meelaha ay ka dhaceen doorashooyinka. Natiijada lagu dhowaaqay waxaa ku horreeya xisbiga Kulmiye, laakin marka la’isku daro xisbiyada mucaaradka Wadani iyo UCID ayaa helay xubnaha ugu badan golayaasha deegaanka. Degmooyinka sida horudhaca ah natiijadooda loo soo badnhigay ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin:- 1- Saylac (Kulmiye 4, Wadani 4, UCID 3). 2- Lughaya (Kulmiye 5, Wadani 2, UCID 2). 3- Sallaxley (Kulmiye 4, UCID 3, Wadani 2). 4- Buuhoodle (Wadani 5, Kulmiye 4, UCID 2). 5- Laascaanood (Kulmiye 5, Wadani 5, UCID 3). 6- Xudun (Kulmiye 7, Wadani 2, UCID 0). 7- Taleex (Kulmiye 6, Wadani 3, UCID 0). 8- Gar-adag (Kulmiye 4, Wadani 3, UCID 2). 9- Sheekh (Kulmiye 3, Wadani 3, UCID 3). 10- Baligubadle (Wadani 5, Kulmiye 4, UCID 2). 11- Caynabo (Kulmiye 4, UCID 3, Wadani 2). 12- Oodweyne (Wadani 6, Kulmiye 4, UCID 1). 13- Ceel Afweyn (Kulmiye 5, UCID 3, Wadani 3). Doorashada golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama aan la qaban, tan iyo wixii ka dambeeyey 29-kii September ee 2005-tii. The post Wararkii ugu dambeeyey iyo Xisbiga ku horreeya natiijada doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  21. (SLT-Hargeysa)-Kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay Natiijada Hordhaca ah ee qaar ka mid ah Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Golayaasha Deegaanka waxa shalay illaa xalay hawl culusi ka socotaa Degmooyinka waaweyn ee dalka sida Hargeysa, Boorama, Ceerigaabo, Burco, Berbera iyo Gabiley oo Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka qaranku ku hawlanaayeen sidii loo dhammays tiri lahaa codadka dadweynaha ee doorashooyinka isku sidkan. Shacabka oo si weyn ugu dheg taagayay natiijada Hordhaca ah ee Degmooyinkan ayaanay suurto galin in ay Komishanku soo saaraan Natiijada Hordhaca ah ee Degmooyinka ee Doorashada Golayaasha Deegaanka iyada oo dhinaca kale la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo guud ahaanba Natiijada Hordhaca ah ee Doorashooyinka isku sidkan (Wakiillada iyo Deegaanka) Shalay galab markii ay soo baxeen Natiijada Hordhaca ah ee Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Laascaanood, Xuddun, Taleex, Gar-adag, Buuhoodle, Sallaxlay, Lughaya iyo Saylac ayaa waxa shacabku si weyn ugu dheg taagayay waxa ka soo baxa Degmooyinka kale ee hadhay balse waxa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo degmooyinkaasi kadib doorashadii xamaasadda badnayd ee shacabka Somaliland u dareereen 31-kii Bishii May. Dhinaca kale waxa wali socota tirinta codadka Guud ahaan Gobolada dalka ee ku aaddan Natiijada Doorashada Golaha wakiillada taasi oo shacabka iyo axsaabta qaranku si weyn uga dhur sugayaan bal waxa ka soo baxa iyada oo tartan culusi u dhaxeeyo Xisbyada WADDANI iyo KULMIYE oo mid kastaa doonayo in uu aqlabiyadda kuraasta qaato Gobolada dalka iyo wadarta guudba. Illaa imika lama saadaalin karo sida ay xaajadu noqon doonto iyo cidda gacanta sare ku yeelan doonta kuraasta Golaha wakiilada iyada oo aad mooddo in natiijada Golayaasha Deegaanka Degmooyinka illaa hadda la tiriyay uu ku horreeyo Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE marka laga reebo Degmada Laascaanood oo ay isku barbar dhaceen KULMIYE iyo WADDANI kadib markii mid kastaaba helay 5 Xildhibaan. Source
  22. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Ra’iisul wasaare Rooble, waxa safarka ku weheliya wasiirka Gargaarka dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abukar Dubbe iyo mas’uuliyiin kale. Safarka Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa, ayaa ku saabsan qiimaynta iyo u kuur-gelidda khasaaraha ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay degaanno ka tirsan Jowhar, kuwaas oo go’doon geliyay magaalada. PUNTLAND POST The post Wefdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Jowhar appeared first on Puntland Post.