Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaasha Afrikaanka ah ee Toogasho lagu dilay iyaga oo xukunka haya Dhacdooyinka dilalka qorsheysan ee ka dhaca wadamada waaweyn ayaa aad hoos ugu dhacay sanadihii la soo dhaafay, balse waxay u muuqataa wali in ay dalalka qaar ka dhaceyaan. Madaxweynaha dalka Haiti, Jovenel Moïse ayaa shalay la toogtay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaas. Rag hubeysan oo aanan heybtooda la aqoon ayaa weerar ku qaaday guriga madaxweynaha qiyaastii koowdii habeennimo ee waqtiga dalkaas. Kusimaha ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in la qaaday tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo dalka, wuxuuna haatan la wareegay awoodda dalkan ku yaalla gacanka Caribbean-ka, isaga oo shacabka ugu baaqay in xasillooni ay muujiyaan. Dhacdooyinka dilalka qorsheysan waxay ka dhacaan dunida oo dhan, balse inta badan waxay ka dhacaan Bariga Dhexe, Koonfur-bari Aasiya iyo Saxaraha hoose ee Afrika. Halkan kaga bogo qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika ee toogashada lagu dilay iyaga oo weli xukunka haya. 1: Idriss Deby – Chad Madaxweynihii dalka Chad, Idriss Déby, ayaa si lama filaan ah ku geeriyooday kaddib markii uu dagaal dhacay isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ay ciidamada waddankiisa kula jiraan xoogagga fallaagada,. Déby oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dowladdiisa ku howlan yihiin olole ay ku qabsanayaan dhul hor leh. Dagaalka madaxweynaha lagu dilay waxaa fuliyay fallaagada ku sugan xadka u dhaxeeya Chad iyo Liibiya, halkaas oo ah goobta uu tagay Déby. Mr Déby wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 1990-kii, in ka badan 30 sano ayuuna xilka hayay. Idriss Déby wuxuu ku dhashay magaalada Fada ee bariga dalka Chad sanadkii 1952-kii. Isagoo ah askari ka tirsan militariga ayuu siyaasigii lagu magacaabi jiray Hissen Habre ka caawiyay inuu xukunka ka tuuro Goukouki Oueddei, sanadkii 1982-kii. 1989-kii, wuxuu u baxsaday dalka Suudaan kaddib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgambi militari. Laakiin hal sano kaddib xisbigiisa oo la magac baxay dhaqdhaqaaqa waddaniga ayaa kacdoon hubeysan oo ay sameeyeen xukunka uga tuuray Mr Habre oo dalka dibaddiisa u cararay. 1991-kii ayay ku dhawaaqeen in Mr Déby uu yahay madaxweynaha Chad. 2: Sheekh Cabayd Aman Karume – Zanzibar Wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Zanzibaar iyo ku-xigeenkiisii ​​ugu horreeyay ee Tanzania. Sheekh Karume waxaa lagu toogtay dhismaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga Afro-Shirazi (ASP) oo ku taala Zanzibar, bishii Abriil 7, 1972. Waxaa la sheegay in nin ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah uu fuliyay weerarka, in kastoo aan ilaa hadda la hubin, sababo la xiriira ku dhawaaqida geerida hoggaamiyaha oo aan horay loo sii shaacin, taas oo aan laga ilaabi doonin taariikhda jasiiraddii xoraynta. 3: Mucamar Qadaafi – Libya Waxaa lagu xasuustaa awoodiisa militari ee ka caawisay inuu xukunka la wareego sannadkii 1969. Waa la qabtay oo la jirdilay ka hor intaan la dilin, bishii Oktoobar 20, 2011, ka dib isku dhacyo taxane ah oo loogu magac daray ‘Dagaalkii Sirte’ ee u dhaxeeyay askarta daacada u ahaa isaga iyo ciidamada NTC oo aan adeecin. Arrintaas waxay ka dhalatay kacdoonkii dalalka carabta oo dalka Libya gaaray, illaa xukunka laga tuuray Qadaafi. 4: Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu xilka madaxweynaha hayay muddo ku dhow laba sano iyo bar. Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la dilay 15 October, 1969. Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ee si nabad ah xilka kula wareegay, balse dilkiisii ka dib, waxaa xukunkii dalka la wareegay militarigii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Cabdirashiid wuxuu sidoo kale noqday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya, 1960 illaa 1964. 5: Laurent-Desire Kabila – DR Congo Wuxuu ahaa Madaxweynihii seddexaad ee DR Congo, oo xilligaas loo yaqaanay Zaire. Wuxuu dalka xukumayay laga soo bilaabo 1997 illaa markii la dilay, bishii Janaayo 2001. Markii xukunka uu la wareegay madaxweynihii isaga ka dambeeyay, Mobutu Seseseko, wuxuu badelay dastuurka wuxuuna dib usoo celiyay DRC wuxuuna tirtiray magaca Zaire. Laurent-Desire Kabila Waxaa lagu toogtay xafiiskiisa, bishii Janaayo 16 2001. Waxaana isla markiiba loo qaaday Zimbabwe si loogu daweeyo. Geeridiisa ayaa la shaaciyey Janaayo 18. Wasiirkii caafimaadka ee xilligaas, Leonard Mamba, wuxuu ku sugnaa qolka labaad, markii uu weerarku dhacayey. 6: João Bernardo Vieira – Guinea Bissau Vieira wuxuu u hogaamiyay Guinea-Bissau sedex xilli oo kala duwan, laga soo bilaabo 1980 ilaa 1984, wuxuu xilka qabaty markii labaad 1984 ilaa 1999. Mar saddexaad ayuu haddana ku soo noqday 2005 ilaa 2009. Vieira wuxuu Guinea-Bissau hogaamiyay 19 sano. Afar sano ka dib (2-da Maarso 2009) waxaa dilay askartiisa, saacado uun ka dib, dilkii taliyaha ciidanka General Batsta Tagme Na Waie. Warbixinnada ku saabsan dhimashadiisa ma cadda. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in lagu dilay bambo, kuwa kalena lagu dilay rasaas markii dambena bambo lagu qarxiyay. 7: Samuel Doe – Liberia Samuel K. Doe wuxuu ahaa Madaxweyne laga bilaabo Abriil 12, 1980, wuxuuna hoggaaminayay afgembigii militariga ee Monrovia ee xukunka looga tuuray William Tolbert. Samuel Kanyon Doe, oo ah ruug cadaa ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, oo xukunka kula wareegay qori, wuxuu madaxweyne ahaa 10 sano, intii u dhaxeysay 1980 illaa 1990. Wuxuu caan ku ahaa xukun kaliye talisnimo ah ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha. 8: General Ibrahim Baré Maïnassara- Niger Maïnassara, wuxuu ahaa xubin ka tirsan Maouri ee qowmiyadda Hausa, wuxuuna xukumayay Niger muddo seddex sano ah – intii u dhaxeysay 1996 iyo 1999. Wuxuu soo afjaray xukunkii militariga sannadkii 1991, ilaa Maarso 1995. Maïnassara wuxuu noqday Taliyaha Ciidamada Difaaca ee dalkaas. Doorashadii baarlamaanka ee Janaayo 1995, waxay dhalisay xiisad u dhaxeysay madaxweynihii xilligaas Mahamane Ousmane iyo aqlabiyadda baarlamaanka oo ay hoggaaminayeen xildhibaannada mucaaradka ee uu horkacayay ra’iisul wasaaraha, Hama Amadou. Taas waxay sababtay in dowladdu ay khalkhal gasho oo ay noqoto mid awood la’aan ah, waxayna ahayd markii uu Maïnassara, abaanduulaha ciidanka, uu xafiiska la wareegay oo uu madaxweyne noqday, bishii January 27, 1996. Geeridiisii ​​ka dib, Raiisal wasaare Amadou iyo hogaamiyeyaasha kale ee sarsare waxay ku dhawaaqeen in ay yihiin madaxweynayaal. Ka dib hogaamiyihii militariga Daouda Malam Wanke, ayaa soo faragaliyay wuxuuna isku magacaabay madaxwayne bishii Abriil 11, 1999, waxaa tallaabadaas lagu tilmaamay afgambi ula kac ah. Qaran News
  2. Aabbo Soomaaliya oo 55 jir ah oo go’aansaday inuu noloshiisa wax bedelo,Isguulna Bilaabo+Wuxu la kulmay Aadan Muxumed Cumar, waa aabo Soomaaliyeed oo 55 sano jir ah, wuxuu wax ka bartaa mid ah iskuullada ku yaala magaalada Garissa ee Waqooyi Bari dalka Kenya. Wuxuu soo maray xaalado kala duwan, sida uu sheegay balse ugu dambayntii wuxuu go’aansaday inuu waxbarashada dhankeeda tijaabiyo. Aadan, fasalka uu dhigto waxaa ku wehliya arday da’yar, balse sheekada aabahan ayaa dhiiragelinaysa dad badan oo u haystay in qof weyn uusan wax baran karin. Aabahan ayaa BBC-da uga warramay sababta ku kaliftay inuu xilligan waxbarasho bilaabo, wuxuuna sheegay inuu rabo in uu tusaale uu u noqdo dadka aaminsan in qof weyn uusan xilligan xiran karin dharka iskuulka ee carruurta ay xirtaan. Wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay inuu soo maray xaaladda kala duwan ka hor inta uusan go’aansanin inuu noqdo arday. “Wax badan ayaan soo maray aniga, reer baadiya ayaan ahaa oo xoolo ayaan soo raaci jiray, kaddib waxaan aaday Nairobi ilaa Kisumu, waxaana ka soo qabtay shaqooyin kala duwan,” ayuu yiri. “Waxaan mar ahaa waardiye, inta badanna dad ayaan u shaqaynaayay, marna anaa shaqaysanayaay oo alaab ayaan wareejin jiray waxaana wadi waayay shaqooyinkaas waxbarasha la’aan darteed, sababtoo ah dadka magaalooyinkaas joogo luuqada kale ayey ku hadlaan.” Aaadan ayaa sheegay in shaqooyinkii uu soo qabtay dhamaantood uu wadi waayay “waxbarasha la’aan darteed”. Caqabadda ugu wayn ee uu la kulmay waxay ahayd luqadaha ay dadka kale ku hadlaan, si gaar ah, magaaloyiinkii uu ka soo shaqeystay. “Muddo shan iyo toban sano ah ayaan dad u shaqaynayay ka dib ayaan ganacsi aan aniga leeyahay bilaabay. Waxaan ogaaday ugu dambayntii in waxbarasha la’aan aan meel la gaari la’ahay”, ayuu u sheegay BBC Somali. “Hadaad rabto in aad ganacsi ka shaqayso, waa in aad aqoonteeda leedahay. Hadaad rabto in aad xafiis ka shaqayso, waa inaad aqoon leedahay. Hadaad rabtid in aad siyaasad gasho, waa inaad aqoon leedahay. Marka aqoon la’aan meel looga maarmo malahan,” Ayuu yiri Aadan. Ninkan 55 sano jirka ah wuxuu ardayda da’da yar ku booriyay muhiimadda ay waxbarashada leedahay, wuxuuna tilmaamay in iskuulka uu u xirto dharka loogu talagalay, isaga oo awoodo inuu dharkiisa caadiga ah la tago. “Waxaan go’aansaday in aan qof walba u muujiso in dharkan la xiran karo oo aysan da’da ku xirnayn.” “Waxbarashada da’ malahan. Marka waxaan go’aansaday in aan wax barto oo aan tusaale u noqdo ilmaha hadda joogan. “Waxabarashada maadiga ah waxay kaa caawinaysaa wax badan, haddii aad xitaa diinta faafinayso waxay kaa caawinaysaa in aad luuqad kale dadka ku gaarsiiso,” ayuu sheegay. Wuxuu intaa ku daray: “Awal dadka ayaan ka codsan jiray in ay wax ii aqriyaan ama wararka luuqadda Ingiriiska lago qoro i fahansiiyaan, balse hadda aniga ayaa wax walba aqristo.” Qaran News
  3. Yaa ka dambeeyey dilka madaxweynihii Haiti Jovenel Moise? Jovenel Moise Booliska dalka Haiti ayaa dilay afar “calooshood u shaqeystayaal” oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka madaxweyne Jovenel Moise, ayaga oo laba kalena xabsiga dhigay. Booliska ma aysan shaacin xogta dadkan iyo sababta ay u weerareen guriga Moise ee magaalada caasimadda ah Port-au-Prince, halkaasi oo sidoo kalena ay ku dhaawaceen xaaskiisa, Arbacadii. Madaxa booliska qaranka Haiti Leon Charles ayaa sheegay in weli ay baxsad yihiin xubno kale oo ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay. “Afar calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la dilay, laba kalena waa lasoo qabtay oo gacanta ayaan ku haynaa. Saddex boolis oo na laga afduubtayna waa lasoo badbaadiyey,” ayuu yiri Charles. Weerarka ayaa abaare 1:00 am ka dhacay guriga gaarka ah ee madaxweyne Moise. Garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha. Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay. Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin. Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday. Ra’iisul Wasaare Joseph waxa uu sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska. Safiirka Haiti ee Washington Bocchit Edmond ayaa sidoo kale sheegay in dilayaasha ay ahaayeen “xirfadlayaal” calooshood u shaqeystayaal ah, oo iska dhigay wakiilada maamulka Mareykanka u qaabilsan ka hortagga daroogooyinka ee DEA. Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay. Qaran News
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo Agaasimaha Waaxdka Yurub iyo Maraykanka, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ku sugan magaalada Addis-Ababa. Xubnahan ayaa Soomaaliya ku metelaya shir ka furmay magaalada Addis Ababa, oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socday dalalka IGAD ayaa waxa loogu magac daray First Technical Committee Meeting of the IGAD SSP IED Threat Assessment (Farsamo 1-aad ee barnaamijka Amniga dalalka IGAD ee qiimaynta halista qaraxyada ee heer gobobol). Kulanka shalay ayaa waxaa lagu qiimeeyay sida qaraxyada ay maleegan argagixisada ay u saameynayaan dalalka ku bahoobay IGAD, gaar ahaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo halis amni ay arrintaasi ku hayso. Kulanka oo uu Shir-guddoominayay madaxa barmaajika Amniga IGAD (IGAD SPP) Gaanshale Sarre Abebe Muluneh Beyene ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii qiimeyn guud loogu sameyn lahaa halista qaraxyadaas. Dalalka kulanka ka qayb-galay ayaa waxay kala ahaayeen; Soomaaliya, Uganda, Kenya, Suudaan, Konfuurta Sudan iyo Itoobiya, waxaana ka baaqday wadanka Habuuti oo kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya. The post Warbixin: Maxay Ethiopia u joogaan wafdiga ay dirtay DF? appeared first on Caasimada Online.
  5. Dubai (Caasimada Online) – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hirgeliyey nidaam fudud oo uu Soomaalida uga iibsanayo xoolaha xilli hadda lagu guda galay xilliga iibsiga xoolaha ka hor Ciidul Adxaa oo ay naga xigto wax ka yar laba toddobaad. Nidaamkan ayaa ah in xoolaha lagu kala gato qaab Online ah, taasi oo sahashay in Imaaraadka Carabta la geeyey sanadkan xoolo tiro badan oo laga qaaday Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka marisay tijaabo caafimaad oo qaadatay waqti badan, kadibna Sida lagu daabacay Gulf News qiimaha “Wanka Soomaaliya” laga qaado ee yar oo dhan 12kg isla markaana ah Lix bil jir waxaa la iibinayaa lacag u dhaxeysa 925 ilaa 980 Dirham oo u dhiganta ($251-$266). Dowladda Imaaraadka ayaa dadka shacabka ah u fududeysay kawaano Online looga iibsan karo Xoolaha loogu talagalay Ciidul Adxaa, dadka ayaa dalbanaya kadib waxaa loogu keenayaa Guryahooda. Waxaa socdo diyaar garow xooggan oo loogu jiro Ciidda Carafo oo la filayo inay noqoto 20 July 2021, maadaama ay dadka gooracayaan xoolo waxaa loo diyaariyey goobo hoosstaga Dowladda Hoose ee Imaaraadka Carabta. Suuqa Online-ka ah ayaa waxaa lagu kala iibsanayaa Ariga, Lo’da & Geella, waxaana xoolaha inta ugu badan laga keenay dalka Soomaaliya oo ah dal hodan ku ah xoolaha. Mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaa sheegay in qaabkaan uu fududeynayo dalabaadka dadka & gudbinta Xoolaha ay dooqdaan, xafiisyo kala duwan ayay shirkadaha ka sameysteen xaafadaha Magaalooyinka waaweyn. Sidoo kale, dalka Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah wadamada xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo, gaar ahaan waqtiga Ciidul adxaa, waxaa dhowr jeer dib loo soo celiyey xoolo laga qaaday Soomaaliya oo la geeyey Sacuudiga, waxaana sababta lagu sheegay in xoolahaas ay xanuunsan yihiin. The post IMAARAADKA CARABTA oo hirgeliyey hab fudud oo lagu iibsado xoolaha Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  6. Cabdi Cali Raage oo sheegay in uu yahay musharax xildhibaan ayaa maanta diyaarad uu saarnaa laga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Musharaxa oo markii hore ka duulay Muqdisho ayaa diyaaradii uu saarnaa markii ay ku hoobatay garoonaka Kismaayo lagu wargeliyay duuliyaha in uusan sababo amni awgood uga degi karin garoonka. Cabdi Cali Raage oo markii uu dib uga laabtay Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabada loogu diiday Kismaayo ay tahay mid mugdi galinaysa doorasho hufan oo ka dhacda Jubaland. Muuqaalka Cabdi Raage Cabdi Cali Raage ayaa ah lataliyaha Madaxweyne Farmajo ee arrimaha doorashada. Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa ka hadlay sababta ay Cabdi Cali Raage ugu diideen in uu ka soo dego Kismaayo. Taliyaha Booliska Qeybta Jubbada hoose Gashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maalmahii la soo dhaafay ay la socdeen dhaqdhaqaaqyo ay kooxo uu hormuud u yahay Cabdi Cali Raage ka wadeen gudaha Kismaayo, kuwaas oo sida uu tilmaamay doonayay in ay magaalada soo galiyaan hub sharci darro ah. Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ay maanta ciidamadu ka warheleen in Cabdi Cali Raage uu ka soo kicitimay Muqdisho isaga oo isticmalaaya magac aan kiisa ahayn si uu u yimaado magaalada Kismaayo, kaddibna ay ciidammu amreen in uusan kaso degi larin garoonka diyaaraha Kismaayo. Muuqaalka Taliyaha PUNTLAND POST The post Musharax xildhibaan oo loo diiday Kismaayo iyo Jubaland oo ka hadashay waxa sababay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u xil saaray baaritaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea aysan wali shaqa gelin. Xogta ayaa tilmaameysa in guddigaan ay la kulmeen culeysyo dhinaca Villa Somalia ah kadib markii lagu wareejin diiday xogta carruurtaas, halka warar kale ay sheegayaan in dowladda Eritrea oo fulineysa codsi ka yimid dhinaca Farmaajo aysan wali aqbalin in guddiga ay shaqa galaan ama wax xiriir ah lasoo sameeyaan. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Eritrea ay baaritaanka carruurtaas iyo xaaladooda ku xirtay in la siiyo lacagihii lagula heshiiyay ee tababarka ciidanka Soomaaliyeed, oo la filayey inay bixiso dowladda Qatar balse ay diiday. Guddiga ayaa ku suga Muqdisho mana jirto ilaa hadda waalid, mas’uuliyiin ama hay’ado kale oo ay la kulmeen marka laga reebo in qaarkood oo wasiirro ah looga yeeray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Markii la magacaabay guddigaan waxaa jiray qoraal ay soo saareen mucaaradka, kaas oo ay ku sheegeen in uusan aheyn guddi madax-banaan oo ka warrama xaqiiqda carruurta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas. Waxaa isa soo taraya cadeymaha caamliga ah ee ku aadan in dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar u jooga dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya. Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan dalbaday in madaxweyne Farmaajo is-casilo, mar dambana aan loo ogolaan inuu xil ka qabto dalka, sababo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo sida uu u haligay dhallinyaraas Soomaaliyeed. The post Xog: Guddigii uu Rooble u magacaabay baaritaanka askarta Eritrea ku maqan oo shaqada joojiyay appeared first on Caasimada Online.
  8. Governor Abdirahman Mohamed Abdullahi discusses reviving Somalia’s war-damaged economy, re-creating a payments system, and dealing with remittances Source: Hiiraan Online
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhacdadii maanta dib loogu celiyay diyaarad uu saarna La-taliyaha Farmaajo, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Saraakiisha amaanka Jubbaland ayaa saaka ku wargaliyay diyaaradii siday Cabdi Cali Raage in aysan ka soo dagi karin magaaladda Kismaayo, taasi oo keentay in diyaaradu dib ugu laabato magaalada Muqdisho. Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen. Waxa uu sheegay in maanta ciidamada ka war-heleen in Raage oo magac been abuur ah uga soo safray magaalada Muqdisho, uu ku soo wajahan yahay Kismaayo, taasi oo keentay in Pilote-kii diyaarada lagu amro in uusan soo degin karin, islamarkaana uu ku laabto Muqdisho. “Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka warhelnay in kooxo soo abaabulayeen inay soo geliyaan hub sharci darro ah gudaha magaalada Kismaayo, kooxahaas oo uu hormuud u ahaa nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage si amniga magaalada ka jiro khal-khal u galiyaan, ayada oo la ogyahay inay soo dhowdahay doorashooyinka federaalka oo amniga magaaladana la adkeeynayo” ayuu yiri. “Waxaa maanta ka warhelnay in uu kasoo kicitamay (Cabdi Raage) asaga oo adeegsanaya magaca aan magaciisa aheyn, baaritaan kadib waxaan ogaanay in diyaarad kasoo kacday Muqdisho uu saaran yahay, waxaana ku celinay meeshii ay kasoo kacday.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada amaanka Jubbaland ay marwalba u taagan yihiin inay gacan bir ah ku qabtaan cid walba oo isku dayda inay ka shaqeeyan khal-khal gelinta amaanka maamulka iyo waxkasta oo lid ku ah, hadey guddo tahay iyo haddey dibed tahay, sida uu sheegay. Jubbaland ayaa ku eedeysay Cabdi Cali Raage inuu muddo ka shaqeynayay curyaaminta maamulkooda, islamarkaana uu kamid yahay dadka isku dayey inay ka faa’iideystaan khilaafka dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. The post Daawo: Jubaland oo shaacisay sababta ay u celisay Cabdi Cali Raage iyo xog yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  10. A family friend of a woman who was found dead in a lake in Harrow has said the family is 'broken and in total shock'. Source: Hiiraan Online
  11. The head of state was shot while asleep at home by unidentified gunmen, with the government saying the “suspected killers” have been detained Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in maalintii 3-aad garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku xayiran-yihiin dad gaaraya ku dhawaad 40 qof, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo. Dadkaan oo u badan shacab ayaa sababsaday laba qof oo lagu sheegay siyaasiin degaanka u dhashay, sidoo kalane ahaa mucaaradka Villa Somalia, waxaana la joojiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda. Si rasmi ah looma oga tirada dadka ku xayiran garoonka Muqdisho hase yeeshaa waxaa lagu sheegay ku dhowaad 40 oo la socday diyaaradda oo qaada 60 qof. Dadkaan ayaa sidoo kale loo diday in ay ka baxaan garoonka waxaana laga ilaalinayaa in ay la hadlaan warbaahinta. Ciidanka NISA ee ku sugan garoonka ayaa sheegay in baaritaan uu ku socda laba qof oo rakaabka ka mid ah. Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar qarsoodi ah oo dhigaya in Garbahaareey diyaarad kasta oo u socoto ay marka hore soo maraan ciidamada amniga iyadoo loo digay shirkadaha diyaaradaha dalka. Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Rooble uu guddi u saaray in dib u heshisiin loo qabto dadka gobalka Gedo gaar ahaan reer Garbahaareey si loo guda galo doorashada Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in arrintaan ay culeys ku keeni doonto dedaalada socdo. Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. The post Xog: DF oo Muqdisho ku xayirtay diyaarad ku socotay Garbahaareey + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa eedeyn culus u jeediyey Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka haysato caqabad weyn. Cumar Filish oo maanta ka qeyb-galay munaasibad uu gobolka ku shaacinayay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay lugaha hayso heshiiskii ay kal hore ugala wareegen maamulka waxbarashada gobolka. “Wareejintaas ficil ahaan weli umaysan dhaqan gelin, waxaan rajeynaynaa in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si ubadkeena waxbarashada ku jira horumar u gaaran.” Sidoo kale waxa uu sheegay in arday badan ay dhigtaan iskuulada gobolka Banaadir, hase yeeshe ay jiraan kuwo kale oo badan oo wax-baran oo dhibaato ku haya dadka iyo dalka, oo ay tahay in wax laga qabto. Hadalka Filish ayaa imanaya xili uu maanta maamulka gobolka Banaadir uu shaaciyey natiijada imtixaankii uu qaaday gobolka, kaasi oo uu maamulku uu wado sanadkii labaad oo xiriir ah. The post Cumar Filish oo weerar culus ku qaaday mid ka mid ah wasaaradaha dowladda appeared first on Caasimada Online.
  14. Port-au-Prince (Caasimada Online) – Booliska dalka Haiti ayaa dilay afar “calooshood u shaqeystayaal” oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka madaxweyne Jovenel Moise, ayaga oo laba kalena xabsiga dhigay. Booliska ma aysan shaacin xogta dadkan iyo sababta ay u weerareen guriga Moise ee magaalada caasimadda ah Port-au-Prince, halkaasi oo sidoo kalena ay ku dhaawaceen xaaskiisa, Arbacadii. Madaxa booliska qaranka Haiti Leon Charles ayaa sheegay in weli ay baxsad yihiin xubno kale oo ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay. “Afar calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la dilay, laba kalena waa lasoo qabtay oo gacanta ayaan ku haynaa. Saddex boolis oo na laga afduubtayna waa lasoo badbaadiyey,” ayuu yiri Charles. Weerarka ayaa abaare 1:00 am ka dhacay guriga gaarka ah ee madaxweyne Moise. Garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha. Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay. Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin. Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday. Ra’iisul Wasaare Joseph waxa uu sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska. Safiirka Haiti ee Washington Bocchit Edmond ayaa sidoo kale sheegay in dilayaasha ay ahaayeen “xirfadlayaal” calooshood u shaqeystayaal ah, oo iska dhigay wakiilada maamulka Mareykanka u qaabilsan ka hortagga daroogooyinka ee DEA. Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay. AFP + VOA The post Yaa ka dambeeyey dilka madaxweynihii dalka Haiti? appeared first on Caasimada Online.
  15. “Daggaaalka dadka Aaminsan Fikirka Calmaaniyaddu ay ku hayaan labadan nin oo ay u arkan cadow blse bulshada badbaado u ah” Waxa xulay dhalinyarada barraha bulshada fikir iyo afkaaro laga faafinayo barraha bulshada oo baryahan danbe aad usoo xoogaystay xadhkahana goostay kaas oo ku dhisan arragtida “Calmaaniyadda.” Cilmaani: waxaan ku macnayn karnaa “qof hab-fikirkiisu nololleed ka fogy-yahay diinta”. haddii aan si kale u dhigno waa arragti : waa qorshe lagu doonnaayo in noollaha ama aaddamaha lagu maamulo cilmi loo dajiyey iyo caqli, lagana foggeeyo arrimaha la xidhiidha diinta iyada oo la rabo in laga dhaadhiciyo bulshada in fikirka xorta ahi ka wanaagsanyahay kan diinta. diintuna aannay la jaanqadi karin dawladnimadda casriga ah iyo noloshan ilbaxnimada la xidhiidha ee wakhtigan lagu jiro. si taas dadka looga dhaadhaaciyo waxaa sawir xun laga bixinnayaa wax kasta oo “Diinta Islaamka” la xidhiidha , tusaale ahaan culimada oo dhan waxaa lagu tilmaamayaa in ay yihiin arragaxiso , in ay dadka cabudhiyaan , waxaa dacaayaddo loo samaynayaa malcaamaddaha oo lagu tilmaamayaa goobo ganacsi, waxa ceeb loo samaynayaa wax kasta oo diin la xidhiidha, waxaa xataa lagu odhanayaa lacagaha badan ee inaga gala Masaajidada, inaga oo iskuulo ka samaysana ayaa ka faa’ido badan ama waxyaabo kale oo dan-guuda iyo Dawladnimo la xidhiidha . Hooggooda ee gormaa ayay guryihii ilaahay loogu cibaadaysan jiray ay ka faa’ido bateen “Tiyaatarada ” iyo dhulka lagu caweeyaa, maaxaase masaajidka loo beegsaday ee arrinka looga weeciyay dhismayaal badan oo aan dan iyo diintoona ku jirina. Dadkan aan ka hadlayo waa dhalinyaro reer Hargaysa u badan balse iminka ololhooda gobolada oo dhan ku faafay, saamayn wayn ayuu ku yeeshay, sidii ay u gudbin lahaayeen arragtidaas ku dhisam calmaaniyadda. Labbadan nin ee taswiirtood aan soo qaatay waa Yuusuf Shaacir iyo Cabdimaalik muuse coldoon waa labo nin oo ku addag Diinta isla markaana waxaan odhan karaa, waxay kamid yihiin inta fahmsan duulaankan ka yimi dalalka shisheeye ee ku fiiday caasimada Haragaysa iyo guud ahaan dalka ,baraha bulshadana xooga ku yeeshay baryahan danbe, marar badan ayay ka hadleen khatar ay leeyihiin calmaaniyiinta dalka ku sugani iyo arragtiyaha ay gudbinayaan, sir iyo caadba way inoogu sheegeen lkn wali lama baraarugin dagaalkaasna way ku kaliyaysteen , kooxahaas oo xoog kuleh “Baraha Bulshada” dad badana fikirkooda gaadhsiiyay , waxay duulaan ku qadeen labadan nin, waxay u samayeen daacayaddo iyo hadal-tiro lagu ceebaynaayo sawracoodda , sharftooda iyo dadnimadooda ilaa loo sameeyay sawiro iyo daacayado ay dad badan oo aan waxba fahmsanaynin iska dabayl-raaceeen Barraha Bulshada. Weerarkii lagu qaaday maalmihii aynu soo dhaafnay Abwaan Yusuf shaacir, muu ahayn mid la xidhidhay reernimo iyo muqdisho ee wuxu ahaa daggaal ay soo qaaddeen dadka fikirkaa calmaaniga aaminsan oo ragan u arka cadawga kaliya ee hor istagi kara kuna ah caqabada , lakiin arrinkii markii danbe wuxuu noqday sidii Hees-Hawaleedka oo qof waliba dhinicii u rabay ayuu ula kacay, mid qabyaalad la doonta mid muxibada Somalilanimo madax martay oo isna dhinacaas dagaalka ka gala iyo qoladii awelba ciilka qabtay ee calmaaniyiinta oo dareenka dadka dilaala . Dadka ugu badan ee ay fikirkan ka dhaadhiciyaan Waa haweenka iyo dhalinyarada, waliba kuwa waxbartay lagu tilmaamo in ay noloshii xorta ahayd gaadheen. iyadda oo kuwa kalena loogu hoga-tusaaleeyo in ay ka maqantahay xornimo nololeed oo sal-balaadhin isla markaana noloshooda diintu la xidhiidho ay tahay dib u dhac iyo xorriyad la’aan. Dadka ugu badan ee fikirkan faafiyaa Waa Dad Qoraalka xiiseeya ama Qorraayaa, Garyaaqaano iyo dadkale oo ah team NGO -yo ah. Tallo waxaan usoo jeedin lahaa culimada, dhalinyarada iyo bulshada kale in dadkaas aan xusay il gaar ah lagu hayo, culimada waxaan jeclaan lahaa in ay soo galaan “Social Media ” oo halkaas ay ka bilaabaan dacwada iyo toosinta dhalinyarada iyo sidii dadkaas calmaaniga aaminay bulshada looga badbaadin lahaa looguna tilmaami lahaa . Waxaan soo jeedinayaa in dadkaas lala galo dagaalo ku dhisan aqoon iyo qalin lana masaxo Calmaaniyadda ay ka dhex wadaan barraha bulshada. Taladdayda ugu danbaysaa waxa weeye, ha baraarrugaan dhalinyarada barraha bulshadu oo dacwaddaa khaldan ee lagu fidinnaayo haka feejignaadaan, hana ka hortagaan, dadka aan ka hadlayo qof kasta oo barraha bulshada isticmalaa cid kamid ah ayuu garan donaa insha allaah. Waxa Qoray. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi Facebook. Mustafe Ahmed Geedi WhatsApp. 0659555532 Qaran News
  16. Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada qarannimada Akhriste ilaa halgankii daraawiish waxaa somaliland ka socday legdan u dhexeeya xaqa iyo baadilka, legdankaasi maalinba heer ayuu joogay. Maalintii Soomaaliyi xorowday oo la asaasay jamhuuriyadii burburtay waxa la isla gartay in guushii gobanimada nin kastaa ha u halgamee ay tahay hanti somaliyeed oo loo siman yahay, somali ayaa guulaysatay isticmaarna wuu jabay. Dawladii la dhisay waxa qaadatay siyaasad lagu sharfayo halgameyaahii guusha, waana sida ay yeeli jireen dalalkii xoroobay oo dhami, waxaa arintaa markhaati u ah suugaantaa iyo qoraaladii la sameeyey intii u dhexaysay 1960-1969. iyadoo ummadu sidaa tahay oo dadkii isku waafaqeen amaanta halgameyaashii daraawiish, kuwii Syl, kuwii SNL, NUF iyo USP ayaa waxa dalka qabsaday saraakiil askar ah oo afgembiyey nidaamkii jamhuuriyadii Somaliya. askartaasi taariikhdii halganka somalida dhib umay geysan in muddo ah. Suugaantii somalida ee midaysnayd saldhigna u ahayd taariikhda qaranku way sii xoogaystay waxaana hormood u noqday abwaanada reer Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xidigihii fanka ee tobanlihii 70naadkii, oo ay ka mid ahaayeen, Muuse Galaal, Hadraawi, Cabdiqays, Qaasim, Xasanganay, Muuse Cali faruur, Adancarab, Xasan sheikh mumin, Dheeg Yasin, Cabdilaahi qarshe, Cali Sugule iyo qaar kale oo badan. Akhriste waagaa waxaanu haysanay suugaan leh aragti midaysan marka laga hadlayo halgankii iyo taariikhda jamhuuriyadii Soomaliyeed oo uu ka mid yahay Seyid Maxamed Cabdille Xasan. Waxaase arini murugtay markii uu taliskii askartu isu bedelay talis uu nin keliyihi ka arimiyo, oo taliskiiba u ekaysiisay sidii meel uu boqor xukumo, taas oo la dilo ninkii boqorka wax ka sheega. Boqortooyo u egtu waxay bilowday bal inay yeelato taariikh iyada u gaar ah oo aan somalida kale la lahayn, taas waxay kaga dayanayeen dalalka boqoradu xukummaan. Waxa la shaqaalaysiiyey dad sameeya taariikh cusub oo ku fadhida ina Cabdulle Xasan iyo horjoogihii askartii inqilaabka, dadka waxa hormood u noqday Axmed faarax Cali (idaajaa) iyo Aw jaamac cumar ciise. Iyagoo ku shaqaynaya adeegsanayaa wax kastoo qaranku lahaa waxay isku dayeen inay sameeyaan taariikh iyo buugaag aad uga fog xaqiiqooyin ka jiray somaliland waqtigii maxmiyada, adiguba akhriso buugaagta ay ay raggasi qoreen ee ay dadka ugu kala saareen gaal iyo gaalo raac, dabodhilif iwm. Markiiba waxa bilaabantay falcelin abwaanadii dalku arintaa kaga falceliyeen silsilada maansada Deelley, waa markhaati cad sidii loo falceliyey, waa weerer iyo weerer celis. Markiiba laba iyo laba ayaa la isugu jawaabay iyadoo arin daaran tahay, maxaa qaranka aynu wado leenahay sidaa ugu gelaysaan iyo maxaad dawladayada ugu hadlaysaan. Dabeed arintiiba dagaal gacanta laysula tegey ayay ku dambaysay, qarankii la wado lahaana wuu burburay. Iyadoo sidii loo kala maqanyahay ayaa qaar ka mid ah qalinduuriyaasha Hargaysa ay ku soo dhoweeyeen Hargaysa Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ay u abaabuleen gole uu ka hadlo. Qalinduureyaashaasi kuma ay cibri qaadan wixii ku dhacay raggii ay Idaajaa soo wado shaqayn jireen, isla markaana uu weli taaganyahay khilaaf suugaaneedkii waagaasi, kamay xishoon in Hargaysa ugu yeedhaan Idaajaa oo ay weliba u ammaan u xambaariyaan. Qalinduureyaashii mid ka mid ah oo la yidhaahdo Yusuf Shaacir ayaa todobaadkan isla soo hortaagay dadka reer somaliland inuu aqbalay guddi xeeldheereyaal ah oo idaajaa ka mid yahay oo Xamar looga taliyo. Haddii loo caqli celiyeyna wuxuu weli la taagan yahay “waan caawinayaa siyaasadni kuma jirto”. Qalinduureyaashu waxay u eg yihiin dad indho la,aan ku jiidhaya khadad cascas oo aan loo dulqaadan karin in laga gudbo. Waxaa hubaal ah haddii arintaa wax laga waydiin lahaa Baabe yusuf, Dheeg, Hadraawi, Cabdiqays, Adan Tarabi inay muujin lahaayen siday uga xunyihiin dhaqanka qalinduureyaasha, taas oo lagu koobi karo”rag dil wuu geyaa qadafse waa lagu duloobaa” Gebogebadii waxaan odhan laha qalinduure “hore hawgu dhicin waa intaad hanaqa waydaa” Mohamed Abokor/Gothenburg, Sweden mohmed.abokor@yahoo.co.uk Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha sare ee arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maanta Kismaayo looga soo celiyey diyaaraddii uu la socday oo ugu dambeyn dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Raage ayaa shaaca ka qaaday in amar kasoo baxay madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland diyaaraddii uu la socday looga soo celiyey hawada magaalada Kismaayo, xilli ay dooneyso inay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Siyaasiyagan oo ay is hayaan Axmed Madoobe oo uu mar u soo noqday la-taliye sare ayaa sheegay in Pilotte-ka diyaaradda lagu amray inuu dib u laabto, kadibna uu la wadaagay dadkii saarnaa diyaaradda oo uu isagu jiray, sidaana loogu soo celiyey Xamar. Sidoo kale wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in sababta loo beegsaday, looguna diiday inuu ka dago Kismaayo ay tahay kala duwanaashaha siyaasadeed ee u dhexeeya, isaga iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, sida uu hadalka u dhigay. “Diyaaraddu markii ay Kismaayo ku hoobatay oo ay ku dhoweyd inay degto ayaa Pilotte-kii waxaa soo gaaray farriin lagu amrayo inuu dib u noqdo arrimo amniga la xiriira aawgood. Ninkii Pilotte-ka ahaa wuxuu noo sheegay in farriintaasi ay soo gaartay, sidaas daraadeedna uusan u bareeri kareyn inuu dego, isla-markaana uu ku qasban yahay inuu dib ugu noqdo magaalada Muqdisho,”ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cali Raage. La-taliyaha Farmaajo ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabadan ay cadayneyso in Axmed Madoobe uu beegsanayo siyaasiyiinta fikir & siyaasad ahaanBA kasoo horjeedo. “Anigu markii ugu horreysaba uu farriinta sheegay Pilotte-ka waan fahmay dad badan oo aan xog-ogaal aheyn ayaa saarnaa buuq badan ayaa meesha ka dhacay, laakin waan u sheegay oo waxaan ku iri Prolem ma jiro aniga oo ka duulayo farriimihii hore oo aan helay oo ah in uusan Axmed Madoobe Dooneyn inaan Kismaayo imaado,” ayuu raaciyey. Waxa kale oo uu xusay in u jeedkiisa uu ahaa in Kismaayo UU u tego ololihiisa doorashada, maadaama kursiga beeshiisa uu yaal Jubbaland, wuxuuna intaasi raaciyey is hortaaga lagu sameeyey uu qeyb ka tahay qorshaha lagu boobayo kuraasta taal halkaasi. Ugu dambeyn Cabdi Cali Raage waxa uu hoosta ka xariiqay in qoyskiisa ay dagan yihiin gudaha Kismaayo, isla-markaana uu markale dib ugu laaban doono magaaladaasi, sidoo kalena uu ka qeyb-geli doono tartanka doorashada loo galayo kuraasta taalla Jubbaland. Si kastaba, siyaasigan oo kal hore soo noqday la-taliyaha sarre ee madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, kadib markii uu ku dhowaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday. The post Daawo: Cabdi Cali Raage oo ka warbixiyey sababta looga celiyey Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  18. Welcome to Foreign Policy’s Africa Brief. The highlights this week: Somaliland’s latest pitch for independence, fresh protests rock Sudan’s still-fragile new democracy, and Mali’s looted history. A Case for Statehood For 30 years, Somaliland has called for its independence as a sovereign nation. Now, as Somalia is gripped by its latest democratic crisis and Somaliland unveiled a new strategically-located container port in Berbera last month, the semi-autonomous region hopes the international community will view its own election and economic potential as a sign it should be allowed to break away. Local election. On May 31, Somaliland held parliamentary elections, with more than a million people voting. The results were celebrated as a win for democracy when an alliance of two opposition parties gained the majority, giving them the power to run councils and select mayors. The Justice and Welfare Party added its 21 seats to the 31 seats secured by the Somaliland National Party, known locally as Waddani, to oust the ruling Peace, Unity, and Development Party, known as Kulmiye. Still, none of the 13 women who ran for office were elected, and the election was marred by reports that five opposition candidates were arrested ahead of the vote—not to mention the harassment of journalists. The election itself was also more than a decade late, delayed by a lack of funding and a dispute over the electoral commission’s composition. “We’re not saying we’re perfect; we’re saying we’re on the right path,” Bashir Goth, head of the Somaliland mission to the United States, told Foreign Policy. “Election is one factor, but there are areas we are doing well—security and other areas—and we hope with international recognition, we will be able to be a very good member of the international community and we will do even better.” International recognition. A former British colony, Somaliland gained its first taste of independence in 1960, but just months later, the new parliament decided to join the former Italian colony Somalia, in what they hoped would eventually become a federation of Somali states in the Horn of Africa. In a 1961 national referendum, a majority of northern voters in what is today Somaliland rejected unification (and many boycotted the vote), but a majority in the south voted in favor. Army officers led a rebellion to ensure Somaliland’s independence, but it was ultimately quelled—although tension has remained between the north and south of the Somali Republic. As Somalia devolved into a Marxist dictatorship, Hargeisa, the capital of Somaliland, wanted out. In 1991, Somaliland’s leaders decided to break away, forming a polity with all the trappings of statehood: a currency, a passport, and a president of its own. It also has a national day, each year celebrating its decision to break away with parades, with this year’s 30-year milestone attracting additional fanfare on May 18. What it never received, however, was recognition as a state. The United States and other Western powers have deferred to the African Union (AU), and the continental body has in turn avoided making a decision. Instead, it has continued to support efforts to stabilize Somalia as a country that includes Somaliland and other provinces attempting to break away: Puntland and Jubaland. Despite a 2005 fact-finding mission that found Somaliland’s situation to be “unique and self-justified in African political history,” the AU may also be deterred by the history of Eritrea and South Sudan, two countries that became mired in conflict soon after they gained independence. It’s a comparison Goth and others have heard before. “It’s a valid question, but it’s the wrong analogy. It’s like saying if one African country is not doing good, all African countries are bad,” Goth said. “All the 30 years we have been out of Somalia, we were building our peace, building our institutions, building our democracy. We have all the requirements of a state.” Building infrastructure. Perhaps most significantly, Somaliland has also built the Berbera Port, opening a new terminal on June 24 . Operated by Dubai Ports World, the new terminal increases the Berbera Port’s annual capacity from 150,000 containers to 500,000 containers along a key global trade route for crude oil. It also broadens a trade corridor between Somaliland and landlocked Ethiopia, which also has a large Somali community, and sent a high-level delegation to the opening. The Berbera project has strengthened ties between Gulf countries and the breakaway state, explains independent journalist Ismail Einashe. Along with Emirati investment, Turkey and Taiwan have also looked to invest in Somaliland. Kenya has considered opening a consulate in Somaliland while Kenya Airways planned to launch a route between Hargeisa and Nairobi, announcing a delay over operation requirements. “What is shifting is the engagement of regional and international players into the Somaliland situation,” Einashe said. “Somaliland is cementing its reputation as being a haven for democracy in the region, but it’s also increasingly getting the interest, in terms of business and other kind of investments, from countries that feel they no longer have to pay lip service to the Somali government, that are increasingly going out on their own and engaging directly with the government of [Somaliland] President Muse Bihi Abdi and Hargeisa directly.” Threats from within. For a state with no real recognition in a volatile region, Somaliland’s achievements are commendable. Yet, the very elections Somaliland touts as a sign of sovereignty could also be a threat to its stability, Einashe warned. Although the political elite remain singularly focused on gaining recognition, Somalilanders younger than age 30 have known nothing but this anguished political purgatory. “When you keep a place like Somaliland in a limbo state for so long, then perhaps there’s a kind of weariness around this democratization process because if it doesn’t deliver independence, why would people continue on that road? There’s always that danger,” Einashe said. Qaran News
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya, Degmawit Moges, ayaa sheegtay in casriyeynta lagu sameeyey Dekedda Berbera ay horumar dhaqaale u yeelanayso Somaliland, Itoobiya iyo Afrikaba. Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxay sidaas ku sheegtay barnaamij dukumantari ah oo uu baahiyey Telefishanka Qaranka Itoobiya, oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, waxaanay tilmaantay in hore loogu heshiiyey inay hal milyan oo Doolar ku kharash gareeyaan casriyeynta marsadda Berbera. Degmawit Moges waxay sheegtay in Itoobiya oo hore u isticmaali jirtay dekedda Jabuuti oo ku filnaan weyday, isla markaana ay ku qasbanaadeen inay qayb ka noqdaan isticmaalka dekedda Berbera, maadaama oo bulshada dalkoodu aad u badan tahay. Wasiirka Gaadiidka waxay intaas ku dartay in wejigii hore ee ballaadhinta dekedda Berbera dhammaaday isla markaana ay dekedda ku soo xidheen Maraakiib waaweyn iyo Koontiinarradii ugu badnaa waxaanay ku dooday inay dekedda Berbera ka faa’iidaysan doonaan dad ku dhow Laba Boqol oo Milyan oo qof oo ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika. Waxa kaloo ay sheegtay in dekedda Berbera ay dabooli karto baahidii dekedeed ee ay Itoobiya haysatay, waxaanay xustay inay wadajir uga qaybqaadanayaan horumarinta dekedda dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo DP World Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa ay xaqiijisay in wax-soo-saarka Beeraha Koonfurta Itoobiya laga dhoofin doono dekedda Berbera, isla markaana wixii ay u baahdaan kala soo degi doonaan dekeddaas, waxaanay caddaysay inay dekedda Berbera ay qiime ahaan aad u macquul tahay. Slntv. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore ka helayo Loolannka loogu jiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada lasoo doortay ayaa sheegaya in Dadaalka ay Xukuumadda iyo Kulmiye ugu jiraan inay xubno ka soo fujistaan Mucaaridka, maadaama oo doorashadii lagaga awood batay ay marayso meel xasaasi ah oo aan indhaha la kala qarsanayn si muuqatana xildhibaannada qaarkood sawirro Madaxtooyadu kula gashay. In kasta oo ay adag tahay sida war rasmi ah looga helo arrintani , maadaama oo Suuqyo madaw wax lagu kala goosanayo oo lagu kulmayo haddana warar lagu kalsoonaan karo oo illo wareedyo muhiim ah oo Wargeyska Foore ka helay ayaa sheegaya in Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan illaa 9- Xubnood oo Golaha Wakiilada Cusub ka tirsan kuwaasi oo mucaaridka uga soo baxay Gobolada Galbeedka Somaliland oo ay Hargeysi kujirto, kuwaasi oo tirada Xildhibaanada Kulmiye haysto ka dhigaysa 40 Xildhibaan. Xubno miisaan ku leh Xisbiyada Mucaaridka oo magacooda qariyay oo ka niyad jabsan hannaanka wax u socdaan islamarkaana ka walaacsan inay wax iska baddelaan qorshihii is bahaysiga mucaaridka ayaa noo xaqiijiyay inay dareen mugleh ka qabaan oo aad looga shakisan yahay Xildhibaano illaa saddex tiradoodu tahay oo Xisbiyada WADDANI iyo UCID ugasoo baxay Gobolka Awdal islamarkaana kasoo jeeda Degmada DILA ee Gobolkaasi inay gacanta u galeen Xukuumadda, halka Xildhibaan kale oo isna Gobolkaasi uun kasoo baxay, gaar ahaan Degmada Xariirad in isna loo tirinayo innuu ka mid yahay Xildhibaannada Dhinaca Muxaafidka u janjeedhsaday. Sidoo kale wararkan ayaa sheegaya in Tiro gaadhaysa illaa shan Xildhibaan oo kasoo kala jeeda Degmada Sallaxlay ama Maxamuud Haybe, Degmada 31-May iyo Bariga Magaalada Hargeysa , gaar ahaan New Hargeysa ay iyaguna si rasmi ah ugu janjeedhsadeen Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda arrintaasi oo walaac gaar ah ku abuurtay Xisbiyada Mucaaridka islamarkaana abuurtay, Markii ay ogaadeen, inay Xildhibaano door ahi Baraha Bulshada ku baahiyaan hadallo dhiilo leh oo ay uga dardaar warinayaan rag filkood ahaa oo mabda’oodii siyaasiga ahaa badelay islamarkaana aduunyo waydaarsaday sida ay hadalka u dhigayeen. Qaar ka mid ah ayaa waxa si toos ah loogu geeyay Madaxweyne Biixi iyadoo loo adeegsaday Odayaasha ama siyaasiyiinta beesha ay kasoo jeedaan, waxaana talaabooyinkani ka mid yihiin dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto inay Hogaanka ama Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cusub ugu cumaado Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Mansabkii Wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa wali haawanaya oo bannaan kadib tan iyo markii Bishii March saddexdeedii uu Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon uu si rasmi ah isaga casilay xilka wasiirnimo isaga oo maalmahaasi ka hor u gudbiyey warqadda is casilaadda oo Madaxweyne Muuse Biixi markiiba ka aqbalay si uu Ex. Wasiir Yaasiin isugu diyaariyo doorashadii isku sidkanayd ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo uu u sharraxnaa Golaha Wakiillada, markii doorashadu qabsoontayna uu ku soo baxay. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaan wali soo buuxin booskan bannaanaaday ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka mid ah mansabyada ugu muhiimsan dawladnimada qaranka Somaliland iyada oo muddodaasi uu xilka wasaaradda ku-sime ka yahay Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaraddan. Waxaana muddoda uu rasmi ahaan isku casilay Wasiirkii hore durba ka soo wareegtay 4 Bilood iyo Shan Maalmood wakhtigaasi oo ah mid aad u badan marka loo eego muhiimadda Wasaaraddani qaranka u leedahay. Inkasta dhaqdhaqaaqii siyaasadeed iyo diblomaasiyeed ee arrimaha dibadda Somaliland in muddo ah hoos u dhac weyni ka muuqay oo aanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo ku aaddan dadaalladii ictiraaf raadinta iyo kasbashada beesha caalamka ayaan la garanayn sababta muddoda intaasi le’eg Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u soo buuxin waayay xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaah Dibadda. Muhiimadda Wasaaradda Arrimaha Dibeddu marka laga hadlayo qaran casri ah waa tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee xukuumaddu ku dhisan tahay iyada oo dawladda u qaabilsan jaan-goynta iyo habaynta xidhiidhka arrimaha dibeda, siyaasada dibedda, go’aanada dowladaha kale iyo metelidda dowladda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, wasaaradani waa hay’adda dawladda u qaabilsan ka qeyb galka la xidhiidhidda dhammaan shirarka iyo wada xaajoodyada dowladaha kale, ka qayb galka shirarka heer gobol, kuwo qaaradeed iyo kuwo guudba inkasta oo Somaliland wali tahay waddan aan la aqoonsan haddana waa wasaaradda looga baahan yahay laban laabka dadaallada iib-gaynta qaranka Somaliland. Muxuu Dhigayay Barnaamij Siyaasadeedka KULMIYE? Tiirka 5aad ee Bbarnaamij-siyaasadeedka Xisbiga KULMIYE ku galay doorashadii Madaxweynaha ee 2017 waxa uu ahaa Siyaasadda Arrimaha Dibedda, waxaanu KULMIYE wakhtigaasi ballan qaaday sidan: “Raadinta aqoonsi caalami ahi waa laf-dhabarta siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland . Xisbiga KULMIYE waxa uu mudnaan aad u wayn siinayaa gudashada waajibaadka Qarannimo helitaanka Aqoonsi Caalami ah. Haddaba, si loo helo aqoonsi caalami ah waxa la abuuri doonaa agaasin gaar ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo leh miisaaniyaddeeda, khubaradeeda iyo imkaaniyaadkeeda, taas oo shaqadeedu tahay ka midhadhalinta aqoonsigii Qaranka ee aynu aynu raadinayney muddada rubuc-qarniga ka badan”. Isku soo wada duuboo waxa dad badani saluug weyn ka qabaan tayada iyo awoodda uu Madaxweynuhu saaray siyaasadda Arrimaha dibadda isaga oo inta badan awooddiisa isugu geeyey arrimaha Gudaha marka laga tago dhawr safar oo uu ku tagay dalal Afrika ah oo aan inta badan wax natiijo ah oo muuqata laga haynin. Waxa kale oo aan Iyana la ogayn muddoda uu Madaxweynuhu soo magacaabi doono Wasiir xilka wasaaradda dardar galiya. Source
  22. Mashruucii Madaxweyne Biixi Lagu Amaanay ee uu ku soo celiyay Gacanta Dawladda Oo U Muuqda Inaanu Hirgalin Iyo Qoraalkii Manhajka Oo Aan Wali Gacanta Wasaaradda Ku Soo Noqon. (SLT-Hargeysa)-Muddo sanad ku dhaw ayaa laga joogaa markii uu Madaxweyne Biixi soo saaray degreetu uu madbacadda Qaranka Somaliland ku soo celiyay Daabacaadda Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Somaliland, Illaa haddana waxba kama suurtagalin inuu go’aankaasi fulo ama uu hirgalo. Xogo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in sababta Mashruucaasi illa hadda u hirgali laayahay ay ugu horayso inaan Gabi ahaanba Wasaaradda Waxbarashadu illa hadda helin qoraalkii manhajka oo softi ah ama qoraal ah kaasi ay gacanta ku haysay Shirkadda HEMO BOOKS oo mashruucaasi uu siiyay islamarkaana uu gacanta u galiyay Manhajka oo qoran Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane, waxaana la sheegayaa in illaa hadda laga soo saari kari laayahay Shirkaddaasi oo aan wali ka samrin in mashruucaasi laga wareejiyay. Warar lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ayaa sheegaya in wasiirka Waxbarashada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) uu dadaal dheer oo uu sameeyay ay u suurtoobi wayday inuu Qoraalka Manhajkaasi kasoo celiyo Shirkaddii gacanta ku haysay oo iyaduna dhinaceeda ku dacwayaysa inaannu sharci ahayn go’aan mashruucaasi loogala noqday. Wargeyska Foore ayaa ogaaday In Wasiirku uu sidoo kale isku dayay inuu dib qoraal ugu diyaariyo Manhajka islamarkaana uu macalimiin guri ku ururiyay balse illaa iyo hadda aanay talaabadaasina u hirgalin. Wakhtigan oo dib loo furay sanad dugsiyeedkii Waxbarashada Shahaadiga ah ayaa si weyn looga dhursugayay inay Madbacadda Qaranku daabacaddeedii koowaad ee Manhajka Waxbarashada Dugsiyada H/dhexe iyo dugsiyada sare xadhiga ka jarto oo ay si rasmi ah ula wareegto balse ma suurtagalin, sababo la xidhiidha awgeed wasaaradda Waxbarashada oo tahli wayday inay lasoo wareegto manhajkii oo qoraal ah. Bulshada ayaa aad u soo dhawaysay markii uu Madaxweyne Biixi gacanta dawlada ku soo celiyay Mashruucan oo ay Xukuumaddii ka horaysay ku wareejisay Shirkad dad gaar ahi leeyihiin taasi oo mudo badan dheefsanaysay balse waxay hadda u muuqataa in Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu ay culaysyo badan kala kulmeen qaabkii mashruucaasi loo taabo galin lahaa. Dhinaca kale waxa si weyn dib u hayn loogu sameeyay sida ay Wasaaradda Waxbarashadu hore u sheegtay Madbacadda Qaranka oo loo diyaariyay awoodii ay ku qaabil lahayd Daabacaadda Manhajka Waxbarashada dugsiyada Somaliland, iyadoo mashiino Cusub iyo agab kale loo soo iibiyay Madbacadda. Iskuday badan oo aanu samaynay inaanu khadka telefanka ku helno Wasiirka Waxbarashada iyo Masuuliyiinta Shirkadda HEMO BOOKS si aanu arintani wax uga waydiino, noomay suurtagalin, waxaanay naga qaban waayeen telefankooda gacanta oo dhacayay. Bulshada ayaa isha ku haysa halka uu ku dambeyn doono Mashruucani iyo sida ay Xukuukaddu ula soo noqoto Manhajkii qoraalka ahaa ee gacanteeda ka baxay oo ah caqabada illaa hadda mashruucaasi loo dhaqaajin laayahay. Xigasho: Wargeyska Foore Source