-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaashaanle Abdirahim Mohamed Munye Taliyaha Ciidanka 14ka Octobar iyo ilaalo uu watey ayaa Saakay Qaraxa lagula Eegtay wadada Udhaxeeyso Janaale Iyo Marko. waxa dhawac uu soo Taliyaha iyo Gabar Yar Oo Dugsi katimid ayaa ku dhimatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta isgoyska Banaadir, lagula beesgaday kolonyo uu la socday taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa shaacisay in bartilmaameedka weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu ahaa taliye Farxaan Qaroole, balse uu ka bad-baaday. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxan ay ku dishay 4 askari, halka ay ku dhaawacday 5 kale oo dhamaaan ka mid ah ilaalada taliyaha, sida ay hadalka u dhigtay. “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha booliska kooxda Riddada waxaana ku dhintay 4 askari halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ahaa ilaaladiisa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab. Marka laga tego sheegashada Al-Shabaab iyo khasaaraha ay shaacisay ayaa waxaa warar madax banaan waxay sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah. Taliska Booliska Soomaaliya oo dhankiisa ka hadlay qaraxan, wuxuu shaaciye inuu nabad-qabo taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir oo la doonayey in la khaarijyo. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan intaba. Dhacdooyinkan amni darro ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dowladda federaalka ay isku diyaarineyso doorashooyinka dalka oo xal buuxa looga gaaray magaalada Muqdisho. The post Al-Shabaab oo war ka soo saartay khasaaraha qaraxii isgoyska Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye iyo Xukuumaddiisa, ayaa weli ku hawlan xeeladdo iyo farsamooyin siyaasaddeed oo ay ku doonayaan in ay ku hantaan Shirguddoonka golaha Wakiillada, iyaga oo si gaar ah geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya sidii ay kursiga u sarreeya aqalka wakiillada ugu fadhiisin lahaayeen Siyaasiga Ruug cadaaga ah ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah Mudane Kulmiye u qorsheeyey Guddoomiyenimada golahaasi. Xisbiga Kulmiye oo aan helin Xildhibaanno aqlabiyad ah oo ku filan in ay keligood doortaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa waxa uu muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa qaabka uu u wajahayo culays siyaasaddeed oo kaga imanayey Isbahaysiga Mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo iyagu isu xulufaystay sidii ay saddexda Kursi ee Shirguddoonka u qaybsan lahaayeen, madaama oo ay haystaan aqlabiyadda xildhibaannada Golahaasi oo gaadhaya 52 Mudane, inkasta oo aan dhamaantood la hubin ay u codeyn doonaan saddexda xubnood ee Mucaaradku Shirguddoonka u wataan. Xeeladaha uu Kulmiye ku doonayo in ay ku qaataan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxa lixda gobol ee dalka uga soo baxay 30 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiillada Somaliland, taas oo aan u saamaxay Kulmiye in ay iyagu iskood u doortaan Guddoomiyaha Wakiillada iyo kuxigeennadiisa, balse tani waxa ay ku khasabtay in ay sameeyaan xeeladdo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay kaga midho dhaliyaan qorshahooda ah in Faratoon Guddoomiyaha Golaha Wakiillada noqdo, madaama oo doorashadii Wakiillada oo aan dhicin ka hor la dejiyey meel marinta qorshahan lagu dhisayo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Xeeladdaha uu Kulmiye adeegsanayo, si uu uga hortago aqlabiyadda Xildhibaannada Mucaaradka ah oo iyagu xilli horeba calaamadiyey saddexda Nin ee ay u wataan Shirguddoonka Wakiillada, kuwaas oo kala ah Cabdirisaaaq Khaliif, oo Waddani ka soo baxay iyo labada Kuxigeen oo loo wado laba Xildhibaan oo UCID ka soo baxay, kuwaas oo kala ah Cumar Jaamac Faarax Cali Xaamud Jibriil, ayaa ah in la kala fur-furo 52-ka Xildhibaan ee ka soo baxay Waddani iyo UCID, kuwaas oo siyaabo kala duwan oo la wajahayo si loogu qanciyo in ay u coddeeyaan Xildhibaan Faratoon. Xeeladdaha waxa ka mid ah oo ugu muhiimsan in qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka ah la geliyo han ah in xildhibaannada 30-ka ah ee ka soo baxay Kulmiye ay diyaar u yihiin in ay ku dhisayaan xubnaha doonaya in ay noqdaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad. Xeeladan ayaa keentay in xubno dhawr ah oo ka soo baxay Waddani iyo UCID ay kulamo la qaataan Madaxweynaha iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, kuwaas oo u ballan qaaday in ay ku dhisayaan damacooda, iyaga waa Xildhibaannada ee looga baahan yahay in ay keenaan Xildhibaanno ku taageerada hankooda, sidoo kalena codkooda siiya Murrashax Kulmiye iyo Xukuumaddiisu wataan ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Qorshahan amma xeeladdani, waxa ay keentay in xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Mucaaradku ay u jan-jeedhsamaan dhinaca Kulmiye, iyaga oo qaarkood ay wehelinayaan Xildhibaanno kale oo isla mucaaradka ah, inkasta oo aanay tiradoodu badanayn. Si ay xeeladdani ay ugu shaqayso Kulmiye oo aanay u noqon mid guul daraystay xilli hore, waxa uu sameeyey in aanu weli ragga uu ku dhisayo Ku-xigeennada aanu magacaabin oo aan la ogeyn, taas oo keentay in Xildhibaannada Mucaaradka ah ee u jan-jeedha dhinaca Xisbul Xaakimka ee quudaraynaya jagada Ku-xigeennada uu mid walba isu arago inuu isagu yahay Mudanaha loo wato kuxigeenka koowaad iyo labaad, tani waa mid keentay in Xildhibaannada Mucaaradka qaarkood lagu soo xero geliyo in la dhisayo, halka kuwo kalena ay kuwa la dhisayo laftooda wataan. Xildhibaannada Mucaaradka ah ee illaa imika midl walba isu arko in Xildhibaannada Kulmiye u wataan Guddoomiye kuxigeennada ee u soo tallaabay dhinaca Muxaafidka waxa ka mid ah, Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax, Siciid Giirre, Jamaal Aadan Diiriye iyo Maxamuud Xayir oo dhammaantood Mucaarad ah, inkasta oo Mudane Xayir shalay uu u tanaasulay Xildhibaanka ay isku Deegaanka yihiin ee Cumar Jaamac Faarax Isbahaysiga Mucaaradku Guddoomiye kuxigeenka koowaad u wataan. Xeeladda kale ee Kulmiye ku doonayo inuu ku helo xubno dooran kara Xildhibaan Faratoon, ayaa ah in Xubno Wasiirro ah iyo Madaxweynaha oo ahna Guddoomiyaha Kulmiye ay kulamo la yeeshaan Xildhibaanno Mucaaradka ka soo baxay iyo waxgaradka deegaannada ay ka soo jeedaan, kuwaas oo Madaxda Kulmiye u ballan qaadeen waxyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in wax laga qabanayo Deegaannada laga soo doortay iyo in waxyaabihii kale ee ay Xukuumadda uga baahdaan loo fududaynayo. Tani waxa badan kuma soo kordhin qorshaha Kulmiye, ka dib markii Waxgarad iyo Odayaal lala kulmay qaarkood sheegeen in aanay Xildhibaannadooda ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah aanay ku qancin karin in ay u codeeyaan Murrashax Kulmiye wato, madaama oo ay u madax bannana iyo codkooda iyo fikirkooda siyaasiga ah. Waxa iyagu jira Xildhibaannada Mucaaradka ka soo baxay ee qaabka deegaamaysan uu Kulmiye ku kasabaday, inkasta oo aanay tiradood ka badnayn sida la sheegay. Caqabadaha Horyaalla Xeeladaha Kulmiye ee sababi kara in Faratoon ku guuleysan waayo Guddoomiyaha Wakiillada. Qorshahan Kulmiye ku dhisayo Xildhibaan Faratoon, ayaa ah mid ay ku caqabad ku ah tirada yare e Xildhibaannada u soo baxay Xisbigaasi oo 30 ah, kuwaas oo weliba aan la hubin in ay dhammaantood u codaynayaan Xildhibaan Faratoon, madama wararka soo baxayaa ay tibaaxayaan in qaar Kulmiye ka soo baxay qaarkood u codayn doonaan Cabdirisaaq Khaliif. Caqabad kale ee xeeladdan ku xeeran ayaa ah in aanu illaa imika cadayn xubnaha uu la doonayo Guddoomiye kuxigeenka koowaad iyo labaad, taas oo haddii uu shaaciyo keeno karta in xubno quudaraynaya in la wato ay meesha ka bixi karaan, oo marka ay hankooda waayaan dib ugu noqon karaan Xisbiyadoodii. Sidoo kale, waxa iyadu caqabad saameyn karta doorashada Faratoon ah in aanu Xisbiga Kulmiye illaa imika xubnaha u doonayo ku-xigeennada aanay ka dhex muuqan Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Awdal, taas oo fursad siin karta Mucaaradka oo iyagu Xildhibaannada Awdal u qoondeeyey Guddoomiye kuxigeenka Labaad. Ka maqnaashaha qorshaha Kulmiye ee xubnaha Shirguddoonka ee Xildhibaannada Awdal, ayaa keeni kara in ay Xildhibaannada Gobolkaasi ka soo baxay ay ka coddeeyaan Faratoon iyo xubnaha lagu sidku doono. Waxa iyadu caqabadahan ka mid ah in xubnaha dhinaca Muxaafidka u talaabay aanay codad ka heli karin Xildhibaannada Mucaaradka ah, madaama oo heshiiska Mucaaradku yahay in loo codeeyo xubnaha la isla qaatay. Dhinaca kalena, waxa iyagu jira xubnaha Xisbiga Kulmiye ka soo baxay oo leh han Kuxigeenimo, kuwaas oo illaa imika xubinta sida cad u shaacisay uu yahay Axmed Yuusuf Guruuje, oo isagu isu arka inuu yahay nin xaq u leh in Kulmiye ku dhiso jagada Ku-xigeenka, madaama oo uu uga xaq leeyahay kuwa dhinac Mucaaradka ka socday, sida uu ku dooddayo. Si kastaba ha ahaatee, khaadhadhkan Siyaasaddeed ee uu ciyaarayo Kulmiye, ayaan illaa imika si rasmiga ah u fadhiisan amma aan isu qaban, taas oo keeni karta in aakhirka uu fashil ku dhammaado, madaama oo xeeladahooda iyo qorsheyaashooda ay ku gedaaman yihiin duruufo siyaasaddeed iyo kuwa deegaameed oo kaga imanaya dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ah. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa daqiiqado yar kahor ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la sheegay in lala bartilmaameedsanayay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole. Khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegaya inuu qaraxa geystay, waxaan goobta si deg deg ah u gaadhay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo xidhay agagaarka goobta qaraxa ka dhacay. Source
-
Qarax gilgilay Muqdisho oo khasaare weyn geystay+Taliyihii lala beegsaday oo ka badbaadey Farxaan Qaroole Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole” oo isagu ka badbaaday qaraxaas. Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wakaalada wararka ee SONNA. Bilooyinkii ugu dembeeyay waxaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay dadku isku soo xiraan, kuwaas oo lala beegsanayay bartilmaameedyo kala duwan. Qaraxyadaas ayaa waxay sababeen iney dad badan ku dhintaan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan. Soomaaliya waxaa kusoo badnaan jiray qaraxyada loo adeegsado gawaarida iyo miinooyinka. Qaran News
-
(SLT-Haiti)-Dowladda Haiti ayaa Jimcihii ka codsatay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay in ay u soo diraan ciidamo ka caawiya sugidda ammaanka goobaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekadaha, kaddib shirqoolki lagu dilay madaxweynihi dalkaasi Jovenel Moise. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in madaxweynihi dalkaasi ay habeenkii Arbacad dileen rag hubeysan oo lagu sheegay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah. Dilka madaxweyne Moise ayaa laga cabsi qabaa in dalkaasi oo markii horeba fakhri la ciirciirayay in ay xaaladda hadda uu ku suganyaha ka sii darto, gaar ahaan qalalaaso siyaasadeed, gaajo, budhcadda qowleysatada ah iyo faafista cudurka COVID-19. Wasiirka doorashooyinka Mathias Pierre ayaa sheegay in ra’isulwasaaraha kumeelgaarka ah ee Haiti Claude Joseph uu u gudbiyay codsiga ciidamo amniga ka caawiya, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ay khadka telefoonka ku wada hadleen Arbacadi, sidoo kale Khamiistii ayay Haiti ciidamo weydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kooxda dishay madaxweynihi Haiti ayaa la sheegay in 16 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil horay uga soo mid noqday militariga Colombia iyo 2 nin oo Mareykan ah, basle asal ahaan kasoo jeeda Haiti. 17 ka mid ah ragaasi ayaa la qabtay, saddex waa la dilay qaar kalana wali waa lagu raad joogaa. Reuters. Source
-
(SLT-Eastren Cape)-Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo KwaNobuhle Township ee gobolka Eastren Cape ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe ay ka bilaameen rabshado xooggan oo ay daba socdeen boob loo geystay dukaamo ganacsi oo ay halkaasi ku lahayeen Muwaadiniin Soomaali ah. Rabshadaha iyo boobka dhacay ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah ganacsatada ajaaniibta ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya uu toogasho ku dilay mid ka mid ah dadka deegaankaas oo la sheegay inuu ahaa ganacsade, inkastoo aanan la sheegin sababta uu u dilay. Waxaa sidoo kale la sheegay in labo ka mid ah ajaaniibta ganacsiyada ku leh dalkaasi lagu dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku yaalla deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape. Rabshadaha iyo boobka Xalay ka dhacay deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape ayaa lagu boobay ilaa 7 Tukaan oo la sheegay in sadax ka mid ah lahayeen muwaadiniin Soomaali ah, halka afarta kalana ay lahayeen Itobiyaan, waxaana la sheegay boobka kadib in lagu gubay goobahii ganacsiga. Dalka Koofur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka, dhaca iyo boobka lagu beegsado goobaha ganacsiga ee ay dalkaasi ku leeyihiin dadka ajaaniibta ah oo ay ugu horeyaan muwaadiniinta Soomaali ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole oo marayey waddadaasi. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay qaraxaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay in taliyaha uu ka bad-baaday qaraxa. Sidoo kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro khasaare xoog-leh oo ka dhashay qaraxaas, kaas oo leh dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba. “Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo,” ayaa lagu yiri warka kaso baxay talis Booliska. Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayo muraayadaha baabuurka uu qaraxu haleelay oo daadsan iyo burbur gaaray dhismaha ku yaal halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah. Weli xaaladda isgoyska Banaadir ayaa cakiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka wada halkaasi. Si kastaba, qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii lala beegsaday taliye Farxaan Qaroole + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Garbaaharey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, Xasan Sheekh Cilmi oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka uu hayo, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kalena doorasho loogu qabto magaaladaasi. Xasan Sheekh Cilmi ayaa tilmaamay ayaa tilmaamay inuu xilka wareejin doono kadib marka uu la kulmo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacadaha soo socdo ku wajahay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya. “Maayarka la badalayo aniga weeye, si ay u sahlanaato qabsoomidda Doorashooyinka ee heshiisyada nuucyada badan laga gaaray waxa aan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Garbahaarey. Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in uusan dooneyn inay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, isaga dartiis, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Garbahaarey. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu u tanaasulay dalka iyo dadka, si looga gudbo khilaafka muddada dheer ragaadiyey doorashooyinka Soomaaliya. “Wax dad qancin ah kama raadinayo in aan xilka wareejiyo, ujeedada aan ku qancay ayaa ah in Doorashada xiligeeda ay ku dhacdo, maadaama aan fiiriyay dhibaatooyinka dalka uu ku jiro waxa aan go’aansaday in aan tanaasulo” ayuu raaciyey uddoomiyuhu. Heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee saldhigga u ah doorashooyinka dalka ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe uu soo magacaabo maamulka Garbahaarey, sidoo kalena la geeyo Boolis AMISOM, si magaaladaasi loogu qabatay doorashada kuraasta taal halkaas. Si kastaba ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo haatan ku sugan Kismaayo ayaa maanta tegaya magaaladaasi, si loo dhammeystiro heshiiska doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale u kuur-geli doonaa xaaladda magaaladaasi, maadaama lagu qabanayo doorasho. The post Guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo la kulanka Roble kadib xilka wareejinayo appeared first on Caasimada Online.
-
Kadib markii todobaadki la soo dhaafay dowalladda Itoobiya ay shaaciysay in albaabada loolaabi doono inta badan safaaradaha ay ku leedahay caalamka, ayaa waxaa durba su’aallo ka yimaadeen heerka hoos u dhac dhaqaalle ee dalka Itoobiya iyo Doorka uu xukunka Abiy ku leeyahay bur burka dhaqaalaha. Hadaba Goobjoog News waxa ay kula wadaageysa tan iyo markii la doortay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Dhibaatooyinkii dhaqaale ee uu galay dalkaas iyo colaadaha daba dheeraday ee xukunkiisa faraha kula jiro. 2 April 2018 Markii Abiy Ahmed loo doortay in uu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, waxa uu durba la soo baxay siyaasad iyo dhaqdhaqaaq ka duwan Itoobiyadii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn. Shacabka iyo siyaasiyiinta Itobiya ayaa si weyn u soo dhaweyay Abiy, xilli Itoobiya ay u muuqatay mid dhabbaha Nabadda, Horumarka iyo Dhaqaalaha cagta saartay. Waxa uu hantay billado iyo Hab maamus aney helin hogaamiyaashi isaga ka horeyay oo ku caan baxay caburin, Dagaallo iyo tiktaatooriyad. Olalihiisi ugu horeyay waxa uu ka bilaabay gudaha dalka, waxa uu dhammaan mar qura cirib tiray nidaamkii ku dhisnaa awoodda, isagoo maamullo ay ka mid yihiin maamulka deegaanka Soomaalida oo ay dhibaato badan ka taagneyd xaliyay. Waxa uu Abiy heshiis la galay dowladda ay ood-wadaagga yihiin ee Eritrea oo in ka badan 20 sano ay dirir kala dhaxeysay dalkiisa, Caalamka ayaana u arkay da’yar Isbaddala siyaasadeed horseedayo, waxaana lagu abaal mariyay biladda Nabadda Adduunka ee Nobel Peace Prize sanadkii 2019. Balse Intaa oo dhan waxa uu ku qarinaya dhab ahaanshaha siyaasaddiisa Dagaalka, Naceybka Tigray, Ciribtirka Siyasaadda Jabhadda TPLF iyo Dhisidda Oroma Awood badan ee Abiy Ahmed Ali. Dhamaadkii 2019 waxaa uu bilaabay dhaqan gelinta siyaadiisa hadoodilan, Isagoo ficiladiisa siyaasadeed ay dhulka la galeen dhaqaalihii dalka Itoobiya. Fanaanka caanka ee qowmiyadda Oramia Hachalu Hundessa ayaa la dilay June 29, 2020, xilli uu saarna masrax uu ka qaadayay heeso. Dilka Hundessa ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo sababay dhimashada in kabadan 200 qof, Abiy ayaa xilligaas sheegay in dilka fanaanka ay ka dambeyeen dowlado shisheeye. Waxaa uuna Abiy lumiyay taagerayaal badan oo ka soo jeeda qowmiyadda uu siyaasadda ku matallo, waxa uuna tan iyo xilligaas uu wajahay dalka bur bur dhaqaalle, iyadoo dhaqaalaha dalka Itoobiya uu u qeyb samay kuwa Abiy dagaal uu ku galo iyo kuwa lagu difaaco. Isku-dhacyo dhanka qowmiyadaha ah oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac oo sida uu sheegay Abiy lagu majo xaabinayey maamulkiisa. Dagaalada qowmiyadaha ayaa dowladda Itoobiya waxa ay ku waysay lacago kuwaas oo ay deeq ahaan uga heshay caalamka. Dhamaadkii 2020 dagaalkii dowladda ay la gashay qowmiyadda Tigrayga kadib markii ay diideen mudda kororsi uu sameystay Abiy Ahmed, ayaa sare u sii qaaday hoos u dhaca dhaqaalaha ee dalka, kadib markii ay Abiy iyo xulafadiisa u adeegsadeen dhaqaalaha dagaalka. Xisbiga TPLF ay garwadeenka ka yihiin Tigrayga ayaa dib u soo laba kacleyay todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii uu Abiy dhamaadkii sanadkii tagay awood ciidan kaga saaray saaxadda siyaasadda. Deeq bixiyayaasha iyo dowladaha taagera dalka Itoobiya ayaa hadda intooda badan joojiyay lacagihi ay ku maal gelinayeen dalka, sababa la xiriira colaadaha salka ku haayo xukun jaceylka Abiy. Mareykanka waxa uu horay u sheegay in uu xayiraado ay ka mid yihiin cunaqabateyn dhaqaalle iyo mid taageero ku soo rogayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo xulafadiisa. Qaramada midoobay oo todobaadkaan xaaladda dagaalada Itoobiya fadhi ka yeelatay waxa ay sheegtay in ay in kabadan 400,000 qof ay gaajo wajahayaan. Abiy Ahmed iyo Dowladdiisa ayaa hadda faro ku heyn siyaasadda gudaha iyo tan dibadda oo ay cadaadisyo kala kulmeyso TPLF iyo dowladaha deriska oo ay ugu horeyaan Masar iyo Sudan. Bartamihi isbuucan ra’iisul wasaaraha waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu diyaarinayo 1 milyan oo ciidan kuwaas oo difaaca. Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa ku gacan seeray codsiga Itoobiya ee bilawga qorsha biya xireenka ay dooneyso in ay dhisato. Wasiirka waraabka Masar ayaa Maxamed Cabdel Aty ayaa sheegay in Isniintii ay soo gaartay fariin ka timid Itoobiya oo dalkiisa lagu wargelinayo in Abiy uu bilaabay buuxinta keydka biya xireenka, kaas oo ay Masar ku gacan seyrtay . Maamulka Faraacinta ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ay u gudbiyeen baaqoodii ugu dambeyay ee fara gelinta Abiy, xilli ay xuseen in jawaab ay bixinayaan. Isku dhacyada qowmiyadaha, Dagaalada Qabiileed ee huwan shaarka dowladda iyo siyaasadda aan fadhin ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sumad u noqotay Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan qaaradda Afrika. Safaaradaha la xirayo: Itoobiya waxa ay qorsheyneysa in bilooyinka soo socda ay xirto inta badan safaaaradaha ay ku leedahay dunida, kadib markii ay soo wajahday dhaqaallo yari. Safaaradaha la xirayo ayaa yimid xilli ay gabaabsi sii marayaan dhaqaalaha ay dowladda Itoobiya heli jirtay sanadkii. Goobjoog News WQ/ Abdirahman Sabriye Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa goordhaweyd ka badbaaday qarax lala eegtay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari lagu weeraray kolonyo gaadiida ah oo taliyahu la socday, kuwaas oo marayay meel u dhow Isbitaalka Banaadir. Qaraxa waxaa ka dhashay khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ilaalada Farxaan Qaroole. Faahfaahin dib kala soco. PUNTLAND POST The post Farxaan Qoroole oo qarax ka badbaaday appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho ayaa war ka soo saaray qarax goordhaw magaalada Muqdisho lagula eegtay kolanyo uuu la socday taliyaha booliiska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole. :Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud.” Ayuu yiri Afhayeenka Doodisho ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku daray in taliyaha gobalka uu nabad qabo qaraxana uu ka badbaaday. “Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo.” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Doodisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tababarihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya soona hogaamiyay Kooxaha Elman iyo Dekedda iminka ah Madaxda farsamada kooxda kubbadda cagta Elman Yuusuf Cali (Yuu-Cali) ayaa ku guulaystay abaal marinta shaqsiga ugu Wanaagsan Isboortiga Soomaaliya,waxayna xafldan ka dhacday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. “Ku guualysiga abaal marinta waxay kor u qaadaysaa in aan hormariyo xirfada macalinimo,waxaan u mahadcelinayaa Somalinightawards, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa saaxiibadii qeyb ka tahay in gaar heerkan” ajuus Goobjoog Sports u sheegay madaxa farsamada kooxda Kubabdda Cagta Elman Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) Daawo Abaal Marinta Uu Ku Guulaystay Macallin Yuu-Cali Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Yuu-Cali Yuu-Cali Oo Sheegay In Uu Ku Daysado Macallin Zidane W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii saddexaad dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka oo billowday labo maalin ka hor ayaa geystay khasaare isugu jiri dhimashio iyo dhaawac, waxaana xoogiisa uu ka socdaa buuraha Calmiskaad iyo Galgala. Saraakiil ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dhul ballaaran ka qabsadeen Daacish, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh. Wararka ayaa intaasi kusii saraya in haatan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa PSF-ta Puntland lagu daad gureeyey deegaanada uu dagaalku ka socdo, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshan dagaalladaasi, iyaga oo bilaabaya inay isaga barakacaan goobaha ay ku dagaalamaan Puntland iyo Daacish. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo ku aadan dagaalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland. Muddooyinkii u dambeeyey waxaa Puntland ay xoojisay howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Baro. Arrimahan waxa ay kusoo aadayaaan, iyada oo Puntland dhowaan kooxo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay toogasho ku fulisay, kadib xukun dil ah oo lagu ridday. The post Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada hodan ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xoogan ka dhacay inta u dhaxeyso isgoysyada Banaadir iyo Zoobe. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay kolanyo ciidan ah oo uu la socday Taliyaha booliiska gobalka banaadir Farxaan Maxamud, Farxaan Qaroole. Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda taliyaha ayaa ka bad baaday qaraxa lala eegtay. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa . Wixii faahfahin warkaan ku saabsan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filaya in uu maanta gaaro magaalada garbahaarrey ee gobalke Gedo. Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey. Waxaa dhammaan aad loo adkeyay ammaanka magaalada, xilli shalay gelinkii dambe magaalada ay gaareen wafdi horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha . Saaka ayaa magaalada laga dareemaya diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha, oo saacadaha soo socda gaari doona magaalada garbahaarrey. Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxaxmuud ayaa sheegay in ay wal-wal xooggan ka qaban in doorashooyinka dalka ay waqtigooda ku qabsoomaan. Xasan Sheikh oo waregsi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in jadwallo horay loo dejiyay ay fashilmeen kanna ay ka walwalsan yihiin in sida loo qorsheyay uu ku qabsoomi waayo. “Wax badan in aan ku mashquulno wixii shalay dhacay ma ahan cashar ka barashey noogu filan tahay, horay in aan u soconan rabna, jadwalka hadda la sameeyay in uu dhaqan galaa rabnaa, oon dib looga dhicin, kan hadda la sameeyay labada bilood ee hadda la dhigay inaaney dib uga dhicinaan rabnaa, oo sida loo dejiyay loo qabto, taasanaa walwal ka qabna in ay dib uga sii dhici doonto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud. Madaxweynihi 8-aad ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka uu muujiyay in dadaal xooggan uu ku bixinayo in dalka ay doorasho ka dhacdo. “Maxamed Xuseen Rooble aad iyo aad uu u dadaalay, horayna waa u soo dadaalay hadana weli dadaalkiisi wuu muuqdaa, dalka kama bixin wuu jooga, afar iyo labaatan saac wuu shaqeynooya guddiyadi doorashada waa uu magacabay wixii dhiniciisa ku xirna wuu qabtay. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheikh. Madaxweyne xasan sheikh ayaa sidoo kale sheegay in ay weli jiraan tabashooyin ay qabaan midawga musharixiinta oo aan laga xallin. ” Midawga Musharixiinta annaga tabashooyin badanaa qabna laakiin tabashada midaa ka asal ah dalkaan waa iney dooraha ka dhacda. mabda’a koow aan heshiiska ku nahay waxa waaye dalkaan in ay doorasho ka dhacdo, waxaan u soo halganay oo u qeylineynay oo naloo dili gaaray waa in ay doorasho dhacdo, welina waan ku taaganahay”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - The Banadir region's deputy governor for security and politics, Ali Yare Ali, has welcomed the execution of 18 Alshabab members in Puntland earlier this week. The nearly two dozen men were convicted of being behind a spate of killings and bombings in Galkayo since 2008. Source: Hiiraan Online
-
Hafsa Abdi Ahmed and Jackson Njogu Wanjiru had been charged with five counts of assault, abduction, conspiring to commit a felony, disabling and stealing from Hafsa Source: Hiiraan Online
-
A roadside bomb explosion killed two civilians on board a passenger minibus and injured several others in Somalia’s central Mudug region, an official said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa ugu dambeyn Beledweyn uga sii gudbay degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey. Yuusuf Dabageed oo hoggaaminayo wafdi ay qeyb ka yihiin xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray magaalada Buulo-Burte. U jeeda socdaalka madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa la xiriira xarig jarka xerada taliska qeybta 27-aad oo laga furi doono gudaha degmadaasi. Sidoo kale Dabageed ayaa kulamo ku aadan xaaladda Buulo-Burte la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaasi. Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle sidoo kale inta uu ku sugan yahay halkaasi, waxa uu kormeeri doono xarumaha ciidamada iyo meelaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Safarka Dabageed ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib, markii ay kasii dartay xiisada ka taagan Beledweyne ee u dhexeysa HirShabelle iyo Janaraalka gadoodsan ee Xuud. Generalka oo dhowaan gudaha u galay magaalada ayaa maleeshiyaadkiisa iyo ciidanka ammaanka waxay isku rasaaseeyeen gudaha degmada Beledweyne. HirShabelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hoggaanka maamulkaasi iyo fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar. The post Yuusuf Dabageed oo u sii gudbay Buulo-Burte + Sawirro appeared first on Caasimada Online.