Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Network upgrades and expansions in developing regions are very much in the news again – this time through a Millicom announcement involving some of its key Latin American markets and through plans from Hormuud Telecom in Somalia to bring 4G coverage to rural areas. Source: Hiiraan Online
  2. The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) said it has scaled up intensive aerial control operations against numerous immature desert locust swarms in northwest Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - An advisor to President Farmajo was turned away from Kismayo on Thursday by Jubaland officials, forcing his plane to make a u-turn to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  4. 16-kii January ee sannadkan 2021, xukuumadda Puntland ayaa go’aamisay in mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada 20% lagu bixiyo Shilin Soomaali, si loo socod-siiyo isticmaalka Shilinka. Dowladda ayaa sidoo kale hirgelisay xarumo kooban oo qaabilsan sarrifka lacagta, halkaas oo dadka looga sarrifo Shilin Soomaaliga, si loo soo celiyo kalsoonida lagu qabo Shilinka. Haddaba, Tallaabadaas oo mudda lix bilood ah shaqaysay ayaa haatan caqabad ku timid, kadib markii xarumihii qaabilsanaa sarrifka ay si cad u diideen qabashada Shilin Soomaaliga. Arrintan ayaa saamayn ba’an ku yeelatay shaqaalaha kala duwan iyo ciidamada Puntland oo 20% mushaharka ku qaata Shilin Soomaali, kuwaas oo hadda aan haysan cid u sarrifta lacagta. “ waxa nala dhahay: dowladda ha ceebaynina ee wixiina guryaha dhigta (Shilinka), hadaad sarrif u waydeen” ayuu yiri qof shaqaale ah oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto. Waxa xusid mudan, in lacagta shilin Soomaaligu aysan haatan ka shaqayn gudaha Puntland, iyadoo aysan wax isbeddel ah keenin dhammaan go’aannadii dowladdu ku wajahday socod-siinta Shilinka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Caqabad soo wajahday mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxay waxyeelo soo saartay askar kamid ah ilaaladiisa. Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Faah faahinta kala soco: Caasimada.net The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo taliye sare oo ka bad-baaday appeared first on Caasimada Online.
  6. Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa maalintii saddexaad hawlgal culus oo ka dhan ah Daacish waxay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Hawgalkan oo Khamiistii bilowday, ayaa xooggiisu ka socdaa buuraleyda Dhabancado, Hul-caanood iyo Togga Il-Cameyra oo ka tirsan Calmiskaad, halkaas oo dhufays u ahayd kooxda Daacish. Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan degaannadaas laga qabsaday kooxda Daacish, islamarkaana laga dilay xubno badan halka qaar kalena maxaabiis ahaan looga qabtay. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad fara badan oo kayd u ahaa Daacish kadib markii laga qabsaday saldhigyo kala duwan. PUNTLAND POST The post Dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad galay appeared first on Puntland Post.
  7. Sanadahaan dambe xidhiidhka dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo siyaasaddooda dibadda ku dhisnayd cudud (Hawkish) ku muquuninta “Kacdoonka Carbeed” ee 2011 iyo ka xiridda albabbada xukunka ururrada Akhwaan Muslimiinta ayaa u muuqday mid uu soo dhexgalay is-maandhaaf khuseeya arrimaha gobolkooda. Dagaalka Yaman iyo taageerada xad-dhaafka ah oo la siiyay inqilaabka askareed ee Masar iyo faraggelinta baahsan ee lagu hayo dawladaha Liibiya, Tuunis, Soomaaliya, Suuriya, oo ay wehlisay cadawtinnimada heerka sare la gaarsiiyay ee dalalka Iran, Turkiga, iyo Qatar ayaa tusaalooyinka ugu cad-cad ah. Balse, waxaa la yiri “Labadii Sir Ku Heshiisay Caad Bay Ku Collobaan.” Muranka wax soo saarka OPEC waxuu soo bandhigay loollanka u dhaxeya labada dal. Si loola socdo awoodda suuqa ayay aqlabiyadda isbahaysiga OPEC soo jeediyeen in la kordhiyo wax soo saarka 400 kun bishii ilaa laga gaaro 2022. Haseyeeshee Abu Dhabi oo Covid-19 dhulka la dhacay dhaqaalaheedii ayaa dooneysa inay iibiso in ka badan inta loo qoondeyay iyadoo baahida suuqa ay weli hooseyso. Kala fogaashaha labada dal ayaa sii kordhaya iyadoo Imaaraadku uu si arxan la’aan ah u raacanayo danahiisa taas oo marqaati ma doonto u ah in saaxibtinnimo aysan waxba ugu ool. Xidhiidhka Israa’iil ee waqtigan iyo ka takhalluska Shacbiga Falastiin waa arrin kale oo ay ku kala fogaadeen labada dal. Sidoo kale, xayiraadda Qadar, oo ay Riyadh horraantii sanadkan dib u soo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa ah iyana arrin kale oo lagu kala tagay. Gugii dhawaa, Amiir Maxamed bin Zayed oo ka cagajiidayay inuu fool-ka-fool ula kulmo Amiirka Qadar ayaa ka soo qaybgelin casuumaad uu boqor Salmaan u fidiyey dalalka Qadar, Turkiga, iyo Imaaraadka. Ujeeddada kulunka waxay ahayd midaynta xoogagga iskaga soo horjeeday geeddi- socoka dowlad dhisidda Soomaaliya. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa Ra’iisalwasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble uu June 8, 2021 qaabbilay Danjire Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo ah safiirka Imaaraadka Carbeed u fadhiyay Soomaaliya, balse fariisinkiisa ka dhigtay Nairobi, halkaasoo dalkiisa safiir kale u fadhiyo. Ma sahlana in dowladdaha khaliijka ay dib u soo celiyaa cilaaqaadka mar haddii uu burburo. Balse xog Jamhuriyadda soo gaartay ayaa sheegaysa in dal Carbeed oo gargelyo ka ahaa Amirka Abu Dhabi u soo jeediyey Soomaaliya inay wadaxaajood toos ah la yeelato Imaaraadka. Walow, aan la fahmin sababta Imaaraadku u raadinayey heshiis aysan qayb ka ahayn Riyadh, haddana Villa Soomaaliya si taxaddar leh ayey u soo dhaweesay talada. Balse ma najixin. Imaaraadka oo indhaha ku haya tartanka madaxtooyada Soomaaliya ayay u muuqataa inuusan dayacin waqti uu ku xusho musharrax ay taageersan yihiin. Danjire Al-Hammadi waxaa hore looga bartay in markastoo uu soo dhawaado xilliga doorashada madaxweynaha inuu ka dhex muuqdo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u xusulduubaya hoggaanka dalka. Saciid Cabdullahi Deni oo u daayey xulafadiisii inay mala-awaalaan musharraxnimadiisa, ayaa socdaalkiisii Kismaayo, eedeyntii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo warar ay faafiyeen baraha bulshada dhaliyeen hadal hayn. Malaha Deni waxuu u soo tafaxeetay inuu fuliyo qorshe laga la’yahay Cabdirakiim Xusein Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Xasan Cali Khayre oo u cadcad musharrixiinta tartanka ugu jirto madaxweynaha. Mise Amirka Abu Dhabi ayaa u adeegsanaya carqaladeenta dadaalka Riyad, Qadar, Turkiga iyo Mareykanka ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya? W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Kala fogaashaha Imaaraadka iyo Sacuudiga iyo saameynta doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  8. Dawladda Finland oo soo Masaafurinaysa Muwaadin Somali Ah+Sababta Maxkamadda Sare ee dowladda Finland ayaa xukuntay in Laanta Socdaalka ee dalkeeda ay masaafurin karto nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, sababo la xidhiidha dambi uu galay awgeed. Go’aankeeda, maxkamadda ayaa sheegtay inay jiraan sababo adag oo ku saabsan diidmada iyo masaafurinta ninka. Shakhsigu wuxuu leeyahay rikoodh dambiyeed baaxad leh, markii lagu xukumay 11 dhac, xatooyo daran, gacan ka hadal, iyo jujuub inta udhaxeysa sanadihii 2010 iyo 2017, isagoo ku xukumay xabsiyo badan oo ay kujirto 18-bilood oo xabsi ah. Sidaas darteed, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in sii joogitaankiisa Finland ay ka dhigan tahay khatar “bulshada iyo amniga” waxayna siisay iftiinka cagaaran ee dacwadaha masaafurinta. Ninkaani wuxuu ku dhashay kuna noolaa noloshiisa oo dhan Finland, Wuxuu kaloo u sheegay maxkamada inuusan waligiis booqan Soomaaliya oo aanuu aqoon cid ku nool. Booliska ayaa markii hore soo jeediyay in la musaafuriyo ninkan sanadkii 2017-kii, Migri ayaa go’aansaday in la masaafuriyo wax yar kadib, iyagoo amrey in laga mamnuuco inuu soo galo deegaanka Schengen muddo saddex sano ah. Ninka ayaa marki hore racfaan ka qaatay go’aankan maxkamada maamulka kadibna maxkamada sare ee maamulka. Maxkamadda ayaan soo bandhigin magaca ninkaan iyo sawirkiisa balse waxay sheegtay in ay shaacin doonto markii dib loo celiyo. Ninkaasi ma haysto dhalashada Finland, laakiin wuxuu haystaa sharci deggenaansho oo sax ah. Muwaadin Finnish ah lama masaafurin karo, laakiin dhalashada waa lagala noqon karaa haddii qofku galo dambiyo aad u culus. Qaran News
  9. Nin Soomaaliya oo soo noqday Imaam & Khatiib Masaajid oo loo haysto inuu 60 Dumara Dhacay,Wuxu ka dhacay & Sidu u dhacay Cabdifitaax Cali Cumar ayaa dhowaan ka soo muuqday warbaahinta, waxaana loo haystaa kiiskiisa dhac ah oo hadal-hayn badan ka abuuray Soomaalida Baraha bulshada adeegsata. Dad badan waxay dhacdada kiiskiisa la xiriirta ku tilmaameen mid la yaab leh. Cabdifataax, oo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la hor keegeeyay ayaa lagu soo eedeeyay dacwado la xiriira inuu dumarka xiriir Jacayl la sameynayay si uu u dhaco. Wuxuu tilmaamay in arrimaha lagu soo eedeeyay qaar ka mid ah ay jiraan, kuwana ay “yihiin been abuur”. “Arrimaha dhaca ee la igu soo eedeeyay qaarkood wax ayaa ka jiro, qaarna waxba kama jiraan. Inta kiis ee aan aniga ogahay waa ilaa 30 oo ah kuwa aniga ii qoran oo aan diyaar u ahay, hadii uu qof igu sheegta inaa siinayo,” Ayuu yiri Cabdifataax oo ka hor hadlay maxkamadda Ciidamada. Tirada dumarka ee dhibbanaha u ah eedaysanaha, ee booliska ay diiwaan geliyeen, waxay gaarayaan in ka badan 60. Qaar ka mid ah dumarkaas ayaa ku sugnaa gudaha maxkamadda oo dhagaysanaysay dacwadaan. Mid ka mid ah oo ka hadashay maxkamadda horteeda ayaa sheegtay in ay xitaa dambiilaha “ka codsatay inuu dilo xilli ay ka sheekaynaysay dhibaatada uu mariyay ninkan.” “Aad ayaan u qalqalay oo aan u cabsaday, waxaana xitaa ku iri idil. Muddo hal saac ah ayaan gaarigiisa saarna. Markaan wax yar soconaba wuu ii hanjabaayay. Markaan ogaaday inuu idili rabay ayaan waxa sameeyay falcelin.” Mid ka mid ah haweenka ninkan ku eedeeyay in uu ka dhacay telefoon. “Wuxuu iga qaatay laba teleefon, booliska ayaan wacay waxaana toban daqiiqa ka dib la ii sheegay in ninka la qabtay,” Ayey tiri mid ah dumarka sheegay inuu ninkan afduubtay uuna ka dhacay teleefoon. Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa sheegtay inuu faafidda diinta Islaamka uu ka gaaray heer uu noqdo Imaam masaajid uu hadana bilaabay inuu ku kaco falalka lagu soo eedeeyay, sida uu eedeysanaha u sheegay xeer ilaalinta. Ninkan loo haysto dhaca telefoonnada waxaa lala soo qabtay nin kale oo ay isla socdeen oo la sheegay in ay dhaca isla fulinayeen. “Qofka bini’aadamka ah qad ayuu dhaafaa, dhanka diinta mid ay celinayso maahan. Wuxuu gaaray heer uu khadiib noqdo, maantana uu dadka dhaco,” ayuu yiri dacwad-oogaha. Qaar ka mid ah dhibbanayaasha oo sidoo kale ku sugnaa Maxkamadda, ayaa codsaday in sharciga iyo cadaaladda la mariyo eedeysanaha. “Ninkaas wuu i ceejiyay, taraxadda ayuu igu ceenjiyay, isbitaal Madina ayaan tagay daawa ayaa la ii soo qoray. Dhibaatada uu ii gaystay illaa iyo hadda waan naxsanahay,” Ayey tiri mid ka mid ah dhibanayaasha ku sugnaa maxkamadda. Qareenkiisa wuxuu ku adkeysanayaan in Cabdifitaax uusan dhicin 65 telefoon, balse isaga uu qirtay 30. Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in Cabdifitaax uusan dhicin tirada teleefoonnada lagu dacweeyay. Wuxuu Maxkamadda ka codsaday in xukunkiisa lagu salleeyo, keliya 30-ka telefoon ee uu qirtay in uu dhacay. “Arrinta dhaca, eedaysanaha wuxuu ogolyahay 30 teleefoon inuu qaatay, ma jiraan 65 qof ee uu dhac u gaystay, sida ay xafiiska xeer ilaalinta sheegeen. “Maxkamadda waxaan ka codsanayaa in maadama uu ogolyahay 30 teleefoon, ay maxkamadda ku xukunto 30 kaaas oo keli ah,” Ayuu qareenka u doodayay eedaysane Cabdifitaax. Qaran News
  10. Xildhibaano Shaaciyey in Xil ay loolan ugu jireen isaga Tanaasuleen. Xildhibaan Maxamuud Xayir oo kamida mudaneyaasha golaha Wakiillada cusub, ee loollanka ugu jiray jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi, ayaa sheegay inuu hankiisa uga tanaasulay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ay Isbahaysiga Mucaaridku u xuleen inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad. Shir-jaraa’id oo ay jimcaha maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa labada xildhibaan ee isu tanaasulay oo uu weheliyo xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo isagu ka odayeeyey isu soo dhaweynta labada mudane, ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen sida ay uga go’antahay inay isbahaysi ahaan u dhisaan xubnaha loo xullay shirguddoonka Golaha Wakiillada. Loollanka loogu jiro qabashada xilalka Shirguddoonka Wakiillada oo aad u soo kulullaanaya, ayaa waxa ku hirdamaya xildhibaanno ka kala tirsan xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbiga talada haya, waxaana ilaa hadda aqlabiyad xooggan ku goodiyaya dhinaca Mucaaridka oo haysta aqlabiyada xildhibaannada Golahaasi. Xildhibaan Maxamuud Xayir oo ka soo baxay Xisbiga UCID oo uu sidoo kale ka tirsan yahay Mudane Cumar Jaamac, ayaa sheegay inaanu hankiisa dhaafsanin wax ka hooseeya go’aan mabdi’i ah oo uu ku taageeray xildhibaanka uu u tanaasulay. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax ayaa dhankiisa si weyn ugu mahad celiyey Xildhibaan Xayir oo uu ku tilmaamay siyaasi waayo-arrag ah oo kamida raggii rukumada u taagay Xisbiga Kulmiye. Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed, ayaa dhankiisa ku bogaadiyey xildhibaannada isu tanaasulay, isagoo ku tilmaamay talaabo guul ah oo meesha ka saaraysa isgarab yaac iyo muwaafiqo xumo. Qaran News
  11. Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ka fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga. Hawlgalkan oo ahaa mid culus ayaa bilowday saq-barkii habeenimo ee xalay waxaana lagu beegsaday shabakado ka gacacsada Khamriga laga keeno gudaha waddanka Itoobiya, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska. Saraakiisha ayaa mid guulaystay ku tilmaamay hawlgalkaas qorshaysan oo ka dhacay aga-gaarka Hoteelka ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay dib ka faahfaahin doonaan hawlgalkaas lagu beegsaday kooxaha caadaystay Khamriga. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Booliska Kenya oo baadigoobaya haweenay askariyada oo Ragga laysa Booliska dalka Kenya ayaa baadigoob ugu jira haweenay boolis ah oo lagu eedeeyay inay dishay laba nin, kuwaas oo la sheegay in horraantii isbuucan ay toogatay, mid ka mid ah labada nin ayaa boolis ahaa. Haweenaydan oo lagu magacaabo Caroline Kangogo, ayaa warbaahinta dalka Kenya qabsatay kaddib markii ay magaalada Nakuru ku dishay askari magaciisa lagu sheegay John Ogweno. Meel 200km u jirta halka ay dhacdada koowaad ka dhacday, ayey ku dishay Peter Njiru oo 32 sano jir ah. Marxaladaha ku xeeran dilka labada nin ayaa ah kuwo muran badan dhaliyay, ilaa hadda ma jirto cid wax badan ka og sababta loo dilay. Bayaanka ay soo saareen booliska ee ay ku shaacinayaan baadi- goobka ka dhanka ah haweenaydan ayaa waxay ku tilmaameen inay la mid tahay sheeko ku jirta filimada cabsida leh . Balse farqiga u dhexeeya sheekadan iyo mida filimada ayaa ah in tani ay tahay dhacda dhab ah. waxaana jira warar sheegaya in qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay dhunteen kadib markii Kagongo ay fariin u dirtay. Sidee ayay wax walba ku bilowdeen? Kangogo ayaa looga shakisan yahay dilka nin ay saaxiibo ahaayeen oo boolis ah maalintii Isniinta . Dilka kadib ayaa la sheegay inay qaadatay bistoolad nooceeda tahay Ceska oo ay ku jirto rasaas. Kaddib waxay u jihaysatay Juja, oo 200 kiiloomitir u jirta magaalada Nakuru halkaas oo ay hoteel ka kiraysatay. Dhibbanaha labaad ayey qolka ugu yeertay kaddibna madaxa ayey ka toogatay intii ay qolka ku jireen. Xilli dambe isla habeenkaas Kangogo waxay maydka Peter Njiru uga carartay qolkii ay huteelka ka daganayd. Mid ka mid ah shaqaalaha huteelka ayey u sheegtay inay soo iibsanayso adeeg ayna wax yar kaddib soo noqon doonto. Balse haweenaydan Ayaan dib ugu soo noqonin huteelka. ‘Khatar iyo iska caabin’ Booliska ayaa sheegay inay dhib badan kala kulmeen raadinta haweenaydan maxaa yeelay waxaa adag in la helo qaab lagula xiriiro maadama ay teleefonkeeda kaga tagtay goobtii ugu horeysay ee ay dilka ka geysatay. Saraakiisha dowladda ee baaraya kiiskan ayaa ku tilmaamay mid la yaab leh sababtoo hal qori ayey u adeegsatay dhibanayaasheeda, iyada oo ku hubaysan bastoolad la soo xaday oo ay ku jiraan 14 xabadood. Agaasimaha Waaxda Dambiyada George Kinoti, ayaa shacabka ka codsaday inay gacan ka geystaan soo qabashada haweeneyda uu ku tilmaamay “mid hubaysan oo qatar ah”. Kangogo waxay ka soo shaqaysay saldhigyo boolis oo kala duwan, oo ay ku jiraan qaybta booliska ee maamula Tareenka, ka hor inta aan loo wareejin magaalada Nakuru, halkaas oo ay ka shaqeynaysay ku dhowaad saddex sano. Kinoti ayaa sheegay in tuhunsanaha ay dhuumanaysay tan iyo horaantii Isniinta. “Waxaan uga digeynaa shacabka, gaar ahaan ragga, inay ka taxadaraan sarkaalkaan ujeedkeeda uu yahay in ragga ay dabinkeeda galiso ka hor inta aaney si naxariis daro ah u dilin,” ayuu yiri. Qaran News
  13. Sheekh Dirir oo ummada uga digay Cuqubada ka dhasha ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW siiyey “Qofka ku xadgudba nimcada Alle, maalinta qiyaame su’aashu way ku badanaysaa” Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan cuqubada ka dhalata ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW ummada siiyo. Khudbadii Jimcaha shalay oo Sh Dirir kaga hadlay israafka ama xadgudubka, waxa keena, cuqubada ka dhalata iyo sida loo daaweeyo, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya israafka iyo fasirkiisa sheegay inuu yahay dhaafinta shay walba xadkiisa, waxa loo baahan yahay inuu dhexdhexeysto, oo xad-gudub iyo gabood-fal u dhexeeyo. Xukunkeedu waa xaraam in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey daaddaadiyo. Ilaahay SW ayaa quraanka inoogu sheegay “Deeqda Ilaahay SW idin siiyey cunna oo caba, hana ku xad-gudbinna,” Waxa kaloo islaamku inoo diiday oo israafka barbar yaala, in qofku noqdo mid adag, oo deeqdii Ilaahay SW siiyey diida inuu ku bixiyo halkii loogu talo-galay. Sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay “Bakhayl ha noqon gacantu qoorta ugu xidhan tahay, wax aad bixinaysana ha wada bixin, sid aaanad marna u cadilmin, marna u ceebaysnaan.” Nebigu NNKH waxuu yidhi, “cunna oo caba waxii Ilaahay SW idin siiyey, dhar ka xidha, sadaqo ka bixiya, lakiin israaf iyo is-tusnimo iska ilaaliya.” Sheekh Dirir oo ka hadlayey meelaha israafku ka iman karo, qofkana looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo, ayaa sheegay in biyahu ka mid yihiin, isla markaana sheegay in Nebiga NNKH mud (litir-badhkii) ayuu ku weyseysan jiray, laba litir ayuu ku meydhan jiray. Qof innagam mid ah waxa laga yaabaa inuu foosto badhkeed ku meydho? Dhalinyarada is-dhalaalinaya ha u badnaadeena. Nebiga NNKH oo nin barayey sida loo weyseysto iyo inay sadex sadex tahay, ayaa talo u raaciyey ah waa sidaa weysadu. “Weysadu waa sidaa qofkii ka kordhinay ama ka naaqusa, dulmi ayuu sameeyey.” Biyaha marka dadka iyo xoolahu u baahan yihiin, weyso, meydhasho, waraab beer ama gaadhi meydhid waa xadgudub, waa la gebagebaysanayaa. Meelaha lagu israafi karo waxa ka mid ah wax-bixinta. Sadaqada waad bixinaysaa, laakiin haku xadgudbin. Ilaahay SW waxuu amaanay mu’miniinta “Dhaqanka mu’miniintu marka ay wax bixinayaan kuma xadgudbaan, bakhayliina maaha, arinkoodu, labada ayey u dhexeeyaan.” Noocyada israafka waxa ka mid ah oo dadku ilbaxnimo u arkaan in guryaha aad loo qalabeeyo, oo kharash badan ku bixiyo, ha lagu arko darteed qofku isagoo guri hanti ah ama gaadhi lahayn? Xadiis saxeex ah, “Nebigu NNKH gurigii Caa’isha CS, ayuu yimi, markaa ayuu daahii fujiyey, oo yidhi annaga nalama farin inaan gidaarada dhar huwino, dadka huwiya ayaa la yidhi.” Innagana lacagteenii daahyo ayey ku baxday oo odeyga iyo islaantu isku qabsanayaan, haduu yidhaahdo innaga daa. Israafku waxuu geli karaa waxyaalaha wakhtigan moodada, sida haduu qofku dhar bil xidhnaado uu bedlad kale xidho, bacadlaha ayaa loo camirayaa. Danno badan ayaa hadda ka dayacan. Istaaraafka waxa ka mid ah casuumadaha oo Nebigu NNKH ku tilmaamay meelo raashinka ugu shar badan, oo dadkii cuntada aadka ugu baahna laga ilaalinayo, kuwo dheregsana la siinayo. Aroosyada, geerida, hurdada, cimriga, dhalinyaranimada, caafimaadka dhamaantood israaf ama xadgudub ayey keenaan marka si aan wanaagsanayn loo adeegsado. Sheekh Dirir oo ka hadlayey sababaha keena in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey ku xadgudbo, ayaa sheegay inay ka mid yihiin, · In qofku aqoon-daro ka hayso diinta, ilayn haduu ogaan lahaa waxa diintu ka tidhi, wuu ka joogsan lahaa, iyo ummadani inay tahay mid dhexdhexaad ah. · In qofkan lagu soo barbaariyey israafka iyo daadinta, hadhow ka daa lagu kari mayo, ilayn wuu ku kacaamee. · In qofku dabeecada aduunyada ka dhacsan yahay, una arko inay sidan isaga soconayso badhaadhahan, oo inay busaarado ka dambayn karto ma oga. · Waxa keena in qof faqiir ahaa, marka Ilaahay SW maal siiyo, uu maalka daadaadiyo, si loo ogaado in faqrigii hore ka baxay. · La saaxiibka kuwa maalka ku ciyaara, Nebigu NNKH waxuu yidhi “Qofku waa sida saaxiibkii, ha iska ilaaliyo qofkuu noqonayo” · Waxa ka mid ah in qofku jecel yahay in dadku arkaan, oo dabadeed is muujiyo. · Ubadka, oorida iyo ehelka ayaa ka mid ah waxa keena israafka, oo qofkii masuulka ahaa maamuli kari waayo? Sheekh Dirri ayaa sheegay in cuqubo iyo in Ilaahay SW inna naco ka dhalato marka qofku israaf sameeyo, sida aayad quraanka inoogu sheegay “Ilaahay SW ma jecla dadka waxuu siiyey ku xadgudba.” Waxay keeni kartaa in marka qofkii afku ka weynaado, ee baahidiisu badato, uu xaaraan raadiyo, oo weji ku-maal, af-ku-maal bilaabo, isagoo sharaftiisi, tii wadanka dhamaan iibsado. Qofku haduu xad-gudbe noqdo, sheydaan kama foga, ilayn waxii Ilaahay SW u diiday ayuu dhexgalee. Nebigu NNKH xadiis saxeex waxuu inoo sheegaya inaan waxii aynu u baahan nahay keliya isticmaalno, alaabta guryaha “Furaash ninka leh, furaash ooridiisa, furaashna martida, ka afaraadna sheydaanka” looma jeedo hadii caruur joogto dhulka seexi, laakiin, waa hadii aanay dad kula joogin, intee guryaheena sheydaan fuushan yahay. Qofka ku xadgudba nimcada Alle, maalinta qiyaame su’aashu way ku badanaysaa? Waxa ka mid ah in barakadu ku yaraato maalkiisa. Sheekh Dirir oo ka hadlayey waxa lagu daaweeyo ama laga gaashaanto xadgudubka oo u sheegay inuu ku badan yahay Soomaalida, waxuu sheegay inay ka mid yihiin, Qofku inuu cidhibta arrimaha eego, haduu sameeyo maxaa ka dhalan kara? Hadii qofku, qoysku, dalku sidan ku socdo, maxaa ka dhalan kara? Waa in la isweydiiyo. Qofku inuu go’aan yeesho uu naftiisa, ehelkiisa iyo dalkiisa ku maamuli karo. Dadku hadii aanay go’aan lahayn noloshoodu qiimo ma yeelato. Cumar binu khadaab RC ayaa maalin arkay inankiisa oo hilib badan diyaarsaday? Maxaad ku falaysa ayuu weydiiyey, markaasu ugu jawaabay, waan doonayaa? Waxuu Cumar ugu jawaabay ‘Nacasnimadaada, wax kastoo aad doonto miyaad cuntaa? Xadgudubka ayey ka mid tahay in wax kastoo aad doontid inaad cunto. Qofku inuu eego maalmahii uu soo maray, xilliyadii qaxootiga, la gaajaysnaa, muslimiinta hareerahiisa ee dhiban eego?oo Ilaahay SW ayaa mahad leh uu qofku yidhaahdo. Qofku inuu eego oo barto noloshii Nebiga NNKH, Caa’isha RC waxay leedahay “ilaa saddex bilood guryaha Nebiga CSW dab looma shidi jirin? Saxaabi ay habaryar u ahayd ayaa weydiiyey, maxaad quudan jirteen, Caa’isha ayaa ugu jawaabtay timir iyo biyo” In qofku dadka ku xadgudba nimcada Ilaahay SW iskaga hadho, oo uu dadka hankoodu sareeyo la saaxiibo oo ku deydo. Inuu aakhiro xusuusto qofku ayaa xalka xadgudubka ah iyo in hormoodka ummadu madaxda, culimadda, tujaarta, inay dadka kale tusaale u noqdaan si loogu deydo. Sheekh Dirir ayaa sheegay in waxyaalo badan oo duruufo dhaqaale ah oo maanta ummadeena haysta, sababteeda leenahay, isla markaana gacmaheena ku jiro xalkii lagaga bixi lahaa, markaa inaynu isa saxxno ayaa muhiim ah, Ilaahay SW isagaa farajka haye, ha inna waafajiyee, aamiin. — Mohamoud Ali Walaaleye Freelance Reporter http://www.funca.info/ Hargeisa- Somaliland Qaran News
  14. The African Development Bank (AfDB) has approved two grants totaling $83.6m to boost cross-border trade in electricity between Ethiopia and Djibouti. Source: Hiiraan Online
  15. It was past midnight, and Abdi Issak tried to ignore the dank, musty smell coming from the carpet. Source: Hiiraan Online
  16. TOKYO -- Japan will hold joint exercises with the British aircraft carrier HMS Queen Elizabeth for the first time in waters off the coast of the Horn of Africa, likely next week, Japanese Defense Minister Nobuo Kishi told reporters Friday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online)- Barnaamijka Gungaar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigto xogta ay bixiyaan xubnaha nolosha lagu qabto ama isaga baxa kooxaha ka dagaalama dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa caawa lagu soo bandhigay nin ku xeel-dheer sameynta document-yada oo lasoo shaqeeyey Shabaab iyo Daacish, labadaba. Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Macalin Saciid Cabdulle Dilib, waxaana lagu sheegay warbixintiisa inuu iskiis isku soo dhiibay oo uu maray nidaamka ay dowladdu u dejisay in lagu dhaqan celiyo dadka isaga soo baxa kooxaha xagjirka ah. Waxa uu ka sheekeeyey hanaanka ay Al-Shabaab warbaahinta ugu marin habaabiyaan Bulshada iyo qaabka ay u qortaan dagaalyahanada cusub. Ninkaan oo ku dhashay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxa uu ku taqasusay culuumta Network Engineering, isagoo ka baxay mid ka mid ah jaamacadaha dalka. Sanadkii 2008-dii ayuu Al-Shabaab uga biiray magaalada Muqdisho. Hoggaanka Al-Shabaab oo xilligaas ku qancay aqoonta uu u leeyahay luuqadaha Carabiga iyo English-ka iyo sidoo kale tiknoolajiyadda ayaa Macalin Saciid ku tashkiiliyey inuu la shaqeeyo kooxda, waxuuna ka caawi jiray dhanka warbaahinta iyo sameynta barnaamijyada. Barnaamijyada ay soo bandhigaan Al-Shabaab markii ay sameynayaan waxa uu sheegay inay kasoo min guuri jireen, warbaahinta kooxaha kale ee jihaadiyiinta ah ee caalamka ka dagaalama, sida Al-Qaacida. “Waayihii hore dadku waa ku soo yaaci jireen kooxda si ay ugu biiraan, laakiin hada taasi ma jirto oo cid ku biireysa malahan, marka waxay ku qasbanyihiin inay ciidan raadiyaan, qoysaska reer Miyiga ah ayey ilmaha kasoo wataan, waxayna ku dhahaan waxaan idiin bareynaa, inta ay tababarayaan cunugu hadii uu xanuunsado waa lagu celiyaa reerkiisa oo mid kale ayaa keena la dhahaa, markii la tababarana waxaa laga howlgeliyaa gobolka kale oo kii uu u dhashay aad uga fog,” ayuu yiri Macalin Saciid Dilib. Sidoo kale ninkaan waxa uu sheegay in mar uu isaga baxay Al-Shabaab uu buuraleyda gobolka Bari ee Puntland uu uga biiray kooxda Daacish, balse uu dib ugu laabtay mar kale Al-Shabaab, kadib markii uu wax tix-gelin ah ka waayey Daacish. Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin ayuu sheegay inuu kula kulmay buuraleyda gobolka Bari, isla markaana kooxdaan uu ka waayey wax tix-gelin ah, balse wax badan ay ka faa’iideystay aqoontiisa. “Markii aan Daacish aaday waxaan qaatay go’aan shakhsi ah, rag ku jiray oo aan saaxiibo nahay ayaa ii soo bandhigay inaan u sameeyo xiriiro dibadda ah, waana rabay inaan soo ogaado dhaqankooda iyo hadafkooda, laakiin waxay ii noqdeen wadadii ii suurta gelisay inaan isaga haro kooxaha jihadiyiinta ah, waxaan qaatay go’aan ah in dib dambe aana wax xiriir ah ula sameyn haba yaraatee koox jihaadi ah,” ayuu yiri ninkaan isku maray Shabaab iyo Daacish. Hoos ka daawo barnaamijka lagu soo bandhigay xogta Macalin Saciid Dilib. The post Daawo: Macalin Dilib ninkii isku maray Al-Shabaab iyo Daacish oo bixiyey xog xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (PP Faallo) — Mala-awaal uu Rashid Abdi, oo Kenyati ah, ku soo qoray Twitterka ayaa sheegayay in TPLF soo bandhigi doonto ciidammo Soomaaliyeed oo ay qabteen? Sidee buu run warkaasi u noqon karaa haddii (1) TPLF iyo ciidanka Eritreeya uusan dagaallo badan dhex marin? (2) haddii TPLF aysan ilaa hadda sheegin inay Maxaabiis Eritreeyaan ah hayaan? Getachew Reda, afhayeenka TPLF ayaa sheegay in ciidammada ururku ay araxda ka jabiyeen ciidammada Itoobiya. Kaalinta Eritreeya qaadatay waxay ahayd in cadaadis TPLF laga saaro dhanka Badme. Habkii hore ee TPLF wuxuu ahaa mid tab dagaal ku qotomay. TPLF uma babacdhigi karin ciidammada laba dal. Waxaa jira askar Soomaali ah oo Kililka Shanaad laga keenay. Waa suurtogal in qaar ka mid ah askartaas ay TPLF ku tilmaanto askar Soomaaliyeed oo Eritreeya lagu tababbarayay. Ma jirto sabab askar Soomaaliyeed uga dagaallami karaan dal kale. Dad badan ayaa is weydiinaya sababta dowladda federaalku uga aamusan tahay eedeymaha ku saabsan askarta Soomaaliyeed oo lagu tababbarayo Eritreeya. Guddi dowladdu u saartay ka gungaaridda eedeynta ayaa jira. Mucaaradku way illowsan yihiin su’aal wax caddayn karta: Miyay dowladda federaalku oggolaan lahayd in ciidammo Soomaaliyeed ka qaybgalaan dagaal ka dhan ah TPLF? Waa su’aal ka duwan Miyay dowladda federaalku oggolaatay in ciidammo Soomaaliyeed ka qaybgalaan dagaal ka dhan ah TPLF? Su’aasha dambe waxay si dadban run uga dhigaysaa eedeynta in askar Soomaaliyeed ka qaybgaleen dagaalkii lagu qaaday TPLF. Waa suurtogal in dowladdu ku ciyaarayso mucaaradka oo marba middi siyaasadeed saawir ah la soo shirtagaya. Miyay dadku rumeysanayaan haddii TPLF ay maxaabiis Soomaaliyeed oo kililka shanaad laga keenay ka dhigaan askar Soomaaliyeed oo ka dhinac dagaallamayay ciidammada Eritreeya? Hubsiino hal dhan baa la siistaa. © Puntland Post, 2021 The post Miyay TPLF Dagaalka ku Qabatay Ciidammo Soomaaliyeed? appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa soo saaray qoraal ugu hanjabay odayaashii dhaqanka beesha Murusade ee maanta baaqa iyo digniinta u diray dowlad goboleedka Puntland iyo beesha Majeerteen. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Murusade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Puntland uga digay inay toogato sideed nin oo lagu xukumay dil toogasho ah, kuwaas oo la soo bandhigay muuqaalo ay ku qiranayaan inay ka tirsanaayeen Amniyaadka Al-Shabaab, dilal badana ay fuliyeen. “Waxaan muddo 2 Bilood ah daawanayay wareysiyo qeybo badan leh oo laga qaaday Madaxdii iyo dilaayaashii Alshabaab ee gacantooda ku laayay waxgaradkii gobolka Mudug laguna soo bandhigay Shabakadda AFMEER, waxaase dhakafaar igu noqotay inaan maanta Telefeshinada ka daawaday dad jooga gobolka Banaadir oo u doodaya Dambiilayaashii qiraalkooda iyo caddemahooda lagu xukamay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Yare. Cali ayaa ku hanjabay in odayaasha u doodaya ragaas lagu xukumay deegaanada Puntland uu la xisaabtami doono. “Waa wax aan dhici karin inaan gobolka Banaadir wada joogno annaga iyo qof si dadban oo aan qarsoodi laheyn Idaacadaga ugu doodaya cadowga Shabaab waana la xisaabtameynaa dadkaas,” ayaa qoraalkiisa ku yiri. Qoraalka Cali Yare ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa iswaydiin mudan haddii ay walaalaheen Puntland qaab qabiil ah u beegsanayaan qabiil gaar ah oo hadda gacantooda ku jira maxay asbuucii hore u toogteen 18 nin oo u badnaa wiilashoodii reer Gaalkacyood ee iyagaku heybta ahaa?” Sidoo kale guddoomiye Cali Yare waxa uu su’aal ka keenay sababta rag qirtay inay Shabaab ka tirsanaayeen loogu doodayo qabiil, maadaama aysan ayaguba qabiil ku cafin dadkii ay ka dileen, isagoo tusaale u soo qaatay dilal ay ragaasi qirteen inay ka geysteen koonfurta Gaalkacyo iyo Muqdisho, gaar ahaan degmada ay beeshaasi degto ee Deyniile. “Haddiisa qabiilku amni yahay oo ay Alshabab ehelnimo garanayaan maxay kuwa hadda gacanta ku jira ee aan qiraalkooda daawanaynay u tirinayeen inta halaag oo ay Muqdisho iyo Koonfurta Gaalkacyo ka geeysteen inta aanba Waqooyiga Gaalkacyo loo gudbin?Alshabaab ehel iyo arxan toona ma leh ( Waxaan daawaday mid tilmaamaya dadkii uu Degmada Dayniile ku dilay)” ayuu ku yiri qoraalka. Waxa uu sheegay in maamulka gobolka Mudug ee Puntland ay ku garabtaaganyihiin “go’aanka geesinimada leh oo ay indhaha uga rideen cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Alshabaab waxaanan ku boorineynaa in ay sii xoojiyaan howsha wanaagsan oo ay qabteen,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Cali Yare waxa uu maamulka gobolka Mudug ee Puntland uga mahadceliyey kaalmadii Shidaalka iyo Raashinka isugu jirtay ee shalay ay ku garab istaageen ciidamada Galmudug ee Al-Shabaab kula dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug. Odayaasha beesha Murusade ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo cuskaday xukunkooda lix kamid ah raga 8-deeda ah, isla markaana sheegay in ciidamadu ku qasbeen inay qirtaan wax aysan shaqo ku laheyn, sida ay hadalka u dhigeen. “Waxaa idiin sheegeyna dadkii hore ee aad disheen kuwii hore waa tageen, waxa dambe oo hadda gacantiina ku jira bad-baadiya, meel walba ayaa daadsan tihiin. Kuwo cuqaal iyo tujaar ah ayaa halkaan jooga ee dadka nabad geliya, haddaad nabad-gelin weysaan xeradiina ayaa ka garaneysan oo caqligiina imaanaya,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii maanta shirka jaraa’id qabtay. The post Maamulka gobolka Banaadir oo odayaasha Murusade kala saftay Puntland una hanjabay appeared first on Caasimada Online.
  20. Shirweynaha 4-aad ee ururka Dhaqaatiirta Puntland, ayaa maanta Jimce ah lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirweynaha waxa ka qayb-galay dhaqaatiir isaga yimid dhammaan Gobollada Puntland, waxaana lagu doortay hoggaanka cusub ee ururka. Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Puntland ayaa loo doortay Dr. Aaden Shire Yuusuf, halka Guddoomiye ku xigeenka loo doortay Dr Jaamac Axmed Ibraahim. Sidoo kale, Xoghayaha guud ee ururka Dhaqaatiirta waxa loo doortay Dr. Cabdullaahi Cabdirashiid, waxaana sidaas ku soo geba-gaboobay Shirka. Hoggaanka cusub ee ururka Dhaqaatiirta Puntland ayaa ballan-qaaday in ay halkaas ka sii wadi-doonaan hawlaha ururka, waxaana ay uga mahadceliyeen hoggaankii iyaga ka horreeyay arrimihii u qabsoomay. PUNTLAND POST The post Ururka Dhaqaatiirta Puntland oo doortay Hoggaan cusub appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU (HOL) - A locally manufactured boat docked in Kismayo this week as part of EU and FAO efforts in building livelihoods in Somalia through fishing and agricultural production. Source: Hiiraan Online
  22. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in Turkey ay fashilsay weeraro lagu soo qaaday dhaqaalaheeda oo la doonay in dalkaas jilbaha loogu dhigo. Erdogan ayaa weeraradan la xiriiriyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii. Madaxweyne Erdogan ayaa qalalaasaha dhaqaale ee Turkey sheegay inuu ka dhashay shirqoolo ay maleegeen quwado shisheeye iyo kooxo argagixiso ah. Erdogan ayaa intaas ku daray in qiimo dhaca lacagta waddankaas ee Lira, oo bilihii ugu dambeeyey gaartay heerkii ugu hooseeyey, ay sababeen weeraro dhaqaale oo lagu soo qaaday dalkaas. “Waxaa jira shirqoolo lagu beegsanayo heerka sarifka lacagaha, sicir-bararka, iyo dhaqaalaha guud. Ujeedada waa mid siman waana mid xasarad dhaqaale lagu gelinayo dalka, waana ujeedo la mid ah afgambigii 15-ka July,” ayuu yiri Erdogan. Madaxweyne Erdogan ma shaacin quwadaha shisheeye ee weerarka ku ah dhaqaalaha dalkiisa, hase yeeshee waxay dhowaanahan xiisad xooggan kala dhaxeysa Mareykanka iyo ururla Midowga Yurub. Mareykanka iyo Turkey ayaa isku haya habka difaacca gantaallada S-400 oo Ankara ay kasoo iibsatay Ruushka, taasi oo Washington ay kasoo horjeedo, halka dalalka Midowga Yurub iyo Turkey ay isku hayaan loolanka Ankara iyo Greece oo ee dhul-badeedka badda Mediterranean-ka. Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaaboyin cusub oo ay waxa kaga qabaneyso xasaradaha dhaqaale. The post Turkey ‘oo fashilisay weeraro jilbaha loogu dhigi lahaa’ appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdifataax Cali Cumar, oo ah eedeysane dhawaan kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa loo haysta dhaca iyo jirdalka ku dhawaad 60 haween ah. Cabdifataax ayaa waxa uu wajahaya kiis hadal hayn badan ka dhex abuuray bulshada, kadib markii uu maxkamadda kasoo muuqday asaga oo loo haysto in uu xiriir Jaceyl la sameeyay dumar badan si uu u dhaco. Eedeysanaha ayaa meel sarre ka gaaray faafidda diinta Islaamka, isaga oo soo noqday Imaam masaajid, haddana bilaabay inuu ku kaco falalka lagu soo eedeeyay, sida ay sheegtay Xeer Ilaalinta Ciidamada. Cabdifataax ayaa iska fogeeyay qaar kamid ah haweenka 60-ka ah, isagoona qirtay inuu dhacay 30 haween ah oo keliya, xili ay maxkamadda kasoo hor-muuqdeen qaar kamid ah dhibanayaasha. “Arrimaha dhaca ee la igu soo eedeeyay qaarkood wax ayaa ka jiro, qaarna waxba kama jiraan. Inta kiis ee aan aniga ogahay waa ilaa 30 oo ah kuwa aniga ii qoran oo aan diyaar u ahay, hadii uu qof igu sheegta inaa siinayo,” ayuu yiri Cabdifataax oo ka hor hadlay maxkamadda ciidamada qalabka-sida. Haweenay kamid ah kuwa loo haysto inuu dhacay Cabdifataax oo ku sugnaa gudaha maxkamadda oo ayadu ka qeyb aheyd dhageysiga dacwada ayaa sheegtay in dhibaatada uu mariyay eedeysanaha ay gaarsiisay inay ka codsato “inuu dilo oo nolosha dhaafiyo,” sida ay sheegtay. “Aad ayaa u cabsaday oo aan u qal-qalay, waxaa ku iri xitaa idil. Muddo hal saac ah ayaan gaarigiisa saarna. Markaan wax-yar soconaba wuu ii hanjabaayay. Markaan ogaaday inuu idili rabay ayaan waxa sameeyay fal-celin,” ayey tiri. Sidoo kale qaar kamid ah dhibanayaasha dacwadaan oo ayaguna ku sugnaa Maxkamadda, ayaa dalbaday in sharciga la mariyo eedeysanaha oo sida ugu dhaqsaha badan u helaan cadaallad. “Ninkaas wuu i ceejiyay, tarxadda ayuu igu ceenjiyay, isbitaal Madina ayaan tagay daawa ayaa la ii soo qoray. Dhibaatada uu ii gaystay illaa iyo hadda waan naxsanahay,” ayey tiri haweenay kale oo ku sugneyd maxkamadda oo kamid ah kuwa loo haysto in Cabdifataax uu dhibaatayey. Cabdifataax oo qirtay in keliya uu dhacay 30 kamid ah haweenka u haysta dacwadda, ayaa waxaa maxkamadda laga codsaday inay ku saleyso xukunkiisa keliya inta uu qirtay, halka inta kale uusan shaqo ku laheyn, sida uu ku doodayo Qareenka Cabdifataax. The post Daawo: Nin Imaam Masjid ahaan jiray oo MUQDISHO loogu maxkamadeynayo dhaca iyo jir dilka 60 haween appeared first on Caasimada Online.
  24. Dhowaan wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland waxa ay soo saartay buugga, ‘REPUBLIC OF SOMALILAND: Country Profile 2021’ Waa tallaabo muhiim ah oo dadka guud ahaan, gaar ahaan kuwa aan Afsoomaaliga aqoon ama Soomaalida aan ahayn lagu barayo Somaliland, dhulka iyo deegaanka; dadka; taariikhda; dhaqaalaha; siyaasadda iyo nidaamkeeda dawladeed; iyo guud ahaan xogta la xidhiidha ee dhinac kasta ah. Buugga noocaas ahi waxa uu noqdaa tixraaca rasmiga ah ee cid kasta oo arrimahaas wax ka qoraysa ama baranaysaa ay ku kalsoonaanayso xigashadeeda, si ka badan qoraallada kale oo dhan, sidaas awgeed waxaa waajib ah in uu qaladaadka guud ahaan ka ceeb la’aado, si aanu xog qaldan u siinin muwaadiniinta iyo dunida kalaba. Haddaba intii aan akhriyayey Buuggan waxaa ii soo baxay qalad maskaxdaydu qaadan weyday in uu buug noocan ah oo dawladi diyaarisay uu geli karo. Maadaama oo waqtiga dhacdada uu ka warramayaa aanu aad u fogeyn jiilkii soo gaadhayna uu joogo, sida oo kalana dawladdu awood u leedahay in ay hesho ilaha xogta arrintaas laga heli karo. Weliba ay tahay dhacdo aad u muhiim ah taariikh ahaan. Marka uu buuggu ka hadlay halgannadii dadka Somaliland iskaga tuurayeen gumaysigii Ingiriiska, waxa uu soo qaaday Alle ha u naxariisto ee Sheekh Bashiir Xaaji Yuusuf oo uu ka yidhi hadal macnihiisu noqonay “Waxaa soo shaacbaxay kacdoonno aan baabulnayn oo lagu doonayey in dhammaan gumaystayaasha shisheeyuhu ay dedejiyaan bixitaankooda. Mid ka mid ah waxaa hoggaaminayey Sheekh Bashiir Xaaji Yuusuf oo markii dambe, 1945 kii uu Ingiriisku maxkamadeeyey, kaddibna Burco ku daldalay” Buuggu waxa uu isticmaalay ereyga ‘Tried’ maxkamadayn oo ah erey macno ballaadhan oo ah, in eedaysanaha la qabto, baadhitaan lagu sameeyo, kaddibna maxkamad rasmi ah sifo sharciya loo soo taago. Haddaba su’aashu waxa ay tahay, sidaas ma u dhacday xaaladda dilka Sheekh Bashiir?! JAWAABTU WAA MAYA!! ‘Ciidamo isugu jiray Soomaali, iyo Hindi iyo Koonfur Afrikaan oo uu hoggaaminayo Janaraal Bilays oo Ingiriis ah ayaa uu maamulkii gumaystuhu ku weeraray Sheekh Bashiir iyo ciidan uu watay oo ku jiray buuraleyda Buur-Dhaab. Dagaal qadhaadh oo ay labada dhinac foodda is dareen ayaa ay ku dhinteen Sheekh Bashiir iyo ku xigeenkiisii Caalin Yuusuf (Qaybdiid), halka dhinaca Ingiriiskana laga dilay Jenaraalkii watay ciidamada iyo tiro ka mid ah ciidamadii uu watay oo ay ku jiraan kuwii Hindiya iyo Koonfur Afrika laga keenay. Maydka Sheekha Burco ayaa la keenay oo badhasaabkii Burco ee Ingiriiska ahaa uu ka dul damaashaaday, waana kii Abwaan Axmed Xaaji Afqalooc isaga oo arrintaas ka tiiraanyeysan dilka iyo sida foosha xun ee maydka loola dhaqmay mariyey gabaygii ay meerisyadiisa ka mid ahaayeen: Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide Dacsad iyo ihaaniyo cag baa loogu sii daraye Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene Ma damqane jidhkiinnii kolkaa waad ku digateene Nasab haddaad Durriyaddii tihiin kama dareerteene…… Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) AHN. Source