-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Port-au-Prince (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo dilkii khaarajinta ahaa ee loo geystay madaxweynihii dalka Haiti, Jovel Moise oo Arbacadii ka dhacay guri khaas ah oo uu deganaa, abaare 1:00 Am ee xilliga Haiti. Sida la shaaciyey ilaa hadda falkaas ayaa waxaa fuliyey koox howl-gab ka noqotay ciidamada Colombia iyo Laba nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Mareykan, oo mid ka mid ah uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Port-au-Prince. Mathias Pierre, oo ah wasiirka doorashooyinka Haiti, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in mid ka mid ah raggaas Mareykanka ah lagu kala magacaabo James Solages iyo Joseph Vincent. Labada nine e Mareykanka ah ayaa la sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan Haiti, waxayna ka mid yihiin 26 qof oo loo xiray dilka madaxweyne Moise oo aroortii Arbacada ka dhacay gurigiisa gaarka ah. Haddaba, Maxaa soo da-dajiyey shirqoolka lagu khaarajiyey madaxweynihii Haiti? Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee Haiti, Claude Joseph ayaa sheegay in madaxweyne Moise loo beegsaday arrimo la xiriiray la dagaalankiisa kooxaha qaska ka wada dalkaas, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in beegsigiisa ay ka dmabeyso siyaasad, maadaama uu Moise xilka isku dhajiyey. Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay, kadibna uu diiday inuu doorasho qabto. Ra’iisul Wasaaraha ku-meel gaarka ah ee Haiti Claude Joseph ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska. Dhinaca kale, garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha. Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay. Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin. Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday. Haiti oo ah dal ku yaalla Caribbean-ka, oo xuduud la leeyahay dalka Dominican Republic, halka dhanka baddana uu ugu dhow yahay dalalka Cuba iyo Jamaica, ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagna rabshado xoogan. Kadib markii uu baahay warka ku saabsan dilka, waxaa xiligaas rasaas xoogan laga maqlayey qeybo badan oo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, oo bilihii dhowaa ay ka jireen rabshado xooggan, ayaga oo ay ku dagaalamayeen booliska iyo burcad hubeysan. Rabshadahan ayaa ka dhashay saboolnimo sii kordheysa iyo xaisllooni-darro siyaasadeed oo dalka ka jira. The post Sababta loo beegsaday madaxweynihii Haiti ee soo da-dajisay khaarajintiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan rag kamid ah 8 qof oo maamulka Puntland uu ku xukumay dil toogasho ah. Odayaasha beesha oo kal hore baaq kasoo saaray dhalinyaradaas oo muddo u xirnaa maamulka Puntland oo aan xiligaas maxkamad lasoo saarin, ayaa xiligan lagu daray ragga xukunka dilka ah lagu fulinayo. Odayaasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo cuskaday xukunkooda lix kamid ah raga 8-deeda ah, islamarkaana ay ciidamadu ku qasbeen inay qirtaan wax aysan shaqo ku laheyn, sida ay hadalka u dhigeen. Xariga iyo xukunka ku dhacay qaar kamid ah raga 8-deeda ah ee Puntland ku xukuntay dilka ayey sheegen inay tahay shirqool aan loo meel dayin. “Waxaa idiin sheegeyna dadkii hore ee aad disheen kuwii hore waa tageen, waxa dambe oo hadda gacantiina ku jira bad-baadiya, meel walba ayaa daadsan tihiin. Kuwo cuqaal iyo tujaar ah ayaa halkaan jooga ee dadka nabad geliya, haddaad nabad-gelin weysaan xeradiina ayaa ka garaneysan oo caqligiina imaanaya,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay waraabinta. Sidoo kale waxay sheegen inaysan u dulqaadan doonin in maamulka Puntland uu gumaado dhalintooda, ayaga oo ku hanjabay haddii dib looga laaban waayo xukunkaas uu ka shalayn doono maamulka, sida ay hadalka u dhigeen. “Waxaa ka cabaneyna wiilal yar-yar oo masaakiin ah oo dhexdiina ka shaqeysanayey ayaa inta la aruuriyo oo la jirdilo la saaro maxkamad oo la dhaho waa Shabaab, waa arrin ceeb ku ah Soomaalinimada. Arrintaas waxay dhali doonta arrin dhibaato ah oo aan dadkiina iyo maamulkiina idin anficin.” Si kastaba, Arbacadii ayey aheyd markii ay Maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Hoos ka daawo muuqaalka The post “Ogaada dadkiina Muqdisho waa joogaan” – Beel ka mid ah Mogadishu Clan oo digniin culus u dirtay Puntland (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — A man who was sentenced to death by a Sharia court in Puntland for the murder of a man in Lasanod several years ago had escaped Qardho jail. Ahmed Abdi Jama reportedly fell ill and had to be taken to the hospital by Custodial Corps soldiers. On the way to the hospital several men ambushed the vehicle carrying the prisoner and spritted off the convicted murderer before reaching the hospital. Puntland Vice President Ahmed Elmi Osman Spokesman for Puntland Custodial Corps Abdirisaq Hersi told the media that “the soldiers failed to take extra care while transporting the prisoner to the hospital”. One of the Custodial Corps officers tasked with taking the prisoner to the hospital is missing, the Spokesman said, sparking speculations that senior Puntland government officials are complicit in prisoner’s escape. Abdirisaq Mohamud Hersi: “Soldiers did not take extra care while transporting the ‘ailing’ prisoner to the hospital in Qardho.” Jama fled to Mogadishu after murdering a young man in Lasanod several years ago. The victim’s relatives in Mogadishu had reported the suspect to Banadir Police in Mogadishu where had been taken into custody and subsequently transferred to Puntland State. A Puntland Sharia court has sentenced Jama to death for murder. Relatives of the victim alleged that Puntland Vice President Ahmed Elmi Osman had facilitated the escape of the convicted murderer from jail. They called for Puntland Government to bring to book people who helped Jama escape from the jail. © Puntland Post, 2021 The post A Convicted Murderer Escapes Puntland Jail appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah Musharax madaxweyne oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isagoona ku sifeeyay “shaqsi beenlow ah”. Madaxweynihii hore ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Farmaajo uu been badan yahay oo aysan dhab ka ahayn inuu ku daydo howlaha uu u qabtay bulshada Soomaaliyeed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxarisitee Aadan Cabdulle Cismaan. Waxa uu ka dhawaajiyey in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Farmaajo uu kal hore ololihii 2016-kii kusoo galay ballan-qaadyo been abuur ah oo uu sameeyay, kuwaasi oo ilaa xiligan uusan fulin. “Raad kuma lahan, shaqo kuma lahan, ceebeyn waaye inuu Farmaajo yiraahdo Aadan Cadde aan ku daysanaa hal tallaabo oo raadkiisa ah oo uu Farmaajo qaaday majiro,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. “Madaxweynihii hore (Aadan Cabdulle) waxa uu ahaa muwaadin xushmad leh, karaamo leh oo ku deysi leh, balse inuu Farmaajo yiraahdo Aadan Cadde ayaa ku daysanaa ceeb ayey ku tahay Aadan Cadde.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in siyaasada aysan aheyn been ama qiiq isku qarin, isagoo dhaliilaya hogaaminta Farmaajo, oo uu ku sifeeyay shaqsi beenlow ah oo aan marnaba fulin ballan-qaadyadiisa. “Siyaasadu been ma ahan, Qiiq isku qarin maaha, Nin raba in uu Aadan Cadde magaciisa kaarka ku xoqdo, Aadan Cadde madaxweyne la yaqaan waaye oo taariiqdiisu qoran tahay, in dadka Soomaaliyeed waagii loo sheegi jirey beenta waa soo dhamaatay,” ayuu yiri. Ugu dambeyntiina waxa uu ku eedeyay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday in bulshada Soomaaliyeed uusan ku qancin karin hadal, xili ay taagan yihiin arrimo badan oo u baahan in si sax ah looga hadlo. Hadalka Xasan Sheekh ayaa imanaya xili ay si weyn u baaheen muuqaalo uu maalmihii xoriyadda baraha bulshada soo dhigayey Farmaajo, kuwaas oo uu ku ammaanayey Aadan Cadde, inkasta oo ay jirto in hadda ka hor inta uusan siyaasadda soo gelin uu Aadan Cadde aflagaadeeyey buug uu qoray, oo uu madaxweynihii hore ku qeexay “inuu gumeysi kalkaal ahaa.” Ammaanta Farmaajo ee maalmihii dambe ayaa lagu macneeyey kaar siyaasadeed doorasho oo uu isugu muujinayo inuu ixtiraamo madaxdii hore, balse waxaa durba dadka ay soo xusuusteen buuggii uu qoray markii uu Jaamacadda ka qalin-jebinayey ee uu ku aflagaadeeyey Aadan Cadde. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ‘ceebeyn’ ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaad ka taqaanaa dalka ay dadkiisu ugu dhaadheer yihiin caalamka? Dadka Netherlands waa kuwa uga dhaadheer dunida. Holland waa dhulka ay ku nool yihiin dadka ugu dhaadheer caalamka: celcelis ahaan, ragga u dhashay dalkaas waa 182.5 sentimitir, halka haweenkuna yihiin 168.7 sentimitir oo dhirir ah, marka loo fiiriyo dhiggooda Mareykanka oo dherirkoodu yahay 177.1 sentimitir iyo 163.5 sentimitir, siday u kala horreeyaan. Balse taasi ma ahan in maalin walba ay sitaa tahay. Sida lagu sheegay daraasad lagu sameeyay ciidanka Nederland, oo ay daabacday Royal Society of London, bartamihii qarnigii 19-aad ragga reer Holland ah waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu gaagaaban Yurub. Barafasoor Louise Barrett oo ka tirsan jaamacadda Lethbridge University ee Canada oo daraasadda qayb ka ahayd, ayaa tiri “1860, dherirka ciidanka Nederland wuxuu ahaa qiyaastii 165 sentimitir.” Barrett ayaa intaas ku dartay in “xilligaas, ragga Mareykanka ay dherir ahaan gaarayeen qiyaastii 5 inji”. Si kastaba ha noqotee, tan iyo waqtigaas waxaa jiray isbeddel layaableh: 160-kii sano ee la soo dhaafay, ragga reer Holland waxaa dherirkooda ku kordhay 20 inji, halka dhiggooda Mareykankana uu ku kordhay laba inji oo keliya. “Koboca noocan oo kale ah waa mid dhakhso badan oo loo aanayn karo arrimo la iska dhaxlo oo keliya,” ayay tiri Barrett, inkasta oo ay rumaysan tahay in qaabka dabiiciga ahi uu wax ku biiriyay. Barafasoor Barrett Baaritaankeeda waxay ku ogaatay in lamaanayaasha ugu wax soo saarka badan ee dalka Nederland ay yihii kuwa ugu caruurta badan isla markaana ah ragga dhaadheer iyo dumarka dhaadherer. Haddaba ka warran lamaanaha Mareykanka ah? haweenka way gaaban yihiin, raggana waa isku dherir celcelis ahaan. Deegaanka ayaa sidoo kale gacan ka geystay kororka dherirka dadka reer Holland. Waxyaabaha kale ee gacan ka geysan kara kororka miisaanka ayaa ah nafaqada: dadka reer Nederland waxay si dhab ah u daneynayaan cunista cunnooyinka caanaha laga sameeyo. Cilmi baaris ayaa muujisay in tani ay gacan ka geysatay kororka dherirkooda. “Waxyaabahan caanaha laga sameeyo waxay xoojiyaan lafaha koritaankuna wuxuu kuxiranyahay helitaanka nafaqooyinkaas jirka kujira,” ayay tiri Barrett. Aragtideenna Daraasadda ku saabsan farqiga u dhexeeya dalalka uu dadkooda dherirkoodu sarreeyo iyo kuwa dherirkoodu hooseeyo, waa 20 sentimitir ama ka badan. Si la mid ah wiilasha 19 sano jirada ah ee ka soo kala jeeda 11 dal oo ku yaalla Aasiya, Latin Amerika iyo kuwa ka hooseya Saxaaraha Afrika waxay ahaayeen dherir la mid ah 13 jirada Holland. Si kastaba ha noqotee, kulligeen waan kornay. Sida ku xusan diiwaanka la hayo, bani’aadamka wuxuu dheerirkiisa kordhay labadii qarni ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Eirini Marouli, oo bare ka ah Jaamacadda London. “Ragga waxay ka kaceen qiyaastii 1.60 mitir ilaa 1.70 mitir, dumarkana 1.50 mitir ilaa 1.60 mitir,” khabiir ku takhasusay arrimaha dherirka ayaa sidaa u sheegay weriyaha BBC-da Melissa Hogenboom. Guud ahaan waxaan la dhihi karaa celceliska qaangaarka maanta boqolkiiba shan ayuu ka dheer yahay awoowayaashii noolaa 100 sano kahor”. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaa shalay iyo maanta dagaalo culus ku dhexmareen ciidamada difaaca Puntland iyo Daacish. Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, ayaa hawlgalo xooggan ka wada nawaaxiga degaanka Dhabancado oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad, oo ay ku dhuumaalaystan ururka Daacish. Sarakiisha Ciidamada Puntland, ayaa sheegay in dagaalkii shalay iyo maanta ay ku qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla buuraleyda Calmiskaad, islamarkaana Daacish ay ka saareen degaanka. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay dagaalkaa ku dileen xubno ka tirsan Daacish, halka qaar kalena ay nolosha ku qabteen. Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland, waxaase dadka degaanku sheegeen in dagaalku weli socdo. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Daacish oo ka socda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro magaalada Garbahaarrey ee xarunta Govolka Gedo. Xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo hordhac u ah socdaalkiisa, ayaa maanta oo Jimce ah lagu soo dhoweeyay Garbahaarrey. Socdaalka Ra’iisul wasaaraha oo ay ku wehelin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxa lagu sheegay in uu la xiriiro xallinta muranka arrimaha doorashooyinka ee ka taagan Gobolka Gedo. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare rooble oo ku wajahan gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa si adag u difaacay go’aankiisa ah inuu ciidamada militariga Mareykanka ka saaro Afghanistan, isagoo sheegay in dadka reer Afghanistan ay khasab ku tahay inay ka tashadaan mustaqbalkooda, isla markaana uusan jiil kale oo Mareykan ah u diri doonin dagaalka 20-ka sano socday. Biden oo Khamiistii ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in militariga Afghanistan ay awood u leeyihiin in ay iska caabiyaan Taalibaan, isagoo beeniyay wararka sheegaya in sirdoonka Mareykanka ay saadaaliyeen burburka dowladda uu Mareykanku taageero ee Kabul lix bilood gudahood, iyada oo ay jirto digniinta dagaal sokeeye. Waxa uu Madaxweyne Biden sheegay in maalinta ugu dambeysay ee joogista ciidmada Mareykanka ee Afghanistan ay tahay 31-ka bisha Augusto ee sanadkan, marka laga reebo 650 askari oo ah ilaalada amaanka safaaradda Mareykanka ee Kabul. Biden wuxuu sheegay in Mareykanku waqti hore uu ku guuleystay ujeedkiisii asalka ahaa ee duullaankii Afganistan ee sanadkii 2001, kaas oo ahaa in xididada loo siibo maleeshiyada Al-Qaacida, lagana hortago weerar kale oo Mareykanka lagu qaado, kuwaas oo la mid ah kuwii Sept.11, 2001. Ninkii abaabulay weerarkaas oo ahaa Osama bin Laden, ayaa koox milatari oo Mareykan ah ku dileen dalka ay deriska yihiin ee Pakistan sanadkii 2011. “Waan gaarnay ujeeddooyinkaas, waana sababta aan u aadnay. Uma aadin Afghanistan in aan dhisno qaran. Waa xaq iyo mas’uuliyad saaran dadka reer Afghanistan inay kaligood go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyo sida ay doonayaan in ay dalkooda u maamulaan,” ayuu yiri Madaxweyne Biden. Sida laga soo xigtay ra’yi ururin ay sameysay hay’adda cilmi-barista ee Ipsos, laga soo bilaabo bishii Abriil, aqlabiyadda dadka Mareykanka waxay taageereen go’aanka Biden ee ah in ciidamada laga saaro Afghanistan, laakiin kaliya 28% dadka qaangaarka ah ayaa isku raacay in Mareykanku uu ku guuleystay himilooyinkiisa Afghanistan, halkan 43% ay sheen in ka bixitaanka Mareykanka ay hadda caawineyso Al Qaacida. Reuters + VOA The post Biden oo farriin lama filaan ah u direy reer Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
-
Mar haddii uu soo gabogaboobay tartankii ku bilowday doorashada mudanayaasha golaha deegaanka ee Boorama iyo loollankii xigay ee duqa degmada iyo xigihiisa, waxa la joogaa waqtigii laysku talo darsan lahaa. Waxan ka dhaqaaqaynaa in dhammaan mudanayaashu maaddaama ay soo galeen tartan adag oon rafaad yarayn ay leeyihiin himilo iyo meel ay rabaan in degmada ay gaarsiiyaan. Rabitaanka aan maraga ka ahayn hedalkii loo maray waa in uu yahay mid xooggan. Rabitaanka sidaas u xooggan wuxu keenayaa in mudanayaashu qaataan go’aan horseeda in si dhab ah degmada wax looga beddalo. Gebi ahaanba waa in dib loo qaabeeyo xisaabtii hore ee taallay xafiiska degmada ee Dowladda Hoose. Qorshaha iyo kala hormarinta mudnaaneed ee la siinayo waxa u madaxbannaan duqa magaalada ee dooran. Taasi nagama reebayso in aan ku darsanno talo iyo tusaalayaal, bacdamaa aan wax ka ognahay baahiyaha degmada aanan ka mid nahay muwaadiniinteeda. Source: Hiiraan Online
-
SAAMEYNTA ETHIOPIA AY KU LEEDAHAY SIYAASADA SOMALIA 2000 ILAA 2021 Somalia intii ka dambaysay burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 kii waxa markii ugu horeysay dawlad loogu soo dhisay dalka Djibouti gaar ahaan magaalada Carta , waxaana lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan sanadkii 2000. Magaalada Muqdisho xiligaasi waxa haystay hogaamiye kooxeedyo hubeysan oo mid waliba jufadiisa hor fadhiyo isuna qabo in uu madaxwayne yahay, waxa kale oo soo labaynayey kooxaha xoogaga maxaakiimta oo hubaysnaa ahaana awood qarsoon oo soo kobcaysa. Magaalada Muqdisho markii uu ka degay Madaxwayne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ( 2000 ilaa 2004 ) waxa ku soo dhaweeyey xoogagaa hubaysan ee markii dambe isku badelay maxaakiimtii islaamiga ahaa , Al-shabab iyo Xisbul Islam , waxa sidoo kale dawladaasi oo dhaafi wayday Hutel Ramadan Muqdisho taageeray laba sadex hogaamiye kooxeed walow aanay awood lahayn . Xukuumada madaxwayne Cabdi Qaasim waxa ay yeelatay laba Raisal wasaare oo kala ahaa 1-Cali khaliif Galaydh , 2- Xasan Abshir Farax labadaba Alle ha u naxariisto e , waxaana ka hor yimid markiiba dalka Ethiopia iyaga oo ka cabsi qabay urur diimeedyada faraha badan ee awood doon ka ah in uu ka soo jeedo, gaar ahaan ikhwaanu muslimiin oo saldhigeedu yahay Egypt , waxaana ay xukuumadaasi qaadi kari wayday hal talaabo oo yagleel dawladnimo oo rasmi ah. Waxa ku xigtay xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Axmed ( 2004 ilaa 2008 ) Alle ha u naxariisto e oo iyada lagu xamanayey in Ethiopia wadato , waxaana lagu soo dhisay magaalada Embaghati ee dalka Kenya sanadkii 2004 . Xukuumadaasi waxa ay degtay Baydhabo oo ay ciidamo ku urursatay ay ka mid yihiin ciidankii maamul goboleedka Puntland oo uu Cabdilaahi Yusuf madaxwayne hore uga ahaan jirey iyo ciidamo Ethiopian ah oo badan , waxa Raisal wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi , halka uu wasiirka arimaha guduhuna ahaa Xuseen Maxamed Faarax Caydiid. Dawladii Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayey xoog iyo dagaal ayey ku tagtay Villa Somalia , waxaana dhacay dagaalo lagu hoobtay, dawlada Cabdilaahi Yuusuf waxa mus dambeed u ahaa dawlada Ethiopia sidaasi darteed ayey uga hor yimaadeen xoogaga islaamiyiinta ah , waxa kale oo ka hor yimid dadka deegaanka Muqdisho qaybo ka mid ah. Waxa dhacay dagaalo culus oo lagaga soo horjeeday in ciidamada Ethiopia Somalia soo galaan maadaama ay yihiin dal ay Somalia cadaawad soo jireen ahi ka dhaxaysay , dagaalkani oo markii dambe ujeedooyin kale yeeshay oo ay ururo argagixiso oo dano kale lihi dhex galeen, waxaa sameysmay mucaarid xoogan oo dal iyo dibad ba isaga yimid oo Asmara isku urursaday oo wadaado iyo siyaasiyiin ba isugu jira. Waxa is khilaafay Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo Raisal wasaare ahaa waxaana noqday oo uu Raisal wasaare ka dhigtay madaxwayne Cabdilaahi yuusuf , Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade ) oo ay markii dambe is qabteen iyo Cabdilaahi Yuusuf oo loo arkay nin wada aargoosi siyaasadeed oo Ethiopia iska hor yimaadeen, markiiba caalamku cadaadis ku saareen in uu talada wareejiyo. Waxaa xigtay in la dhisay dawlad ay ku mideysan yihiin maxaakiimtii islaamiga ahaa oo uu la heshiiyeen maraykanka iyo dawladihii danaynayey arimaha Somalia xiligaasi waxaana lala hadashiiyey intii ka soo hadhay dawladii Cabdilaahi Yusuf oo uu Nuur Cade hogaaminayo waxa la dhisay dawlad ku meelgaadh ah oo wadata baarlamaan ka kooban laba baarlamaan oo la isku daray oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif waxaana lagu dhisay dalka Djibouti caasimadiisa Djibouti 2009. Xukuumada uu madaxwayne Shariif hogaaminayey (2009 ilaa 2012 ) waxa ay fursad u heshay in ay haykalkii dawladnimo dhisto, diyaariso nidaam dalka Somalia kumeelgaadhka lagaga saarayo, waxaa hawlahaa gadhwadeen ka ahaa Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku helay sumcad badan iyo Xukuumadiisii la odhan jirey ( TAYO ) . Murug iyo isqabsi dhacay ka dib waxa heshiis Kampala lagu gaadhay in Farmaajo iyo xukuumadiisa la rido oo xiligaasi faro baas ku haysay kooxaha argagixisada iyada oo dan loo arkay markaasi cid wadatayba , waxaana heshiiskaa Kampala Accord aqbalay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sidaa kaga tagey xilkii , xukuumadiisiina dhacday. Waxa kale oo Maamulka Sheekh shariif iyo sadexdii Raisal wasaare ee kala dambeeyey diyaariyeen hab federal ah in dawladnimada Somalia loo badelo oo maamul goboleedyo la dhiso waxaana la iskula qaatay shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 oo mudo kooban ka horeeyey shirkii London ee dib u dhiska Somalia 2012 oo 52 dawladood oo aduunka ahi ka soo qayb galeen. Shirkii London 2012 waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyey ee Somaliland iyo Somalia kawada qayb galaan waxaana ku jirey oo ahaa shirarkaasi communique keegii 26 qodob ahaa qodobkiisa 6aad in beesha caalamku adkaynayso in xukuumada ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo kuwa ka dambeeyaa wada hadal la furaan Somaliland . Waxa ku xigtay xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud (2012 ilaa 2017 ) oo raacaysay qariirdadii Garowe 2 ( Garoowe Two Roadmap ) oo ahaa hirgalinta nidaamka maamul goboleedyada ( federal system) iyo qodobadii ka soo baxay shirkii London 2012 ee dib u dhiska Somalia oo ugu weynaa qodobka wadahadalada Somaliland iyo Somalia ,Ethiopia waxa loo arkayey cida dabada ka riixaysa nidaankan ee qorshaheega lagu socdo. Xiligaasi xukuumada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa abuurnayd qadiyad Ethiopia diid ah oo loo arkayey in talada Somalia ay Addis-Ababa faraha kula jirto waxaana si gaar ah saameyn u lahaa General Gabre oo qaabilsanaa arimaha Somalia oo Muqdisho fadhiyey , sidoo kale ciidamada Ethiopia iyo Amisom na taladooda wax weyn ku lahaa. Madaxweynihii xigey waxa uu noqday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ( 2017 ilaa hadda 2021 ) fadhiya oo ku ololeeyey in aanay aheyn wax la aqbali karo in Ethiopia Somalia dhexdeeda ka taliso waxaana uu ku helay taageero iyo cudud weyn oo dadku siiyeen xiligaasi maadaama aad loo dareemayey culeyska Ethiopia. Ayaan darada dhacday Madaxwayne Farmaajo oo jooga ayaa muwaadiniin soomaaliyeed inta uu qab-qabtay Ethiopia u dhiibay oo uu ka mid ahaa Qalbi dhagax , ka dib markii xukuumadii Tplf meesha ka baxdayna waxa uu noqday garabka koowaad ee Abiy Ahmed iyo dawlada Ethiopia oo ay wada galeen heshiisyo sadex geesood ah dalalka Somalia, Ethiopia iyo Erateria. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
Laba qof oo rayid ah ku geeriyootay miino la kacday Gaari Caasi ah oo saaka ka amba-baxay degaanka Qaycad kuna sii jeeday degmada Bacaadweyne oo katirsan Gobolka Mudug. Miinada ayaa waxa gebi ahaanba ku burburay gaariga sida laga soo xigtay goob-joogayaal halkaasi gaaray. Labada Qof ee dhimatay ayaa kala ahaa Wadihii Gaariga iyo nin la socday waxaana la soo warinayaa inaan Cid kale la socan. Maalmo ka hor ciidamada dowladda oo ay weheliyaan kuwa Galmudug iyo ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dad rayid ah oo ku dhintay qarax ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Qaaradda Afrika waxaa ku badan dilalka Madaxda marka la barbardhigo Qaaradaha kale, waxaa lagu toogtay Madaxweynayaal xilal ka hayay dalalkooda, qaarkood ayaa la dilay iyaga oo shaqo ku mashquulsan. Madaxweynayaasha la toogtay iyaga oo xilalka haya ayaa kala ah: 1- Cabdirashiid Cali Sharma’arke – Soomaaliya: Cabdirashariid Cali Sharma’arke Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dalka 1960-kii ilaa 1964-dii waxaa lagu toogtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 15-kii October 1969-kii. Dilkiisa kadib waxaa talka Afgambi aan dhiig ku daadan waxaa ku qabsaday Militarigii oo muddo kadib hoggaan ka dhigtay Maxamed Siyaad Barre oo dalka heystay intii u dhaxeysay 21-kii October 1969-kii illaa 26-kii January 1991-dii. 2- Mucammar Al-Qadaafi – Libya Col. Mucammar Al-Qadaafi waxa uu xilka Madaxweynaha Liibiya hayay 1-dii September 1969-kii illaa 20 October 2011, xilkaan kuma aanay helin doorasho oo waxa uu ku qabsaday awood Militari. Waxa uu sababsaday kacdoonkii Guga Carabta oo galaaftay xilalka Madax kala duwan, waxaa lagu dilay Sirte, kadib maalmo kooban oo dagaal ay isku wajaheen askartii daacadda u ahayd iyo xoogagga kasoo horjeeday. 3- Idriss Deby – Chad Madaxweynihii 6-aad ee Chad Idriss Deby waxa uu xilka ku qabsaday xukun marooqsi, April 2021 ayuu ku geeriyooday dagaal ka dhan ah Fallaagada kasoo horjeedda Dowladdiisa, waxa uu xafiiska joogay 2-dii December 1990 illaa 20-kii April 2021-ka. 4- Sheekh Cabayd Aman Karume – Zanzibar Sheekh Cabayd Karume waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Zanzibar iyo ku xigeenkii ugu horreeyay ee Tanzania, waxaa lagu toogtay dhismaha xarunta dhexe ee Xisbiga Afro-Shirazi (ASP) ee Zanzibar 7-dii April 1972-dii. 5- Laurent-Desire Kabila – DR Congo (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo) Laurent-Desire Kabila Waa Madaxweynihii 3-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DR Congo) oo xiligiisa loo garanayay Zaire, waxa uu dalka xukumayay 17-kii May 1997-dii ilaa 16-kii Janaayo 2001. Geeridiisa waxaa la shaaciyay 18-kii Janaayo 2001-dii, Wasiirkiisa caafimaadka Leonard Mamba waxa uu ku sugnaa qofka ku dhegan kan lagu toogtay Madaxweynaha, waxaana toogtay Kabila mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah. 6- Gen. Ibrahim Baré Maïnassara- Niger Madaxweynihii 5-aad ee Niger Gen. Ibraahim Barre waxa uu hoggaamiye ka ahaa dalkaas intii u dhxeysay 27-kii January 1996-dii illaa 9-kii April 1999, kadib markii dalkaas uu galay rabshad ka dhalatay Doorashooyinka. 7- Samuel Doe – Liberia Samuel Kanyon Doe waxa uu hoggaamiye u ahaa militariga awoodda ku qabsaday William Tolbert, ciidamada waxa uu ka gaaray heerar kala duwan, xukunka waxa uu ku qabsaday qori isaga oo hayay intii u dhaxeysay 12-kii April 1980 – 6-dii January 1986. Waxa uu ku eedeysanaa in uu geystay xadgudubyo ka dhan ah Aadanaha maadama muddada uu xafiiska joogay uu ku sifoobay kali talisnimo & cabsi gelinta dadka isku daya in ay ku hamiyaan xilkiisa. 8- João Bernardo Vieira – Guinea Bissau Joao Vieira waxa uu hoggaamiye ka ahaa Guinea Bissau saddex waqti doorasho, markii ugu horeysay waxa ay ahayd 1980 illaa 1984, markiisii labaad 1984 ilaa 1999, halka markii saddexaad uu ku guuleystay 2005 ilaa 2009. Askartiisa ayaa toogatay saacado kadib markii la dilay Taliyihii Ciinka Gen. Batista Tagme Na Waie, qarax ayaa la maqlay markii la dilayay waxa uu dhaliyay shaki la xiriira in Bam lagu dilay inkasta oo aanay la caddeyn. Isha: BBC Somalia The post Liisla madaxweynayaasha dalalka Afrika ee la toogtay iyaga oo xilal haya (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii lixaad ee ay yeeshaan Wasiirada Ganacsiga dalalka Afrika ee ku bahoobay heshiiska urur Ganacsiyeedka Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika ( Africa Continental Free Trade Ara). Shirka waxa looga hadlayey dhammeystirka heshiiska iyo sidii loo bilaabi lahaa dhaqan-gelintiisa Afrika dhexdeeda. Waxa kale oo uu sheegay in loogga hadlay sidii wadamada Afrika ay iskaashi uga sameyn lahaayeen horumarinta dhinacyada Ganacsiga iyo sidoo kale siddii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee ka jira Qaaradda Afrika. Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo shirka ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa xusay in shirkani uu daba socday shir hore ee Agaasimeyaasha Ganacsiga Afrika ay ku yeesheen dalka Ghana. Wuxu sidoo kale ka hadlay, waxyaabaha uu heshiiskan ganacsi u so kordhin karo ganacsiga Soomaaliya iyo midka guud ahaaneed ee Qaaradda Afrika isaga oo carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka helayso suuqyo ganacsi oo caalami ah oo loo dhoofiyo wax-soo-saarka dalka iyo sidoo kale inay noqon doonto xudunta isku xirka qul-qulatooyinka ganacsiga Adduunka ee mari doona badweynta Hindiya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Ganacsiga Xorta ah ee Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ciidamada Taliska qeybta 43-aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa bogaadin u jeediyay ciidankaas. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyay dadaalka dowladda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga jawaabo baahiyada ay qabaan ciidamada. R/wasaare Rooble,waxa uu ciidanka ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Nabad-Diidka. Isagoona balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax u qabashada ciidamada. Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulamada uu la qaatay ciidanka ku weheliyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Jubooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal (FIET) Maxamed Xasan Cirro iyo madaxtooyada Soomaaliya uu khilaaf soo kala dhaxgalay ka hor doorashadiisa. Xogta ayaa tilmaameysa in Cirro iyo Villa Somalia uu khilaafkooda yimid markii guddiyada lagu sameeynayay baaritaanka oo ay ka dhax arkeen magaciisa 67-ka xubnood ee ay mucaaradka gudbiteen, waxayna markaas kadib aamineyn in uusan soo laaban doonin oo laga saari doono iyo in haddii uu soo laabtana uusan xilkaan heli karin, kadibna ay xiriirka u jareen. Sidoo kale, xubno ku dhow madaxweynaha ayaa la sheegay in marar badan oo uu xiriir lasoo sameeyey Cirro intii uu baaritaanka socday aysan ka jawaabin wicitaanadiisa, ayaga oo rumeysnaa inuu ku biiri doono xubnaha laga saarayo guddiga ee liiskooda la gudbiyey. Si kastaba, Cirro ayaa si lama filaan ah uga badbaaday xubnaha la tuuray, wuxuuna kadib olole u ogolay inuu noqdo guddoomiye, isaga oo aan isku haleeneyn Villa Somalia. Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysay in guusha Cirro ee doorashada guddoomiyaha guddiga ay ka dambeeyeen xubno kamid ah Midowga Murashaxiinta si gaar ahna Xasan Cali Kheyre, inkasta oo markii dambe madaxtooyada ay taageero ku dartay markii ay dareentay inuu guuleysanayo. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Murashax Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo mucaaradka kamid ah ayaa la sheegay in ay aad u taageereen in doorashadii guddiga FIET uu ku soo baxo Maxamed Xasan Cirro oo hore xilkaan u hayay aadna ugu dhawaa Villa Somalia balse ay mar dambe xumeeyeen. Sidoo kale guushiisa waxaa la sheegay in uu door ku lahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay wararku sheegayaan in uu yahay Murashax Madaxweyne. Maxamed Xasan Cirro iyo xubno guddiga kamid ah ayaa Arbacadii kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waana Murashaxii ugu horreeyay ee la kulma guddiga FIET. The post XOG: Sidee ku xumaaday xiriirka VILLA SOMALIA iyo guddoomiye Maxamed Cirro appeared first on Caasimada Online.
-
The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) concluded its livelihood support workshops for women and youth in Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisa uu ciidamada milatariga ugala baxayo Afghanistan, isagoo sheegay in howlgalada Mareykanka ay dhamaan doonaan 31 Ogoosto. Biden ayaa ayaa sidoo kale difaacay sida xowliga ah ee u socdo bixitaanka ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay in ciidamadu badbaadiyeen nafaf badan. Hadalka Mr Biden ayaa imaanaya iyadoo kooxda mintidka ah ee Taliban ay sii wadaan inay gacanta ku dhigaan qaybo badan oo dalkaas ka mid ah. Ciidamada Mraykanka ayaa Afghanistan ka dagaallamayey ku dhawaad 20 sannadood, ka dib weerarkii argagixiso ee 11 September ee sannadkii 2001-dii. PUNTLAND POST The post Joe Biden Oo Difaacay Go’aankiisa Uu Ciidamada Milatariga Ugala Baxayo Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Port-au-Prince (Caasimada Online) – Laba nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Mareykan – oo mid ka mid ah uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Port-au-Prince – ayaa loo xiray dilka madaxweynihii dalka Haiti Jovel Moise. Mathias Pierre, oo ah wasiirka doorashooyinka Haiti, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in mid ka mid ah raggaas lagu magacaabo James Solages. Labada nine e Mareykanka ah ayaa la sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan Haiti, waxayna ka mid yihiin lix qof oo loo xiray dilka madaxweyne Moise oo aroortii Arbacada ka dhacay gurigiisa gaarka ah. Toddoba tuhmane oo kale ayaa lagu dilay is-rasaaseyn dhex-martay booliska, sida uu sheegay Agaasimaha Booliska Qaranka Haiti, Léon Charles. Peirre ma bixin xog dheeri ah oo ku saabsan James Solages iyo magaca muwaadinka labaad ee Mareykanka ah. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka war heyso wararka ku saabsan in muwaadiniin Mareykan ah loo xiray dilka Moise, balse aysan xaqiijin karin. Solages ayaa isku sheegay inuu yahay “wakil diblomaasiyeed oo diiwaan-gashan,” iyo inuu maamulo hay’ad u ololeysa caruurta oo 2019-kii uu ku aas-aasay gobolka Florida ee dalka Mareykanka. Website-ka hay’addiisa ayaa waxaa ku qoran in Solages uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Haiti. Safaaradda Canada weli kama hadlin arrintan. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labada nin ee Mareykanka ah Khamiistii laga helay ayaga oo ku dhuumanaya howd ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince. Ra’iisul Wasaaraha ku-meel gaarka ah ee Haiti Claude Joseph ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska. Saraakiisha illaa iyo hadda ma sheegin sababta loo maleynayo inay dhiiri-gelisay dilka madaxweyne Moise. Dhinaca kale, garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha. Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay. Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin. Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday. Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay. The post Dilka madaxweynihii Haiti oo lugaha la galay saraakiil Mareykan ah (Xog cusub) appeared first on Caasimada Online.
-
Iibka Xoolaha Soomaalida oo si xawli ah uga socda Dalka Imaraadka Carabta+Qiimaha oo sareeya & Habka Iibka oo la fududeeyay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hirgeliyey nidaam fudud oo uu Soomaalida uga iibsanayo xoolaha xilli hadda lagu guda galay xilliga iibsiga xoolaha ka hor Ciidul Adxaa oo ay naga xigto wax ka yar laba toddobaad. Nidaamkan ayaa ah in xoolaha lagu kala gato qaab Online ah, taasi oo sahashay in Imaaraadka Carabta la geeyey sanadkan xoolo tiro badan oo laga qaaday Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka marisay tijaabo caafimaad oo qaadatay waqti badan, kadibna Sida lagu daabacay Gulf News qiimaha “Wanka Soomaaliya” laga qaado ee yar oo dhan 12kg isla markaana ah Lix bil jir waxaa la iibinayaa lacag u dhaxeysa 925 ilaa 980 Dirham oo u dhiganta ($251-$266). Dowladda Imaaraadka ayaa dadka shacabka ah u fududeysay kawaano Online looga iibsan karo Xoolaha loogu talagalay Ciidul Adxaa, dadka ayaa dalbanaya kadib waxaa loogu keenayaa Guryahooda. Waxaa socdo diyaar garow xooggan oo loogu jiro Ciidda Carafo oo la filayo inay noqoto 20 July 2021, maadaama ay dadka gooracayaan xoolo waxaa loo diyaariyey goobo hoosstaga Dowladda Hoose ee Imaaraadka Carabta. Suuqa Online-ka ah ayaa waxaa lagu kala iibsanayaa Ariga, Lo’da & Geella, waxaana xoolaha inta ugu badan laga keenay dalka Soomaaliya oo ah dal hodan ku ah xoolaha. Mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaa sheegay in qaabkaan uu fududeynayo dalabaadka dadka & gudbinta Xoolaha ay dooqdaan, xafiisyo kala duwan ayay shirkadaha ka sameysteen xaafadaha Magaalooyinka waaweyn. Sidoo kale, dalka Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah wadamada xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo, gaar ahaan waqtiga Ciidul adxaa, waxaa dhowr jeer dib loo soo celiyey xoolo laga qaaday Soomaaliya oo la geeyey Sacuudiga, waxaana sababta lagu sheegay in xoolahaas ay xanuunsan yihiin. Qaran News