Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ay haatan ku sugan yihiin degmada Kismaayo, kuwaas oo shalay gaaray magaaladaasi. Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha oo saacadaha soo socda gaari doono halkaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaal magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Rooble ayaa marka uu tego Kismaayo la kulmi doono hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyaga oo ka wada-hadli doono, xaaladaha Jubbaland, ammaanka, dagaaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee Jubbaland, isaga oo la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada. Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tegayo magaallo xeebeedka Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada, sida Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle. Socdaalkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli haatan la guda galayo doorashooyinka dalka, waxaana Kismaayo ay ka mid ah meelaha lagu qabanayo doorashooyinka. The post Wararkii ugu dambeeyey safarka ROOBLE ee Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqtar Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah maamulaha hay’adda Xabeeb Mental Health Foundation oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan jadwalka doorashooyinka dalka. Dr Xabeeb ayaa cabasho ka muujiyey jadwalka soo baxay ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran, siiba doorashada madaxweynaha oo loo asteeyey 10-ka October. Dhaqtarka ayaa tilmaamay in maalintaas ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Dhimirka, isla-markaana ah ay tahay in dadka laga wacyi-geliyo xanuunka Dhimirka. Waxa kale oo uu sheegay in munaasabada uu qabto 10-ka October lagu casuumo madax kala duwan, sidaas daraadeedna, haddii doorasha la qabanayo ay saameyneyso martida. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay wal-wal ka qabaan xuska maalintan, maadaama lagu soo aadiyey qabashada doorashada madaxweynaha oo saameyn ku yeelaneysa tabinta munaasabadda uu ugu dabaal-dagayo xuska maalinta Dhimirka. “Wal-walka na heestaa waxa uu yahay caalamka maanta waa Social Media, haddii ay noqon laheyd TV, haddii ay noqon laheyd Facebook, haddii ay noqon Youtube ma fahantay, laakiin maalinta doorashada hadda nin anaga naga miisaan weyn, inkastoo afar sano uuu ku egyahay ayaa la dooranayaa Involved-baa ku nahay, anaa Involed ku ah maalintaas ma xus-baa qabtaa, mise waxaan daawadaa qaabka ay codeynta u socoto,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri Dhaqtar Cadiraxmaan Cali Cawaale. Sidoo kale waxa uu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ka dalbaday in doorashada madaxweynaha ee haatan la shaaciyey in la qabanayo 10-ka bisha soo socota October, laga wareejiyo maalintaasi. “Tabarta aan leenahay maanta waa (Abil) codsi aan u jeedineyno dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo go’aanka wada gaaray, waxaan ka codsaneynaa walaalayaalow maalintaas waa maalin 18 sano aan la saan qaadeynay caalamka walaalayaalow hanaga reebina ee doorashadiina ka dhigta maalin kale.” ayuu raaciyey. Arrintan ayaa hadal heyn ka dhex-dhalisay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxaana la is-weydiinayaa, sida ay suuragal ku tahay in doorashada dib loogu dhigo xuska maalinta caalmiga ah ee Dhimirka ee 10-ka October, maadaama marxalad adag lasoo maray. The post Xabeeb oo sabab yaab-leh uga horyimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Ethiopia oo ku dhaqaaqday arrin ay Dawlada Masar ka digtay Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad. Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar. Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda. Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xireenkeeda iyo xarumaha biyaha. Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xireenkan waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya. “Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadaneysa bil ama bil iyo bar” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yiraahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishanka maxalliga ah ee dalkaas. Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay. Itoobiya ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah. Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeyba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xireenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama aysan aheyn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beesha Ebakar-gaab Macalin Dhiblaawe oo ka mid ah beesha Waceysle ee Abgaal maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid saami qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee beeshooda. Kuraastaan ay beesha Ebakar-gaab Macallin cabashada ka qabto waxay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxayna baaq u direen madaxweynaha Galmudug. Waxgaradka beeshaan ayaa madaxda dowladda federaalka iyo tan Galmudug ka dalbaday inaan lagu hungoobin in la duudsiiyo kuraas ay iyagu xaq u leeyihiin. War-murtiyeed ka soo baxay beesha Ebakar-gaab Macallin oo laga shaaciyey shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay cabashada ay beeshu ka qabto hanaanka loo qeybiyo kuraas ugu darsan beesha Waceysle. Waxgaradka beeshaan oo warbaahinta la hadlay ayaa beesha Waceysle ka dalbaday in si cadaalad ah sanadkan oo qeybiyo kuraasta, maadaama ay soo dul qaadanayeen mudo dheer oo sida ay sheegeen ay ka maqnaayeen kuraas ay xaq u leeyihiin. Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee waxgaradka beesha Ebakar-gaab The post Beel ka mid ah ABGAAL oo ka hor-timid saami qeybsiga xildhibaanada BF (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  5. Shirkad war cusub ka soo saartay Xoggo tibaaxaya in Siciid deniga Puntland ka iibsaday Hotel Qaaliya Waxaa saacadihii lasoo dhaafay la baahinayay war ku aadan in Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu iibsaday Hoteelka caanka ah ee Sarova Stanley ee kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaana qoray warkan ku saabsan Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu iibsaday Hotelka Huteelka Sarova Stanley, waxaana warkan uu noqday mid hadal heyn badan ka abuuray gudaha Kenya. Geesta kalena Maamulka Huteelka Sarova Stanley ayaa beeniyay wararka sheegayay in madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni uu iibsaday huteelkooda ku yaala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.. Qoraal ay bartooda twitter-ka soo dhigeen ayey ku sheegeen in ay shacabka uga digayaan wararka been abuurka ah ee la xidhiidha in “huteelkooda Nairobi uu iibsaday ganacsade ka soo jeeda Soomaaliya waa Siciid Deniye.” Sarova Hotels and Resorts Kenya would like to caution the public on a post making rounds on social media alleging that our Nairobi hotel, Sarova Stanley, has been bought by a Business Tycoon from Somalia. The aforementioned post is not factual and is FAKE NEWS. — Sarova Stanley (@SarovaStanley) July 5, 2021 Maamulka Goboleedka Puntland ayaa horay u beeniyay arrintan oo aad loogu hadal hayay baraha bulshada kaddib markii wargaysyada dalka Kenya ay qoreen warbixin ay ku sheegeen in madaxweyne Siciid Deni uu iibsaday huteelka Sarova Stanley qaybtiisa magaalada Nairobi. Warkan ku saabsan in hotelka Sarova Stanley uu iibsaday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa imaanaya xili uu joogo magaalada Nairobi uuna halkaasi ka wado kulamo siyaasadeed. Qaran News
  6. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad. Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar. Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda. Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xireenkeeda iyo xarumaha biyaha. Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xireenkan waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya. “Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadaneysa bil ama bil iyo bar” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yiraahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishanka maxalliga ah ee dalkaas. Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay. Itoobiya ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah. Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeyba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xireenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama aysan aheyn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka. Reuters + VOA The post Ethiopia oo ku dhaqaaqday arrintii ay MASAR ka digtay appeared first on Caasimada Online.
  7. Xulka kubbada cagta Talyaaniga ayaa u soo baxay kam-dambaysta (final) tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, ka dib markii uu kulankii afar dhamaadka gool kulaadyo uga adkaaday xulka Spain. Talyaaniga ayaa kulanka gool la hormaray daqiiqadii 60-aad waxaana u saxiixay Federico Chiesa, hase yeeshee waxaa Spain qadiiqadii 80-aad u barbareeyay Alvaro Morata oo baddel ku soo galay ciyaarta, waxaana 90-qadiiqo ku dhmaatay 1-1. 30-kii daqiiqo ee dheeriga ayaa labada xul midkoodna awoodi waayay in uu keeno goolal, waxaana la aaday riigoorayaal uu 4-2 ku adkaaday xulka Talyaaniga. Xulka Talyaaniga ayaa sugaya midkood kii soo baxa xulalka England iyo Denmark oo Arbacada fooda isdari doona. Kulanka kama-dambaysta tartanka Euro 2020 ayaa la ciyaari doonaa Axada July 11, 2021, wuxuuna ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London. PUMTLAND POST The post Talyaaniga oo u soo baxay kama-dambaysta koobka Yurub appeared first on Puntland Post.
  8. An Ethiopian Ship named “Gibe” has started cargo service at Berbera of Somaliland after two decades, APA learned on Tuesday.The ship has transported over 11,000 ton of Sugar and Rice through the Gulf-India Sub-Continent line to the Berbera Port in groundbreaking shipment. The ship which is property of the Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise has been accorded welcome from diplomats in Ethiopian Consul General in Somalia, Seid Mohammed and Enterprise’s manager Roba Megerssa. Dubai Ports Authority officials have also attended the event held to announce commencement of the shipping service. Upon Eritrean independence in 1993, Ethiopia became landlocked and therefore dependent on neighbors – especially Djibouti – for access to international markets. This dependency has hampered Ethiopia’s aspiration to emerge as the uncontested regional power in the Horn of Africa. Journalducameroun Qaran News
  9. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug. Wasiir Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen degaano hoostega Bacaadweyn oo horey u qabsadeen. Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada ay gacanta ku hayaan degaanada kala ah Bacaadweyne, Tuulooyinka Qeycad iyo Hareeri dheer, isla markaana laga saaray Al-shabaabkii ku sugnaa, kadib dagaalo saacado qaatay oo halkaas ka dhacay. Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-shabaab ay dib u qabsadeen Bacaadweyne oo shalay ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen. PUNTLAND POST The post Galmudug oo ka hadashay dagaalladii ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  10. Weriye caan ah oo dambiyada baara oo u dhashay dalka Holland ayaa si culus loo dhaawacay ka dib markii lagu toogtay waddo ku taal magaalada Amsterdam. Booliiska ayaa sheegay in weriye Peter R de Vries cisbitaalka loo qaaday asagoo ku jira xaalad adag ka dib markii fiidnimadii Talaadada lagu toogtay faras magaalaha Amsterdam. Warbaahinta qaranka ee NOS ayaa sheegtay in la soo weeraray ka dib markii uu ka soo muuqday barnaamij lagu sheekeysto oo ka baxa TV-ga. Muuqaal ayaa muujiyay isaga oo jiifa sagxada oo madaxiisa uu dhaawac ka muuqdo. NOS ayaa soo xigatay goob jooge sheegaya in shan xabadood lagu dhuftay weriyaha ayna xabadahaasi madaxa ka haleeleen. PUNTLAND POST The post Weriye caan ah oo lagu toogtay bartamaha magaalada Amsterdam appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaaf culus iyo is mari-waa xoog leh ayaa maanta ka dhashay doorashadii guddoonka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga, taas oo keentay lagu kala dareero. Goobtii ay maanta doorashadu ka dhaceysay waxaa isku qabtay xubno ka wada socday dowladda federaalka, oo u kala jabay laba garab oo kala taabacsan madaxtooyada iyo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA. Kooxda ka socota madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga la doonayey nin lagu magacaabo Prof. Maxamed Xaaji Maye. Hase yeeshee nin lagu magacaabo Cabdinaasir oo isna kasoo jeeda beesha Shiikhaal reer Jazeera ah oo la sheegay inuu ka socday NISA, ayaa ka hor yimid qorshaha garabka Villa Somalia, kaas oo guddoomiye ku xigeen u raba nin lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid Axmed. Khilaafka ugu weyn waxa uu ka dhashay qaabka loogu cadeynayo xubnaha musharaxiinta ah, waxaana doorashada oo markii hore ku bilaabatay gacan taag guddoomiyaha guddigaas loogu doortay Sacdiya Cali Aweys Boolaay oo ah xaaska guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg. Markii ay soo dhamaatay doorashada guddoomiyaha ayaa la isku qabtay qaabka loogu codeynayo guddoomiye ku xigeenka, taas oo hoolka ka dhalisay buuq iyo in doorashadii dhacday laga soo qaado waxba kama jiraan. Sida aan xogta ku helnay xubnaha guddiga ee beelaha Banaadiriga oo maanta ku soo kala tegay hoolkii ay dooran lahaayeen goddoonkooda ayaa berri u balansan doorasho kale. Waxaa jira khilaaf ka taagan qaab loogu codeynayo musharaxiinta, waxayna labada garab ee ka kala socota NISA iyo Villa Somalia kala dalbanayaan in lagu codeeyo gacan taag iyo in lagu codeeyo sanduuq. Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Villa Somalia ay dooneyso in guddoonka guddiga beelaha Banaadiriga loogu codeeyo gacan taag, halka garabka NISA ay dooneyaan in lagu codeeyo sanduuq. The post Xog: Loolan dowladda dhexdeeda ah oo sababay in lagu kala tago doorashadii guddiga Banaadiriga appeared first on Caasimada Online.
  12. Jigjiga (Caasimada Online) – Gabar lagu magacaabo Qureesh Abiib Xuseen oo dhawaan ka tagtay magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray magaalada Jigjiga oo reerkeeda ay degan yihiin, kadib markii ay goor habeen ah guriga Hooyadeed ay kala baxeen ciidamo ka tirsan booliska is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. Nimco Yuusuf oo ah Hooyada dhashay gabadhaas oo la hadashay BBC ayaa sheegtay in 29-kii bishii hore ee June xilli habeen ah ay gabadheeda guriga kala bexeen ciidamada dowlad deegaanka ee Liyuu boolis loo yaqaano. Gabadha ayaa dhawaan ka soo tagtay magaalada Muqdisho oo ay mudo ku nooleyd, sida ay sheegtay hooyadeed, waxayna mudo ay weysanaayeen meesha lagu hayo kadib dhawaan loo sheegay in boolisku ay baaritaan ku hayaan gabadha. “Habeen xilli dhexe ayaa guriga la igu soo garaacay, waxaa la igu yiri fur guriga baaritaan ayaa socdee, markii aan furay waxaa la watay gabadheyda, anigana xoog ayaa la igu reebay, gabadha markiiba taleefanka ayaa laga qaaday, waxaan ka dalbaday booliska inay na baaraan, maadaama aan guriga uga furnay inay na baarayaan, balse jir-dil ayaa nagu bilaawday,” ayey tiri Hooyo Nimco Yuusuf. Sidoo kale Hooyadaan waxay sheegtay inay sido Asaay, haatana ay cadaalad u la’dahay gabadheeda oo booliska u xiran maalmo badan, isla markaana maalin kasta loo sheego in loo soo deynayo. “Habeenkii gabadha la iga watay kadib waxaan la xariiray booliska waxay igu dhaheen ma heyno gabadhaas, afar cisho kadib ayey mar kale ii sheegeen inay gacanta ku hayaan oo la ii soo deynayo, weli iska dabawareejis ayaan ku jirnaa, gabadheydiina meel kuma sheego,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Hooyo Nimco Yuusuf. The post Gabar ka tagtay Muqdisho oo lagala baxay guri ku yaalla magaalada Jigjiga appeared first on Caasimada Online.
  13. Meet the candidate who has worked with the city Council, lived in public housing and wants to be a community voice on the Council. Source: Hiiraan Online
  14. The Somali National Army (SNA) recently recaptured the key town of Ba’adweyn from al-Shabaab terrorists. The SNA has been conducting offensive operations for the past several months. Source: Hiiraan Online
  15. The recent announcement by Ismail Ahmed, founder of the Global money transfer company Wordremit, that he would invest $500 million of his own wealth to support development projects in the Somaliland, his birth place, is the latest pointer to the growing role of Somali entrepreneurs, at home and in Diaspora, to rebuild their country, which has been ravaged by decades of civil war Source: Hiiraan Online
  16. Hordhac Kadib dibad-baxyo aad u balaaran oo looga soo horjeeday dowlada Itoobiya taasoo ay sababtay saluug kadhashay qaabka ay dowladdu u wajahday daruufaha shaqo la,aaneed ee haystay dhalinyarada, isku dhacyo soo noq-noqday oo salka ku hayey diimaha iyo Isirka qowmiyahada kunool Itoobiya iyo damaca dowladda ee ahaa inay balaariso caasimadda dalka oo sababay marooqsiga dhulka shacabka ayaa ugu danbeyn horseeday in 15-kii February 2018-dii is-casilaad lama filaan ah uu ku-dhuwaaqo raysal-wasaare Haila Maryam Desalegn taasoo uu ku wareejiey xilkii raysal-wasaarenimo iyo xilkii hogaamiye-nimo ee Xisbiga Dimuqraadiga Kacaanka Dadka Itoobiya ee loosoo gaabiyo (EPRDF) oo ah xisbi ay ku mideysan yihiin jabhado afar ah oo u dhisnaa qaab qowmiyadeed kuwaasoo kala ah Jabhada Xoreynta Dadka Tigreyda (TPLF), Xisbiga Dimuqraadiga Oromada (ODP), Xisbiga Dimuqraadiga Amxaarada (ADP) iyo Dhaq-dhaqaaqa Dimuqraadiga Dadka Koonfurta Itoobiya (SEPDM) oo ay kumideysan yihiin shacuubta koonfurta Itoobiya oo ahaa jabhadihii xilka ka tuuray kaligii taliyihii Mengistu Haile Mariam. Is-casilaada Haila Maryam Desalegn ayaa durbadiiba horseeday tartan iyo is-kooxeysi ka dhex aloosmay xisbiga EPRDF oo dalka ka talinayey tan iyo 1991-kii. Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada qowmiyadood ee ugu tirada badan dalka Itoobiya islamarkaana ahaa meelaha ugu badan ee ay kasocdeen kacdoonada kacurtay dalka Itoobiya masuug weyna ka qabay qaabka ay qowmiyada Tigrey-du isku laheysiisay awooda siyaasada, ciidamada iyo dhaqaalaha dalka ayaa bilaabay damacooda ah inuusan dhaafin xilka raysal-wasaaraha ayagoo isku-afgartay inay cududooda isku biiriyaan. Dastuurka dalka oo xisbiyada afarta ah midkasta u ogolaanaya 45 kursi ayaa miradhal kadhigay is-bahaysiga Oromada iyo Amxaarada taasoo uu silama filaan ah ugusoo baxay Abiy Axmed oo aan seexada siyaasada markiihore aad uga muuqan balse ahaa xildhibaan katirsan xisbiga talada haya horeyna usoo qabtay xilal kala duwan oo heer wasiir ah iyo kuwa kale oo dhanka ciidamada ah. Arrintan ayaa durbadiiba shaki iyo walaac ku beertay qowmiyada Tigrey-da oo dareentay inuusan Abiy xeradooda kujirin waxna u dhimi-doono dhaxalkii siyaasadeed ee Males Zenawi. Abiy oo arrintaan dareensan ayaa mudo kooban kadib ku dhawaaqay xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada (Prosperity Party), taasoo muujisay dhamaadkii xisbiga EPRDF. Dareenkii shacabka Itoobiya ee Abiy Axmed Abiy Axmed oo inta uusan qaban xilka raysal wasaaraha doorweyn kasoo qaatay abuurida mashaariic horumarineed oo gobolka Oromada laga hirgaliyay iyo xalinta muranada dhulka ee qowmiyadaha ood-wadaaga ah ee Amxaarada, Oromada iyo Soomaalida xiligii uu ahaa madaxweyne k/xigeenka maamulka Oromada, halka uu si weyn ugasoo horjeestay damacii dowladda dhexe ee ahaa la wareegidda dhulka shacabka ee ku teedsan caasimadda dalka Addis Ababa talaabadaas oo uu Abiy ku muteystay taageero mug-weyn gaar ahaan qowmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada oo dagan deegaanada ku xeeran caasimadda. Doorashada kumeel gaarka ah ee Abiy Axmed ayaa durbadiiba waxay yadadiilo galisay dadweynaha reer Itoobiya gaar ahaan da,yarta oo u arkayey shaqsi kajawaabi kara tabashadooda ah inay helaan shaqo, fur-furnaan siyaasadeed iyo in meesha lagasaaro dhaqanka dowliga ah ee kudhisan caburinta iyo cabsi galinta dadka. Abiy oo ah nin dhalinyaro ah haystana shahaadada jaamacada heerka 2aad maadada Isbadalka Hoogaanka (Transformational leadership) ayaa balanqaaday inuu sameyn doono dib u habeyn siyaasadeed, tixgalinta xoriyada mucaaradka, adkeynta midnimada dadka Itoobiya iyo xalinta khilaafka waqtiga dheer dalkiisa kala dhexeeyay dalka Erateriya oo lama filaan aheyd inuu hogaamiye Itoobiyan ah ku dhiirado iskaba-dhaaf shaqsi hogaanka dalka curdin ku ah. Dad badan ayaa Abiy u arkayey shaqsi leh fakar iyo yadadiilo ku qotanta dimuquraadiyad astaamaheedu tahay abuurida xoriyada aragtida, siyaasada iyo diinta. Muwadiniinta Itoobiya ayaa Abiy u sawirtay hogaamiye iskuwadi kara qowmiyadaha kaladuwan ee dalka kunool maadaama Abiy Qudhiisu kasoo jeedo qoys kala diin iyo qowmiyad ah. Talaabooyinkii dhaxalgalka ahaa ee uu nabadda u Abiy qaaday • Sii-daynta kumanaan maxaabiis mucaarad ah oo ay maamuladii kahoreeyay siyaabo kaladuwan usoo xireen iyo cafis loo fidiyay xubno kale oo dalka dibediisa ku maqnaa. • Inay dowladda Itoobiya liiska arga-gixisada kasaartay jabhadihii xornimo doonka ahaa ee kadhisnaa gobolada Oromada iyo Soomaalida islamarkaana u aqoonsatay xisbiyo siyaasadeed. • Baabi,inta xaaladii deg-dega aheyd ( state of emergence) ee ay xukuumadii ka horeysay dalka kusoo rogtay. • Hirgalinta xoriyada saxaafada iyo baraha bulshada. • Alkumida xiriir dhexmara Itoobiya iyo Erateriya taasoo uu ku muteystay bilada shaqsiyaadka nabada ka shaqeeya aduunka ee (Nobel peace prize). • Dib u heshiisiin miro dhashay oo uu ka sameeyey dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan. • Xiriir iskaashi saddex geesood ah oo ka dhex abuurmay Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya. Caqabadihii Gudaha ee ka horyimid Abiy • Qudbad aad u dheer oo Abiy uu ka horjeediyay baarlamaanka federaalka ah ee Itoobiya dabayaaqadii sannadkii hore ayuu ku sheegay in markii uu xilka qabtay asaga iyo ku xigeenkiisaba ay ururka Tigreyda ee TPLF ku af-duubteen madaxtooyada dhexdeeda ayagoo ka jaray dhamaan xiriirkii iyo maamulkii dalka. • Isku-day qarax lagu doonayey in lagu qaarajiyo oo ka dhacay Addis Ababa xili uu Abiy ka qeyb-galayey iskusoo-bax uu kula hadlayey taageerayaashiisa balse aysan qasaaro kasoo gaarin. • Dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa oo sida lasheegay lagu doonayey in la iskaga-horkeeno Abiy iyo shacabka Oromada taasoo uu taageero badan ku lumiyey Abiy. • Isku-dhacyo dhanka qowmiyadaha ah oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac oo sida uu sheegay Abiy lagu majo xaabinayey maamulkiisa. • Af-gambigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Amxaarada oo lagu dilay taliyihii ciidamada dalka, madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen oo doorweyn kulahaa in Abiy qabto xilka Raysul-waasarenimada. • Dib u dhacii bishii August 2020-ka ku yimid doorashadii dalka iyo Tigreyda oo gaashaanka u daruurtay kuna dhawaaqay doorasho gaar u ah gobolka Tigrey, talaabadii baarlamaanka Itoobiya ku hakiyey qoondadii heer federal ee lasiin jiray gobolkaas ayaa ugu danbeyn horseeday dagaal ba,an oo kusoo biyo shubtay guuldaro ciidan, mid sumcadeed iyo eedo waaweyn oo xad-gudubyo bini,aadanka iyo danbiyo dagaal ah kuwaasoo suuragal kadhigi kara in Abiy laga xayuubiyo bilada Nobel Peace Prize lagunasoo-oogo dacwado arrintaas laxiira. Dagaalkan ayaa soo bandhigay habacsanaan ciidamada federaalka Itoobiya oo kamid ahaa tiirarka ugu waaweyn ee isku hayey dalkaas iyo suuragalnimada in gobolada ama qowmiyadaha kale raaci karaan wadadii ay Tigrey-du furtay taasoo Itoobiya u horseedi doonta in awooda dowlada dhexe aad loo yareeyo oo dalku noqdo Conferal System ay awooda yeeshaan dowlad goboleedyada u dhisan qaabka qowmiyadaha. Xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya oo isbadalay Tan iyo markii uu meesha kabaxay xukunku militariga ee Mengistu Haile Mariam oo gacansaar dhow la lahaa Ururkii Midowga Soviet-ka, waxaa bilowday xiriir wanaagsan oo dhex-maray dowladii uu hagaaminayey Malez Zanawi iyo Mareykanka oo markii horeba ka taageertay sidii ay jabhadii EPRDF uga guuleysan lahaayeen xukuumadii Mengistu. Xiriirka labadan dowladood waxuu aad u xoogeystay markii uu bilowday waxii loogu magac daray dagaalkii arga-gixisada (War on terror), markaas oo Mareykanku Itoobiya ka dhigay u qeybsanaha Geeska Afrika taasoo Itoobiya lagu siinayey taageero dhaqaale, military iyo af-qabasho hay’adaha xaquuqul insaanka ah, ayadoo lagu abaalmariyey barnaamijka samafalka ee USAID. Sida dad badan ay rumeysan yihiin, Itoobiya oo ka macaashaysa mashruucii dagaalka arga-gixisada ayaa dagaal aad u qaraar gudaha Soomaaliya kulagashay Maxkamadihii Islaamka iyo Al-shabaab taasoo sida warbixino badan lagu qoray ay wehliyeen gabood-falo dhanka bini,aadannimada iyo boob hantiyeed oo aysan cidna kula xisaabtamin. Xiriirka wanaagsan ee Mareykanka iyo Itoobiya waxuu horseeday in ciidamada Itoobiya suuq looga sameeyo ama loo daabulo goobaha iyo dalalka looga baahdo ciidamo nabad ilaalin ah oo huwan magaca Qaramada Midoobay ama Afrika. Waxyaabihii badalay xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya a) Xiriirka Itoobiya iyo China: xiriirka ay Itoobiya la yeelatay China oo intiisa badan ku qotoma dhisida kaabayaasha dhaqaalaha Itoobiya iyo iskaashiga ganacsiga labada dal ayaa abuuray inay shaki badan ka muujiyo Mareykanka maadaama uusan ku qanacsanayn xiriirka iyo is-dhexgalka xowliga ku socda ee China iyo Itoobiya taasoo warbixino farabadan oo ay soosaareen hay’addo Mareykan ah aad u dhaliileen lacagta amaahda Balaayiinta ah oo ay Itoobiya heshiiska kula gashay China. Mareykanka oo tartan aad u daran uu kala dhexeeyo China ayaa rumeysan in Itoobiya oo ay kunool yihiin dadka labaad ee ugu tirada badan Afrika ay u janjeerto dhanka China taasina ay dharbaaxo iyo abaal-dhac ku tahay. b) Saldhiga AFRICOM ee Djibouti: saldhiga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ee loo yaqaano Camp Lemonnier ee hoostaga howl-galka AFRICOM ayaa wax kabadalay muhiimada ay Itoobiya u laheyd howl-galada Mareykanka ee la dagaalanka arga-gixisada Geeska Afrika. Saldhigaan ayaa sannadihii ugu danbeeyay hayey aruurinta xogaha, isku xirka howl-galada iyo weerarada cirka ee lagu beegsanayo kooxaha qatarta ku ah danaha Mareykanka, taasoo hoos u dhigtay taageeradii iyo muhiimadii faraha badneyd ee lasiin jiray Itoobiya. c) Dhaq-dhaqaaqyada madaxa bananaan ee Abiy kawado gobolka: Abiy ayaa mudada uu xilka hayo ku guuleystay inuu xiriir wanaagsan la sameeyo dalka Erateriya oo waqtidheer wajahayey cunno qabateyn iyo go,doomin ay hogaanka u hayeen dowladaha reer Galbeedka, balse go,aanka Abiy ayaa u sahlay Isias Afwerki inuu xiriir ganacsi la sameeyo Itoobiya taasoo mugdi sii galisay xiriir Itoobiya iyo Mareykanka. Abiy Axmed ayaa sidookale ku guuleystay dhex-dhexaadinta dalka Sudan ee militarigii xilka la wareegay iyo xubnihii kasocday shacabka taasoo aad loogu amaanay Abiy laakiin baalmaray talada iyo cuno-qabateyntii Mareykanka ee xiligaas saarneyd Sudan. Waxaan meesha ka marneyn xiriirkii sadex-geesoodka ahaa ee Soomaliya, Itoobiya iyo Erateriya oo uu horkacayey Abiy. d) Mashruuca biyo xireenka Itoobiya: Itoobiya oo waqti dheer ku howlaneyd dhisida iyo buuxinta biyo xireenkan aadka u weyn ayaa culeys kala kulantay buuxintiisa dalalka Masar iyo Sudan oo u arka inuu aad wax ugu dhimi doono socodka iyo istcimaalka biyaha webiga Niil ee dhankooda halka ay Itoobiya aad uga biyo diiday. Mareykanka oo xiriir naas-nuujin ah la lahaa Masar waxii kadanbeeyay heshiis Camp David ee Masar iyo Israel 1978-dii una arka Masar dal tiir dhexaad u ah amniga Israel ayaa si cad ula saftay Masar kuna canaantay Itoobiya halka ay Itoobiya qaadacday dhex-dhexaadinta uu qeybta ka yahay Mareykanka taasoo muujinaysa heerka uu gaaray kala-fogaanshaha laba dal. e) Is-hortaaga gargaarka samafal ee gobolka Tigrey: kadib dagaalkii gobolka Tigrey iyo eedaymihii loo jeediyay maamulka Abiy oo ay kamid aheyd is-hortaaga gar-gaarka hay’adaha samafalka iyo baaritaanka xad-gudubyada, waxuu Abiy ku macneeyay in hay’adaha gargaarku yihiin basaasiin hubka iyo xogaha u dusiya maamulka Tigreyda. Hay’adaha, sida Human Rights Watch, Amnesty International, DRC iyo kuwa-lamidka ah waa hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya gargaarka bini’aadanka, lasocodka xad-gudubyada iyo dambiyada dagaalka dabcan laguna xanto inay yihiin aalad lagu cadaadiyo dowladaha iyo shaqsiyaadka baalmara siyaasadaha dalalka reer Galbeedka ah maadaama ay ku abtirsadaan dowladaha sida Mareykanka, Ingiriiska, Denmark iyo kuwa-kale, ogow eedaha ayaga loo jeediyana waa kuwa loo jeediyay dowladahaas, waana kalmado aanan la barxin lagana baaraan-dagin saameynta ay yeelan karaan oo uu Abiy u bareeray. Gunaanad Inkastoo uu Abiy gaaray guulo wax ku ool ah mudadii koobneyd oo uu xilka hayey hadana dagaal sokeeye ee Tigrey ayaa dhawaac weyn gaarsiiyay sumcadii uu kulahaa gudaha dalka iyo dibedaba taasoo ay adag tahay inuu kasoo kabto. Xiriirka Itoobiya iyo dowladaha reer galbeedka oo markiihoreba sii liicayey ayuu dagaalka Tigrey iyo ficiladii kadhashay ceel kusii riday ayadoo Abiy looga fadhiyo inuu kasoo dhalaalo hal-xiraale ah sidii uu iskugu hayn lahaa Itoobiya oo ay Tigrey-du qeyb katahay iyo siduu usoo nooleyn lahaa xiriirkii Itoobiya iyo caalamka. Waxaan meesha ka marnayn dareenka dadweynaha Itoobiya oo si joogta ah baraha bulshada iyo saxaafada kala socday waxii kadhacay Tigrey oo aad ula fajacay in hogaamiye Itoobiyaan ah ciidamo shisheeye u adeegsado dad Itoobiyaan ah kaba sii darane inay yihiin ciidamo Erateriyaan. Fursadaha suuragalka ah ee xiligaan u banaan Abiy Fursadaha hada Abiy gacanta ugu jirta waxaa kamid noqon kara 1. Fursad ku dhisan calool adeyg ayaa ah: Inuu dib u habeyn kusameeyo ciidankiisa soona nooleeyo niyadooda (morale) si ay ugu guuleystaan inay ka hortagaan fiditaanka ciidamada Tigrey-da una go,doomiyaan gobolka taasoo keeni karta in beesha caalamku wadahal furto kuna qasabto Tigrey-da silooga qaado go,doominta inay maamulka gobolka kuwareejiyaan maamul shacab ah, hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyaadka lana qarameeyo ciidamada kale iyo inuu ugu danbeyn ogolaado baaritaano madax-banaan oo kadhaca goobaha dhibaatadu ka dhacday hadii ay cadaatana loo max-kamadeeyo askarta iyo shaqsiyaadka lagu helo. waana arrin ay aq-balaadeedu adag- tahay balse hirgalinteedu oo ay ugu horeyso dhisida kalsoonida iyo is-aaminaada laba-dhinac ay kasii adag tahay waqtidheerna qaadan doonto waaba hadii ay sidaas wax u dhacaane. 2. Fursad kale ayaa ah in Abiy aqbalo inuu guuldareystay, gafkii dhacayna qeybtiisa hogaamineed dusha u rito asagoo talada ku celinaya baarlamaanka dalka si ay u doortaan hogaan cusub, waana go,aan u baahan geesinimo iyo ka hortagista qataraha kale ee kusoo wajahan Itoobiyada barito. Is-casilaada Abiy waxay qanaaco iyo daawo hordhac ah u noqon kartaa dadka Tigrey-da ah oo tabanaya in lagu gumaaday shaatiga Itoobiya. W/Q: Xamdi Wardheere Maxamed The post Maxuu Abiy Axmed ka badalay xiriirkii Itoobiya iyo Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.
  17. Bacaadweyn (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay maanta kula wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano ay ka mid tahay Bacaadweyn, isla markaana ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ay ka mid tahay Camaara oo ku jirta gacanta Al-Shabaab, taas wax ka yar 15-KM u jirta magaalada Bacaadweyn. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa waaberigii hore ee saakay si nabad ah kula wareegay deegaanada Bacaadweyn, Sabeyno-gowrac iyo Qaycad, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo maamulayey waayihii dambe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa gabal dhicii galabta baahisay in kooxdu ay dib ula wareegtay deegaanka Qaycad oo ka mid ah deegaanadii laga xoreeyey saakay, balse ma jirto cid ka madax-banaan oo weli xaqiijisay sheegashadooda. Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la hadlayey BBC ayaa sheegay in howlgalkaan uu guuleystay, isla markaana madaxda Galmudug aysan u kala hari doonin xoreynta deegaanada ay gobolladaas ka maamulaan Al-Shabaab. “Howlgalkaan waxaan qorsheyneynay in mudo ah, Galmudug culeys badan ayey soo sareen Al-Shabaab, waxaana ku guuleysanay qabashada deegaanadii aan saakay ku dhaqaaqnay, ciidankeenu waxay kaabiga ku hayaan Camaaro, howlgalkaana waa balaaran yahay, waxuu ka socdaa inta ka dhaxeysa bariga Gurceel illaa Bacaadweyn,” ayuu yiri Fiqi. Wasiir Fiqi oo sii hadlaayey waxa uu yiri, “Howlgalkaan waa mid dhameystiran madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyo madaxweyne Qoor Qoor aysan u kala harin, wasiirrada iyo maamullada degmooyinka ayaa qeyb ka ah, marka howlgal noocaan oo kale ah horay nooma soo marin, waxaana dooneynaa in cadawgaan nasoo beegsaday aan sabab u noqono in guud ahaa dadka Soomaaliyeed ay iska xoreeyaan.” Hoos ka dhageyso wareysiga The post Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaalladii maanta appeared first on Caasimada Online.
  18. Baraawe (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa ka walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ka mid ah magaalooyinka loo asteeyey deegaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto, ayada oo ay suurta-gal tahay inay soo weeraraan maleeshiyada Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado. Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, inkasta oo aanu maamulka ku shaqeyn oo uu degan yahay Baydhaba, ayada oo mid ka mid ah sababaha ay tahay halista amni ee magaaladan ka jirta. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in laga fakariyo inaan magaaladaas lagu qaban doorasho, ama la geeyo ciidan xooggan oo Amisom ah, taasi oo u baaqan qarash malaayiin dollar ah. Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho, waxay fursad siin kartaa maammullada Jubaland iyo HirShabelle, oo horey u doonayey inaysan doorasho ku qaban Garbahaarey iyo Beledweyne, balse laga diiday, kuwaas oo ku doodi kara in deegaan doorashooyinka lagu soo wada koobo min hal magaalo, ama laba magaalo, balse aysan sax aheyn in maamullada midba si gaar ah loola macaamilo. “Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho waxay albaabada u furi kartaa maamullada kale ee ku doodaya in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Haddii lagu qabanayana waxay u baahan tahay qarash badan iyo ciidan dheeri ah, marka waa laba ka darran mid dooro,” ayuu yiri sarkaal ku dhow beesha caalamka oo la hadlay Caasimada Online. Arrintan ayaa hadda aad looga doodayaa, mana cadda go’aanka laga qaadan doono, ayada oo ay soo dhowaatay doorashada Aqalka Sare oo ah tan ugu soo horreysa, xilli guddiyada doorashada ay hoggaan wada doorteen intooda badan. The post Xog: Beesha caalamka oo diidan in doorasho lagu qabto magaalo ka mid ah deegaan doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  19. Xarunta degmada Godobjiraan Waxaa degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal ka taagan xiisad ka dhalatay wareegtadii dhawaan madaxweyne Deni ku magacaabay maamulka KMG ah ee degmadaas. Maleeshiyo deegaanka iska abaabushay ayaa maanta is-hortaagay xil wareejin la doonayay in ay maamulka cusub kula wareegaan xafiiska degmada, waxaana israsaaseyn aan khasaare ka dhalan dhexmartay ciidamo la socday mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Nugaal oo halkaas u tagay xil wareejinta iyo maleeshiyada. Xarunta degmada ayaa gacanta u gashay maleeshiyada deegaanka, waxaana degmada laga dareemayaa xiisad arrintaas la xiriirta, iyadoo aysan jirin cid waan-waan ka dhexwada labada dhinac. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la soo xiriiray warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan dagaal labada ciidan ku dhexmara gudaha magaalada. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Nugaal Xuseen Xaaji Cabdule iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay degmadaas u tagay xil wareejinta xiisada dhalisay. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo hore u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya, sidoo kalena ah Qoraa iyo Samafale ayaa soo bandhigay Buug uu ugu magac daray “Danjire” oo uu ku soo aruuriyay macluumaadka dibulumaasiyada, xaalada dalka Soomaaliya iyo arrimo badan oo kale. Munaasibad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay buuga cusub ee uu qoray Qoraa Maxamed Ameeriko ayaa waxa ka qeyb-galay wasiiro, aqoon-yahan, siyaasiyiin, culimo, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale. Intii ay socotay munaasibada Buuga Danjire ayaa waxaa si weyn loogu bogaadiyey Qoraa Maxamed Ameeriko buuga cusub ee uu soo bandhigay, kaasi oo ay sheegen inuu wax badan xambaarsan yahay. Wasiir ku-xigeenka Maaliyada, Prof Qaloocow oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa waxa uu ku dheeraaday muhiimada Buuga cusub iyo faa’iidada uu leeyahay in la aqristo. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Booliiska Jeneraal Xijaar, Gudoomiyaha Degmada Kaaran iyo Guddoomiyaha ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed, Najma Maxamuud oo ayaguna munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday mawduuca uu xambaarsan yahay Buuga Qoraa Ameeriko oo si gaar ah uga hadlaya arrimo badan oo ku saabsan diblumaasiyada iyo xaalada dalkeena. Sidoo kale waxaa ayaguna dhankooda bogaadiyey qoraaga Dr Xasan Sheikh oo ah fallan-qeeya ka hadla siyaasada iyo Prof Faarax Bursaliid, iyagoona dul istaagay nuxurka uu sito buuga iyo xiliga uu kusoo aaday. Ugu dambeyntiina waxaa munaasibada ka hadlay Qoraaga Buuga, Maxamed Ameeriko oo asagu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qoraalka Buuga Danjire iyo xaaladaha ku gadaaman buuga sida weyn loo soo dhaweeyay. Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa waxa uu gaba-gabadii munaasibada gudoonsiiyay Buuga cusub ee qoray Hay’addo, Mas’uuliyiin iyo Shaqsiyaad caan ah oo dalka iyo dadka wax u soo qabtay. Abdihakim Elmi Hassan Cabdixakiin441@hotmail.com The post Danjire AMEERIKO oo soo bandhigay buugga Danjire appeared first on Caasimada Online.