Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The first time Omar Degan set foot in Mogadishu, in October 2017, he quickly grasped that it bore little resemblance to the picturesque cityscape his parents, Somali refugees who had fled to Europe, described to him growing up. Source: Hiiraan Online
  2. Ethiopia’s ruling Prosperity Party has won the most seats in the country’s parliamentary election, according to official results, a victory that assures Prime Minister Abiy Ahmed a second five-year term in office. Source: Hiiraan Online
  3. Ethiopia's ruling Prosperity Party on Saturday was declared the winner of last month's national election in a landslide, assuring a second five-year term for Prime Minister Abiy Ahmed. Source: Hiiraan Online
  4. Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa markii u horraysay jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray qaar kamid ah Odayaasha Muqdisho, kuwaas oo dalbaday in Puntland u sii dayso rag loo haysto Shabaabnimo oo ku xiran Gaalkacyo. Guddoomiye Sanyare, ayaa sheegay in qof kasta oo ku eedaysan Shabaabnimo baaritaan lagu samaynayo, haddii lagu helayo sharciga la marin doono, haddii lagu waayana xorriyaddiisa dib loogu celin doono. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in aysan Qabiil iyo cid kale toon aka ogolaan doonin in la sii daayo qof ay ku caddaatay in uu Al-shabaab yahay, islamarkaana halis ku yahay Amniga iyo Xasiloonida dalka. “Danbiile Shabaab ah oo wax dilay inta qabanno Qabiil u sii dayn mayno, Qabiilku ama ha oriyo ama boqol qof ha dilo, ama qabiil kale wado ha u istaago. Qola aan la qabiilnahay ma jirto” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Odayaasha Muqdisho ka hadlay, in ay yihiin dad Al-shabaab adeegsanayso oo lagu amray hadalkaas, si loo sii daayo rag Shabaab loo haysto oo u xiran Puntland. Halkaan ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Guddoomiye Sanyare: Danbiile Shabaab ah oo wax dilay inta qabanno Qabiil u sii dayn mayno appeared first on Puntland Post.
  5. Somaliland:Wiil ku geeriyooday Gudaha Berked Biyood liqday Will yar oo lagu magacaabi jiray Mustafe Barkhad, ayaa ku geeriyooday barkad ku taala deegaanka Cadda dhaadheeray ee degamada Gabilay. Wiilka ayaa barkada u tagay si uu biyo uga soo dhaamiyo subaxdii hore ee shalay.Wiilka yar ayaa barkada laga soo saaray kadib markii uu dhintay,Saraakiisha dowlada hoose ee degmada Gabilay, ayaa gaadhay goobta ay dhacdadu ka dhacday. Tirada dadka ku dhinta ceelasha biyaha ayaa sare u kacday deegaanada Somaliland tan iyo markii uu bilaabmay xilli roobaadka guga. Qaran News
  6. Wasiir ku xigeenka Haweenka dowladda Puntland, Sahra-kiin Cabdi Xirsi, ayaa si adag uga digtay Culimaa’udiinka in ay hor istaag ku sameeyaan Haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay muujiyaan hankooda Siyaasadeed. Marwo Sahra-kiin, ayaa sheegtay in Culimadu aysan ka hadlin Gabdhaha duruufaysan ee Jaadka ku iibiya dariiqyada, islamarkaana dhex fadhiya boqollaalka nin, balse ay Diinta ka hadlaan markii Gabadhu siyaasad ka hadasho. “Gabdhaha daruuftu ku kaliftay inay banaanka jaad ku iibiyaan ntaas oo nin dhexda uga jiraan oo ay dhici karto in ay tacadi kala kulanto culumadu kama hadasho” ayay tiri Wasiirka. “Hasa yeeshee marka gabadhu tiraahdo talada waan wada leenahaye miiska aan wada fariisano waxaa lagu leeyahay diinta kuuma ogolee gurigaaga fadhi.” PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo dhaliil u jeedisay Culimaa’udiinka appeared first on Puntland Post.
  7. Wararka laga helayo degaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay dad isku qoys ah. Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe degaankaas ku dilay laba carruur ah iyo aabbahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi waalid. Weerarka waxa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 sano jir ah. Weerarkan oo lala xiriirinayo aanoa-qabiil ayaa lagu beegsaday qoys reer miyi ah oo degganaa baadiyaha degaanka Saax-qurun sida laga soo xigtay goob-joogayaal. PUNTLAND POST The post Weerar lagu laayay nin iyo carruurtiis oo ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Garbahaarrey ayaa xalay booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi. War ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu Ugaaska uga mahadceliyay kaalintiisa ku aaddan Nabadaynta iyo Dib u-heshiisiinta Bulshada. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Ugaaska ku boorriyay in la sii xoojiyo doorka dhaqanka ee ku saabsan Nabadaynta iyo isku-haynta Bulshada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ugaas Maxamed Ugaas Haashi appeared first on Puntland Post.
  9. Delhi (Caasimada Online) – Booliiska dalka India ayaa bilaabay in ay baaraan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been abuur ah loogu “xaraashay” dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin, waana kiis ay dhibaneyaashu ku sheegeen in ay muujineyso islaam nacaybka sii kordhaya ee dalkaasi, waakaladda wararka AFP ayaa soo warisay. Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddobaadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iyadoo ciwaan looga dhigay “Sulli deal of the day”. “Sulli” waa eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haweenka Muslimiinta ah. Hana Mohsin Khan, oo ah duuliye diyaaradeed, ayaa toddobaadkii hore waxaa wargeliyay saaxiibteed oo u dirtay barta lagu daabacay sawirrada dumarkan. “Sawirka afaraad waxa uu ahaa keyga. Waxa ay ii xaraashayeen sidii inaan addoon u ahay,” ayay u sheegtay AFP. “Illaa maalintii aan arkay aad baan u careysnahay.” GitHub ayaa sheegtay in ay hadda xannibtay akkoonnada sawirrada daabacay oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen siyaasaddeeda ku aadan dhibaateynta, takoorka iyo kicinta rabshadaha. Booliiska magaalada Delhi ayaa xareeyay dacwado, laakin waxa aan la ogeyn shakhsiyaadka ku kacay falkan oo qariyay aqqoonsigooda. Sania Ahmad, oo 34 jir ah, ayaa iyana toddobaadkii hore aragtay “in lagu iibinayo” online-ka, waxayna farta ku fiiqeysaa waxa ay ugu yeertay guutada internetka ee xagjiriin Hinduu ah oo sanadihii danbe sii badanayay. In badan oo ka mid ah 170-ka milyan ee muslimiinta India ayaa sheegaya in tan iyo 2014-kii oo uu xisbiga BJP ee ra’iisulwasaare Narendra Modi qabtay xukunka ay dareemayaan in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah. AFP + VOA The post Dumar Muslimiin ah oo iyaga oo aan ogeyn la xaraashay appeared first on Caasimada Online.
  10. Itoobiya oo shuruud adag ku xidhay diyaaradaha ka degaya gobolka Tigray Itoobiya ayaa sheegtay diyaaradaha deegaanka Tigraay ku socda ama ka yimaadda inta aysan dalka soo gelin ama ka bixin iney ku soo degi doonan gigadaga diyaaradaha caalamiga ee Bole ee magaalada Addis Ababa si baaritaan loogu sameeyo. Hay’adda duullimadyada rayadka ee dalka Itoobiyan waxay sheegtay diyaaraddi fasax haysato oo keli ah iney ka dagi karto deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay ayaa go’aankeeda dib uga laabatay kaddib marki ay qiimeysay codsiyada caalamka uga imanaya iyo xaaladda bani aadaminimo ee degaankaasi ka jirto. Hay’adda waxay sheegtay diyaarad kasta oo gargaar u sidda deegaanka Tigraay in looga baahan yahay iney marka hore ku soo degto garoonka caalamiga ee Boole oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Iyada oo diyaaradahaasi baaritaan qoto dheer looga sameynayo baaritaanka kaddibna la siinayo fasaxa ay ku tagi lahaayeen deegaankaasi. Qaran News
  11. Natiijada Doorashada Itoobiya oo la shaaciyey Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa goor dhaweyd shaaciyey natiijada doorahada 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya. Wuxuuna guddigu sheegay xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay. Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xiriira amni darro iyo arrimo kale. Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021. Xisbiga Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto. Doorashda guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen. Qaran News
  12. Kismayo (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble has concluded his trip to Kismayo on Saturday. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU, Somalia (AP) -- A large explosion in Somalia's capital killed at least nine people and injured eight others, a health official said Saturday. Source: Hiiraan Online
  14. Oslo (HOL) - A 48-year-old Somali-Norwegian was arrested and charged laundering over NOK 422 million ($48,868,550 USD) through his money transfer (hawala) businesses in the Scandinavian capital. Source: Hiiraan Online
  15. Oslo (HOL) - A 48-year-old Somali-Norwegian was arrested and charged with laundering over NOK 422 million ($48,868,550 USD) through his money transfer (hawala) businesses in the Scandinavian capital. Source: Hiiraan Online
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada. Guushan la shaaciyey, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah. Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia. Hoggaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega ayaa sheegay in xisbigiisa Ezema ay diiwaan-geliyeen 207 ashtako kadib markii saraakiisha deegaanka iyo maleeshiyo ay u diideen kormeerayaasha inay tagaan gobolka Amhara iyo gobollo kale. Birhanu ayaa doorashada ku waayey kursigiisa, waxaana xisbiyada mucaaradka ay ku guuleysteen kaliya 11 kursi. Dowladda Mareykanka ayaa doorashada ugu yeertay mid ay qaladaad badan ka buuxeen, ayada oo cuskaneysa xarigga qaar ka mid ah mucaaradka iyo amni-darro ka jirto qeybo badan oo dalka ka mid ah. Doorashada ayaa tijaabo u aheyd Abiy Ahmed oo xukunku yimid bishii April 2018 kadib markii ra’iisul wasaarihii hore uu is-casilay xilli ay rabshasho iyo dibad-baxyo hareeyeen dalka. Abiy ayaa isbeddelo siyaasadeed ka sameeyey dalka bilihii ugu horreeyey xukunkiisa, hase yeeshee wuxuu dib uga laabtay ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriira siyaasadda iyo warbaahin xor ah. Waxa uu sidoo kale cambaareyn caalami ah kala kulmay dagaalkii uu ku qaaday gobolka Tigray oo ay ku dhinteen kumanaan qof, lagana soo weriyey xasuuq iyo xadgudubyo bani’aadannimo. The post Natiijada rasmiga ah ee doorashadii Ethiopia oo la shaaciyey iyo tiro yaab leh oo kasoo baxday appeared first on Caasimada Online.
  17. First the police person is a son or a daughter of a father and a mother The police person is a peace person. His duties are keeping the peace and enforcing the law. Our police and military are doing these things in a very hard circumstances Mistakes can happen and they do happen in our country and in all countries in the world. Some get good training some don’t due to circumstances surrounding them. They carry weapons to protect their lives, to protect the lives of the citizens and to protect properties and infrastructures as ordered. When to discharge live weapons depends on their training, I.e to defend their lives, the infrastructure ordered to protect and other situations deemed warranted etc, etc. Now, in the case of the student of the Camuud university died as a result of a police shooting as we heard. I think these questions must be asked and answere: what was the circumstances that lead the police man to discharge life weapons, considering the alterations occurred. Before we all ride the emotions of the moment the government must explain clearly and candidly all the circumstances which lead the death of the student. Likewise the people particularly the political parties and the cultural leaders must not pass judgment Let us be fair for both the deceased and the accused police officer. Ibrahim Mead Qaran News
  18. Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPP ayaa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday 21 bishii hore ee Juun. Guddiga doorashooyinka qaranka dalkaas ayaa goordhaweyd sheegay in xisbiga EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey uu ku guuleysay 410 ka mid ah. Xisbiga xisbiga EPP ee hoggaamiyo Ra’iisul awasaare Abiy Axmed ayaa 174 kursi u baahnaa, si uu ugu guuleysto doorashada. Doorashada ayaa weli ka dhicin ku dhawaad 100 deegaan doorasho oo ay uga qabsoomi wayday sababa amni darro. Doorashadii dhawaan qeybo ka mid ah Itoobiya ka dhacday ayaa gorfeeyeyaal badani ku tilmaameen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.” PUNTLAND POST The post Yaa ku guuleystay doorashadii Itoobiya? appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen. Garabkaan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir. Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble. Wasiirkii hore ee warfaafinta, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee la safan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xubnaha cusub ee guddoonka ay u doorteen afartii xubnood ee Cabdi Xaashi uu soo magacaabay “Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoonka cusub ee ay galabta doorteen Gudiga Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee Somaliland oo Gudoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, Gudoomiye ku xigeenna u doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.Doorashada Gudoonka waxaa goobjoog ka ahaa Gudiga Doorashada ee heer Federaal. waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye. Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa galabta lagu shaaciyey doorashada guddoonka 7-da xubnood ee Mahdi iyo Rooble ay soo magacaabeen, kuwaas Khadar Xariir Xuseen u doortay guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon, taas oo keentay in iyaguna ay caawa doortaan guddoon kale. Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab markii horaba khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel. Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi. The post Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka oo doortay guddoon cusub appeared first on Caasimada Online.
  20. Wararka naga soo gaarayo degmada warta nabadda ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw hoobiyayaal ay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada dalka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa tira hoobiyayaal ah kuwaas oo ku soo dhacay xaafadaha hoostaga madaxtooyada Soomaaliya. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hoobiyayaasha ayaa ku kala dhacay mid ka mid ah Hotel ka agdhaw madaxtooyada halka mid kalena uu ku dhacay Iskuul. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaashaan. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  21. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo. Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada garbahaarrey ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeyba heeda kala duwan. Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey. Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Hargeysa (Wararka PP) — Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablo magaalada Laascaanood ku dhex xirtay calanka Soomaaliya. Odayaal Wasiir Saleebaan ay hayb wadaagaan ayaa ka codsaday isaga sii daynta gabdhaha. Wasiirka wuu ku gacan-saydhay codsiga odayaasha. Saleebaan Y. Cali Koore: “Amarkayga ayaa hablaha Laascaanood lagu soo xidhxidhay.” “Sharciga dalka waa loo siman yahay. Way ogaayeen in dowladda Somaliland mamnuucday ku labbisashada calanka Soomaaliya sidaas darteed hablaha waxaa lagu qaadayaa sharciga” ayuu Saleebaan ku yidhi odayaasha ku sugan Laascaanood oo telefoon kula hadlay wasiirka. Wasiir Saleebaan ayaa mowqif la mid ah mowqifkan gaadhay toddobaad ka hor markii dhallinyaro Boorame ku sugan xabsiga loo taxaabay iyagoo lagu eedeeyay inay ku xafladeeyeen calanka Soomaaliya. © Puntland Post, 2021 The post Saleebaan Cali Koore: “Aniga ayaa bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablaha calanka Soomaaliya xidhtay” appeared first on Puntland Post.