-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadeynta Ganacsato loo haysto in Agabyada Qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab uga soo dejin jireen dekedda Muqdisho ayaa ka socota xarunta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho. Ragga loo haysto eedeyntan oo tiradoodu dhan tahay toddoba qof, ayaa waxaa kasoo hor muuqday maxkamadda ilaa shan Nin oo magacyadooda lagu sheegay; Cabdisalaan Cali Faarax, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed iyo Cabdisalaam Cusmaan Maxamed. Dacwadda dhageysigeeda ay ka bilaabatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa baxsad ka ah cadaalad oo aan kasoo hor muuqan fadhiga maanta labo eedeysane oo kamid ah ragga loo haysto inay Al-Shabaab agabyada qaraxyada uga soo dejin jireen dekedda Muqdisho, sida ku cad galka dacwadda. Maxamed Cabdi Sheekh Cumar oo loo garan ogyahay Tuutaale ayaa ah eedeysanaha koowaad ee loo haysto agabyada qaraxyada ee Al-Shabaab looga soo dejin jirey dekedda Muqdisho, waxaana maxkamadda lagu soo bandhigay wada-sheekeysi la sheegay inay dhex-mareen isaga iyo ganacsade dibeddda jooga. Cadeynta la horkeenay maxkamadda ayaa muujineysa eedeysane Maxamed Cabdi Sheekh iyo ganacsade kale oo dalka Shiinaha jooga oo tijaabo horudhac ah ka sameynaya agabyada ka hor inta aan laga soo dejin dekedda, si waxtarkeeda muhalignimo loo hubiyo. “Xaqiiqda waxaa la ogyahay in qaraxyada daawooyinkaan iyo kiimakadaan loo isticmaalay oo fuleen dad ku dhamaaday huteelo, goobo dadweyne iyo xarumo dowladeed, shaqsiyaad la yaqaan iyo dad shacab ahba ay ku dhamaadeen, waxaana codsaneyna in eedeysanaha koowaad ay maxkamadda ku xukunto dil,” ayuu yiri mid kamid ah xafiiska xeer ilaalinta ciidanka qalabka-sida oo dacwada kusoo oogay raggaan. Sidoo kale qareeno u doodayey eedeysanayaasha ayaa ku dooday in aan lagu fulin dil toogasho ah raggaan loo haysto inay ka dambeeyen keenista agabyada qaraxyada loo adeegsado, isla-markaasna aan loo gaar yeelin ciqaab aan dalka ka jirin, sida ay hadalka u dhigeen. Si kastaba, waxaa maanta soo xirmay dhageysigii koowaad ee kiiska dacwada loo haysto raggaan, iyada oo uu guddoomiyaha maxkamadda darejada koowaad ee ciidamada qalabka sida uu sheegay inay maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto. Hoos ka daawo qaabka ay u dhacday dhageysiga maxkamadda The post Daawo: 7 Ganacsato ah oo maxkamad loo soo taagay in ay KIIMIKADA qaraxyada usoo dejiyaan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
DOORASHOOYINKA SOMALILAND IYO MUHIIMADA AY QARANKA JAMHUURIYADA SOMALILAND U LEEYIHIIN. 1-Doorashooyinku marka koowaad waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiinta jamhuuriyada Somaliland si ay u soo xushaan masuuliyiinta ku matali lahaa kuraasta qaranka ee doorashooyinka ku yimaada . 2-Doorashooyinku waxa ay ka mid yihiin nidaamka dimuqaradiyadeed ee qaranka jamhuuriyada somaliland qaatay oo ah habka ururada siyaasada iyo axsaabta badan oo uu jideeyey dastuurka dalku. 3- Sida ku cad qodobada dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland oo ah ka ugu sareeya ee dalka iyo dadka Somaliland sameysteen in la isku dhaqo , waxa ku cad qodobadiisa 9aad , 22naad iyo 23naad xuquuqda muwaadinka iyo kaalintiisa siyaasadeed. 4- Waxa ay saldhig iyo sees u yihiin xasiloonida dalka iyo isku niyad furnaanta dadka jamhuuriyada Somaliland , maadaama oo uu qofku ku soo bixi karo doorasho ma jirto wax ku kalifaya wax ka soo horjeeda nidaamka dalka hadii aan lagu kalifin. JOOGTEYNTA DOORASHOOYINKA IYO FAAIIDADA AY LEEYIHIIN. 1-Doorashooyinka dalka oo la joogteeyaa oo mid waliba ku qabsoontaa xiligii loogu talo galay waxa ay ka qayb qaadanaysaa horumarka dalka oo nidaam ahaan iyo dhisme ahaan isku raaca. 2-Waxa lagaga badbaadayaa kalitalisnimo iyo halaag ku dhaca umada sidii hore u soo dhacday , sidoo kale dalal badan oo kalena haysata . 3- Waxa ay soo saarayaan sumcada iyo wanaaga qaranka jamhuuriyada Somaliland waxaana ay sumcad iyo wanaag kaga kasbanaysaa aduunka kale , sidii hore u soo dhacday 6 dii doorasho ee hore. 4- Waxa ay soo dhaweynaysaa xidhiidhka beesha caalamka iyo jamhuuriyada Somaliland waxaana ay kor u qaadayaan meeqaamka qaranka . WAAJIBAADKA KA SAARAN XUKUUMADA DOORASHOOYINKA 1-Xukuumad kasta oo dalka loo doortaa waxa uu waajibaad qaran ka saaran yahay ilaalinta shuruucda iyo xeerarka dalka , xuquuqaha muwaadiniinta oo dhinacwalba ah oo ay ka mid yihiin xaqa wax doorashada iyo ta la doortaha. 2- Ku daba taagnaanta hay’adaha ku shaqada ku leh iyo in dabada ay ka riixdo wax walba oo caqabad ku ah doorashada sidii hadda ay sameysay xukuumadu. 3- Qabsoomida doorashada oo ay u diyaariso dhaqaalihii lagu qaban lahaa marwalba iyo wax walba oo ay u baahan yihiin si aynu uga maarano gacan qabasho iyo kaalmo shisheeye. DOORASHOOYINKII HORE IYO SIDII SOMALILAND ADUUNKU UGU QIIMEEYEY. Doorashooyinkii hore ee Somaliland oo ahaa 6 doorasho oo dhacay xiliyo kala wada duwan iyo duruufo adag oo u badnaa doorashooyin ku cusub dalka marka laga reebo doorashada madaxweynaha oo 3 goor la qabtay waxa ay Somaliland ku soo jeediyeen indhaha caalamka waxaana lagu tilmaamay nal ka soo ifay geeska Africa. Warbaahinta aduunka qaarkood ayaa ku tilmaamay in ay Somaliland tahay mucjisada Africa markii la arkay waxa ay qabsatay iyo sida ay u qabatay doorashooyinkaasi oo ahaa wax ku cusub gobolka geeska Africa oo ay daashatay mucangagnimo iyo kalitalisnimo. Waxa ay u sahashay xukuumadihii hirgaliyey in wadamada waaweyn ee aduunku marti galiyaan madaxweynihii Somaliland , tusaale madaxwayne daahir rayaale kaahin wada lagu martiqaaday halka looga taliyo dawlada aduunka ugu quwada weyn ee maraykanka ( state department ) sidoo kale waxa lagu casuumay chatamhouse iyo house of commons oo ah meelaha dalka ingiriiska looga taliyo laguna soo bandhigo waxa ay qabsadeen dadku . DIB U DHACA DOORASHOOYINKA IYO WAXII AY SOMALILAND KALA KULANTAY Dib u dhacyo aan daruuri aheyn oo ku dhacay doorashooyinka dalka ayaa Somaliland waxa ay kala kulantay in dhawr goor doorashooyinkeega beesha caalamku soo farogaliso si ay u xaliso khilaafyadii jiray waxaana ka mid ahaa heshiiskii April 2009 madaxtooyda Somaliland ay axsaabta siyaasada iyo xukuumadu ku galeen. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhawr goor oo waxii ka dambeeyey 2010 oo ay doorashooyinku ragaad sii noqdeen beesha caalamku Somaliland ku boorisay in ay doorashooyinka qabato khilaafyada jirana la dhameeyo iyaga oo soo jeediyey xalal badan oo dhawr ah. Markii dambena waxaaba ay noqdeen beesha caalamku juuri la isku dacweeyo oo hadba xisbiga mucaaridka ahi marka uu garawsho ka waayo xukuumada joogta uu xageega u cararo , taasi oo ah mid aan u wanaagsanayn jamhuuriyada Somaliland. Iyo dadkii Somaliland oo ka niyad jabay doorashooyinka ka dib markii gole kasta oo la doortay uu mudo xileedkiisii sharciga ahaa laban laab iyo in ka badan talada qaranka iska fadhiyo iyo waliba tabashooyin is badel la’aan oo kor usii kacaya , waana sababtii doorashooyinka ugu dambeeyey dadka loola baryayey in ay is diwaan galiyaan iyo in ay codeeyaan , waxaana tusaale nool ah marwalba tirada is diwaan galisa iyo inta codeysa farqiga weyn ee u dhexeeya. DOORASHOOYINKA ISKU SIDKAN EE SOMALILAND GASHAY 31-05-2021 IYO REJADA LAGA FILAYO. Somaliland waxa qabsoomay doorashadii 7aad ee dadwaynuhu si toos ah codkooda ugu codeeyaan uguna soo saaraan cidii ay rabaan marka laga reebo aftidii dastuurka ee lagu ansixiyey nidaamka dimuqaradiyadeed ee jamhuuriyada somaliland iyo habka axsaabta badan oo dastuurka dalku qeexayo taasi oo dhacday 31-05-2001 , waxaana labaatan jirsaday nidaamka dimuqaradiyadeed iyo doorashooyinka tooska ah. Doorashadani ugu dambaysay waxa ay ahayd mid ka duwan kuwaa hore sababta oo ah waa markii ugu horeysay ee doorasho labo gole ama laba doorasho hal mar la wada qabto , labadani doorasho oo dhaafay mudo xileedyadii dastuuriga in badan , taasi oo kaliftay in umadu isa soo taagto. Doorashadani waxa lagu hab qiiro wadaniyadeed iyo rabitaan shacab oo isbadel doon ah , waxaana laga filayaa in ay rejo iyo yidiidiilo waxa qabad muuqda yeelan doonaan dadka la doortay gaar ahaan goleyaasha deegaanka oo aad isha loogu hayaa. Waxa ay nooleeyeen sumcadii qaranka oo waxaa ina soo eegaya indhaha caalamka oo dhan iyaga oo ay yimaadeen goob joogeyaashii ugu heerka sareeyey uguna miisaanka cuslaa intii ay somaliland doorasho galaysay , taasi oo ku tusaysa sida somaliland loo danaynayo , iyada oo aynu og nahay in doorashooyin laga qaban kari laayahay dawladaha aynu jaararka nahay , qaarna ay qabsadeen doorasho muuqaal doorasho uun leh laakiin aan macnihii iyo ujeedadii laga doonayay jirin. Waxa sidoo kale abuurantay rajadii in doorashooyinku dhacaan oo mudadii ugu dambaysay qaranka ku keenay hoos u dhac dib u dhaca iyo mudo korodhsigii badnaa ee doorashooyinka , waxaana golaha wakiilada cusub laga sugayaa in ay xeerar badan oo ay kuwa doorashooyinku ugu horeeyaan hagaajin doonaan isla markaana xukuumada kula xisaabtami doonaan waajibaadyadii loo soo doortay. GEBO-GEBADII GUUD AHAAN DOORASHOOYINKA IYO WAXA AYNU KA DOONAYNO. 1- Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay noqdaan qaar xor iyo xalaal ah oo daah furan , oo dadka jamhuuriyada Somaliland u horseeda horumar , walaalnimo iyo is jacayl. 2- Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay dalka horseedaan nidaam siyasaadeed oo xasiloon oo leh hore u socod , sidoo kale dadka u horseeda is dhexgal iyo in ay afkaar ku midoobi karaan iyaga oo kala gobolo ah kala degmooyin ah , kala qabiil ah. 3- Doorashooyinka waxa aynu uga baahanahay in ay noqdaan qaar jamhuuriyada Somaliland ugu soo dara oo aan uga sii darin isla markaana halka uu dalku maanta taagan yahay meel ka wanaagsan gaadhsiiya. 4- Doorashooyinka waxa aynu uga baahanay in ay inoo soo saaraan hogaamiyeyaal iyo adeegayaal wanaagsan oo dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland mahadiyo . 5- Doorashooyinka waxa aynu ka doonaynaa in ay nooleyn iyo shidaal u noqdaan hanaanka dimuqaradiyadeed iyo nidaamka doorashooyinka ee axsaabta badan oo uu dalku hiigsado dunida horumartay dadkiisuna helaan xuquuqaha siyasadeed , nololeed , cilmiyeed , diimeed , dhaqameed , iyo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha lagama maarmaanka u ah. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed Muxamed Dhimbiil Hargeisa , Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay doorashada golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee dhacay 31-kii May, kuwaas oo shalay lasoo geba-gebeeyey shaacinta natiijooyinkooda. Wasiirka haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegtay in la baarayo sababta 82 kursi oo Baarlamanka Somaliland loo tartamay hal dumar ah looga waayay, sidoo kale 221 kursi oo golayaasha deegaanka ah ay haweenka uga heleyn keliya saddex xildhibaan deegaan oo kaliya. “Wasaaradda Haweenka, waxay si dhow ula socotay doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka qabsoontay Somaliland 31 bishii May, taas oo ku dhacday jawi nabad geliyo ah, Murashaxiinta golaha baarlamaanka Somaliland, waxaa kamid ahaa gabdho lahaa hami siyaasadeed oo doonayay in ay kamid noqdaan golaha wakiilada oo ka kooban 82 kursi, nasiib daro dhammaan kuraasta waxaa ku guuleystay rag oo qof dumar ah kuma soo bixin tartanka ayaa lagu yiri,” ayey wasiirka ku tiri qoraal ay soo saartay. Sidoo kale qoraal ay si gaar ah usoo dhigtay barteeda shaqsiga ee facebook ayey qeexid cusub ugu sameysay doorashada ayada oo tiri “Doorashada qof iyo codka ah ee Somaliland, 82 kursi oo Barlamanka loo tartamay hal dumar ah kama soo bixin . Sidoo kale 221kursi oo golayaasha deegaanka ah haweenku keliya waxay heleen sadex xildhiban deegaan.” Ugu dambeyn Wasaaradda Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo sababta ay ku dhacday in xitaa hal qof oo dumar ah ku guuleysanin in ay kamid noqoto baarlamaanka Somaliland oo ka kooban 82 xildhibaan. Doorashada ka dhacday deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ku tartamay xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani, iyadoona doorashada sanadkaan ku jirin wax haweyn ah, waxaana durba dhaliilay siyaasiyiin iyo xukuumadda Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Soomaaliland oo ku aadan arinta ay ka dhalatay hadal haynta badan. The post Wasiir ka tirsan DF oo sabab yaab leh u dalbatay baaritaan lagu sameeyo doorashadii Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta mucaaridka ayaa sheegay in dowladad ay isku hayeen saddex qoddob oo midkii ugu adkaa ilaa hadda aysan fulin. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in qoddobada ay cabashada ka gudbiyeen ay kamid ahaayeen arrinta Somaliland, gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inaysan xukuumadda Rooble ilaa hadda qoddobka saddexaad ka qancin Musharaxiinta. “Arrimaha doorashooyinka saddex qoddob ayaa la isku hayey oo aasaas u aheyd, qoddobka koowaad wuxuu ahaa arrinta guddigadoorashooyinka, qoddobka labaadna waxa uu ahaa arrinta guddiyada Somaliland iyo qoddobka saddexaad oo ahaa arrinta Gedo,” ayuu yiri. “Midowga Musharaxiinta tabashooyinkaas oo dhan wey la qabeen dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inta kale, laakiin waxaa gooni u aheyd arrinta laga qabo guddiyada doorashooyinka, waxaan liis u gudbinay 31-kii bisha dadkii ay ka qabeen tabashada, waxaas oo dhan waxay sal u yihiin inaysan dhici karin doorasho cadaalad ah, maadama ay yihiin dad u shaqeeya dowladda.” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku doodaya in ujeedka u weyn ee liiska cabashada ugu gudbiyeen ra’iisal wasaare uu yahay in liiska aysan kasoo muuqan xubno dowladda ka tirsan, maadama uu musharax yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo xiligan majaraha u haya dowladda. Waxa uu arrin lala yaabo ku tilmaamay in qaabka turxaan bixinta ay u mareen guddigii uu Rooble u magacaabay xalinta tabashada aysan ogeyn, wuxuuna shaki geliyay in xukuumadda ay cabashada ka qabeen ay haddan garsoor aan la ogeyn hanaankiisa ka noqoto arrintaas. “Hab raaca loo maray saxidaa mugdi ayaa ku jiraa, waa inay tix-gelisa dadka aragtida ka leh arrinta anaga keliya maaha, guddoonka labada aqal baarlamaanka iyo aqalka sarre cabasho ayey ka keenen. Waxkasta waa in daah-furnaan iyo si cad oo hufnaan leh u dhacaan,” ayuu yiri. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa kal hor oo saaka aheyd shaaciyey mowqifkiisa ku aadan natiijadii kasoo baxday guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray cabashadii ay ka qabeen guddiyada doorashada, kuwaasi oo 34-qof oo keliya dib loogu celiyay dhinacyadii soo gudbiyey markii ay baaris ku sameeyen. Arrinta guddiyada doorashada ayaa markale noqon karta mid caqabad ku noqoto fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho, kaasi oo dalka u jiheynayey dhanka iyo doorasho, kadib is-jiid-jiid muddo soo taagna. The post CC Shakuur: Qodobkii ugu adkaa saddexda qodob ee aan isku haynay DF lama fulin appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa si weyn u cambaareysay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay busteejo Gawaarida laga raaco oo ku taalo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Bayaan Maanta kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Qatar ayaa ku celisay mowqifkeeda ah inay si weyn u diidan tahay rabshadaha iyo falalka argagixisada iyadoo aan loo eegeyn ujeedooyinka iyo sababaha. Wasaaradda waxay sidoo kale uga tacsiyeysay qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay kuwa dhaawacmay caafimaad deg deg ah. Qaraxaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow isgoyska Ex Control Afgooye, waxaana ka dhashay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ay ku ganacsadaan dad shacab ah, isla markaasna laga raaco gawaarida, lamana oga illaa hadda bartilmaameedka qaraxaas. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, inkastoo qaraxyada noocaan ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Cambaareynta Qatar ayaa imaneysa xilli Qatar lafteeda horey loogu eedeeyey inay ku lug leedahay qaar ka mid ah weerarada argagixiso ee ka dhaca gudaha Soomaaliya. Bishii July ee 2019, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso. Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. The post Qatar oo war kasoo saartay weerar ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Laba Goobood oo ku yaalla Afrika oo Weliba Yurub leedahay Ceuta Reer Morocco waxay ugu yeeraan “Sebtah iyo Melilah”. Dunida inteeda kalana waxay u garanayaan inay yihiin xayndaabyadii Spain ee Ceuta iyo Melilla ee Waqooyiga Afrika. Waa labada goobood ee kaliga ah ee Yurub laga leeyahay oo ku yaalla Afrika– taasoo ah xaqiiqo siyaaasadeed iyo mid sharci oo haseyeeshee ay Moroko aysan aqoonsanayn iyadoo dalabaneysa in jasiiradahaasi iyaga gacantooda lagu soo celiyo. Bishii la soo dhaafay, tiro aad u badan oo muhaajiriin ah ayaa ka soo tallaabay xadka hal maalin gudaheed kuwaas oo gaarayay 8,000, oo u badan reer Morocco. Waxaa kale oo soo baxay in ilaalada xuduudda Marooko ay indhaha ka qarsadeen arrintaan oo ah jabin sharci. Dhacdadan ayaa si deg deg ah ugu xuub siibatay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa Spain iyo Morocco, taas oo dhalisay in dowladda Spain ay u dirto ciidamo ay ku xoojinayso dhulalkaas isla markaana raiisel wasaare Pedro Sanchez uu ku sifeeyo inay tahay arrintaan “dhibaato aan horay loo arag oo sanadihii la soo dhaafay u dhaxeysay Midowga Yurub iyo Morocco. Maaddaama ay dhibaatadaan soo ifbaxday, dadka reer Morocco waxay olole ka bilaabeen barta Twitter-ka, waxaana ay halkudhegyo ay uga dhigeen : “Ceuta iyo Melilla Spain ma ahan” iyo “Ceuta iyo Melilla waa Morocco – gumeysigii dhamaay”. Ciidamada Ispain oo ku howlan xakameynta muhaajiriinta ee Ceuta iyo Melilla Warbaahinta Carabta ayaa warbixino ka qoray dhacdoyin fool xun oo ka dhacay gudaha Ceuta oo muujinayay rabshado udhaxeeya mudaharaadayaasha Spain ee diidan tahriibka iyo haweenka Muslimiinta ah ee asalkoodu yahay Morocco-kaan. Qof ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “kuwaani muhaajiriin maaha waxay joogaan dalkooda” Gumeysi Yurub Spain, sida dalalka kale badankood, waligeed ma aqoonsan sheegashada Morocco ee dhulkaas. Maxkamad ay Spain leedahay ayaa Talaadadii diiday inay amarto in la xiro Mr Ghali oo u ololeeyanaha madax banaanida jasiiradahaasi iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal maadama sida ay sheegtay maxakamddu aan caddeyn loo haynin dambiyada lagu eedeyay. Brahim Ghali Balse waxaa jirta gudaha Morocco arrin dadku ka mideysanyihiin ah oo ah in dhulka galbeedka Saxaraha sida ay u aaminsanyihiin in Morocco uu ka mid yahay ay aaminsanyihiin in Ceuta iyo Melilla yihiin dhulkooda. Ka hadalka xaaladda labada magaalo ayaa isa soo tarayay xilliyadii dambe gaa rahaanna marka ay soo kordheen xaaladaha tahriibka. Sheegashada Moroccan ee dhulka ayaa u muuqata mid micno sameynaysa.Degaannada ayaa ku yaalla ciida Afrika, halka Spain-na ay ku taallo Yurub. Waxay u egtahay xaalad tusaale cad u ah gumeysigii reer Yurub. Xasuustii bahdilkii loo gaystay Muslimiinta Carabtu waxay ku tilmaameen magaalada Ceuta in ay qabsadeen Muslimiinta jasiiraddii Iberia qarnigii 8-aad.Dekedaha dib ayaa looga qabsaday goor dambe waxaa loo yaqaan ‘Reconquista’ waa ololihii millatari ee looga saaray Muslimiinta halka hadda loo yaqaan Spain iyo Boortaqiiska. Melilla waxaa qabsaday Spain qarnigii 15-aad – isla mudadaas Christopher Columbus wuxuu sahan u aaday Mareykanka wuxuuna wadada u xaarayay gunaanadkii gumeysigii reer Yurub ee Waqooyiga iyo Koonfurta Mareykanka . Waxay ku hoos jirtay gacanta Spain qarnigii 16-aad. Dadka Muslimiinta ah, ee Ceuta iyo Melilla waxay u tahay xusuus xanuun badan jabkii iyo bahdilkii Muslimiinta ee ay kula kaceen saraakiishii reer galbeedka iyo kuwii Masiixiyiinta ahaa. “Waa dhul Muslim inta ay arrintu sii socotana ,waa nabar duug ah oo dadka qaar ay u maleynayaan inuu bogsaday, balse wuxuu sii wadaa dhiig baxa mana jirto daawo kale oo aan ka aheyn dib u qabsashada,” waxaa sidaa dareenkaas ku daabacay mid ka mid warbaahinta Carabta. Dagaalyahanno reer Morocco ah oo Isbaanishka kula diriray 1909 agagaarka Melilla Xitaa Shabakadda Wikipedia ayaa ku tilmaantay labadaan magaalo in ay yihiin magaallooyin ka tirsan dalka Morocco balse ay Spain maamusho. Si kastaba ha noqotee, inkasta oo Morocco ay dagaal u gashay inay qabsato Galbeedka Saxaraha ka dib markii Isbaanishku faaruqiyeen dhulkaas sanadkii 1975, hadafkoodii ahaa inay dib ula wareegaan gacan ku haynta Ceuta iyo Melilla waxay ahayd tii ugu fiicnayd. Morocco waxay ku fashilantay in ay arrintaas si caalami ah u wajahdo . Xayndaab ayaa kala qaybiya Melilla iyo Morocco ,Yurub iyo Afrika Xiligaan la joogo oo maanta ah Spain waxay gabi ahaanba diiday in wada hadal kasta iyo gorgortan laga galo labada magaalo, waxayna ku adkeysaneysaa inay Spain leedahay magaalooyinkaan muddo shan qarni ka badan. Balse Mr Bennis wuxuu su’aal ka keenay sheegashada Spain ma tahay mid ku saleysan taariikh iyo sharci . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha arrimaha gudaha iyo warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska. Ra’iisal wasaaraha ayaa agaasimaha guud ee arrimaha gudaha u magacaabay, Mudane Saciid Cabdullaahi Calasow, halka uu warfaafintana u magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, wareegto uu soo saaray Rooble ayaa Xayir loogu magacaabay xilkaas, isagoona lagu bedelay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Naasir Xuseen. “Kadib markii uu tix-geliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Rooble waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay mudane Saciid Cabdullaahi Calasow,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda. “Sidoo kale Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Xuseen Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale.” Caasimada Online ayaa xalay baahisay xogta magacaabista agaasimaha guud ee warfaafinta oo aheyd mid hoose, hase yeeshe uu goordhweyd si rasmi ah u shaaciyey xafiiska ra’iisal wasaaraha, isagoo uu ku soo lifaaqay agaasimaha cusub ee arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisinta. Xayir ayaa horay u soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga ayaa xalay loo magacaabay xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, kadib cadaadis ka yimid dhanka madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha. Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa aad u dhibsaday hanaanka tafaftir ee ay qaadatay warbaahinta qaranka oo tan iyo markii mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada uu wareejiyey madaxweyne Farmaajo si siman u tebineysay wararka mucaaradka iyo muxaafidka. Nidaamkaan dhex-dhaxaadka ah ayaa la sheegay in xafiiska Farmaajo uu u arko mid caqabad ku noqon kara ololihiisa doorashada, maadaama doorashada soo socota kaalin muhiim ah ay ka cayaari doonto warbaahinta. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku dareysaa in qorshaha is bedelka lala damacsan yahay wasaaradda warfaafinta uu intaas ka balaaran yahay, waxaana socda qorshe Agaasimaha cusub uu xilalka uga qaadi doono agaasime waaxeedyada TV-ga, Raadiyaha iyo Wakaaladda SONNA. Arrintaan ayaa waayahaan aad isha loogu wada hayey, maadaama is bedel badan oo dhanka tafaftirka ah laga dareemay warbaahinta qaranka oo si siman u qaadaneysay wararka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee mucaarad iyo muxaafidba. The post R/W Rooble oo magaacabay laba xil oo cusub, kuwa kalena ka qaaday + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka. Labada xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Labada Xisbi ayaa magacaabay guddi 10 xubnood ka kooban oo ay ugu magacdareen guddiga isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ee hoggaaminta hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Somaliland oo sameystay isbahaysi siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa lasoo gabagabeeyey guud ahaan doorashadii golaha wakiillada Somaliland iyada oo aaney guuleysan wax haween ah. Natiijada lagu dhawaaqay 82 kursi ee golaha wakiillada dhammaan waxaa kusoo baxay rag halka 13 haween ah oo tartamay aaney wax jago ah helin. Xisbi Waddani ayaa aruursaday 31 kursi, Kulmiye 30 halka UCID uu helay ilaa 21 kursi. Sharciga Somaliland ayaa ogol keliya saddex xisbi siyaasi. Xisbiga Waddani waxaa uu 7 kusri ka helay Togdheer halka labada xisbi ee kale ay heleen mid 4 kursi. Kulmiye waxaa uu 8 kursi ka helay Maroodijeex iyo caasimadda Hargeisa iyada Waddani ka heleen 7, UCID-na 5 kursi. Kulmiye waxaa uu ku awood badnaa Sool, Sahil iyo Maroodijeex, Waddani waxaa uu ku awood batay Togdheer iyo Sanaag halka ay qeybsadeen Awdal. Ilaa 1.1 million ayaa isku diiwaan gelisay doorashada Somaliland laakin waxaa codadkooda ka dhiibtay doorashada baarlamaaniga ah ee Somaliland 695, 915. Barkhad Batuun, oo kasoo jeeda Gabooye ninka 2-aad ee codadka batay, waxaa uu helay 200,000, waxaa codadka ugu badan helay wiilka uu dhalay fannaankii weynaa ee Cabdikarim Maxamed Mooge Cida-gale ah uu noqday xildhibaanka helay codadka ugu badan oo ahaa 26 kun. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADANI ayaa ku dhawaaqay in ay sameeysteen isbaheeysi siyaasadeed . Labada Xisbi Mucaarad ee ayaa sheegay in ay isbaheeysigooda ay ku qaybsanayaan shirguddoonka Wakiillada iyo Maayirada Magaalooyinka Somaliland . Hoos ka akhriso heshiiska iskaashiga labada xisbi Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Amniga waddanka Jordan ayaa weeraro hubeysan kula kulmay caasimada Cumaan, sida ay masuuliyiintu sheegeen ka dib markii ay isku dhaceen taageerayaasha xildhibaanka laga mamnuucay baarlamaanka iyo Booliiska Xildhibaan Osama al-Ajarma, ayaa laga mamnuucay sharci dejinta muddo sanad ah dabayaaqadii bishii hore ka dib markii uu ku aflagaadeeyay meyd khudbad uu jeedinayay mudaaharaadayaasha xubnaha qabiilkiisa. Warbixin gaar ah oo ay daabacday wakaaladda laamaha amniga ayaa lagu sheegay in afar xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga oo la tacaalayay rabshadaha ka dhacay aagga Naour ay ku dhaawacmeen iyaga oo isku dayaya inay joojiyaan rabshadaha PUNTLAND POST The post Ciidamada Jordan oo la kulmay weeraro hubaysan appeared first on Puntland Post.
-
Taariikh baa is qortay. Labada mudane ee deegaanka iyo baarlaman ee Gobolka M/jeex iyo guud ahaanba SL u gu codka badani waa Mooge iyo Batuun. Hadii magac lagu aqoonsado doorashadaasi ay yeelan doonto, sidii tii 1968 ba Food Qasaaray loogu magac-bixiyay, waxa ay tani ku diiwaan geli doontaa – Doorashadii Mooge iyo Batuun. Labadan nin sababta ay doorashadoodu micnaha goonida ah u leedahay waa saddex xaqiiqo oo aan cid kale la wadaagin: (1), Codka tirada badan ee ay ku soo baxeen xaafad gooni ah ama jifo gaar ahi ma bixin. Sababtaas darted ayaa musharaxiintii beeluhu aanay u dhaafin dhawrkii kune e macruufka ahaa. (2), Labadan nin oo muddo dheer soo dhisaayay dhaqdhaqaaq shacbi, oo dhalinyaro u badan, oo qorshe iyo hadaf cayiman leh, hadafkaas oo doorashadoodu ay talaabadii 1aad u tahay. Shacbi rajo xumo dilootay mar uun buu heeryada tuuraa, meel uun baanay ka bilaabataa. (3), Labaduba in aanay samaysan, oo maalinna isku halayn, oo maalin na ka ag muuqan odayaal beeleed iyo dilaaliin siyaasadeed oo ku sheegta in ay yihiin musharaxa beesha Reer Qansax/qudhac/galool ee la isku raacay. Jidkaas oo ahaa kii lagu soo bixi jiray waa ka weecdeen, waxayna jeexdeen jid kale, kaas oo dadka badankood u gu muuqday mid qalalan oo aan waxba laga dheefayn, ay se cadaatay taas caksigeedu. Jidkoodu ma ahayn mid qalalan, dadku na ma aha dhagxaan. Haa, dhagxan iyo geedo toona ma aha ee waa dad, waanay cadeeyeen in ay dad yihiin. Wax baa loo sheegay, waanay u guuxeen, wayna codeeyeen. Hadda ciddii loo codeeyay ayuu waajib dul yaallaa. Hambalyo Mooge iyo Batuun. Hambalyo Doorashada Mooge-Batuun 2021. W/Q Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa waxay hadda magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen isbaheysi cusub, kadib ku dhawaaqistii natiijadii u dambeysay ee doorashooyinka Somaliland. Labada Xisbi ayaa isbaheysigan cusub u magacaabay hogaan isku-dhafan oo ka tirsan Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeynayaan sidii labada xisbi ay u hanan lahaayeen hogaanka golaha wakiilada iyo deegaanada. Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood, kuwaasi oo min 5-xubnood ay soo magacaabeen hogaanka xisbiga Waddani iyo Ucid. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Hogaanka labada xisbi ayaa isku raacay in hogaanka u sarreeya ee golaha wakiilada iyo midka degmada Hargeysa laga faro maroojiyo xisbul xaakimka Kulmiye oo muddooyinkiid dambe hogaanka u hayey. Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hogaaminayey doorashadii golaha wakiilada iyo deegaanka ee dhawaan ka qabsoomtay, waxayna ka dhigan tahay inuu isbaheysi cusub la sameystay xisbiga Ucid inuu aqlabiyada ugu badan ka helayo hogaanka golaha. Xisbiga Ucid ayaa asaguna xubno ku leh golaha wakiilada iyo deegaanka, waana midda keentay in xisbiyadu sameystaan isbaaheysi cusub oo la isku gaashan-buureysanayo si ay u hantaan guddoonka iyo guddoon ku-xigeenka golaha wakiilada iyo hogaanka degmada Hargeysa. Waxaa xusid mudan in doorashadii golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex iyo degmada Hargeysa ay codad tiro badan ku hogaaminayeen musharaxiinta ka tartamayey xisbiga Waddani. Hoos ka aqriso magacyada guddiga isbaheysigan cusub The post DEG DEG: Xisbiyada mucaaridka S/L oo ku dhawaaqay isbaheysi cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si adag kaga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u saaray soo turxaan bixinta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka, kadib markii ay soo saareen 34 xubnood oo ka mid ah guddiyadaasi oo gabi ahaanba liiska laga soo saaray. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aan laga talo-gelin xubnaha ay xukuumadda shaacisay ee laga saaray guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo ka mid ah xubnaha cabashada laga keenay, walow kuwa kale ay weli ku jiraan guddiyada. “Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha, ayuu yiri CC Shakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in weli guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan xubno ka mid ah hay’adda NISA, gaar ahaan kuwa ka tirsan dharcadda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan,” ayuu raaciyey. Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu hannaan daah-furan u maro xallinta tabashooyinka jira. “Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay,” ayuu markale yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Si kastaba, dhawaan ayey aheyd markii xubnaha golaha middowga musharaxiinta ay ra’iisul wasaare Rooble usoo gudbiyeen illaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in aysan dhexdhexaad aheyn. The post Maxaa iska bedalay go’aankii midowga musharraxiinta ee guddiyada doorashooyinka? appeared first on Caasimada Online.
-
.Madaxweyne Biixi Oo Xalay Ka Ergeeyey Inay Isku Tanaasulan Saddexda Xildhibaan ee Kulmiye ka soo Baxay Una Taagan Musharaxnimada Maayirnimada Berbera iyo Natiijo La’aan uu ku Soo Dhamaaday Kulankaasi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa qaabilay Xildhibaanada xisbigiisa ka soo baxay ee u taagan Maayarnimada Berbera oo kala ah Maayirka dib loogu doortay Xildhibaanimada golaha deeganka Berbera, Cabdishakuur Cidin, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf iyo Xildhibaan Cabdirashiid Nuur Wacays oo saddexduba hore u shaaciyay hankooda maayirnimo. Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay saddexda Musharax ee Xisbigiisa oo u taagan Maayirnimada Berbera ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan iyadoon la isku afgaran. Madaxweynaha ayaa soo jeedintisasi uu Musharax kastaaba dhankiisa uga biyo diiday si adag isagoo mid walbaba ka gows adaygay soo jeedinta Madaxweynaha. Ilo xog ogaal ah oo ka agdhow Madaxtooyada ayaa ii xaqiijiyey in Madaxweynaha Somaliland u sheegay musharaxiinta hadii ay isku taanasuli waayan ay dhici karto inay fursadaas kala qaybsanaanta musharaxnimada Maayirnimo ee Xildhibaanada Kulmiye ay ka faa’ideysan karaan mucaaridku. Kulanka ayaa qaatay saacado dhawr ah iyadoo hadalka iyo dooda saddexdan Musharax ee hanka Maayirnimada Berbera leh kululaatay dhawr jeer, wuxuu Madaxweynuhu u soo jeediyey in kulan danbe la iskugu imaado oo Musharax kastaaba dib u soo tashado kana soo fakaro soo jeedinta Madaxweynaha. Hirdanka Maayarnimada Berbera ayaa cirka isku shareeray isla markii la yeedhiyay liiska hordhaca ah ee Xildhibaanada golaha deeganka Berbera oo Xildhibaanada Kulmiye ka soo baxay iyo kuwa axsaabta mucaaridka ka soo baxayba bilaaben Faqa iyo kala xodxodashada Xildhibaanada cusub si ay u dhabeeyan hankooda Maayarnimo. Lama oga waxay noqon doonto jawaabta saddexdan Xildhibaan ee Kulmiye ka soo baxay una taagan Maayarnimada Berbera ay dib ugu celin doonan Madaxweynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Weriye Luqmaan Maxamed Faarax. Source
-
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka hadlay guuldarrada Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashooyinka dalka ka qabsoomay islamarkaana bogaadiyay Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani. Waxaan hambal yaynayaa shacabka soomaliland guusha doorashada awgeed Waxaan sigaara uhanbalyaynayaa. Labada xisbi ee ucid iyo wadani oo guulwayn kasoo hooyey Doorashadii inoo qabsoontay Markii daraawiishtii jabtay ninbaa gabyey oo yidhi Daaduunka seyid maxamed qabo Waan kudiirsadaye Baldayaay wadaadkii waakaa siidabayshadaye Alaylehe orgigii cali guray sheegay ee muuse Urarnaa jiilaal xunbaa helay Source
-
Ninkii hadlayaaba ha iska hadlee, alleylehe Hargeysi way hadashay. Xadiga cododka xad dhaafka ah, ee xildhibaan Barkhad Batuun iyo C/kariin Axmed Mooge, maanta ay heleen, waa kuwo ugub ku ah saaxada doorashooyinka goloha wakiilada iyo golaha degaanka jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa hubaal ah, in arrintani ka turjumayso bilowga iyo balaysinka bisaylka bulshada reer Hargeysa. Sidookale, waxay ka turjumaysaa boholyoowga iyo baahida loo qabo xildhibaano qaran, oo aan lagu soo dooran isirkooda iyo ardaayadooda. Hasayeeshee, lagu soo doorto aragtidooda, aqoontooda, iyo iimaankooda. Eebe mahadii, tani waa talaabo loo qaaday xagga wanaagsan. Beynoow!, saaka ayuun baan arkaa in uu hirgalay, halku dhigii hagaasay ee aanu adeegsan jirnay, odayadayadii reer Kulmiye xilligii ololaha doorashada madaxtooyada 2017-kii, kaas oo ahaa (Horaa loo soconayaa) iyo (Bari maanta ka fiican) . Hambalyo bulshada Somaliland. Hambalyo labadan xildhibaan, iyo kuwa kale ee guulaystayba. Ninkii hadlayaaba hayska hadlee, alleylehe Hargeysi way hadashay. Ha beenaan baan leeyahay. Dareenkani waa fariin cad oo ka timi cod bixiyayaasha caasimada dalka waxaan leeyahay haldoorku wuu garanayaa, hasayeeshee hebed, hiin-raac, hanfade iyo nin hunguri qaatay oo dan gaar ah ku haliilayaa toona loo sheegi maayo. Ugu danbayn, waxaan leeyahay saaxiibaday xil Barkhad iyo C/kariin, taageerayaashiinii u badnaa da’yarta waxay xaqiijiyeen hamigoodii, waxay rumeeyeen riyadiinii iyo rajadiinii siyaasadeed. Balse nimay ku hadhay ayay hawli haysaa, ee waxaa si weyn loo eegayaa sida aad uga abaal-celisaan codadka amaahda ah ee la idin siiyay. Taas oo nasiib wanaag aanay asaagiin helin. Saaxiibayaal, murti soomaaliyeed baa tidhaahda (nasab waa kii abaal guda). W/Q : Ex Wasiir Maxamuud Xaashi. Source