Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Fadeexada Foosha xun ee soo baxday+Sidii Xoolaha Umadda loo dhici jiray. Saaka waxan ka qayb galay qandaaraaskii u horeeyey ee Dawlada Hoose Hargaysa(DHH) samayso. Qandaraaskan oo ahaa shidaalka waxa amray Maayarka iyo Maayarku xigeenka, waxa fuliyey gudida qandaraasyada DHH. Qabashada qandaraaskani wuxu DHH u suuro geliyey inay saxaan qiimihii shidaalka laga siin jiray. Hore waxa laga siinayey Diesel 15000SLSH iyo Petrolka 16000SLSH, imikana waxay ku helayaan Diesel 6100SLSh iyo 6400SLSH. Reer Hargaysow waxa hesheen maamul cashuurta la idinka qaado idiin ilaalinayee u soo duceeya. Waxa xusid mudan qiimaha hore iyo ka danbe ba waa isku Kaalin Waxay arintani ku tusaysaa sida ay Aaran Dubato u boobi jireen dalka. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta war kasoo saaray natiijadii doorashada Ethiopia, taasi oo uu ku guuleystay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada. Farmaajo oo ugu horeyntii guushaas ugu hambalyeeyay Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku macneeyay natiijada doorashada Ethiopia mid uu Abiy Ahmed “muddo xileed kale oo awood badan kaga helay” shacabka Ethiopia. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta xukuumadda Abiy Ahmed si loo sii xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladooda iyo shacabka labada dal. “Waxaa si diirran ugu hambalyeynayaa PM Abiy Ahmed, Soomaaliya waxay sii wadi doonta la shaqaynta dowladdiisa (xukuumadda Abiy) si loo sii xoojiyo xiriirkeenna laba geesoodka ah, si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.” “Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane PM Abiy Ahmed,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka. Guushan la shaaciyey ee doorashada Ethiopia, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah. Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia. The post Madaxweyne FARMAAJO muxuu ku macneeyey guusha Abiy ee doorashadii Ethiopia? appeared first on Caasimada Online.
  3. Haweenaydii ugu horraysay ee Soomaali ah ee Addis Ababa xildhibaan ka noqota Saxarla Cabdullaahi Bahdoon Saxarla Cabdullaahi Bahdoon, wasiiru dowlaha arrimaha Caafimaadka dowladda Federaalka ee waddanka Itoobiya ayaa inta la og yahay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loogu doorto magaalada Addis Ababa. Waxa ay ku soo baxday xildhibaanka xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah. Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku tartamaysay tigidhka xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah. Waa qofma Saxarla? Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF. Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi. Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay. Saxarla Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo laayahayba. Waxa ay xiriiriye iyo fuliyaba u aheyd mashruuc kor loogu qaadayay dakhliga haweenka soo gala, mashruucaas oo ay fulinaysay hay’ad maxalli ah, markaas oo ay ku guulaysatay inay dhaqaale u soo xarayso hay’adda ayna xaqiijiso in haweenku ay helaan barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadooda sidoo kalana lagu horumarinayo bulsho ahaan iyo karti ahaanba. Dhanka kale waxa ay Saxarla wax ka qabatay oo ay horumarisay barnaamijyada nadaafadda iyo fayadhowrka bulshada iyadoo horumarisay caafimaadka iyo tallaabooyinka loogaga hortagi karo cudurrada. Taariikhdeeda siyaasadda 2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan. Shantii sanadood ee ay ka tirsanayd baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, Saxarla waxa ay aheyd gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee baarlamaanka. Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika. 2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hogaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi. Saxarla Cabdullaahi Bahdoon Doorashada Itoobiya: Abiy Ahmed oo ku guulaystay aqlabiyad wayn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu ku guulaystay aqlabiyad wayn oo uu ka helay doorashooyinka dalkaasi ee dibka loo dhigay, waxaa sidaasi Sabtidii sheegay guddiga doorashooyinka. Guddiga ayaa sheegay in xisbiga Mr Abiy ee Prosperity Party uu ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, shan meelood oo meel dalkaasi ayaanay doorasho ka dhicin dhibaatooyinka dhanka farsamada ah iyo ammaan xumo awadeed. Doorashada ayaanay ka dhicin gobolka Tigray ee ay colaaddu ka taagan tahay, halkaas oo kumannaan kun oo qof ay ku nool yihiin xaalad macaluul ah. Doorashooyin kale ayaa waxaa loo asteeyay in 6-da bisha Sibteembar lagu qabto deegaannada aanay doorashadu ka dhicin, hasayeeshee taariikh looma astayn doorashada gobolka Tigray. Doorashada ayaa markii horaba waxaa dib loogu dhigay cudurka safmarka ah ee Covid-19 awadii. Mr Abiy, oo ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu codbixintan ku tilmaamay “doorasho taariikhi ah oo loo dhan yahay”. Xukuumad cusub ayaa waxaa la filayaa in la dhiso bisha Oktoobar. Sikata oo uu xaalku ahaadase, waxaa jira walaac laga qabo hufnaanta doorashada. Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay ka cawdeen in baacsiga dowladdu ee saraakiisheeda uu hakiyay qorshihii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen doorashada. Berhanu Nega ayaa sheegay xisbigiisu, Ethiopian Citizens for Social Justice, uu gudbiyay in ka badan 200 oo cabasho kaddib markii korjoogayaashiisii ku sugnaa dhowr gobol ay hor istaageen saraakiisha maxalliga ah iyo maleeshiyaadba. Qaran News
  4. GALKAYO (HOL) - Armed men shot dead two siblings and their father in Galkaayo Saturday night under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
  5. Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Buulo-Burde taliyaha qeybta 27-aad, Jeneraal Tareedisho iyo Saraakale kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo ku sugnaa degmadaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Buulo-Burde ayaa ujeedkiisa u weyn yahay ka qeyb-galka munaasibada daah-furka taliska qeybta 27-aad oo laga dhigay degmadaas iyo dar-dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Odowaa ayaa inta uu ku sugan yahay Buulo-Burde waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Saraakiisha ciidamada, oo uu kala hadli doona dar-dar gelinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysanayey gobolka Hiiraan. Socdaalka Jeneraal Odowaa ayaa kusoo aadaya xili uu shalay madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle gaaray degmada Buulo-Burde, oo kulamo kula qaatay maamulka iyo odaayasha degmadaas. HirShabeelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hogaanka maamulkaasi, fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar iyo dagaalka Al-Shabaab. The post Jeneral Odowaa oo ka degay Buulo-Burde iyo Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  6. Beijing (Caasimada Online) – China ayaa maanta wacad ku martay inay aargudan doonto, waxayna sheegtay inay “si xooggan uga soo horjeeddo” in 23 shirkadood oo dalkaas laga leeyahay lagu daro liiska madow ee dhaqaalaha ee Mareykanka, sababo la xiriira tuhunno xadgudubyo xuquuqda aadanaha iyo xiriiro militari. Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku daritaanka hay’adahan ee liiska “ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha” iyo “caburin aan sabab laheyn” oo lagu sameeyey shirkadaha Shiinaha. Beijing “waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso xuquuqda sharciga ah iyo danaha Shiinaha,” ayey tiri wasaaradda, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay. Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Jimcihii 14 shirkadood iyo hay’ado kale ku dartay liiska madow ee dhaqaalaha, ayada oo sheegtay “inay ku lug leeyihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo fulinta ololaha Shiinaha ee caburinta, wadar xabiska iyo ilaalo ka haynta qowmiyadaha Uyghurs, Kazakhs iyo xubnaha kale ee muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.” Beijing waa ay beenisay eedeymahan xadgudubyo. Shirkadaha lagu daro liiska madow ayaa badanaa waxaa looga baahan yahay inay ruqsad weydiistaan Wasaaradda Ganacsiga, waxayna wajahaan baaritaan dheer marka ay doonayaan fasax ay qalab kaga iibsadaan shirkadaha Mareykanka. Washington ayaa sidoo kale liiskan ku dartay shan hay’adood oo ay sheegtay inay si toos ah u taageeraan barnaamijyada casriyeynta ee militariga Shiinaha. REUTERS + VOA The post China oo wacad ku martay in ay ka aargudan doonto tallaabo uu qaaday Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  7. Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xooggaga Al-Shabaab ay ku beegsadeen bar-koontarool oo ku taalla wadada aada dhinaca xigta magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana xigay iska hor imaad ka dhacay halkaasi. Ilo deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in halkaasi lagu dilay hal askari oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa goobta, waxaana wararka ay intaasi kusii darayaan in raggii weerarka qaaday ay horey u sii qaateen qorigiisa oo ahaa AK47. Sidoo kale waxaa goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha dmagaalada Balcad. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta ka baxsaday dagaalyahanadii ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka geystay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaas iyo howl-gallada ka dambeeyey. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarkan wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay laba jibaareen howl-gallada iyo dhaqa-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay BALCAD appeared first on Caasimada Online.
  8. Iyada oo ra’isul wasaare Maxamed Rooble uu haatan ku sugan yahay Jubbaland isla markaana uu booqasho ku tagay Kismaayo iyo Garbahaarey ayaa waxaa muuqato in kalsooni darrada labada magaalo ay cirka isku shareertay, iyada ay jiraan odeyaal xirxiran, mas’uuliyiin loo diiday iney tagaan Kismaayo iyo Garbahaarey iyo arrimo kale. 4-tii maalin ee ugu dambeysay waxaa dhacay arrimo tusaale u ah in labada magaalo ay weli ka jirto xurguf iyo kalsooni darro isla markaana fogtahay doorasho wadar-ogol ah. Khamiistii, waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo laga soo celiyey diyaarad uu saarnaa lataliyaha Farmaajo ee dhanka doorashada Cabdi Cali Raage, ninkan ayaa ahaa musharax xildhibaan doorashadan 2021-ka. Dhanka kale, waxaa maalin kadib iyada Garbahaarey laga celiyey diyaarad uu la socday musharaxa gudoomiyaha degmada Garba-haareey ee garabka madaxweyne Axmed Madoobe Cabdullaahi Cabdi Jaamac. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya iney jiraan 8 odey oo safar loo diiray, oo weliba ay intaas dheertahay odeyaal ku xirxiran Garbahaarey oo uu ku jiro Nabaddoon Ibaraahim Guuleed oo reer Siyaad ah iyo qaar kale. Arrimahan dhacaya waxaa ay imaanayaan iyada 9 maalin ay ka hartay doorashada aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (PP News Desk) — Al-shabaab, the proscribed Somalia-based terrorism outfit, had put pressure on families and relatives of some of convicted terrorists whom Puntland State executed by firing squad several weeks ago in Galka’yo, Garowe and Qardho. Men claiming to be elders and relatives of the executed men have spoken to the media and claimed “their sons were framed up and tortured to confess to crimes they had not committed in the first place.” A Puntland Martial Court spokesman said that they had conducted thorough investigations into all cases and interviewed key members of Al-Shabaab ringleaders in North Galkayo before implementing death sentences passed by the court. An elder from Beledweyne accusing Puntland of miscarriage of justice “Top ringleaders of the convicted terrorists belonged to Puntland clans. As we know Al-shabaab recruits from all Somali clans stealthily. Al-shabaab assassins and assistant assassins do not care clan identity, age or reputation of their targets once they have received the green light to murder innocent people” a security analyst told Puntland Post. “We have to commend Puntland for putting terrorists on trial. Al-shabaab has sponsored men who claim that Puntland has executed innocent people from Southern Somalia” said a traditional leader from Galmudug. Sanyare: “We are at war with terrorists.” Puntland-appointed Mudug Governor Abdilatif Sanyare rejected accusations that Puntland had executed innocent people. “We are fighting terrorists. We are not at war with Somalis. We will not be intimidated by statements from people whom Al-shabaab instructed to hold press conferences to defend convicted terrorists recruited and funded by Al-shabaab to open a butcher’s shop as a cover for terrorist operations ” said Sanyare. © Puntland Post, 2021 The post Al-shabaab Sponsors “Fake Outcry” Against Puntland Counterterrorism Measures appeared first on Puntland Post.
  10. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareeray xiisadda doorashada guddiga doorashada SIET ee reer waqootiga ee ka dhacaysay caasimadda Muqdisho. Arrintan ayaa timid kadib markii sabtidii garabka ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay si iskood ah u doorteen guddoon SIET, tiiyoo jawaab looga dhigay in garabka kale ee guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ay isuguna doortaan guddoon kale oo SIET ah. Garabka Mahdi Guuleed, oo ahaa 7 xubnood ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka Najiib Xuseen Samaale ay u doorteen guddoomiye ku xigeenka guddiga. Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in guddiga doorashada qabtay aanay qeyb ka aheyn xubnihii uu soo magacaabay gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillahi . Tallaabo lagu tilmaamay mid jawaab u ah isla shalay galab, saacado kadib, doorasho ay qabsadeen SIET-ka Somaliland garabka Guddoomiye Xaashi ayaa loo doortay guddoomiye Suleymaan Caydiid Cismaan halka ku xigeen loo doortay Cabdishakuur Abiib Xayir. Khilaafka labada garab ayaa cirka isku shareeray iyada oo doorashada aqalka sare ay naga xigaan wax ka yar 10 maalin, ismariwaaga labada dhinac ayaa salka ku haya iyada oo kooxda Mahdi Guuleed oo ku xiran Villa Somalia ay doonayaan sadbursi dhan walba. Dhankiisa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weli harsan yihiin labo qodob oo kala ah (1). Halkee lagu qabanayaa doorashada waqooyi (2). doorashada guddoonka SIET. Mudane Samatar waxaa uu intaa raaciyey in garabka Guuleed ay doonayaan iney guddoonka qaataan halka kuwa madaxabannaan ay doonayaan ay doonayaan in dhexda la dhigo, waxaa kale oo ku daray in Afisyooni in lagu qabto, oo AMISOM iyo booliis ilaaliyaan ay cid walba raalli ka tahay halka Villa Somalia ay dooneyso Iskoolka Booliiska si ay u maamasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xulka kubbadda cagta Argentina ayaa xalay ku guuleysay koobka Copa America, kaddib markii uu 1-0 uga adkaaday xulka ay xifaaltamaan ee Brazil. Ciyaartii kama-dambeysta ee koobka Copa America ayaa ka dhadcay garoonka Maracano magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, waxayna Argentina goosha uga mahadcelinaysaa Angel di Maria oo dhaliyay qadiiqadii 22-aad. Argentina ayaa koobkan ku guuleysatay 28 sano kadib, halka Lionel Messi uu soo afmeeray koobkii la’aantii caalamiga ahayd ee uu la raadinayay dalkiisa. Xiddigihii ugu fiicnaa koobka Copa America ayaa waxaa ku guuleystay Lionel Messi iyo xiddiga Brazil ee Neymar. PUNTLAND POST The post Argentina oo 28 sano kadib ku guuleysatay Copa America appeared first on Puntland Post.
  12. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jaawabay beesha Murusade oo dhowaan soo saartay digniin ku aadan rag siddeed ah oo ay Puntland ku xukuntay dil toogasho ah. Sanyare oo ka qeyb-galayey munaasabad gaar ah oo ka dhacday Mudug ayaa shaaca ka qaaday in dadka u doodaya xukumanayaasha ay soo adeegsadeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay, isla-markaana ay doonayaan inay difaacaan rag ‘dambiileyaal ah’. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan laheyn cadow aan aheyn Al-Shabaab, isla-markaana uusan jirin qabiil gaar ah oo uu dagaal kala dhexeeyo. “Nimanka hadda loo qeylinayo 2012-kii ayey Gaalkacyo yimaadeen, Shabaab ayaa kawaanka u furay dadka laaya iyaga yiri, bistooladaha iyaga ayaa u geday. 2012-kii ninkii ay ugu dambeysay baa Shabaab wuxuu yiri shir jaraa’id qabta oo waxaad tiraahdaan wiilal baa Gaalkacyo noolaga heestaa waxaa Shabaab aheyn oo aan cadow nahay ma jiro,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland. Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku gacan seeray dalabka ka soo yeeray beesha Murusade, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan sii deyn doonin ragga haatan la xukumay ee loo heesto inay ka tirsan yihiij kooxda Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in cid kasta oo ay maxkamaddu xukunto ay tahay in lagu fuliyo xukunka lagu riddo markaasi. “Dambiile Shabaab ah inta qabano qabiil u siidayn-mayno luqadaha Argagixisaday ka mid tahay inay dadka adeegsadaan fariimaha ay rabaana ay dhex-marsadaan, cid kasta oo ay maxkamaddu xukuntana waa fulin,” ayuu hadalkiisa raaciyey gudoomiye Sanyare. Si kastaba, Arbacadii ayey aheyd markii ay maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo. The post PUNTLAND oo ku gacan seertay dalabkii beesha Murusade appeared first on Caasimada Online.
  13. Port-au-Prince (Caasimada Online) – Martine Moïse oo ah xaaska madaxweyinihii la dilay ee dalka Haiti ayaa ka hadashay, sida uu u dhacay weerarkii qorsheysnaa ee lagu dhowaan khaarijiyey Seygeedii hore, isla-markaasna uu iyadu kasoo gaaray dhaawac halis ah. Marwada madaxweynihii hore ee Haiti ayaa sheegtay in ragga weerarka geystay oo ahaa calooshood u shaqeystayaal ay mar qura guriga usoo dhaceen, isla-markaana ay rasaas ooda kaga qaadeen madaxweyne Jovenel Moïse oo ahaa bartilmaameedkooda koowaad. Martine Moïse waxay sidoo kale shaacisay in xittaa Seygeedii uu awoodi waayay inuu hal erey yiraahdo, ayna toogasho toos ah ku dileen ragga weerarka geystay. “Muddo ilbiriqsi ah, ayey calooshood u shaqeystayaal gurigeyga soo galeen, waxayna ninkayga ku rideen rasaas,” ayay ku tiri Mrs Moïse. Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Ficilkani ma lahan magac sababtoo ah waa inaad noqotaa dambiile aan xad lahayn marka aad dilayso madaxweyne sida Jovenel Moïse, adigoon xitaa fursad u siinin inuu hal eray dhaho,”. Ugu dambeyn Mrs Moïse ayaa wacad u martay inay sii wadi doonaan shaqadii uu hayey Jovenel Moïse, tanina ay dhaawici doonin mustaqbal dadka iyo dalka Haiti. Xaaska madaxweynihii hore ee wadanka Haiti ayaa iyadu weerarka kadib loo duuliyey halka loo yaqaano Miami, si loogu soo daaweeyo xaaladeeda caafimaad. Si kastaba ciidamada ammaanka ee wadankaasi ayaa weerarka kadib qaaday howl-gallo ballaaran, waxayna warbaahinta u soo bandhigeen qaar ka mid ah rag lagu tuhunsan yahay inay iyagu ka dambeeyeen dilkaasi, hub, rasaas badan iyo sidoo kale baasabooro intaba. The post Xaaska madaxweynihii Haiti oo ka sheekeysay dilka Seygeedii appeared first on Caasimada Online.
  14. Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo ku aadan u jeedka socdaalkiisa. Rooble ayaa si gaar ah u qaabilay odayaasha dhaqanka ee degmada Garbahaarey, wuxuuna marka hore ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladda magaaladaasi iyo sida looga gudbi karo khilaafaadka xoogan ee ka jira halkaas, maadaama la galayo doorasho. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay waxgaradka Garbahaarey dadaallada dib u heshiisiinta ee ay xukuumaddiisa ka bilaabeyo gobolka Gedo iyo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan soo xulista kuraasta labada aqal ee taalla magaaladaasi. Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ah socdaalka Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa Ugaaska uga mahad-celiyay kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada ku dhaqan gobolka Gedo ee koonfurta dalka. Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa ugu baaqay dhaqanka Gedo inay xoojiyaan dadaallada ay wadaan, si looga gudbo caqabada ka jira gobolkaasi. Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay deegaanada Jubbaland, isaga ka hore Gabahaarey booqasho ku tegay magaallo xeebeedka Kismaayo, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshan hoggaanka sare ee Jubbaland. Si kastaba socdaalka Rooble ee Jubbaland ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la guda galayo doorashooyinka Soomaaliya, maadaama heshiis rasmi ah laga gaaray. The post Maxay ka wada-hadleen ROOBLE iyo odayaasha dhaqanka Garbahaarey? appeared first on Caasimada Online.
  15. (SLT-Paris)-Hal qof ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay weerarkaasi oo xalay ka dhacay Degmdda Klaye Soyli oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Paris, sida ay shaaciyeen Hay’addaha Ammaanka. Nin ku hubeysanaa Tooreey oo u dhashay dalka Senigal ayaana la qabtay, kaasi oo la sheegay in Toorey ku dilay Nin dhallinyaro oo ka shaqeynayey Bakhaar lagu iibiyo Mobaylada, halka uu si xun u dhaawcay qof ka mid ah Macaamiisha oo doonayey inuu kala dhex galo. Ninka la dilay oo ahaa Kaaliyaha Mamulaha Tukaanka lagu iibiyo Mobaylada ayaa la sheegay inuu ahaa 18-jir. Dhinaca kale, Telefishinka dalka Faransiiska ee BFMTV waxa uu baahiyey in Ninka dilka geystay oo 62-jir ah uu ahaa qof hore Boliska ugu diiwaan gashanaa dembiyo la xidhiidha daroogada. Source
  16. (SLT-Argentina)-Ciyaaryahanka caanka ah ee u ciyaaro kooxda Barcelona ee ka dhisan wadanka Spain, una dhashay Argentina ee Lionel Messi ayaa markisii ugu horeysay xulka wadankiisa kula guuleystay koob caalami ah kadib 16 sano oo uu u ciyaarayay. Markii ay hal gool iyo ebar ku dhammaatay ciyaartii u dhaxaysay Argentina iyo Brazil ayey dhammaan ciyaartoodii Argentina iyo taageerayaashooda waxa ay hal mar ku dhawaaqeen magaciisa “Messi” xilli uu isaguna jilbaha dhigtay garoonka dhexdiisa isla markaasna ay ku xoomeen tobankii ciyaartooy ee garoonka kula jiray. Waxaa farxad badan laga dareemaayay wajigiisa, waxaana muuqatay inuu ka baxay abaartii ka haysay dhanka koobab la’aanta dalkiisa. Lionel Messi magaciisu wuxuu haystay warbaahinta oo su’aallo ka keenaayay in sannadkaan uu wadankiisa u suura galin karo iney ku guuleystaan koobkaan, madaama muddo ayna koob qaadin. Messi wuxuu hore koobab badan ugula guuleystay kooxda uu u ciyaaro ee Barcelona, balse waxay koobab la’aan ka haysatay dhanka wadankiisa oo 28 sanno ka hor sannadii 1993 ay ugu dambeysay koobkaan. Ugu dambeyn ciyaaryahankaan khibrada badan ee caanka ah hadda wuxuu u suura galiyay xulka dalkiisa iney markii 15-naad qaadaan Copa America, iyagoona la simay wadanka Uruguay oo 15 mar hore ugu guuleystay koobkan. Source
  17. (SLT-Addis ababa)-Natiijada Doorashadii Itoobiya oo la shaaciyay ayaa la sheegay in ugu yaraan dhammaan kuraasta baarlamaanka ee loo tartamay ay ku guuleysteen xisbiga tallada haya ee EPP. Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya oo shaaciyey natiijada doorashadii 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya ayaa sheegay in xisbiga tallada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay. Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xidhiidha amni darro iyo arrimo kale. Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021. Xisbiga raysal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto. Dhammaan xisbiyada mucaaradka ayaa waxaa ay ku guuleysteen 11 kursi oo kaliya halka hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee ECSJ Birhanu Nega laga guuleystey. Doorashada guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen. Source
  18. Ra’iisul wasaaraaha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo xisbigiisa ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay kuraasta baarlamaanka doorashadii Itoobiya ka dhacday sanadkaan. Abiy, oo ka hadlay guusha xisbigiisa uu ka soo hoyay doorashooyinka baarlamaanka Itoobiya ayaa waxa uu ku yiri “Xisbigeenu wuu ku faraxsan yahay in lagu doortay rabitaanka shacabka si loo maamulo dalka,” . Natiijaa doorashada ayaa durba waxaa hareyay qeyla dhaanta mucaaradka xilli doorashadaan ay la daala dhaceysay caqabado ay ka mid yihiin Banaanbaxyo, Isku dhacyo isirka ku saleysan, Musuq maasur iyo dagaalka Tigrayga. Doorashada baarlamaanka Itoobiya ayaana ka dhicin seddax ka mid ah 10 gobal ee dalka Itoobiya . Xisbiga Abiy ee ayaa ku guuleystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee baarlamaanka dalka Itoobiya sanadkaan looga tartamay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Columbia Heights Mayor Amáda Márquez Simula made a proclamation at the June 28 City Council meeting that Thursday, July 1, 2021, be declared Somali American Day in the city. Source: Hiiraan Online
  20. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan lagu laayey dad isku qoys ahaa, kaas oo ka dhacay deegaanka Saax-Qurun oo ka tirsan gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa saddex qof, iyada oo sidoo kale lagu dhaawacay wiil 8 jir ah, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Dadka ku dhintay weerarkan ayaa kala ahaa labo caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray AUN Xasan Diiriye Cilmi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay oo mar qura rasaas ku furtay qoyskaasi ay goobta isaga baxsatay dhacdada kadib. Sidoo kale waxaa deegaanka ay mashaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo lagu baadi goobayo ragga dilka geystay ka bilaabay halkaasi. Sida aan xogta ku helnay dhacdadan ayaa salka ku heysa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen falkaasi, waxaase socda baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dhacdada. Si kastaba deegaanada Galmudug ayaa waxaa inta badan dhaca weeraro iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo salka ku hayo aano Qabiil oo ka taagan Galgaduud iyo Mudug. The post Aabe iyo caruurtiisa oo dil wadareed loogu geystay gobolka Mudug (Faah faahin) appeared first on Caasimada Online.
  21. At least nine people were killed and nine wounded Saturday in a suicide car bombing targeting a government convoy near two major hospitals in Somalia’s capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  22. This week, the International Bank of Somalia (IBS) introduced a first into Somalia’s financial services: a Visa card. Source: Hiiraan Online
  23. Almost a year on from enduring Australia's strictest lockdown, residents of Melbourne's public housing towers have turned to cooking to help them heal and reconnect their community. Source: Hiiraan Online