-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay oo ku beegnayd Isniintii todobaadkii hore, ayaa qadiyadda Somaliland ku soo jeedisay indha warbaahinta caalamka kuwa ugu caansan. Warbaahinta caalamiga ah ee wax ka qortay doorashooyiinkii dalka ka qabsoomay iyo hannaanka dimuquraadiga ah ee ay ku soo dhammaadeen ayaa iftiimiyay in Somaliland ay tahay dalka adduunka ugu dimuquraadisan, taas oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid casri ah oo ka horumarsan dalal badan oo muddo dheer ku soo dhaqmayay hannaanka dimuquraadiyadda. Waxaa kale oo ay is-barbar dhig ku sameeyeen dimuquraadiyadda Somaliland iyo dalalka ay deriska la tahay sida aanay uga suura geli karin dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ay hirgelisay. Somaliland oo aan caalamka aqoonsi ka haysanin. Doorashadii dhacday 31-ka bishii May 2021, ayaa Midowga Yurub, Uk iyo Dawlado kale oo Afrikaan ahi u soo direen Goob-joogeyaal Caalamiya oo kormeeray habkii ay u dhacday doorashadaasi oo ay ku tartameen Musharraxiin ku dhow 900, kuwaas oo ka kala sharraxnaa Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE, waxayna Goob-joogeyaashu War-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen ku muujiyeen siday ula dhaceen habka ay doorashadu u dhacday, iyagoo ku tilmaamay inay ahayd doorasho daah-furan. Warbaahinta Dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa si weyn wax uga qoray doorashada, iyagoo dhinacyo kala duwan ka eegay doorashada iyo nidaamka Dawladnimo ee Somaliland oo aan weli aqoonsi buuxa ka haysan Adduunka intiisa kale. Warbaahinta Magaceedu yahay REPUBLICWORLD TV oo ah Telefiishan laga leeyahay dalka Hindiya oo ka mid ahaa warbaahinta wax ka qortay doorashooyinka Somaliland iyo soddon guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal dheer oo uu kaaga hadlay Somaliland iyo doorashooyinkeeda iyo hannaanka dawladnimo ee dalka ka hana-qaaday waxaa uu yidhi, “30 sanno ayaa u buuxsamay Somaliland oo ah dal ka xoroobay Soomaaliya, waana dimuquraadi aan weli helin aqoonsi.” Republicworld ayaa war-bixinteeda ku tidhi “Somaliland waxay isku dayeysaa inay samayso taariikh cusub oo siyaasadeed, iyadoo markii ugu horraysay qabatay doorashada Baarlamaanka tan iyo 2005, doorashadaasi oo ay isku diwaangeliyeen in ka badan 1 Million oo qof, si ay ugu codeeyaan doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo ta Baarlamaanka.” “Somaliland: waa dimuqraadiyadda ugu casrisan Adduunka” ayuu qoray Republicworld. Waxaanu intaa ku daray “Somaliland oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, waa dunida casriga ah ee dimuqraadiyadda, sidoo kale Somaliland waa dal nabdoon, xasilloon oo dimuqraadi ah.” Jamhuuriyadda Somaliland waxay muujisay dedaallo aad u badan, isla markaana waxay haysataa baasaboor u gaar ah, dawlad shaqaysa, lacag, iyo ciidan. Iyada oo aanay jirin Waddan keliya oo aqoonsaday madax-banaanideeda. Haddana Somaliland waxay mar kale Isniintii, May 31, qabatay doorashooyin, taas oo dadka siyaasada indha indheeyaana ay rajeynayaan inay gobolka u keeni karto gargaar aad loogu baahnaa.” Telefiishankani waxa uu warbixintiisa kaga waramay marxaladihii Somaliland soo martay, wuxuu sheegay in Somaliland ahayd dal uu gumaystay Ingiriisku, markaa ka dibna la midoobay Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray, balse dhibaatooyin Dadkiisu kala kulmay Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ay ku khasabtay inuu Madax-banaanidiisa dib ugala soo noqdo Soomaaliya isla-markaana ku dhawaaqo Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii, isla markaana ay Somaliland muddo soddon sanno ah ay ku naaloonayso Nabadgalyo buuxda, balse Soomaaliya ay la ciirciirayso Xasillooni-darro.” Warbixintan waxa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taala mandaqada Geeska Afrika, ay dhul ahaan dhacdo goob istaraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh Dunida inteeda kale, kiiskeeda aqoonsi-raadintana ay Waddamo ay ka mid yihiin Iran, Turkey iyo Imaaraadku isku dayeen inay ka faa’idaystaan, si ay saamayn ugu yeeshaan. Warbixintu waxa ay sharraxday sababaha aqoonsigu muhiim ugu yahay Somaliland, waxaanay tilmaantay in aqoonsigu yahay hab lagu qiimeeyo, laguna siiyo sharciyo gaar ah Dawladnimada, Madax-banaanida dhuleed ee dal leeyahay iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed. Dhinaca kale Telefishanka caalamiga ah ee ALJAZEERA oo warbixin ka diyaariyay doorashooyinka Somaliland, ayaa ku sifeeyay doorasho ku qabsoontay si mucjiso ku ah qaarada ay ku taallo Somaliland iyo dersiyada ku xeeran oo ay ka jiraan dawlado la aqoonsan yahay, halka Somaliland oo aan caalamku ictiraafsanayn ay noqotay dalka ugu dimuquraadisan mandaqada ay ku taallo. Source
-
(SLT-Nigeria)-Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal ka dhexeeyo kooxdaas. Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xidhay kadib dagaal dhex maray labada kooxood. Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday. Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas. Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah Garoowe ka dhagax-dhigaya shan waddo oo laamiya, kuwaas oo la doonayo in dhismahooda laga bilaabo caasimadda. Madaxweynaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa sida qorshaysan saacadaha soo socda dhagax-dhigaya shantan waddo oo dhowaan laami la saari doono. Sidoo kale, Garoowe waxa ka socda barnaamijka cagaarinta caasimadda oo dhirayn loogu samaynayo magaalada, si loo hagaagiyo bilicda iyo dhallaalka caasimadda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigaya shan waddo oo laami ah appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeenka xisbiga WADANI haddana ah mudane ka tirsan golaha wakiilada Somaliland Barkhad Jaamac Batuun ayaa ku guuleystay tirada codadkii ugu badnaa golaha wakiilada Somaliland, Barkhad waa garyaqaan waxa uuna ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha la heyb sooco ee dega dhulka soomaalida waxa uuna codod aad u badan kaga adkaade musharixiinti kale ee la tartameysay . Waa Kuma Batuun? Barkhad Jaamac Batuun waxa uu horaantii 1980-meyadii uu ku dhashay deegaan lagu magacaabo Aw-barkhadle oo bariga ka xiga hargeysa . Waxaa uu ka baxay dugsiga sare ee Abuu-hureyra oo ku yaalla magaalada Hargeysa . Jaamacadda Hargeysa ayuu ka qaatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda kuliyadda Sharciga . Batuun ayaa sidoo kale waxa uu qaatay seddax shahaado oo heerka labaad ee waxbarashada jaamacadda, isagoo ka diyaariyay muluumta maamul wanaaga, siyaasadda iyo diblomaansiyadda . Xilligii madaxweyne Siilaanyo waxa uu Barkhad Jaamac Batuun ka mid noqday dhaliyaro aqoon kororsi loogu diray dalka Masar , halkaas oo uu ka soo qaatay dibloomoyin ku saabsan diblomaansiyadda . Barkhad ayaa ka hor siyaasadda ka soo shaqeyay hay’aado maxali ah , isagoo siyaasadda jagooyin badan ka soo qabtay . Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in Barkhad Jaamac Batuun oo ka sharaxnaa gobalka Maroodi-jeex golahiisa wakiilada uu ku soo baxay Tiradii ugu badneyd ee musharax u tartamaya golaha wakiilada uu ku soo baxo isagoo helay 20,231 cod . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bahrain condemned the terrorist attack that took place near a bus station in Mogadishu, Somalia, resulting in the death and injury. Source: Hiiraan Online
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda Imaaraadka Carabta (UAE FIU) ayaa heshiis wada-shaqeyn la saxiixatay Xarunta Warbixinta Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay isku waydaarsadaan warbixinada iyo khibradaha, islamarkaana mas’uuliyiinta labada dhinac ay uga wada-shaqeeyaan la-dagalanka dambiyada lacagaha. Qoraal ay bahaisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa lagu sheegay in Imaaraadka ay heshiiskan la galeen Soomaaliya ayada oo ujeedka uu yahay la dagaalanka been-xalaaleynta lacagaha iyo mala-gelinta argagixisada, si labada dhinac ay uga wada faa’iideystaan. Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday madaxda hay’adda UAE FIU, Ali Faisal Ba’Alawi iyo Agaasimaha Xarunta FRC ee Soomaaliya, Amina Cali. “Heshiiska aan la galnay Soomaaliya waxay dib usoo celinayaan dadaallada aan ku fududeyneyno is-weydarasiga aqoonta iyo khibradaha ee dhinacyada la-dagaalanka beee xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixisada,” ayuu yiri Ali Faisal Ba’Alawi. Heshiiskan ayaa imanaya ayada oo weli uu aad u xun yahay xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii ay dowladda federaalka ay Imaaraadka kala safatay Qatar oo ay is-hayeen. Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag ka badan 10 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd. The post DF iyo Imaaraadka Carabta oo HESHIIS kala saxiixday appeared first on Caasimada Online.
-
It grew out of the ideals of a group of newly qualified French doctors who wanted to be on the ground helping those most in need anywhere in the world. For 50 years, Doctors Without Borders (MSF) has brought medical care to the victims of earthquakes, famines, epidemics, conflicts and other disasters. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliya ku-xigeenka labaad ee ciidamada booliska Soomaaliya Jeneral Zakiya Xuseen ayaa qortay sheeko kooban oo nolosheeda ku saabsan oo ay ugu magac dartay “Xilka iyo xubiga kala dooro”, taas oo ay uga hadleyso sababta aysan u guursan illaa iyo hadda. Hoos ka aqriso sheekada. Xilka iyo xubiga kala dooro Wiil aan asxaabo dhow nahay ayaa maalin igu yiri saaxiibeey ragg badan oo gayaankaaga ah baa guur ku soo bandhigtayee maa iska aroostid? Waxaan dhahay inta aan xilkaan haaya ma aroosi karo. Waxuu yiri maa xeerka boliiska sidaa qaba mise waa jeebkaada? Waana buufis badan tahayee warka xaqiiqadiisa iisheeg! Intaa qoslay ayaa ku dhahay ninyahoow waxaa la aroosi karin inta aan xilkaan haayo waa sadax arrimood awgeed; 1) Hadii nin muxaafid ah aan is aroosno waxaa la leeyahay waxeey xilka ku heshay/heysataa odigeed ayaa team N & N ah. Haduu mucaarad yahayna waaba waa iska fahmi kartaa xaalku 2) Hadii nin qaraabada ah aan is aroosno madaamo tolka ay firqo badanyihiin firqada aan ka aroosay mooyee inta kale weey caroonaayaan. Hadaa u cadaalad faro oo wixii qaraabada ah aan ka bootiyo tolka waxeey u tagayaan madaxweynaha waxeeyna ku dhahaayaan, Madaxweyne xilka aad na siisay reer kalaa ku shaqeeysanaaya. 3) Hadii aan sarkaal iga darajo hooseeyo arooso waxaa la dhahaa miskiinka inta ay diktoonow gelisay ayee aqbalto xoog ooga ka keentay. Ragga aan isku xilka aan nahay badankood waaba ragg i dhali kara oo tabar ma u haayo. Inkastoo da’ ahaan isku dhawnahay Gen Odowaa hadana iskuma xiran karno waayo labo generaalo oo dabeecad kulul ayaa nahay hadaa is dagaalnana waxaa aroortii lagu soo toosaa Haramacad iyo Gorgor oo dashiika isla dhacaaya. Waana la arkay gabar iyo wiil taliyaal ah oo ciidankooda is dileen iyagoo u kala hiilinaaya mid walba taliyihiisa! Sidaa darteed inta aan xilka haayo waxaa ii furan kaliya samir iyo soon ayaa ku iri. Dar Alle ayuu u qancay! Sadax bilood ka dib, xalay ayuu isoo wacay. Waxuu yiri sxbeey warkaa maalin hore igu dhahaysay ayaa soo xaqiiqsaday manta! Oo maxaa dhacay ayaa ku iri. Waxuu igu yiri guddiga doorashooyinka oo la isku heystay waxaa ku jirtay gabar sidaa oo kale aad u firfircoon waxaana guddiga looga saaray hebel oo ay qaraabo dhow yihiin nin ka mid ragga dalka ugu sareeya ayaa shukaansado! Marka waxaa qiraayaa in xisaabta aad isku dhufsatay ay saxantahay ee markaa xilka ka soo dagtid ayaa tartanka Premier liiga generaalada sugeeynaa! Xilka xaragadiisa aragteenee bal nala eega xanuunkiisa. Intaa xil haysid xaalku waa samir iyo soon…. NB; Marxaladaan waa dhib haysta kaliya gabdhaha xilal sare haaya, ragga dhigaheenaa ah xaalkooda waa فَٱنتَشِرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَٱبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ Unukaa_Yaabnay. The post Jeneraal ZAKIYA: “Inta aan xilkan hayo ma aroosi karo” appeared first on Caasimada Online.
-
Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka ee loo soo gaabiyo (UAE FIU) ayaa waxay heshiis Is-faham (MoUs) kala saxixideen Xarunta Warbixinta Maaliyadda ee Somalia (FRC). Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa heshiiskaan isaga kaashan doona La-dagaalanka Dembiyadda Maaliyadeed, Lacagaha la dhaqo iyo Dhaqaalaha loo xawilo waxa ay ugu yeeraan Kooxaha Argagixisada. Sida aynu ka soo xiganay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxaa Heshiiskaasi Is-Faham wada saxiixay Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka (UAE FIU), Cali Fasal Ba Calaawi, halka ay Somalia u saxixiday gaasimaha Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC), Aamina Cali. Si kastaba heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyop Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo weli xun yahay xiriirka ka dhexeeya labada dowladooda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya Iyo Imaaraadka Oo Kala Saxiixday Heshiis Is-Afgarad Ah appeared first on Puntland Post.
-
The Financial Intelligence Unit of the United Arab Emirates (UAE FIU) has signed two separate Memorandum of Understanding (MoUs) with the Bangladesh Financial Intelligence Unit (BFIU) and the Financial Reporting Center (FRC) of the Federal Republic of Somalia to exchange financial information and expertise, as well as collaborate with relevant authorities and stakeholders to combat financial crimes. The UAE FIU has signed separate agreements with the FRC of Somalia and the BFIU in accordance with the UAE’s overarching objective of combatting money laundering and financing of terrorism, underpinned by mutually beneficial intelligence exchanges with international counterparts. The MoUs were signed by Ali Faisal Ba’Alawi, Head of the UAE FIU, with Amina Ali, Director of the FRC of Somalia, and Abu Hena Mohammad Razee Hassan, Head of the BFIU, representing their respective jurisdictions. “Our undertaking of these agreements with the FRC of Somalia and the Bangladesh FIU further reinstate our efforts to facilitate a robust exchange of knowledge and expertise in the areas of anti-money laundering and combating financing of terrorism, alongside leading international intelligence units,” said Ba’Alawi. Source: Gulf News The post UAE Financial Intelligence Unit signs MoUs with Bangladesh Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Salaad iyo Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyey tallaabada ay qaadeen guddigii wasiirrada ahaa ee faaf-reebka guddiyadaas uu u xil-saaray ra’iisul wasaare Rooble. Guddiga oo hoggaaminaayey wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa shalay shaaciyey liiska 34-xubnood oo ay ku qanceen in laga saaro guddiyada doorashooyinka, kadib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen 67-dii xubnood ee golaha midowga musharaxiinta ay dalbadeen in la bedelo, hase yeeshee waxay liiska ku reebeen 33 xubnood oo kale. Ugu horeyn qoraal uu soo saaray xildhibaan Mahad Salaad ayuu ku bogaadiyey, kuna soo dhaweeyey shaqada guddiga heer wasiir ee R/Wasaare Rooble u xilsaaray kala shaandhaynta xubnaha guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo magacyadooda ay horay u soo gudbiyeen Midowga Musharaxiinta. “Waxaan codsanaynaa in si buuxda loola shaqeeyo R/W Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad. Dhankiisa wasiirka amniga Galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa bogaadiyey shaqada guddiga heer wasiir ee R/Wasaare Rooble u xilsaaray kala shaandhaynta xubnihii guddigii doorashada ee cabashada laga keenay iyo go’aanka ay ka gaareen. “Inkastoo dhallinyaro Soomaaliyeed ay ahaayeen xubnaha liiskooda la celiyey oo aan colaad gaar ah loo qabin haddana in dalka doorasho lagu kalsoon yahay ay ka dhacdo ayaa ku xirantay ayna lagama maarmaan noqotay in isbedel lagu sameeyo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Fiqi. Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Xubnaha cusub ee la soo magacaabayo waxaa muhiim ah in ay noqdaan kuwa heli kara kalsoonida dhammaan saamilayda ku lugta leh doorashada, Raysulwasaare Rooble-na uu hubiyo xubnaha cusub ee la soo magacaabi doono, si la mid ah sidii loo hubiyey kuwii hore oo kale.” Hase yeeshee waxaa si adag u saluugay tallaabadii guddiga oo waxba kama jiraan ka soo qaaday siyaasiyiin uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo sheegay in uusan ka qeyb geli doonin doorasho ay maamuleyso NISA. Musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabadii uu qaaday guddiga wasiirrada ah ee uu arrintaan u xil-saaray ra’iisul wasaare Rooble. Xubnaha ay mucaaradku dalbanayeen in la bedelo waxay ku eedeeyeen inay ka kala tirsan yihiin shaqaalaha dowladda, ciidamada qaranka iyo taageerayaasha Farmaajo, waxaana la sheegay in kuwoodii ugu caansanaa ay ku jiraan xubnaha laga reebay guddiyada doorashada. The post Maxay Mahad Salad iyo Fiqi ka yiraahdeen go’aanka looga tegay 33 ka mid ah xubnihii cabashada laga gudbiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, saacado un kadib markii la shaaciyey natiijooyinkii u dambeeyay ee golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Isbaheysiga cusub ayaa waxa uu mideynaya xubnaha goleyaasha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee kasoo baxay xisbiyada Waddani iyo Ucid, taasi oo ka dhigeysa inay noqonayaan aqlabiyada goleyaashaas. Waddani iyo Ucid ayaa isbaheysigan cusub u sameystay sidii ay saameyn xoogan ugu yeelan lahaayeen hogaanka Somaliland, gaar ahaan hogaanka golaha deegaanada iyo guddoonka golaha wakiilada Somaliland. Isbaheysiga ayaa dhigaya in xubnaha labada xisbi ay ka wada-shaqeeyan sidii ay u kala qeybsan lahaayeen maayirada iyo kuxigeenada degmooyinka Somaliland, sidoo kalena ay u dooran lahaayeen guddoonka iyo kuxigeenada golaha wakiilada. Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno sarre oo ka tirsan labada Xisbi, ujeedka u weyn ee isbaheysiga Mucaaridka ayaa ah sidii hogaanka degmooyinka iyo guddoonka golaha wakiilada uusan hal kursi uga helin xisbul xaakimka Kulmiye. Kulmiye oo ah xisbiga haya tallada Somaliland ayaa inta badan hore u hayey hogaanka golaha deegaanka degmooyinka iyo golaha wakiilada ee hore, hase yeeshe tallaabada ay mucaaridku qaadeen ayaa meesha ka saareysa in marnaba uu kusoo laabto hogaanka golayaashaas. Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood, kuwaasi oo min 5-xubnood ay soo magacaabeen hogaanka xisbiga Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeyn doonaan sidii labada xisbi u kala qeybsan lahaayeen hogaanka cusub. The post Saameyn noocee ah ayuu Isbaheysiga cusub ku yeelan karaa hogaanka Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia on Sunday reported 19 new COVID-19 infections from a sample size of 941 tests conducted over the past 24 hours, bringing the country's total number of cases to 14,748. Source: Hiiraan Online
-
At least eight people were injured after a landmine placed along the road went off near Ex-control junction in the Somali capital of Mogadishu, police and witnesses said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Open the app Somaliland opposition joins forces to grab control of parliament AFP 2 © Sophie RAMISA map of Somalia locating Somaliland Two opposition parties in the self-declared republic of Somaliland said Sunday they had formed a coalition giving them a majority in parliament following long-delayed local and legislative elections.The territory in the north of Somalia declared independence 30 years ago but has never achieved international recognition.But it has a functioning government and institutions, its own currency, passport and armed forces. In the May 31 elections, more than a million voters were eligible to cast ballots to elect 82 lawmakers and 220 local councillors in a political system limited to three parties. According to official results, the leading opposition party, Wadani, won 31 seats in parliament, followed by the ruling party Kulmiye with 30 seats and the opposition UCID with 21. Wadani and the UCID announced their alliance shortly after the results were announced on Sunday. Ismail Adan Isman, spokesman of the new coalition, told reporters that the move was “in the interest of the unity of the people of Somaliland”. With a combined 52 seats, the alliance will enjoy an absolute majority in parliament. The two parties together also won 127 local councillors — 79 for Wadani and 48 for the UCID — against 93 for the outgoing ruling party. The new balance of power is expected to reduce President Muse Bihi’s room for manoeuvre. The next presidential election is set for late 2022. Somaliland’s last legistative elections were in 2005, and the May 31 vote had been postponed several times. Somaliland, formerly British Somalia, fused with the former Italian Somalia at independence in 1960. It seceded unilaterally in 1991 after the fall of the dictator Siad Barre, which plunged the country into clan-based fighting. © Mustafa SAEED More than a million people were eligible to vote in the long-delayed elections Qaran News
-
Afar sano kaho,r Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa madaxweyne marki hore ka yimid dhinaca bulshada rayidka ah ayaa baneeyey maamulka Villa Somalia, wuxuu baxay iyadoo dad badan ay qabaan inuu ahaa madaxweyne gaabiyey oo la heli doono badal ka fiican, laakiin afar sano kadib aragtii maalintaas la qabay waxay u muuqataa inay geeriyootay. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Somali American ahaa ayaa xafiiska la wareegay, filasho ka ballaaran siyaasi walba oo Soomaali ah ayaa laga qabay Farmaajo, waxaana dadka u sawirneyd in la heli doono nidaam xaq soor ah, ilbax ah, adeegyo cusub soo kordhin doono oo sharciga aan ka leexan doonin. Xataa Al-Shabaab oo ah isbaarada koowaad ee hor taalo dowladda Federaalka ah ayaa laga soo tabiyey inay ka walaacsanaayeen culeyska uu la imaan doono Farmaajo. Laakiin afartii sano ee Farmaajo ayaa dhamaatay iyado dad badan qabaan inay qalad aheyd in Xasan Sheekh laga tuuro xilka. Maxaa badalay aragtii la aaminsanaa Maalintaas? Amniga Waxaa la filayey inuu amniga kasoo roonaan doono intii hore, lana cirib tiro doono Al-Shabaab, taas waxba iskama badalin. Al-Shabaab waxay markii ugu horeysay canshuurtay Dekadda weyn ee Caasimadda Muqdisho, waxayna canshuur kusoo rogeyn qaar ka tirsan shaqaalaha Dowladda. Qaladaad badan oo dhanka amniga ah ayaa dhacay afartii sano ee uu xukunka hayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dad badan u sawirmatay in amnigii lagu fashilmay. Dadka ammaanka ku takhasasay waxay qabaan marka laga soo tago mushaarka joogtada ah inaysan jirin shaqo kale oo uu Farmaajo la yimid oo dhinac ammaanka ah. Xasan Sheekh, afartiisii sano wuxuu inta badan Gobolada dalka ka xoreeyey Al-Shabaab, afartii sano ee Farmaajo waxaa si weyn ciidamada loogu adeegsaday arrimaha siyaasadda, waxayna taas dadka xasuusisay in laga soo guuray aqal dimoqraadi ah oo loo soo guuray xabsi siyaasadeed. Ciidanka waxaa kaloo argagax ugu filneyd in qofkii Farmaajo ka hor yimaado laga qaadayey darajada ciidanka iyo xuquuqdiisa gaar ahaan mushaarka taasoo aheyd dhaqan aan la adeegsan dowladdii kacaanka kadib. Dhinaca Maamul Goboleedyada Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa shidaalkii uga dhammaaday inay iska difaacaan nidaamkii Farmaajo, qaarkood xoog ayaa lagu bixiyey qaarna waxaa lagu ilhaaneeyey lacag . Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii Ramadaan ee lasoo dhaaftay waxaa laga soo xigtay inuu rabay in maamul Goboleedyada lagu dhaqo xeerar kasoo baxaya baarlamaanka Dowladda Dhexe, taasoo ka dhigan inuu rabay inuu laalo sharciyada maamul Goboleedyada ku dhisan yihiin taasoo ah arrin si weyn uga fog wixii ay Soomaalida ku heshiisay. Maamulada ka badbaaday gulufkii Farmaajo iyo kuwii uu hoggaamiyaasha dul dhigay dhammaan waxay daremayaan qatar ballaaran haddii Farmaajo kusoo laabto xafiiska. Dhinaca Xasan Shekh Maxamuud, waxaa uga muuqato madaxda Maamul Goboleedyada inuu yahay siyaasi aaminsan in dadka loo madax baneeyo inay is maamulaan, ugu yaraan maamulada waxay dareemayaan inay ka nabad galayaan Xasan Sheekh hadduu kusoo laabto xafiiska. Dhanka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay afartii sano ee Farmaajo la kulmeyn cadaadis xoog leh, waxay aheyd markii kowaad ee la isku dayey in Xildhibaano xasaanada laga qaado. Xildhibaano ayaa sidoo kale awood ciidan looga hor istaagay inay ka qeyb galaan kulamada baarlamaanka, qaar ayaa baarlamaanka dhexdiisa lagu handaday, dhower jeer ayaa ciidan gudaha loo geliyey xarunta Golaha Shacabka, waxaana kaloo baarlamaankii laqday oo sidii ay rabto u isticmaashay Xukuumadda . Waxay afartii sano ee lasoo dhaafay xildhibaanada arkeyn guddoomiyahooda oo lagu qasbayo inuu is casilo iyo midkii badalay oo korontadii iyo biyihii laga jartay guriigiisa. Walaac, cabsi iyo ilhaano ayey ku qaateyn afartoodii sano. Xildhibaanada imaan doono ee labada gole kama fakari doonaan kaliya lacag ee waxay sidoo kale ka fakari doonaan sharaf, xasaanad iyo halka ay qiimeyn ku heli doonaan, tani way sii fogeeneysaa rajada Farmaajo. Xagga Beesha Caalamka Isku dhaca Farmaajo iyo Beesha Caalamka wuxuu bilowday markii uu Ra’isulwasaaraha ahaa, balse afartii sano ee lasoo dhaafay waa xargo goostay dagaalka Farmaajo iyo Beesha Caalamka. Lix wadan iyo ururo caalami ah ayaa joojiyey kaalmadii ay siin jireyn Soomaaliya, waxaana ugu wacan hab dhaqanka maamulkii uu waqtiga ka dhamaaday. Cilaaqaadka wadamada dariska ah ayaa isna gaaray meeshii ugu xumaa in muddo ah. Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa si weyn u saameeyey Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kale shacabkii la shaqeysan jiray dalalka dariska ama kuwii wax ka heli jiray deeqaha Caalamiga ayaa dhibaato weyn kaso gaartay arriimahaan. Dhammaan qodobadaan waxaa loo badan yahay inuu Xasan Sheekh kaga fiicnaa Farmaajo kaasoo dalka wareejiyey iyadoo uu wacan yahay cilaaqaadka beesha Caalamka midka dalalka dariska ah, awooddii Al-Shabaab la wiiqay, maamul Goboleedyadii la dhameystiray, dalkana uu dhaqaalo ahaan soo kabanayo. Dad badan waxay qabaan in ficiladaas halaagsamay ee madaxweyne Farmaajo inay fursad weyn siin doonaan Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo maanta loo arko madaxweyne loo darsaday. Hadda waxaa la joogaa xilligii doorashada Soomaaliya, dadka siyaasadda ka faalooda badi waxay qabaan in farsamo xumaadii Farmaajo ay si weyn u caawin doonto inuu Xasan Sheekh kusoo noqdo kursiga. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Ciladaha Farmaajo ma sababi karaan soo laabashada Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa sababta ay Maamul Gobaleedyada HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya aysan ilaa hadda usoo gudbin xubnaha maamuladooda ku matalaya doorashooyinka Soomaaliya ee heer dowlad gobaleed iyo heer qaran, xilli ay soo gudbiyeen Maamulada Puntland, Jubaland iyo qeybtii waqooyi ee laga sugayay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa kuwii diidanaa soo magacaabista guddiyada doorashada intii ay socotay muranka doorashada Soomaaliya, halka maamulada HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay soo magacaabeen, balse waxaa hadda muuqata in xaaladda dhinaca kale isu rogtay. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in Villa Somalia ay door weyn ku leedahay magacaabista guddiyada cusub ee saddexda maamul ee wali dhiman islamarkaana ay socdaan wadatashiyo arrintaas ku saabsan oo u dhaxeeya madaxtooyada iyo maamulladan. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan dowladda islamarkaana ku dhow Madaxweyne Farmaajo islamarkaana soo magacaabay guddiyadii hore ee maamulada saddexda ah ay hadda wali ku howlan yihiin sidii guddiyada cusub loo saari lahaa, waana sababta keentay in ay dib u dhacaan. Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in inkasta oo mucaaradka laftooda ay isku dayayaan inay arrintan ku lug yeeshaan, haddana Guudlaawe, Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Mahdi Guuleed laga filayo guddiyo taabacsan Farmaajo, taasi oo sare u qaadeysa qorshihiisa inay soo baxaan xildhibaan taabacsan. Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay si toos uga billaabato goballada dalka, iyadoo ay socdaan diyaar garow ballaaran oo arrimaha doorashada ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wado dadaallo badan uu ku xalinayo dhamaan tabashooyinka jira. The post Saameynta Villa Somalia ee magacaabista guddiyada harsan oo sii kordheysa – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay eedeysane loo heysto in 4-tii bishaan uu xaaskiisii ku dilay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu soo saaray Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali. Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac, laakiin, aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo.” Booliska ma aysan shaacin halka laga soo qabtay eedeysanaha, sida loo soo qabtay iyo goorta lasoo qabtay intaba. Bashiir Cabdi ayaa Macallin iskuul ka ahaa iskuulka Hanti-wadaag ee degmada Warta-Nabadda. Ehelada marxuumada ayaa waxay sheegeen in argagax leh uu u dilay marxuumada, isagoo madaxa iyo qeybaha kore jirkeeda bir ugu garaacay taasoo keentay in dadku ay ka argagaxaan markii la arkay marxuumada oo gacmaha ka xerxeran oo meyd ah. Qoyska gabadha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u danbeeyay aysan lamaanahaasi xiriirkooda fiicneyn wax wada hadalna uusan ka dhaxeyn, taasoo labada qoys ay xal u waayeen. The post DEG DEG: Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanihii xaaskiisa ku dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Maxamed Xayir Ducaale. Sidoo kale wareegto kale oo uu soo saaray Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri ”ka dib markii uu tixgeliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay Saciid Cabdullaahi Calasow”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa todobaadkii hore sidan oo kale Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka & Daryeelka Bulshada. Magacaabista Agaasimeyaasha cusub ayaa kusoo aadaysa, iyada oo todobaadkii hore Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray warqad uu golihiisa wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda uga joojiyay magacaabista xilalka iyo in ay gaaran go’aan uusan ogayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Go’aankaas ayaa lagu sheegay in uu fududeynayo wadashaqeynta, isla-xisaabtanka laamaha amniga dowladda iyo in aan la qaadan go’aan saameyn siyaasadeed ku yeelan kara dalka, xiligaan lagu kala guurka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale magacaabay Agaasimeyaal cusub appeared first on Puntland Post.