Sign in to follow this  
Paragon

Cirroolleyda Qurbeysan (warning: for elders only)

Recommended Posts

Samafal   

War ninku wuu qaadireysnaa malaha jamaaloow, raguna waa waaleen.

 

Laakiin marka kaftan laga soo tago jamaaloow caleemahaas cagaarani waa na lanahareen hadaan soomali nahay gabdhahana waa in loogu garabaa.

 

war Odey Baashi waa kugu dhacday, macne ma leh duulkaas dhib laga soo mar. waagii aan dhaantada iyo geed ka boodka ku shukaansan jirnay sabana coor cooorkii bay fiicnaayeen.

 

War meesha horta ma cajuusooyinka pagekaan loo furay hadiise loo furay gabdhihi cajuusooyinka ahaa aawaye ragiiba isa soo dhoobay meesha..mase ciroole ma maqli karaanba duulkaasu. Anigu 70 tameeyadii baan bilaabay shaxaarinimada oo meel dirac kadhoow yahay baanba iska doonyaa anoo da,daan ah. bal ragoow tala keena

 

Libaax sankataabtaw adiguna ma is keentay, maxaa kusoo waalay adeer kuwa yar yar baan kugu tirinayaye...sideesa se xaskii aad gashay ma hadaad kasoo baxday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

posted by Jamaal. Baashow sxb, waxaan ka maqli jirey gaala-madowda kiinyaatiga ah: "Dhaawa yaa Mootoo ni Mootoo"...oo u dhiganta: "Daawada dabka waa dab" ee maad shaaha ka wardoontid, illeen kuleylbaa kuleyla lagu daweeyaaye?

ragooow maxaa la isugu been guuraayaa...waqtigii kuleeylka kuleeyl lagu jibin jiray ma joogno....da'a ayaan la dagaala meeynaa (dhabar xanuun iyo lafo xanuun)ayaan meel aan ka marno la'nahay...baashiyoow meeshaad odayaashaan shaah uga keenayso, walaal aniga caano geel iiga keen

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Akhyaareey been guur igama aha; sideedana anni waa ilbaxey nooh. Meeqa sanno aan iskool aadaayey. Waxaan bartey heer kulka jirka inuu yahay taqriiban 96F. Shaaha laftigiisa qoloda sameesa aan wacay. markey cilmiyada aan akhrinayo ka yaabeen dee waa ayagii xisaab iigu deeqay oo yidhi waar ninyahow nala shaqee. Shaaha aan sheybaarka latagey cilmiyadii Illaaheey i bareyna waan la soo kala baxay. Ma maqasheen "ICE TEA" macniwiyaadka heerkaa sare ah nin Soomaali ah oo Odey Baashi Biiq la dhaho yaa mahadaa leh. Waligiin igu faana.

 

Wax iskool aadey idinkuma jidhaan miyaa? See wax leedihiin...war hadde iiga taariikheeya "galoobal waarmin" ka maba karo belada.

 

Faanto ito ice tea inta ilbaxa ah intiina kale kuleylkaan ilkaha ha idin cagaartaan.

 

Dhoorayaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Anigaa bal isku deyi inaan kaaga taariikheeyo 'galoobal woormin'e' bal i yara sug Baashow!

Rainbow, sxb anaa kuu warami doona ..meeshaad deganaan jirtey baan deganahay beryahan, waa Haanisloowe.

posted by SHOOBARO: walaal aniga caano geel iiga keen

Shoobare,sida marka aad Starbucks tagto laguugu sharaxo nooc-yada badan ee kaxwaxa side; coffee late, cuppacinno, (italisn) cofe' machiato, espresso, or even other enthic recipes like ..vienese, turkish, or kenyan, cuban or spice coffee...ayey caanaha geelluna u kala yihiin:

1 - Caano geeloo 'Dhey' ah ama fareesh

2 - Caano geeloo 'suusac' ah

  • Manyac = weli fareesh yara ah laakiin suusac noqon raba.
  • Suusac haboon oo dhadhan wanaagsan -
  • Waraabe qandhis = dhanaan, qaraar sayid ah oo suusac dhaafay
Iyo Waxla Mid ah - Ee adiga nooceed rabtaa?[/b]

Share this post


Link to post
Share on other sites

ala jamaaloow walaal xusuus baad i galisay. waxaan soo xusuustay hasheedii "maandeeq" la oran jiray...

 

waligaa nirig ma isla jaqdeen hooyadeed/hasha naaskeeda.....qoodhaa iyo xeeradaa :D

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

lol@maandeeq, heedhe libaax baa u mirtay.

 

j11. geeljirow geeljire. geeljirow gaf talo mahan, googaalaysina waa sheko. gobolaysi lalala.

 

ha iga hadalsiin. heelada inoo tuma

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saabir   

lol@ Waligiiba xinniinya cade runta waa ogolaa ee waa ciyaalka xaafada waxa aan waxba la marsiin karin ee besaani yaan ahay uun yaqaan.

 

Lixdan jir ciyaal waabariya indhahaan saaray! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^^ War heedhe, Silent-Guy, horta soo dhowoow! Maxaa ku helay beryahan, illeeh shibtaad badisaye sxb? Shaah cab, buskud cun, caano geel hoo smile.gif

 

Waryaa, Shoobare, geel-beele maxaad maan-deeq ii soo xasuusin adna? beryahan baan ku tala jirey in aan geel dhaqasho dib ugu laabtee. Walee waa iga dhab oo inaan geel yeesho ayaan aad ugu han-weynahay sxb. Illaaheey ha i sahlo, soo ducee!

 

Juxa, waxaan u malayn inaad dumarkii la yaqaaney ee asliga aha aad ka hartey, sababtoo ah mar hadaad geesinimaad halkan ku soo gashay leedahay waa in aan gacan iyo lugba kuu taagaa! Haye, heelada sii tumo hee, yaanan kaa dhex gelin anigee ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Sheekiyaasha meesha ka socoto waxee isoo xasuusisay waxaan maqli jiray bari hore, in muda ahna aan maqal. Aw Coow nin la yiraahdo ayaa hada kahor la weydiiye su'aal fudud, wuuna isku daye in uu ka jawaabo.

 

Su'aasha waxee ahayd:

 

"Aw Coow, halkee baad u hooyataa?"

 

Aw Coow oo jawaabaaya wuxuu yiri:

 

"Ninkii gam'ayaa sariir gogladee, go'eegaa dhigtaa gidaarada!"

 

Marka jawaabtaas murtida ku jirto waa iska fahmi kartiin ee hadaan nahnay xariifiinta kor iyo HOOS ka ciroobay waxee qasab nagu tahay arinta in aa iskaga fidsano go'yaasha aan huwana meel Somaliaonline "gidaaro" u eh meeshaan yar uunba ha ahaatee, markaasna yar yaruuraca soo barbaarayo loona daayo inta kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ MMA Soo dhowoow horta sxb. Bun iyo qaloon (Daango), mise caano-geel iyo hilib? Midkaad damacdo la haad!

 

"Ninkii gam'ayaa sariir gogladee, go'eegaa dhigtaa gidaarada!"

 

Sxbow waan kula fahmay murtida kudheehan ereyadaas. Aadna adaa u mahadsan. Cos waxbaa kaa faai'dey.

 

PS: Aawey odayaashii kalena? Ma kuleel bey la liitaan? Caku da'ey!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Awoowe naf baan ahay oo sadex yaan ku tukubayaa oo sidaa yaan kuleylka aan dibadaha inaan u baxo issaga ilaalinayaa. Haraad ima hayo ha yeeshee murqihii iyo xubnihii oo idil yaa i wada dabcey :D . Soo ma maqal abwaankii yidhi "Liiq-liiqad baan ahay sidii lulo dabeyleed" iyo kii ku taahay "Ma tukubay sidii habar tukale tuuksi ugu jeeda"

 

MMA soo dhowow saaxiib oo isbarmuuti ii cab. Maxaa tidhi ""Ninkii gam'ayaa sariir gogladee, go'eygaan dhigtaa gidaarada!" Gidaarka armuu marakan siriirtaba dhaamaa. Waa xikmad qaaliya inkastoo uu "mad-madow" :D iiga jiro dulucda shishe ee Jamaal durbadiiba kula gartey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Lol Odeygii Raage Ugaas ahaa waakuu gabowga ka calaacalay oo ku hinraagay:

 

"Kolkii horeba dhererkii miyaa, dhabarkii soo gaabtay

Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gibin ah

Dhabbe reero qaadeen miyaa, laygu wada dhaafay

Ushaan dhaabin mooyee hubkii, ma iska wada dhiibay"

 

Baashi Iska tukub, xaal Illaahey baa oge smile.gif . Wax kale oo aan ku iraahdo garan maayo sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^

Dhuuniga i siiyaay!, miyaan sidii dhalaan ooyey

Kuwan dhaley kuwey dhalleen, miyaa ii dha-dhamo diidey.

.

.

Naaguhu waa tilmihayaan, ninkaan tuujineyne,

Taf miyaanan rogeyn siduu cudarku ii taabtey!

 

War Abwaan Jamaal hadii aad heysid labadaa gabay oo dhameystiran fadlan ii soo gudbi via pm. Ama ii tilmaan meel laga helo fadlan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this