Sign in to follow this  
Paragon

Cirroolleyda Qurbeysan (warning: for elders only)

Recommended Posts

Paragon   

Horta raggow, silsiladani waxa aan jeclaystey in ay noqoto goob ragga inta madaxa booseystey ee da'da ah isku nabdaadiyaan, oo ay, wixii wariyo wacaale ah isaga wareystaan. Damacna igama hayo inaan xaajo-odayeed dumari u xambaarshoo, waayo in dhoweydba, ma aanan macaansan gunuunacca, guraabaaska iyo far-fiiqoodan siyaadey.

 

Marka, akhyaareey, illeen in la is wareysto ma xumee, sideey xaajadu idiin la muuqataa? Sideydaa oo kale - dhakafaar ma idinka heley nolol-maalmeedkan xaadirka ah? Maxaase tallood usoo jeedin lahaydeen Somalinimadan aafeysan?

 

Wallee anigu yaabbane ayaan ahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Wa arrin aad iyo aad uu habon lona bahan yahey in laga munaqashodo. Waxayse kisa qurxon lanlaheyd madama adiga aad so bandhigtey mabducaan in bal marka hore aad fikradada ka dhibatiid qodobada aad carababtey. Hasa ahate waa arrin losa shah shubto jilibkana lo labo mudana in lagugu bogadiyo hal aburkeeda.

Waxanse ka cabsanay madama aad ku magacowdey 'Ciroole' oo kudha in ay dad badani iskaga cariri doonan smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Awoowe inta cireysatey in yar baa ogol iney qirato. Waxaa intaa weheliya waayeel da'yar diiwaanka ku qortey berrigii ayaan-daradu jidhey ee dadku wada tacaburka ahaa. Waxaanba la marsiin karin in ay cireysteen oo waxayba kuuga jawaabi ma anniga...war orodoo filkaaga raadso. Sidaa daraadeed saaxiib rag badan inoo iman maayaan oo doc bey ka wada wareegi.

 

Waa side, galad eebe weeye belo aan sheegano ma qabno. Waxaanse ku weydiiyey maxaad dadka u kala soocdaa awalbaaba tafaha nala heystey oo eed iyo waa nala xumeeyey aannu la wada liidaney oo quus wada gaadhney ee maxaad ninyahow haweenka innooga ceydhisey.

 

Waa tahay! halkaa marka ay botorineyso yaan weydhax is idhaahdaa! Waayo Allow Jamaaloow maxaan waa beryey soo joogey. Hadba markaan dib u jaleeco bedhi loo soo maray yaan muxubo daraadeed muusanow dhoolaha cadeeyaa.

 

Bedhi waxaan garanayaa, hadde waayadan ka hadli mayo, waa waa hore 1900 kii anniga iyo Sayidka aanu inta dhab u eegnay oo munaaqasho iyo miisaan miyir iyo deganaanba ku dheehan tahay aannu la beegsaney aayaha dalka iyo xaal sheekadu waxay gadaal ka noqon doonto. Allow kuu naxariiso maxuu ninkii xikmad iyo aragti qoto dheer Eebe ku manaystey. Ileyn nin is ma dhalo. Waxuu igu yidhi, sida cadceeda yaan u gadhanayaa weedhiisii..."Baashiyoow Somali annigaa ka dhashay hooyadeyna ina-Caro Soomaali bey aheyd oo si kasta waan u gadhanayaa. Hadaan fiirshey dad muwaafaqo leh ma ahan. Gacan adag iyo maquunin waxaan aheyn wax kuma leh". Dee waa bedhigii aannu dirirney ee aan is-maqiiqa iyo talo-marooqsigiisa markaan arkey aan isagaba hadhay. Waxay ila tahay taariikhdeyda cidi ma mooga.

 

Hadde waa sidaa e addigu war iyo wacaale maxaad heysaa..oo hade gogoshana noo balaari oo rag iyo dumarba ka talo-geli ileyn wey nala dhasheene.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Jumatatu, Sxb, runtaa weeye bal shaaha noo soo wada shub. Shaahaan cabbo waa midka loo yaqaan 'waarikow', ee sidaas maskaxda ku hay.. smile.gif

 

Baashi,

 

Cirrooleyda Qurbeysan waa ay is ogsoon-yihiin oo markaan fursad u helo ayaan, insha-allaahu, mid mid shaaca uga qaadi, idin Allah. Qodobyo qiimo leh baad dabaqa iga sarreeya kusoo qortey, waana dhab-jirtoo rag badanoo gabow ah ayaa targalka minjihana ka xirta. Rag aan islahaa waa indheer arag, iyana wey igu maangaabteen, wallee xujada joogta ma sahlana. Baashi, waxaad mooddaa in aakharo-samankii lagu nool-yahay, xaaladuhuna xasaasi yihiin. War sow wacdara ma aha hadii yar iyo weynba dadka imaansan la'yahay intuu Eebaheen ku maneystey? SOw iyana, la yaab ma ahan hadii, rag aan ku qayaasey cimri-caameed ay dhagta u mudantahay sidii xaawaleyda?

 

Baashi, qisada jirta ayaa waxay tahay, in maalin weliba marka aan is iraahdo u kici-tag jaamacadda aan raaco ... tarayn albaabada uga xardhantahay 'metro cammell', waxaanan u micneystey in laga wado 'Geel Magaallo'. Hasa-ahaatee aniga oon hubsan (illeen, hubsiino hal baa la siistaaye), sow reerihi migiya geela ku heystey inta aan taar qabadsiiyey kuma odhan: SOO WADA GUURA, SOONA DEGA LONDON, sababtoo ah, meeshu waa xero-geellaade, roob iyo daaqsin-madowna lehe, geedi soo gala. Lol.. Baashi, sheekada waa iga sidaas, oo reerihiina geela soo rare - oo halka ay Raashiya ayeey afka ku hayeen ... smile.gif

 

War saaxiib, 1900kii waa inaan u hab-sami leh uga faalleyn-naa markuu Eebeheen wakhti nasiiyo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

War heedhe Jamaal saaxiib ciroolana waad sheegtay aniguna mid yar baan hadeer meeshaan kulahaa mid gaban ah oo soconaya baan ahay, hada cebaa dhacday, meeshaan odayaashu isku waraysanyaana waan iska qaban waayay..lol..laakiin waxaan umalaynayaa inaybasan soomaliga waaweyn akhrin aqoon ee kan waaweyn noogu wada

 

hadaba bal warka u garwaaxsadaye maxaa laga hadlayaa, maxaa tiri reerkiibaad soo rartay oo tiri halkaan roobaa ka da,ay ..oo maxaad reerka u waashay meeshaan naq iyo geelna ma lehee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

>^^^ Looooooooooooool Ceebeey Tacaal!

 

War heedhe, sowdigaa xodxodashada reer-maagaalleed bartay? Maxaad tanyar ku tiri? Yacquubow, Eebe caybtayada iyo tan waalidkeen ha asturo, tan yar intaad u dhallinyareyso, geedna u waabto, aqalna u -alloosho, allaa ku siiyee - aaheey-kusii smile.gif

 

Ninyahow horta, waa runtaayo naq iyo cagaarba lagu ma arko geyigan-gaalleed, laakiin nin-carriga ku cusubaan ahaayoo, waxaanba is iri intaan reera kale dhulka -aaranka ah idin ka hor-daaqin ku soo guur! Hadase beryahan ceyr ayaan wada nahayo - qamandidaan miisannaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

War ma kaa dhabaa, wiil balo baan noqday oo aad iyo aad baan xodxodashada ubartay, war meeshii gabdhaha qonofka lagu qaban jiray waa laga raystay oo hada si reer magaalnimo ah ayaad gabadh qoorta ugu soo dhagi. war midaan mid aqal waab iyo alool taqaan ma aha, ma gabdhaheenii ducaysnaa inay meesha joogaanbaad mooday, anigii odayga ahaa baa dhintay oo maalin walba fish iyo chibs waxay yihiin ma aqaane sii wada. waxaaba ugu dareed maalin dhawayd waxay i waydiisay " yaad raga heesa ugu jeceshahay", dhakafaar baa ilaahay ii keenay bal aniga iyo nin heesa day (Wadh), hadii ilaahay kuu roonyahay jamaaloow cabaar baan fakaray dabadeedna dee anigu ragii horaan kaharaye waxaan lasoo booday "Bob Marley"..gabadhii cagaheey wax ka dayday..balaa dhacday..laakiin hada waan ilbaxay oo markii ay waydiisaba waxaan iraahda 50cent iyo nimanakaloo warqad aan ku qortay... ma wax daran baan xifdin karnaa ilaahbaa na lehe.. bal ood ka bood ma ay itiraahdo, saan uga bow iraahdo way arki la hayde.

 

War bal adigu ii waran, warkaaga waa la waayaye, xageebaad ku cawaysaa baryahan, war nin yahhow wadankii abaar baa ka jirtee horta halkaan caws ma laga qaadi karaa markaasna geelii gubad loo diro..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Kix kix kix oo hadana kax kax kax oo misana ahaaahaa ha ha waaryaada hee show maaweelo iyo madadaalaba innaga isugu fillan. War Jamaal maxaad tidhi reerihii waxaan idhi soo guura gidi saad u dhan tihiin inta arkay “metro cammellâ€...

 

War Rainbow show ninyahow cilmiyada aanu bixin weyney adigaaba haya. Maxay tidhi nimanka heesa hee kix kix kax kax Alla qosol badanaa. Saad maxaad tidhi Bob Marley aha ahaaaaaaaaaaaaaaaa armaad “I shot the Sherif†u qaadey waabad yeeliye kix kix kix kax. Hadda ma waxay danni tidhi inaad 50 cents, iyo raggii rag ahaa aad dhageysatid bal si aad waqtiga iyo hablaha casrigan wax ula qeybsatid. Walee waad iga qosliseen. Waase waxaan loo noqon doonin.

 

Anniga qisooyinka aan haye faro ma leh. Waxay ugu dareyd habeenkii inta si xarrago badan inta u labistey oo abatiga dhuuqsadey aan arrooska u raacey mid kheyr qabta. Bal maxaa I watay. Waxaa la galay dhakhle iyo daba-ka-nuuxis. Sow ima oran ila cayaar...waxaan is idhii waa adigii laba xiniinyoodka wiil hooga ahaa e yaan gabadha wiilashaan yar-yari kaa qaadin. Hadde ogow nin casriga la socda ma ahi oo Nairobi yaan ku habsaamey meeshanu waa Toronto. Inta ookiyaale benson ah habeen barkii dhab isku siiyey waa annigii jaan-dheerta qabsadey ileyn ninba waxii Illaaheey barey buu la shir tagaa e saa qosol baa lala wada dhacay...saan waxaan is idhi bal tana ku day oo dhaanto Zeylici yaan u badaley mise ka tag gabdhii yax-yax waa iyada isku yaraatey. Saa feedh iyo laad baan la aaday wiilashii qosoleyey. Annigoo waxa daqar igu yaala aad maleyn karin baa dibada la ii soo tuuray. Saa inta jaf-jaftey baan iska dhaqaaqey...maxayse kuuga taala dhuubo dhex yar annigaa ku danbeeyey.

 

Akhyaarta waan sii dheelmanahayaa e waa inoo berrito. Ragguna waligii jabkiisuu ka sheekeeyaa ee soo daaya...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ LooooooL@Bob Marley,

 

Yacquuboow saaxiib raggi waa kii ku jaazi-jirey BB-King iyo Bob-Marley. Mar hadii ay sheekadu mareyso warqad macagyada doobkaheesa ee cusub, tallaa faraha ka haaday. War ninyahow anba waxaan u xiisay meeshii dhadigleeyda la qonfi jirey oo weliba toomtoomyana loo raacsiin jirey. Waa sidaas aad sheegtee yacquuboow, hadii alle kuu roonyahay, dhoocilihii yaryaraa oo cakuukooyinka ayaa waa loo maara-waayey. Iyagoo labaatan-jirsadey ayey saqiir ismoodaanoo waaba ka war-moogyihiin mas'uuliyada saaran, oo ay weliba ugu muhiinsantahay 'ina odayaasha raashiin wanaagsan loo kariyo oo fiish iyp chipiska saliidooda laga yareey, si eyan ugu laabjeexin.'

 

 

Qisa yar aan kuu qeexo Yacquubow,

 

Nin aan akhyaar wadankii ku wada ahayn, ayaa beri dhoweyd dalkii nooga yimi. Ninku waa xaasleey, xaaskuna halkeer ayuu u daganyahay oo wey ka soo horeysey. Maalintuu yimi habeenkeeda ayaa rag kale oo ah akhyaar ay saaxiibo yihiin ayaa waxay u sameeyeen xaflad yar oo soo dhoweyn ah. Xaflada kadib ayaa waxay ka baryeen in la wada qayilo oo halkaas lagu caweysto. Illeen ninkani weligiis qaad afka ma saarin, hasa-yeeshe ma uusan u sheegin saaxiibadiis arrinkaas. Mar allaalle iyo markii uu qaraarka-qaadka taabtey ayeey waano ku saabsan dumarka wadanka lagu qabo siiyeen. Waanada waxay ahayd in uu iska ilaaliyo xaaskiisa, waayo xaasaska wadankan waxaa u dabeecad ah in ay rag inta dharka BAC_MADOW uga buuxshaan kadibna dibadda u dhigaan.

 

Markii qayillaada la idleysetey oo taqsiintii la tufay ayuu guriisii soo abaaray. Sidaa markuu guriga usoo joogsadey ayaa waxay indhahiisu qabteen labo BAC-MADOW ah oo iridka docdiisa horyaala. Markaaseey inta naxdin darteen indhaha dam-yiraahdeen, uuna u maleeyey in xaaskiisu ka war heshay inuu qayil ku maqnaa, niyada iska yiri: "balaayaa ka dhici weydey, wallee ragu waanadoodii sax bey ahayd, anna bacdii madoobeed baa dibadda lai qotomshey" .markaasuu labadii bac ee madoobaa horey usii qaatey..oo sxbadiis ula tagey kuna yiri - "naagtii wey isoo eriday ...oo dharkeygii waakan aan bacda madow ku wato"

 

Nimankii saaxiibadiis ahaa oo yara wareersan ayaa islaanta sodohdiis ah telefan u direen una sheegeen waxa dhacay! In gabadheedha ninkeeda oo dalk ku cusub bac-madow dibada u dhigtay... Sodohdii oo dhakafaarsan ayaan gabadhii wacday oo canaanateyna. Gabadhii waxay ku jawaabtey: "Hooyo aniga ninka ma eryin, garana-maayo cida eridey ee wuxuu ninka sheegaayo hala hubsado".

 

Raggii qayilsanaa markeey is yiraahdeen hubsada arrinku, waxay goor-dambe garwaaqsadeen in aan ninka la eryin balse uu horey usoo qaatey bacihii-qqashinka ee la doonayey in gaariga qashin uruurinta subaxii horey u sii qadoo. Waa mar ay xaajo ku cadaatey ragga dhamaantii - oo ceebina ku wada timi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Baashi:

Awoowe inta cireysatey in yar baa ogol iney qirato.

Baashow, walle run baad sheegtoo, murtiduna adigayba kugu dambaysay. Koley anigu is sheegayoo odaynimo waan ku cirroobey.

 

Jamaalow, maandow raggu ha sheekaystee miyaanay habboonayn in marka hore albaabka la xiro? Jamaalow aaway Shaahii? Rag waa shaah marka hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tola'ayoo tola'ay ma anaanan soo qaldamin maanta, markaan arkay mowduuc ku saabsan "Cirroolleyda Kurbaysan" waxaan u qaatay in ay TALADU TAFAHA KA BAXDAY oo rag badan kala caroodeen oo gogol dhig la isugu habar wacanaayo.

 

Balse hadaan soo baraarugay oon gartay in meeshaan rag cirroole yaal ah isku habar wacdeen (ibtilo), hadaba aniga cirradeyda waa cirra caanood (akhyaar nimada ayey la imaatay)..laakin waxaa codsi iga ah afartan jir caruur ah boos ma u heli kareeysiin :D:D:D:D

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^^ Kix kix kix! @ Afartan jir Caruur ah! War ma kuwii iyaga ahaa baad ahayd? War bal dhageysta ninkaas qawlkiisa, war sow ka ma war-qabtid inuu ..shuu--kaaga geela dabri karo? Lol

 

Waa iga kaftan ina Iskoris-shoobare

 

Libaaxow sxb, shaaha waa shuban yahay, ee suurtiisa udgoon ee lagu carfiyey hayl, qorfo, sinjabiil iyo dhage-yareba ku soo dhowoow! Illeen waa sidaad sheegto, ragi waa shaahe!

 

Odey, Baashina, bal kursiga soo jiido oo illeen adaa war-gal ahaaye, noo warran!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

kix kax kix Alla qosol badanaa...war Jamaaloow maxaad tidhi labadii bac ee qashinka yuu ragii ula tagay. Iyagiina sodohdii bey waceen. Caku iyo humbsiimo daro.

 

Alla Libaax yaa ogolaadey da'diisii runta aheyd. Nin ragga dheh. Waligiiba xinniinya cade runta waa ogolaa ee waa ciyaalka xaafada waxa aan waxba la marsiin karin ee besaani yaan ahay uun yaqaan.

 

Shoobaro inna shido-badane nin weyn oo nin yara hore yaan u soo arkaye ee bal uun shidada inaka daa hadaad doonto ciyaalka xaafada ku darsan e.

 

War akhyaareey bal i dhageysata annigaa war haye e! Waar nimanyahow kulleyl kii dunnidaa nalugu ibtileeyey. waa 101F maanta xaleyna wax quman ma dhaamin. Marka shaaha waan ka caagan nahey maanta oo kale ee faanto iyo isbarmuuto iyo fiintoow bal wax i qaboojiya igu daya. "Global warming" bal Jamaaloow, Libaaxoow, Shido, iyo Rainboowoow iiga taariikheeya...mala "shiidii" baa la gaadhey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

War dhalinyaro cireesatay meesha miyaa laga ogol yahay yaa. Sidiuu saxiibkeey rainbow sheegay, dee aniguna waan is celin kari waaye oo bikradii yareed waxaan ugaga imi meel cidla ah.

 

Baashoow beenta ma ihin oo kuleel iyo abaar baa jidha. Miyiga maanata roob kama da’in oo geelana haraad buu dhutinayaa.

 

Horey baa geel-yaqaan u yiri:

 

Cirka oo gaddawaamey

Dayoxoo galka diidey

Dhulka oo gasariirey

Dhirta oo gabalkeediyo

Garaskiiba har waaye

Oo caana gaasir noqdeen

Iyadaa la gumrinoo

Gurboodkii yaryaraa

Galax looga lisaa.

 

Wareer badanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   
Baashow sxb, waxaan ka maqli jirey gaala-madowda kiinyaatiga ah: "Dhaawa yaa Mootoo ni Mootoo"...oo u dhiganta: "Daawada dabka waa dab" ee maad shaaha ka wardoontid, illeen kuleylbaa kuleyla lagu daweeyaaye?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this