Sign in to follow this  
Paragon

Cirroolleyda Qurbeysan (warning: for elders only)

Recommended Posts

Paragon   

Awoowe, waa Illaah Mahadii mar hadaad nabad qabto, waayo waxaan islahaa Odeygii Baashi ahaa, illeen carrigu waa qurbee, talow ma cunsuriyiintii gaallo-cadka ahayd baa sur-gooyey! smile.gif ..

 

Baashow,

 

Waa Xarago weyn ninka helay xamaaliga e',

Eebaan Xamdiyey rag haduu xaadir yahay e'

Xujoon maayo nin-cuskaday Eebe Xarigiise

Xeydo macawiista ninyow xoolo waa buux e' ;) ...

 

Sxb horta in yar oo duca ah iga guddoon... inkastoo war iyo wacaale haba-yaraatee aanan hayn.

 

Rainbow - Lol@ Bangala = Ban Gaallo sow uma yara dhawaaq eka sxb?

 

Raggu ha sheekeysto Baashoow!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by J11:

Waa Xarago weyn ninka helay xamaaliga e',

Eebaan Xamdiyey rag haduu xaadir yahay e'

Xujoon maayo nin-cuskaday Eebe Xarigiise

Xeydo macawiista ninyow xoolo waa buux e'
;)
...

Alla yaa cizak yaa Jamaal. Xeydo macawista ninyahow, xoolo waa buuxo e ! Awoowe waan ka helay xikmadaas.

 

Raggu ha sheekeysto oo ha la isu waramo oo kaftan aan turxaan laheyn ha la isku tuur-tuuro dee.

 

Awoowe horta gabayada goormaad jamatay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Lol Baashoow ina adeer,

 

Marka aan la i arkayn baan laba xarfood si qarsoodi ah u gantaa, sida gammuun liishaan la'aan ahna halkuu haleelo dan-iyo yeelkeed :D .

 

Teeda kale, ninyow, walaahi beryahan aniga xaalkeygy waa: afkii baa juuqda gabay, oo weli ka sii darey oo shibta isaga batay! Insha-Allaahu mar baan si habsami ah isaga war-guri doonnaa oo aan hamuunta is-wareysigeenaa dartiis u 'kadalabsan doonaa'.

 

Bal adiga ... kuleylkii kaliisha ee idinku habsaday ma i sasoo tarayna?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Maya! Marakan buuba ugu daran yahay. Sidii koboshaa kaliileed, ileyn kurey wesku kaadshaa. Gabadh diric ah baa laga sheegay. Awoowe tii baa igu dhici gaadhay. Project-tiga (horta maxaa af-somali lagu odhan jidhay) aan hada wadno ayaa waxa uu ka socdaa meel saxaro ah. Markii orientation-ka naloo qabtay ee laga sheekeeyey meesha hawsha naloogu direy cimiladeeda yaan waxa aan iri anniga iyo kuleyl waan is naqaan oo waxaan ka imid meel kulul. Hadde nin anniga yiri dad iska saar baa la yiri.

 

Hadda maanta waa 96 F. Bal ka waran haday leeyihiin waa nafisney! oo todobaadkan waa upper nineties! Awoowe ubad biyo ah yaan wataa oo hadba qur-quro yaan ku dhuftaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

"Sidii koboshaa kaliileed, ileyn kurey wesku kaadshaa"

 

Loooooooooooooooool - war muxuu ku howlanaa oo ka kaadshiyey kureygu, waa amakaag e'. Sxb Walaan xusuusneyn tafsiraadda xarafta: Project. War ninyow meeshu ma saas bey u kulleyl badneyd. Wallee anaga raaxeysanney oo kulleyl kurey ka kaadsho ma aanan arag teer-iyo hadeer. Waxaa laakiinse aan kugu la talin lahaa in aadan marna ka tegin Ubbad-da illeen Odey naf la caari baad tahaye smile.gif ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

cirrolleydaan mabba isfahmeyno-saa wa kuwa abahay la'eg ;) kaga daran mid taahayo iyo mid timihi ka bidey weeyaan balo!. war hedhehaya ninka BAASHI layirahdo waxaan uqabe inuu nin xoogsan yahay oo cadceeda iska xijiin karo, ileen waa'ba mid ey katalo. Mandhow bal kuwa'ad ushaqeysid bal waxaad kutirahda ASHUUN kursigaada agtiis haku digaan-hadii kale wale adoo dehydration udhimanayo baa dhaqtar lugu geyn->Waana adoo cirrolley aha awalkii hore

 

RAINBOW-meshaan intaad dirici xaid xaite baan waxaan iri bal halkoo odey ah mesha ka indha indhee :D laakiin cirrolleydaan waa wada QOMBOF (way katalaa :eek: )cesh calaa rabi!

 

J11-adi waxaa uqabaa iney cirrolleydi ad katirsaneyd la extinguish gareeye..(prolly during HOMO HABILIS era ;) ) -Iam glad we have you as one of the rarest in this site :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Maa kaa dhab baa see ubbad-da u dhigaa!

 

Ruala, qallanjo horta xagaad ka dhacday! Nafta yaaba iga dhacday saan ku lahaa dhuubo-dhex yareey addigana waxaad leedahay waa ka dhamaatay! Maa caleesh :D War baadanse heyn, heedhe oday six pack leh meesha annaa ka jooga :cool: . Waxaad yeeshaa isu kaaya keen aan kugu akhriyee...waa waqtigii casharka remember ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^^^cajaabey cajiib maxaad tiri odey lix baakadood leh ;) adaa ba kajiro miyaa-warka isii bal :D haye..hestaan baa iguso dhacdo BAASHIYOW markaan ku arko.. mellaan dhaweyn ba iga muqaneysa ceesh calaa! wad ogtahay qalaalasada kadhici leheyd mesha hadi aan kuu dhawaan laha :eek: :D iwad shekaado bo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Qalalaase wax la dhaho ma jiro :D Qallanjadeyda inta ee ila baashaalee addina Kismayo eleha koonfurta jasiirad ku taala aa ka noqonee Araweelo numero uno iyo qallanjo singorita.

 

Marka kuleelka la gaarona Baadiye aa lagu geenaa. Haye sheekadaas ma ku jirtaa qofyahay ;) No? Hees tabalcaaro aan tuurana hee:

 

Mareeraaliyo hawd baad mush-mushaaxi laheydoo,

Marsa geel ka cabaayaad wax ka maali laheydoo,

Miyibaan Aqal weyn kaaga moosi lahaayee. :D

 

Innagoon kala maarmiin marna heyga maqnaan!

Innagoon kala maarmin kolna heyga maqnaan!

 

Dhuubo aan ku habeeyo hee :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

walaahi Jamal iyo Baashi caadi ma tihiin.. You guys are the best man. I wish them people could understand all this..looooooooooooooooooool...

 

I realy injoy reading what you guys post in this thread... keep it up 4real...

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Waraa shoobaro waa gabdaro badan tahay ee iska daaf Odayga.

 

Adeerkeey Baashe shaash tuure waxaa ku hartay Hal tiiro oo qaraami ah ee iska daa hakaa ganto tiirada asbax yahoo..Yaahuu baa lagu yiri.

 

Adeer dafaaye, gabarta wee kaa yartahay amee kugu suuxdaa?????AAaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa...

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Raula maalin hore waxaan qabtay Oday baashe oo gabay gaan tirinaya.. waa gabay jaceel...

 

Gabay by someone I don't know realy...

 

Dahabow =(Feebaro) jacayl baa idilay, oo idaashadaye

Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo dagaye

Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye

Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

 

Dawo waxaan lahayn iyo sunbaan, duhur cabaayaaye

Anigoon dakano aadmi qabin, ways daldalayaaye

Dab haddaadan ii shidin la waa, inaan dawoobaaye

Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

 

Nin dayuurad haysta yaan odhan, diilinta i saare

Waxay sii daryaantaba kolkay, dowyo sare gaadho

Daruuraha markay gaadho yaan, dam iska soo siine

Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

 

Markab diririglayn iyo intaan, doonyaha raaco

Badda weyn markuu ila derdero, yaankasoo degiye

Meel aan dabbaal lagu karayn, Dahaboy caynkeeda

Iyo daakhil kaan tagahayaa, daacadda Ilaahe

Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye

Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

 

Haddaadse raro dun lagu daadiyey, oo daabac laga buuxshay

Oo midabku deyldeylan yahay, dadabta gaadhsiiso

Diyaar loo sameeyey iyo, dharkii deeqa aragaaga

Oo damacu wuu badanyahee, deymo kaa qabato

Yaan duunyo kuu siin hayaa, adi dadaalkaaye

Danbigaaga oo idilna waa, layga dedayaaye

Waan diir xumaan maalintay, diinftu kugu taale

Xigaalada dugaalkeed badhbaa, la iska diidaaye

Dadkiinaan jeclaan iyo intaad, duray wadaagtaane

 

wareer badana!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Waryee ilmo Baro qallanjadan waa waxaan la quudhi karin ee iga daaya shoobaraha :D Odayga ha istereexo dee :D Addinkaa helayee tan iiga wareega haddii kale waxii Illaahey i baray bal loo shir tagi doonaa :cool:

 

Feebaro gabayga wa ka helay sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   
war derbiyow itaabo (my eedo says this when she encounters something funny)..ha ha ha ha ha-ilma baro iyo Baashi-bal aan idin so labto :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this