Sign in to follow this  
Paragon

Cirroolleyda Qurbeysan (warning: for elders only)

Recommended Posts

LooooooooooooooooooL@raula

walaashiis waxba liiska DARBI yuu kuugu ciriirin, maxaa yeelay liiskiisa GAANJIBAYAAL iyo GUMEESYAAL ayaa ka buuxa, adigana labadas iyo wax la mid ah ma tihid gabar GASHAANTI ah oo la GARWAAQSADO aa tahay, marka JIQ uga dhig ninka waa JAREER ee :D:D:D

 

Darbi walaalkiis "PM" ayaa la ii so diray, waxaa la igu yiri "ninkaan wuu igu daadiyayee iga dhici" hadii kale BAASHI ayaan jiqiiq uga dhigaa. Adna waad ogtahay in walaalkeey iga weeyn baashi agtiisa la iga soo marin oo muraad ka leh raula daraadeed ayaan waxa kor ku qoran u qoray ee ha iga caroon xaaji :D

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
SJ   

Maandhey, ninkaygani meesha iska soo xaadiriyay markan Derbi maqlay baan ka

hadlayay, laakiin ma ogayn inuu dadku queue kuwada jiray.

 

 

Shoobaro, sxb, balo majirto haday jirtana.......ha walwalin ninku waa Jareer ee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Raula waxaan kuu wadaa warqad kasoo fuqday beerka baashe. Aan kuu aqriyo..

 

 

Text:

 

 

Waan ku salaamay salaan aad u wanaagsan salaan taas ay ay ku dheehan tahay isbarashadii cusbayd oo aan habeen dhowayd aan is baranay isbarashadaas oo aysan aniga ii ahayn habeenkii iigu horaysay oo aan ku barto bal ay ii ahayd habeenkii aan ku baray jiritaankayga oo aan adduunkaan baxadda wayn aan kuugu la noolahay adiga.

 

..........Salaan kadib run ahaantii si aad iyo aad u wanaagsan ayaa wax wayn iila qabatay anigoo markii hore aaminsanaa qoftaas (Raula ah) kaalin muuqata ka soo bixi maysee anigoo aanan garanayni meesha ay iiga timid niyad jabkaas baaxadda wayn .

 

........Run ahaantii haddii aan ogaan lahaa qof caynkaan oo kale in aad tahay mar hore ayaan iskaa bari lahaa,haddaba dhib ma qabo mar hadii aad i baratay.

 

.........laakiin su'aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay barashaadaan hadda kowsatay ma noqonaysaa mid sii waarta.........??????

 

 

.........waxaad tahay axad qaali ah oo aan ka reebi waayey xusuusteyda…waxaad u muuqataa lammaane uur ka soo wada baxay iyo in aad tahay mataan ila seexatay uurka hooyo…wehelkii naftayda ayaad ku qoran tahay xaggayga, waxaad harsataa qalbigayga.

 

Halbowlayaasha dhiiga ayuu xulaa dareenka ka go'i waayey laabtayda, beerka ayaad ku taalaa, boggana boog aan bogsan ayaad ku leedahay…taas oo ku danqata xusuusta kulul ee ku soo dhacda maankayga.

 

Waxaad tahay qof bashar ah oo uu ILLAAHEY abuuray…haddana si weyn ayaan kuu darajeeyaa…waa la igu colaadiyay hadal heynta xaggaaga ah oo ay dhaafi waayeen dibnahan iyo carabkan u bartay ku celcelinta magacaaga quruxda badan Raula ……asagaaba macno weyn oo jaceyl ku fadhiya kaas oo ii diiday in aan iloobo…...Raula…….…Raula…....

 

 

........Ilama aha in uu adduunka saaran yahay axad lagu garab dhigo, mana qabo in uu Wanaagaaga igaga bi'i karo sahal waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn ee walaal aanu u hibeyn walaalkii ama aabe wiilkii.

 

 

….........qof Qiimaynta iyo qadarinta wax weyn ka garanaya ayaad tahay oo aysan jirin qof laguu lamid dhigo.

 

ma garanayo goor aan ka hirqan doono wanaaga ka buuxa laabtayda…dhadhanka dareenka farxadda leh rabi ha nooga dhigo mid taabo gasha isbarashadeena.

 

 

..........Ma caddeyn karo wax xag Ilaahay jira…

 

Ogoow wehelkaygiyow in intii aad Iskuulka aad ka baxday oo aad i moogeyd uu culeys badan ku dhacay naftayda, qalbiga ayaan ku hayaa in aan noolaan karin la'aantaada…is badal baa ku dhacay naftayda, waxaana ugu wacan aragti la'aantaada, marnaba kuma iloobi karo…hilibkaygiyeey sideen kuu moogaan karaa…?!!!

 

 

.........Haddii dhaqtarka ugu sarreeya adduunka ama sheybaarka ugu fiican la I geeyo oo la qaado dhiigayga iyada oo laga baarayo wanaaga aan kuu hayo, waxaa hubanti ah in dhibic kasta oo dhiigayga laga heli lahaa 100 garoojo oo wanaaga aan kuu hayo ama aan kuu qabo…haddaba wehelkaygiyeey sideen kuu moogaan karaa…?!!! Ma garanaayo waxa aan ku matalo sida aan u jeclahay la joogaaga…qalbigaygiyoow haddii aan baalal lahaan lahaa inta aan soo duulo sida shimbirka boqorka baalaleyda ee Galeyrka ayaan agtaada ku soo dagi lahaa oo aan kuula bilaabi lahaa Macadka SIMAD ee sideen kuu moogaan karaa gacaliso…?!!!

 

 

..........Naftaa ku raacday oo iska kaa daba gashay sideen kuu moogaan karaa…?!!!

 

Dareenkii raaxada, dhadhankii nolosha marna kaama ahaan karo wehelkii naftaydaay sideen kuu moogaan karaa…?!!!

 

NOTE:

 

iga raali noqo waan kuugu soo yareeyay ayaan moodaa waayo qofka haddii uu yiraahdo wanaaga aan kuu qabo ayaan kuu soo diraya ila maha in ay sadex bog ama wax lamid ah in uu ku soo koobayo ee RAULAAY abaayo macaan waxaan kaa sugayaa jawaab waafi ah oo anigana iga farxisa....

 

By: M : H : O Caate

 

Ar wareer badanaa!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Feebaro aboowe..yakhee! waraaqdaan wey ii qalbi argigixise ;) weligeey qof warqaad jaceyl midaano kale i'qore ma'isomarin abiidkey! ii aqri hadana mandhow :D ( at this time and age-I have never seen such letter-truely classic) feebaro mandhow bal an ka carbuunto waraaqdaan-bal aan kuso jitee halko-waad ogtahay inaan jaa cireyste :D;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

GUYS listen if y'all like gabayo jacburis (camiritaan) meeshaan fiirsha....

 

this site has lots of poems.. you could eather listen to it or read it....

 

kuwa aan ugu jeclahay waa jacbur1 and jabur2..

please dageysta..ilin baa idinka imaan doonto sida aad u qosleysaan..

 

waxaan u maleynayaa J11 iyo baashe waad garaneysaan idinka....

 

waakan web pageka....fiirsha jacbur1 iyo 2

 

http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dhoodaan/dhoodaan.htm

 

wareer badanaa!!!!

 

http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dhoodaan/dhoodaan.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Haye haye! Shukaansi aan gabbasha lahayn miyaad ku bilowdey Raula? See camal sxb, saan ma anfaceeso nooh! Odey Baashi oo ay indhihiisa so cad yihiin ayaad ka fara maroojisey raula! ..

 

Odey Baashii - war ninkan Feebaro iska celi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

ar warqada feebara aa i dishay,iyaaaaaaaah baashi wara feebara aa kugu haayo weerar, wareer badanaa lee ka garo loooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Waa i kanaa annigoo careysan oo aadan maleyn karin waxa aan maaganahay :mad: Awoowe warkuba igu ciririq weeyaan!

 

Marka ugu horeysa ilmo BARO see baad damacdeen? Ma idinkaa (wadar) RAULA wada raba oo damac baa idinka (wadar) haya? Mise midkiin baa issagu gaar u jantay oo qallanjada doonaya? Halkee bay iska qaban la'dahay?

 

Warqada wiilakan (feebaro) wax ku doonaya see wax ka yihiin? Waqtigan miyaa calaacal iyo wadnaha iyo halbowlaha dhiigiisa oo laga sheekayo dumar lagu helaa? :D War maxaad ii keentay icon_razz.gif Sxb,warqad dheer annigu wax kuma doono ee afkeygaan ku kalaamaa :D

 

Raula,

Dhuubo see ahaan waayee smile.gif Ragga ha isku leyn dee qofyahay :D Mise waan tashadaa oo sidii inna rag yeeli jidhey baan yeelaa oo inta dib wax u ilaaleeyo yaan hablahaa wada cudoon mid ka mida yaan bustaha iyo ubbada ag dhigtaa?

 

Hadaan la i qaabilin hadda xaalka waan iska tagayaa oo bajaq kale aan raadsanaa...calaa caleyk ka badanna ma dhahaayi icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

LoooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooL

Baasheeeeeeee!!!!Man walaahi ilin baa iga imaatay saan u qoslaaye...

 

sxb adiga baan kuu ahaa imbasador..lol..warqadadii wataa iiso dhiibtay adigoo kun buste kusaaran yihiin oo wili laguu qabo nin waashay ileen jaceel baa aboor kugu abuurayee..yaa...

 

War heedhe hadaam is idhi caawi walaalkagan cireystay oo wili Doobka ahi ma wax qalad baan sameyey walaal.Yaa. Way oo Way anaa qaladka lahaa oo damcay in aan Raula kuu soo xero gasho. Bal iga raali noqo sxb...lol

 

Wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this