Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Salaan... I can't believe it is the fifth time I'm celebrating Kowda Luulyo on here. 2002 2003 2004 2005 2006 Waa maalintii Soomaaliyeed, qof walba oo Soomaaliyeed dhiig wadani leh ku farxi lahaa. Wax walba waa dhacaan laakiin maalintaan mala iloobi karo. Ila damaashaada. Bogaadin iyo hambalyo dhamaan ummada Soomaaliyeed meel walba ee joogaan. ___________________ NB, Nuune mise Wiilo mise Adminka, baliis, if you can, move this thread back to General section. Ma'ogi sababta inta loo keenay awal.
  2. Jecliyaa jabka Arjentiin. Ar saan u jeclahay in laga ooysiiyo. What a game! I told you Jarmalka will make them cry, laakiin I didn't expect they will also box! Dagaal ee rabaan. Meesha fair and square ayaa looga raaye, they should depart fair and square. That, friends, is sportsmanship. Hal gool xun ee dhaliyeen, markaas ayee hadana is tuur tuurid and time wasting bilaabeen, including their boorto. Hadana markaas ee difaac kuu galayaan, a la Talyaani game; then hugely committing a blunder by taking out the noobaha and diyeeshaha, their laacibiin, bringing in defenders. What do they expect? Maba oga miyaa Jarmalka in uu xoog ciyaaro iyo a real will of teamwork ku joogo meesha. Actually that goal Arjentiin scored motivated them, awalba waa jiifeen. Now bring whoever and whatever. If they can beat Arjentiin, wax ee u daahayaan ma jirto. Cry baby cry! Si fiican u baroor.
  3. They made Maradona cry in '90, a final game I vividly remember and still never forgotten seeing Maradona's final image on tv, crying like a big baby. Oh, what a happy night it was at Xamar. The team that made Maradona baby-cry: Kilinsmaan, Foller, Matiyoos and Berehme. They will do make Maradona's kids cry. You will see it on tomorrow. Been been ma jirto. I will looooooof to see Maradona cry again from the stands.
  4. Sheekadan reminded of a time I was interpreting for islaan duq ah (meesha cayrta) oo marki wax kasto loo dhameeyay oo la yiri suaal ma qabtaa waydii. Ee intee soo booday kute, "wax kasto wuu ii ogolaadaye, Allaha asagana ha soo hanuuniyo ku dheh." Niyadan waxaan ka iri naa hooy hooy intan yaree uu ku siiyay yuusan kaa ceshan. Anna waxaan ugu fasiray inay Thank You ninkii tiri. Bishaaro, iska qiro nooh. Aniga uu ahaa iska dheh, waxba islaan haku marmarsiyoon yaaqeey.
  5. Aar Libaax Anoo arday ajnabi ah ku dhex jira, wiil Falastiiniyaan ah oo dadkiisa ka faanana uu sheeko noo wado, ayaa waxaa i arkay Faarax Badal. Ma inkiri karoo hadhow baa la oran Qarni oo gaalo ku dhex jira ayaa nin ina adeerkiis ah inkiray. Waa gacaldiid bay siddii Maxamed Kariye suuqa ii galin. Ardaydii baan inta iga raali ahaada iri u tilaabsaday meeshuu taagnaa. Waa nin xoog badan oo inkastooy murqihiisu go'nayn haddana dhirir iyo lixaad u dhashay. Waa tiiri tunkiisana lama taaban karo. Garbaha ku yaala waad yaabaysaa. Gacantiisa midig ilaahoow dhaha intay na dharbaaxdo aynaan dhulka galin. Dadka intiisa kale wuu ka dheeryahay dhulkuna uma dhawa. Cagihiisana weynankooda kabaha lalama wadaagi karin. Bidhaantiisa baabuurtan faraha badan wuu ka dhex muuqdaa. Wuxuu qabaa shaar ku dhagan iyo funaanad qoorta ka haysa. Ninkan aad arkaysaan wuxuu ku abtirsadaa geesigii dirirta ba'anaa, halyeygii dadkiisu wali hadalka hayaan. "Aarlibaax" ayaa awow u ah. Waa Aarlibaaxii ay codowgiis uga cowdeen "inta aarlibaax aan arkayo aarsan kari maayo." Isagan iyo walaalihiis oo wada waaweyn qurbahay qaabdaran yihiin. "Maxaad haysaa?" buu yiri markaan hoos istaagay. "Waxba" ayaan iri. "Odaygii ka waran?" Odaygu waa adeerkay Afdiir, caaqilka cidaha. "Suubban baa haysa." "Waan kuu baahnaa" buu yiri. "Maxaan kuu sameeyaa?" baan ku iri. "Dhaqtar baan rabaa inaan arko, cid iiga afcelisana waan rabi lahaa." Waxba kama qabaan iri. Markaan waydiiyay inuu dhaqtar gooni ah leeyahay iyo in kalena wuxuu ii sheegay inaanu waligiis jiran, waayadan danbese uu isku arkay wadne xanuun uu garan waayay. Wuxuu markuu taleefoonkiisa qoray igala dardaarmay inaan u balamiyo dhaqtar nin ah oo usan doonayn inay dawayso qof dumar ahi. Wuu igu adkeeyay. Wadaad ma aha. Waranlayaal buu ka soo jeedaa. Wuxuu dumarka ku diidayose ma weydiin. II Waxay gabadhii kalkaalisada ahayd ee ay ka muuqatay inay meesha ku cusub tahay noo hor kacday qol meeshan ah oo balaqan. Way furtay waxayna tiri is fududeeya. Waxaan jeleecay Faaraxaan u turjumayay. Qolku waa ku ciriiri qaabdaradiisuuna soo saaray. Meeshuu gacanta saaraba waxbuu ganbiyaa. Cabsi aynaan caado u lahayn baa ka muuqato. Waxaa nabad ugu danbaysay markuu daarta soo galay. Anagoo sidii isu dhexdaadsan ayaa waxaa dalaq soo yiri dhaqtarkii. Waa qof dumar ah. Waa qof da' yar oo aan qurux yarayn.Waxaan waydiiyay maxaa ku dhacay Morriskii aan la balannay. Wuu bukaa bay tiri. "Keebaa labadiina la hayaa" bay tiri intay waraaqihii ay wadatay dib ugu noqotay. Faraax Badal gabadha markuu arkay wuu baydaday. Gadaal buu u gurtay. Wuxuu u ekaa xayawaan la soo xiray oo dadkuna xasadnimadood daawanayaan. Wuu isla dirirsanaa, wuxuu damacsanaa inuu oodda jabiyo. Nasiibdaro, qof dumar ah baa ilinkii isku gudubtay. Waan u gudbiyay in ninkan ina adeerkay ah la hayo, anna aan afhayeen u ahay. Waxay fiirisay Faarax. Wuu arkaa in la eegayo. Way ku soo durugtay. Dib buu u siqday. Darbigaa soo celiyay. Anuu i soo dayay. Kama sii dayn. "U sheeg" bay tiri "inuu shaarka iska bixiyo." Waan u sheegay. Wuu ashahaatay. Markuu arkay inay talo ku caddahay, intuu dhinac kale u jeestay uu dhabarkiisii baaxada lahaa na soo aadiyay, ayuu bilaabay inuu dharkii iska bixiyo. Oogadiisa waxa dhogar saaran. "Soo jeeso dheh" bay tiri. Wuu soo jeestay. Wuu dhididayay. "Jir qurux badan baad leedahay" bay si toos ah Faarax Badal ugu boorisay. Muuna maqal. Wuu naxsan yahay. Naf baa haysa. Waxay farta ugu fiiqday inuu fariisto. Wuu yeelay. Markuu fariisto madaxay ugu joogtaa. Intay u soo dhawaatay bay kalyaha ka taabatay. Xabadkana bir ay u baratay intay ka saartay bay tiri "haah dheh" Wuu dhahay. Faro cadcad bay wajigiisii fiicnaa saartay. Dabadeedna afkay fur tiri. Wuu furay. Way ku falaadaysaa. "Aah dheh" bay tiri sidii ilmahii. Wuu yiri isagoo ilmayn raba. Faarax Badal gacan bay gabadhu ku dhigtay. Aniguna sidii tiir baan soo taagnahee turjumaadayda waa horaa laga tanaasulay. Aadmigu sida la og yahay inta badan oogaduu ka hadlaa. Faarax way aragtaa inuu fiigsan yahay. Sidii faraskii buu dagaalamayaa. Hadba boggay ka soo marta mooyee bogga kaluu isugu bataa. Waxay u dhiibatana sidii owr dhib badan wuu ku tuntaa. Mar ay thermoomatarkii afka u galisay ilkihiisii is garaacayaa gooyay. Gabadhu way yaaban tahay; tannoo kalene mayna arag. Markii ay is mari waayeen ayay turjubaankii meeshan joogay ku soo jeesatay. "Waxaan u baahnahay" bay tiri "saxaradiisa." Runtii waan naxay. Waxaan ku hadlaan garan waayay. Faarax Badal inaan dhaho kaadidaada iyo xaarkaaga koonbo ku soo shub kuma dhaco. Ilaah baa ilehe waa arin aan la turjumi karin---gogol baa ka imaan karta. Gabadhiina way iga afdhowraysaa. Faaraxna wuu i dhowrayaa oo wuxuu sugayaa waxaan soo wado. Talaa igu cad. Mar danbaan isku dhiiriyay waa la dhimane wax un dheh. Siddan baan nin doorkii u dareensiiyay waxay inantu ka doonayso. Ina adeerkay markuu ogaaday wuu argagaxay. Dharkiisii buu bilaabay inuu xoog u xirto. Wuu na dardaray. Albaabkii furnaana orad buu ugu baxay. Galabtaasaa iigu danbaysay. Faarax Badal wuxuu mootan yahay sanad iyo dhowr bilood. Dadku waxay dhahaan amar ilaahay buu u dhintay. ________________ W/Q Wiilwaal
  6. Waxaan been waaye waraa. Meeqo sanee waxaan wadeen. Ma rumeysatay adiga? Bajaqyaashii MSN kugu jiray inaad ka walwashid ayaa gaartay yaah. Ha walwalin, macalinka. Em Es En wali waa sidiis, oo bilaash ah.
  7. Not another 'investor' with that bogus company called Resources. Why, I thought 'art' was enough for you guys to, who might have been informing. Apparently not. And what you were looking, just the breaking news is in: The Buntilaan parliament cancelled its contract with Range Resources Ltd. Sad for you, I guess. Better find another 'investing' endeavour in Liberia or Sierra Leone.
  8. The fella doesn't exactly look like a barbaar. Perhaps markuu yaraa, I guess. Ninkuu Shaaticagaar watay ma'aha, I see. Good. Wax qabqable wataan qeyr malaha.
  9. Sarcasticnimo ayee iga ahayd, saaxiib. Jaamac Qaalib wadani asali waaye, waliba boqolkiiba boqol dad badan dhaamo. He is also a real wadaad qunyar socod ah, the old version wadaad Soomaalida lagu yaqaanay, unlike baandada maanta is dhexyaaceyso with their seef laboodnimo.
  10. "Waxaan kaliya oo aan aqbalayo waxay tahay in marka hore Maxkamo Islaami laga furo Marka, Baraawe iyo Afgooye, maxay tahay waxaa laga raadinayo Muqdisho" ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). "Ma Aqbalayo wax aan ka jirin Baraawe, Afgooye, Marko waxaas oo lagu raadinayo Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in xalay soo weerareen niman sheeganaya Magaca Midowga Maxkamadaha Islaamka balse ay yihiin beel... Xigasho Xataa kaaba qabiilkii weynaa Nusdiid ayaaba sheekadooda awalba la ogaa, laakiin duruufaadka jiro ku kaliftay in uu banaanka usoo saaro maanta dhabta jirto.
  11. Jaamac Max'ed Qaalib is a sellout calooshiis u shaqeysto ah, joining the long list of sellouts: Sifir, Buubaa, Kalluun, Tuur, Boos, Dheeg, et al, et al.
  12. The geeljiros in Ontario these days xagaas ayee ku socdaan, the newly found greener pastures loo sheegay. Soomaali iyo meel u guur u fududaa. Oh, meeqa aan aqaano ayaa socoto. Darn, almost anigeeba iimaanka iga soo rideen, soo bax igu hayaan. I ain't going, dankis. Hadaan Xamar deganayn, meel aan Koronto ugu socdo ma jirto.
  13. Af waakoo, meey liki aamee ayaa la yiri! Ka soco.
  14. Todobaadkaan [Juun 28] meeshee ku sugan yihiin their excellencies, the chosen leaders: Shariif Hasanoow Shiikh Eedan [back to Baydhabo yesterday]. Cabdillaahi Yuusuf Axmed [Went to Gaambiya (yes, Gaambiya of Galbeedka Afrika!) shaleey via our unofficial capital, Neyroobi, using the same plane that landed Shariifka]. Max'ed Cali Geedi [still chillin' in Neyroobi and living at large, with all the luxuries it offers].
  15. Originally posted by Xarago: The gradual decline of warlodism era....when will the wind oif change reach Bay and Bakool? Markee Waqooyi Galbeed iyo Togdheer ka xureyaan the last throes and remnants of the last regime. When they liberate those gobolo, then the 'wind of change' finally reaches somewhere. Otherwise, it ain't gonna reach no where, let alone pass Afgooye, the closest town to Xamar that is warlord-controlled and occupied, but supposedly ignored by the 'maxkamadaha' since the occupier is the Korneel Awey's distant cousin.
  16. Originally posted by Sophist: Miskiinoow waa runtaa! Tusaale ayuu mudan yahay ninkaan aan isku magaalada nahay. Sofka, waa lagu salaamay, duqa. Long time iga dheh. Laakiin do you know him? Nin aqiyaar buu ahaa. His wife now lives in London, I don't know if asagana kusoo noqday London. And if you have the complete story, ii sheegba. I am not sure if my version's detail is correct.
  17. Ciyaarta live kuma fiirsan, inkastoo a few minutes on encore ku fiirsaday, including at the end. I neither supported those teams, and was completely indifferent to the game, if not bored. However, as a neutral, I believe that was a rigooro -- inkastoo Talyaaniga [plus Burtuqiiska] lagu yaqaano is tuurid micna daro ah, laakiin that was sure rigooro, markii that hapless defense la dhaafay ayuu lugta ka qabtay by his gacan. Granted, it happened extremely waqti xun. Any savvy aarbiitaro wouldn't have called it a penalty because waqtiga ee dhacday wasn't waqti lagu waco rigooro unless it is extremely, extremely undisputed one. Australia meesha banooni kuma haayaan ka ahayn bug bug. I hate bug-bug style banooni, which is Afrikaan-style and Ingiriis-style. Wax la fiirsan karo ma'aha. Jabbaan ayaaba dhaamay, I don't know see ugu soo raayeen.
  18. “C/llaahi Yuusuf ma ahan nin doonaya in uu lacageyso taa anigaa huba, C/llaahi labo ujeedo buu leeyahay, tan 1-aad waxey tahay wax waliba oo ay ku qaadato xittaa in uu Itoobiya u isticmaalo in uu dalka nabadeeyo, kuna soo celiyo sharcigii & kala danbeyntii oo uu sidaa magac ku yeesho, kuna aqdaanto & tan 2-aad oo ah isagoo doonaya in uu noqdo halyey ******* oo soo celiya sharaftii & heybadii *******... Maalin ayaa la arki doonaa miyaa markaas Taaladii Halyeey Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo Xamar ka taagan? Nin ayaa riyoonooyo, walaahi. What a high-bar ambition u degsan odeyga.
  19. Salaan... Soomaalida dhaqankooda wax is casil kuma jiro. Either xoog ayaa looga qaadaa mise wax kale ku dhaceyso. Dadka is casilo, ama aayahooda ugu tago Soomaali waxee ka qabaan an archaic view that qofkaas inuu yahay qof daciif ah. Kii xoog ku amrana inuu yahay kaliye taliye ayee aaminsan yihiin. Meel loo raaco maleh. Waxaan xasuustaa this great gentleman, whose wife was a family friend. He worked for dowladii kacaanka, at its central Bankiga Dhexe. Because of his position, he accumulated a great wealth and prestige. Fortunately, he became qof diinta ku dhaqmo, and sensing that wuxuu kasbaday dhan inay ahayn 'xalaal,' he consulted to some wadaado, and they advised him to give up all his wealth, except to those that he knew and was sure uu xalaal ku keensaday, which were his first house and car. He decided in uu celiyo all other houses, which numbered four or five, including villas and mansions. He also decided wax walba in uu celiyo, u celiyo dowladda -- the cars, the farms, his senior position at work. His family quickly had a crisis, especially his sub-clan members. They tried to dissuade him, wuuna ka diiday. They also advised him, should he insist on his opinion, in uu u qeybiyo the wealth to his extended family and sub-clan members, which uu ka diiday again. They finally declared him to be on the verge of insanity. He told them whatever, that wax walba wuu celinaa. By God, he did it. And few months later, the civil war broke in Xamar. Now, that is true gentleman with defined sumcad. Many Soomaali men wax uu sameeye inay sameyaan iska dhaafee, meeshuu joogay dagaal iyo wax kale inay ku gaaraan rabo, iskaba dhaaf inay iska casilaan. The last I heard the gentleman became a big tabliiq and was living in Bakistaan, happily, I guess.
  20. A picture from a Shiino-Carab Cultural Festival, held in Beijing recently. This Shiinees girl's attire does represent Soomaalida dhaqankooda, our guntiino. Soomaaliya was included because of its membership of Jaamacadda Carabta. Perhaps the Shiinees lady is cuter than qoftaan diraca wadato, who is married to a Soomaali faarax.
  21. LoL, Jeneraalka had this tender side, maba ogeyn nooh yaaqeey. Soomaaliyeey too sooy, too sooy isku tiirsadayeey. Hadba kiina taagdaranoo, taageera waligiinee. [i taught this national anthem of ours to some of very younger nieces of mine. Now wey xafideen, marka iyagoo iska warqabin ayee qaadaan sometimes, naturally flowing. I am proud of that. ]
  22. Shabbele news lied about these supposed killings, as they lied about Ethiopian troops in Baidoa. That ganacsade victim, by the name of Boonoow, Shabeelle kama been sheegin. He was killed by a militiaman kamid ah ciidamada C/llaahi Yuusuf. Waana lasoo qabtay, oo ninkaas dadkuu u dhashay ayee u taalaa waxee dalbadaan, hadee diyo rabaan iyo hadee wax kale sheegtaan. Yes, Shabeelle waa buunbuuninee, but who doesn't? Each Soomaali "news" site waa buunbuunisaa waxa dano ugu jiro. All wax is dhaamo maleh. And those 'culumadiinka, waxgaradka iyo ganacsatada' hadee dad jiraan yihiin, as opposed dad imagined by Shabeelle, would also talk about dadkooda degan Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose gumeysi lagu haayo, not dadka dhulkooda heysto ee reer Bakool iyo Baay. But, noo, Shabeelle danahooda ayee ka hor imaanee hadee ka hadlaan or won't report it. Let them talk about masaakiinta dego Awdheegle, Daafeed, Qoryooleey, Kismaayo, Saakoow, Afgooye, Bu'aale, Baraawe, Marka, Janaale, Sablaale iyo meelaha kale oo cadaadis lagu haayo and their beero, too.
  23. Meeqaa lagu dilaa dalkaas Koonfur Afrika. Inta Soomaali ku dhimatay the last couple years lama sheegi karo, yet wali waa u socdaan. The ruling party, African National Congress, ayaa u roonaa Soomaalida, especially waaguu Mandela xukumi jiray, oo sharci deganaansho iyo wax kale la siin jiray, stillna la siiyaa, though it isn't the way it used to be. Then tukaamo, baqaaro iyo ganacsi badan oo yar yar ee furteen. Then kuwii Galbeedka deganaa ayaa tagay, oo bilaabay ganacsi waa weyn, sida inay ka keenaan goods from Thailand iyo hoteelo waa weyn ee dhisteen. It was only about time madoowgii awalba midab takoor iyo wax kale lagu heyn jiray ee bilaabaan xaasidnimo iyo wax kale. My brother-in-law's brother ayaa Mareykanka ka tagay, bilooyin markuu joogayna a group uu ku jiray was attacked, one being killed and asagana dhowr bilood uu coma ku jiray. Hada waaba Eebbe mahadiis, kistoo iska fiyoow, kuna soo noqday Mareykanka. Iskaba dhaafay ganacsigii uu rabay. Yet many Soomaalis waa u socdaan to that region, including Mosanbiik iyo Saambiya, oo isku sheegayaan jano ayaa ku jirnaa, albeit public insecurity ee ku nool yihiin, oo hub ku dhex heystaan tukaamadooda iyo other ganacsi ee lee yihiin.
  24. Xamar caddeey, ar maxaa loo xiisay. The memories! Waa kuwaanaa xaafadeena.
  25. Ani, waraa waraadaan mugoow ma u bogin. Tuujka, laakiin shimee igu aragtay anigoo 'maskiin' iska dhigaayo. Wah. Anaa laa maskiin, hadaa laakiini fil maskiin ka fiicnaana, yacni duniyadul nolol naxariisiya la igu waciyaa hadaa fii wiil baari. Nacam. Hadaa xataa laa aqiyaariya. Anaa kabiirul odey. Nacam. Fii laa macruuf xataa ma rabiya; xataa laa xaaji qamsiini ma rabiya, laakiini anaa mar walbiya yaa qeyratul sheeg, fii warsame. How is my luuqatul jacburis Carabiya?