-
Content Count
17,654 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Range resources given the official go-ahead
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to art's topic in Politics
I didn't know art mastered the Soomaali language. Art, can you kindly translate the article, baliis? -
Sawiro lala dhaco waaye, oo picture perfect ah. About the coast and saxara-like environment kinda reminds me this sawir I took three years ago at outskirts of Xamar: It is where the undisturbed sea, land, sky and living meet. I sorta fell in love with it. If you haven't noticed, the sea is up there, in the dark blue behind the geel. Cloudless azure sky is almost perfect too.
-
Widaayoow, kuwa maxkamad isku sheega xukumo magacyada ee isticmaalaan aa iga yaabiye maalmahaan yaaqeey. Maalinba magac baas aan maqlaa. Abuu Mansuur, Abuu Cuteyba, Ibnu Max'ed... Walaahi waa iga yaabiyeen. Xataa Carabtii ayaa maanta isticmaalin 'abuu' ka ahayn Falastiiniyiinta. Taloow 'abuu' inay diinta kamid tahay mee moodeen? Ogoowna iyaga kaligood kuma koobno, dad badan Soomaali ay isku fikir yihiin ayaa maanta la baxo waxaas, sida 'umm' iyo 'ibnu' wada raaciyo. Eebboow u sahal ummadeena meelba laga heysto.
-
IndaCADE names himself security chief of courts...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Juje: quote:Originally posted by OLOL: Liberate yourself poeple and work for the Somali progress and peace. Stop attacking people fromm other clans with propoganda and above all fear ALLAH. Thank you for the encouraging words widayo, lakiin aa mesha ku jirta. For me to go back to Somalia I have to go back to Marka-Cadey. And at the moment I cannot cause we have been asked to pay a equivelant of $45 a month for what was our premisses,plus equivelant £86 for a business (mac-macaan) shop we were running there. We have all left and none of my close family is there now. The mentioned premises has since been confistigated by the local authority (note not formed by reer Marka) cause of refusing to pay the levied tax. So my frind I have no qualms with your personification of Balayo Indhacade and am waiting for the ICU to come and free Marka Cadey. Finally, we have a fella from Marka Cadeey. Marka Cadeey minankii Awcismaan ninkii moodo munaafuq waaye aala dhahay. U sheeg that we don't need the UN to document his notorious activies, including his extended drug farms, such xashiishyo and how he is uprooting centuries old trees to make them dhuxul and export. Tell them how he charges levies on the poor native residents getting water from Webiga Shabeelle. Tell them how extended jidgooyo he has at every other kilometre in Shabeellada Hoose. Tell them also how uu ciiddii Shalambood gaday, oo guryo lagu dhistay. Tell them beeraha xaaraanta uu ku heysto. Tell them why it is purely coincidence [yea!] his fellow clan cousins rule Afgooye, Daafeed, Baraawe, Marka, Awdheegle and Qoryooleey, where they have absolutely no business. Tell them how uu native local clans iskugu diro, exploiting their minor differences, oo midba hub yar u dhiibo because once they unite he knows asagee kusoo jeesanayaan. Tell them how he overchages levies masaakiinta guryahooda loogu yimid, forcing them to pay 'taxes' per head in each house, including those not-so-houses such mudulo and cariishyo. Inform the poorly misinformed this pseudo self-proclaimed 'sheekh' Indhamadoowe drug baron ah how ridiculous he charges levies on international organizations, the hay'ado that came to help the poor native people. He charges them upon landing, upon leaving. He forces them to rent his vehicles and militias. He forces them to rent his xaaraan lagu helay buildings. The unabashed self-proclaimed 'sheekh' xataa xishoon when he claimed on idaacadaha to "own" the publically owned warshadii baastada. Muxuu mooday ma beerihii oo xaaraanta ku heystay oo u qarsanaa inay yihiin warshadaas loo wada jeedo? What a shamefulness character tuugnimo ku dardasay oo xishoon. If this Indhamadoowe character isn't warlord and is, in fact, an honourable, respected sheekh, then I don't know what ideal diin we Soomaalis follow. This certainly isn't the beautiful Islaam and what it espouses. It indeed isn't. He is indeed trying to discredit Islaam itself by claiming wadaadnimo iyo sheekhnimo. Oh, muxuu magac sheekh ba'ay today. Marka ma anagaa maanta Indhamadowoe inay na baraan rabaan wuxuu yahay mise wax kalaa jiro? Sheeko baraleeyda naga joojiya, baliis. -
Goofka Dayniile.com oo isdhiibay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Will boowe Allpuntland.com isdhiibi doontaa if His Excellency, his Most Honourable Cabdillaahi Yuusuf Axmed, God Forbid, loses? Will that be as hilarious? Will be waiting. -
Ar title maxaa la iska qaatay. Kii laba buug aqriyaba title uu ka hormarsiye magaciis. Ar maxee iska dhinteen ditooradii, sheekhyada, xaajiyadii, barfasoorada, shariifyadii, gaashaanle dhexeyadii, sareeye guudadii.... Ar maxee Soomaali title u qabeysay, micnonimadii ka qaaday, oo dhulka ku rafisay sidii jawaan camal.
-
Salaan... Since everybody uu isdhiibaayo these days, maxaa ka celinaayo if a webnews isdhiibo. Nothing. The question is, though, what will they bring forth? Their old PCs? Their flashing digital cameras that used to capture every public moment of Qanyare? _________________ "Kadib markii cabashooyin sida mowjadaha bada oo kale ah loo soo gaarsiiyey madaxa xafiiska wararka website-ka Dayniile ee Muqdisho C/shakuur Cilmi Xasan, uuna u gudbiyey cabashooyinkaasi milkiilaha website-ka Axmed Sheekh Cali (Kalaay) oo ku sugan Sweden, kuna wargeliyey in uu beri (Shaqo ku laheyn) ka yahay wararka ay magaalada Muqdisho ka soo dirto Maryan C/llaahi ee lagaga been sheegayo midowga maxaakiimta, laguna weerarayo qaar ka tirsan beelaha Soomaaliyeed, isla markaana haddii maamulka website-ku aanu wax ka qaban wararkaasi in madaxa xafiiska Muqdisho uu diyaar u yahay in uu joojiyo wararkii uu u soo diray jiray website-ka, maadaama wararka ku soo baxa magaca Maryan ay yihiin warar iska hor keen ah oo aan waxba ka jirin, isla markaana dhibaato u keenaya sumcadiisa. Maamulka bogga ayaa la-tashi fara badan oo uu sameeyey & E-mailo uu ka helay aqristayaasha wuxuu go’aan ku gaaray in laga bilaabo maanta laga ceyriyo shaqadii ay website-ka u hayeen Maryan C/llaahi & Cabdi Xasan Gacal, wuxuuna maamulka sheegay in uu ka war-helay in Maryan C/llaahi & Cabdi Xasan Gacal ay lacago ka qaadan jireen shaqsiyaad diidanaa in magaalada Muqdisho ay hesho nabad & kala dambeyn, wuxuuna maamulka boggu sheegay in bogga Dayniile uu noqon doono mid ka nasahan warar aan xaqiiq aheyn & warar shaqsi ama beel gaar ah lagu weerarayo. “Maamulka website-ka Dayniile wuxuu ka raaligelinayaa aqristayaasha sharafta leh in bogga Insha ALLAAH aan mar dambe lagu soo daabici doonin warar aan xaqiiqo aheyn†ayuu yiri maamulka. Sii aqriso _________________ Laakiin su'aasha kale waxee tahay goormuu Dayniile.com awalba run sheegi jiray? Will they also apologize to others relentlessly ee mucaaradka ku ahayeen, including fabricating horrid stories about them? Perhaps they are threatened. Or perhaps not. Or perhaps they completely realized Qanyare ain't going to get back in polical scene in the foreseeable future.
-
IndaCADE names himself security chief of courts...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
He has the pseudo portfolio of interior ministry now. And believing this news clip, he will also run the airport at Xamar. Is he gonna arrest me the moment I land at Xamar? Oh, I am feeri, feeri scared. Indhamadoowe as a minister of interior. LooooooooooooL. -
Baydhabo -- Madaxweynaha dowlada federaalka Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo wafti ballaaran oo uu horkacayo ayaa la qorsheynayaa in ay safar deg deg ah uu maalinimada berri ah ugu ambabaxaan magaalooyinka Gaalkcayo iyo Garoowe ee xarunta Maamul Gobaleedka Puntland . Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehelin doona mas�uuliyiin dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra'isal wasaara ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Col. Cabdi Xasan Cawaale "Qaybdiid" Lama xaqiijin ujeedada dhabta ah ee uu Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay ugu baqoolayaa Puntland inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in safarka Madaxweynuhu uu ku wajahanyahay arimo u gaar ah oo loo badinayo in ay ugu weyntahay arimo Militery. Xigasho __________________ Haduu warkaan run yahay, yaab badanaa. Dadkaan dagaal wax aan ahayn ma yaqanaan miyaa? Qeybdiid asagana ma quursado miyaa. Masaakiin oo aan waxba kala garan karin ka ahayn qabyaalad ayee rabaan inay kasoo wadaan meeshaas, dagaal lagu laayana usoo horseedo iyo dhaqaalana waxii la awoodo laga soo aruuriyo. Once a military men, always a military men. The only way they can think of, nothing outside of the military box, always the solution lies inside the military box. What a twisted mentality. Qeybdiid intuu dad dhibi kari waa dhibay. From Ceelbarde to Kismaayo ayuu qas iyo xasuuq ka geystay. Intaas enough kuma noqoto ninkaan gaboobeynin.
-
Mogadisho International Airport open for business
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Soomaal, Indhamadoowe is gacanta midig of maxkamadaha ku sheega. Without him and his little cousins of Cirfo, Goobaale, Dhuxuloow, Seeraar -- they just wouldn't have reached where they are now. Ma kala haraan. I don't know why dadka u kala bixiyaan, as though they are separate. Indhamadoowe is the so-called courts, they themselves made it official by appointing him at one of the top posts, though he declined publically, but behind the scenes asagaa maamulo wax badan. They can go all the way to Jalalaqsi, pressuring the locals there to support them, but, yeah, waala iska indhatiraa to liberate the occupied Afgooye oo Xamar afka u saaran, iskaba dhaaf Marka, Baraawe iyo Kismaayo. Indhamadoowe is the power, the force behind it, and he, eventually, will be the one who disintegrates it hadee afaarahiis soo faragishtaan. Only a todobaadyo ago, sawirkaan ayaa laga soo qaaday. Joe Gordon, Head of the UN Security Somalia, shakes hands with Yusuf Indha'adde, right, one of the officials of the Islamic Courts when he visited the Mogadishu airport, Monday, July 3, 2006. U.N. officials assessed security conditions in the Somali capital on Monday and met leaders of the Islamic group that has seized control of Mogadishu, the first formal contact between the two sides since the militants' dramatic rise to power in the city. The two-member U.N. security team visited Mogadishu's airport and sea port during a preliminary assessment of conditions at the facilities likely to be used by aid agencies that are considering stepping up humanitarian operations there. Persons in the middle and left are unidentified. (AP Photo/Mohamed Sheikh Nor) -
Hada kahor shabakada Hiiraan la dhaho ayaan qoraal gaaban u qoray. Inkastoo aan qoraalo u qorin shabakooyinka, midaas inaan qoro ayaa damcay. Shabakada Hiiraan qoraalada ninka ugu soo tabiyo Xamar, ama wariyahooda ugu weyn waa qoraalle dhab ah, oo xirfad u leh. Shabakooyinka kale waa ku yar yihiin wax xirfadaas leh. Maadaama uu saas yahay ayaan damcay sanadooyin kahor inaan wax u yar u sheego. Bogga Hiiraan markaa aqrineysid wararka Soomaaliga meeshee ku qoran tahay wuxuu ka bilaabaa sidaan Jimco, July 14, 2006 (HOL), markaas ayaan damcay inaa kula taliyo in uu shaxo taariikhda saan u qorno. Intuu ka dhihi lahaa 'July' uu almiina [inkastoo Talyaani yahay hadana wax baa ka badalnay], waa in uu u qoro Luulyo. [Talyaaniga 'Julio' uu dhahaa, anagana waa badalanay saa u jeedid oo waaba wax gooni noo noqotay camal.] Wuu ii soo jawaabay, asagoo i leh waa ku mahadsanatahay laakiin dad ajnabi ayaa qoraaladeena aqristo saas ayaa ugu wacan. Markaa arkay waxaas qosol aaba iga dhamaan waaye maxaa yeelay qoraalka dhan af Soomaali ku qoran, marka maxaa loogu baahan yahay meesha kaliya in lagu qoro taariikhda. Qof ajnabi haduu qoraalkaas af Soomaali ku qoran aqrisan karo, ee markaas Luulyana waa fahmi karaa micnaheeda.
-
Ar af Soomaali maxaa lagu jibjibiye mahaan. Afkeena ka qaleeya yaaqeey, saan ha u galina, mala fiirsan karee. Juuje, ha dhaaf widaayoow. Kursi jiif ki fadheew, shaah dhan, wan dhan. Hooba wal kala fadaasa, iinsheeg.
-
Mogadishu International Airport Reopens After 11 Years
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to SOO MAAL's topic in Politics
An airplane crying Arab League delegates... Typo iga dheh. Shabeelle iyo Soomaalinet yaa wararka Ingiriis ugu qoro taloow? Kuwii af Soomaaliga ku qori jireen ayee butcher gareyn jireen, maxaa u geeye af Ingiriis. Waxaas warar professional u eg inay gaaraan iska dhaafee, xataa ereyadii ayeeba kala garan la yihiin. Perhaps I should apply to Shabeelle as a reporter to supplement my kumi iyo taano income. I once took journalism 101 once, yuu noow. -
Mogadisho International Airport open for business
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Meel Eebbe keeno waa joogaa, waa taagan yahay. Cirfiid miyaa waxa mise kaamirada uu ka helaa. I also subtlely see dharka uu badasho, awal shaati caadi uu qaadan jiray, markuu ajnabiga la kulmaayana jaakad suit ah isku taagi jiray, xataa mar asagoo garabaati wato lagu masawiray, maanta reer Afgaanistaan ama Bakistaan ismooday soo gishtay shaatigii dheeraa iyo surwaalkii gaabnaa. Marba meeshee xaalada mareyso ayaa la isku labisaa dheh, Indhamadoowoow. Indhamadoowe tii asxaabtaada ku dhacday, Qanyare iyo Yalaxoow ku dhacday mid ka daran inay kugu dhaceyso sug. Maahmaahdii maxee ahayd, cagtii joogsan weyso mar ee ceeb la kulantaa? Ar maxaa ceeb kuu dhiman. You wait, balaayo xaaraan ku nool. -
Did Fidel Castro pass away?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
-
Range resources given the official go-ahead
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to art's topic in Politics
Originally posted by art: Miskiin, I cannot but help recall your words quote: And what you were looking, just the breaking news is in: The Buntilaan parliament cancelled its contract with Range Resources Ltd. Sad for you, I guess. Better find another 'investing' endeavour in Liberia or Sierra Leone That was intended as a joke, art. I should have thought otherwise, I guess. I am still insisting you won't get that much from this venture in Buntilaan, regardless what its state parliament approves, as long as Soomaaliya is as divided and as chaos as it is now. Soomaalis already had enough with terrible results of human misery as a result of its clan resources, I don't want another prolonged internal wars on disputed natural resources. -
Waxaa ka hadlaaye waa kanaa. Boorkaan aa u jeedid waxa ku qoran waxaa soo qabanqaabiye Jaamacadda Muqdisho, oo ay ku dhagsanayd meel ay kulan ku lahayeen maalin dhawayd. Boorka kalena waxa ku dhagsanaa waxaan: Marka saa u jeedid hadii 'waxgaradkii' af Soomaaliga ka faantamaayaan oo dalkooda joogo, maxaa ka sugee kuwii kale awalka iska liitay dhanka waxbarashada. Ninkaas, in la dhahaa jeclahay Cali Dheere, meesha ku masawiran sawirka labaad Xamar aan kulanay sadex sano kahor oo ahayd meeshee ku masawiran yihiin oo waagaas la dhisaaye, qofka maamulo waaye Jaamacadda Xamar. Yar ajnabi oo Mareykan u dhashay hay'adna ka socday ayee Xamar meelahee wax ku baraan kusoo wareejinayeen, anigana soo raac soo arag ayee i dhaheen. Waa nin Sacuudiga wax kusoo bartay, jecelna dhaqan Carbeed. Inaan weydiiyo ayaa fiicneed su'aalaha maxaa afkooda hodanka u diiday oo ugu ganbadaan, oo ay kor ugu qaadeynin. Ayaandaro wax kalaa ka fikiraaye maalintaas.
-
The treachery of the secessionists has no limits: Letter to Israel
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to me's topic in Politics
Maxee tahay afxumeyntaan iyo caayda soo noqnoqeyso? Dad waa weyn mar walba aflagaada laga celinaayo? War dadyahoow isku xishooda, sharafta ha iska qaadina, baliis. Don't force us to edit caayda from your posts. Wah. -
Todobaadkaan [ka bilaawaneyso 13 Luulyo], on the Chosen Leaders' itinerary, my bet on last week had paid off. One leader couldn't remain in the country. Geedi went out to the unofficial magaalo madax of our country, to Neyroobi, where he still remains. Shariifka and Cabdillaahi Yuusuf have, shockingly, still remained in the country for the time being. Will this week's bet pay next week? Will they all remain in the country come next week? We will see, but as usual I don't think all three, whose dabo-cuncuneyso, will be in Baydhabo. Dalmar continues to chronicle.
-
Barre Hiiraale “Aniga burcada Kismaayo ma wada joogeyno
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Gabbal's topic in Politics
Aflagaadada iyo magacaabista qabaa'ilada hala yareeyo, aqiyaareey. This is still moderated forum. Si walba haloo murmee, aflagaada hala iska dhowro. -
Video shows Arabs fighting in Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Salaan... Hadee yihiin Carab iyo hadee ahaynba, maxee soo kordhinee cajalkaan? Dad fikirkooda aamisan waaye, oo meeshee ku maqlaan in uu "jihaad" ka socdo iskugu tagaan. Boosniya ayee ka dagaalameen; Shisheen [Chechnya]; Afgaanistaan; oo xataa Filibiin Muslimiinta xagaas ka dagaalamaayo ayee tageen. Marka wax weyn masoo kordhineyso hadee waxee u arkaan 'xaqa' lagu dalaamaayo Xamar ka socdo, oo taageero u imaadeen. Cajalkaan iskaba dhaaf, ani fikrad ahaanteey inay ajnabi dalka joogaan waaba aaminsanahay, oo maalintaa arkay kuwaas wajigooda u duuban oo camaamadaas ku qarsaday, maalintaas ayaa shaki i galay. Yee iska qarinayaan? Ma cadoow sidii Falastiiniyiinta Yahuuda iskaga qariyaan camal maa jiro oo ay iska qariyaan? Sabab ayee wajigooda u da'deen. Teeda kalena xiro weyn ayaa jirto ku taalo waqooyiga Xamar, meeshee meydii Talyaaniga ku xabaalnaan jiray, oo dad loo ogol yahay jirin, ka ahayn dadka ugu sareeyo wadaada ku sheega. Xiradaas ayaa lagu xantaa inay ajnabiga ku sugan yihiin. -
So he took a page out of Attaturk's book and decided to uproot Islam from the lives of the people: Ban the hijab. Discourage/ban prayer. Introduce a cult system where the dictator is subtly worshipped as a demigod. Riducle religion as an archaic relic of the Middle Ages. And when did Max'ed Siyaad Barre 'ban' the xijaab? When did he 'discourage' or outright 'ban' the salaada? And 'ridicule the religion,' how? He may have ordered the killing of 11 wadaado, but the fact was compared to other cult-accumulating dictators of his time, his was a moderate and mild, considering he never actually had that classical, true definition of 'demigod' totalitarian. His face may have been forced on countless stores and other small business places, but the true fact was his face was never on the currency [one of the true features of a dictatorship], not even a single shilin. Even the so-called non-dictators of his time couldn't resist, like Daanyeerkii Ismooday Carab [Daniel Arap Moi], whose propagandic youthful face is splashed all shillings to this day. He never had a taalo or statue dedicated to him in the capital or the countryside. He only had a single building named after him in the whole country, and it was a minor sar of a military training at such. Sure he was nonetheless a dictator, however definitely not on the ranks of Ataturk.
-
Nin ila fahmay adigaaba ka jiro meeshaan. Sababta aan u isticmaalo ereyga widaay ama widaayoow waxaa ugu wacan anigoo iska ilaalinaayo isticmaalka ereyada aan loo baahneen ee shisheeye, siiba Carabiga. Saas ayaan iskaga ilaaliyaa inaan isticmaalo 'saaxiib' oo aan ku badasho widaay oo ah erey Soomaali dhab ah, inkastoo Soomaali badan aan garaneynin micnihiis. Waligoodba waxaa jiray dad jeclaa inaan ku hadalno af Carabiga, intaa ku hadli lahayn af noo gooni ah ee Soomaaliga. Waligoodba waxee dhihi jireen wadamada nagu hareersan [waxee ka wadaan Masar, Liibiya, Tuniisiya iyo Algeeriya iyo Marooko] kale ee diinta Islaamka qaatay af Carbeed ayee qaateen maxaa u diiday Soomaalida. Ayaandaro dadkaan saan aaminsanaa Soomaali ayee ahayeen, walina yihiin. Maanta dadkaas ayaa fursad helay, ka koow waa qolooyinka surwaalka gaabsado. Iyagoo ku haayo markaa aragtid 'akhii' iyo 'ukhtii,' inte ka dhihi lahayeen walaal ama aboowe/abaayo. Intii yarayd af Soomaaliga loo haaye ayee rabaan inay sii tirtiraan, qaarkood qoraalo ayeeba ka qoreen rabitaanka ay rabaan af Carabiga, ayna rabin af Soomaaliga oo hada kahor aqriye. Waligaa muxaadaro [erey Carabi ah] oo dadkaas fikirkaas qabo wadaan ma tagtay? Waxaa arkee iyagoo ku haayo ereyo loo baahneen oo Carabi ku wado qudbada [erey Carabi kale]. Tusaale, sheekh inta joogo waxaa jiro jecel ereyada Carabiga inuu isticmaalo, intuu ka isticmaali lahaa ereyada Soomaaliga. Waa caadadiis, inkastoo aanan hubin in uu iska warqabo iyo inkale. Waa sheekh caan ah magaaladaan. Waxaan ka dhandhansadaa markuu muxaadarada soo jeedinaayo, ereyo badan aanan loo baahneen ku dardaro, qaas ahaan hal erey aan ka xasuustaa uu jecel yahay had iyo jeer in uu ku celceliyo, ereygaasna ah matalan, intuu ka dhihi lahaa tusaale, matalan ayuu ka jecelyahay in uu isticmaalo. Kuwii kalena Talyaani iyo Ingiriis ee dhanka kale ka wadaan, inkastoo wanaag ahaan Talyaani dib u dhacay hada. Ar maxaa la maqli jiray 'aloore' waayadii hore. Waaba laga neefsaday hada, wax yar ka ahayn.
-
Do opposites attract? And does it work?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to - Femme -'s topic in General
Wax Soomaalida ku saabsan lasoo shirtag, sida heblaayo jecel inay aroos ka maqnaan, xaajigeena wadaad ah oo neceb. Mise jaamac jaad ka kicin, ooradiisana maskiin suufi iska ah oo jaad u dulqaadan karin. Ama xaaska jecel inay qolka uunsi ku shido, asagana sanboor qabo neceb. Ama dahab ama dirac intaas joog ha la isku gato jecel xaaska, asagana in uu awoodo iska dhaafee, taano ma uu quuro waa baqeyl ama faqiir. Ama heblaayo telefoonka see aroortii u qabsado salka dhexe ayee dhigtaa, asagana wax cunto u kariyo ayuu waaye. Ama jaamacana suu galabtii biibato qaxwo lagu cabo u fariisto uu ku afleerinaayo uu habeenkii waqtiga dambe soo noqdaa, iyadoo see u sugeysay daashay, ciyaal ka warqab iskaba daa. Not 'vegetarian' ama 'meat eater,' mise 'like horror movies' or 'not like horror movies.' -
Ereyga SOL af qalaad maahinoo, widaayoow? Horta marka koowaad kusoo dhawoow golahaan gaarka ah. Tan labaad mida kaliya aan ku xishmeen jiray dowladii hore kacaanka waxee ahayd sidee igu taxluujisay afkeena hormarkiisa. Jaamacada ugu sareysay dalka, waa Gaheyr, maadooyinka lagu dhigi jiray waxaa lagu sheegi jiray afkeena hooyo. Waa dalka kaliya Afrika saas ka ahaa, marka laga reebo wadamada Carabiga ku hadlo, xataa kuwaas, sida Tuniisiya iyo Marooko, saas uma ahayn, oo Faransiiska ku dari jiray. Isla jaamacadaas waxee lahayd kuliyad lagu turjumo, ifafaalan jiray erayada qalaad, oo sanad walba lasoo saari jiray. Kuwii af Soomaali loo waayo, afka Soomaaliga ayaa loo ekeysiin jiray. Intuu dalka qasnaa ereyadaas, ayaandaro, badankood waa wada dhumeen maanta. Waxa kaliya laga xasuusto waa dhif maanta. Heer in meeshii laga sii wade iska dhaafee, maanta hoos ayaa loo dhacay. Laba af ayaa dalkeena lagu tartamaa. Iskooladii manhaj ajnabi ayaa loogu dhigaa, ama Carabi mise Ingiriis. Taariiq ama juqraafi Soomaaliyeed in loo dhigo iska iloow. Mar badan ma aragtay sawirada xaflado laga soo qaado meelaha ee bulshada iskugu imaadaan ee dalkeena ka dhaco? Waxaa ku qoran boorarka meesha yaalo af Ingiriis ama Carabi, oo Soomaaliga qashinka lagu daray. Tusaale koowaad. Jaamacadaha Xamar ku yaalo, sida dhabta loo yaqaano waa af qalaad. Aan kasoo qaadano Jaamacada Muqdisho, dhabtii waxaa loo yaqaanaa "Mogadishu University" oo waxii dhabta ah oo jiro saas ku qoran, sida dukumentiga iyo saxiixyada. Taarkooda weyna markii la galaayo saas ku dhegsan iyo ereyada Carabiga u dhigmo. Sidaas camal Jamaacada Banaadir. Hoteeladii sidaas camal. Waagii hore dadka isku kalsoon ayaan ahayn, oo hoteeladeena afkeena aan ula bixi jirnay. Maanta? Kuwa ugu caansan maanta af qalaad ee la baxeen, sida Saxaafi, Ambassador, Global, Peace iyo wixii lamid ah, meeshii waagi hore ka ahayd Guuleed, Wehliye, Shabeelle, Jubba... Tukaamadii saas camal. Tukaan walba aad aragtid al uu ka biloowdaa maanta, sida Al Shukri, Al Bakaraad, Al Xarameyn... Iskooladii saas. Iskooladii Xamar ugu caansanaa qaarkood magacyadii laga badalay, oo lagu badalay 'abuu hebel.' Tusaale Iskoolada Sheekh Madar iyo Koowda Maajo maanta Al Shaafici ayaa la isku dhahaa. Kii Banaadir Sare asagana magac kale aan xasuusan uu lee yahay oo Carabi ah. Qofka kaliya dhibsado dabardarada afkeena hodanka ah ku dhacday kaligeey ayaan ismoodi jiray meeshaan ku jiro. Waa wax fiican inaan arko dad ila wadaago inay jiraan oo aan meeshaan isla wadaagno.