Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,649
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. All are in the country, though the days between last Arbaco to this Arbaco [26 Luulyo], both Shariifka [official explanation: 'personal business reason'] and Geedi ['medical check-up'] went to Neyroobi, our unofficial magaalo madax. So, technically, the three couldn't remain for the week in the country. Dalmar chronicles where lacagta lasoo tuugsaday ku baxdo bilaa naxariis la'aan.
  2. They are targeting this poor nationalist halyeey marxuum because simply he was against the old regime, which these two gentlemen above shamelessly supported and defend to this day. [One even bilaa xishood la'aan names himself sub-sub-sub-clan name of his as a username. But I digress. ] The same regime that also tried to block his body being flown home, to Xamar and buried. They tried to ban that, then panicked when all shacabka Soomaalida ku kacay, particularly the residents of Xamar, which, finally, forced them to change their position, by allowing his body to have a semi-state funeral. Hundreds of thousands ayaa ka qeyb galay his funeral albeit the loathed and feared Koofi Gaduud's presence, and he was buried at Xabaalaha Qaranka, the same place C/rashiid Cali Sharmaarke and other prominent figures lie at between Tarbuunka and Isbitaal Digfeer. In uu Ismaaciil Jimcaale Cosoble ku jiray the founders of USC no body disputes, also no body would dispute few people heard or knew USC these days. Also in loo sheego ayee rabaan that there were two branches of USC, one based in Rome and the other based at the ground in gobollada dhexe. The Rome branch, which consisted the highly educated and wealthy, was led by the marxuumka. Cali Mahdi Max'ed himself admitted had marxuumka lived after the fall of the regime, USC would not have disintegrated or behaved wildly, which led it to commit crimes against humanity and massacres as its militias indeed did, and possibly could have been a transitional president, which the majority of Soomaalis would have approved, I believe.
  3. Xaflad lagu xusayo maalinta xuquuqda Aadamiga Soomaaliyeed, aas-aaskii Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha iyo 16 guuradii ka soo wareegtay geeridii garyaqaan/halyeey Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxaana xuska munaasabadahaas isu tegay ka soo qeybgalay mas'uuliyiin aad u badan oo ay ka mid yihiin kuwa Ururrada Bulshada Rayidka, Mas'uuliyiinta Gobolka Banaadir, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale. Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Marwo Maryan Xuseen Awreeye ayaa sheegtay in 37-dii sano ee tagtay ay dhaceen xadgudubyo aad u xoog badan, iyadoo xustay in kacdoonkii 1991-kii lagu riday Xukuumaddii Mileteriga uu noqday mid lagu hungoobay, maadaama ayay tiri ay dhaceen xadgudubyo ka badan kuwii hore, balse uu mar kale dhacay kacdoon shacbi oo ay Maxaakiimta Islaamiga hormuud ka yihiin, loogana guuleystay hoggaamiye kooxeedyadii15 sano dalka iyo dadka u af-duubnaayeen, iyadoo xustay in loo baahan yahay in laga digtoonaado waxyaabihii dhacay iyo xadgudubyadii loo geysanayay dadka iyo dalkaba, waxaana qoraal ay xarunta soo saartay lagu sheegay in muddo sanad ah gudahood ay dhaceen 719 xadgudub oo noocyo kala duwan leh. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Cadde Gaabow oo sheegay in uu Xarunta ugu hambalyeynayo dadaalka ay ku diiwaangelinayaan xadgudubyada dhacaya, isagoo dhanka kalena sheegay in Bulshada rayidka iyo dadka u dooda xuquuqda Aadanaha ay hadda shaqo kow u tahay, “waxaa loo baahan yahay nabadeyn, deriseyn iyo in bulshadii 16 sano kala xirneyd la isu furoâ€ayuu yiri Cadde Gaabow oo mar uu ka hadlayay xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya ka codsaday maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka in ay sameynin wax dagaal ka dhaca sababi kara, si gaar ahna wuxuu u codsaday in ay labadooda ciidan kala xakameeyaan, deetana ay joojiyaan hadallada qadafka ah ee ay Idaacadaha isaga gudbinayaan. Sii aqriso this long article. _________________ Had this honourable man, Eebbeha u naxariistee, lived before passing away few months shortly before the civil war reached Xamar, the quagmire circumstances the country is in now would have drastically been different. Not many of you know him, but only those who knew him or heard him on BBC countless times before the war know what I am actually talking about. Eebboow u dambi dhaaf marxuumka.
  4. Salaan... I am aghastly sick and tired dagaal micno lahayn so noqnoqdo. We suffer from short memory, since, it seems, we've already forgotten the 500 or so people who perished the last couple months in Xamar. I am completely appaled about this indifference of dhiig Soomaali micno daro u daada mar walba. Tired of it completely. Really. It is about time for nabad, regardless what one believes or political [read 'tribal' for most of the time] or ideological one espouses. Pray for nabad. Promote for nabad. Sanction for nabad. U horseed nabadda. Noqo nabaddoon. Dagaaldiidnimo ku dadaal. Say for Nabad. Nabad. No nolol without nabad. Iftiin ma jiro hadee nabad jirin. Nabad brings forth barwaaqo, horumar. Every Soomaali living our country deserves nabad. Yaana nabad u qalmin? Yaana nabad rabin? Yaa jecel hoobiye iyo see-kaa-uu uu mar walba kor ka maro, oo dabasocdo oo goortee ku dhaceyso ogeyn? Dadkeena soo nabad uma qalmaan? Ma xoolahee ka daran yihiin? Also utterly tired of dagaaldoonada inta ku jiro, while fully living at their cushy and comfortable nabad dwellings in the Galbeedka, advocating in the meantime the destruction of their already experienced harship people, overburdened country and bantustanized nation. So, any article you've seen or come across that advocates for peace iyo dhexdhexaadin, baliis contribute. It is the sole opening and raison d'etre of this thread. _________________ Ururka Al Islaax oo sheegay inuu guddi u saaray sidii u dhex dhaxaadin lahaa Dowladda iyo Maxkamadaha Xubno ka tirsan Ururka Al-islaax ay shaaca ka qaadeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho in ay saareen Gudi ka kooban 7 xubnood oo uu gudoomiye u yahay C/raxmaan Baadiyoow, kuwaas oo dhexdhaxaadin doonaan Golaha Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya haddaba war ay soo saareen Ururka Al-Islaax loona qeybiyay Saxaafadda ayaa waxaa u qornaa sida tan. Dalkeenu wuxuu marayaa marxalad adag oo uu qarka u saaranyahay dagaallo sokeeyo iyo faragelin shisheeye, oo wajiyo badan leh, gaar ahaan mid milateri. waxa uu shacbiga soomaaliyeed soo dhaweeyay, xarakada Islaaxna ay taageertay heshiiskii Khartuum, ee ay wada gaareen Dowlada Federaalka Kmg ah iyo Golaha maxkamadaha Islaamiga ee Somaaliyeed. heshiiskaas oo dhaliyay rajo cusub iyo yididiilo nabadeed. hase -yeeshe, waxaa soo ifbaxaya caqabado cusub oo daciifin kara dib - u -heshiissiinta iyo arimo u muuqdo ifafaalo dagaal. waxaa la hubaa hadii aan soomaalidu heshiin in faragelin shisheeye ay sii xoogaysanayso, dalkeenuna uu halis ugu jiro in ay ka lunto qaranimadiisa iyo midnimadiisuba. Sidaa darteed,waxaa lama huraan ah in Dowlada Federaalka Kmg ah iyo Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan dhamaystirka heshiiskii Khartuum. waxaana waajib ku ah waxgaradka Soomaaliyeed iyo Ururada bulshada rayidku inay isu taagaan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo hakinta waxii dhaawici kara. Hadaba, Xarkada Islaax, ayada oo ka ambaqaadeysa dareenkaas, gudaneysana waajibka dib u heshiisiinta ee diinteena Islaamku ina farayso, waxay magacowday. [Read here the magacyo of the guddiga.] hawlaha gudigaas waxay noqonayaan la xiriirka DFKMG, Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee soomaaliya, iyo dhamaan xoogagga nabadda iyo dib u - heshiisiinta si loogu wada shaqeeyo dardargelinta hawlaha dib- u - heshiisiint , iyo najixinta shirka Khartuum. Nabad I ________________ Warbixin uu Magaalada Nairobi ka soo saaray Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall ayaa loogu baaqay Dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo maxkamadaha Islaamka in ay txigeliyaan heshiiskii Colaad joojinta ee ay ku gaareen Magaaalada Khartoum. Danjire Fall waxaa uu ugu baaqay labada dhinac in ay maleeshiyooyinkooda xakameeyaan, isla markaana ay dib u sii amba qaadaan wada hadalladii uga furmay Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan 22-ka bishii June ee aynu ka soo gudubnay. Danjiraha wuxuu sheegay in hoggaanka Dowladda Federaalka iyo wakiillada Maxkamadaha Islaamka ay sameeyeen bilow wanaagsan markii ay bishii hore ku kulmeen Magaalada Khartoum, wuxuuna labada dhinacba ugu baaqay in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara in ay iska hor imaadyo dhexmaraan. Fall waxaa uu sheegay in haddii aan nabadgelyo laga helin dalka Soomaaliya ay adkaan doonto in gargaar ay u baahan yihiin lala gaaro dad badan oo ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya Hadalkan Ambassador Fall ayaa wuxuu ku soo beegmayaa kadib markii ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya ay gudaha u galeen Dalka Soomaaliya, iyadoo taasina ay keentay in ay Maxkamadaha Islaamka ku hanjabaan in ay la dagaalami doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntiina arbacadii aynu ka soo gudubnay ayuu Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in ay qabsanayaan fariisin ay Dowladda Federaalka ka taliso, isagoo taasina ku tilmaamay daan-daansi ay Maxkamadaha wadaan, wuxuuna ugu baaqay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho. Nabad II
  5. Baashi, Xasan Qariidi shaqsi ahaan muxuu ahaan jiray horta oo loogu magac daray iskoolkaas? Aniga waligeey inkastoo aan dhigan jiray iskoolka ee mataanaha ahayeen ee ku dheganaa, kaas oo ahaa H/wadaag Hoosedhexe hadana waligeey iskoolkaas in la dhahaa moodi jiray Cismaan Geedi Raage. Illeen Cismaan Geedi Raage dhanka Wardhiigleey uu ku yaalay. Cumar Boodboode ma xasuusataa? Ma'ogi in gadaashaa la keenay, laakiin caan uu ka ahaa labadaas iskool, inkastoo uu kaliya diratoore u ahaa kan Hawlwadaag H/dhexe.
  6. I don't know, widaayoow. No one I know, family or not, currently resides in Qoryooleey. Dadkii hore waaka qaxeen that degmo. My habaryar and her family used to live there for decades, ciyaalkeeda ku koray. Sadly, see dagaaladii ugu qaxeen kuma noqon.
  7. I believe this skirmish is between the deegaan people and Indhamadoowe's militia. They always used to fight. In the current climate ayaa the situation badashay, I guess. They also fight in degmada Awdheegle marmar. The deegaan folks, in a direct page borrowed from a guerilla tactic, hit-and-run; that is what they used to do, same as it looks from these reports. Instead of moving the captured tikniko back to the bushes, they went to Baydhabo now, via Diinsoor, taking advantage of the current evaporating political climate at play at the region.
  8. Bogaadin iyo hambalyo, saaxiib. Awguuriyana aan kugu daro. Guur wanaagsan iyo todobbaad wacan.
  9. Bogaadin iyo hambalyo, saaxiib. Awguuriyana aan kugu daro. Todobbaad wacan.
  10. Jeneraalka, ciidamo Itoobiyaan Baydhabo wey joogaan. Yar aan is naqaano ku sugan Baydhabo aan la hadlay saaka, wuuna xaqiijiye indhihiis ku arkay inay joogaan, oo BM iyo hub waa weyn ayee wateen. Dhanka jidka Xamar aadaayana kuwa ayaa ku sugan uu dhahay. I questioned him, did he see them himself mise wax uu idaacadaha ka maqlay, supposedly like us, markaas uu ku jawaabay he saw them before his own eyes oo isma qariyaan, waxeyna ku sugnaayeen 'madaxtooyada.' Suprisingly, he also mentioned a considerable percentage of locals actually aren't that sad about their presence, as though indifferent. He said dagaaloogihii weynaa Indhamadoowe oo deegaankooda xooga ku heysto ayee arkaan, so umaba jeedaan ciidamo Amxaaro. He also said they have nabad midii ugu fiicneed, another factor ey ka cabsanayaan dagaal in uu ka qarxo meesha and lose their security, also they are a lot of people there investing from real estates to tabakaayo iyo biibitooyin, so booming businesskooda ayaa u daran dadkaas, so to lose the government is to lose everything. Speaking of economy booming, my sister herself went there recently to rebuild her own family's villa compound destroyed a decade ago by Caydiid's militias and rent it. So, I can understand people in her situation, too, would not want another senseless war, qax and occupation. And then they are those who still remember waxee ka dhigeen maleeshiyadii Caydiid Sr. gobolladaas, markee soo wateen kuwa deegaanka ah, so they are very suspicious kuwii hore qaarkood qamiis soo gishtay. It is just whole dimensional from waxii ka dhacay Xamar and Shabeellada Dhexe because dad isku qabiil ayaa deganaa deeganadaas.
  11. I understood some of the stuff you wrote but honestly intiisa badan waxaan islahaa ma Af oroma baa mise waa Af Somali.Anyways ka faan amase ka nax if I remember correctly it was the likes of folks like you sacabka u tumayey A Yusuf shaley during the Nairobi meetings ee ka gur dee haddi uu ku yidhi Baidoa xabashi baa iska leh.The least I could do for you is in aan ku diyaariyo how to make understanding with them Ethios easier..... So you think Amxaaro troops are in Baay that I must be sad because of qabiil reasons. Twisted mentality iyo wixii qabo ayaa saan u fikiro. My stand of Amxaaro in this virtual place wax qarsan ma'aha, never was: I consider Amxaaro my eternal enemy. Always was. But bogus 'Amxaaraa soo socotee' dadka ku gambado, ku shriek gareeyo, sidaada camal while advocating the separation of the country and following the very people who host the very same Amxaaro, ayaa runta u sheegaa sometimes. Same with fake wadaado dan ka leh beentooda 'Amxaaro/Tigreey aa soo socotee' nagu wareeriye, where themselves hubka ka helaan Eritareeya, another Tigreey country. PS: Sadly but a little fact for you: Amxaaro controls Hargeysa and its leaders as much as it does on other places in Soomaaliya. Hubka Soomaalida la iskugu diro oo la iskugu dhiibo Berbera ayuu kasoo degaa, shib iska dheh. And who handed the poor xoriyaddoon Soomaalis of Soomaali Galbeed, labeling them ‘terrorists’ back to Sanaawi? Who did this? Who says 'a boy living in Addis Ababa is closer to me than the one in Xamar.’ Who every single other day idaacadaha kaleh anaga iyo Itoobiya [Amxaaro] walaalo ayaa nahnay. When a so-called Soomaali foreign minister utters those rubbish words wax kale haray ayaa iska yar. PS II: I never was a one cheerleading Cabdillaahi Yuusuf Axmed. My stand on his policies in this place qof walbaa og, ee marka baseless nabsashada macnadaradda ah jooji. And for your Amxaaro lessons, baliis continue; certainly there are some sections that will appreciate you, certainly hebel Waraabe [Mr. A-boy-in-Addis-Ababa-is-closer-to-me-than-the-one-in-Xamar] does did indeed appreciate and would benefit from it, I believe. _________________ The secularist MMA has been firing on the ICU wuxuuna leeyahay Ethiopia wax aan ka faano weeye! What gives? MM, aAdiga iyo el presidente in your ancesteral town (baydhaba) inaad amxaarada u yeerateen ayey ila ahayde waa sidee xaalku? Maxaa isbedelay? Ma amxaar baa idinku soo siqay? Of all descriptions you could have come up, you chose me being 'secular' now, aha? Taloow af Soomaali maxaa lagu dhahaa ‘securist’ ama 'secular,' ereyga Carabiga intaadan soo gamin erey Soomaali soo raadi. Ileen maxaa la iska hadlaa, oo la iska accuse gareyaa dadka. For your information, I am not bounded by so-called religious ideology, nor political nor qabyaalad ideologies. I do not worship wannabe fake wadaado shaleey soo baxay, daraadna moor.yaan ahaa, like dagaalooge Indhamadoowe because one may share religious fanatic ideologies. I am a man of my self, represent no body but myself. I comment as I see the way events happen. And for Baydhabo being my ancestral homeland, I don't know what to say. Aniga Xamar ayaan ku dhashay, xaafada Hodan to be precise, and if you must want to know where my father is from -- and far away from Baydhabo -- Xudur or Ceelbarde is what you would call my so-called ancestral homeland. Jamaal, we know one another, oo iskuma cusbin. Wadaado jaceyl kaama ahee, waxee kaa tahay iska sheego.
  12. Jeneraalka, duqa, you know it there is a major disagreemetns. Xildhibaanada baarlamaanka ku jiro oo deegaankaas kasoo jeedo ayaa ka hadlay. In la iska indhatiro ma fiicno. Hadee saan xaalada ku socoto, a large conflict will also loom between Waqooyi Galbeed and Waqooyi Bari, plus the local clans. _______________ I guess if the warlords get enough money then they will be happy for exploration to go ahead. but what will they do with the money, keep it for themselves or share it with their people. If they keep it for themsleves, then who is the evil one, the warlords or range. Art, if this is a legitimate business venture, it should wait when there is a strong central government that one can deal with. We aren't the Liberians or Sierra Leoneans, whose countries' natural resources were taken advantage of by Lebanese and others in their own diamond-rich countries. Nor is Soomaaliya Congo, another conflict-laden, diamond-rich country. Paying warlords and there it ends our responsilibity won't help. The problem starts those who pay the 'warlords,' not where they spend at. _________________ Boiboi, time is when there is a strong central government. Anything before that won't help. This venture won't help anybody, especially it being involved unknown and shady business transactions and companies.
  13. Me, diin kama been sheegin ee aqoon la'aanta diinta ayaa u geysay. Waa caadadda lagu yaqaano reer waran labood. Waaba dhaqankooda, waxee iska maqlaan, oo kasoo maqlaan kuwee isku fikrada yihiin oo iyagoo soo hubsan ayee lasoo shirtagaan. Waxaa lagu maahmaahay shan bari sheekh laguma noqdo. Kuwa maanta socdo hal bari ee rabaan inay sheekh iyo shariif ku noqdaan. Mala socotaa sida loogu tumanaayo 'shariif' iyo 'sheekh' maanta, kii la arkayba la baxay. Hada ninkaan wuxuu rabaa in uu naga dhaadhacsiiyo in uu Abuulahab Muslim ahaa, oo hadana sunnada ku dhaqmi jiray.
  14. Waxaan xasuustaa waagee Soomaali Soomaali dhashay ahayd, oo qofkii xabash lagu dhaho aad ugu xanaaqi jiray, see ugu faantamaan Amxaaradaas. Maanta taloow dad Soomaali sheegta waxaa u maleynaa hadii lagu dhaho xabash ku farxi lahaa. Heerkaas ayaa la taagan yahay. Magac Soomaali juuni dhulka lagu tirtiro uu noqday. Alloow sahal amuuraha murugeysan ee foosha xun lagu jiro maanta.
  15. So, Naxar, what are you proposing? I certainly don't belong scare-mongering 'Amxaaro ayaa soo socoto' ku qeyliyo group markee dan lee yihiin. I don't believe they are wax la aamino. Themselves consist zero-wadani or semi-wadani, full-qabiilist, secessionists, bogus wadaado, et cetera, et cetera. Still, Addis Ababa regime isn't a phantom enemy. It is real and you don't have to forget that. Amxaaro [or in this particular case, Tigreey] is and was always an eternal foe of Soomaalis, time immemorial. It isn't phantom enemy lagu ganbado, regardless what semi-wadani, full-qabiilists, secessionists or other groups say. Do not let your disagreements with them let you welcome Amxaaro. There will never be a solution, unless Soomaalis forget or stop claiming about Soomaali Galbeed, or as long as Itoobiya is landlocked country. Even if any regime in Addis Ababa was officially let to have Soomaali Galbeed part of Itoobiya, it won't stop meddling our affairs as long as it is a landlocked country. This is our little Bariga Dhexe conundrum. The solution may then seem to lie giving them a half-kilometre square Soomaali land for port, which we Soomaalis will never allow. They can dream, but will never have access to sea port they can own. They should, instead and I believe, try and put more effort reconciling their Tigreey brothers in Eritareeya, which is soon going to happen any way after Sanaawi long gone.
  16. Eebbe ha u dambi dhaafo, hana u naxariisto walaasheen Yaasmiin Cashare. The moral of this murder, though: Young Soomaali women, as it was reported this marxuumad did and regardless how quibble they have with their waalid or other family members, should never live alone like an iskaabulo person.
  17. Art, dear, I was being sarcastic, certainly was not mocking you. This is the second misunderstanding to arise, I see. I thought you got me this time. Perhaps, I should learn one or two about the jokes and manners of Down Under people, certainly my Up Above [i.e. Canada] jokes didn't work out. [Kidding, mate. ] Anyway, as a Soomaali citizen I am against unnecessary clan conflicts where there is already peace. Those exploration and other things can wait, if the investors are honest. They should wait a stable, strong central government, if they are, again, honest about their investment. No shady deals in the midst of unstable state like Soomaaliya or taking advantage this already fractured nation state. I am sure you don't want a little resource wars or skirmishes or conflicts by the native Aboriginals against the state governments burning up north at Darwin in Australia or Adelaide at down south. And knowing Soomaalis, little of those promised funds of $250 thousands will ever reach where it was intended, this time for the development of that airport.
  18. Salaan... Dadkaan qaarkood maalintee awoowyaasheen diinta suubban ee Islaamka qaadaneyeen hadee joogi lahayeen, maalintaas ayaa Soomaalinimadooda ugu dambeyn lahayd ka waran! Yaa ogaado isla maalintaas ayee la bixi lahayeen 'abuu carab' mise 'umm carabic' oo Soomaali la iska iloowi lahaa ka warama? Magacyadeena hodanka ah sida Guuleed ama Liibaan ama Ayaan ama Idil ama Qamaan ama Qani sooma gaareen maanta hadee dadkaan waagaas joogi lahayeen. Maanta dhamaanteen sida magacyada cusub maanta isdabayaacaayo camal ayaa wada wadan lahayn, sida Ummayma ama Imtihaar am Imtisaar ama...Buraanbur ma jiri lahayn. Shirib iska dhaaf. Saarba iska iloow. Shiisha ayaa la cabi lahaa maanta, sideyba kuwa Soomaalida Carab dabanaageyska kamid ah sameyaan maanta. Awoowyaasheen Eebbe haka abaal mariyee wey garteen waxa dadka maanta isyaacaayo kala garan waayeen inay kala saaraan wixii Carab dhex wadato oo diinta lagu qaldin iyo waxii diinta Islaamka saxda ah oo fareyso. Afkooda ayee reebteen, dhaqankooda ayee reebteen, hidahooda ayee reebteen, caadadooda ayee reebteen; la'aantood maanta waxba ma dhaami lahayn Waqooyiga Afrika, sida ku dhacday Tuniisiya, Marooko iyo Liibiya ama Algeeriya ama Masar. Ninkaas sawirka ku masawiran qamiis Bakistaaniga shaatiga dheer wato taloow diinta inay kamid tahay muu mooday mise jaahilnimo ayaa ugu geysatay? Bakistaani hoosgundi Soomaali wato oo naga deensaday waligiin ma aragtay? Reer Banga oo iskugu dhaw yihiin xataa hoosguntidooda kama qaataan dhaqan ahaan xataa. Ar maxaa lagu kala wareeray dhaqan Carbeed ama mid shisheeye kale iyo diinta Islaamka. Ar maxaa la wareeray. Ku dhawaad ama ka badan kun sane ayee Soomaalida diinta Islaam heysatay, waxaan maanta isdaba ordaayana ma arkin ka ahayn dagaalada ka bacdi, marka taloow dagaalada ka bacdi miyee diintaan cusub iyo caadadeeda soo baxday, oo tii waalidiinteena heysteen diin kale ahayd?
  19. Who said they were watching "porn" videos? Qaadisiya.com? Isn't qaadisiya.com a mouthpiece of this so-called maxkamadaha. "Wadaado" kuwaan kahor been maalin walba dadka marsiinaayo kuwaan kahor ma arkin. Maba xishoodaan. Other local webnews are reporting waxee xireen meelaha aflaanta [filimada] Hindida lagu fiirsan jiray. The last time I knew, Hindi movies didn't even had lip-to-lip kissing, let alone wax kale. They never liked any meel lagu fiirsado fiidiyo, be it a Ciyaaraha Adduunka game or a filin Hindi. In their rigid interpretation of Islaam, they are primarily against the mixing of boys and girls, let alone men and women. Secondly, antyhing that has to do with TV waa mamnuuc before their eyes. This is the beginning. Yaaba is gaaray. They are also forcefully shaving young men's timo whom they deem to be not fit enough their ideology. They also already started threatening those who wanted to participate Istunka, thus effectively insuing a banning. Istunka has yet to take, which usually took place in the middle of Luulyo [July]. Ar yaaba is gaaray indeed.
  20. Waa ayaan wanaag hadee sadexdooda ku sugan yihiin dalka todobaadkaan [Luulyo 19]. Sadexdooda are all in the country this week. Laakiinse it will only be shortwhile, because C/llaahi Yuusuf Axmed is on his way to Sanca at any moment now. Dalmar continues to chronicle.
  21. I didn't know art mastered the Soomaali language. Art, can you kindly translate the article, baliis?
  22. Sawiro lala dhaco waaye, oo picture perfect ah. About the coast and saxara-like environment kinda reminds me this sawir I took three years ago at outskirts of Xamar: It is where the undisturbed sea, land, sky and living meet. I sorta fell in love with it. If you haven't noticed, the sea is up there, in the dark blue behind the geel. Cloudless azure sky is almost perfect too.
  23. Widaayoow, kuwa maxkamad isku sheega xukumo magacyada ee isticmaalaan aa iga yaabiye maalmahaan yaaqeey. Maalinba magac baas aan maqlaa. Abuu Mansuur, Abuu Cuteyba, Ibnu Max'ed... Walaahi waa iga yaabiyeen. Xataa Carabtii ayaa maanta isticmaalin 'abuu' ka ahayn Falastiiniyiinta. Taloow 'abuu' inay diinta kamid tahay mee moodeen? Ogoowna iyaga kaligood kuma koobno, dad badan Soomaali ay isku fikir yihiin ayaa maanta la baxo waxaas, sida 'umm' iyo 'ibnu' wada raaciyo. Eebboow u sahal ummadeena meelba laga heysto.
  24. Originally posted by Juje: quote:Originally posted by OLOL: Liberate yourself poeple and work for the Somali progress and peace. Stop attacking people fromm other clans with propoganda and above all fear ALLAH. Thank you for the encouraging words widayo, lakiin aa mesha ku jirta. For me to go back to Somalia I have to go back to Marka-Cadey. And at the moment I cannot cause we have been asked to pay a equivelant of $45 a month for what was our premisses,plus equivelant £86 for a business (mac-macaan) shop we were running there. We have all left and none of my close family is there now. The mentioned premises has since been confistigated by the local authority (note not formed by reer Marka) cause of refusing to pay the levied tax. So my frind I have no qualms with your personification of Balayo Indhacade and am waiting for the ICU to come and free Marka Cadey. Finally, we have a fella from Marka Cadeey. Marka Cadeey minankii Awcismaan ninkii moodo munaafuq waaye aala dhahay. U sheeg that we don't need the UN to document his notorious activies, including his extended drug farms, such xashiishyo and how he is uprooting centuries old trees to make them dhuxul and export. Tell them how he charges levies on the poor native residents getting water from Webiga Shabeelle. Tell them how extended jidgooyo he has at every other kilometre in Shabeellada Hoose. Tell them also how uu ciiddii Shalambood gaday, oo guryo lagu dhistay. Tell them beeraha xaaraanta uu ku heysto. Tell them why it is purely coincidence [yea!] his fellow clan cousins rule Afgooye, Daafeed, Baraawe, Marka, Awdheegle and Qoryooleey, where they have absolutely no business. Tell them how uu native local clans iskugu diro, exploiting their minor differences, oo midba hub yar u dhiibo because once they unite he knows asagee kusoo jeesanayaan. Tell them how he overchages levies masaakiinta guryahooda loogu yimid, forcing them to pay 'taxes' per head in each house, including those not-so-houses such mudulo and cariishyo. Inform the poorly misinformed this pseudo self-proclaimed 'sheekh' Indhamadoowe drug baron ah how ridiculous he charges levies on international organizations, the hay'ado that came to help the poor native people. He charges them upon landing, upon leaving. He forces them to rent his vehicles and militias. He forces them to rent his xaaraan lagu helay buildings. The unabashed self-proclaimed 'sheekh' xataa xishoon when he claimed on idaacadaha to "own" the publically owned warshadii baastada. Muxuu mooday ma beerihii oo xaaraanta ku heystay oo u qarsanaa inay yihiin warshadaas loo wada jeedo? What a shamefulness character tuugnimo ku dardasay oo xishoon. If this Indhamadoowe character isn't warlord and is, in fact, an honourable, respected sheekh, then I don't know what ideal diin we Soomaalis follow. This certainly isn't the beautiful Islaam and what it espouses. It indeed isn't. He is indeed trying to discredit Islaam itself by claiming wadaadnimo iyo sheekhnimo. Oh, muxuu magac sheekh ba'ay today. Marka ma anagaa maanta Indhamadowoe inay na baraan rabaan wuxuu yahay mise wax kalaa jiro? Sheeko baraleeyda naga joojiya, baliis.
  25. Will boowe Allpuntland.com isdhiibi doontaa if His Excellency, his Most Honourable Cabdillaahi Yuusuf Axmed, God Forbid, loses? Will that be as hilarious? Will be waiting.