Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    300

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Nuune, Afjarmalkiis i dilay. Kaas deegaanka Bavaria loogu hadlaa, ma'aha kan Baarliin.
  2. LOOOOOOOOL@Showtime...Friday nights after 10pm yaah...Shuqulak Shuqulak yaa walad... Abkeey abkoow! Yaa ku barina? You said it, I didn't yaah. Ha i nabsan.
  3. Originally posted by rudy: camiiroow! AREEYE MUHOO MIHIIY MA AHAA! LOOL U sheeg, yihooy maha mihii ma'aha ku dheh.
  4. Ninkaan waaka daray, ee Faransiiska uu kumeel gaar ku joogo kistoo muu ku taabsaday? Duqa, hal mar iyo laba la kasay, but this is overdoing and overkilling it. Ciyaal ciyaaleey ayee mareysaa even now. What is next? Yaa gariir ila ciyaaraayo? Baliis, bandwidth si bilaash ha u qasaarin. It costs money, you know.
  5. so wacked!! i gotta ask them canokes one thing.. wazup with leave in the flag! The leaf represents the marijuana plant. We should put a jaad leaf in our flag as well, I guess.
  6. KK: Horta kaalay adi, Canada goormaa timid? MMA: Abaa, ani Canada imaashaheed dhan waxaan ka xasuustaa markii iigu horeysay HBO nooh…Abaa ani alaabtaas waanka dambeyaa ilaa iyo hada KK: Bal noo sheeg see isku barateen? MMA: Abaa, Canada first night aan ku bartay shock aa igu dhacay, waxaa nayroobi ku maqli jiray kanaalo waxyaabaha qaawan kaliya laga fiirsado in Canada. Ani iyo koo kale isla qol seexan jirnay...habeenkaas kanaalkaas uu arkay HBO. Lakiin biriq biriq aa ku jirtay. He thought he was in afrika.......tv gilgil ku bilaabay iyo feer… War ha nagu jibin ku dhahay. Isagana ku hey 'maya maya, anteeno uu u baahanyahay' gaw gaw gaw feer….Mar mar uu u toosaa…Markaasuu wuxuu dhahaa “ma aragtaa’ By this time, KK dhiq dhiq dhiqdii waaka dhamaatay, sida eey camal ey u qosloysaa… I am going to sue this show, its disregardful producers and the channel for a defamation and an aspersion against my good character. See you in court. PS - It wasn't HBO, it was the Showtime channel.
  7. Mudaaharaad si weyn la isugu soo baxay oo ka dhacey Minneapolis, Minnesota Nofeembar 17, 2007 - Miniyaabolis - Dad ka tirsan ururadii soo qabanqaabiyey banaanbaxa oo lagu kala magacaabo, Somali Institute for Peace and Justice & United Somali Diaspora, ayaa ku qiyaasey dadka isu soo baxay ilaa kun qofood. Halka isu soo baxay uu ka dhacey ku taal bartamaha magaalooyinka mataanaha ee gobolka Minnesota. Dadka isu soo baxay ayaa ka cabanayey wax ay ku tilmaameen xasuuq ciidamada Ethiopia ee iminka ka taliya wadanka Soomaaliya u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda, Mogadishu. Dadka ayaa watey boorar ay ka muuqanayeen masawiro gacmeedyo muujinaya dhib aad u baaxad weyn oo loo geystey shacab badan oo aan waxba galabsan. Boorarka qaar ayay waxay ku cabirayeen sida ay uga soo horjeedaan xariga loo geystey afhayeen golaha midnimada beelaha ****** oo labo isbuuc iminka u xiran dowlada Ethiopia. Waxay sidoo kale siteen masawir ay ka muuqdeen wariyayaal dhawaan lagu diley Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen milkiilihii HornAfrik, Ali Sharmarke, Mahad Elmi & Bashir Nur. Erayadii dadka isu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ayaa waxaa ka mid ahaa, “Soomaaliya Soomaali baa leh”, “Arimaha Somaliya waa in Soomali loo daayo”, “Ethiopia ha baxdo” “Bush & Zanawiba oo argagixiso” iyo kuwa kale oo faro badan. Qudbado faro badan, gabayo iyo waliba baraanburo aan kala go’ laheyn ayaa iyagana halkaa laga soo jeedshey. Shaqsiyaadkii mudaaharaadka ka hadley oo aad badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Hassan Jamici oo wax ka dhiga Jaamacada shirciyada ee William Mitchel Law, Hassan Kornel oo ahaan jirey Kornel ciidamadii booliskii Soomaliyeed, Mohamed Abdullahi (Tiiceey) & Abwaan Cali Xasan oo caan ku ah filmkii flight 13. Waxaa sidaas oo kale halkaa sugaano kale duwan ka soo jeediyey Faadumo Kaahiye, Maryan Axmed Diiriye & gabdho kale oo fara badan. Waxyaabihii dadku ka hadleen oo iyaga oo dhan ku wajahnaa ahmiyada midnimadu u leedahey ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa “waxa in Ethiopian xamar ku xasuuqo walaaleheena Soomaaliyeed keeney waa isku duubni la’aanteen” oo uu yiri Sh. Hassan. Sh. Hassan ayaa sidaas oo kale ku canaantey dadka magaalooyinkan dagan ee aan ka soo qayb galin mudaaharaadka ineysan ahayn kuwa qiil u heysta maqnaanshahooda. Shiiqa ayaa ku celceliyey “ku kaalmeeya walaalihiina dhibaateysan codkiina, maalinkiina iyo maskaxdiina … ogaada aaqiro waa la is su’aalayaa qof kasta arintan wuxuu ka geystey”. Mohamed Abdullahi (tiiceey) oo ka mid ah isku dubaridayaashii mudaaharaadka ayaa isna dadkii isu soo baxay ku booriyey in ay iyagu donahooda u istaagan oo aysan dhowrin caalamka. Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaa muuqata in cid waxa xamar ka dhahayaa ay dhibaysaa oo aan adinka aheyni jirin, aduunka ayaa ka hadlin, Islaamka ayaa waxba ka qaban, afrikana daa warkeeda … hadii aydaan idinku wax isu qaban cid wax idiin qabaneysaa ma jirto… Soomaaliyey dantaada garo”. Col. Hassan Korneyl oo isna halkaa qudbad dheer ka soo jeediyey ayaa wuxuu carabka ku adkeeyey in isu soo baxa la badiyo iyo in laga shaqeeyo sidii wadan dib loogu xoreynlahaa dib loo dhisi lahaa. Xigasho
  8. Banaaanbax ka dhacay wadanka Finland caasimadiisa Helsinki oo looga soo horjeedo Xasuuqa waxshinimada ah ee ciidamada Itoobiya ay Ku hayaan qowmiyada soomaaliyeed meelkasta ooy joogto Jimcadii oo ay bisha November ahayd 16 ayaa waxaa ka dhacay caasimada wadanka Finland banaanbax aad u balaaran oo lagaga soo horjeedo xasuuqa, barakicinta iyo qabsashada ay xabashidu qabsatey wadanka soomaaliya. Banaanbaxaas oo ay soo qabanqaabisey jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Finland ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan qofood oo muwaadiniin soomaaliyeed ee degan wadanka Finland caasimiadiisa Helsinki, muujiyeyna dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan xasuuqa iyo barakicinta dadka soomaaliyeed ee loogu yimid guryahooda. Muwaadiniintaas banaanbaxaas ka soo qayb galay oo isugu jirey dhalinyaro, dumar, aqoonyahano, culimaudiin, iyo weliba muwaadiniin Finlandes ah oo ayagu la qaybsanayey murugada lasoo deristey bulsho weynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, ayaa waxa ay aad ugu qaylinayeen ereyo ay ku dheehan tahay qiiro aad u weyn iyagoo qaarkood ilmeynayey sida; DOONIMAYNO ETHIOPEAN, DOONIMAYNO DAWLAD AAN U NAXAYN SHACABKEEDA, ZENAWI AAD GURIGAAGA, BUSH BEDEL SIYAASADAAD MADOW EE KU WAJAHAN DILKA IYO XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED, SOOMAALIYA SOOMAALIBA LEH, WAA LALA XISAABTAMI KUWA SHEEGANAYA MAANTA MASUULIYADA SHACABKA SOOMAALIYEED iyo ereyo kale oo badan. Waxaa sidoo kale barbar socdey heeso wadani ah iyo guubaabo ku soo xasuusinaya waqtiyadii la baadigoobayey gobanimada Soomaaliyeed. Hadaba waxaa xusid mudan in dadkaasi sameeyey dibadbaxaasi ay lug dheer kusoo mareen inta badan wadooyinka centerka Helsinki, ayagoo ku hakaday dhowr meelood oo ay u gudbiyeen fariin qoraal ah ee ku aadan cabashadooda. Goobahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa hoyga iyo xafiiska madaxweynaha Finland, xafiiska European Unionka ee Helsinki iyo ugu dambayntii isugu soo ururay aqalka looga arimiyo wadankan Finland ee Golaha baarlamaanka. Waxaa dabadeed halkaasi ka soo jeediyey khudbado qaar kamid ah masuuliyiinta qabanqaabisey dibedbaxaasi. Waxaa xusid mudan in mar qura ay soo istaageen masraxa sadex xubin baarlamaan ee ka kala socda sadexda xisbi ee ugu waa weyn wadankan ee kala ah; (Social democratic party, National coalition party and the Green leugue). Wax a ay sadexdaasi masuul si buuxda ugu dhawaaqeen ineysan ka aamusi doonin waxa ka dhacaya soomaaliya oo ay cadaadis ku saari doonaan baarlamaanka Europe iyo beesha caalamkaba in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo xadgudubka aan waafaqsaneyn qawaaniinta caalamiga ee ciidamada Itoobiya ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah u sheegay masuulka xisbiga SDP Mr. Kimmo Kiljunen in ay wadankan degan yihiin kumanaan Soomaali ah oo haysta dhalashada Finland oo ah muwaadiniin Finlandes ah masuuliyadooduna na saaran tahay iyaga iyo dareenkooda ku aadan wadankoodii hooyo ee soomaaliyaba. Sidoo kale in loo daayo aayaha soomaaliya shacabka soomaaliyeed oo quwadaha shisheeye ay kala baxaan faragelintooda. Waxaa sidoo kale hadalkii intaa ka sii wadey Heidi Hautala iyo kaikkonen Antti Samuli. Intaa kadib ayaa waxaa sii socdey khudbooyinkii Culuma'udiinka, indheergaratada Finland, guubaabooyinkii dhanka suugaanta soomaaliyeed oo runtii mudan in la xuso muxaadaro gaaban oo uu sheikh sugule dadka kula dardaarmay, iyo wiilyar oo sidoo kale qiiro geliyey dadkii halkaas isugu yimid dhamaantoo ka dibna buraanbur aad u qiimo badan oo halkaasi ay ka soo jeedisey gabadh Soomaaliyeed, heeso, iwm. Waxaa sidoo kale soo afjarmay oo ay reer Finland ku guuleysteen in ay baajiyaan booqashadii lahadal hayey baryahan in uu ku yimaado wadankan Finland Gudoomiyaha baarlamaanka Embageti Aden Madoobe . Taasi oo tusaale cad u noqonaysa in cid kasta oo sheeganaysa masuuliyada shacabweynaha Soomaaliyeed aysan soo haweysan booqashooyin Europe iyo America, lagana hortagi doono inta ay taageersan yihiin barakicinta iyo xasuuqa shacabkooda. Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale ka dhacaya inta badan caasimadaha Europe, magaalooyin fara badan ee Maraykanka iyo Canada banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragelinta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Tixraac ----------- Reer Finland aad ayee u mahadsanyihiin.
  9. Axmed Cabdisalaan Cumar, Eebba ha u naxariisto. Seeing him growing up from a little boy to an early teen all those years -- ar mar labaad Eebba janadiis haka waraabiyo walaalkeen. Geeri waa xaq.
  10. Maan, ruwaayadii Nuur Jeyte [Eebba ha u naxariistee], Siyatoom iyo Awkuuku jilaayaan soo xasuustay. Nuur Jeyte [Eebba janadiis haka waraabiyee] asagoo magacyadaan hoos ku qoran aqrinaayo in that clip of Iskoolka Maxaa'iga'galay: Faadumo Shiirtooy Xuseen Xamxam Xasan Xiimaaye Xaliimo Xaax Xaawo Xuux Cali Cambuulo Khadiijo Gorgoro Maryan Mishibiyeeri Kaltuun Kal'iyo'mooyo Luul Burjiko Shamso Shaah'iga'dhiib Shukri Maafiyo Maxamed Makarooni Fardowso Biyamaleh Max'ed Bulkeeti Farxiyo Meeshii'aawey Sacdiyo Xili'iga'dheh Khadro Qalbiweyn Jaamac Jilib Saciido Fiinaale Faarax Musbaar Cibaado Caadiyoos Qamar Qaalawaqiila Cibaado Caadiyoos Qamar Qaalawaqiila Nasra Ani'miyaa'aboo Farxiyo Fiikoli Faa'isa Gadaaluweyn
  11. Tana yaa kursigii Awtuujiye ku fariisiye? Who suggested her to guest host this show? War si deg deg ah ha loogu qaado before ay showga si kale ka dhigin. Aawey dadkii soosaaraha iyo iskudubaridaha ka ahaa showgaan?
  12. Also banaanbaxyo ayaa ka dhacay Mareykanka [Washington DC] iyo Norway this weekend as well. Wararkeeda iyo sawiradii laga soo qaaday waa soo guurin doonaa mar dhow. Also Jimcadda soo socoto banaanbaxaan ayaa ka dhici doono Iswiserlaan. SWITZERLAND Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool wadankaan Switzerland waxaa lagu wargelinayaa in uu dhici doono banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragalinta ciidmada shisheeyuhu ay ku hayaan wadanka Soomaaliya. Hadaba waxaa dadwaynaha laga codsanayaa in ay kasoo qaybgalaan banaanbaxaas oo dhici doona Maalinta: Jimacaha ee 23/11/07 Waqtiga: 2:00pm duhurnimo Goobta: Kasoo horjeedka Xaqunta Qaramada Midoobay ee GENEVE, barxada weyn kadibna waxaa socod lagu tegi doonaa xaafiiska UN.
  13. Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland Helsinki - Dad tiradooda kor u dhaafaysay 600 oo qof ayaa Jimcadii 16.11.2007 [Jimcadii] isugu soo baxay farasmagaalaha caasimada dalkan Finland ee Helsinki banaanbax weyn oo looga soo horjeedo xasuuqa bani�aadninimada ka baxsan ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqeeya ay ka wadaan guud ahaan daka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho. Dadkaasi oo aad u xamaasadaysnaa ayaa sitay boorar waawayn ay ku qoran yihiin xasuuqa xun ee lagu hayo shacabka Somaaliyeed, iyo ereyo mujinaya in Itoobiya ay ciidameeda kala baxdo Soomaaliya, Maraykanka iyo Midowga Yurubna ay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada KMG ah, maadama ay shacabkeeda u horseeday xasuuq iyo cadaalad daro, waa sida ay dadku ku hadaaqayeene. Dadkaasi banaanbaxayay waxaa ay socod ka bilaabeen bartamaha magaalada, iyagoo tagay aqalka madaxweynaha Finland, xarunta midowga yurub iyo Baarlamaanka dalkan, waxaana meel kastoo ay tagaan loo gudbiyay waraaqo muujinaya waxa ay ku taamayaan ama la gudboon in jihooyinkaasi ay ka qabtaan xaaladda Soomaaliya. Banaanbaxani waxaa soo qabanqaabiyay urur cusub o dhowaantan lagaga dhawaaqay Finland, kaasoo la magac baxay Ururka dib u dhiska Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka dhashay taageerda shacabku u hayaan ururka dib u xoranta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee Asmara lagu aasaasay. Ururkaan cusub ee Finland laga asaasay oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah bulshada Soomaalyeed ee reer Finland ee taagersan ururka dib u xoraynta iyo soo nooleynta Soomaaliya ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah: Ka qaybqaadashada xoraynta dalka Soo nooleynta walaaltinimada dadka soomaaliyeed ee la kala dilay Baabi'inta qabyaalada Ka hortaga gobolaysiga iyo taageerista in la dhowro Soomaaliweynta Mudaaharaadkaasi oo si wanaagsan u dhacay ayaa waxaa ay dadku ku dhawaaqayeen Bush ha dhaco, Meles ha dhaco. Waxaa ugu xiisa badnaa in dadku aanay soo hadalqaadin marnaba raga madaxda ka ah dowladda kmg ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethopia, mar aan weydiiyay mid ka mid ah sababta ay ragaas ajnabiga u haystaan , kuwii Soomaaliyeedna ay u soo qaadi waayeen, ayaa hal mar dhowr qof oo aan is ogayn waxay ku jawaabeen isku eray ah : Kuwaasi qiimaba ma leh oo iyagu waa wakiilo fuliya wixii la soo faro, sidaas darted ayaanaan u soo hadalqaadin, mana istaahilan in la xusaba. Ma ahan markii ugu horaysay ee Finland lagu dhigo banaanbax noocan oo kale ah, waxaa horaantii sanadkan ka dhacay banaanbax weyn oo looga so horjeedo dowladaha Maraykanka iyo Ithopia oo iyagu ka danbeeya dilka, xasuuqa iyo burburka Soomaaliya. Xigasho
  14. Banaanbax looga soo horjeeda xasuuqa Itoobiya ka wada Muqdisho oo ka dhacay magaalada Copenhagen Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/11/07 banaanbax ballaaran isugu soo baxay fagaaraha ka soo horjeeda safaarada Mareykankan ee Denmark , boqolaal Soomaaliyeed oo isugu jira dhalinyaro, Rag & Dumar-ba leh, Caruur & Haween, waxeyna dadkani ka banaanbaxayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa ay magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya ka wadaan ciidamada Itoobiya oo cishooyinkii u danbeysay ku dilay Muqdisho dad rayid ah oo tiradooda ay ka badan tahay boqol qofood. Banaanbaxayaasha ayaa watay sawiro & boorar ay ku sawiran yihiin tacadiyada ay wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdishoka geysteen ciidamada Itoobiyaanka, waxeyna ku dhawaaqayeen hal ku dhigto lidi ku ah Itoobiyaanka, iyadoo ku qeylinayey Itoobiya ha ka baxdo dalkeena, Meles waa dambiile dagaal , & Soomaalidu ma aqbali doonto gumeysi. Maxamed Cabdulle Cariif oo ku magac dheer Carifsen oo ka mid ah dadkii ka qeybgalay Banaanbaxaasi ayaa sheegay in banaanbaxa maanta ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana shacabka Muqdisho, waxuuna qoraal ku saabsan tacadiyada faraha badan ee ay regiimka tigreegu ka wadaan Soomaalia gacanta ka geliyay wakiil safaarada mareykanka ee dalka Denmark. Isagoo uu wakiilkuna sheegay in uu u gubdin doono dowladiisa qoraalkan. "Waxaan ka damqaneynaa dhibaatooyinka ay Itoobiya ka wado dadkeena, waxaana adduunka ka codsaneynaa in wax laga qabto xusuuqa naxariis darrada ah ee ay geysanayaan Itoobiyaanka" sidaasna waxa yiri Aweys Sh. Yuunis. Xigasho
  15. Anaa meesha ka muuqdo, iima jeediin. Anoo waliba ku haayo dhaawn Xabasho, dhaawn; dhaawn Xabashi istuujis, dhaawn. Saas ayaa la rabaa Reer Koronto.
  16. Originally posted by Dahia al Kahina: ^Let my sijui self translate for you Ayoub... War jiro uma eko=the news is highly unlikely to exist..MMA is saying its fabricated news! Wuu ogyahay, sister. U sheeg in uu afkaas Malay yahay loogu hadlo in Malaysia. Ayuub will now get if I say "dee wadh jidho uma muuqda." Saan ma'ahoo, igaarkeey?
  17. Su'aasha aan isweydiiyo sometimes waaye. Dubeey iyo Nayroobi ayee dhistaan, oo muran kama dhaxeeyo. The moment la yiraahdo Soomaaliya hala dhiso, muranka imaanaayo iyo isqabqabsiga - dhulkaas ama magaaladaas qabiilkeyga ma dego maxaa u dhisanaa; meeshaan nabad kama jirto, maxaa isku qasaarinaa; Soomaaliya waa ka quursaday and yada yada yada.
  18. Somalia: No Place for a Child WAJID, Somalia ( AP ) — Nov. 14 — Abukar Mursal stopped going outside to play after a bullet grazed his back during a soccer game in Mogadishu, the wretched seaside capital where he was born. Abukar, just 15 years old, simply added sports to his list of banned activities — no joining up with militiamen patrolling the streets. No guns. And finally, no soccer with his friends. "In Mogadishu, fighting is everywhere," Abukar told The Associated Press some three months after he fled the city in a car packed with his parents, three siblings and other relatives. "Every morning we heard bullets. I thank God we left that place." After more than a decade of chaos, some aid groups now are focusing on the psychological problems of Somalia's children of war. In this country of 7 million people, with its ferocious violence and debilitating poverty, a quarter of all children die before age 5. Bullets zoom through the streets every day. "The children from Mogadishu have seen dead people in the streets, wounded people in the streets," said Ibrahim Haji, a counselor for the aid group World Vision Somalia. Often, Haji can tell if children have just arrived from Mogadishu by the way they act. "They can be very unfriendly," he said. "They just go and sit somewhere and think. That's all." World Vision recently opened a "child-friendly space" in Wajid, a U.N. aid base in southern Somalia, where counselors help children affected by the conflict, some of whom have suffered rape, brutality and other traumas. The aid base offers a place to relax — there are soccer balls, Frisbees and small classrooms with mats where children can take naps. Abukar, who said he associates mostly with kids from Mogadishu who have been through similar experiences, now lives in a camp with relatives and comes to the World Vision center to play soccer and to rest. Chris Smoot, program director for World Vision Somalia, acknowledges that basketball and soccer might seem like luxuries in a country where the average life expectancy is just 46 and where malnutrition is common. "But this is just another need — a place where kids can go and play and not feel scared," he said. "This is an opportunity for them to be kids. They're the future leaders of Somalia and we are helping them to learn and grow." World Vision's facility, with its fresh white paint, basketball court and cool concrete floors, is an anomaly in a nation that has not had an effective central government since 1991. In many parts of Somalia, government buildings and other structures were dismantled long ago and looted. A radical group called the Council of Islamic Courts ruled much of southern Somalia for six months last year, but it was driven into hiding during a lightning-quick war in December. The Islamists have vanished from the streets, but are fulfilling their promise to launch an Iraq-style insurgency, using land mines, roadside bombs and suicide attacks. Human Rights Watch has accused all sides in the conflict of war crimes, saying fighters target hospitals and other medical facilities. The battles have devastated the capital, already one of the most violent and gun-infested cities in the world. Over the summer, five children who apparently mistook a land mine for a toy were blown away when it detonated — a stunning reminder of the toll war takes on the young. Thousands of civilians have been killed since December, and a fifth of Mogadishu's 2 million residents have fled. Fighting that started late last month has driven about 36,000 people from their homes, according to the United Nations. Many have come to Wajid, about 175 miles northwest of Mogadishu, where there is relative peace. The town also has makeshift camps where entire families squat in huts made of tarps and thorny branches. In September, international humanitarian agencies agreed on new guidelines to address mental health, focusing on building social networks and other support groups. "Until now, many people involved in emergency response have viewed mental health and psychosocial well-being as the sole responsibility of psychiatrists and psychologists," UNICEF said, adding that long-term mental problems "threaten peace, human rights and development." Siad Abukar, a 13-year-old who came to Wajid two months ago from Mogadishu, said he tries not to think about his former home. "When I think of Mogadishu, I feel like fighting," Abukar said. "I won't go back, never." Safiya Aden, who also arrived two months ago, said she sleeps easier here than in Mogadishu, where she heard rumors that "ladies were being raped." "I came here with my parents," she said. "We heard there was peace."
  19. Dad baa buufis buufis ku haaye, oo ciyaar ka dhigan jiray. Muqdisho, before this carnage and genocide, aan soo arkay and what I had seen in my own eyes, I think, a significant numbers mentally meel ka wada waalnaa, even those who thought they were fine as well. No person can stand a seventeen years of non-stop violence. The first who had gone inay isla hadlaan, ku dhuftaan and finally waalnimo were dadkii "reer magaalka" ahaa, the former injineers, dhaqaatiirtii and other professionals who couldn't tolerate the animal-like behaviours and merciless violence meesha socoto any longer. Isolate and inay isla hadlaan bilaabeen and that eventually leads to a full waalnimo. Eebboow u gargaar umaddeena, meel walba laga haayo, walaahi.
  20. Baliis, hala isxishmeeyo. No warning will be given again.
  21. Adigana shimee noqotay Reer "Buntilaan," whoever they are. Ani iyo adiga Suuqa Miijiska lee ninacbaraawe iyo caanobaraawe ku cuni jirnee. Mise suuqaas Miijiskana "Buntilaan" loo raray?
  22. Is this my old friend Shaqsi? War manooleed igaarka? Maan, had it been years ago or was it only yesterday. Long time, indeed, duqa. Xaalkaaga iyo nafta aboosto ii dheh. Great. NB - The moderators do not have to worry about who changes their usual diracs or hoosgundis or not, since their original diracs and macaawiiso, including goorgorada iyo rajastiinooyinkooda and to those with hoosgundi with their califalaaxs -- all of it is stuck with them. It comes as a perk being a MOD.
  23. Horta sugaba, aniga maadaama Ingiriiska i dhibo iyo waxyaabihiis laga soo deensaday, micnaha "Puntland" yaa ii micneyn karo oo meeshaan ku jiro? "Puntland" iyo "Puntlanders" intee ka biloowdaan, kuna dhamaadaan?
  24. Waa laga bixi doonaa, Bilaal, walaaloow. Masiibo dad walba wey soo martay, tan waa teena naloo qoray. And aamiin to your duco, brother.
  25. Aljasiira [the English version at least I see at home] did show and it was the only international news brand that routinely shows what happens in Soomaaliya. But lately their news headlines were consumed by Bakistaan and every pin drop about Musharaf and that parachuted lady called Buuto. Waxaaba labadoodaba kula yaabay when they do hold a press conference, they deliberately and completely hold the session in Ingiriis and not in Urdu. It tells you how less they value and hold contempt of their own fellow Bakistaani citizens than the international community; it also tells you both worry about international community [read Mareykanka and Midowga Yurub] than the fate and future of their own country.