Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,162
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    299

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Originally posted by Modesty: Ok, I have found out this particular "M" tribe is hated b/c their great great great ancestor ate some type of animal that died on its on...hence he was dubbed Mr. "M" and that includes his offspring...which is why they are not liked to be associated with. I mean are they like HIV? It's really "jahilnimo" I think. I can sell and persuade more Disney fairy tales to children than this. Wax kale noo sheeg.
  2. Does he, Awdheere, even read the bogus Axdi the dowlad ku sheega u degsan? Mise waa, like many of his fellow dagaal'ooge dowlad ku sheega ka buuxo, semi-literate? How can a "mayor" do that? How is that possible? Waligeed adduunka kama dhicin wax saas ah. ----------- Somali media restrictions "ridiculous" NAIROBI, Nov 28 ( Reuters ) - An international media watchdog condemned as "ridiculous" and illegal on Wednesday the Mogadishu mayor's banning of media interviews with Somali insurgents and other tough restrictions on local journalists. Mayor and former warlord Mohamed Dheere called media heads in this week to impose the restrictions, which also include prohibitions on reporting government military operations or the Somali capital's massive refugee exodus. "New draconian restrictions on the coverage of fighting between government forces and rebels by the few media still operating in the capital are unacceptable," Paris-based Reporters Without Borders said in a statement. "The rules decreed by Mohamed Dheere are ridiculous especially as they have no legal basis," it added. The mayor's measures have put further pressure on Somali journalists already reeling from a series of assassinations, shutdowns, arrests, and threats from both sides during this year's Islamist-led insurgency in Somalia. "A city in which the most popular news media have been closed arbitrarily, dozens of journalists flee each week, and those that stay risk being arrested or murdered needs a mayor who offers safeguards and who is open to dialogue," RSF added. "Instead it has one who imposes the rule of martial law." With most foreign journalists staying clear of the Horn of Africa nation for security reasons and many local reporters having fled, those who remain take huge risks to cover the daily violence, mainly in Mogadishu. Seven local reporters have died this year, most shot dead in targeted killings yet to be investigated. The government accuses Somali journalists of fanning the insurgency by giving airtime to leaders and exaggerating their attacks. But Islamists have also criticised the media for being too close to the government. Banadir, Simba and Shabelle radios have all been ordered off air in recent days, Shabelle for the eighth time this year. Neither Dheere, nor other government officials, could be reached on Wednesday for comment on the media restrictions. In overnight fighting, insurgents attacked several Ethiopian bases with grenades and machine-guns in Mogadishu, but there were no immediate reports of casualties, residents said.
  3. Waa odey wareeray. I don't insult odey Soomaaliyeed, but I don't take this Xabashi stooge to be any odey, let alone a dhibic Soomaalinimo ku hartay. Wuu iska hadlaa. It wasn't that long ago when he insulted and was mocking C/qaasin's wife at a public forum. Ma'ogi meel lagu soo koriye, but waxas ayaaba la quman. Xishood, akhlaaq iyo ixtiraam haba yaraatee kuma jirto, and I don't think he even knows waxeeyihiin. Iskaba sii dhaaf his disgusting Xabashi u adeegid policies and politics.
  4. Duqa iga koreeyo, you are kinda actually advertising a site. Easy to see that nooh. Dah. And anyway, what exactly did you contribute "lately?" Waxaa ugu daran those who lurk around and indulgently read the threads, then surface once out of the blue moon to only complain about the quality of threads.
  5. Originally posted by Kool_Kat: ^H&M maa Shampoo ama body lotion ama diapers lagu gadaa...War adeega I don't mean dhar inaan ka gato...I rather wear the same outfit everyday for a year, than to shop at WalMart for dhar...Wah... As for Food Basics, maba jecli...No matter which location I went to in the past, it is always dirty...Dominion & A&P kuyeh...Qof WalMart ka ordooyo maa meelahaas ka adeeganooyo...Kaaga siidaran, Dominion ka xataa suu iigu dhowyahay lee... Bas waaye, waa qaldamay, Dominion iyo A&P kama wadin, I meant Loblaws. Haye, meeshaas aan kaaga soo adeegaa, ee adiga martiqaadka si fiican u diyaari yaah. By the way, does Walmart sell diracs and uunsi? You know asagana waa soo mari lahaa.
  6. Casiirkii iyo sharaabkii Galbeedka intee ka dhargeen ayee afleeris laso taaganyihiin, damiir iyo mid Soomaaliyeedba midna quseynin. Qosol gariir iyo milaa yacni aan loo joogin lasoo shirtagayaan. Waa gartooda, dadka la xasuuqaayo hal uguma jiro, otherwise they would have sung another tune had it been that. Iska cuna xalwadiina iyo caba sharaabkiina in Galbeedka. Keep the good efforts, namely C/risaaq Xaaji Xuseen [a respected elder], C/raxmaan Ibbi, Sakariye Xaaji, Fowsiya Max'ed and anyone ka qeyb qaatay, ka qeyb galay shirkaas. Keep the Soomaalinimo torch alive.
  7. C/nuur Darmaan oo maxaabiis gaareysa 200 oo ruux ka sii daayay xabsi ku yaala dalka Turkiga oo ay muddo ku xirnaayeen C/nuur Axmed Darmaan oo ay taageerayaashiisa xisbiga midnimada jamhuurigu u doorteen madaxweynaha Soomaaliya dhowr sano ka hor, ayaa maxaabiis gaareysa 200 oo ruux oo maxaabiis Soomaali ah oo isugu jirtay haween, rag iyo caruur. Madaxweyne Darmaan oo isagu dedaal fara badan u galay sidii uu xukuumada Turkiga uga dhaadhicin lahaa inuu sii daayo boqolaalkan maxaabiista ah ee mudada aadka u fara badan ku jiray xabsi ku yaala xadka uu dalkaasi la wadaago dalalka Giriiga, wuxuuna arrimahaasi kala hadlay wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Rajab Dayib Ordogan. Mid ka mid ah haweenkii laga sii daayay xabsiga oo aan qadka teleefoonka ku wareysanay ayaa inoo sheegtay inay muddo ku jirtay xabsiga iyadoo uur leh kadibna ay ku dhex dhashay, waxayna xustay in iyada oo kaliya aaney ku dhex dhalin xabsiga balse ay gaarayeen haweenkii ku dhex dhalay xabsigaasi 6. “Waxaan aad ugu farax sanahay sii deynta dowladda Turkiga, haddana waxaan dhex joognaa magaalada si xor ah, waxaana nala yiri haddii aad doontaana dalka wax barasho ka gala, haddii kalena ka sii gudba ama dib isaga laabta dalkiina” ayay tiri Aamin Macalin Ciise oo iyadu ka mid aheyd maxaabiistaasi la sii daayay. “Illaahey kheyr ha siiyo ducaa nooga dhacday C/nuur Darmaan, haddii kale meeshaan ayaa isaga sii jiri laheyn” ayay mar kale tiri marwadaasi. Dhinaca kale, wakiil ka socday xukuumada C/nuur Axmed Darmaan ayaa maalinimadii khamiistii taariikhduna ay ku beegneyd 22-ka bisha waxa uu kaalmo raashin ah ka qeybiyay qeybo ka tirsan degaanka KM 13 ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana kaalmadani oo ka koobneyd Raashin Bur iyo Bariis isugu jiray iyo xoogaa saliid ah la gaarsiiyay ku dhowaad 15 qoysas ah oo halkaasi u barokacay, waxayna u mahad celiyeen dadkii soo gaarsiiyay kaalmadan. Xigasho ---------- If it this is a true news, well, somebody is working like a presidential. Way to go, Md. Darmaan. Raggeedi.
  8. Bilaal, ma yaabtay, my brother. Legitimizing and sanctioning the brutal Xabashi occupation of Soomaali Galbeed ayaa la maroyaa in order to achieve a hegomonic clan agenda, even haddii Xabasho la soo kaxeysto, oo dadkii lagu xasuuqo. Be it waaye whatever it takes sheekada, including giving up the rightful Soomaali lands. Heck, even that includes if giving up xuduntii Soomaalida, Xamar. Walaahi waala yaabay, yaasiinkii dhaafay. It passed the sad stage, it is madax luxid stage now.
  9. Whatever happened to H&M, The Bay, Winners, Zellers, Sears...??? Ar saan maa cheap loo noqday. Walmartba Hindi ku nacay aniga. Balaayo baqeyl ah, always the cheapest gataan, waxba isku quurin. Anyway, next lee hana dhihin Food Basics since aan kugu ogaa Dominion and A&P adigoo raashiinka kasoo adeegto.
  10. Originally posted by Seekknowledge: MMA uses qabiil names but deletes the Initials And when did I use qabiil name? Mise the one slipped from a copy-pasted article ayaa u mooday in aan deliberate u qoray a qabiil name? And before you anwer it, what was your other username? You seem very, very familiar. In la isqarxiyo ma fiicno, ee isqarxi yourself.
  11. Originally posted by Kool_Kat: ...... ........ ........ ........ [Edited] I am glad my sister edited. Dankis, Kuusha.
  12. Sawiradii shirka. Warbixin dheer iyo sawiro badan oo kale, inta ka aqriso, kana fiirso.
  13. Hadalkii C/risaaq Xaaji Xuseen ka jeediye shirka. ----------- Xalka Siyaasadeed ee Xaaladda Soomaaliya Kaddib waxaa madasha shirka lagu soo dhoweeyey C/Risaaq Xaaji Xuseen, ra'iisul wasaarihii Soomaaliya 1964-67, oo ka hadlay sida uu u arko xalka Soomaaliya. Waxana uu ugu horayn xusay in aysan sahlanayn xalka Soomaaliya maadaama ay soo jiitameysey muddo 17 sano. Waxana marka hore muhiim ah in la ogaado meesha arrimahu ka khaldameen, ayuu yiri. C/Risaaq Xaaji Xuseen oo hadalkiisii siiwata waxa uu yiri: Dhibtaada ugu weyn ee haysata Soomaaliya waa qabiilka . "Haddii aynaan ka harin qabiilka, oo ku midoobin qaranimo raadin. Haddii aan sidaas la helin arrintu ma sahlana..." Dawlad haddii aan rabno, aan ka harno qabiilka, oo sidii hore loogu keenay qaranimada aan u raadino... Gaar aan waxa uu toos ula hadlay dhallinyarada, oo uu ku adkeeyey in ay qabiilka ka haraan.. Madaxnimada waxaa laga eegaa in qofku yahay: aamin, mukhlis ah, daacad ah, in uu aqoon leeyahay, in uu cod kar yahay, in uu danta guud ka shaqaynayo, camal fiican yahay, dul qaad badan yahay.. Marka haddii la isu yimaado oo qabiilka laga haro waa la helayaa hoggaan fiican ama qofkii hoggaamiye noqon lahaa. Waa in la ogaado askarta uu Zenawi keensaday Soomaaliya, in dhabarkeeda uu joogo Maraykanku oo ah kan shukaanta haya... Yurub mindideedu af maleh.. waad aragteen marar badan oo EU hadashay, waxba kama soo naasacadaan. Arrintu waa Maraykanka oo ka soo horjeeda Dawlad Shareecada lagu maamulayo oo ka hir gasha dalka Soomaaliya.. Waad ogtihiin markii wadaadadu qabsadeen (Muqdisho) in Bush yiri Taaliban oo kale in ay Soomaaliya ka hir gasho ma dooneyno. Inta arrintu joogto kala doorasho DFKMF iyo Wadaadada, waxay arrintu tahay in ay tageerayaan DFKMG iyagoo adegsanaya Itoobiya.. Marayknaku waxa uu dhehayaa arrimaha National Security ee USA aayan ka eegeynaa... isagoo xusaya safaaradihii Maraykaanka ee Nairobi iyo Tanzania... Itoobiya waxay dheheysaa haddii Soomaaliya Wadaado qabsadaan inaga ammaankeena ayaa wax u dhimayaan.. In kasta oo dagaaladii socdaan, dad badan ayaa dhintay, barakacay, waxa la oran karaa waxa ka dhacay Muqdisho iyo agagaarkeeda wax aan la arag oo la maqalay ma aha... Cadow ayaa ina haysta... Xeelad ayaa loo baahan yahay.. waa in waan-waan la helo, in la helo sidii dagaalka lagu joojin karo. Ugu horayn: Cadow ayaa ina qabsaday, inta dagaalameysa hambalyo ayaan u soo jeedinayaa, inta dhimatayna janno ayaan ugu ducaynayo, qadiyad xaq ah ayey u doonayeen... Anigu waxaan rumaysnaya in Maraykanka iyo DFKMG in aysan dooneyn ama rabin in Ciidamada Midowga Afrika ay yimaadaan Soomaaliya, waayo hawsha isku-si ma u qabanayaan... Is bar bar dhiga, Yuganda iyo Itoobiya hadda jooga Muqdisho isma leh. Ugandha waa nadad ilaaliyayaal (peace keeping). Waa in ay ogolaanaa ciidamada Afrikaanka ee nabada ilaalinta, in aan ogolaano oo ay shuruud ku yimaadaan, mudada ay joogayaan in la isla ogyahay weeye, Itoobiya hal qof waa in uusan ku jirin gudaha Soomaaliya... Dawladda (FKMG) Soomaaliya waa in aan laga aqbalin askar ayey Itoobiyaanku noo tababarayaan... Waa in aan hal qof oo Itoobiyaan ah ku sugnaan gudaha Soomaaliya oo lagu bedelo ciidamo Afrikaan ah oo aysan ku jirin dawladaha deriska. Markaas kaddib, Ciidamada Dawladda Soomaaliya loo asaasayo waa in ay noqdaan kuwo aan dawladda oo keliya soo xulan, waa in ay noqdaan ciidamo qaanuunka ilaalinaya, oo aan ku dhisnayn qabiil, waa in noqdaan ciidamo qaran. C/Risaaq Xaaji Xuseen waxa uu markale ku celiyey: Ilaa intii meeshu joogto ma Wadaado qabsanaya mase DFKMG, waxaad ogaataan in xaalku ahaanayo sida uu yahay... Marna ma ogolaanayaan inta "Alternative" ay wadaadadu yihiin. Dadku waa dareemeen 6dii bilood ee wadaadaddu joogeen in ay wanaag keeneen. Billad waxay ku helayaan waa Qaadkii ay joojiyeen, arrintaas waxay wadaadadu ku heli doonaan billad joogta ah... Ma u malayneysaan Bilyanno Doolar oo ah lacag BAAD ah, oo ah lacag adag "HARD currency" in ay Itoobiya iyo Kenya ay ka qaadaneyso Soomaalida.. Adigaa lacagtayadii siinayayna.. Wax ka soo noqonayaana ma jiraan, wax lagaga soo beesho lacagtaasna ma jiraan (aan ka ahayn qaad). Xeel aan la nimaadno, aan tijaabino, marka aan niraahno waxaan dooneynaa dawladaha Afrikaanka, markaas ayaan tijaabineynaa Maraykanka in ay daacad ka yihiin Soomaaliya iyo in kale.. Waana in dawladahaasi Afrikaanka aysan ku jirin kuwa safka hore aam deriska, sida Itoobiya, Kenya ayuu yiri Ra'iisul wasaare C/Risaaq Xaaji Xuseen oo hadda deggan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. Xigasho
  14. Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qabanqaabiyeen Ururka Midowga Qurbajoogga Soomaaliyeed Kulanka ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurbajoogga Soomaaliyeed (United Somali Diaspora) ee saldhiggiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, Sabti Nov 24, 2007. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo lagu qiysaaya ilaa sagaal boqol (900) oo qof iyo ka badan ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa: Allah qolo ma badalo haddii aysan iyagu is babalin (C/rashiid Macallin Faarax) Xalka Siyaasadeed ee Soomaaliya (C/risaq Xaaji Xuseen, Ra'iisul wasaare hore ee Soomaaliya) Siyaasadda khaldan ee maamulka Bush ee ku aadan Soomaaliya (Prof. Xasan O. Mahadallah, Jaamacadda Southern University) Habka ay Isbahaysigu ku samatabixinayaan siyaasadda cakiran ee Soomaaliya (Sakariye M. Xaaji Cabdi - guddoomiye xigeenka isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed) Sharci darrada ay Dawladda Itoobiya ku qabsatay Soomaaliya (Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi - Isbahaysiga) Ku xadgudubka Ethiopia ee xuquuqul Insaanka iyo Dembiyada dagaal ee ka dhaca Soomaaliya (Fowsiya Maxamed Sheekh) Warbixin Xasuuqa ka dhacay Xamar [ Ka bood ] Maxaa nala gudbod si dhibka looga baxo [sida uu soo jeediye Sakariye Xaaji Cabdi]: Arrintu alamtara soo dhaaftay ayey taaagan tahay, siin soo dhaaftay, dal soo dhaaftay, waa arrin shakhsi ah (pesonal), ayuu yiri Sakariye oo intaas ku daray: Si aan xorowno: Qof kasta waa in uu ogaado in Qarniga 21aad Soomaaliya la haysto oo aysan jirin Dawlad Soomaaliyeed.. Cali Geedigii calanka ka taagey gurigii anigu aan ku aroostay (guriga uu geedi calanka ka taagey aniga ayaa ku aroostay ayuu yiri...) (xagge ayuu maray Geeddi...) Xaqa madax bannaanida iyo xaqa nolosha.. xaq ayaan u leenahay in aan is xorayno... sida South Afrika, eeg Nelson Mondella... oo lagu sheegi jirey Argagxiso oo xabsi kujiri jirey isagii ayaa hadda la soo booqdaa. Anagu ma nihin Argagxiso. Maraykanka saaxiib ayaan la nahay, xorriyad doon ayaan nahay, xaq ayaan u leenahay isxorayn. Madax bannaani iyo noqol... Waa Asaaska xuquuqul Insaanka. [Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo. Tixraac qodobka 3aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka] Si loo gaaro xorriyad: Midonimo dhab ah meel kasta oo aan joogno.. qabiilka ha la halgaado.. aan soo ceshanno midnimadii aan ku saaryan gumaystayaashii hore... Halgan hubaysan.. Xorriyad diblomaasiyad laguma keeno, waxaa lagu keenaa qori caaradiis.. Annagu haddaanu nahay isbahaysiga dib u xoraynta waan ballan qaadnay.. Marka aan Tigreega ka boohino ayaa la inala hadli doonaa.. Kuwa hadda dhimanaya hadduu dhintona janno ayuu geliyaa, Insha Allah, hadduu noolaadona sharaf ayuu ku noolaanayaa. [Geeri ama sharaf iyo xorriyad ku noolaansho..] Daqaale dagaalka lagu galo in la helo, qofka dhimanaya ama dhaawacmaya waa in loo helo dhaqaale, lagu daweeye, qof kasta oo Soomaali ah -- Xusuusta xilligii Maxkamadaha (ammaankii iyo sharaftii la helay) Qof Soomaali ah yuusan raacin DIYAARADDA ETHIPIAN AIRLIES... Raaca diyaaradaha dalalka kale, raaca diyaaradaha Soomaalida ... Tusaale ahaan diyaarada Daalo waxay ka baxdaa LONDON... Sidaas daraadeed haddaad ka bexeysaan Maraykaanka raaca Diyaarada Northwest Airlines kaddibna 'connection' ahaan London ka raaca Daallo Airlines oo idin geyneysa Soomaalia.. Soomaali ayaa diyaaradaha Itoobiya Airlines raacda ma ahan arrin la qaadan karo.. Dawlada Maraykanka oo idin soo dhoweysey diyaaradeheeda raaca, shilin aad leedihiin ha siinina Itoobiyaan... Qaadka in la joojiyo ama la qaadaco. Waa in aan la iibsan qaadka laga keeno Itoobiya . Cuntada Xabashida waa in aan la iibsan, CANJEELA XABASHI ama CANJEELO ITOOBIYAAN waa in aan la iibsan . Meel Soomaali degan tahay wax ku dirso. Xawaaladaha waxaan ka codsaneysna in ay xiraan xafiisyadooda Addis Ababa . Shirkadii diida in ay xirto xafiisyadeeda Addis Ababa yaan wax lagu dirsan... waa nala xumeeyey oo gabdhehenii ayaa la kufsaday.. sidee lacagteenu u tegi kartaa Itoobiya.. taga JABUUTI, iyo gobola Soomaalida... Kuwa deggan Addis Ababa reerahooda ha u rareen JIGJIGA, WARDHEER, QARIDAHARRE.. HARGEYSA.. GALKACYO.. BAYDHABO...JABUUTI...iyo meelaha Soomaalidu degto... Shirkadii diida arrimahaas yaan lala macaamil. Xumaanta ku suuliya gacanta, carrabka, haddii aysid awoodin qalbiga ka nebcaada ... Sidaas daraadeed dhaqaale haku bixinana meel faa'iidada laga helo lagu wax yeelayn doono shacabka Soomaaliyeed. Bannaanbax joogta ah, "lobby" (ololayn) joogto ah, gaar ah reer Minneapolis.. Xooggiina iyo midnimadiina aduunka tusa, mudaharaada oo isu soo baxa xitaa haddii qabowgu ka hooseeyo -20... Idaacadaha ka hadala, joornaalada wax ku qora, shir marka la qabanayo meel la maro hala waayo.. Ogaadana dadka raba Amxaarada waa dad yar (kuwaas oo berri ina soo raaci doona).. Waa inoo halgan.
  15. Before we discuss further, we need to start with ourselves and stop calling our brothers and sisters with that derogatory name. They have a proper, correct name, utilize it.
  16. Originally posted by Red Sea: Kool kat, These latest topics are kinda of dry. Everyone here seems to have developed same way of approaching things. I feel like people are afraid to say what is really in their minds and rather give fake responses to everything. If someone gives what is in their mind, then that someone gets bombarded with questions like 'what is wrong with you' which discourages him/her from being open about it next time around. see what I mean? Hokey. Seefta banaanka in lasoo dhigto ayaa rabtaa soo ma'aha. Hokey. Let me tell you what I think Baddacase is. You suck, maan! Yea, you suck! But seriously, nothing is wrong with this forum. Actually, it is the most interesting one out there and the most participated by the mature Soomaali people. Mise nacnacda, quuqda and other infantile, inane behaviours, which is common at those other discussion boards, ka heshaa? Waxaas barbaarta ka helo, not dadka koray.
  17. Is cleaning my plate with my last piece of bread "disgusting"? Why? Disgusting? What for? Waa dhameynaa if baahi i heyso, if not meeshiis ku dhaafaa. This comes from the outdated traditional view oo wax in lagu dhaafo saxanka, otherwise dadka u qaadan jireen qofka in uu wali baahanyahay. Same with cabitaanka. But since many of us we are in Galbeedka now, dad baahan iska yar, dadka iyagaa deliberate isku baahisiiyo, oo diet iyo wax jirin ku jiro.
  18. Originally posted by Cige: MMA, Ma sahlanid! dhib weyna waa ku haystaa, Maxkamadihii waad ka soo hor jeedday Mujaahid Indhacadde waxaad dhihi jirtay Indho-madoobe, Hargeysa waad ka soo horjeeddaa Puntland waad ka soo horjeedaa federaalka waad ka soo horjeedaa Baarlammaanka iyo Baydhabo waxa fadhiya waad ka soo horjeedaa amxaarada waad ka soo hor jeedaa kenya waad ka soo horjeedaa , Uganda waad ka soo hor jeedaa :rolleyes: ugu dambayn cid kasta oo C/laahi Yuusuf ka soo horjeeda waad ka soo horjeedaa, marka dambe waxaan ka baqayaa inaad adigu iska soo hor jeesatid :eek: Duqa, my interest and loyalty lies -- and only lies with -- Soomaalinimo and Soomaaliya, and whoever believes in it, has this genuine concern in his or her true, untainted heart. Not competing Soomaali groups. Not power-hungry groups. But today Soomaali isma heysato. Gaal Xabashi, Soomaali's cadowgooda koowaad, labaad iyo sadexaad dalkii kusoo duulay, qabsaday magaalo madaxdii iyo xuduntii Soomaaliyeed. Haddana xasuuqay dadweynihii, maatidii Soomaaliyeed, yar iyo weyn, saqiiri yo kabiir, awoowe iyo ayeeyo, dhicis iyo ... Marka ma taalo maanta meel la fiirsado waxa dhacaayo. Haddee gacantaada, hantidaada ama afkaaga wax ku tareysid, ku tar, ku taageer Soomaalinimo. I am with whoever Xabashada kasoo horjeedo, whoever Soomaali ah Xabashi la dagaalamaayo. Whoever dalkooda inay ka xoreyaan rabaan Xabashi; whoever dhiig Soomaaliyeed leh oo isku xilqaamay inay dalkooda iyo dadkooda badbaadiyaan; whoever gacan, maal, af ama wadne kaga soo horjeedo Xabashi. Many of them waa genuine, oo Soomaalinimo iyo daljecelnimo ka tahay xoreynta iyo halgamidda dalkooda. No body ku qasbay, oo dan siyaasadeed uma geynin. Men kamid ah Max'ed Cabdi Yuusuf, Cumar Xaashi Aaden, C/raxmaan Ibbi, Jen. Jaamac Max'ed Qaalib, Sakariye Max'uud Xaaji, Saleebaan Colaad Rooble, C/qaadir Xaaji Dhaqane, Sifir, Fowsiyo Sheekh Max'ed, Jaamac Cali Jaamac iyo halyeey kale oo badan oo aan wada xasuusan. Dan siyaasadeed iskuma geyn walaalahaas, ee dan Soomaaliyeed jecelnimo iyo damiir Soomaaliyeed danqaneyso isku geysay. Ee marka it is not about shaqsinimo, kooxnimo iyo isbiirsi qabyaaladeednimo. NB - I have nothing against Uganda "peacekeepers." Waqti xun ayee kusoo aadeen meesha, since there is not any peace to keep. Dad sincere ka tahay waaye inay caawiyaan Soomaalida, laakiin xilliga xun. I supported UNISOM, which was led by the then respected Mareykanka, ee ma'aha any foreign intervention inaa diidaayo. African forces, however, today waxba kama qaban karaan xilligaan xaqiran iyo Soomaaliya, meel 32 dowladood oo dal oo reer Galbeed u badan wax ka qaban waayeen, ma u maleeyi inay Afrikaan wax keeneyso.
  19. Bannaanbax looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta ay Ciidamada Gumeystaha Itoobiya kula kacayaan Ummada Soomaaliyeed oo ka dhacay Magaalada Geneve UN-ka hortiisa [ Wiil daljecelnimo dhab ka tahay. Wiligaa jir, abti ] Banaanbax aad u balaaran ay soo abaabuleen Ururada Dhalinyarada & bulshada ee Midowga jaaliyadaha Switzerland oo maanta 23.11.07 [Jimcadii], ka dhacay Magaalada Geneve ee cariga Switzerland. Mudaharaadkaas oo looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta baaxada leh ee ay Ciidamada Gumeystaha madoow ee xabashada kula kacayaan, dhamaan Ummada Soomaaliyeed si kala har aan lahayn ! qaasatan shacabka Muqdisho. Dad tiradooda ay kor u dhaaftay ilaa iyo ku dhowaad 500 qof ayaa Jimcadii 23.11.2007 isugu soo baxay United Nations-ka, Geneve, Xarunta Qaramada Midoobey (UN-ka). Isku soo baxaan oo loogu magacdaray (Ilintii Soomaaliya) ayaa ahaa mid ula jeedkiisu aheyd mid jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan cariga Switzerland, sida ay uga xun yihiin, kagana ashtakoonayaan caalamka, dhibaatada baaxada leh, Xasuuqa aan loo meel dayan, barakicinta aan taariikhda aadanaha lagu arag, caburinta ay Gumeystaha madoow ee Xabashida ku hayaan Shacab weynaha Soomaaliyeed. Jaaliyadaha Somaliyeed ee Switzerland, oo aad iyo aad ugu careysan aamusnaanta beesha caalamka, qaasatan UN-ka, (Qaramada Midoobay) ayaa sitay Boorar ku qoran halku dhegyo iyo sawiro taariikhdu xusi doonto, muujineysayna falalka arxan darada iyo Halaaga umada Somaliyeed loo geeystay, iyadoo loo adeegsanaayo, calooshood u shaqeystayaal iyo Dowlada fashistaha ah ee Itoobiya. Waxaa halkaas ka hadlay, oo kasoo jeediyay qudbado xasaasi ah, Sheikh Cafif. Oo ka socday gudiyada Bern. Waxaa xigsaday Axmed Dhicisow (Zurich), oo ah caaqiliinta Soomaaliyeed ee dalkana ku dhaqan, waxaa kaloo ka hadashay, goobtaas, Xaliima Sacdiya (Geneve) Mustaf Bashiir Goobdoon (Zurich), Qalimoow (Zurich), iyadoo uu soo qatimay qudbooyinka Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bern (Dr Aadan Ibraahim). Gudi ka kooban jaaliyadaha gobolada Switzerland ayaa u gudbiyay, xoghaynta Amniga iyo Xoghaynta Guud ee Qaramada Midoobay, warqad ay si wada jir ah u soo diyaariyeen, gudiga qabanqaabada iyo Jaaliyadaha Somaliyeey ee Switzerland, taasoo ay hoosta ugu xariiqeen, dacwad ka dhan ah, horjoogayaasha xasuuqa ba�an ee ciidamada gumeysiga xabashada ka wadaan dalka Somaliya iyo, ka kaalmo la i�da shacabka la barakiciyay ee beesha caalamka. Waxaa kaloo daba socday, iyadoo mar walbaa uu ka soo baxo qof xafiiska qaramada midoobay, in dhalinyaro somalia ah ay gacanta kasaarayeen, warqad muujineysay xaalada murugada iyo nasiibdarada haysata somaliya. Sharaxaad koobana ka bixineysay, Waxa mudaaharaadka ku saabsan yahay, Iyadoo sidoo kale la wargelinaayay, dad weynaha reer Geneve guud ahaan. Ma ahan markii ugu horaysay ee Switzerland laga dhigo banaanbaxan oo kale, Waxa uuna daba socdaa, kuwa ka dhaca qaarada Yurub iyo Amerika Jaaliyadahana waxey balan ku qaadeen in ay wadayaan illaa iyo inta uu gumeysiga Ethiopia wadanka uu ka baxayo. Xigasho [With more pictures.]
  20. Maamulka Gobolka Banaadir oo Xaflad Lagu xusuusto Ciidamadii Itoobiya ee ku geeriyooday Dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada dalka [ Yaahuu, cabsida ka muuqato dey ] [ Honouring their so-called fallen Xabashi soldiers in Xamar! ] [ Qashinkooda muusikadda u garaacaaye even keensadeen ] 24 Nofeembar, 2007 - Maamulka Gobolka banaadir ayaa xaflad lagu xusuusto Ciidamadii Itoobiyanka ahaa ee ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Soomaaliya ku qabtay xaruntii shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay labo bilood ka hor. Xafladan oo abaal marino lagu guddoonsiiyay Saraakiishii dagaaladaas ka qeyb qaatay,xubno uu ka mid yahay Safiirka Yeman ee Soomaaliya ayaa ujeedada xafladaas waxay ahayd in xusuus gaar ah loo lahaado askartaas ka geeriyootay Itoobiyanka. Sarkaalka Itoobiyanka ugu dhaqdhaqaaqa Badan ee Jooga Soomaaliya Gabre wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la xusuusto geesiyaashii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee naftooda ku waayey halgankii lagu taageerayey xukuumadda Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu sheegay Gabre in ay askarta Itoobiya ka go’an tahay inay la dagaallaan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah nabadda Soomaaliya iyo tan Gobolkaba. Col. Gejon oo ka socday wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya, Asper Agaza, iyo madax kale oo ka kala socotay guddiga nabadgelyada qaranka iyo Gobolka Banaadir ayn ka mid ahaayeen kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir sida Dhagaxtuur, C/fatax Shaaweeye,C/llaahi Xasan Geney Firimbi Laakiin dad badan ayaa is weydiinayaan sababta keentay in Maamulka Gobolka Banaadir xusuusto askar Itoobiyan ah oo geeriyootay iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir marna uusan ka hadlin dadka faraha badan ee Ciidamada Itoobiya ku laayeen Magaalada Muqdisho. Xigasho ------------- I don't care about Xabashadda iyo waxee sameyanayaan because dal ayee xoog ku heystaanee, but kuwa Soomaali isku sheega, xil isku magaacabay meesha fadhiyo u sacabtumaayo la yaabanahay. Goormee xasuus iyo baroordiiq u sameyn doonaan maatida la xasuuqay, gumaaday, la laaye dadweynaha Soomaaliyeed? Wanfankuu...! Shuud.
  21. British Somaliland, French Somaliland or Italian Somaliland? The Malcolm speech was dated in '64, so obviously he means Soomaaliya, not either the discarded 'land' colonial created craps.
  22. Awright. This thread is now closed. If you gentlemen want to continue the personal aflagaado and insults, you are all welcome and can continue it through the private messages.
  23. Xubeer? Do you know this is a clan name? They live in Xabaalbarbaare [in Baay], Daafeed [in Shabeellada Hoose] and Kismaayo area. There is even a scholarly book solely about their [soomaali] customs and norms.
  24. Originally posted by Ismahaan: miskiim macruuf aqiyaar, no qarxis dee lols 3 sano ka badan ku jiraa laakiin waa iska regis gareeyay lee ekekek waligeey xataa wax ma soo qorin hada soo noqdee was hunting diseases in africa kkkkkkk anyways aad baa u maraqsan tihiin all "Hunting diseases" aa? Afrika "hunting faaraxs" ku ogaa nooh markii igu dambeysay. Masoo shaqeysy Afrika, oo kalkaaliye shaqo maa u tagtay? Afrika waa weyntahay laakiin ee intee. Haddaa anaga 'maraqsanahayna' adigaa mudac [err, waxaa ka wadaa mudan].
  25. Dayniile badanaa exaggerated iyo sensational stories ayee iska qoraan, Xooga. War meeshooda ku qoran oo aan meel kale lagu soo qorin, especially on the credible sites, ha rumeysan.