Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Hadduu adeerkaaga yahay, anigana abtigeey waaye hee. Mala isku dhadhajinaa dadka haddana? Yaab ahaa. Eebba ha u naxariisto Cawaale Liibaan.
  2. It was fine day, indeed, having a great intellectual debates with my newspapers -- remember, Aaliya? First Toronto Star seduced me, offering some intellectually stimulating heated discussions about what is happening in Kenya and why. Then Globe and Mail defended eloquently why Hillary is worth more in the White House than Obama. We also had great discussions about current events in Afganistaan, Bakistaan, Cuba and other hot spots around the world.
  3. I spent some considerable time with someone I really, really like the later part of the afternoon and early evening long tonight. It was a fine day. Glad I am, glad I enjoyed it very much. Only musikadii Jeopardy! ayaa ka maqnayd, though. Dhiidhiidhindhin.
  4. Originally posted by Kool_Kat: ^Well fine, go be independent...Ha iceebeen laakiin, adna abuu kakab meel hasoo suran...Something original la imoow and if you need help just holla at your girl, after all it was my uncle who designed the beautiful Somali flag... Waa wareey, who is this adeer? Sheekaaba keentee, calankii maa haddana gorgortan galay. Adeerkeey kulahaa.
  5. Soomaali haddee isku sameyso ama isku sameynin, iyaga isdhalay, iyagaa isla koray, iyagaa isku af, diin, dhaqan iyo dal iyo dhul wadaag wada ah. Haddee isdilaan iyo haddii kale iyagaa beri geed Qurac hoostiisa ku gogol bixi karo, iskugu shir imaan karo, ku heshiin karo. Aboow heeloow Xabashi xuu u sheegaa Soomaali? Afkiiba ugu horeeyee kuma hadli karee, iskaba dhaaf diin iyo wax kale. It is never the same walaalo dagaasho iyo mid shisheeye ku dhex jiro ka faa'ideysanaayo dilkooda, markii dambena la dilaayo kan kale walaalkiis. About xasuuqa, we need to remind ourselves to this fact. Always to, lest some forgot or try not to see this xasuuq socoto. Ma i fahantay, Kuusha?
  6. Locals suggested the killing was linked to a drug turf war between local Somali groups and the T-Block gang from Thamesmead. There were also claims that youths pointed a gun at one man who tried to halt the attack. One teenager said: "There are lots of Somali boys who hang around this area to deal drugs. They are all closely knit together in the Woolwich Boys gang." Barbaarteena waa waasheen, oo meel laga qabto la layahay, especially kuwaas Ingiriiska ku sugan. Kuwii la islahaa iyagaa ka badbaadee dalkeena masiibadii heshay, oo mustaqbalka dalkooda iyaga ku xirantahay la lahaa ayaa saan u dhaqmaayo. Qaas ahaan siiba waalidiintooda keenay ayaa ka shaleynooyo maanta, and Eebbe knows rafaadka ee usoo mareen see u badbaadiyaan ubadkooda. Acuudi bilaahi.
  7. Habartaan iyo yarkaan dhagaha waa weyn waa naga bad badiseen ma isdhahdeen, Reer Mareykanoow? Not all of us live in Mareykanka nooh. Yes, Mareykanka's policies affect the rest of the world and soon one of them might be the closest leader the world over has one; however, still, until then ka gaarayaan aan aragno. Laakiinse waxaa igu yaab badan meel advanced 'democracy' ka jirto la leeyahay and nepotism maka jirto la dhahaayo, yet we see a president called Bush followed by another president called Clinton followed by a Bush followed by a possibly another Clinton, all this happening while the poor masses blindly following excitedly, thinking there will a change in Aqalkii Madoowaa. What is a government like this called horta? Aristocracy? Ultimate nepotism?
  8. Maalin walba ayee Soomaaliya [ku jirto Soomaaliya Galbeed] ku xaar xaaraan, waliba xuduntii Soomaaliya ee Xamar maalin walba ku xasuuqo intaas oo qof aan waxba galabsan, not to mention intee kufsadaan, oo ay kufsadeen, intee barakiciyeen, intee saldhigyada ku heystaan, intee dhaceen, intee baa'biyeen, intee bililiqeysteen. All this happening daily in Soomaaliya and the top news today is odey stooge beerlaawe ah la dharbaaxay by one of his own Xabashi masters, and kaaga sii daranee people debating about if it is true or not. Our priorities wax ayaa ka qaldan.
  9. Haye, waa ku salaamay abaayadiis. Those little chicks waabsanaayo makulaashaada yar goormee ay mindida yar u gilin doonaan, waxooda baad waayee. Sifaleetiga u xiran sida loo xirtay aaba i dishay. Qatari cadiim, waa ka garan kartaa chicks Reero Tookiyo ee Wardhiigleey inay yihiin, kusoo barbaarayna. Ka cabso.
  10. Your link is not working, but i think you had this in mind.
  11. Caamir, intee taagnaan jirtay markaas camal? Jidka Taleex yaa ogaado, oo Carwada ku taalay.
  12. Those lines maa ka booday? Maba ogeyn since aanan aniga qorin, but edited only. Heestaan si ayee cajiib u tahay, and can always be attributed to whatever era we are in, especially nowadays in Galbeedka aan joogno. There are those who think those so-called gender wars inflamed in the West, but always some issues jirtay, even back in '60s. N.B -- Ma taqaanaa abwaanka alifay heesta?
  13. Originally posted by LayZie G.: For instance, MMA waxa aan ku necbahay sometimes is that he goes and broadcasts others affairs accompying with images via a link in this forum, and his excuse is that it was already made public, so what's the big deal?(MMA, I made example of you because you have done that more than one occassion, nothing personal ofcourse Whoa, whoa, Ms. Caajisleey, xaa ka hadleysaa? I don't care qashinka meeshaan ka socdo, but xaa keenay magaceyga? And since when did I ever "broadcast others affairs, accompanying with images?" Since when????? War eeba ii keentay atariishada. If you are referring to this thread, which I do think you do, since when did public figures' names become private? Niman wasiiro sheeganaayo magacooda ha sheegin ayaa leedahay miyaa haddana? Privacy ayaa qalad ka fahantay, qalad weyn waliba. If I put Stephen Harper's picture and his name [oobis, I already did, I guess], adigoo leh why reveal his identity ayaa lagu arki lahaa. N.B. - Hillary Clinton's name waa private too, ee ka daba har maalin walba aad wadid.
  14. Before the Somali nation’s disintegration, almost 99.99% of Somali schools were public ones where all teachers were underpaid, badly trained, and never showed any alternative of disciplining students other than corporal punishment. He didn't mention, I see, the other key facts: Schools were universally free, from grade one to university. Soomaali schools were the only Afrikan school system [except Carabi-speaking ones] whose schools were taught only in their native tongue as official curriculum, up to to university-level. Few African and other third world countries could afford this.
  15. Without Bush, not Kaastaro, ifka iyo adduunkaba nabad waa ku badnaan lahayd, not less. Kaastaro ka ahayn dagaalkii '77 uu qalad ka galay Soomaaliya iyo Soomaalidaba markuu ciidamo iyo saraakiil dalkiisa ka socoto keenay Xabashiland suu u taakuleeyo Xabashida -- intaas wax aanan ka ahayn waxba uma qabo, waana qof dalkiisa iyo dadkiisaba u dadaalay.
  16. Dadkiina baarkii Baar Fiat, taaladii Daljirka Dahsoon, hoteelkii Hoteel Jubba, iskoolkii Bartamaha, dartii Jirte Xuseen ee Savoy Centre, Imigareeshinka, wasaaradihii, safaaradihii ka wada hadlaayo-- fiirsada laga soo duubay Xamar goor dhoweyd. Xiinka, maxaa ka rabtaa Suuqa Miijiska, balaayo ku miijisee. Yaa ogaado odeyaashii kabaha dacaska faal ahaan meesha u suran jiray, oo falaarta shiishi jiray uu u sacabtumi jiray markee la helaan shiishkooda. Ar maxee kuwaas sharad ciyaareen galab walba. Ar mar labaadna Cumar Boodboode gacan aan u taagay, a family friend wuu ahaana as well as a diratoore walaalaheena dhan u wada ahaa at iskoolka Howlwadaag Hoosedhexe. Ninkaas diratoore wanaagsan ahaa, inkastoo aanan wax badan ka xasuusan since markaa hal sano dhigtay mise birimadeyda gadaal laga badalay.
  17. A few lines translated, poorly though. He: In the old days it was custom that a girl perfumed her hair And braided it She wrapped around her waist A wide cloth belt with fringes And an ornamental cord And wore a white dress But something has changed Something weird with long horns they wear as hats on their heads And run all over the market You women have destroyed our culture You have overstepped the religious law and destroyed our religion Girls, won’t you behave? She: What was custom in the old days And a hundred years ago And what has been left behind Don’t make us go back to that well-worn road For we have turned away from it with effort Now we expect to run and compete for the sun And the moon and to lead people First get some education And learn how to read and write Don’t try to turn back, you country hick People who have woken up! He: In the old days It would happen that A girl would not address you for one or two months And the men who went out looking Would not see her for days But something has changed In the evening A whole gang of them goes out Carrying fat purses Wandering about outside like robbers She: God allayed the waters of sea and river And made them come together And he put in order the wide earth and the mountains And created his human beings each in a different way You are a loser No one is asking you to come along He: In the old days It was custom to pay as bride wealth for a girl A whole herd of camels And the most exceptional horse And a rifle on top of that But something has changed You are self-absorbed And ignore the advice of the family In which you were born She: Girls used to be exchanged For a herd of camels And short-legged goats But the religion we learned And the Qur’an do not allow this Today we have no need for those who deal in what they do not own And for this old-fashioned dividing up of women First get some education And learn how to read and write Don’t try to turn back, you country hick People who have woken up!
  18. Maryan Mursal Mataan iyo Max'ed Jaamac Joof [Eebba ha u naxariistee] heestooda maanta laga maarmi karin ee Beri hore waxaa jiray. It was probably sung in late '60s or early '70s. Heestaan ma laga maarmo, see iskugu jawaabanayaan waxaa ka daran in uu dhaqanka isbadalo, ninba kii hore jiray u xiiso. Inta ka dhageyso dhageyso. Heesta oo qoran: Max'ed Jaamac Joof: Beri hore waxaa jiray Inan timaha dibtoo Baarkana u tidicdoo Boqorkiyo dhaclahiyo Maro beyle xiratee Wax badaley kuwii hore Belo geesa dheeroo [ ] Buur madaxa saartoo Suuqa baratamaayee Naa bi'ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Boqolsano horteediyo Beri hore wixii jiray Ee la iska baal maray Budulkii dib u ha u qaban Laga soo baqoolee Hadaad baratamin orod Bisha iyo cadceediyo Beesha loo horseedoo Aanu beegsaneynaa Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin [ ] Dadka soo baraarugey Max'ed Jaamac Joof Naa bi'ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Ilaahii bad iyo wabi Biyahooda daadshee Meel kula balamayee Dhulka baaxadaliyo Buuraha rakibeybaa Bini aadamgiisana Ruuxba ay u beere Waad baadiyowdee Cidi kulama beyrine Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin Dadka soo baraarugey Max'ed Jaamac Joof Beri hore waxaa jirey Inan baarax geeliyo Faraskii baxdoowaba Yarad looga bixiyaa Bunduqana la raacshaa Wax badaley kuwii hore Isu bogga bar maqanoo Bahdii ay ka dhalatiyo Beylihisey waanee Naa bi'ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Baarax geela iyo faras Iyo boqon yaraha ari Hablihii lagu badali jiray Diinta aynu baraniyo Ma baneyn kitaabkuye Booli quutayaashii Biicsan jirey haweenkiyo [ ] Baxadsoorihii tagay Maanta looma baahnee Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin Dadka soo baraarugey
  19. Deeq ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Oslo (Norwey) oo la gaarsiiyey waalidiinta canug Soomaaliyeed oo la ildaran buro weyn oo isha kaga taala Deeq ka koobneyd lacag gaareysa illaa $1588 (Kun shan boqol iyo sideetan iyo sideed Doola)r ayaa maanta soo la soo gaarsiiyey Hooyo Muslimo Isaa'q Ibraahim iyo Aabe Maxamed Nuur oo ah waalidiinta dhashay wiil hal sano ah jir ah oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo uu la soo gudbonaaday xanuun aad u daran dalka waxba looga waayey ka dib markii isha bidix ay uga soo baxday buro aad u weyn oo dhibaato daran ku heysa wiilkaasi Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay soo direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norwey ayaa waxaa soo ururiyey Dr. Abuukar Ibraahim Abiikar oo ah mas’uul ka tirsan Jimciyadda Towfiiq Islamic Center oo ka dhisan isla magaaladaasi Oslo, waxaana labada waalid ee dhalay wiilkan loo soo mariyey, isla markaana guddoonsiiyey deeqdaasi Aadan Max’uud Guurre oo jooga magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaasi guddoonsiinta ah ka dib labada waalid ay u mahad celiyeen walalaahood Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norwey. [Wiilka yar toddobaadkii hore ayuu geeriyooday. Eebba ha u naxariisto.]
  20. This thread hadda ka bacdi will be dedicated dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku sugan u gargaaraayo walaalahooda ku dhibaateysan dalkeena. ------------ Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee Gotenberg (Sweden) oo deeqo lacageed soo gaarsiiyey waalidiinta canug Soomaaliyeed oo la ildaran buro weyn oo isha kaga soo baxday Deeq ka koobneyd lacag gaareysa illaa $1310 (Kun saddex boqol iyo toban Dollar) ayaa maanta soo la soo gaarsiiyey Hooyo Muslimo Isaa'q Ibraahim iyo Aabe Maxamed Nuur oo ah waalidiinta dhashay wiil hal sano ah jir ah oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo uu la soo gudbonaaday xanuun aad u daran dalka waxba looga waayey ka dib markii isha bidix ay uga soo baxday buro aad u weyn oo dhibaato daran ku heysa wiilkaasi Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay soo direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gotenberg Sweden ayaa waxaa soo ururiyey wakiilna ka ahaa Sheekh Cali Xaayow, waxaana labada waalid ee dhalay wiilkan loo soo mariyey, isla markaana guddoonsiiyey deeqdaasi C/risaaq Cilmi Xaayow oo jooga magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaasi guddoonsiinta ah ka dib labada waalid ay u mahad celiyeen walaalaahood Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gotenberg (Sweden) sida ay iskugu taxluujiyeen iney wax kala qabtaan xaaladda wiilkooda, waxayna u rajeyeeyeen inuu ILAAHAY ugu bedelo deeqdaasi qeyr aad u badan oo aduun iyo aaqiraba anfaca. Sidoo kale, labada waalid ee dhalay wiilkan la ildaran burada isha uga soo baxday ayaa u mahad celinaya gabdhaha Soomaaliyeed ee Gotenberg (Sweden) kuwaasoo iyana u soo diray deeq lacageed oo gaareysa illaa $270 (labo boqol iyo todobatan Dollar) taasoo isla maantaba uu soo gaarsiiyey C/risaaq Cilmi Xaayow oo jooga magaalada Muqdisho.
  21. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Copenhagen (Denmark) oo deeq lacageed soo gaarsiisey waalidiinta wiil ay buro weyn uga soo baxday isha Deeq ka koobneyd lacag gaareysa illaa $1000 (kun Doolar) ayaa maanta soo la soo gaarsiiyey Hooyo Muslimo Isaa'q Ibraahim iyo Aabe Maxamed Nuur oo ah waalidiinta dhashay wiil hal sano ah jir ah oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo uu la soo gudbonaaday xanuun aad u daran dalka waxba looga waayey ka dib markii isha bidix ay uga soo baxday buro aad u weyn oo dhibaato daran ku heysa wiilkaasi Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay soo direen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Copenhagen ayaa waxaa la soo mariyey shirkadda xawaalada Olymbic xarunteeda ku taala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana labada waalid ee dhashay wiilkan ay munaasabadaasi gudoonsiinta ah ka dib u mahad celiyeen walalaahood jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Copenhagen ee dalka Denmark sida ay iskugu taxluujiyeenm iney wax kal qabtaan xaalada wiilkooda, waxayna u rajeysay inuu ILAAHAY ugu bedelo deeqdaasi qeyr aad u badan oo aduun iyo aaqiraba anfaca. "Wiilka xaaladiisa waa iska liidataa hadda, maalinba isbitaal ayaan geynaa anagoo is leh, waxqabad ayaad ka heli doontaan, hase ahaatee waa ku hungownaa, shalay ayaa u dambeysay waxaan geynay isbitaalka Keysany oo aan kula kulanay dhaqaatiir Masaari ah, waxayna inoo xaqiijiyeen in buradan wax looga karo oo kaliya isbitaalada dibeda, waxayna na ka siiyeen daawooyin kaalmaati ah oo ay ka mid yiuhiin xanuun joojiye iwm" ayey tiri Hooyo Muslimo Ibraahim ***** oo ka warbixineysay xaalada uu ku sugan yahay wiilkeeda, waxayna mar kale codsaneysaa hooyadan in laga caawiyo sidii isbitaal dhinaca dibeda ah loogu heli lahaa wiilkeeda. Sidoo kale, labada waalid ee dhalay wiilkan la ildaran burada isha uga soo baxday ayaa u mahad waxay u celinayaan dad Soomaaliyeed oo muxsiniin ah, kuna kal nool meelo kala duwan oo caalamka, kuwaasoo ay sheegeen iney ka heleen deeqo lacageed oo kala duwan qofka walba wixii awoodiisa ah. Xigasho
  22. Maxaa sababay dagaalkii 1964ti dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya? 1 - Shirkii midowga Afrika lagu unkay 25/05/63 oo go’aamiyay in xuduudaha Afrika loo daayo sidii gumaaysigu u qaybiyeen oo madaxweyne Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa aas-aaseyaashi ururkaas uu diiday inuu go’aankaas wax ka saxiixo, taasina waxay sii cordhisay cadaawadi soo jireenka ahaayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Itiyoobya. 2 - Soomaalida oo 1963di la yeelatay xiriir mileteri dalalkii Midowgi Soofiyeetiga oo loo ballan qaaday in hub deg deg ah iyo tababr loo siiyo Ciidamada Qalabka Sida. 3 - Khubaradi ciidanka ee hoggaaminaysay ciidamo badan oo ka kala socday noocyadi ciidamadi X.D.S. oo waqtigaas tababar u jiray dalalkii Midowgi Soofiyeetiga si ay hubkaas muddo gaaban ugu soo bartaan. Haddaba, Itoobiya, iyadoo ka shidaal qaadanaysa seddexdaas sababood oo ay u aragtay inay haysato fursad qaali ah oo aan waligeed soo mareeyn, ayeey bilihii Jennaayo-Abriile1964tii dhexdooda ku soo qaaday Soomaaliya dagaal saameeyay dhammaan xudduud beenaadki noo dexeeyay. Dagaalkaas oo hadafkiisu ahaa inay Itoobiya, intaan curdanka iyo cududda yarnahay na ciribgoysoo, taasna Alle uma suurto gelin oo waxaa si geesinnimo iyo karti leh jilibka u aastay Soomaaliyoo dhan, miyi iyo magaalo oo niyadoodi iyo cududdoodi midaysanayd, waxaase yaab iyo mucjiso qarni oo aan la qorsheeysan ku noqotay, intaan la gaarinba ciidamadeenni yaraa ee rijliga ahaay, inay niyadjab, ba’ iyo bayuur ku rideen geeljireyaasheenni geesiga ahaay ee ku tedsanaay xuddudkeenna dheer, kana baxsheen goob iyo geed kasta, godintay u afaysteenna uga furtay qoryihii ay ku dagaallamayeen ”Faragooye”, kana dhigay mid la dilay, mid la dhaawacay, mid la baacsaday, mid cararay, mid ambaday, mid abeed yiri iyo mid aqo ugu baqtiyay godkuu ku dhuumanayey, halkaasana waxaa ku fashilmay arrintay Itoobiya waayaha fog ku taami jirtay ee ahayd inay Soomaaliya maalin afka ciidda ugeliso, heshiiskeenuna wuxuu ku imaan karaa oo keliya inay dhulkeenna maalin cad isaga baxdo iyo inay cadaawadeenna iyo colaadeennu socoto inta laga gaarayo waagay shimbiruhu dabaashaan mallayguna duulo. Bacdamaa, dagaalkaasi ahayn mid Soomaalidu wax ku hujuumaysay oo ay difaac ku jirtay, C.Cika waxaa waajib lagu siiyay, xagga taakulaynta iyo isku xirka ciidamada, qaadista saadka iyo saanadda, daadgurayta ciidamada iyo keenidda dhaawaca, sahanka iyo kor ka ilaalinta ciidamada faltamaaya iyo guud ahaan ka difaacidda diyaaradaha cadawga, diyaaradaheenni hawlgalkaas lagama maarmaanka ah ka fulinaayey goballada dagaalladu saameeyay. Waxaana xusid mudan in dagaalkaas uu C.Cirka uga dhintay duuliye Daahir Kullane Abtidoon isagoo waajibkiisa qaran gudanaya. Maalintay taarikhdu ahayd 15/2/64ti oo uu socday dagaalkaasi, duuliye Daahir kullane iyo duuliye Xuseen Rooble Cabdi “Fareey” oo kala watay labo diyaaradood oo AT6 ah waajibkooduna ahaa inay ka difaacaan diyaaaradaha cadawga diyaarad Dakota ah oo Gaalkacyo kasoo qaadaysay dad rayid ah oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen duqaynti diyaaradihii Itoobiyaanka ee maalin ka hor garaacay magaalada Gaalkacyo. Aroorti maalintaas, goortay saacaddu ahaayd 05:10, saddexda diyaaradood waxay ka duuleen gegida diyaaradaha ee Muqdisho, hase teeshee, tii uu watey duuliye Daahir Kullane intaysan joog sare qaadan ayaa matoorki ka damay, taasina waxay sababtay in diyaaraddii kula dhacdo degmada Hodan ee magaalada Muqdisho isagoon cid kale wax u geeysan.
  23. Gabadha kaliya ee ugu horreeysay ee noqota Duuliye Boggani waxuu khaas u yahay gabadhi ugu horreeysay ee Duuliye ka noqota Ciidanka Cirka Soomaaliyeed. Waxay tababbarkii koowaad ku qaadatay Dalka gudihiisa, Dugsigii Qaranka ee Tababbarka Duuliyeyaasha ee Xamar, waxay kaloo tababbarro Diyaarado kala duwan u aadday Dalalka Talyaaniga iyo Ameerika. Dugsigaas waxaa la'aas-aasay 1973, waxaana macallimiintii ugu horreeysay ka noqday: Duuliye Jeylaani Suufi, Duuliye Max’ed Xaaji Dhagax, Duuliye Max’ed Jaamac "M.J", Duuliye Max’ed Max’ud "Weli", Duuliye Max’ed Max’ud "Baliille" iyo Duuliye Shaahir Cabdi Afrax . Dugsigaas waxaa ka baxay sannadihii u dhexeeyay 1973-76 dii dhowr Duuliyeyaal oo Soomaali ah oo qaarkood ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Soomaliyeed iyo (11) "kow iyo toban" Duuliye oo loo tababbaray Dalka Burundi. 1980, Dugsigaas magaciisi waxaa loo beddelay: Kulliyadda Jan. Daa’uud ee C. Cirka, waxaana Kismaanyo loo raray 17/07/80kii. 09/09/76, waa maalin xusuus gaara u ah Ciidanka Cirka iyo taariikhda Gabdhaha Soomaaliyeed, waa maalintii ugu horreeysay ee geesiyaddii gabdhaha Soomaaliyeed ay kaligeed (solo) ku duusho diyaarad Cessna 150 ah, iyadoo baal cusub u furtay in gabadha Soomaalieed aysan wiilka ka gaabin, dharaar cadna waxay jebisay heerki raggu xayndaabka ka dhigtay. Duullimaadkaas kaddib Ciidanku wuxuu ugu waqlalay "Dhiirran", hase yeeshee, magaceennii waxaa ka xoog batshay kii "Calansida" oo dadweynaha Soomaaliyeed uga baxsheen shirkii dib u heshiisiinta ee 2000 lagu qabtay magaalada "Carte" ee Jamhuuriyadda (Djibouti). Waa maalintay "Asli Dhiiran” ay kaligeed ku duushay (solo) Diyaarad Cessna ah oo markay bed iyo samatabax ku soo degtay Diyaaradda, uu Taliyihii C.Cirka Duuliye Maxamud Maxamed Guuleed si diirran ugu hambalyeeynayo iyo mid ka mid ah macallimiinteedii Duuliye Shaahir Cabdi Afrax. ------------ Duuliyaashii, injineeradii hore do have an official website now, oo aad ka heli kartid taariiqdooda iyo sawiro taariiqi ah.
  24. Asli Calansida sometime in late '70s. 1979 - Shirkaddii SIAI Marchetti, waa Duuliyeyaashi dugsiga tababarka oo tababbar u jooga dalka Talyaaniga si ay ugu takhasusaan Diyaaradaha SF-260W. Safka taagan, midig; Shaahir Cabdi Afrah, Faarax Xaaji Salaad, Cabdi Yoonis Cawaale, Asli Xasan Cabaade [Calansida], Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Yare) iyo Max’ud Max’ed "Baliille." Safka labaad, midig; Khaliif Ciise iyo Jii-kameruun. Safka saddexaad, midig; Axmed Max’ed Yaroow iyo Axmed Cabdi "Shiine". 09/09/76 - Waa maalin xasuus gaara u ah taariikhda gabdhaha Soomaaliyeed waa maalintii ugu horreysay ee curaddii iyo geesiyaddii gabdhaha Soomaaliyeed ay kaligeed (solo) ku duusho diyaarad Cessna 150 ah. Waxaa si diiran ugu hambalyeynaya Taliyihii Ciidanka Cirka, Duuliye Max'ud Max'ed Guuleed iyo mid ka mid ah macallimiinteedi Duuliye Shaahir Cabdi Afrax. 15/09/60, Hargeysa - Waa maalintii sida rasmiga ah loo bilaabay dulimaadki toddobaadki laba jeer isku xiri jiray labada caasimadood Muqdisho iyo Hargeysa. Duulimaadkaas oo reer Hargeysa uga caanka baxay: Calimataan Airways iyo Qandala Airways. Dhanka midig: Max’ed Max’ud Cali “Weli”, Qaasim Ibraahim “Fiilyo”,Cali Mataan Xaashi, Shariif Cabdulqaadir Xasan ”Deekow”, Max’ud Max’ed “Lugayare”iyo Cali Jaamac Cali. 1964 - Waa duuliyeyaashi dufcadii koowaad ee xurriyadda ka dib Dowladda Talyaanigu usoo tababarto Soomaalida oo ku soo takhasustay diyaaradaha kala ah: P148, AT6, C-45 iyo DC-3. Ayaandarro, duuliyeyaashaas labo ka mid ah dhowr bilood ka dib ayeey ku dhinten shil diyaaradeed oo ka dhacay meel 500 oo mitir u jirtay Xerada Hiilwelyne ee ku dhaw magaalada Balcad, ex. “Taytayleey”. Duuliyeyaashaas oo dhammantood loo beddelay Shirkadii Soomaali Airlines ka dib kolki diyaaradihi DC-3da ee ay ku duuli jireen hawlgab laga dhigay iyadoo weliba qarkood ay wax ka aasaaseen Dugsigii Qaranka ee tababarka Duuliyeyaasha: Shariif Cabdulqaadir “Deekow”, Max’ed Cabdi “Xorxorre”, Axmed Shuuriye Yuusuf, Max/ed Xaaji Cilmi “Xaaji Dhagax” iyo Jaylaani Suufi. Midig: Cabdullaahi, Barre, Asli Calansida, injineer Talyaani ah iyo M.M. Baliille oo garoonka Kismaayo taagan.
  25. Xiinfaniin iyo faraskiisa waa la iskugu tagay, in leer la siiyo waaye marka. Xiinoow, saa aragtid fikirka aad soo jeesiday hoolal badan ayaa ka duleel oo biyaha ka da'aayo, dad badana arkaan. Fuustada soo rikib oo dib ugu noqo inta meel ka duleelsan soo alxan, oo mabda' la qaadan karo soo saar miiska, tan ma soconeyso run iyo dhab ahaantiiba.