Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,181
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    300

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Originally posted by Xoogsade: ^ Maxamed Dheere is building Kaniisad for them to alleviate their worries so the xabashi troops can pray to their God in times of worries while most Muqdisho mosques are closed or abandoned out of fear and lack of security. They put the request in and the powers that be agreed the building of the Orthodox church in Muqdisho should be kept hash hash at first even though the project was leaked out by ananymous insiders. Inay tan dhaceyso ma aaminsani, even if Xabashi want that. Ma u maleynaayi inay tan maanta ka sameyn karaan Xamar. Tabar iyo dhaqaalaba uma haayaan. Laakiin teendho xirooyinkooda ku dhex yaalo furtaan, ugu yeeran 'kaniisad' waa laga yaabaa, but not an actual building oo weyn. Taas maku dhacaan, xataa gudaha xirooyinkooda.
  2. Waxaan Reer Koronto maka dalacin miyaa? Waxaas iyo wax ka daran '90s ayee sameyn jireen maqlay. Xataa mid gaal lagu imaan jiray. Eniwey, guur xafladiis saan ku bilowday ma raago, salkiisana ma balaarto. Waxaaba soo xasuustay duqdoo u ahayd hooyo to a girl last weekend a friend guursanaaye. Magaaladeeda u celineynay, bashqad lacag ka buuxdo wadatay, supposedly mid sooridii ahayd. Inteena magaalada ka bixin, shopping sameysaneysid, mar walbana bashqada la furaaye, intii waxee gacanta qabatana miiska lasoo saaraaye, ninka tukaanka lehna la lahaa tirso qiimahaaga. Lacag lagu soo rafaaday saas loogu tumanaayo soori lee iga dheh. Soori teeda kalena dadka gabadha qaraabadda u ah aa loo qeybin jiree, xaajiyadaan taloow amee isku reebtay kuligood.
  3. Originally posted by SheekhaJacaylka: I don't know it in English but waa jeega gaadhiga lagu dallaco ,,,,,, now answer mine Ingiriis kuma aqaani ayaa leedahay, haddana "jeega" ku heysaa. Ingiriis bahalkaas "jack" lagu dhahaa, oo "jeega" mid la Soomaaliyeeye ah. Afsoomaaligana giriig loogu yaqaanaa.
  4. Qoftaan sadex sano iyo ka badan ayee joogtaa, haddana hala isoo dhaweeyo leedahay maanta, ee xaa ka qaldan? Soo dhawoow, Ismahaan, siiba golahaan Doodwadaag. Isbarmuutada nala cab.
  5. And what was the "reality" on the ground a few not-distant weeks ago? Honestly, what would you really think that there was a functioning and legitimate government in Soomaaliya, that tries to forcefully bring Waqooyi into the fold, calling it a "renegade" province? They also say they decided to close internationally recognized "border" [and not an artificial border created by some long dead and departed white men]? Would you have posted a thread titled like this if some odeyaal ka shiraan xaalka ka taagan deegaankooda? It is just too farcically ironic, bordering ludicrousness, waxyaabaha aad aaminsantahay iyo waxyaabaha kale.
  6. However she said peace will not return to the country, which has been without effective central governance since 1991, until moderates from all factions come together and support peace. "It's for the Somalis themselves to come together. That is something that the U.N. Secretary-General's Special Representative Ould Abdallah (of Mauritania) said. He said where are the Somali patriots? Where are the moderate voices within Somalia, to isolate the extremists and have a legitimate opposition. Either join the transitional federal government, or be in opposition to it. But do it through a political process. That's the key," she said. Habartaan ma riyooneysaa horta? Dowladeeda, Bush's regime, ay u heyso xil ayaa taageersan qashinkaas ay "transitional federal government" ugu wacdo, which does not, seem not, practice not and function not any of the three terms it calls itself.
  7. And since when did clan names were condoned? Mise single letters ayaa la mooday inay caadi tahay? I am sorry, biibol, but this is blatant attempt to sidestepping the rules of this site. I am sorry again, but I have no choice but to edit.
  8. Waraa Hollywood writers are on strike, ee ninkaan yaa u qoro majaajiladda. Tuujka, ka daa yaaqeey, dadka sidii roob camal ugu qabeysay.
  9. Heestaan gabdho badan maxee been u sheegtay. Gabdho badan oo gaaban, oo madoow waliba. Gabar ha gaabnaato, oo ha gaduudnaato uu yiri Aweys Khamiis Mabuuse, oo la qaadeyso gabadha gaaban [and gaduudan] ee Aamina (Binti) Camaari. Asagaa sidii fuusto camal iskugu jiro u gaaban, amuuba asaga niyadda isku dhisaaye. ------------ [Aweys Khamiis Mabuuse] Gooskaad iga gaartay An waa ku gaclooday Guuraan rabaayee Gaabsi kaama doonee Asaga: Garab i siiyee Aamina Camaari: I guursee Asaga: Gurigeey imaawee Iyada: Waa kula guuraa Iyada Makaa geed galaayee Amba waa gareystee Geesiyoow gadaashaa Leenba guurihayaa Iyada: Waa ku gartee Asaga: Gugaaslee Iyada: Inaad i gaclootayee Asaga: Gugaasleeyaa Asaga Gabar haddii Gacal kaa galaayo Ha gaabnaatee Ha gaduudnaatee [sheeko ] Asaga: Garab i siiyee Iyada: I guursee Asaga: Gurigeey imaawee Iyada: Waa kula guuraa Iyada Ganiyaala haddii La ila soo gacloodee Garxirkeey adi lee Gacantaadda ku goohee [gooynaayo] Iyada: Waa ku gartee Asaga: Gugaasleeyaa Iyada: Inaad i gaclootayee Asaga: Gugaasleeyaa Asaga Waa kuula go'aayee Geeskaa iga giiji Wax kastood gaclootaan Gurigiina keenaa [sheeko ahaa tana] Asaga: Garab i siiyee Iyada: I guursee Asaga: Gurigeey imaawee Iyada: Waa kula guuraa Iyada Gibilkeey gibilkiisoow [jirkeyga jirkiis] Makaa gambahaayee Godaan kula galaayee Guula mihiis yiraahdee Iyada: Waa ku gartee Asaga: Gugaasleeyaa Iyada: Inaad i gaclootayee Asaga: Gugaasleeyaa ------------- * Dedicated to a special person oo gaaban oo gaduudan, kor iyo hoosba.
  10. Originally posted by -: What's funny is this is probably the only time Sheeka and Naxar share the same sentiment. Mr Ghalib must be doing something right then! When it comes to Xabashi, waa loo kala tartamaa iyo loo kala ordaa qofkii u gacan shumin lahaa. When it comes to Soomaalinimo, I don't think an iota [dhibic] of dhiig Soomaaliyeed ku hartay dadka qaarkood. Marka yaab ma jiro, as the honourable and distinguished Mudane Jaamac Max'ed Qaalib writes, both puppet leaders in Waqooyi and Bari respectively saas camal wadayihiin. Xabashi u adeygid isku keentay, not Soomaalinimo. Waa yaab adduunka maanta.
  11. Eebba ha u naxariisto aabe, samir iyo iimaanka reerkana.
  12. Originally posted by Kool_Kat: BadaCas, waan ogaa inaa iga dambeysay, laakiin ilaa xadkaan inaa gaarsiisantahay ma ogeen...Quoted me twice, wooooooooooow...Don't worry, I like you too... Nephthys, you talking...Jareereey waaxiid...Ma iloowday inaa oysid markey tinta kuu soo baxeyso...kix kix kix, jareernimo lee halahaas...kix kix kix...As for you Habaryar calling "Timo Adag" people like 50cent, I am sure Alle abuurtiisa inay tahay ineysan wax ka sheegin...Hadeey timo jareer leeyihiin, alla ka abuuray... KK still likes 50Cent, jareer, jafuuf, call him whatever you please... HATERS got nothing on him...Shoooo... Oh BTW, I LOOOOVE USHER too...And bought his perfume, cus that's as close as I can get to him...So take that to the bank people... Anagaa ku maqalnee, reerihii aan ogaa yee ku maqlin, yareey.
  13. My favourite paper had this scathing editorial about the Xabashi stooges today. Even non-Soomaalis ayaa dhiigooda kacay, boiling, which few Soomaali ku sheegiina ku farxaayo walaalahooda la xasuuqaayo. A freakin' world. ------------- Death and denial The Guardian November 21, 2007 The UN estimates that 173,000 people have fled Mogadishu, the war-torn capital of Somalia, in the last three weeks alone. Add that to the 330,000 people who have already fled the capital this year and it amounts to a humanitarian disaster that rivals or exceeds Darfur. Somalia's transitional president, Abdullahi Yusuf, a British- and US-backed warlord, wants the city to empty. He said in Nairobi that Mogadishu's civilians can either choose to fight the Islamist insurgents or consider themselves targets in his war on terror. Eleven months after inviting the Ethiopian army into Somalia, the Transitional Federal Government ( which is neither transitional nor federal, nor a government ) is wreaking savage revenge on a population whether or not it shelters insurgents. The sad truth is that, as long as the international community averts its gaze from the plight of hundreds of thousands of refugees living under trees within 30 kilometres of the Somali capital, the war can last indefinitely. Up to two divisions of Ethiopian troops are camped around the city, and a further 10,000 TFG militiamen hold key points and junctions. But when the Ethiopian convoys move through the city they are often ambushed. They reply with indiscriminate shelling, house-to-house raids and hostage-taking. Human Rights Watch reported on the consequences of an ambush near the livestock market in Huriwa in the north of the city on November 8, when the body of an Ethiopian soldier was dragged through the streets. The Ethiopians replied with an offensive which left bodies scattered over a wide area -16 in Huriwa, two in another neighbourhood, seven in another. Did they die in the crossfire or were they the victims of summary executions? We may never know, because the TFG accompanies its military onslaught with a similar one against the media and aid agencies. Four radio stations, the only source of news in Somalia, have been closed down and journalists are regularly killed by both sides. Lack of information helps, of course. It allows Britain, which backs Yusuf, and shelters members of his "government", to claim a convenient degree of ignorance. But the insurgency, meanwhile, is gathering pace, fuelled by popular anger. It is a combination of hardline Islamists in the Shabaab youth movement, and the Resistance, who regard their primary enemy as Ethiopia. At some point they will split, but for now graphic pictures of Somali suffering fill jihadi websites in the same way that Palestine and Chechnya once did. It is becoming a fighting cause. Britain should reassess its support for a warlord who has brought mayhem and havoc back to the streets of Mogadishu .
  14. Banaanbixii ugu weynaa Qaarada Yurub oo maanta Ka Dhacay Magaalada Stockholm Maan oo taariikhdu ku beegneyd 19/11/2007 [isniintii] Ayaa waxaa dalkan Sweden Caasimadiisa Stockholm ka dhacay isu soo bixii ugu balaarnaa ee ka dhaca qaarada Yurub Loogana soo horjeedo Xasuuqa ka dhacay/dhacaya Somalia ee ay geeysanayaan Ciidamada Cadowga ah ee Itoobiya. Waxaa ka soo qaybgalay dad lugu qayaasay 900 oo ruux Soomali ah kuwaas oo watay Hal kudhigyo muujinaya Tacadiyo loo geysanayo dadka aan waxba galabsan ee ah shacbiga Soomaaliyeed. Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Masuulka ugu sareeyay guddiga Qabamnqaabada Banaabaxan Drs Aamina Siciid (Xoriyo) oo halkaasi ka jeedisay qudbad iyo buraanbur ku aadan Xasuuqa Somalia ka socda isla markaana Jeedisay Qudbad Gumeysi diid ah. Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xaghaya Arimaha Bulshada ee Ururka Dib U Xoreynta Iyo Dib U Soo Noolenta Somalia. Suldaan Garyare Oo sharaxaad dheer ka bixiyay Qaabka Gusmeysigu Somalia Ku soo galay Iyo Qaabka istaraatijiyad ee looga bixin karo Isla Markaana Wuxuu Muujiyay Kalsooni iyo Guul Deg deg ah. Waxaa isna halkaa ka hadlay Halgamaa Sare Maxamed Cumar ( Axyaa Wadani) oo Sharaxaad Tayo leh ka bixiyay Sidii loola dagaalamay Gumeysigii , Kaalintii Shacabka ka qaatay Isagoo shacbiga Soomaaliyeed ugu Baaqay Midnimo Iyo Wax wada Qabsi Isla Markaana Xasuusiyay Dadweynaha in Gumeysigii Talyaaniga sababta Somalia uga Baxay ahayd Isku duubnidii Ay muujiyeen Dadka Soomaliyeed. [sNIP] Markii ugu horeysay ayay ahayd in manta la arkay dadka reer Sweden oo ka qaybgalay banaabax iyaga oo sheegay Ineey la Xanuunsanayaan Shacab aan waxba Galabsan ee Lagu garaacay Taangiyda Milatariga ee Ithiopia isla markaana loo diiday in la gaarsiiyo Gargaar bin adam-nimo. ( Dhab ahaantii Anigu Somali Waxan ka soo shaqeeyay 1984-1986 Waana dal aan jeclahay Maanta waxa ka socda ma ahan wax indhaha laga qarsan karo ) ayay tiri Bergeta oo ka mid ahayd shacabka reer Sweden ee ka Qaybqaatay Banaabaxan. Iskusoo Wada duuboo Maanta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Sweden Guud Ahaan Waxa ay Muujiyeen ineey la xanuunsanayaan walaalahood soomaliyeed ee la xasuuqayo lagana barakinayo isla markaana aan heysan biyo iyo baad toona. Xigasho ------------ Mahadsanidiin Reer Iswiidhan.
  15. Originally posted by Seekknowledge: Nothing is wrong with them. I just don't like the Tent uniform for somali ladies and nice abayas for their own women. Man why arab women never wear those tents? cause our somali salafi sheikh trainees have no sense of fashion. You've a point there; however, don't blame Carabta. Blame Soomaalida waxee maqlaan, walina hubsan inay iska aaminaan. They are not dad wax aqriyo, rather dad i maqalsii ah oo maqal jecel. Hebel baa yiri saas iyo heblaayo baa tiri saan. Jilbaab is fashionable nowadays, especially the last seven years aad ugu faafay; hopefully dabeesha ayee raaci doontaa as with others. Now, dad baa soo ordi doono inta ku jiro, accusing inaa wax ka sheegay xijaab, as though xijaab and jilbaab were the same. If I say something about garbasaar, none will take an umbrage, yet markii jilbaab wax laga sheego shini camal usoo aruuro.
  16. Nuune, Afjarmalkiis i dilay. Kaas deegaanka Bavaria loogu hadlaa, ma'aha kan Baarliin.
  17. LOOOOOOOOL@Showtime...Friday nights after 10pm yaah...Shuqulak Shuqulak yaa walad... Abkeey abkoow! Yaa ku barina? You said it, I didn't yaah. Ha i nabsan.
  18. Originally posted by rudy: camiiroow! AREEYE MUHOO MIHIIY MA AHAA! LOOL U sheeg, yihooy maha mihii ma'aha ku dheh.
  19. Ninkaan waaka daray, ee Faransiiska uu kumeel gaar ku joogo kistoo muu ku taabsaday? Duqa, hal mar iyo laba la kasay, but this is overdoing and overkilling it. Ciyaal ciyaaleey ayee mareysaa even now. What is next? Yaa gariir ila ciyaaraayo? Baliis, bandwidth si bilaash ha u qasaarin. It costs money, you know.
  20. so wacked!! i gotta ask them canokes one thing.. wazup with leave in the flag! The leaf represents the marijuana plant. We should put a jaad leaf in our flag as well, I guess.
  21. KK: Horta kaalay adi, Canada goormaa timid? MMA: Abaa, ani Canada imaashaheed dhan waxaan ka xasuustaa markii iigu horeysay HBO nooh…Abaa ani alaabtaas waanka dambeyaa ilaa iyo hada KK: Bal noo sheeg see isku barateen? MMA: Abaa, Canada first night aan ku bartay shock aa igu dhacay, waxaa nayroobi ku maqli jiray kanaalo waxyaabaha qaawan kaliya laga fiirsado in Canada. Ani iyo koo kale isla qol seexan jirnay...habeenkaas kanaalkaas uu arkay HBO. Lakiin biriq biriq aa ku jirtay. He thought he was in afrika.......tv gilgil ku bilaabay iyo feer… War ha nagu jibin ku dhahay. Isagana ku hey 'maya maya, anteeno uu u baahanyahay' gaw gaw gaw feer….Mar mar uu u toosaa…Markaasuu wuxuu dhahaa “ma aragtaa’ By this time, KK dhiq dhiq dhiqdii waaka dhamaatay, sida eey camal ey u qosloysaa… I am going to sue this show, its disregardful producers and the channel for a defamation and an aspersion against my good character. See you in court. PS - It wasn't HBO, it was the Showtime channel.
  22. Mudaaharaad si weyn la isugu soo baxay oo ka dhacey Minneapolis, Minnesota Nofeembar 17, 2007 - Miniyaabolis - Dad ka tirsan ururadii soo qabanqaabiyey banaanbaxa oo lagu kala magacaabo, Somali Institute for Peace and Justice & United Somali Diaspora, ayaa ku qiyaasey dadka isu soo baxay ilaa kun qofood. Halka isu soo baxay uu ka dhacey ku taal bartamaha magaalooyinka mataanaha ee gobolka Minnesota. Dadka isu soo baxay ayaa ka cabanayey wax ay ku tilmaameen xasuuq ciidamada Ethiopia ee iminka ka taliya wadanka Soomaaliya u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda, Mogadishu. Dadka ayaa watey boorar ay ka muuqanayeen masawiro gacmeedyo muujinaya dhib aad u baaxad weyn oo loo geystey shacab badan oo aan waxba galabsan. Boorarka qaar ayay waxay ku cabirayeen sida ay uga soo horjeedaan xariga loo geystey afhayeen golaha midnimada beelaha ****** oo labo isbuuc iminka u xiran dowlada Ethiopia. Waxay sidoo kale siteen masawir ay ka muuqdeen wariyayaal dhawaan lagu diley Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen milkiilihii HornAfrik, Ali Sharmarke, Mahad Elmi & Bashir Nur. Erayadii dadka isu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ayaa waxaa ka mid ahaa, “Soomaaliya Soomaali baa leh”, “Arimaha Somaliya waa in Soomali loo daayo”, “Ethiopia ha baxdo” “Bush & Zanawiba oo argagixiso” iyo kuwa kale oo faro badan. Qudbado faro badan, gabayo iyo waliba baraanburo aan kala go’ laheyn ayaa iyagana halkaa laga soo jeedshey. Shaqsiyaadkii mudaaharaadka ka hadley oo aad badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Hassan Jamici oo wax ka dhiga Jaamacada shirciyada ee William Mitchel Law, Hassan Kornel oo ahaan jirey Kornel ciidamadii booliskii Soomaliyeed, Mohamed Abdullahi (Tiiceey) & Abwaan Cali Xasan oo caan ku ah filmkii flight 13. Waxaa sidaas oo kale halkaa sugaano kale duwan ka soo jeediyey Faadumo Kaahiye, Maryan Axmed Diiriye & gabdho kale oo fara badan. Waxyaabihii dadku ka hadleen oo iyaga oo dhan ku wajahnaa ahmiyada midnimadu u leedahey ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa “waxa in Ethiopian xamar ku xasuuqo walaaleheena Soomaaliyeed keeney waa isku duubni la’aanteen” oo uu yiri Sh. Hassan. Sh. Hassan ayaa sidaas oo kale ku canaantey dadka magaalooyinkan dagan ee aan ka soo qayb galin mudaaharaadka ineysan ahayn kuwa qiil u heysta maqnaanshahooda. Shiiqa ayaa ku celceliyey “ku kaalmeeya walaalihiina dhibaateysan codkiina, maalinkiina iyo maskaxdiina … ogaada aaqiro waa la is su’aalayaa qof kasta arintan wuxuu ka geystey”. Mohamed Abdullahi (tiiceey) oo ka mid ah isku dubaridayaashii mudaaharaadka ayaa isna dadkii isu soo baxay ku booriyey in ay iyagu donahooda u istaagan oo aysan dhowrin caalamka. Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaa muuqata in cid waxa xamar ka dhahayaa ay dhibaysaa oo aan adinka aheyni jirin, aduunka ayaa ka hadlin, Islaamka ayaa waxba ka qaban, afrikana daa warkeeda … hadii aydaan idinku wax isu qaban cid wax idiin qabaneysaa ma jirto… Soomaaliyey dantaada garo”. Col. Hassan Korneyl oo isna halkaa qudbad dheer ka soo jeediyey ayaa wuxuu carabka ku adkeeyey in isu soo baxa la badiyo iyo in laga shaqeeyo sidii wadan dib loogu xoreynlahaa dib loo dhisi lahaa. Xigasho
  23. Banaaanbax ka dhacay wadanka Finland caasimadiisa Helsinki oo looga soo horjeedo Xasuuqa waxshinimada ah ee ciidamada Itoobiya ay Ku hayaan qowmiyada soomaaliyeed meelkasta ooy joogto Jimcadii oo ay bisha November ahayd 16 ayaa waxaa ka dhacay caasimada wadanka Finland banaanbax aad u balaaran oo lagaga soo horjeedo xasuuqa, barakicinta iyo qabsashada ay xabashidu qabsatey wadanka soomaaliya. Banaanbaxaas oo ay soo qabanqaabisey jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Finland ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan qofood oo muwaadiniin soomaaliyeed ee degan wadanka Finland caasimiadiisa Helsinki, muujiyeyna dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan xasuuqa iyo barakicinta dadka soomaaliyeed ee loogu yimid guryahooda. Muwaadiniintaas banaanbaxaas ka soo qayb galay oo isugu jirey dhalinyaro, dumar, aqoonyahano, culimaudiin, iyo weliba muwaadiniin Finlandes ah oo ayagu la qaybsanayey murugada lasoo deristey bulsho weynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, ayaa waxa ay aad ugu qaylinayeen ereyo ay ku dheehan tahay qiiro aad u weyn iyagoo qaarkood ilmeynayey sida; DOONIMAYNO ETHIOPEAN, DOONIMAYNO DAWLAD AAN U NAXAYN SHACABKEEDA, ZENAWI AAD GURIGAAGA, BUSH BEDEL SIYAASADAAD MADOW EE KU WAJAHAN DILKA IYO XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED, SOOMAALIYA SOOMAALIBA LEH, WAA LALA XISAABTAMI KUWA SHEEGANAYA MAANTA MASUULIYADA SHACABKA SOOMAALIYEED iyo ereyo kale oo badan. Waxaa sidoo kale barbar socdey heeso wadani ah iyo guubaabo ku soo xasuusinaya waqtiyadii la baadigoobayey gobanimada Soomaaliyeed. Hadaba waxaa xusid mudan in dadkaasi sameeyey dibadbaxaasi ay lug dheer kusoo mareen inta badan wadooyinka centerka Helsinki, ayagoo ku hakaday dhowr meelood oo ay u gudbiyeen fariin qoraal ah ee ku aadan cabashadooda. Goobahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa hoyga iyo xafiiska madaxweynaha Finland, xafiiska European Unionka ee Helsinki iyo ugu dambayntii isugu soo ururay aqalka looga arimiyo wadankan Finland ee Golaha baarlamaanka. Waxaa dabadeed halkaasi ka soo jeediyey khudbado qaar kamid ah masuuliyiinta qabanqaabisey dibedbaxaasi. Waxaa xusid mudan in mar qura ay soo istaageen masraxa sadex xubin baarlamaan ee ka kala socda sadexda xisbi ee ugu waa weyn wadankan ee kala ah; (Social democratic party, National coalition party and the Green leugue). Wax a ay sadexdaasi masuul si buuxda ugu dhawaaqeen ineysan ka aamusi doonin waxa ka dhacaya soomaaliya oo ay cadaadis ku saari doonaan baarlamaanka Europe iyo beesha caalamkaba in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo xadgudubka aan waafaqsaneyn qawaaniinta caalamiga ee ciidamada Itoobiya ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah u sheegay masuulka xisbiga SDP Mr. Kimmo Kiljunen in ay wadankan degan yihiin kumanaan Soomaali ah oo haysta dhalashada Finland oo ah muwaadiniin Finlandes ah masuuliyadooduna na saaran tahay iyaga iyo dareenkooda ku aadan wadankoodii hooyo ee soomaaliyaba. Sidoo kale in loo daayo aayaha soomaaliya shacabka soomaaliyeed oo quwadaha shisheeye ay kala baxaan faragelintooda. Waxaa sidoo kale hadalkii intaa ka sii wadey Heidi Hautala iyo kaikkonen Antti Samuli. Intaa kadib ayaa waxaa sii socdey khudbooyinkii Culuma'udiinka, indheergaratada Finland, guubaabooyinkii dhanka suugaanta soomaaliyeed oo runtii mudan in la xuso muxaadaro gaaban oo uu sheikh sugule dadka kula dardaarmay, iyo wiilyar oo sidoo kale qiiro geliyey dadkii halkaas isugu yimid dhamaantoo ka dibna buraanbur aad u qiimo badan oo halkaasi ay ka soo jeedisey gabadh Soomaaliyeed, heeso, iwm. Waxaa sidoo kale soo afjarmay oo ay reer Finland ku guuleysteen in ay baajiyaan booqashadii lahadal hayey baryahan in uu ku yimaado wadankan Finland Gudoomiyaha baarlamaanka Embageti Aden Madoobe . Taasi oo tusaale cad u noqonaysa in cid kasta oo sheeganaysa masuuliyada shacabweynaha Soomaaliyeed aysan soo haweysan booqashooyin Europe iyo America, lagana hortagi doono inta ay taageersan yihiin barakicinta iyo xasuuqa shacabkooda. Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale ka dhacaya inta badan caasimadaha Europe, magaalooyin fara badan ee Maraykanka iyo Canada banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragelinta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Tixraac ----------- Reer Finland aad ayee u mahadsanyihiin.