-
Content Count
17,654 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
The most beautifull girls in Somalia, Where ??
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Hunguri's topic in General
Iskushuban saa mooday ma loogu bixin, though. Neither Dhuusamareeb. But I can understand what comes the mind first when la maqlo labadaan degmo. -
I am not dhaqtar, so I cannot diagnose to see any symptoms from the picture. Koley da' baa heyso or dhiigkar from the conflict. Qof dagaal labaatan sano socdo u dulqaadan karo ma jiro, not the mind, not the body. Maskiinka Eebba ha caafiyo mar labaad.
-
The most beautifull girls in Somalia, Where ??
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Hunguri's topic in General
Originally posted by Zakinah: How About Qaloocan?... Ani magoow I believe they are found degmada la dhaho Toosan. Edit: God, I just googled. It actually exists. Luuq, Jiiromaafiyo, Jiirogaroob lee maqli jiree, meel qaloocana ma jirtaa. -
Meel Badhan la dhaho maa jirto? Ka daroow dibi dhal. Nothing about trouble, it was a little sincere question. Qofta teeda kalena ookiyaalkaas weyn wadato waxee Dhahar ka qabaneyso iigu daran. Geelihii maa lagu soo war wareejin lahaa haddii la geeyo.
-
One of the few master comedians Soomaalis had ever known. Alas, with the rest of the Soomaalis inside and outside the country, the two decades conflict took its toll on him, along with millions of Soomaalis. It is very sad to see specially a very well-known jilaa such as Awkuuku being in this plight. Waaka naxay markaan aqriye, sawirkiisana arkay. U gargaar oo intaa u qaban kartid u qabo walaalkeena Awkuuku. In badan buu dad ka qosolsiiye, oo qosol iyo kood daradeeda neefta noogu dhagtay. Eebba ha caafiyo, walaalkeena -- aamiin. -------------- Jilaaga caanka ah ee Awkuuku oo Muqdisho ku xanuunsanaya, daryeel la’aanna ay heyso Haddii aad ku taqiinay inuu wax badan kaa qosliyo, haatan ma jiro qosolkii aad ku tiqiin jilaaga C/llaahi Amiir Rooble(Awkuuku) waxa uuna ku xanuunsan yahay hoygiisa ku yaala Ex-Fiyoore, kaasi oo uusan meelna uga dhaqaaqin tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee xanaaneyn jirtay Fannaaniinta Soomaaliyeed. C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku oo ka tirsanaa Majaajiliistayaasha waa weyn ee Hobolladii Waaberi waxaa uu xiligii burburka ku sugnaa Dalka Soomaaliya oo uusan ka bixin, isagoo marar qaarkood ka qeybqaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka. Sidoo kalena, Fannaanka wuxuu wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho. Fannaan C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku oo aad u xanuunsanaya ayaa wuxuu dhex jiifaa Qoyskiisa oo ka kooban Dhowr Caruur ah iyo Hooyadood Nuurta Saleebaan Abaliisha oo qudheeda Fannaanad ah, kuwaasi oo intii uu dhaqdhaqaaqayay uu u qaraab tegi jiray, isla markaana uu u soo heli jiray Nolol Maalmeedka. Nuurta Abaliisha ayaa HOL u sheegtay in ay nolosha ku adkaatay Qoyskeeda kaidb markii uu xanuunsaday Seygeeda Awkuuku, isla markaana ay iyadiina ku qasbanaatay in ay xanaaneyso oo aysan meelna uga dhaqaaqin. Nuurta Saleebaan Abaliisha waxay ka codsatay Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo weliba Fannaaniinta Soomaaliyeed inay u soo gurmadaan, isla markaana ay ka gacan siiyaan Caafimaad xumida iyo daryeel la’aanta heysata Ninkeeda oo ah Fannaan ay si weyn u yaqaanaan Dadka Soomaaliyeed. Si kastaba arrintu ha ahaatee, C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku ayaa haatan Xaaladdiisa Caafimaad waxay tahay mid aad u liidata, dhawaaqa kaliya ee uu ku leeyahay qofkii soo booqdana waa “ii soo duceeya”. Xigasho
-
Deeqaay waan ku dhoofinlaa Dhaharbaan ku geynlahaa Huunooy waan ku dhoofinlaa Dhaharbaan ku geynlahaa Heeladiyo Dhaantadaa Lagugu Soo dhaweynlahaa Deeqo la garayee, Dhahartaana intee ka socotaa, kana timid? Intee ku taalaa? Meel dhaxan ka jirto miyaa? Mise meel dhar la'aan ka dhacay? ------------ Xaniifa, qash qashaada dhaaf nooh. Enjoy garee hee, as many girls seem to.
-
Cabdi Qassim Speaks at Press Conference
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacpher's topic in Politics
Cabdi Qaasim speaks at a press conference and calls for the removal of the Ethiopian troops, deployment of UN troops, cease fire, release of prisoners in Moqdisho, return of refugees, and peaceful reconciliation of Somalis of all walks of life including you, the diaspora community. And lastly, America's military intervention in Somali. Plausible, practical, possible and very pragmatism. Very well opined as usual -- and if may I add very tenable -- Mudane C/qaasin. -
Well, well, well, if it is not art or his co-workers... You Aussies haven't still given up that idea of drilling oil and natural gas from Northern Soomaaliya by corrupting a few officials, did you?
-
Nothing wrong with sawirka. Waxaas iyo wax ka daran ayee gaaladaan soo bandhigaan xiligii kuleelaha la gaaro, banaanka ah. Kii nuursanaayo ha nuursado, no wonder 4,000 lagu bixiye for one hour in lala joogo taas.
-
Jimcaale, Cowke ma taqaanid miyaa? waa hagaag, waa hagaagdiis ayaaba arkeysaa. Asaga waaye, waliba sidiisa ah. Jaajuumoow muxuu daldaloyaa. Xamar waagee Xamar ahayd, janadii maryooleey burburisay. Ereyga liibaan means equally a winner, blessed and qof ladan. Sadexdooda la isku daray waaye. It is an old Cushitic word, which we share with Oromada. It may seem to be a word with more secular meaning than the Carabi barako, which we associate barakada Eebbe. But nonetheless, it too has more Higher Being connection. Qof la bless gareynaayo without Eebbe's invocation maba jiri kartee. Anagaa iska dhaadhacsiinay the Carabi one to have more blessing in meaning. Guul, on the other hand, specifically means victory. [Guuleedna a victor.]
-
Tribalism and Regionalism are backward - Museveni
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
Aniga meesha xarunta Midowga Afrika ku taalo maku weydiin, xaaji. Ciidanka Midowga Afrika aad Xabashada ku dartay aan ku weydiiye iyo meeshaa ka keensatay. Even officials within dowlad ku sheega ma dhahaan saas. Sanaawi iyo wixii u shaqeeyana ma dhahaan saas. -
One dead, five others taken to hospital!!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kool_Kat's topic in General
North York shooting caught on tape Police release video of two men captured on security camera footage at scene of shooting that left one man dead and five injured Dramatic surveillance video footage of a man repeatedly firing a handgun that left one man dead and five others injured was released by Toronto police Monday in the hopes of finding the gunman. Two security cameras captured the shooting last Friday just before 10 p.m. at 87 Amaranth Crt., near Lawrence Ave. and Dufferin St. Det. Sgt. Brian Borg warned members of the media that the footage was violent. As it was played at police headquarters on Monday, the video drew gasps from seasoned crime reporters. Although police often obtain video footage of the events in the area of a shooting, it is extremely rare for the video to include an actual shooting, Borg said. The video shows the gunman and another person, believed to be an associate, walking on a path and approach the group of six men between the ages of 18 and 21. The gunman is not seen speaking to his associate or the group of six men between the ages of 18 and 21. "He simply walked up within 10 feet of the group, got their attention, and without warning opened fire while walking backwards," said Borg. "His actions are very discriminate and it is obvious he intended to inflict maximum damage." The lone gunman and his associate then fled the area in different directions. Abdikarim Ahmed Abdikarim, 18, died of a gunshot wound to the head. The other five victims are expected to survive their injuries and are co-operating with police, Borg said. "Our investigation to date shows that these young men (the victims) at the time of the incident were not engaged in any criminal conduct or behaviour that would explain what you are about to see. Simply put, they were there to socialize as they often did at this very location every Friday night," said Borg. Although the victims were the intended targets, Borg would not speculate on a possible motive. There is one gunman and one handgun involved in the shooting, he said. Police patrols have increased in the Lawrence Heights area since the shooting. Police are looking to speak to the associate seen in the video or anyone with information about the shooting. Toronto Star [You can watch the video by clicking the link.] -
Acuudi bilaahi. Hooyooyinkana maxee galabsadeen. Bisinka. Ma u maleeyi in uu Max'ed Dheere yahay, inkastoo keeneen codkiisa u dhow. One can never believe waxee soo bandhigaan waagacusub.com.
-
Tribalism and Regionalism are backward - Museveni
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
Geeljire, you are truly Geeljire. Majority of Somalis support the African Union troops including Ethiopia and the whole world recognizes it. Wax la soc socdaba maantana Xabashadii dalka qabsatay lagu daray ciidamada Midowga Afrika. Goormee Xabashada's occupying army noqotay part of Midowga Afrika's contingent? And what 'whole world'? Iskaba dhaafee 'whole world,' what was the UN's resolution regarding the Afrikan Union's deployment to Soomaaliya? Soo ma ahayn Xabashada kuwii specific ahaan laga reebay, along with Keenya? -
Today's kutiri kuteen
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Originally posted by Geel_jire: if that happens some of the most ardent TNG supporters on SOL will change their tune to the TNG supporters on SOL, would you support a TNG without A/Y as the president and ...... will you change your position on the Ethiopian occupation ? be very careful how you answer because I will quote you when it eventually happens and you show true colors ! No need to be careful. You can find the obvious -- and expected -- answer on inta. -
Itoobiya oo qorsheyneysa in C/llaahi Yuusuf ay ku bedesho Jen. Moorgan Waxaa beryahan la hadal hayaa warar si weyn isu soo taraya, wararkaasoo laga soo xigtay ilo ku dhow dhow saraakiisha Itoobiyaanka ah ee ku sugan Muqdisho, waxeyna wararkani xoogoodu soo baxeen intii ka danbeysay markii ay isku dhaceen C/llaahi Yuusuf iyo Jen. Gabre oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, oo isku qabtay warbixin uu C/llaahi Yuusuf siiyey Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Melle Zenawi oo ku saabsaneyd in howlgalada Itoobiyaanku ka sameynayaan Soomaaliya uusan isagu waxba kala socon, wuxuuna khilaafkaasi sababay in qaar ka mid ah warbaahintu qoraan in Gabre uu dharbaaxay C/llaahi Yuusuf, waxaana tan iyo wixii xilligaasi ka danbeeyey si weyn isugu soo dhowaanayey Jen. Maxed Siciid Xersi (Moorgan) oo ku magacawnaa lataliyaha C/llaahi Yuusuf ee dhinaca milateriga. Wararka soo baxaya waxey xaqiijinayaan in Moorgan iyo Gabre ay si weyn isugu soo dhowaanayey muddooyinkii u danbeeyeyna oo uu xiriirkoodu gaaray in inta badan la arko iyagoo wada socda, waxaana Gabre uu ka dhaadhiciyey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya in C/llaahi Yuusuf aanu waxba ku soo kordhin karin xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Muqdisho, uuna yahay nin caafimaad ahaan dhintay, wuxuuna u sharaxay raisul wasaaraha Itoobiya in loo baahan yahay weji cusub oo isbedel sameyn kara. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in sidoo kale Moorgan laga qaadanayo xogag ku saabsan golihii Maxaakiimta oo Moorgan in muddo ah magangelyo siyaasadeed siiyey, kuna hayey hotelka Ramadaan. Xigasho ------------- Mid internet cafe ku caajisay, oo wax uu sheego waaye ayaa wax iska alifaayo, markaas leeyahay waa 'war xaqiiq' dad laga soo 'xigtayna.' Soomaalida beenta maka daalaan miyaa
-
The accountant who ran away
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Kuusha, haye, dadka sida loogu qabto waa taqaanaayee? Waa yaabtay miyaa? Isqor qorka igu daran. MMA booskiis waaka buuxaa yaa dhaho, oo boos ma ugu banaano la isku qor qoro. Newbies la isku dhajinaaye maa ku filnaan weysay taloow? Mise social skills u gooye oo meel laga bilaabo la weysanyahay. Ma'ogi, koley meelaa laga gubanooyaa, taloow dadkii kaas baxsaday baxarka giliye maa laga mid ahaa maadaama sida loo xasuusto ninka, xafiiskiis iyo buildinga uu ku yaalayba la yaabanahayee? Ee ani baxar ma gilin dadka, xaa la iga rabaa. Ninkii giliye ee u qorteen bogus tax returns Soomaaliya ku baashaalooyaa, not me. Revenue Kanada aniga ma i daba socoto, allaheey ka alla. -
Nasadguuradii. LOL. Title maba arkin earlier. Sanadguuradii ayaan u aqriye. Typo lee iga dheh.
-
One dead, five others taken to hospital!!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kool_Kat's topic in General
Samir iyo iimaan marxuumka reerkiisa, siiba aabo Cantar Jeenyo. Marxuumka aabihiisa ciyaaraha banooniga ciyaari jiray, kuna dheereen jiray laga wada yaqaanay Soomaaliya ayuu ahaa, magaaladaana laga yaqaano. Although nowadays this is not exclusive to our Community, but whenever I hear Somalis killing Somalis I am deeply saddened walahi. I don't think it was a Soomaali-on-Soomaali shooting. A newscast, citing a police source, tonight was describing the shooting as "racially motivated." So if we believe this, the shooters were not Soomaali. It is very, very, very rare to see a Soomaali shooting another Soomaali in this city. -
Xaqdarada maalin walba socoto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Baabuurtan waxaa saaran raashiin Hay'ada WFP u qaybinaysay dadkii taagtadarnaa oo lala sugaayey in ay ilaaliyaan Ciidamada Militeriga ee Diinsoor, islamarkaana ku qabsadey dagaalka ------------ Ciidamadaan joogey degmada Diinsoor waxay u muuqdeen kuwo aasaya Nidaamkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu lahaan jirey, islamarkaana waxay shaacinayeen Nidaam derida iyo fowdada, halkii laga rabey inay soo celiyaan in ka badan 17-Sano Nidaamkii iyo kala dambeyntii luntey. Guntii iyo gebagebadii akhristoow waxaa wax lala yaabo ah kuwa ku amarku taagleynaya shacabka Soomaaliyeed in ka badan 17-sano, islamarkaana sheeganaya mas’uuliyada waxa dhacaya, kuna faanaya in ay bur buriyeen kuwii ka soo horjeedey, haku waana qaataan dhacdadan sida dhabta ah u dhacdey, islamarkaana uu ilaahay arkaayo wax kasta oo ruux walba sameeyo, lagana gudaayo wixii dambi ah ee uu galay, hana moodin inaad adiga guul heshey ama sida lagaaga guuleystey ay hawshu kusoo gebageboobeyso, balse ma tahay ruux kuwaano qaadanaaya wixii uu soo marey, waxa hadda uu ku jiro sidii uu uga bixi lahaa, ulana qabsan lahaa waxa soo socda, laakiin haddii ay taasi waano kuu noqonweyso ogoow in markaaga lagu dhahaayo ugu yaraan "soco shacabka ayaad ka mid tahaye, haddii kale..." -
Xaqdarada maalin walba socoto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
“Wuxuuna (waa mooryaaanta isbaarada u taalo) iska soocayaa kunka duugga ah, haddii aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya, inaguna ma nihin dowlad ee...” Isaa'q Maxamed Macallin oo ka mid ah kireystayaasha isaga goosha Gobolada Baay, Bakool, Geddo iyo Muqdisho oo aan kula kulmey halka lagu canshuuro Baabuurta Degmada Diinsoor soo gala, islawaqtigaasna aad u yaabanaa ayaa sheegey in ay dhibaato weyn ku qabaan kuwa jooga Goobaha Kastamada DFKMG ee qaada lacagaha, marka laga reebo agagaarka Banaadir, sababtoo ah buu yiri: “ Waxaad arkeysaa qof mas’uul oo kala soocaya lacagta aan bixino, wuxuuna iska soocayaa kunka duuga ah, haddii aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya , inaguna ma nihin dowlad ee waxaanu nahay shacab, wax Bangi ah oo la geeyo mahayno, waxaa kaloo dhibaato nagu haya baraha Koontaroolada ee ay joogaan Ciidamada DFKMG, sababtoo ah waxaa nalagu dhacaa Goobaha qaarkood Habeenkii inta u dhexeysa Leego iyo Muqdisho , iyadoo sidaas ay jirto ayaa hadana waxaa soo batey Isbaarooyin kale, arrintaan Isbaarooyinka soo badanaya waxay soo bilowdeen markii la kala qaadey labada Ciidan ee isku haysta labada Gobol Sh/Hoose iyo Gobolka Baay, Degmada Diinsoor Habeenkii Baabuur ma soo galo kamana baxo, sababtuna waxay tahay ma garaneyno qof aan uga dacwoono intaas oo dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri Isaa'q Maxamed Macallin. Waxaa uuna ka codsadey Isaa'q Maxamed Macallin in ay wax ka qabtaan cida shaqada ku leh dhibaatooyinkaas aan soo sheegay ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey. -
Xaqdarada maalin walba socoto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Awkuusha: “Gabadheydii waxaa lagu diley Gurigeyga hortiisa, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey foolaneysay...” [ Awkuusha Aadan Mayoow] Sidoo kale Aabaha dhalay gabadhii Uurka lahayd ee lagu diley dhowaan Degmada Diinsoor oo lagu magacaabo Awkuusha Aadan Mayoow oo ah Odey dadka Ugaarsatada ah oo aan haysan wax dhaqaalo ah, islamarkaana ku shaqeyta Ugaarsiga iyo jarida dhista lagu dhiso Guryaha ayna ka muuqato wajigiisa daruuf daran ayaa waxaan wax ka weydiiyey qaabka uu u dhacay dilka gabadhiisa, sababaha keeney in la dilo, halka lagu diley, cida ka dambeysay dilka gabadhiisa iyo waxa loo qabtey ayaa wuxuu yiri: “Gabadheydii waxaa lagu diley Gurigeyga iridkiisa 12 maalmood ka hor, haddii aan kaaga waramo qaabka uu u dhacay dilka wuxuu ahaa, anigoo ka imid daqiiqado ka hor banaanka guriga, neef Ari ah oo iga lumey ayaa gaduudane iga cuney, waxaana ka imid raadintiisa, markii aan arkey neefkii la cunay ayaan dib ugu soo noqdey Gurigeyga waxaana soo doontey Qaanso iyo Leeb si aan u dilo gaduudanaha, balse markii aan ka soo baxay Guriga iyadoo Gabadheyda ila jirta ayaan waxaan ka war helay istaag, markii aan istaageyna waxaan iri maxaa dhacay, waxaa laygu yiri dhig markii aan dhigaayey iyo markii ay ku dhacaysey Gabadheyda Xabada isku mar bay ahayd, Gabadheyda ayaan qabsadey, anigana wax hub ah ma wadan, markii ay ku dhacdey Xabada Gabadheyda, mid ka mid ah ciidamada ayaa wuxuu yiri “yaa soo ridey xabada, mana jirin wax jawaab oo aan markaa maqley oo aan dareemikarey sidaas buuna u dhacay dilka gabadheyda, Gabadheydu waxay ahayd 25 Sano jirin leh laba caruur ah oo yar yar, islamarkaana Uur laheyd, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey foolaneyday” ayuu yiri Mr Awkuusha. Mar aan weydiiyey in wax hore ka dhexeeyeen isaga iyo ciidanka ayaa wuxuu yiri “ anigu wax ciidan la yiraahdo ma garanaayo, wax aan kuwada kulaneyna ma jiraan”. Sidoo kale mar aan weydiiyey waxa ay u qabteen maamulka Degmada iyo kuwa kale ee ciidamada, waxaa uu ku jawaabey “ma jiro wax ay ii qabteen, waxayna igu yiraahdeen Baydhabo ayaan kuu direynaa, warqad Qoraal ah ayaan ku siineynaa,”. Sidoo kale mar uu ka hadlaayey xubnihii yimid in uu la kulmey iyo in kale ayaa wuxuu yiri “markii aan maqley ayaan u tagey mana jiraan wax ay iweydiiyeen dadka yimid, ee waxaan DFKMG ka codsanayaa in xaqa gabadheyda ay isiiso, maadaama ay iyadu tahay Dowladii dalka ka jirey tahay“. Ayuu hadalka ku gunaanudey Mr. Awkuusha. -
Xaqdaraan ayaa daily ka dhacdo Soomaaliya. Mööryaan loo giliye tuute, magac dowlad ku sheegna huwan ayaa maalin caddeey kufsado, dilo, xasuuqo, dhacana dad wada maati ah. Sii aqriso xaqdarada iyo xadgudubta ay wadaan, ay heystaan mööryaantaan. ------------- Qaybo ka mid ah daadka xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ee ay geysanayeen ciidamada Militeriga DFKMG ee joogey degmada Diinsoor [ Iisho Cismaan Kuule oo gacanteeda ku weysay xabbado ay ku dhufteen ciidamadii militeriga ee Diinsoor joogey ] Intaa kadib waxaan bilaabey baaritaano falalkii kala duwanaa ee ka dhacey degmada Diinsoor intii aan imaan, xiliga aan joogay waxa dhacaayey iyo sababaha keeney, arimahaas waxaan la kulmey islamaalintaas 11/02/2008-da Marwo Iisho Cismaan Kuule oo ka mid ah dadkii ay waxyeelada u geysteen Ciidamada Militeriga ah ee joogey Degmada Diinsoor, islamarkaana kuweysey Gacanteeda Midig, ahaydna Haweeney aan lahayn wax caruur aan waligeed dhalin wax ka weydiiyey qaabka ay wax u gaareen ayaa waxay tiri: “Waxaan tegey meel laga bixinaayey mucaawino, ma wadan wax Hub ah, waxaan watey oo keli ah alaab aan kusoo qaadanayo mucaawinada la bixinaayey qaybta isoo gaarta, abbaarihii saacaddu marka ay ku beegneyd 12:00 Duhurnimo, taariikhduna ay tahay 12kii Janaayo [12/01/2008], ayaa anigoo saf ku jira oo hore iyo gadaalna ay naga jiraan Ciidamada Miteriga oo dadku ay ku kala ceyrinayaan Gaari baroon ah guuxiisa, islamarkaana u sameynaya arrintaas si ay iyaga u boobaan dadka oo xabbadana ay dadka ku ridayaan, dadkuna aysanba waxba u arkeyn xabadaha dhacaaya, waxa keliya ee u muuqdeyna ay ahayd raashiinka ayaa nin lebisan nagu soo ordey aniga iyo haweenkii kale ee safka kuwada jirney, intuu qori nagu foorariyey nagu yiri “Fariista fariista, markii dambana waa nagu furey, aniga goobtii ayaan ku dhacay” ayey tiri. Iisho Cismaan Kuule oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey “in xabbaddii iyada ku dhacdey ay isu gudubtey 4 Haween kale, islamarkaana mid Qoorta ayey uga dhacdey, mid Adinka, mid Gacanta iyo mid ay dhexfariisatey waatan anigana gacanteyda midg ayaan ku waayey”. Mar aan weydiiyey Ninkii falkaan geystey halka uu ku dambeeyeyo ayaa waxay tiri “Ninka falkaan geystey wuxuu ka mid yahay Ciidamada sida tooska ah u jooga Degmada Diinsoor, cid wax ka qabatey ma jiraan ee waxaan si naxariis leh uga codsanayaa dadka Soomaaliyeed ee jooga Dunida Dacaladeeda haddii ay jiraan cid wax ka qaban karta dhibaatada igaartey in wax la iiga qabto” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay Iisho Cismaan Kuule iyadoo ka xun sida loo dhibaateeyey, islamarkaana aan cid ay ugu dacwooto aysan jirin. Xaqdaro I