Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,181
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    300

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Axmed Cabdisalaan Cumar, Eebba ha u naxariisto. Seeing him growing up from a little boy to an early teen all those years -- ar mar labaad Eebba janadiis haka waraabiyo walaalkeen. Geeri waa xaq.
  2. Maan, ruwaayadii Nuur Jeyte [Eebba ha u naxariistee], Siyatoom iyo Awkuuku jilaayaan soo xasuustay. Nuur Jeyte [Eebba janadiis haka waraabiyee] asagoo magacyadaan hoos ku qoran aqrinaayo in that clip of Iskoolka Maxaa'iga'galay: Faadumo Shiirtooy Xuseen Xamxam Xasan Xiimaaye Xaliimo Xaax Xaawo Xuux Cali Cambuulo Khadiijo Gorgoro Maryan Mishibiyeeri Kaltuun Kal'iyo'mooyo Luul Burjiko Shamso Shaah'iga'dhiib Shukri Maafiyo Maxamed Makarooni Fardowso Biyamaleh Max'ed Bulkeeti Farxiyo Meeshii'aawey Sacdiyo Xili'iga'dheh Khadro Qalbiweyn Jaamac Jilib Saciido Fiinaale Faarax Musbaar Cibaado Caadiyoos Qamar Qaalawaqiila Cibaado Caadiyoos Qamar Qaalawaqiila Nasra Ani'miyaa'aboo Farxiyo Fiikoli Faa'isa Gadaaluweyn
  3. Tana yaa kursigii Awtuujiye ku fariisiye? Who suggested her to guest host this show? War si deg deg ah ha loogu qaado before ay showga si kale ka dhigin. Aawey dadkii soosaaraha iyo iskudubaridaha ka ahaa showgaan?
  4. Also banaanbaxyo ayaa ka dhacay Mareykanka [Washington DC] iyo Norway this weekend as well. Wararkeeda iyo sawiradii laga soo qaaday waa soo guurin doonaa mar dhow. Also Jimcadda soo socoto banaanbaxaan ayaa ka dhici doono Iswiserlaan. SWITZERLAND Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool wadankaan Switzerland waxaa lagu wargelinayaa in uu dhici doono banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragalinta ciidmada shisheeyuhu ay ku hayaan wadanka Soomaaliya. Hadaba waxaa dadwaynaha laga codsanayaa in ay kasoo qaybgalaan banaanbaxaas oo dhici doona Maalinta: Jimacaha ee 23/11/07 Waqtiga: 2:00pm duhurnimo Goobta: Kasoo horjeedka Xaqunta Qaramada Midoobay ee GENEVE, barxada weyn kadibna waxaa socod lagu tegi doonaa xaafiiska UN.
  5. Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland Helsinki - Dad tiradooda kor u dhaafaysay 600 oo qof ayaa Jimcadii 16.11.2007 [Jimcadii] isugu soo baxay farasmagaalaha caasimada dalkan Finland ee Helsinki banaanbax weyn oo looga soo horjeedo xasuuqa bani�aadninimada ka baxsan ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqeeya ay ka wadaan guud ahaan daka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho. Dadkaasi oo aad u xamaasadaysnaa ayaa sitay boorar waawayn ay ku qoran yihiin xasuuqa xun ee lagu hayo shacabka Somaaliyeed, iyo ereyo mujinaya in Itoobiya ay ciidameeda kala baxdo Soomaaliya, Maraykanka iyo Midowga Yurubna ay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada KMG ah, maadama ay shacabkeeda u horseeday xasuuq iyo cadaalad daro, waa sida ay dadku ku hadaaqayeene. Dadkaasi banaanbaxayay waxaa ay socod ka bilaabeen bartamaha magaalada, iyagoo tagay aqalka madaxweynaha Finland, xarunta midowga yurub iyo Baarlamaanka dalkan, waxaana meel kastoo ay tagaan loo gudbiyay waraaqo muujinaya waxa ay ku taamayaan ama la gudboon in jihooyinkaasi ay ka qabtaan xaaladda Soomaaliya. Banaanbaxani waxaa soo qabanqaabiyay urur cusub o dhowaantan lagaga dhawaaqay Finland, kaasoo la magac baxay Ururka dib u dhiska Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka dhashay taageerda shacabku u hayaan ururka dib u xoranta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee Asmara lagu aasaasay. Ururkaan cusub ee Finland laga asaasay oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah bulshada Soomaalyeed ee reer Finland ee taagersan ururka dib u xoraynta iyo soo nooleynta Soomaaliya ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah: Ka qaybqaadashada xoraynta dalka Soo nooleynta walaaltinimada dadka soomaaliyeed ee la kala dilay Baabi'inta qabyaalada Ka hortaga gobolaysiga iyo taageerista in la dhowro Soomaaliweynta Mudaaharaadkaasi oo si wanaagsan u dhacay ayaa waxaa ay dadku ku dhawaaqayeen Bush ha dhaco, Meles ha dhaco. Waxaa ugu xiisa badnaa in dadku aanay soo hadalqaadin marnaba raga madaxda ka ah dowladda kmg ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethopia, mar aan weydiiyay mid ka mid ah sababta ay ragaas ajnabiga u haystaan , kuwii Soomaaliyeedna ay u soo qaadi waayeen, ayaa hal mar dhowr qof oo aan is ogayn waxay ku jawaabeen isku eray ah : Kuwaasi qiimaba ma leh oo iyagu waa wakiilo fuliya wixii la soo faro, sidaas darted ayaanaan u soo hadalqaadin, mana istaahilan in la xusaba. Ma ahan markii ugu horaysay ee Finland lagu dhigo banaanbax noocan oo kale ah, waxaa horaantii sanadkan ka dhacay banaanbax weyn oo looga so horjeedo dowladaha Maraykanka iyo Ithopia oo iyagu ka danbeeya dilka, xasuuqa iyo burburka Soomaaliya. Xigasho
  6. Banaanbax looga soo horjeeda xasuuqa Itoobiya ka wada Muqdisho oo ka dhacay magaalada Copenhagen Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/11/07 banaanbax ballaaran isugu soo baxay fagaaraha ka soo horjeeda safaarada Mareykankan ee Denmark , boqolaal Soomaaliyeed oo isugu jira dhalinyaro, Rag & Dumar-ba leh, Caruur & Haween, waxeyna dadkani ka banaanbaxayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa ay magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya ka wadaan ciidamada Itoobiya oo cishooyinkii u danbeysay ku dilay Muqdisho dad rayid ah oo tiradooda ay ka badan tahay boqol qofood. Banaanbaxayaasha ayaa watay sawiro & boorar ay ku sawiran yihiin tacadiyada ay wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdishoka geysteen ciidamada Itoobiyaanka, waxeyna ku dhawaaqayeen hal ku dhigto lidi ku ah Itoobiyaanka, iyadoo ku qeylinayey Itoobiya ha ka baxdo dalkeena, Meles waa dambiile dagaal , & Soomaalidu ma aqbali doonto gumeysi. Maxamed Cabdulle Cariif oo ku magac dheer Carifsen oo ka mid ah dadkii ka qeybgalay Banaanbaxaasi ayaa sheegay in banaanbaxa maanta ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana shacabka Muqdisho, waxuuna qoraal ku saabsan tacadiyada faraha badan ee ay regiimka tigreegu ka wadaan Soomaalia gacanta ka geliyay wakiil safaarada mareykanka ee dalka Denmark. Isagoo uu wakiilkuna sheegay in uu u gubdin doono dowladiisa qoraalkan. "Waxaan ka damqaneynaa dhibaatooyinka ay Itoobiya ka wado dadkeena, waxaana adduunka ka codsaneynaa in wax laga qabto xusuuqa naxariis darrada ah ee ay geysanayaan Itoobiyaanka" sidaasna waxa yiri Aweys Sh. Yuunis. Xigasho
  7. Anaa meesha ka muuqdo, iima jeediin. Anoo waliba ku haayo dhaawn Xabasho, dhaawn; dhaawn Xabashi istuujis, dhaawn. Saas ayaa la rabaa Reer Koronto.
  8. Originally posted by Dahia al Kahina: ^Let my sijui self translate for you Ayoub... War jiro uma eko=the news is highly unlikely to exist..MMA is saying its fabricated news! Wuu ogyahay, sister. U sheeg in uu afkaas Malay yahay loogu hadlo in Malaysia. Ayuub will now get if I say "dee wadh jidho uma muuqda." Saan ma'ahoo, igaarkeey?
  9. Su'aasha aan isweydiiyo sometimes waaye. Dubeey iyo Nayroobi ayee dhistaan, oo muran kama dhaxeeyo. The moment la yiraahdo Soomaaliya hala dhiso, muranka imaanaayo iyo isqabqabsiga - dhulkaas ama magaaladaas qabiilkeyga ma dego maxaa u dhisanaa; meeshaan nabad kama jirto, maxaa isku qasaarinaa; Soomaaliya waa ka quursaday and yada yada yada.
  10. Somalia: No Place for a Child WAJID, Somalia ( AP ) — Nov. 14 — Abukar Mursal stopped going outside to play after a bullet grazed his back during a soccer game in Mogadishu, the wretched seaside capital where he was born. Abukar, just 15 years old, simply added sports to his list of banned activities — no joining up with militiamen patrolling the streets. No guns. And finally, no soccer with his friends. "In Mogadishu, fighting is everywhere," Abukar told The Associated Press some three months after he fled the city in a car packed with his parents, three siblings and other relatives. "Every morning we heard bullets. I thank God we left that place." After more than a decade of chaos, some aid groups now are focusing on the psychological problems of Somalia's children of war. In this country of 7 million people, with its ferocious violence and debilitating poverty, a quarter of all children die before age 5. Bullets zoom through the streets every day. "The children from Mogadishu have seen dead people in the streets, wounded people in the streets," said Ibrahim Haji, a counselor for the aid group World Vision Somalia. Often, Haji can tell if children have just arrived from Mogadishu by the way they act. "They can be very unfriendly," he said. "They just go and sit somewhere and think. That's all." World Vision recently opened a "child-friendly space" in Wajid, a U.N. aid base in southern Somalia, where counselors help children affected by the conflict, some of whom have suffered rape, brutality and other traumas. The aid base offers a place to relax — there are soccer balls, Frisbees and small classrooms with mats where children can take naps. Abukar, who said he associates mostly with kids from Mogadishu who have been through similar experiences, now lives in a camp with relatives and comes to the World Vision center to play soccer and to rest. Chris Smoot, program director for World Vision Somalia, acknowledges that basketball and soccer might seem like luxuries in a country where the average life expectancy is just 46 and where malnutrition is common. "But this is just another need — a place where kids can go and play and not feel scared," he said. "This is an opportunity for them to be kids. They're the future leaders of Somalia and we are helping them to learn and grow." World Vision's facility, with its fresh white paint, basketball court and cool concrete floors, is an anomaly in a nation that has not had an effective central government since 1991. In many parts of Somalia, government buildings and other structures were dismantled long ago and looted. A radical group called the Council of Islamic Courts ruled much of southern Somalia for six months last year, but it was driven into hiding during a lightning-quick war in December. The Islamists have vanished from the streets, but are fulfilling their promise to launch an Iraq-style insurgency, using land mines, roadside bombs and suicide attacks. Human Rights Watch has accused all sides in the conflict of war crimes, saying fighters target hospitals and other medical facilities. The battles have devastated the capital, already one of the most violent and gun-infested cities in the world. Over the summer, five children who apparently mistook a land mine for a toy were blown away when it detonated — a stunning reminder of the toll war takes on the young. Thousands of civilians have been killed since December, and a fifth of Mogadishu's 2 million residents have fled. Fighting that started late last month has driven about 36,000 people from their homes, according to the United Nations. Many have come to Wajid, about 175 miles northwest of Mogadishu, where there is relative peace. The town also has makeshift camps where entire families squat in huts made of tarps and thorny branches. In September, international humanitarian agencies agreed on new guidelines to address mental health, focusing on building social networks and other support groups. "Until now, many people involved in emergency response have viewed mental health and psychosocial well-being as the sole responsibility of psychiatrists and psychologists," UNICEF said, adding that long-term mental problems "threaten peace, human rights and development." Siad Abukar, a 13-year-old who came to Wajid two months ago from Mogadishu, said he tries not to think about his former home. "When I think of Mogadishu, I feel like fighting," Abukar said. "I won't go back, never." Safiya Aden, who also arrived two months ago, said she sleeps easier here than in Mogadishu, where she heard rumors that "ladies were being raped." "I came here with my parents," she said. "We heard there was peace."
  11. Dad baa buufis buufis ku haaye, oo ciyaar ka dhigan jiray. Muqdisho, before this carnage and genocide, aan soo arkay and what I had seen in my own eyes, I think, a significant numbers mentally meel ka wada waalnaa, even those who thought they were fine as well. No person can stand a seventeen years of non-stop violence. The first who had gone inay isla hadlaan, ku dhuftaan and finally waalnimo were dadkii "reer magaalka" ahaa, the former injineers, dhaqaatiirtii and other professionals who couldn't tolerate the animal-like behaviours and merciless violence meesha socoto any longer. Isolate and inay isla hadlaan bilaabeen and that eventually leads to a full waalnimo. Eebboow u gargaar umaddeena, meel walba laga haayo, walaahi.
  12. Baliis, hala isxishmeeyo. No warning will be given again.
  13. Adigana shimee noqotay Reer "Buntilaan," whoever they are. Ani iyo adiga Suuqa Miijiska lee ninacbaraawe iyo caanobaraawe ku cuni jirnee. Mise suuqaas Miijiskana "Buntilaan" loo raray?
  14. Is this my old friend Shaqsi? War manooleed igaarka? Maan, had it been years ago or was it only yesterday. Long time, indeed, duqa. Xaalkaaga iyo nafta aboosto ii dheh. Great. NB - The moderators do not have to worry about who changes their usual diracs or hoosgundis or not, since their original diracs and macaawiiso, including goorgorada iyo rajastiinooyinkooda and to those with hoosgundi with their califalaaxs -- all of it is stuck with them. It comes as a perk being a MOD.
  15. Horta sugaba, aniga maadaama Ingiriiska i dhibo iyo waxyaabihiis laga soo deensaday, micnaha "Puntland" yaa ii micneyn karo oo meeshaan ku jiro? "Puntland" iyo "Puntlanders" intee ka biloowdaan, kuna dhamaadaan?
  16. Waa laga bixi doonaa, Bilaal, walaaloow. Masiibo dad walba wey soo martay, tan waa teena naloo qoray. And aamiin to your duco, brother.
  17. Aljasiira [the English version at least I see at home] did show and it was the only international news brand that routinely shows what happens in Soomaaliya. But lately their news headlines were consumed by Bakistaan and every pin drop about Musharaf and that parachuted lady called Buuto. Waxaaba labadoodaba kula yaabay when they do hold a press conference, they deliberately and completely hold the session in Ingiriis and not in Urdu. It tells you how less they value and hold contempt of their own fellow Bakistaani citizens than the international community; it also tells you both worry about international community [read Mareykanka and Midowga Yurub] than the fate and future of their own country.
  18. Caasho Cabdoow taloow manooshahay? Minneapolis lagu sheegaaye the last time. Heesteeda qaayaha lahayd ee "iloow, iloow" ay la qaadeyso Kuluc aaba soo xasuustay.
  19. Castro, Tim Hortons meel ka sareyso la isku arkay. Was it at Williams Coffee Pub, Kuusha?
  20. In the Name of Allah, the Gracious, the Most Merciful “If two parties among the believers fall into a quarrel, make ye peace between them: if one of them transgresses beyond bounds against the other, then fight ye (all) against the one that transgresses, until it complies with the commands of Allah; but if it complies, make peace between them with justice, and be fair: for Allah loves who are (fair and just).” The Qur’an, Alhujurat, (49:9) Magaca Eebbe iyo aayadiis Quraanka Kariimka uu kusoo dajiye faraha haka qaado, kan qoraalkaas qoray asagoo u adeegaayo Xabashi gaalmadoow ah. Nin Xabashi gaalmadoow kaare wato soo koray, oo dadweynaha Soomaaliyeed aan waxba galabsan lagu leeynaayo, lagu xasuuqaayo, lagu gumaadaayo, haddana aayad Quraan iyo magaca Eebba so wataba. Since when are "if two parties among the believers" fighting? Ma Xabashka gaalka madoow ah ayaa "believer" noqday haddana? War dadkaan ma xishoodaan miyaa, haddeeba dadka kale ka xishoon, iyaga shaqsi ahaantood iskuma xishoodaan miyaa?
  21. PS...Care to elaborate waxaad ogtahay?lol Shaneemadda ma isku shidnaa hadda, kumanaan indho arkaayo hadda. Wixii aan ogahay, oo adiga ogeyd, oo aan isla ogeyn aan ogahay. Yac!
  22. Hadaabo taas heated u ma leysid, ilaahay ima kaa tuso anoo heated ah...Diirkaaba kaa qaadmaayo aan u maleynaa... Wixii aan ogaa oo aan arkay oo aad heated ku ahayd [and not in this thread] ka daran maa arkaa? Sheekeeba ii keentay.
  23. Haye, waa yahay adiga ayaan kaa dhigeynaa. Soo dhiibo your credentials. And about in this thread, a heated exchanges by two members, that is all; I don't see anything to be edited about. Ani kalitalis ma'ihi, mana ku amartaagleeye moderatorship. Dadka ha isku sii dirin, ee kala qabooji, if you can't do that, shib iska dheh then.
  24. Xayaad, adiga inoo fur 'thread' saas camal ah. Waa kugu raacsanahay, aaba loo baahanyahay mid saas camal ah.
  25. Nafiis, adiga u wacdi nooh kuwaan, abaayadiis. Sug kutub aan kuu doonaa, miiskana waa kuu diyaarinaa, biyana waa kusoo agdhigaa. "Amaa bacda..." ku biloow.