-
Content Count
17,654 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Somaliland and Somalia telephone numbers harmonized
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Carafaat's topic in Politics
"Maalin kasta waan naxaa oo shirkaddii waxyba keentay lambaro laga naxo oo u eeg lambaradii koonfurta soomaliya, imminka mobile kayga illaa xalay maan furin welina wuu xidhan yahay, dee Ma Naxdin joogto ah baan korodhsadaa waxa sidan ii dhaanta anigoo mobile koodaba iska tuura" Sadiq oo kamida dhalnyarada Burco Paranoid xaal qaado. Nin jiran waaye qofkaas haddii meesha waxa ku qoran uu dhahay. -
Qamriga aad iyo aad u necbahay, dadka cabana waaka fogaadaa. La ima tuso runtii bahashaas. Marka ma'ogi qof cabi jiray oo ka haray. Soomaalida waa lagu qasaaraa markee bahashaas u dhawaadaan. Waxaa soo xasuusatay anigoo London joogo toban sano kahor. Aniga iyo abtigey ayaa ahayn, bas ayaa sugeynay, waana habeen, goobtana waa near Tottenham stadium (White Hart Lane). Mid Soomaali aad u cabsan ayaa meesha soo maray. Dadkii kale shisheeyaha ahaa baska nala sugaaye caay ku bilaabay, asagoo Afsoomaali waa weyn ku caaytamaayo. Markuu na arkay su'aalo nagu bilaabay. Shib ayaa ka irnay. Jini miirkiisa waa qabaayee anaga nama caayin, kuwii kale caayda ku waday, asagoo na fiirinaayo. Wuxuu ula jeedaa ima fahmaayaan. Qosol isku celineynay. Bahashana saa'idu ugu ureysay. Qof cabaayo hadduu jiro oo aad taqaanid ama aad adigaba tahay, koley Quraan isa saar kula talin lahaa. Waliba Afrika aad, xoogahoo fog oo dheeraad ah maqnoo. Qofkaas hasoo caragadisto. Bahasha cabiteeda waxaa keento badanaa fikirka badan, wehel la'aanta iyo isku buuqida.
-
SomaliPhilosopher;947142 wrote: From what I am deducing, af maay maay is the most purest form of ancient somali that we have today. i may have to end my study of maxaa tiri and pick up maay maay Amaa ku wareertaa hee. Afmaayga in uu ka fac iyo isir weynyahay Afmaxaatiriga waxaa ku garaneysaa qabiilada Soomaalida magacyadooda, especially kuwa Afmaxaatiriga ku hadlo qabiiladooda. For example, qabiilka madaxweynaha Xasan Sh. Maxamuud la wadaago qoloda Xasan Daahir Aweys erey/magac Afmaay uu wataa oo Afmaxaatiriga ka dhumay. Dadka Afmaxaatiriga ku hadlana ereygaas waxee u yaqaanaan 'aroor' ama 'waaberi.' Another example, qabiilka qoloda Faroole iyo Khaliif Galeyr ay kor ka wadaagaan iyagana erey Afmaay wataan, oo Afmaxaatiriga lagu yiraahdo 'nin.' Just two examples.
-
Waraa maalin wacan. I have to go back to shaqo.
-
For your information, Xaafuun, the tuulo, kama wadi. Xaafuun represents the whole Bari. Dah. Adigoo Reer Xaafuun (err Reer Bari aan kuu jilciyee), Kismaayo qof kale ha u sheegin. Safka gadaal kasoo gal ku iri. Politically mine kulahaa. Yaa kuu dhalay. Eniwey, aragaana waxee 'politically mine' dhasho without kaaraha Kiinyaatiga.
-
The National Personification of Somalis?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Alpha Blondy's topic in General
Coofle;946764 wrote: So If records say Ahmed gurey was somali it doesn't necessarily mean he was an ethnic Somali, Ahmed bin Ibrahim Al ghazi is not a Somali name...Let us not Spoil the topic to Alpha...Meel kale inoo gee sheekadan, May be a thread on ahmed guray. What is a Soomaali name marka? Sayid Maxamed Cabdulle Xasan? If foreigners write Soomaalis with their version of our names, it doesn't mean the person wasn't Soomaali. Some foreigners until now write Sayid Maxamed Cabdulle Xasan's name as Sayyīd Muhammad `Abd Allāh al-Hasan. So in a few centuries, someone like you will believe he wasn't Soomaali because his name was spelled Sayyid Muhammad Abd Allah al-Hassan. What in a Soomaali name was that asagoo leh waliba. Be careful just following how foreigners spell the Soomaali names. It may mislead you completely. For all we know, Axmed Gurey's full name could have been Axmed Ibraahin Gaas or Axmed Ibraahin Qaasi. -
Adigoo Xaafuun ka imaaday ayaa dad kale Reer Koonfureed, waliba deep in the interiors ah, ku leedahay Kismaayo waa kaaga xigaa? Kismaayo Soomaaliweyn lagu wada deganyahay, loona wada leeyahay Eebbe ka sakooow, martina dadka Baajuunta loogu yahay. Haddaa waa kaaga xigaa bilowdid, adigaa safka u dambeysid taas u ogoow.
-
nuune;946816 wrote: ^^ Actually Tallaabo , to support the name " Lamme " which is an ancient name for maalinta isniinta, I had figured out and found few games that contemporary children at early age used to play, the games are: Gariir = it is common for gabdhaha to play ciyaarta Gariirka, and it is done with small rocks, girls against each otherr performing this adventure game. How is "Lamme " or " isniinta " related to Gariir, here it is: When Gariir is being played, and you want to count your numbers, numbers in this game are counted in shan-shan, you start by saying this: Lamme, lamme-kaale, Litte, Litte-abuure, Aw-loojin , this is like saying, one two three four and five. So Lamme or isniinta as being the first day of the week in the Somali Calendar, we can say that traditions has evolved and oral literature has being passed generations to generations. So we can say that, the game "Gariir" has supported this word "lamme", please don't confuse with Lammo which is number two,vowels in Somali language are dangerous and extra careful is needed. There was another game, but its seems the word Lamme has being misused, the game is called, "Kuun-kuun", again, it is an adventure game played by girls, when the counting begins, one says "kuun-kuun lammina , lammina-tabaaraka, sarta-una-baraka-siyeedoow-walax, hakayaa, wa.celaa baxayaa" . As you can see, the word "Lamme" referring to as being one has being maintained even though little bit of vowel misuse happened. The originality of the Somali language is something that needs to be appreciated. I am now gathering information about Somali Numbers, and the Somali Calendar Year even though ancient people used Somali Seasons to refer to years. Nuunka, gacan ayaa ii taagan. Lame laba ayaa loola jeedaa, waana lama as Afmaayga iyo Banaadiriga lagu dhaho. Marka 'lame' gariirka lagu dhahaayo dhagaxyada laba laba ayaa loo xisaabinaayaa, shan shan ma'aha. Same with 'kuun kuun laminaa.' Kuun kuun waa koowdii, lamina waa labadii. Toddobaadkana maadaama 'axad' ka bilowdo, isniin marka waxee noqoneysaa 'lame' ama 'lama' -- maalinta labaad. Marka saa u fahantay ma'aha xaalka.
-
xiinfaniin;946879 wrote: MMA, Awoowe you should concentrate on your localities instead of talking about distant Kismayo I have more connection to Kismaayo than you iyo xirtaada haddii run la sheegaayo. Meesha Xaafuun maa mooday. Now, that is a true 'distant' land.
-
Somalia Conference London May 7, 2013 - Live Updates
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Che -Guevara;946813 wrote: London's Somalia conference does not recognise Somaliland – we cannot go http://hiiraan.com/news4/2013/May/29235/london_s_somalia_conference_does_not_recognise_somaliland_%E2%80%93_we_cannot_go.aspx Is this preemptive calaacal? We want to come, we have historical connections with Ingiriiska than Talyaaniga; we really would like to be there; we honour British government and people; we this and we that. Eniwey, when is Turkiga hosting the next conference? Soomaalida shax ayaa loo ciyaarooyaa. Sharafxumaa. -
xiinfaniin;946866 wrote: I was more amused by the comments of Baydhabo governor . He is appointed by Hassan Sheekh and he seems to be dong his bid by accusing Kenya and Puntland of 'looting' Kismayo resources :D But the Kiinya-appointed one -- what is his name? Madoobe? -- is doing his bid for who? It cannot be mentioned soo ma'aha? If one needs to 'bid' someone, at least Hoosoow is bidding for his madaxweyne. But to be used and be a foot soldier of a known occupier of Soomaali land (NFD), that is much, much worse. And it is true, there is no dispute about it Kiinya being after our natural resources, mainly offshore. Taas isweydiin maleh.
-
The title is misleading. Somehow, I thought this was a shukaansi thread, so I reluctantly opened it and ready not to disturb. . Dadaalka saas kusii wad, Daa'uud Waraaqloow.
-
Jir baa nahay wada dhashee Yeynaan cadowgeena u jabin Midaan na kala jecleyn Waa haddee kuwa inta ku jiro wax maqlaayaan even.
-
Saaxiib, for the first time in my life, toddobaadkii hore ayaa xabsi gudahiisa arkay. Qof xiran ayaa booqanaaye. Rajoxumo iyo caloolxumo kala kulmeysaa markaa aragtid dhalinta iyo barbaarta Soomaalida oo aad u tiro badan ku jiray xabsigaas. Waxeeba ku faantamayaan qaarkood anagaa ka talino saldhiga oo wey naga cabsadaan shisheeyaha kale. Eebbe ha u sahlo.
-
The Impracticality of Somali Style Federalism.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Daqane's topic in Politics
Kenya, a land with 43,000,000 people and 47 tribes, plus in as many languages, did not opt for federalism after a long process. Their final option? Decentralized unitary state, which they implemented. Our neighbour is doing that should give us a pause, tell us to take off the clan-interest ookiyaal some are wearing. Let it not blind you. And what is federalism about if one has its own army, marine, flag, printing its own currency, sending and receiving international envoys without notification or coordination from the central state. Or if one invites a known occupier of Soomaali land. What in name of federalism in that is federal? -
Yaabanoow, wali ma wadaa 'halgankii' golahaan?
-
The Impracticality of Somali Style Federalism.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Daqane's topic in Politics
Plus, federalism isn't for Soomaalida iyo Soomaaliya. It isn't a new idea. It was around since '50s. A minor, self-clan interest-seeking Soomaalis supported then, led by marxuum C/qaadir Soobe. He spent his political career in '50s and '60s espousing this very idea, even going as far as to Qaramada Midoobay's General Assembly in '50s. He wasn't successful. Neither will this time. People and lands opt for federalism for reasons known, such as great landmass that separates people within a country, ethnic divisions, religious divisions, language divisions -- Soomaalis, as far as we know, do not have any of these divisive issues. Clan issue is nothing close to that. -
The Impracticality of Somali Style Federalism.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Daqane's topic in Politics
Naxar Nugaaleed;946016 wrote: impractical or not, federalism is the law of the land. How? Goormee Soomaaliweyn afti u qaatay? It is not the law, it is a provisional law. And it won't last. Taas kala ogoow. -
Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli waddooyinka Muqdisho oo uu ka mid ahaa Isgoyska KM-4 dib loo furay, kaddib markii hay'adaha ammaanka ay sheegeen inay heleen fariimmo sheegaya inay Alshabaab doonayso inay qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliso Muqdisho. Maalmihii u dambeeye jidadka waa weyn waa wada xirnaayeen nabadsugid daraadeed iyo iyadoo laga war helay in waxaan oo kale lasoo wado. Shalay ayaa dib loo furay, maanta waa tan. Acuudi bilaahi. Xamar qaraxyadaan kama dhamaanayaan intee kuwaas Barbaarta la baxay degmooyinka Xamar qaarkood kaga suganyihiin ama awood weyn ku leeyihiin, sida Huriwaa, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Dayniile. Eebbe ha u raxmado masaakiinta iyo maatida lagu xasuuqay -- aamiin.
-
Nuunka, kuwaan meel Facebook ka tirsan oo afkeena lagu hormariyo ku koobiyeeye. Hope you don't mind.
-
Somali Post office open for business
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to malistar2012's topic in Politics
Naxar Nugaaleed;946083 wrote: so how many stamps do I need to use to send a letter to xamar and how does the address work Bi'oo bokis. Dah. -
Berdihii ku yaalay Isha Baydhabo Intuu bar iyo baar baxay
-
Mad_Mullah;945933 wrote: We also have to understand that two big tribes only came after Islam (Somaliland + Puntland/Somaligalbeed/Jubbaland). Sheeko beenhawaas iyo sheeko baraleeydii maa wali aaminsantahay in this age and time. DNA ayaa jirto, oo isku wada DNA inay yihiin la ogaaday kuwaas aad sheegeysid iyo kuwa kale. Nuunka, saas ayaaba anigana soo waday. Soomaalida were 'Muslimiin" long before diinteena reached them. Eebbe sare ayee caabudi jireen, Waaq ha loogu waco ama Eebbe. Malaa'ig ayee aaminsanayeen nafta qofka ka qaadeyso (wad). Ayaanle ayaa jiray, probably messengers. Aakhiro inay jirtana wey aaminsanaayeen.
-
Ereyada badankooda meeshaan lagu magacaabay Afsoomaaliga ereyo u dhigmo ayuu u leeyahay, laakiin dad qaarkood garashada Afsoomaaligooda ayaa yar. Intee iyaga ku ekaan lahayd garashada ayee Afsoomaaliga ku tilmaamaan in uu yahay af dhiman. Tusaale ahaan ereyada meeshaan lagu sheegay oo Afsoomaaliga ku jiro: saxan (plate) = dhoob Qaxwo (coffee) = bun (still used in Afmaayga) raysal wasaare (prime minister) = wasiirka koowaad (haa, ereyga 'wasiir' naftirkiisa ayaa Carabi ah, waala ogyahay) maxkamad (court) = garsoor qaali (judge) = garsoore qalin (pen) = sheyqore/sheydhige hawo (air) = leer (still used in Afmaayga) sarkaal (officer) = ciidan gaadhi = baabuur/fatuuro laangadhe = jiis kursi = gambar Ard (ground) = dhul saqaaf (roof) = jiingad/baraako Kawiyat (Iron) = bir maqli (frying pan) = birtaawo waraaq = xaanshi kitaab = loox (Loox wax walba wax lagu dhigo la dhihi jiray, including kan qoriga ka sameysan) Iyo kuwa kale inta aan lagu sheegin, sida: alwaax = qori albaab = irid macalgo = qaaddo ammaan = nabad sharaf = heybad ixtiraan = dhowrid qabri = xabaal farxad = reyn reyn adduun = if macalin = barre madarasa = dugsi ________________ Seriously, biibol, afkiina Soomaaliyeed barta. Your own limitation is not the limitation of Afsoomaaliga.
-
Axdigii sanadkii hore lasoo bandhigay ma Eebbe ayaa qoray? Wax ay soo dhoob dhoobtay Qaramada Midoobay, hirgiliyeen kuwii hoggaan ku sheega maafiyada ahaa iyo ergadee soo xusheen. Gebi ahaantiisaba in la badalo jeclahay, Soomaaliweyn wada qorato, iyadana u afti qaato, just as it was done in early '60s.