-
Content Count
17,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koonfur Afrika - 2013: Sida Munaasabada 1-da Luulyo looga xusay Koonfur Afrika Munaasabada 1-da luulyo ayaa si weyn looga xusay dalka Koonfura Africa halkaasi ay ku weyneeyeen shacabka Soomaaliyeed ee magan galsaday dalkaasi. Waxaana kala qeyb galay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Koonfura Africa. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bo'as, Iswiidhan - 2013: " frameborder="0" allowfullscreen> -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bambaasa (Mombasa) - 2013: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dalal badan -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Nayroobi - 2013 Xuska 1 luulyo Sida Looga Xusay Magaalada Nairoibi Inta badan magaalooyinka dalka Kenya oo ay Soomaalida ku nool yihiin ayaa si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo. Magaalooyinka Nairobi,Mombaasa.Eldoret,iyo Nakuru oo ay dagan yihiin Soomaali badan ayaa laga xusay sanad guurada 1-da Luulyo ee 53-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Konfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga ahna israacii gobollada Waqooyi iyo Konfureed. Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay mid ka mid ah munaasabadihii ugu weynaa ee xuska 1-da Luulyo iyadoona ay kasoo qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dahqan magaalada Nairobi. Kooxda Fanaaniinta Waayaha cusub ayaa soo qaban qaabiyay xuska 1-da Luulyo iyadoona safaarada Soomaalida ee Kenya ay maalgelisay xaflada. Shiine Akhyaar oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ahna gudoomiyaha Waayaha Cusub oo munaasabadda furay ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed oo kaa shaneysa safaaradooda ay guul weyn u tahay in ay qabtaan xafladda dabaal dega xuska kowda Luulyo oo ah maalin ku weyn shacbiga Soomaaliyeed. Qunsulka safaarada Soomaliya ee Kenya Siyaad Maxamuud Shire oo ka hadlay munaasabada ayaa shacbka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay faraxada xuska kowada Luulyo. Siyaad ayaa qeexay in Soomaaliya ay martay waddo wanaagsan waxii ka dambeeyey markii gumeystayaasha Talyaaniga iyo Ingiriiska ay ka xurowday 53-sano kahor. Safiirka Soomaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo qadka taleefoonka kaga qeyb galay xaflada isagoo ku sugan wadanka Canada ayaa shacabka Soomaaliyeed ee degan Kenya ku amaanay sida ay ula shaqeeyaan safaaradooda ayna ugu taagan yihiin muujinta maalmaha qiimaha weyn ku leh umadda sida 1-da Luulyo. “Anigoo ku hadlaya magaca safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo kan dowlada Federaalka waxaan leenahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sanad guuro wanaagsan, ka shaqeeya midnimada,waad ogatihiin halgankii loo soo maray xorriyada waxaan ku weynay geesiyaal badan”sidaas Ameeriko ayaa ku yiri shacabkii kasoo qeyb galay munaasabadda. Kooxda Waayahaya Cusub oo ay wehliyaan fanaaniin ka timid wadamada Yurub ayaa goobta kusoo bandhigay madadaalo iyo Heeso ay jecleysteen dadkii kasoo qeyb galay xaflada. Shacabkii Xaflada joogay ayaa aad gacmaha ugu luxayay heesaha ay caanka ku yihiin Waayaha Cusub ee Raabka iyo kuwa kale ee caadiga ah. Ugu danbayntii waxaa la saaray calanka Soomaaliya iyadoo Abwaan Shiine Akhyaan Gudoomiyaha Waayaha Cusub iyo Fanaaniinta kale ay cod sare ku qaadeen heesta calanka Soomaaliya. Sababa laxiriira amaanka ayaa habeenkii 1-da bisha loo baajiyay munaasabada Luulyo ,iyadoona kadib markii lagu guuleystay sugidda amaanka lagu qabtay xaflada fagaaraha weyn ee Easlieght high oo ku yaala xaafada Soomaalida ee Islii. Xafladda ayaa waxay kusoo dhamaatay jawi wanaagsan, iyadoona safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo Kooxda fanaaniinta Waayaha Cusub ay siwada jir ah ugu mideysnaayeen qabashada Xuska 1-da luulyo. Once again, Nayroobi has the biggest crowds for Kowda Luulyo -- three years in a row -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Hindiya - 2013 Dalka Hindiya Oo Laga Xusay Koowda Luulyo Koowda luulyo oo ku beegan sanad guuradda 53-aad ee ka soo wareegatay, markii ay xorriyadda qaateen Goballada koonfureed ee dalka, ayna la midoobeen Goballada waqooyi ee Soomaaliya ayaa caawa laga xusay magaalada Hyderabad ee Dalkan Hindiya. Xaflad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka SURAD (Somali Students And Community Organisation), ayna ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Hyderabad, ayaa ka dhacday isla magaaladan Hyderabad. Xafladda oo bilaabatay abaara 8-dii habeenimo ee waqtiga magaalada Hyderabad, ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo lagu weynaynayo xuska kowda luulyo, waxaana munnaasabada khudbado ka soo jeediyey culumo awdiin, aqoonyahanno, arday, iyo qaar ka mida hooyooyinka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Hyderabad. Gudoomiyaha Ururka SURAD ee ay ku midaysan yihiin Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalkan Hindiya, Suheyb Cilmi Dhuxulow oo munaasabadda daah furay, Ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Kowda luulyo, Waxaana Gudoomiyuhu ku taliyey in wada jirka ummada la xaqdhowro. Faadumo Olol oo ka midda Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hyderabad, Ayaa iyaduna ka sheekeysay Muhiimadda ay ku fadhiso Maalintani, Waxaanna Faadumo Olol ay ugu duceysay Ummadda Soomaaliyeed in dhibta ragaadsatay Rabbi ka dulqaado. Qaar ka mida aqoonyahannadii xafladan ka hadlay ayaa iyaguna ka sheekeeyey muhiimada ay maalintan kowda luulyo ugu fadhiso ummada soomaaliyeed, iyagoo wax ka taabtay taariikhdii halgankii loo soo maray xorriyad ku soo dabaalida dalka, oo ay sheegeen in geesiyaal soomaaliyeed ay naftoodii ku waayeen. Munnaasabada oo socotay saacado badan ayaa laga soo jeediyey khudbado, gabayo, iyo suugaan kala duwan oo looga hadlayey qiimaha ay ku fadhiso maalintan kowda luulyo, waxaana gabayadii halkaa laga soo jeediyey ka mid ahaa gabay guubaabo ahaa oo goobta uu ka mariyey Amiin Cali. Sidoo kale, waxaa xafladda lagu soo bandhigay ruwaayado ka turjumayey micnaha ay xorriyadu leedahay iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqabka, waxaana ugu dambeyntii markii saacadu ay soo gaadhay 12-kii habeenimo la saaray calanka jamhuuriyadda soomaaliya, markaa oo ka soo qeyb galayaashu ay si saf balaarana ugu istaageen heesta calanka. Kowdii luulyo waxay asqeysan tahay, markii goballada koonfureed ay ka xorroobeen gumeystihii talyaaniga, lana midoobeen walaalahooda waqooyiga Soomaaliya, waxaana maalintan sanad waliba si weyn looga xusaa meelaha gudaha dalka iyo meelaha caalamka ay soomaalidu kaga sugan yihiin. Sawiro kale -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Rawla, mid kaa qoordheer aragtaa miyaa finally? _____________________ Turkiga - 2013 Dalka Turkiga Oo Si Weyn Looga Xusay Munaasabadda Koowda Luulyo Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Munaasabadda 1da Luuliyo oo ah 53 guuradii ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga. Xafladani oo ay soo agaasintay safaaradda JF Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Wasiiradda Adeega Bulshadda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mrs. Maryan Qasim, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee dowladda Turkiga Safiiro iyo Diblomaasiyiin ka kala socday Dhammaan safaaraddaha Caalamka ee ku yaala Dalka Turkiga, Madax sare oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Turkiga, shacabka Soomaalyeed ee Ku dhaqan Dalka Turkiga, Ardayda wax ka barata Dalka Turkiga iyo Marti Sharaf Kale. Xafladani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Safiirka JF Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal, Wasiiradda Adeega Bulshada Mrs. Maryam qasim iyo wasiirka Macdan iyo Biyaha ee Dowladda aan walaalaha nahay Turkiga Veysel Eroğlu ayadoo dhammaan madaxda ay ka hadashay muhiimadda ay ku fadhido maalinka Xornimada, xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka ay Dowladda JF Soomaaliya ku talaabsanayso. Xafladda ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u qurux badan. Sawiro kale -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bristol, Ingiriiska -2013 Dabaaldega 1da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Bristol ee wadanka Ingariiska Xaflada lagu xusayay 53 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay dadaka Soomaaliyeed qaateen xuriyadooda ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Bristol ee wadanka boqortooyada ingariiska. Xafladaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybqaatay dadweyne aad iyo aad u fara badan oo aad wejiyadooda ka dheehan karto farxad iyo reynreyn. Xafladaas waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada Bristol. Martisharaf ka kala yimid magaalooyin kale sida London, Birmingham, Leicster, Northhampton, Coventry, Gloucster, Sweindon iyo Milton Keynes ayaa iyagana waxay qeyb libaax leh ka qaateen munaasabada xuska 1da Luulyo Mayorka Bristol, Xildhibaano dowlada hoose iyo tan dhexeba sida Lord Mayor Farouk Choudry, Hibaq Jama, Margret iyo Miss Hickman wwwy ka qeebqaateen munaasabada waxayna ka jeediyeen qudbado qiimo leh iyagoo xanbaarsan calanka quruxda badan een buluuga ah. Barnaamijkaan wuxuu ahaa mid si LIVE ah uga baxaayay RoyalTV. Faanaaniin waaweyn ayaa habeenkaas wacdaro ka dhigay magaaladan Bristol. C/risaaq Gaadaco, Kaltuun Bacado, Jihaan jalaqsan, Nabiil iyo C. Amoore ayaa heeso aad iyo aad u macaan ka qaaday goobta. Fanaanada da da yar ee reer Jabuuti, kuna nool magaalada Bristol ayaa iyana aad iyo aad loola dhacay heesaha aya meesha ka qaaday. Xafladaas oo guul ku dhamaatay ayaa waxaa la sheegay inay aheed xafladii 1da Luulyo ugu qurruxda badneed ee ka dhacda meel ka baxsan wadanka Soomaaliya. Waxaa mahadnaq balaaral loo jeediyay Mudane Axmed Xasan Geedoow oo ahaa abaaulaha xaflada. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
London - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Minnesota - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Boras, Iswiidhan - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Jidda, Sacuudiga - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xaydarabad, Hindiya - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Helsinki, Finland - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
London - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Finland - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Zurich, Iswiserlaan [ 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Stockholm, Iswiidhan - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Malaysia - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dooloow - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Garoowe - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Muqdisho - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Beledweyne - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koonfur Afrika - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Gaalkacyo - 2013
