Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. <cite> @galbeedi said:</cite> MMA, I thought President Noone and Shariif Hassan agreed on this. Are we getting a wrong info on this?. Waxaan moodayey in labada kooxood hesshiska gaaheen. Wax heshiis galay ma jirto. Madoobe Nuunoow Baydhabo ayuu joogaa, odeyaashii dhaqanka soo dhisay maamul goboleedka iyagana Baydhabo wada joogaan. Kuligoodna wey kasoo horjeedaan heshiis ku sheegaan. Qof ka socdo maamulka lixda gobol oo u saxiixay maleh. Wasiir xilkiisa laga qaaday oo ay isku jufo yihiin kan kale ayaa wax lasoo dhoob dhoobay kala saxiixday. Doolar dad qaatay waaye, meel ay marin karaana heshiiskaan ma jirto ka ahayn dagaalo sokeeye inay u horseedaan dadkaas deegaanka. Inta ka dhageyso wareysi laga qaaday Madoobe Nuunoow (http://www.ishabaydhaba.com/?p=59685) haddaa Afmaay garan kartid. Madaxweyne Madoobe Nuunow oo Caawa Wareysi Xasaasi Ah Siiyay Warbaahinta Koonfur Galbeed Waxaa goordhaw caawa khadka telefoonka ee Ishabaydhaba ku wareysanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo aan ka wareysanay arrimihii ugu danbeeyay ee kusoo kordhay Koonfur Galbeed. Madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa sheegay heshiiskii maanta ka dhacay Muqdisho inuusan khuseyn Koonfur Galbeed, ayna ka qeybgalin. Madaxweyne Nuunow ayaa Lugooyada Koonfur Galbeed ku eedeeyay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Halka Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Aan La Yeelanay Madaxweyne Madoobe Nuunow oo Mid Xasaasi Ah. ________________________ Shaqsi ahaanteyda waligey maamul qabiil ku dhisan ma taageerin, mana taageeri dooni -- walaa lix gobol, walaa sagaal gobol, walaa toban gobol. Waligeyba waaka soo horjeeday, waana kasoo horjeedaa wax federaal (isku tag) la dhaho. Soomaali uma baahna isku tag. Wey isku tagsantahay, taariiqdoodana wey isku tagsanayd. Waa shisheeye, gaar ahaan kuwa dariska la ah Soomaaliya, arrimo ay wataan Soomaali lagu kala qeybiyo, midnimadii iyo jiritaankii Soomaaliyana si tartiib tartiib ah meesha ugu baxdo.
  2. <cite> @DoctorKenney said:</cite> Wouldn't it be better to give Shabelleda Hoose to the HAG? And then form a State with Bay and Bakool regions only? Perhaps the RRA clan can make a deal with HAG, and agree to annex a portion of Lower Shabelle in order to have a viable port, to connect this port to the rest of Bay&Bakool, and then make an agreement to allow the HAG to annex a small portion of Bay district. In essence, they can perform a land swap. The HAG could get a small portion of Bay region. And the RRA can acquire a small portion of Lower Shabelle, so that they have a port which connects them to the ocean. Shabeellada Hoose halkee ku taalo iyo inta degmo ay tahay ma taqaan? Micnaha degmada 'Afgooye' loogu bixiye ma taqaan? Haddaadan ogeyn ama aad iska indhatireyso, hadda baro. Shabeellada Hoose waxee ka koobantahay Afgooye, Marka, Baraawe, Qoryooleey, Wanlaweyn, Awdheegle iyo Kunturwaareey. All but one are Afmaay speakers. Only Marka iyo deegaanka Shalaambood ayaa deegaan ahaan ah Afmaxaatiri speakers, dadkaasna ma'aha kuwa maanta xoogga ku heysto deegaanadaas oo maalin dhawayd qabsaday. Inta kale Afmaay speakers ayaa degan, oo ah: Afgooye, Baraawe, Awdheegle, Qoryooleey, Wanlaweyn iyo Kunturwaareey. Baraawe Afmaay speakers waxaa la dego Reer Baraawe oo ku hadlo afka Jimwiini oo Sawaaxiliga u dhow. Sida Marka iyadana sidaasoo kale waxaa deganaan jiray oo laga ciribtiray dadkii aasaasay degmadaas, Reer Marka oo Afmarko ku hadlo. Aan u soo noqdo sababta degmada Afgooye af gooye loogu bixiye. Waa waa meesha ay taariiq ahaan Afmaay iyo Afmaxaa tiri ku kala bixi jireen, walina ku kala baxaan. Wixii Koonfur ka ahaa Afgooye Afmaxaatiri loogu hadli jiray, wixii Waqooyi iyo Galbeed ka ahna Afmaay loogu hadli jiray, walina loogu hadlaa. Teeda kale yaaka talin jiray deegaanadaan oo xarun u ahayd Afgooye. Suldaanadii Afmaayga ku hadli jiray ka talin jiray. Meesha kale deegaanada kale Koonfur Galbeed loogu talin jiray waxee ahayd Luuq, another Afmaay town. Along with Baardheere, another town whose speakers speak Afmaay. ________________________ Heshiis ku sheegaan dad heshiiye maleh. Laba nin ilma adeer oo isku laf (midkooodna yahay Shariif Xasan walaalkiisa oo booska beenaadka u haayo) ayaa sadex doolar soo qaatay. Waa isku laf jufo hoose aanan bulshoweynta Koonfur Galbeed matali karin kana socon, deegaanka balaaran Koonfur Galbeedna matalin ayaa buug iyo qalin loo dhiibay. Labada nin waa Maadeer iyo Geeseey, oo waxba u heynin bulshoweynta Koonfur Galbeed. Wax heshiiye iyo gobollo la isku daray ayaaba iska yar. Dadkaan buunbuuninaayo heshiis ku sheegaan iyo kuwa mucaaradka ku ah deegaan aynan kasoo jeedina sheegaanaayo yeenan iswaalin. Heshiis dhaqan galaayo iyo mid meel u socdo midna ma'aha. Fedaaral iyo isku dar dar iyo isku walaaqidba mid Soomaaliya iyo Soomaalida dan ugu jirto ma'aha, mana ahaan doonto. Waxmagaratada dan mooday ha ogaadaan jiritaanka Soomaaliya oo jirto ku xirantahay tuuladiisa jiritaankeeda; Soomaaliya oo hormarto ayee ku hormareysaa; Soomaaliya oo baaba'do ayee ku baaba'eysaa; Soomaaliya oo nool ayee ku nooshahay. Taas ha ogaadaan.
  3. <cite> @Che -Guevara said:</cite> My bad, I meant Mexico. Brazil is happy they are not facing the Netherlands. Ameeba Holland u sahlanayd. Jile waa koox aad u adag, waliba si qiiro leh ku ciyaaro. Tababarahooda xataa inuu garoonka soo galo wax yar ugu dhiman markee ciyaarayaan.
  4. You need to log in to Facebook in order to see it, I guess.
  5. Candhuufna ha tufin. Hooyooyinkana faraha ka qaad.
  6. Kheyr, why am I? See camal. I was a Jarmal difooso ever since aan caqli yeeshay in my very first Ciyaaraha Adduunka I can remember, which was in 1986. That is a 28 years being a fan. Gaana maxee ii sheegeysaa. I would rather cheer for Boosniya oo Muslimiin wada ah iyo Aljeeriya. Showqi, ii waran, widaay. Waa lagu xareystay miyaa? Hambalyo hee. Laakiin aniga Jarmalka ciyaarahooda u horeeyo kama walwali, oo koox adag aan isku haleeyo inay gaaraan samifaaynalka ama faaynalka. Inta hore wa 'baroowe janaraalo.' Kuwa dambe ayaa Oktoobar ah.
  7. Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya
  8. Shir Jaraa’id Maanta Ka Soo Baxay Madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shir balaaran ay ku yeesheen Baydhabo kaga hadleen dibindaabyada ka dhanka ah Koonfur Galbeed ee kasocota Magaalada Muqdisho. Gudoomiye ku xigeenka Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Suldaan Siraaji Aadan ayaa shirka jaraa’id u akhriyay Saxaafada, wuxuuna kaga hadlay Shirka Jaraa’id Arrimo badan. Sidoo kale Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Malaaq Xasan Shure ayaa baaq kama danbeys ah u diray Xubnaha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Malaaq Xasan Shure ayaa sheegay in Maamul xalaal ah ay u sameyn doonaan Gobolka Baay gaar ahaan Magaalada Baydhabo, “wixii hada ka danbeeya ma jiri doonto in lagu takri falo Canshuurta laga qaado Shacabka Baydhabo” ayuu yiri Malaaqa. Halka Hoose Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Maanta Kasoo Baxay Madaxda Koonfur Galbeed.
  9. Maalin cad been la isku sheegooyaa, la ismaaweelinaayaa. Dad waxeenan rabin sandulisnimo laguma marsiin karo. Shariif Xasan maalin cad xoog loogu saaray Baydhabo bilooyin kahor, awood uu ku hirgaliya wuxuu watay markee u socon weysay laba gacansaar ah inuu doolar u dhiibo ha dhaho waala wada heshiiye. Yaa heshiiye, yaana la mataloyaa. Yaa waaye dadka kala 'saxiixday' waxaan? Geeseey? Yuu matalaa Geeseey? Jagadiisa wasiir xataa waa laga qaaday. Afeeyga oo Axmed Madoobe fadhiyo Kismaayo la jiro ayaa iska dhigaayo 'beesha caalamka.' Shir ku sheegaan intee la marsiin doonaa. Malaaqyadii maanta ayee ugu kacsanyihiin. Suu waa hore Yalaxoow u yiri, gurbaantii la xaday meeshii lagu tumi lahaa la rabaa. Waa qalalaaso ka abuur deegaano nabad ah. Waana mid Barbaarta u sahli doonto si sahlan inay kusoo noqdaan deegaanadii laga qabsaday.
  10. Cadnaan, qabiilada kale si nabad ay ku degnaadaan laba arrimood u keentay. Mida koowaad meesha ay Barbaarta maamulaan qabiil iyo qurunkiisa lagama ogola, sida Baraawe, Sablaale, Kunturwaareey iyo deegaanada hoose yimaada. Si caddaalad loogu noolyahay deegaanadaas, dadkii deegaanada beerahooda si nabad u tabcadaan. Deegaanada kale dadkii u dhashay kuwa maqaarsaar ah ayaa la yiri idinkaa madax ah laakiin hoos waxaa tuugnimo ku xoog leh mooryååntii heystay 1991 iyo wixii ka dambeeye. Kuwaan waa deegaanada Afgooye, Wanlaweyn, Qoryooleey iyo Awdheegle. Waa haraadigii ka haray kuwii qabsan jiray sagaashameyadii degmooyinka iyo magaalooyinka Beledweyne, Baardheere, Buurhakaba, Galbahaareey, Baydhabo, Xuddur, Waajid iyo ilaa Jubbooyinka. Deegaanadaas dadkii u dhashay ayaa xoog ugu soo saaray ee kuma bixin walaaltinimo iyo Soomaalinimo. Waana waxa ka socdo Marka iyo Shalambood hadda. Waa dad quusan la' wali, Indhacadde iyo xulufadiisa ugu dambeeyaan. Maanta haddee wali heysan lahaayeen deeganadaas sida Shalambood iyo Marka ugu doodayaan ayee ugu doodi lahaayeen oo guryo iyo beero ayaa noogu yaalo ku marmarsiyoon lahaayeen. Sheeko. Waa wax la mid ah kuwii yiri gurigaan xoogga ku heysano curadkeena ku dhashay, kuna sii dhalay oo waa inoo xalaal. Ama anigaa dad ka badbaadiye ama anaguu dhiig noogu daaday difaacidiisa. Dadka dhul, guryo iyo beero ku lahaa 1991 wixii ka horeeye wey lahaanayaan oo taas wareer kama taagno. laakiin beer iyo deegaan awalba xoog lagu qabsaday ayaa leenahay kuwii yiri fowdo iyo fidna ayee markii horeba u joogeen.
  11. <cite> @Khayr said:</cite> Ghana v. Germany is a joke on paper. Ghana is out for sure and so to are all the african teams. What a total disapppointment! All the great African players are playing for Euro countries. See France's All North African tream Laba ka mid ah your adeeryaashaa were darn mad at me for cheering Jarmalka. "Wadh miyaadan Afrikaan ahayn. Wadh, wadh..." ayee ku haayeen. And I cheered loudly markee goolka koowaad Jarmalka dhaliyeen, that they left immediately. I told them to stick around, anything can happen. After Gaana scored two in a row, others were loud and some eedo was like, "Aawey wiilkii Jarmalka la jiray?" I told her ciyaar waa galin dambe.
  12. Soomaalida Reer Iskaandineefiya ayee rabaan inay suuq ka sameystaan, oo aynan Istanbuul sii marin. Turkiga diyaaradooda in la raaco ila haboon aniga, xataa haddee qaalisantahay. Markee Soomaali been been iyo kuwa Yurub iska isdhiibaayo oo badan raacaan diyaaradaan ayee dhib ku noqon doontaa.
  13. <cite> @Che -Guevara said:</cite> Elpunto. What does Harper want to do exactly? Anyone (read Muslimiinta) will be revoked of their Canadian citizenship by a simple decision reached by a current minister of citizenship and immigration. It is like the UK version, only being worse because even if you were born in Canada, you will still be stripped of citizenship because you are automatically considered a citizen of your parent's country of origin, even if you parents were born here as well. It is one of many planned changes to Canadian citizenship, making it harder to get and easier to lose. One such new law is testing seniors who are in their mid '60s who want to get the Canadian citizen about Canadian history, laws and traditions. It is currently those in their mid '50s that are tested. It will be harder for an ayeeyo Soomaaliyeed inay ku baasto tan. If this sweeping law passes (it is still before the parliament), it will be harder to get and much easier to lose it. However, lawyers are threatening to take it to the courts should it pass. Inta kasii aqriso wixii dheeraad ah: http://www.theglobeandmail.com/news/politics/ten-ways-ottawa-is-changing-how-to-become-a-canadian-citizen/article16724611/
  14. <cite> @Alpha Blondy said:</cite> your quarter khaatumo-nimo, is probably where you got your firebrand pro-SL nationalism, so maha? kudos to you, abti. re: Indian surnames, i didn't know that? interesting....... Magacyo gaar ah ee Soomaaliyeed deegaano bas laga isticmaalaa, dadka deegaanadaas degana isla wadaago. Magacyada Maadeey, Muudeey, Jimcaale Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari kuma arkeysid qof la dhaho. Magacyadaan iyo kuwa la mid ah inta ka hooseyso Hiiraan laga isticmaalaa. Magacyada Jaamac, Qowdhan, Koonfurta dad fara ku tiris kaliya la dhahaa, oo isirkooda kasoo jeedaan gobollo kale waliba. Magacyadaan hoos ku xusan Soomaalida dhan wey wada wadaagi karaan laakiin gobollo gaar ayaa aad loogu isticmaalaa: Sida magacyada Aragsan, Degan iyo Siman -- waxaa aad loogu isticmaalaa Jabuuti. Sida magacyada Cilmi iyo Cabdulle -- waxaa aad loogu isticmaalaa Hiiraan. Reer Shabeellada Dhexe waxee aad u isticmaalaan Cosoble. Sida magacyada Cabdillaah, Haweeyo, Ceyni, Cadar -- waxaa badanaa laga isticmaalaa Soomaali Galbeed iyo qeyb ka mid ah Waqooyi Galbeed. Magacyada Maadeey, Muudeey, Isååq waxee u gaar yihiin Reer Koonfur Galbeed. Magacyada Milga, Cawo, Shuun, Caynaanshe, Cige, Cigaal, Carwo, Ilwaad -- Waqooyi Galbeed aad loogu isticmaalaa. Magacyada Culumo, Nuurto, Timiro waa magacyo Koonfureed. Magacyada Abyan iyo Libin -- Reer Mudug ilaa Reer Bari u badan. Magacyada Guhaad, Mire iyo kuwa lagu qabto 'diid' (Caydiid, Qeybdiid) deegaanada Mudug iyo Galgaduud aad loogu isticmaalaa. Reer Koonfurta hoose waxee u sii dheer yihiin magacyada tirada badan ee lagu qatimo 'oow' iyo 'eey'. Calasoow, Culusoow, Caddoow... Reer Banaadiriga iyagana aad u isticmaalo magacyada Saalax, Cabdalle. Magaca Shariif soo haray oo qolo gooni ah aad iyo aad u isticmaasho, badankooda magacooda dhabta ah ka hormariyo. Intaan waa waxaa ka xasuusto.
  15. <cite> @Alpha Blondy said:</cite> your quarter khaatumo-nimo, is probably where you got your firebrand pro-SL nationalism, so maha? kudos to you, abti. re: Indian surnames, i didn't know that? interesting....... Magacyo gaar ah ee Soomaaliyeed deegaano bas laga isticmaalaa, dadka deegaanadaas degana isla wadaago. Magacyada Maadeey, Muudeey, Jimcaale Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari kuma arkeysid qof la dhaho. Magacyadaan iyo kuwa la mid ah inta ka hooseyso Hiiraan laga isticmaalaa. Magaca Jaamac, Qowdhan, Koonfurta dad fara ku tiris kaliya la dhahaa, oo isirkooda kasoo jeedaan gobollo kale waliba. Magacyadaan hoos ku xusan Soomaalida dhan wey wada wadaagi karaan laakiin gobollo gaar ayaa aad loogu isticmaalaa: Sida magacyada Aragsan, Degan iyo Siman -- waxaa aad loogu isticmaalaa Jabuuti. Sida magacyada Cilmi iyo Cabdulle -- waxaa aad loogu isticmaalaa Hiiraan. Reer Shabeellada Dhexe waxee aad u isticmaalaan Cosoble. Sida magacyada Cabdillaah, Haweeyo, Ceyni, Cadar -- waxaa badanaa laga isticmaalaa Soomaali Galbeed iyo qeyb ka mid ah Waqooyi Galbeed. Magacyada Maadeey, Muudeey, Isååq waxee u gaar yihiin Reer Koonfur Galbeed. Magacyada Milga, Cawo, Shuun, Caynaanshe, Cige, Cigaal, Carwo, Ilwaad -- Waqooyi Galbeed aad loogu isticmaalaa. Magaca Culumo, Nuurto, Timiro waa magacyo Koonfureed. Magaca Abyan iyo Libin -- Reer Mudug ilaa Reer Bari u badan. Magaca Guhaad, Mire iyo kuwa lagu qabto 'diid' (Caydiid, Qeybdiid) deegaanada Mudug iyo Galgaduud aad loogu isticmaalaa. Reer Koonfurta hoose waxee u sii dheer yihiin magacyada tirada badan ee lagu qatimo 'oow' iyo 'eey'. Calasoow, Culusoow, Caddoow... Reer Banaadiriga iyagana aad u isticmaalo magacyada Saalax, Cabdalle. Magaca Shariif soo haray oo qolo gooni ah aad iyo aad u isticmaasho, badankooda magacooda dhabta ah ka hormariyo. Intaan waa waxaa ka xasuusto.
  16. Soomaalida kooxaha Afrikaanka see si 'automatic' ah ula jiraan ka yaabay. Waxaas waa reverse midabtakoornimo. Sabtidaan soo socoto, Eebbe ha idmee, I am planning to go to this certain Soomaali maqaayad, which I am sure will be crowded with maryooleey fans cheering for Gaana. I will be cheering and noising for my favourite team, Jarmalka. Dadka badan madaxa xanuuni doono.
  17. Dadkaan Jarmalka la dhahaa, afar ka yar kuma raayaan markee Ciyaaraha Adduunka ciyaarayaan: Jarmalka - Arjantiina: 4:0 Jarmalka - Bortuqiiska: 4:0 Jarmalka - Ingiriiska: 4:1 Jarmalka - Ostareeliya: 4:0 Walaa Messi, walaa Ronaldo, walaa Rooney - laacib ee u naxariisanayaan ma jirto.
  18. Yaabane, sawirka marka koowaad aan arkay oo ahayd waa hore waxaa iiga muuqday 'diversity' Soomaalidii hore ahayd iyo sidee iskugu dulqaadan jirtay. Isla waagaas waxaa baarlamaankeena ku jiri jiray xildhibaano dhalasho Soomaali heysto oo kasoo jeeday Reer Bakistaan, Hindiya, Carabta iyo Talyaaniga, oo kuligooda Xamar laga soo dooran jiray. Liiska magacyadii xildhibibaanadii lixdamaadkii ku qorantahay ayaa haayaa. Saa kor ku iri sawirkaan waa hore arkay, laakiin toddobaadyo kahor ayaana si kadis ah haddana ku arkay. Markaa dib u fiiriye waxa kale haddana iiga muuqday kuwa maanga gaaban meel magaalo madax ah tol ku sheegaayo. Magaalo madax kale adduunka saas kama dhicin, ugu soo sakoow Nayroobi iyo Adisababa oo lagu sheego Masaayda iyo Oromada dhulkooda ahaan jirtay. Laakiin dadkaas badankooda ma sheegtaan magaalooyin madaxdaas maanta, ceeb ayeena u arkaan inay sheegtaan. Xamar waxaa ka jeclahay ma jirto, magaalo aan ka dooran lahaana ma jirto maadaama xudunteeda ku duugantahay, oona kusoo barbaaray, fursad walba aan u helana waa tagaa, walaa qabqable ka taliyo iyo walaa Barbaarta joogto. Mustaqbalkeyga dhowna inaa ku noolaado jeclahay.
  19. Meesha dad aan xishmad gaar u haayo ayaa fadhiyo, kuwa kale badan qashin ahna wey fadhiyaan aan ixtiraan u heynin. Meel saas loo wada fadhiyo waxee u egtahay inay tahay madaxtooyada. Meel kale dadkaas iskuma aamini karaanee. Soori, cajalka ma wada fiirsan, sadex saac muuqaal ah oo 'een, een, een' ka buuxdo yaa waqti lagu fiirsado u haayo.
  20. Qof gabar curad ah u dhalatay ayaa i weydiiye magacuu u bixin lahaa inaa kala taliyo. Maadaama magacyada Soomaaliyeed kaliya aan dooq u haayo, inta kale aanan xataa fursad siinin ayaa waxaa damcay inaa guugal kasii baaro magacyada gabdhaha Soomaaliyeed oo intaa ka xasuusan ka fiiriyo. Ayaandarro intaa guugal ku qor isdhahaaye oo ahayd markaa maraaye 'magacyada gabdhaha...' ayuuba wuxuu ila taliye ereyadaan hoos ku xusan: Magacyada gabdhaha Soomaaliyeed inaa guugal ku qoro rabay. Laakiin waxee u egtahay dad badan oo Soomaaliyeed inay xishmad u heynin magacyada dhaqankeena soo jiritaanka lahaa maadaama ay baaroyaan magacyada 'Carabta,' waliba kuwooda cusub oo lagu jahwareersanyahay. Magacyadaan qaarkood carabka Soomaaliyeed xataa ma qabto, diinta Islaamkana shaqo kuma laha. Waxaas dhaqan ka carar u aqaanaa ama maan madoownimo.
  21. Haddaa kasoo tago dhaqankeena suubban, oo aan dooran lahaa koow, laba iyo sadex jeer. Haddee noqoto dhaqamada kale aan ixtiraan gooni u haayo, waxaa siin lahaa Reer Iswiiska. Iswiserlaan. Reer Iswiis waa dad kala gadisan, haddana midnimadooda xoog tahay. Waa dal aan dad kale ku duulin boqolaal sano, waa dad aan dad kale faragishan. Waa dad iyaga loo soo ordo, lacagtii lasoo dhacay adduunkana lagu aamino, hay'adihii adduunkana isku aaminaan xarumahooda ka furtaan magaalooyinkooda.
  22. Yoonis, waxaa qor isdhahaaye oo niyadda aan ku haaye ayaaba iga hor qortay. Dadkaan waxee ilooween Ganacsiga 101. Ganacsataan Soomaaliyeed Soomaaliya uma socdaan, ganacsigoodana Soomaaliya, gaar ahaan hal magaalo ma wada qaato. Ganacsiga Islii kuma tiirsano Soomaalida Islii kaliya, ee kumanaan kun ka kala yimaado gobollada dalka Kiinya iyo dalalka la dariska ah u ganacsi yimaado maalintii. Xataa haddee u wareegaan Ugaandha iyo Rawaandha, uma maleeyi inay si joogto ah u joogayaan. Rawaandha iyo Ugaandha midkoodba malaha deked, waxeena ku xiran yihiin dekedda Bambaasa. Ganacsi weyn kama socon karo, sida kan Islii ahaa camal. Dadkaan waxee kale ilooween isla ganacsataan inay Soomaaliya ganacsi la mid ugu furanyihiin, oo ay isku wadaan. Soomaalida will stay in Islii, iyagaa dhistay, iyagaa hormariye, xaq ayeena u leeyihiin inay deegaankooda joogaan. Kii ka naxaayo haka naxo.
  23. Dad aan xishooneynina maanta waxee ku leeyihiin Xamar anagaa leh. Xamar dadkii dhisay, hormariye, ilbaxnimada laga dhaxlayna waala bursaday, la ceyriye. Waana kuwaan jiilkooda dadkii Xamar ka dhigay meel jano lagu noolaado ahaato.
  24. Sawirkaan maxaa kaaga muuqdo, maxaa kaaga soo baxaayo oo aragti ah markaa aragtid sawirka. Sawirka waxaa laga qaaday ardey dhigan jiray iskool ku yaalo degmada Xamarweyne horaantii lixdameyadii (early '60s).