Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Kowda Luulyo waa maalin taariiq dheer nagu leh, aan la iloobi karin. Ha jirto Soomaaliya iyo Soomaaliweyn. Soomaali diidoow silic u dhimo. Aabiyaashii gobonnimodoonkana Eebbe janadiisa fardowso haka waraabiyo -- aamiin, aamiin. Sanadkaan Kowda Luulyo bisha barakeysan ee Soonka kusoo aaday. Saas ugu wacan inay xafladaha iyo dabaaldegga xoogahoo yaraadaan.
  2. Sanadguuro wacan inta Soomaaliweyn jecel. Kowda Luulyo waa maalin naga mudan amaan iyo xusuus gaar ah. Soomaaliya ha waarto, ha noolaato, cadowgeeda ha jabo -- aamiin, aamiin.
  3. Odey dhaqameed ku sheeg, wadaad ku sheeg, wasiir ku sheeg -- dhammaantooda si mooryåånimo ka weyn la isku wada baheystay, isbiirsi aan caadi ahayn. Kii afhayeenka u ahaa Barbaarta, magaciisna ahaa Cali Raage (Cali Dheere) wuxuu yiri asagana: "Afgooye ma yeelayno in meel aan Muqdisho ahayn laga xukumo." Inta ka dhageyso: http://daafeet.com/?p=15100 Afgooye iyo dadkooda iyagaa isxukumaayo, meel kale lagama xukumo karo. Iyagaa boqolaal sano isxukumi jiray, boqortooyana ahaa.
  4. Been badanaa dhagagaduutaan. Airborne virus soo ma ahayn 'human-to-human' la iskaga qaado. Haddee geelaha Soomaaliya keeneena, Soomaalida maka hor qaadi lahayn miyaa ama maku dhici lahayn miyaa jiradaan intuu soo gaarin Sacuudiga. Teeda kale geelahaan aad iyo aad loo baaraa intee Sacuudiga soo gaarin. Iska keen ma'aha. Inay siyaasad ka dambeyso u maleynaa.
  5. Naming clan names is not allowed. Don't post clan names, otherwise your post will be deleted.
  6. Hadduu kan odey dhaqameed yahay, anigana iimaamka masaajidka Xaramka ee Maka ayaan ahay. Xishood iyo ixtiraan odey lagu yaqaano malaha, mana istaahilo magaca odey dhaqameed. Dad magaaladee aasaaseen ee Xamar xoog iyo xabbad looga ciribtiray ku faanayaa. Haddana dad kale magaaladooda in laga ciribtiro ugu hanjaboyaa.
  7. <cite> @Dr_Osman said:</cite> Somalis tried a 6 state solution in the 2000's era with shatigaduud but the RRA killed themselves over it, do you suggest we repeat it? in politics opportunities come once, if u lose it, it wont come again. Today a 3 state solution is being discussed and if they fail to grab it like they did with the 6 state solution in the 2000 era we could be discussing a 2 state solution of bay and bakool with lower shabelle on the table for negiotations, this could even lead to a 1 state solution in bay since bakool there are jubalanders who live there and can cause a mayhem about sacrificing their land to the RRA folks. I would suggest the RRA folks dont repeat the bad politics of yesteryear and lose more land, once you lose land, getting it back is going to be difficult, dont be reduced to BAY because the path you guys are taking now it can only lead to that because your allowing for confusion and an environment of chaos to continue which will mean other chaos factors and other tribes will start annexing their own parts of the 3 state solution and the only loser will be you at the end when it gets out of hand and the RRA are told a 3 state solution is not feasible any longer because to many clans warring over it, your going to a 1 state solution of BAY Horta taariiqda kaa qaldan. Federalism iyo wixii la mid ah maanta ma bilaaban nor did it start in in '90s. Toddobaatan sano kahor si dhab ah u bilaabatay, in late 1940s oo u horkacaayo ururkii HDM oo hoggaamintiisa labaad ahaa marxuum Ustaad Cismaan Maxamed Xuseen. Ustaad Cismaan was assassinated in early '50s by kuwa shisheeye u adeego, purely because he advocated federalism long before other Soomaalis realized for clan reasons. He advocated for regional regional states -- Afmaay speakers and Afmaxaa speakers. After Ustaad Cismaan's assassination, ururka HDM -- the only official opposition party in '60s in Soomaali parliament -- waxee hoggaanka u doorteen marxuum C/qaadir Soobe, another hero of federalism in '50s and '60s. Again during the UNOSOM times in early and mid 1990s, a regional administration sponsored by the UN was established in Baydhabo consisting the six regions in koonfurta galbeed ee Soomaaliya. Its president was marxuum Xasan Sh. Ibraahin (Xaseey), who passed away early this year. Having said that, if you are so fond of federalism, why are you against maamulka Koonfurta Galbeed? Sheekada bootada ah anaga nagama gadi kartid. Reer Koonfur Galbeed dantooda iyo aayahooda iyagaa yaqaano, lix gobol ama sagaal gobon haddee doortaan, waxbana kaama galin, lagaamana weydiinaayo. Stick with Garoowe issues you are devoted to.
  8. Bannaanbax looga soo Horjeedo Heshiiskii Muqdisho oo ka dhacay Baydhabo Dibadbax weyn oo looga soo horjeedo heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee xukuumaddu ay sheegtay inay ku heshiisiisay labadii maamul ee Baydhabo lagu dhisay ee saddexda iyo lixda ayaa maanta ka dhacay degmada Baydhabo. Bannaanbaxan ayaa waxaa ka qaygalay mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka lixda gobol oo horkacayay dibadbaxa, waxaana dadweynaha ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku muujinayaan sida ay heshiiskaas uga soo horjeedaan. Shacabka dibadbaxa ka qaybgalay ayaa ku lugeeyay waddooyinka waawey ee magaaladaas iyagoo ku qaylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Ciidamada booliiska gobalka Bay ayaa isku dayay inay joojiyaan bannaanbaxaas, laakiin waxaa ka xoog batay dadweyne careysan oo jiiray ciidamadii isku dayay inay jooojiyaan bannaanbaxaas. Didbadbaxan ayaa waxaa horkacayay Cabdullahi Maxamed Idris (Leesto) oo ka mid ah wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban iyo Yuusuf Maxamed Kheyr, kuwaasoo jeediyay hadallo kulul oo ay ku diidayaan heshiiskaas. Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Baay iyo siyaasiga Yuusuf Maxamed kheyr ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan arrimaha Muqdisho ka socda, ayna yihiin kuwo aan ka hirgeli doonin Baydhabo. Bannaabaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor ay Muqdisho ku kala saxiixdeen maamullada Koonfur-galbeed ee lixda gobolk iyo saddexda heshiis ay madaxda dowladda Soomaaliya sheegeen inay muddo ku qaadatay ka soo shaqeyntiisa. Xubnihii heshiiska saxiixay ayaa lagu wargeliyay inay dib ugula noqdaan gobolka Bay oo ay shacabka kasoo dhaadhiciyaan muddo kooban gudaheen, iyadoo aan la ogeyn sida ay taasi ugu suuro-geli karto maadaama uu maanta dhacay dibad-bax looga soo horjeedo heshiiskaas. http://www.hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta25-47158.htm
  9. Banaanbaxii Ka Dhan Ahaa Heshiiskii Sedaxda Gobol ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Waxaa maanta Baydhabo ka dhacay Mudaharaad Balaaran oo dhamaan isugu soo baxeen Bulshada ku dhaqan magaalada, Banaanbaxan ayaa loogasoo horjeeday Heshiiskii Sedaxda Gobol ee ka dhacay Muqdisho iyo Faragalinta Nicholas Kay uu ku hayo Arrimaga Koonfur Galbeed. http://www.ishabaydhaba.com/?p=59749
  10. <cite> @Che -Guevara said:</cite> What is she on about? Waxee u egtahay in lagu xantay 'madoowga' ay raacday oo ay suuqa la gashay. Xataa ciyaal xaafadda ay lasoo kortay ayaa saas ku xantay, as she says in the clip. Waa runteed iyaga Mareykanka ma keenin, laakiin balwada ha iska ilaaliso meeshee joogtaba.
  11. <cite> @Libaax-Sankataabte said:</cite> It appears this was fabricated deal. If the stakeholders of SW6 are not on-board as MMA indicated, a made-up deal is nothing more than a futile publicity stunt. It is ii dheh heshiis ah. I don't support maamul goboledyadaan, walaa lix gobol, walaa sadex gobol midna ah. Many of my family members do support dowladda Koonfur Galbeed, but I don't. Saas oo ay tahay, I can't tolerate beenta iyo buun buuninta laga wado meeshaan. I remember these same Soomaali media wey ka aamusnaayeen dhisidii iyo doorashadii maamul u sameynta lixda gobol. The same media ayaa hadda buun buuninaayo heshiis ku sheegaan. Heshiis ku sheegaan a few days kahor lagu dhawaaqo la rabay with a full media present, but Jawaari kasoo horjeestay. He was finally forced by the unseen hand of IGAD, I guess. Xildhibaanadii kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed were not present, except only the few Shariif Xasan la jiro. Also last month markuu Madoobe Nuunoow joogay Xamar waxaa la isku raacay maamulka lixda gobol (only loogu wanqalo 'maamulka kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed,' sida uu kan Kismaayo ka dhisan loogu yeeray). Madoobe Nuunoow wuu ogalaaday. Xasan Sheekh iyo Jawaari iyagana wey ogalaadeen. In the last hour ra'iisul wasaaraha ayaa damcay inuu heshiiskaan burburo, wuxuuna keensaday arrin cusub oo ahayd in kan madaxweynaha sheegaanaayo ee sadex gobol lagu daro oo jago laga siiyo mamulka lixda gobol. Madoobe Nuunoow wuu diiday, Baydhabo ayeena ku noqdeen wafdigiisa. Ra'iisul wasaaraha wuxuu u diiday maamulka lixda gobol la isku raaco waxee tahay cadaadis meelo kale ugu yimid oo markiisa hore ku heynin. Heshiiskaan hadda lasoo dhoob dhoobay ra'iisul wasaaraha ka dambeeyo badankiisa. Privately Jawaari wuu xanaaqsanyahay, he is fuming, laakiin jagadiisa ayuu ilaalsanayaa, culeys kululna IGAD ugu yimid oo ah dadka si dhab ah u maamulo siyaasadda Soomaaliya. Dagaalo horseed ah iyo barakac kale ayuu keeni doonaa heshiis ku sheegaan. Some will even join Barbaarta and Barbaarta si sahlan u qabsan doonto deegaanadaas. Dowladaan iyadaa iska dhumin doonto taageeridii yarayd loo haaye.
  12. <cite> @galbeedi said:</cite> one more thing, the ***** idea, so far is dominated by the **** group. They never spoke about Shabeelaha Hoose or even tried to change anything. They always concentrated on BAY & Bakool. so they will not decide where the region goes. The ***** who fought and are speaking for the region will decide if they will join the Shabelle thing or the Bay region. If the ***** want to join HAG no one can stop them. If the M can't fight for Jubada Dhexe where they have large population, how can they makes fight about Qoryooley or Marka. Adigaa la socon, odeyaasha wey ka hadleen, baaqna wey soo saareen maalin dhawayd. Siyaasiinta kale wey ka hadleen iyagana, Madoobe Nuunoow ka koow yahay. Madoobe Nuunoow qabiilkiisa kore waxee wadaagaan kuwa degan Shabeellada Hoose, ma'aha kuwa ku badan gobollada kale ee Gedo, Bakool, Baay iyo Jubbada Dhexe. Baaqa ay malaaqyada kasoo saareen arrinta Shabeellada Hoose, kuna socota dadka daneeya arrimaha Soomaaliya waa kan: Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay soo saareen Warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan dhibaatooyinka kasocda Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose. Halka Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Ka Soo Baxay Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed.
  13. <cite> @galbeedi said:</cite> MMA, I thought President Noone and Shariif Hassan agreed on this. Are we getting a wrong info on this?. Waxaan moodayey in labada kooxood hesshiska gaaheen. Wax heshiis galay ma jirto. Madoobe Nuunoow Baydhabo ayuu joogaa, odeyaashii dhaqanka soo dhisay maamul goboleedka iyagana Baydhabo wada joogaan. Kuligoodna wey kasoo horjeedaan heshiis ku sheegaan. Qof ka socdo maamulka lixda gobol oo u saxiixay maleh. Wasiir xilkiisa laga qaaday oo ay isku jufo yihiin kan kale ayaa wax lasoo dhoob dhoobay kala saxiixday. Doolar dad qaatay waaye, meel ay marin karaana heshiiskaan ma jirto ka ahayn dagaalo sokeeye inay u horseedaan dadkaas deegaanka. Inta ka dhageyso wareysi laga qaaday Madoobe Nuunoow (http://www.ishabaydhaba.com/?p=59685) haddaa Afmaay garan kartid. Madaxweyne Madoobe Nuunow oo Caawa Wareysi Xasaasi Ah Siiyay Warbaahinta Koonfur Galbeed Waxaa goordhaw caawa khadka telefoonka ee Ishabaydhaba ku wareysanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo aan ka wareysanay arrimihii ugu danbeeyay ee kusoo kordhay Koonfur Galbeed. Madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa sheegay heshiiskii maanta ka dhacay Muqdisho inuusan khuseyn Koonfur Galbeed, ayna ka qeybgalin. Madaxweyne Nuunow ayaa Lugooyada Koonfur Galbeed ku eedeeyay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Halka Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Aan La Yeelanay Madaxweyne Madoobe Nuunow oo Mid Xasaasi Ah. ________________________ Shaqsi ahaanteyda waligey maamul qabiil ku dhisan ma taageerin, mana taageeri dooni -- walaa lix gobol, walaa sagaal gobol, walaa toban gobol. Waligeyba waaka soo horjeeday, waana kasoo horjeedaa wax federaal (isku tag) la dhaho. Soomaali uma baahna isku tag. Wey isku tagsantahay, taariiqdoodana wey isku tagsanayd. Waa shisheeye, gaar ahaan kuwa dariska la ah Soomaaliya, arrimo ay wataan Soomaali lagu kala qeybiyo, midnimadii iyo jiritaankii Soomaaliyana si tartiib tartiib ah meesha ugu baxdo.
  14. <cite> @DoctorKenney said:</cite> Wouldn't it be better to give Shabelleda Hoose to the HAG? And then form a State with Bay and Bakool regions only? Perhaps the RRA clan can make a deal with HAG, and agree to annex a portion of Lower Shabelle in order to have a viable port, to connect this port to the rest of Bay&Bakool, and then make an agreement to allow the HAG to annex a small portion of Bay district. In essence, they can perform a land swap. The HAG could get a small portion of Bay region. And the RRA can acquire a small portion of Lower Shabelle, so that they have a port which connects them to the ocean. Shabeellada Hoose halkee ku taalo iyo inta degmo ay tahay ma taqaan? Micnaha degmada 'Afgooye' loogu bixiye ma taqaan? Haddaadan ogeyn ama aad iska indhatireyso, hadda baro. Shabeellada Hoose waxee ka koobantahay Afgooye, Marka, Baraawe, Qoryooleey, Wanlaweyn, Awdheegle iyo Kunturwaareey. All but one are Afmaay speakers. Only Marka iyo deegaanka Shalaambood ayaa deegaan ahaan ah Afmaxaatiri speakers, dadkaasna ma'aha kuwa maanta xoogga ku heysto deegaanadaas oo maalin dhawayd qabsaday. Inta kale Afmaay speakers ayaa degan, oo ah: Afgooye, Baraawe, Awdheegle, Qoryooleey, Wanlaweyn iyo Kunturwaareey. Baraawe Afmaay speakers waxaa la dego Reer Baraawe oo ku hadlo afka Jimwiini oo Sawaaxiliga u dhow. Sida Marka iyadana sidaasoo kale waxaa deganaan jiray oo laga ciribtiray dadkii aasaasay degmadaas, Reer Marka oo Afmarko ku hadlo. Aan u soo noqdo sababta degmada Afgooye af gooye loogu bixiye. Waa waa meesha ay taariiq ahaan Afmaay iyo Afmaxaa tiri ku kala bixi jireen, walina ku kala baxaan. Wixii Koonfur ka ahaa Afgooye Afmaxaatiri loogu hadli jiray, wixii Waqooyi iyo Galbeed ka ahna Afmaay loogu hadli jiray, walina loogu hadlaa. Teeda kale yaaka talin jiray deegaanadaan oo xarun u ahayd Afgooye. Suldaanadii Afmaayga ku hadli jiray ka talin jiray. Meesha kale deegaanada kale Koonfur Galbeed loogu talin jiray waxee ahayd Luuq, another Afmaay town. Along with Baardheere, another town whose speakers speak Afmaay. ________________________ Heshiis ku sheegaan dad heshiiye maleh. Laba nin ilma adeer oo isku laf (midkooodna yahay Shariif Xasan walaalkiisa oo booska beenaadka u haayo) ayaa sadex doolar soo qaatay. Waa isku laf jufo hoose aanan bulshoweynta Koonfur Galbeed matali karin kana socon, deegaanka balaaran Koonfur Galbeedna matalin ayaa buug iyo qalin loo dhiibay. Labada nin waa Maadeer iyo Geeseey, oo waxba u heynin bulshoweynta Koonfur Galbeed. Wax heshiiye iyo gobollo la isku daray ayaaba iska yar. Dadkaan buunbuuninaayo heshiis ku sheegaan iyo kuwa mucaaradka ku ah deegaan aynan kasoo jeedina sheegaanaayo yeenan iswaalin. Heshiis dhaqan galaayo iyo mid meel u socdo midna ma'aha. Fedaaral iyo isku dar dar iyo isku walaaqidba mid Soomaaliya iyo Soomaalida dan ugu jirto ma'aha, mana ahaan doonto. Waxmagaratada dan mooday ha ogaadaan jiritaanka Soomaaliya oo jirto ku xirantahay tuuladiisa jiritaankeeda; Soomaaliya oo hormarto ayee ku hormareysaa; Soomaaliya oo baaba'do ayee ku baaba'eysaa; Soomaaliya oo nool ayee ku nooshahay. Taas ha ogaadaan.
  15. <cite> @Che -Guevara said:</cite> My bad, I meant Mexico. Brazil is happy they are not facing the Netherlands. Ameeba Holland u sahlanayd. Jile waa koox aad u adag, waliba si qiiro leh ku ciyaaro. Tababarahooda xataa inuu garoonka soo galo wax yar ugu dhiman markee ciyaarayaan.
  16. You need to log in to Facebook in order to see it, I guess.
  17. Candhuufna ha tufin. Hooyooyinkana faraha ka qaad.
  18. Kheyr, why am I? See camal. I was a Jarmal difooso ever since aan caqli yeeshay in my very first Ciyaaraha Adduunka I can remember, which was in 1986. That is a 28 years being a fan. Gaana maxee ii sheegeysaa. I would rather cheer for Boosniya oo Muslimiin wada ah iyo Aljeeriya. Showqi, ii waran, widaay. Waa lagu xareystay miyaa? Hambalyo hee. Laakiin aniga Jarmalka ciyaarahooda u horeeyo kama walwali, oo koox adag aan isku haleeyo inay gaaraan samifaaynalka ama faaynalka. Inta hore wa 'baroowe janaraalo.' Kuwa dambe ayaa Oktoobar ah.
  19. Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya
  20. Shir Jaraa’id Maanta Ka Soo Baxay Madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shir balaaran ay ku yeesheen Baydhabo kaga hadleen dibindaabyada ka dhanka ah Koonfur Galbeed ee kasocota Magaalada Muqdisho. Gudoomiye ku xigeenka Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Suldaan Siraaji Aadan ayaa shirka jaraa’id u akhriyay Saxaafada, wuxuuna kaga hadlay Shirka Jaraa’id Arrimo badan. Sidoo kale Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Malaaq Xasan Shure ayaa baaq kama danbeys ah u diray Xubnaha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Malaaq Xasan Shure ayaa sheegay in Maamul xalaal ah ay u sameyn doonaan Gobolka Baay gaar ahaan Magaalada Baydhabo, “wixii hada ka danbeeya ma jiri doonto in lagu takri falo Canshuurta laga qaado Shacabka Baydhabo” ayuu yiri Malaaqa. Halka Hoose Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Maanta Kasoo Baxay Madaxda Koonfur Galbeed.
  21. Maalin cad been la isku sheegooyaa, la ismaaweelinaayaa. Dad waxeenan rabin sandulisnimo laguma marsiin karo. Shariif Xasan maalin cad xoog loogu saaray Baydhabo bilooyin kahor, awood uu ku hirgaliya wuxuu watay markee u socon weysay laba gacansaar ah inuu doolar u dhiibo ha dhaho waala wada heshiiye. Yaa heshiiye, yaana la mataloyaa. Yaa waaye dadka kala 'saxiixday' waxaan? Geeseey? Yuu matalaa Geeseey? Jagadiisa wasiir xataa waa laga qaaday. Afeeyga oo Axmed Madoobe fadhiyo Kismaayo la jiro ayaa iska dhigaayo 'beesha caalamka.' Shir ku sheegaan intee la marsiin doonaa. Malaaqyadii maanta ayee ugu kacsanyihiin. Suu waa hore Yalaxoow u yiri, gurbaantii la xaday meeshii lagu tumi lahaa la rabaa. Waa qalalaaso ka abuur deegaano nabad ah. Waana mid Barbaarta u sahli doonto si sahlan inay kusoo noqdaan deegaanadii laga qabsaday.