-
Content Count
17,651 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Aaheey. Kursigii lagu bahdili jiray kuwa sheegto madaxda Soomaaliyeed. For visual reference: Madaxweyne Sh. Shariif Guddoomiye baarlamaan Sh. Aaden Madoobe Guddoomiye baarlamaan Shariif Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid C/raxmaan Faroole Daahir Riyaale Ra'iisul wasaare Nuur Cadde Axmed Siilaanyo Ra'iisul wasaare Geedi Ra'iisul wasaare Farmaajo Ra'iisul wasaare Gaas Ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Xataa gudoomiyihii hore ee jabhadda UWSLF ee Soomaali Galbeed
-
Gaas is 45% chance out of 100%. Muuse is 68% chance out of 100%. Madoobe 15% chance out of 100%. Shariif is 28% chance out of 100%.
-
Iyagoo Garoowe u doodaaye, Garoowe amaanaayo ku filnaan lahayd intee Xamar iyo dadka degan ka been abuurayaan. See u hadeen waa qaabdarro iyo nuskeeda.
-
Cabdi Ileey just met the newly selected Xabashi leader. So my question is who will be the first hoggaamiye maamuleed from Soomaaliya to fly to Adisababa and make a proper siyaaro? Will it be Shariif, Muuse, Gaas or Madoobe? I will give a month or so to any one of them to make the first siyaaro in order to get the latest daba dhilif update from newly released Xabashi version (err, leadership) so they can sucessfully run the program without glitches.
-
Muqdisho just hosted a mini marathon, opened by Soomaali legend Cabdi Bille Cabdi. 360 orodyahan oo ka qeybgalay tartan marathon oo ka dhacay magaalada Muqdisho Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay tartanka maalinta horumarinta ciyaaraha adduunka ee orodka gaaban, kaasoo loogu magac daray Muqdishu Mini Marathone. Tartanka ayaa waxaa ka qayb galayay 370 orod yahan oo ka kala socda 17-ka demo ee gobolka Banaadir, iyadoo degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo da’ yar ah. Tartanka oo kasoo billaawday Aargada KM 4 laguna soo gabagabeeyay KM O, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji Yabaroow iyo masuuliyiin kale. Maalinta caalamaiga ah ee horumarinta Sportiga Adduunka, ahna Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho 6-da April ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay quburo ku xeel dheer Orodka uu ka mid ahaa halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo tababarayaal kale oo Taariikh ku leh dalka Soomaaliya. Orodka oo ahaa mid xiisa gaar ah leh ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Xasan Iidoow Xasan oo ka tirsan Ciyaartooyda xulka Qaranka Horseed, halka kaalinta Labaadna uu galay C/salaan Maxamed. Halyeey Cabdi Bile Cabdi oo ka mid ahaa martidii ka qeybgashay tartankaasi ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda Marathone-ka Soomaaliya, doorkii uu kasoo qaatay, wuxuuna ammaanay niyadda ay u hayaan Dhallinta cusub inay ka mid noqdaan Orod yahannada Caalamka, kuwaasoo sida uu sheegay u haya Orodka niyad iyo han fiican, wuxuuna ugu mahad celiyay waalidkii u oggolaaday iyo Macallimiintii ku soo barbaarisay. Ugu dambayntii waxaa halkaas Billado isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar lagu kala guddoonsiiyay Saddexdii Orod yahan ee kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana Billadda Dahabka hantiyay Cali Iidoow Xasan oo 19 jir ah una dheela xulka Qaranka Horseed halka kaalinta Labaadna uu galay C/Salaan Maxamed. Xigasho
-
Least populated gobol with most xildhibaanno
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
178 xildhibaan yaa mushaar u haayo. Would it mean for every 1,000 resident in that region will have one xildhibaan? -
Aan xildhibaan noqdo, mar lee xildhibaan in dhaha meel xun ee gaartay. Read on. Munaasabadda Midaynta xildhibaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu qabtay Dhuusomareeb Magaalada Dhuuso-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa xalay lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayay Xildhibaanada maamulki Ahlusuna uga mid noqonaya Baarlamaanka Maamulka Galmudug,si loo dhaqangeliyo heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca. Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa madaxda maamulka Galmudug iyo xildhibaanada la isku daray,kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 178-xildhibaan oo ah guud ahaan Golaha Baarlamaanka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada maamulkaasi Shiikh Max’ed Shaakir Cali Xasan ayaa si wada jir ah u saxiixay Liiska xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Galmudug. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda isku dhafka labada dhinac ee xildhibaanada ayaa kula dardaarmay Baarlamaanka Galmudug in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa deegaanada Galmudug. Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa tilmaamay in lagu guuleeystay isku dhafka xildhibaanada ayna tahay horumar lagu talaabsaday,isagoo dhiirigeliyay midnimada iyo wada jirka Galmudug. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa xusay in tani tahay dhameystirka heshiiska labada Maamul islamarkaana ay qayb ka qaadan doonto nabadeynta deegaanada Maamulkaasi,wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Xaaf in Galmudug ay cagta saartay dhabihii horumarka. Xigasho
-
No sane Soomaali was against when Boosaaso was paired with Minneapolis as a twin city in 2014 ee marka maxaa quuqdaan now. Soomaalidaas waa inay xaasidnimada iska daayaan, ee mana ahayn inay qabyaaladii fadhi ku dirirka la soo shirtagaan - ayaandarro ahaa.
-
Controversy over proposed St. Paul-Mogadishu sister city agreement Controversy brews among several Somali residents in Minnesota over a proposed sister city agreement between St. Paul and Mogadishu. For many Somali immigrants, St. Paul is home. Imam Hassan Mohamud and Kassim Busuri represent two of four St. Paul mosques working toward making St. Paul Mogadishu’s sister city. “Somalis see [St. Paul] as their second home,” Iman Hassan Mohamud said. “Every Somali person, name it where he is coming from, is excited and happy. This is what you call unity.” “If our children see that there’s a sister city with St. Paul and Mogadishu, they can claim and say I have a home here,” said Busuri, the Director of Islamic Dawah Center. However, the St. Paul-Garoowe Sister City Project, formerly known as Minnesota Friends of Puntland, is against the move. In a statement to Fox 9 they called the effort “premature and unrealistic.” They also suggest the partnership would “reward a city where their peoples’ properties were looted, and [where their people] were killed or forced to flee.” “The fact is Mogadishu is plagued by terrorist attacks with no end in sight,” the organization said in a press release. “We are vehemently opposed to the formation of this relationship. If allowed to proceed it will only embolden and benefit those who support extremist, anti-west elements.” “I own a home in St. Paul,” Busuri said. “The person that’s opposing this project isn’t even from St. Paul. They just want to bring the politics of Minneapolis where they can’t even run a convention.” According to Busuri, those opposing the St. Paul-Mogadishu sister city effort took a stand in December when it was on the city council’s agenda. Now, those in support of the effort have started working to meet and seek a resolution. “I have no financial interests in this, I have no personal interests in this other than to make sure the generations to come—of my children, their children—they can see the symbolism of having the country, where I’m from, that’s their country too,” Busuri said. The St. Paul-Garoowe Sister City Project would like to see Garoowe City become St. Paul’s sister city instead of Mogadishu. “[Garoowe City] was chosen due to its rapid development in economy, infrastructure development, and civic engagement…The city has also taken strong measures to curb terrorist group Al-Shabaab thereby denying them to gain foothold in the region,” a press release said. The group said the St. Paul-Garoowe relationship would boost the city’s commitment to democratic ideals and serve as an example for the rest of Somalia as to what can be achieved if free elections are held and extremists are defeated. A sister city is a long-term partnership between two communities in two countries, according Sister Cities International. President Dwight D. Eisenhower founded the organization in 1956. Xigasho
-
You know qashinka uu qoro hal biriqsi ayaan ku tirtiri karaa since it is against SOL's rules, but qashinkaas qofkii aqriyo ayaa ka waalan. And unlike dabeecadaha qaabka daran Waqooyiga loogu dhaqmo, guri sharaf iyo heybad leh ayaan ku soo koray, afkeyga iyo gacanteyda kama soo baxayaan ereyo xun oo umaba dhalan, unlike qashinka ka soo yeero the so-called leaders from Waqooyiga, like Feysal Dhurwaa iyo Muuse Ooyaaye iyo the dying breed of secessionist on here. Waa loo dhashaa wanaaga. I had never seen a Reer Koonfur leader u jawaabaayo Feysal Dhurwaa's caay iyo aflagaado in the last 10 years; not Sheekh Shariif, not Xasan Sh. Maxamuud, not Farmaajo. Not even Salaad Cali Jeelle or Muuse Suudi did. That alone tells you wanaaga waa loo dhashaa oo la isku barbaariyaa. Marka qof iga hooseeyo inaa isla simo nafsadeyda ayeeba meel ugu dhaceysaa, as much as one desperately tries to get a slight response from me. We are also very tolerant, unlike kuwa maamulo Hargeysa xataa dhaafeynin gabdhaha iyo wiilasha yar yar oo Xamar tago. Dad aan ishubin ayaa saas u dhaqmo, no wonder claiming being the descendants of mythical Qureeshi father figure iyo habar Xabashi ah - dad waxaas sheegto iyo ka soo jeedkaas ishubid la'aanta iyo iska shakisanaanta nafsiga ayaa keento, taking their frustration on Soomaaliya iyo Soomaalida dhabta ah oo aaminsan Soomaalinimo 100%.
- 10 replies
-
Highest domestic 1st quarter revenue
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
This revenue is only collected from Xamar. It is a start we needed. It is also transparent, la isla xisaabtan. Comparing our situation to Sacuudiga iyo Mareykanka is like comparing a toddler socod barad ah to Usain Bolt. We will get there Rabi hadduu idmo. -
Mr. Jawari survives Mogadishu unlike in SOL country
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Old_Observer's topic in Politics
Saaxiib, I am for Soomaaliya's interest and anything that can move to forward. Mooshinkaan iyo wixii la mid ah is not helping. Qalalaase iyo balaayo abuur waaye, dib u socod. Also what exactly is this complaint against Jawaari about? No body knows. It is only because intaanan la i tuurin aan tuuro, mistrust in the highest older, which is totally not helping predicament Soomaaliya is in currently. Known spoilers, Soomaaliya's haters in and outside are taking advantage of this. It is also against the promises Farmaajo, Jawaari and Kheyre made, that no more isqabqabsi. It is not also about clan, the two sides have equal supporters from every clan and subclans, same way both sides have the known spoilers as supporters. Kheyre has Shariif Xasan and his controlled xildhibaano. There is Aaden Madoobe, who wants to come back as guddoomiye baarlamaan, which will be shameful. Jawaari on the other hand is supported by Cumar C/rashiid and Fiqi, Mahad Salaad and co. It is classic my enemy's enemy is my friend. There are also some genuine daljaceyl xildhibaano on both sides, like Sakariye Maxamuud on Jawaari's side and Dalxa on Kheyre's side. Some are equally confused, but are supporting the side they think is right. Eebbe ha sahlo amuuraha. -
Waa war wanaagsan oo wacan. More dollars into Soomaaliya's revenue collection agency due to expected airspace fees by Turkish Airlines. Good job to the Turkish consul based in Hargeysa that comes under the the embassy based in Muqdisho. Secessionist media finally calling a spade a spade, calling him a 'consul.'
- 10 replies
-
Mr. Jawari survives Mogadishu unlike in SOL country
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Old_Observer's topic in Politics
Oh, yaa Xabashi, don't you dare to butcher the great maahmaah of baroorta orgiga ka weyn. Plus, who exactly on SOL was for or against Jawaari? I don't think there hardly was anyone. No one was supporting him neither was there anyone wishing him gone. It is just unnecessary political squabbles, which Soomaaliya doesn't really need in this juncture. -
Highest domestic 1st quarter revenue
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wasiirka madaalaha ee ugu waxqabadka badan. Mahadsanid wasiir Mudane Beyle. Rabi hadduu raali ka dhigo in the coming quarters there will be more revenues into tax ministry because of new airspace fees and the just implemented goods and services tax. -
Somalia’s Ministry of Finance Raises over $42 in Domestic Revenue in Three Months The Ministry of Finance of federal government of Somalia has marvelously succeeded to collect the highest revenues in a single quarter of a year for the first time since 1990 when Somali central government was toppled. Abdirahman Beileh, the minister of finance said the ministry raised millions of dollars in domestic revenues following successful efforts to increase the sales taxes and other tax incomes. The government launched high engineered tax collection campaign in 2018 as part of efforts to win billions of dollars to pay international debt relief. Mr. Beileh said the revenue is up to historic levels as reforms also were ongoing at a steady pace. “Held the High Level SMP Committee meeting @MofSomalia today with @AmbGamal and his team from @MoPIED_Somalia Partnership is central to our progress. We will & must build on our national progress together #Somalia,” Beileh said in a twitter post. Adding “Honoured to have discussed fiscal progress with @SomaliPM @MofSomalia offices today. Revenue is up to historic levels for quarter 1 & reforms are ongoing at a steady pace. Much has been achieved & more will be going forward #Somalia.” Recently released European Union report has commended the government’s work to raise revenue for the country to get debt relief. The report says the government has so far collected 42.5 million in domestic revenue since the beginning of this year. EU noted that the amount is the highest revenue collection in a single quarter ever recorded in recent history. According to the Ministry, the domestic revenue was up to $141 million in 2017 from $110 million in 2016 as some progress was made last year to improve the revenue. The tax agreements have been reached with airlines and telecom companies, and an income tax exemption for parliamentarians has been reversed last year, giving the government more revenue. The government is struggling to pay its external debt of about $5.2 billion, according to the IMF. Somalia has not made a service or amortization payment since civil war broke out more than 25 years ago. Xigasho
-
Been been looguma haraayo tuugada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Tallaabo, since when did you become a dying breed of hardcore secessionist? Liintii waalasha maa lagu soo dhandhansiiye. I still have hope for you, unlike kuwa kale marqaansan. Every inch of Soomaaliya Soomaali ayaa leh - that includes Berbera, Buuloxaawa iyo Aato. Unlike dying breed of hardcore secessionists, we don't differentiate deegaanada, badda iyo hawada Soomaaliya. Kuligooda anagaa wada leh ee meel goof ah ha isku oodin. Dhulkeena Rabi ayaa noo weyneysiiye ee meeshaa rabtid ka daaq. -
Abiy Ahmed will be the new PM of Ethiopia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Yoonis, ishaa ka tuurtay. Xabashi bot thinks inuu bootadiisa naga dhaadhacsiin karo. -
Been been looguma haraayo tuugada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Danjiraha iyo dowladda aad iyo aad ayee ugu mahadsanyihiin. Onward and forward - horusocod, horumar iyo horseed Soomaaliya. -
Dowladda Soomaaliya Dacwad Culus ka gudbisay Imaaraaadka & Saldhiga Milateri ee Berbera Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta oo ku saabsan saldhig milateri oo Imaaraadku ka dhisayo magaalada Berbera u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Q/Midoobay Abuukar Cabdi Cismaan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in tallaabada Imaaraadku qaaday ay halis ku tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana amniga gobolka dhibaato ku keeneyso. Waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay golaha ammaanka ah ee Q/Midoobay inuu qaado tallaabooyin wax looga qabanayo xad-gudub ay ku sheegtay inay Imaaradka Carabta ku sameeyeen shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida Soomaaliya iyo cuna-qabateyntii hubka ee saarnedy Soomaaliya. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo koobaya warbixintaasi. Tallaabadan ayaa tii labaad ee dowladda Soomaaliya u qaado inay dowladda Imaaraadka ka dacweyso ururrada caalamka, iyadoo hore qoraal ku saabsan shirkadda DP World u geysay Jaamacadda Carabta. Arrintan ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay go’aankii ugu adkaa ee dowladda Soomaaliya ka qaadato Imaaraadka Carabta oo faragelin weyn ku haya dalka Soomaaliya. Xigasho