-
Content Count
17,651 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Holac, you reminded me my brother being nominated for wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta in 2015, dowladii Cumar C/rashiid. He was in London and wasn't even consulted if he wanted to be a minister. He saw his name online. Suddenly within hours, though, his phone kept ringing, being called by agaasimayaasha shirkadahaan, xildhibaanno and others, not to congratulate but seeking wax aad iska ogtahay. He was surprised, telling them he wasn't even confirmed and is not even in Xamar. Calaa kuli xaal, he didn't become one because wasiiradaas baarlamaankii ayaa diiday since few of the nominated wasiirro were members of baarlamaanka.
-
Sababta keentay in wasiirkii awqaafta xilka laga qaado iyo fadeexadda musuq-maasuq ee xukuumadda Xasan Macallin Xuseen waxaa wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta u magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre 22-kii bishii May ee sanadkan 2018-ka, waxaana xilkan uu hayay muddo ku siman labo bilood. Wasaaradda waxey shaqadeeda ugu badan tahay maareynta arimaha xajka iyo cumrada oo loo aado magaalooyinka Barakeysan ee dalka Sacuudiga iyadoo kaa shaneysa shirkado gaar loo leeyahay kana shaqeeya duulimaadyada oo awood badan yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka , waxaana qaarkood wax ku leh siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Wasaaradda ayaa isla sanadkan waxa ay qiimo dhimis ku sameysay qiimaha xajka lagu aado oo markii hore ahaa $3,800.00 oo doller waxana ay ka dhigtay $3,300 iyadoo tixgelineysa cabasho xujeyda ka gudbiyeen lacagaha faraha badan ee xajka looga qaato, oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida deegaanka, basaska, nolosha 6da maalmood xajka, viisaha, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale. Markii uu qoraalka lacagtaasi lagu dhimayo soo baxay waxaa bilowday muran iyo khilaaf xoogan, shirkadaha ayaan cabasho ka gudbiyay wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta, waxaana xusud mudan in wasaaradda ay lacag dhimista kala tashatay shirkadahan: 1: Shirkadda Daalo Airlines 2: Shirkadda Jubba Airways 3: Shirkadda Ocean Airways 4: Shirkadda African Express 5: Shirkadda Freedom Airlines Waxaa kaloo muhiim ah inaad ogaato: muddo kahor adeegga xajka waxa fududeyn jiray guud ahaan Soomaaliya labada shirkadood ee kala ah Jubba Airways iyo Daalo Airlines oo iska heystay mashruucan wasiir walbo oo la magacaabana iyaga ayuu ku aragti ahaan jiray, waxa ayna wasaaraddu ku soo dirtay 3 shirkadood oo cusub, sidaas awgeed 5 shirkadood ayay wasaaraddu kadhigtay shirkadaha fududeynaya adeegga xajka sanadkan, waana halka saldhigga u ah muranka arimaha xajka. Sida caadiga ah shirkadaha u adeegga Xujeyda waxaa Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudigu ka doonaysaa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah si shaqadaas u qabtaan, haddaba shirkadaha cusub ee lagu soo daray shirkadaha bixinaya adeegga xajka sanadkan waxaa ku adkaatay in ay buuxiyaan shuruudaha ay boqortooyada Sucuudigu uga baahan tahay in laga helo shirkad walba oo qabaneysa ama fududeyneysa adeegga xajka. Waxaase soo ifbaxday in shirkadaha cusub ay diyaar u yihiin inay qabtaan adeega xajka iyadoo xujaydu ay ku sii hakan doonaan (transit) wadamada deriska sida Djabuuti iyo Kenya oo horay aan u jirin. Shirkadaha cusub oo wasaaradda ku soo dartay ayaa kala ah Ocean Airways, Freedom Airlines iyo African Express waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qiimaha xajka iney ku qabtaan sidii wasaaradda awqaafta soo saartay oo ahaa 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar) halka shirkadaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines, ay rabaan inay qiimaha xajka ku qabtaan sidii sanadihii hore oo ahaa $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar). Sababta keentay in xilka laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta Xasan Macallin Xuseen ayaa ah inuu dhexda ka galay is qabqabsi ka taagnaa Arrimaha Xajka oo ay isku hayeen shirkado horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka si rasmi ah ugu sheegtay inaan la aqbali karin shirkadaha cusub isla markaasna Jubba iyo Daalo ay yihiin shirkado leh System iyo guryo la dajiyo Xujeeda. Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka usoo bandhigtay laba shurudoo: 1) In xajka loo dhaafo Shirkadihii horey u heystay maadaama waqtiga xajka la joogo haddana aan laga gaarin in shirkado kale lagu soo daro. 2) In sanadkaan la baajiyo Xujeyda Soomaalida. Wasiirka ayaa qaatay in loo dhaafo Shirkadihii hore isla markaasna wuxuu saxiixay in Jubba iyo Daallo ay howshooda wadan karaan waana sababta keentay in xilka laga qaado sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow wasiirka. Waxaa la sii dhaafayaa xiligii uu soo bixi lahaa dal kugalka ama Fiisaha xajka, illaa haddana lama xareyn oo waxaa go’aan lagama gaarin arimaha kor ku xusan oo la isku hayo, iyadoo laga cabsi qabo wali in Xujeyda Soomaaliyeed ay baaqdaan sanakdan. Xajka ayaa noqday ganacsi laga sameeyo dhaqaale badan taas oo sababtay in uu billawdo tartan xoogan oo ka dhexeeya shirkadaha duulimaadyada dalka, waxaana suurta gal ah in shirkadaha faa’ido doonka ah ay waxyeelo u geystaan gudashada ruknigan weyn ee ka midka ah shanta tiir ee Islaamku ku dhisanyahay. Xigasho
-
Xujeydii Soomaalida oo qarka u saaran inay sanadkan ka baaqdaan Xajka Xujeyda Soomaalida ayaa qarka u saaran inay ka baaqdaan xajka sanadkan kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay xaalad jaha wareer ah ka abuurtay qaabkii xujeyda Soomaalida sanad kasta u xajin jireen. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faragelin ku sameysay nidaamkii xajka Soomaalida oo xirnaa muddo dheer Shirkadda Jubba Airways oo qeyb ka siisay shirkadda Daallo, waxayna amar ay soo saartay ku sheegtay in Xujeyda sanadkan ay qaadi doonaan Shan shirkadood oo kala ah: Jubba Airways Daalo Airlines Ocean Airways Freedom Airlines African Express Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo aan wax xiriir ah la sameyn Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana hore u jiray heshiis adag oo ka dhaxeeyay Amiirada Sacuudiga ee Xajka qaabilsan iyo Shirkadda Jubba Airways, xiriirkaas oo qaab qarsoodi ah ku socday isla markaana hanti badan lagu kala qaato, ayna awoodi waayeen dowladihii hore inay kala furaan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya dhinaca kale oo rogtay in qiimaha xajka laga dhigo $3300 halkii uu hore u ahaa $3,800.00, taasoo ay u hoggaaansameen shirkadaha kale ee aan ahayn kuwii hore u heystay Xajka. Waxaase arrintaasi ka hor yimid Shirkadaha Jubba iyo Daallo. Ka sokow shuruudaha laga rajo shirkadaha diyaaradaha ee xujeyda qaada, waxaa Soomaaliya u wehliya dano shaqsiyeed oo muddo dheer soo jiray, kuwaasoo dowladda Soomaaliya looga fadhiyey inay si farsamo ah u xaliso ka hor inta aan laga soo saarin go’aan aan la ogeyn inuu ka fuliyo dhinaca Sacuudiga, ayna ka horjeedaan shirkadihii mudada dheer heystay leynkaasi. Shirkadda Jubba oo ay wehliso Daallo ayaan wax war ah kasoo bixin, waxayna Jubba Airways awoodi weysay inay dib u soo celiso dadii ay Cumrada u qaaday sanadkan oo ku xayirmay Sacuudiga, iyadoo hadda ay xaaladdii Xajka iyo xujeyda Soomaalida galeen mugdi iyo jahawareer laga cabsi qabaa inuu khilaaf iyo qorshe la’aan ay dhalisay xukuumadda Soomaaliya sanadkan u baaqo xajkii Soomaalida. Xigasho
-
Wax ifiskaaga dhanka qabyaalad bas mee wax ka arkaan? Jubba iyo Daallo far too long and decades ayee Soomaaliya monopoly ka wadeen, enriching their fat pockets by exorbitantly charging as they please against masaakiinta soo xajineyso. It is about time other smaller airlines get a fair chance for a fair playing field and have their share of dalkugalka Sacuudiga (fiisooyinka xajka). You also interestingly left the other two small airlines that were given some xaj visa quotas, namely Freedom Airlines and African Express.
-
Abdikarim Qalbi-Dhagax Released from Prison
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Halyeey halgame Qalbidhagax waxaa ugu digaa inaynan magaciisa isticmaalin kuwa dowladdiidka ah, waligoodba fowda iyo fidno lagu noolaado rabo. Heer xataa ay u wada dhoofeen Nayroobi see iskugu soo sawiraan Qalbidhagax dhamaantooda ee gaareen. -
Galbeedi, the good barfasoor was bothered by bootada Muuse Suudi iyo ereyadiisa in 2012. He didn't know Muuse Suudi and his warlord mentality folks waxaas booto ayee ka tahay. He did that to C/qaasin in 2000, C/llaahi Yuusuf in 2004 (the famous kaba ka waa weyn phrase) to Maxkadamaha in 2006, who dhag jalaq u siinin. His buffoonery booto was well-known. Now you see meeshuu ku dambeeye, wax ka war qaatana jirin - a junior member of Aqalka Sare, powerless. I guess however the good barfasoor's psyche was damaged by the semi-literate warlord's words - it really hit him hard. Perhaps decades being away from Soomaaliya dhaqankii ka badashay, gaar ahaan dhaqanka Reer Koonfurta. Because of Muuse Suudi's words, he now claims to be a secessionist. Muuse waa inuu maslaxeeyaa ninkaan.
-
'RRA' ha inaga baxaan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Faradheer bud ayee wax ku maqlaan iyo periodical karbaashid. They enjoy that, it seems, falsely assuming it gives one power. If they want that, they will receive it then. -
Dowladda Soomaaliya should milk kii noo yimaado, laba taano ama laba bilyan ha keeno, we will gladly accept without any preconditions. If they come with strings attached or some kind of quid pro quo expectations, ka kac aan leenahay. They are just mad Turkiga did so much for us in such a short period of time than they had ever done. Soomaaliya inay iska curyaan ahaato ayee iska rabeen, periodically giving hand bags full of cash to whoever claimed to be a Soomaali president that visited. This government showed them waxaas ma soconeyso, that we are natural resource-wise could even be wealthier than their desert lands. I also remember hearing those rumours back in '90s when UNOSOM was in Soomaaliya that those fat Khaliiji soldiers from Sacuudiga and Imaaraadka spent much of their time in their bases near dekedda with gabdho Soomaaliyeed ay fara xumeeyeen where as ciidamadii Bakistaamiinta iyo Turkiga were leading, trying hard to help their Soomaali Muslim brothers. Now I know those rumours had been true. They never changed.
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa mar kale iyo Kowda Luulyo, Soomaaliweyneey. Aan u duceyno awoowayaasheena iyo aabiyaasheena gobonnimodoonka ahaa. Eebbe janadiisa fardowso haka wada waraabiyo intii Soomaaliya u soo wada halgantay dhamaantood. Soomaaliya ha noolaato, ha jirto, ha waarto. -
New tactic for aqoonsi from the foreign minister of Somaliland
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Yuu u khudbeynaayaa? Darbigaa? Mise shirka koox koox ayaa loo kala baxay oo intiisa yareyd u jeedinayaa? But knowing how majnuun he is, I wouldn't be surprised if he is addressing the wall. Even in the 1980s when he lived in government-owned housing projects of Afrikaan Filaj (African Village) on xaafadda Kaasabalbalaare, he was still as majnuun as he is now, siiba bahashii xumeyd aad u cabi jiray. Ironically, he now bashes this same Kacaan government that gave him housing and provided a lush job. -
'RRA' ha inaga baxaan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waxyaabihii muhiimsanaa dhaqankooda waaka booday. Koow: Waa dad shaqada aad ugu dadaalo, shaqadee tahayba. Shaxaad dhaqankooda ma'aha, ceeb ayeena u arkaan shaxaadka. Laba: Balwadaa ku yar, siiba dagaaladii ka hor, waana dad qunyar socod ah oo muuminimada ku adag, waa sidee macalin dugsiga ugu badanyihiin. Sadex: Fadhi ku dirir kuma arkeysid, xataa maalmahee fasax yihiin fadhi ku dirir iyo qabyaalad waqtigooda kuma dhuminayaan. Xataa online Soomaali forums and baraha bulshada kuma arkeysid haddaa si fiican u fiirisid. Qabyaalad iyo reer difaac in meel lala soo fariisto yax yax ayeeba la tahay. Dhaqanadaas kor ku soo sheegay waxee la wadaagaan Reer Koonfurta qaarkood, sida Reer Banaadiriga, Reer Xaayoow, Jareerweyne iyo Reer Waamo. Waxaa keenana waxee tahay reer guuraa ma'aha. Reeraha deegaankooda tabcada (sida beeraha iyo malaayga) wey ka dhaqan duwanyihiin geeljirta, camalkoodana aad u deganyahay. -
Xusuus waayo waayo ah ayaa gishay yaah. Walaalahey iyo abtigey amaa meesha ku kulanteen. Waagaas Talyaaniga ayee deganayeen. Modena magaalo la dhaho inay degnaayeen filaa. Anigana waayo waayo ku saabsan 1990 Ciyaaraha Adduunka aan galee. Anagoo fiirsaneyno ciyaar ka mid ah ayee korontadii tagtay. Ciyaar kulul ayee ahayd, waxaana filaa inay Kaamaroon ciyaarayeen. Aniga iyo walaashey waa sugi weynay, reerka nagu dhagan naga dambeeyeen ayaa matoor u yaalay oo isla markii shitay. Anaga isla markii iyagaa aadnay, waa markii noogu horeysay aan u tagno guri kale telefashin daawashadiisa. Reerkaas inay Reer Waqooyi ahaayeen ayaa ogaa, laakiin dagaalada ka dib ayaa waxaa sii ogaaday inay Reer Awdal ahaayeen. Inaa taqaanid laga yaabaaba maxaa yeelay dhamaadkii sideedamaadkii ayee reerkaas dad ka wada tirsan shil gaari ku dhamaadeen, shilkaas oo ka dhacay buurta Sheekh, iyagoo ku sii jeeday deeganadooda. Wiilkooda oo ciyaal xaafadda ahaa ayaa ka badbaaday shilkaas, Xamarna lagu soo celiyey si loogu daaweeyo. Ciyaal xaafadda Khaalid Qaldaan u yaqaaneen wiilkaas. Hadda inuu Boorama ku noolyahay jeclahay oo abwaan inuu yahay filaa.
-
I didn't think Jarmalka would succumb to this, too. They were too arrogant and their manager was too stubborn as well not changing their tactical formations. He should have known from game one versus Meksiko that it wouldn't work, especially his persistence of playing useless Werner upfront alone and exposed in three games in a row.
-
Reer Ceerigaabo oo bannaanbax dhigay, bannaanbaxaas ay ugu soo horjeedaan ganacsatada ka soo jeeda Koonfurta, gaar kuwa afka Maayga ku hadlo ugu yeeraan 'RRA.' Su'aasha waxee tahay intee ganacsatadaas isku fidinayeen meesha iyaga intee jireen? Ma jiifeen oo hadda mee soo baraarugeen? Marqaan maa lagu maqnaa? Shaxaad maa lagu noolaa?
-
Jarmalka waa isceebeeyeen, especially Hummels` terrible misses. Faarabuuto, fidibutaano, fidilikaano, iskiifiyaal washensi, wasqaanyaal waxmatarayaal maraxyaal marax dhalay. I have been a fan of them since 1990 - since Matiyoos, Kalinsmaan, Foller and Berehme. Ceebeey tacaal, never seen a much worse display by them than this tournament.
-
Somaliland's biggest army base to be established in Tukaraq
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
Che, tell him Yariisoowga that also gobolka Hiiraan's residents did not approve aftiga loo qaaday axdigaas too because Sh. Cali Jimcaale, who was a fierce opponent of Aaden C/lle Cismaan and a fellow politician elected from Hiiraan, campaigned against it. The partial populace of Waqooyi residents who voted against it had nothing to do with gooni goosad or anything. It was purely advocated against by some politicians and those nomads (who did not read) only believed what their local politicians were peddling them. It however was overwhelmingly voted by the rest of Soomaalis and became inviolable law of the country. -
The Showdown between Michael Keating and Muuse Biixi has begun
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mourad1's topic in Politics
And the stamps and signatures are gaduud, too. Ma wacno.- 23 replies
-
The Showdown between Michael Keating and Muuse Biixi has begun
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mourad1's topic in Politics
Yellow-coloured paper is not good for the eyes when one tries to read. It also looks amateurish and not professional. I can imagine tomorrow he will write on a green or gaduud paper. Awmuuse needs lataliyaal about things like this intuunan meel fog aadin.- 23 replies
-
Mogadishu assumes full control of Somali airspace
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
The pictures above are from the Nayroobi office. They were leeches, who since 1994 pocketed millions of dollars annually that was rightly owned to Soomaaliya. They resisted for years against Soomaaliya government's efforts to move this office to Xamar. Not many people knew or cared about the existence of this office and its funds being stolen annually until Farmaajo as a raisuul wasaare in 2011 exposed them and other UN offices for Soomaaliya that was based in Nayroobi. And he was instantly removed from his post then. All those offices are moved to Xamar now, though. -
Jarmalka media and their personalities always hated Mascuud (Mesut Ozil). He is always their scapegoat, which has to do with his Muslim and Turkish heritage, one which he is proud of. Fortunately for Mascuud, he is one of the favoured ones of tababaraha Jarmalka, so the media can't do nothing. Jarmalka will be in the semi-finals regardless what happened in the other day Disclaimer: Mascuud is by far my favourite player since Joorji Xaaji (Gheorghe Hagi) of Romania. The way he plays the game and controls the ball is beyond amazing.
-
Farmaajo Interview - one of his better performances
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Yunis's topic in Politics
Sax, waa kugu raacsanahay. Aamusnaanta saas camal mar ma haboona. Send surrogates to the media immediately if you don't want to talk yourself. Soomaalida badankooda waa dad yaa i maqalsiiya ah, wax aqriskana jecleen. Tusaale ahaan arrintii foosha xumeyd ee Qalbidhagax aamusnaanta dowladiisa made it worse.