Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Wasiir xukuumada Kheyre ka tirsan oo iscasilay Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu iscasilay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasaiis Xasan Maxamed Laftagareen. Wasiirka is casilay oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruud looga dhigay inuu marka hore xilkiisa iska casilo. Laftagareen ayaa sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Aniga oo tixraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo shaqeynay ayuu yiri Laftagareen. Cabdicasaiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoiray u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxana xilligaa suu iska casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana uu waayay xilkii uu u tartamay waxaana intaasi kaidb loo Magacaabay Wasiirka Tamarta Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya. Laftagareen ayaa kamid ah Musharixiinta loo saadaalinayo Koonfur Galbeed, waxaana la isla dhex marayaa inuu garab weyn ka helayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xigasho
  2. I guess he had no qualms paying the musharax fee of $20,000 US. Mukhtaar Rooboow oo noqday musharixii ugu horeeyay ee shahaadada musharraxnimo qaata Xilli Ololaha doorashadda Madaxtinimadda ay si xowli ah kaga socoto Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa bilowday Musharaxiinta doonaya in ay isdiwaangaliyaan si loogu ogolaado in ay tartamaan. Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Baydhabo ka socotay diiwaangelinta musharixiinta 10ka ku dhow ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Magalada Baydhabo. Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Roobow wali saaran yihiin Xayiraadii la saaray xilligii uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Xigasho
  3. Daawo Gudiga Doorashada oo soo saarey Shuruudaha doorashada Koonfur Galbeed oo la soo saaray Shuruudaha ayaa kala ah:- 1 - Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah. 2 - Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka. 3 - Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano. 4 - Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas. 5 - In Dhimirkiisu dhan yahay. 6 - In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay. 7 - Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay 8 - Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka). 9 - Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada. Wuxuu kaloo guddigu soo saaray jadwalka loo marayo doorashada, sida diiwaangelinta murashaxiinta, shirarka guddiga doorashooyinka, iyo hadal jeedinta murashaxiinta. Doorashada waxaa ka qayb galaya dhowr iyo toban murashax oo ay ku jirto hal gabar – Aamino Maxamed Mursal – waxaana murashaxiinta ka mid ah madaxweynaha maamulka haya, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Qodobbada uu soo saaray guddiga ayaan la ogayn sida ay u saamayn doonaan murashaxiinta qaarkood, iyo in ay u hogaansami doonaan. Shalay ayey ahayd markii warbaahinta maxalliga qaarkood ay sheegeen in loo ogolaaday Mukhtaar Roobow oo hore u ahaa mas’uulka labaad ee ugu sarreeya Al Shabaab uu u tartami karo madaxtinimada Koofur Galbeed. Dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in doorashadan ay muhiim u tahay maamul goboleedyada dawladda ku kacsan iyo xukuumadda federaalka, kuwaasoo si aan toos ahayn isugu bowdyo-qaawinaya, kuna dhex loollamaya doorashadan. Xigasho
  4. Arrimo dhowr ah oo u horseedi kara Rooboow in loo doorto madaxweyne Musharax Madaxweyne Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa heysta dhowr Fursadood oo uu ku noqon karo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, kadib doorashada 17 Bishaan ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono haddii loo doorto madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu sheegay inuu xooga saari doono iskuulada wax lagu barto iyo goobaha diinta lagu faafiyo. Fursadda koowaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ah Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Shariif Xasan, oo sababi kara in labada dhinac “Shariif Xasan iyo Musharaxa DF taageersan tahay” aysan heli fursaddaha codadka xildhibaanada. Waxay taasi siin kartaa Fursad uu ku heli karo codadka ugu badan, maadaama Shariif Xasan uusan heysan taageero badan, Xildhibaanadana ay dhaqaalo qaadan karaan kadibna dooran karaan Musharax ay talo ku yeelan karaan go’aanadiisa. Fursadda labaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa ah inuu kasoo jeedo Beesha **** gaar ahaan ****, Xildhibaanada **** ayaa horey u taageersanaa Shariif Xasan oo Abti ay u yihiin, maadaama ay yaraayeen musharixiinta beeshaasi kasoo jeedo oo codadkooda ay siin karaan. Maadaama hadda ay heystaan nin kasoo jeedo **** oo taageero badan heysta, waxay taasi keeni kartaa in xildhibaanadii horey ugu codeyn jiray Shariif Xasan inay codkooda siiyaan Muktaar Rooboow, waxaana ay heystaan tiro xildhibaano ah. Arinta seddexaad ee keeni karta in Rooboow madaxweyne noqdo ayaa ah, inuu horey u balan qaaday in Goobta dhibaatada ugu badan ay ka jirto Koofur Galbeed oo ah Shabeellaha Hoose inuu wax badan ka qaban doono isbaarooyinka qabiileed ee yaala Shabeellaha Hoose iyo Al Shabaab. Balanqaadkaasi ayaa u sahli kara iyo xildhibaanada ugu badan ee **** inay taageeraan oo codkooda ay siiyaan, maadaama uu lasoo shaqeeyay Al Shabaab, uuna yaqaano xogo badan iyo hanaanka loola dagaalamo, maadaama Al Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shabeelaha Hoose. Wuxuu sidoo kale heli karaa taageerada beelaha kala duwan ee Koonfur Galbeed oo doonaya in deegaanadooda ay noqdaan goobo nabdoon, waxaana xildhibaanada qaar ay u balanqaadeen taageero badan. Xigasho
  5. Today, Rooboow met ardeyda Baydhabo iyo macaliimiintooda. It seems he has a considerable public support, but will that translate into xildhibaanada Koonfur Galbeed's support. It is usually who is paying the highest that will get the votes. Will Qadar fund Rooboow, though dowladda dhexe would not like that. We will see. He also seems to be the only musharax that talks about what he is specifically going to do and what his policies are. He should formulate those policies down, though. He needs real seasoned political advisers.
  6. This iyo solar panel farms could do wonders for us. We have a lot of land with a lot of untapped energy productions which is a lot more than our energy needs. We can export them even. We can also put endless wind power mills in the that big ocean of ours. Intaa isku maqanahay ayuuba adduunkii dhamaanaa, without ever using our natural resources.
  7. Che, you keep in tabs all Xabashiland issues. Our very own Tigrey guest resident disappeared into wilderness ever since Tigrey's power suddenly weaned. Poor them.
  8. They will receive as they did before without any fuss, but been beentii hore wey dhamaatay, now waa inay keenaan meeshee lacagaha ay heleen ku baxday, hence xisaabxirka dowladda dalbatay. Keenida lacagaha dowladda siiso meeshee ku baxday iyo inaynan kororsan karin xilkooda markuu waqtigooda dhamaado were the two key sticking points. Shariifka, Gaas iyo Madoobe all wanted to extend their reign and delay the selections.
  9. Madaxweynaha gave a wonderful speech in Juba, Koonfurta Suudaan. Madaxda maamul goboleedyada waa inay ogaadaan xadkee howshooda ku egtahay. Since Adisababa ay u carari jireen laga soo xiray, their useless meetings and its ever more baaq from those meetings, all in the name of staying politically relevant, doesn't help Soomaaliya. They just want to stay relevant since they won't receive any more direct deeq from caalamka without dowladda dhexe's knowledge.
  10. After seven years and half, it seems Reer Baydhabo are the first in Soomaaliya to implement Odey Soomaali's idea of cobblestone roads and streets. The stones are locally sourced and provides jobs to many of the locals.
  11. Marna ma aqoonsani, marna saan u soo ordaayaa. Xaaf ma daalo miyaa, filinkaan boorsamiintada ah ku soo celceliskeeda dadka gobollada dhexe waaku daaleen. Qof iyo dowladiisaba hal lug ku taagan, haddana qash qashaad wado had iyo jeer dhibkaan ee leedahay. Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo ka qeyb galaya shirka ay DF ugu yeertay ee Muqdisho Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii madaxda maamul goboleedyada ay shirkii ay ugu yeertay kaga qeyb gali lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana dadaaladaasi kusoo biiray QM iyo Midowga Africa. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali. Kulankaasi ayaa waxay inta badan diiradda ku saareen sidii Xaaf u aqbali lahaa inuu ka qeyb galo shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday maamul goboleedyada iyo sidii labadooda ay shirkaasi kaga qeyb gali lahaayeen. Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Xaaf uu aqbalay ka qeyb galka shirka Muqdisho, labadoodana ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro arrimo u baahan in xal laga gaaro. Haddii labada masuul ay ka qeyb galaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dhexmaraya dowladda iyo maamul goboleedyada, waxaa xal laga gaari doonaa madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado iyo Guddoonka baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb, iyadoo labadoodaba ay dadkooda dhinac ka raaci doonaan. Waxaa muuqaneyso in markii seddexaad heshiis ay gaari doonan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isku dhinac ah iyo madaxweyne Xaaf oo marar badan is qabtay lana heshiisiiyay. Beesha Caalamka ayaa la kulantay madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo dhamaantood laga doonayo inay ka qeyb galaan shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday dowlad goboleedyada. Xigasho
  12. Beesha Caalamka iyo ROOBOOW oo ka heshiiyey musharraxnimadiisa K/G Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray wafdi ka socday Q.Midoobe iyo Ururka Midowga Afrika, Wafdigan caalamiga ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu u indha indheyn lahaa qaabka ay u socoto qaban qaabada doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed. Nicholas Haysom oo ay Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa kulan albaabadu u xiranyihiin laqaatay dhammaan musharrixiinta utaagan xilka madaxweynaha Koonfur galbeed waxaana kamid ahaa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Wafdiga ka socday caalamka ayaa si rasmi ah u aqbalay musharaxnimada Mukhtaar Rooboow oo dowladda Federaalka ay horay uga joojisay in uu tartanka ka qeyb galo sida ay sheegayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Baydhabo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooboow uu kulamo laqaatay Nicholas Haysom uuna uballan qaaday in uu la shaqeyn doono haddii uu kusoo baxo xilka madaxtinimada Koonfur galbeed. Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in qaar kamid ah hay’ada Q.Midoobe ay gadaal ka riixayaan musharaxnimada Rooboow waxaana jira xifaaltan dhanka siyaasadda oo uu Afhayeenkii hore ee Al Shabaab kala kulmayo siyaasiyiin deegaanka ah oo ay wadato DF-ka. Doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed ayaa lafilayaa in ay qabsoonto 17,Novembar 2018 oo ay naga xigto 16 maalmood. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuusan Roobow doorashadaas ka qeybgeli karin iyadoo fulineyso heshiisyo caalami ah oo ay gashay. Dowladda Soomaaliya oo dhawaan Magaalada Baydhabo kula kulantay Roobow ayaa lasoo sheegayaa inay go’aankeeda ka laabatay inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin. Roobow Abuu Mansuur ayaa wado loolan adag oo dhanka Doorashada ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Musharixiinta loo saadaalinayo inay xilkaas qaban doonaan. Xigasho
  13. Finally, lacagtii koontada dowladda dhexe lagu shubay. Onward and forward.
  14. In such short period of time, Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, has made a huge progress. Horaa loo soconayaa.
  15. Waraa Saak, beerta ciyaarta ka daa yaaqeey. Haddaa run sheegeysid, Abtigiis should post a proof of him wanting this, a la Reddit's AMA style of well known people.
  16. Also another fadhi ku dirir site is reporting this, about my enemy's enemy is my friend: Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow oo isfahan siyaasadeed dhex maray Madaxweyne Sharif Xasan iyo Mukhtaar Rooboow oo maalmihii la soo dhaaafay wada yeeshay xiriir toos ah iyo mid dadban oo ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin kale ayaa waxa uu u muuqdaa mid miro dhalay. Labada dhinac oo horay colaad siyaasadeed uga dhaxeeysay ayaa waxa ay isku aragti ka noqdeen ka hortaga hujuunka siyaasadeed ee lagu soo qaaday dadka iyo deeganka Koonfur Galbeed. Mukhtaar Roobow aya aad uga carooday sida foosha xun ee uu Madaxweyne Farmaajo ula dhaqmay isaga. Dowladda Farmaajo ayaa markii hore ku dhiiri galisay in uu qeyb ka noqdo tartanka doorashada siyaasadeed hadana isla MW Farmaajo ayaa bilaabay in uu sharaftii iyo Karamaadii Mudane Roobow ku ciyaaro isaga oo si toos ah uga horyimid Musharaxnmadiisa kuna eedeeyay in uu wali ka tarsan yahay urur argagaxiso. Mudane Roobow oo la hadlay dad ay asxaab yihiin ayaa yiri, “Farmaajo waa mufaanaq aan amaana lagu amini karin”. waxa uu intaas ku daray qof ilaah u doortay in uu noqdo Uuuli Amri hadana been ku dhaqmayo waxa qof aan istaahilin in uu bogaamiyo umad islaam ah”. Iskahamka Siyaasaseed ee dhex maray Sharif Xassan iyo Mukhtaar Roobow ayaa waxa uu dhaawac gaarsiinayaa fursadii uu lahaa Cabdicasiis Laftagareen. Sidoo kale waxa uu xaqiijinayaa in uu abuuro isku soo dhawaanshaha shacabka iyo siyaasiyiinta dadka reer Koonfur Galbeed.
  17. Rooboow ololihiisa labada musharax magaca dowladda ku socdo ayaa qash qashay, probably kala qeybinaayo xildhibaanada Koonfur Galbeed mucaaradka ku ah Shariifka. Also wararka fadhi ku dirirka waxee qorayaan this: Farmaajo oo (dowladda) Qadar ku amray inaysan taageeri karin Mukhtaar Roobow & Fahad Yaasiin oo... Xog gaara oo ay heleyso wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Taliye kuxigeenka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Xaaji Yaasiin uu fulinayo qorshe Madaxtooyada Soomaaliya ay u abaabushay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Fahad Xaaji Yaasiin uu fulinayo qorshe Madaxtooyada Soomaaliya ay u abaabushay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlada Arrimaha Dibada Qatar ayuu u dhiibay fariin ku saabsan in Xukuumadda Doha aysan maalgalin karin Mukhtaar Roobow ama shaqsi kale oo u tartamaya Madaxweynaha Koofur Galbeed. Villa Somalia ayaa qorsheyneysa inay soo xirto ilaha dhaqaale uu doonayo Roobow inuu ka helo lacagaha uu ku maareynayo ololaha iyo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed uu isku soo sharaxay. Dowlada Qatar oo Saaxiib dhow uu la yahay Mukhtaar Roobow ayaa u balanqaaday Dhaqaale ay ku maalgalineyso Doorashadiisa. Fahad Yaasiin oo ah Wakiilka Qatar ee Soomaaliya ayaa fulinaya qorshe ay damacsan tahay Dowlada Soomaaliya oo ay dooneyso inay ku qasabto Abuu Mansuur inuu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa. Taliye kuxigeenka NISA ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago Dalka Qatar isagoo u bandhigaya qorshaha Villa Somalia ee ka dhan ka ah Mukhtaar Roobow. Si kastaba ha ahaatee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis ku heysa Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay ka hortimid markuu isu taagay Musharaxnimadiisa, waxaana dhinac kale ay wadaa Dowlada dhexe dadaalo ay ku taageereyso Musharixiin ay wadato oo ka degay Magaalada Baydhabo.
  18. Caalin asagoo joogo waxaa xoog ugu qaatay jagadiisa ninkii Qeybdiid ahaa; Qeybdiidna C/kariin Guuleed ka tuuray kursiga; C/kariina waxaa meesha ka bixiyey Xaaf. Xaafna... Meesha xoog ma'ahee si kale ma lagu kala baxo miyaa? Doorasho (selection) caadi ah ma lagu kala bixin ilaa iyo hadda. Horaa loo dhahay Xarardheere xoog, Xamarna xisaab.
  19. Cadnaan, haye waxaa leedahay miyaa Koonfur Galbeed 2.5 ayaa ka jiro? Kan guddoomiyaha baarlamaanka ah waa mid Shariifka keensaday, hadduu dhacana ka daba dhacaayo koley.
  20. Another successful major international conference in Muqdisho that conveys Muqdisho's peaceful image. More to come.
  21. There is also this musharax, the just resigned taliyaha nabadsugidda. He went to Baydhabo, too, with his bulletproof car as well. Taliyihii hore ee NISA iyo gawaari xabada ay karin oo gaaray Baydhaba Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu halkaasi gaaray musharax si weyn looga dareemay magaalada oo halkaasi la tegay gaadiid, ciidamo iyo Hub. Musharraxan oo ah Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa diyaarad gaar ah ka dejisay garoonka magaalada Baydhaba, waxaana ka sii horeeyay diyaarad xamuul oo geysay 4 Gaari oo kala ah: laba gaari oo aanay xabbadu karin, Toyoto Hilux, iyaduna aanay xabbadu karin, Gaari Cabdi Bille ah oo qori saaran yahay iyo ciidamo. Xuseen Uurkuus oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan. Xuseein waxaa loo galbiyey goob loogu diyaarshay boqolaal qof si uu khudbad uga jeediyo, waxaan halkaas lagu soo bandhigay heeso lagu gubaabinayo xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay doortaan Xussein Osman Xussein, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaano dalka. Taliye Xussein ayaa uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey wuxuuna yiri” Waan idinkaga mahadcelinayaa soo dhaweyntiina qiimaha badan, waxaana qaadan doonaa kulamo kala duwan, anigoo qaybaha bulshada la qaadan doona wada tashiyo ku aadan sidii loo bad baadin lahaa shacabka Koonfur Galbeed, oo dhibaato ka haysto dhanka amniga, dhaqaalaha, maamul xumada, caafimaadka iyo Waxbarashada” ayuu yiri Xusein oo war kooban siiyey shacabkii u la kulmay Dhowaan ayaa sidoo kale waxaa Baydhaba gaaray musharax kale oo sidan oo kale hub iyo ciidamo la tegay magaalada, kaasoo ah wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya C/casiis Laftagareen. Xigasho