Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Ilhaan will do American national media tour now, starting on Wednesday with Whoopi and her fellow talk show hosts:
  2. Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka. Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda. Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga. Xigasho
  3. Ka naxoow nafta waa - Soomaali diidoow silac u dhimo. Cayayaankii rabay inay Soomaaliya iyo Turkiga xiriirkooda xumaado ciil ha u baqtiyaan. Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, along with huge delegation, are in Muqdisho now, hosted by ra'iisul wasaaraha for a formal dinner at aqalka ra'iisul wasaaraha.
  4. Madoobe tolkiisa, who are my reer abti, ayaa si waalanimo ah ula jiro, plus the corrupt Kiikuuyo meesha ku haayo. Sidee tolkiisa qaarkood ula jiraan waa yaabeysaa. I think it has to do over-investing real estate market in Kismaayo by this section of tolkiisa in the last seven years, especially the diaspora ones. They are afraid losing this. Unless mid asaga ilma adeer yihiin dowladda dhexe meesha keento ku badasho or ciidamada Kiikuuyada ka baxaan, it won't be easy
  5. He will back Rooboow, if he publically backs anyone at all. What a seven and half years make. In Juun, 2011, the two Shariifs humiliated Farmaajo, forcing him to resign as a ra'iisul wasaare when majority of the population were against it. I was in Islii on that day, and there was a major protests, which I participated and took countless sawiro and videos of it, which I still have them to this day.
  6. And now gollaha maamul goboleed ku sheega afhayeenkooda is gone too. This means gollaha qarka u saaranyahay inuu burburo. Soon Xaaf will perhaps announce he too is no longer a member. __________________ Afhayeenki golaha madax goboleedyada oo iscasilay Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo. Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu maamulkiisa ka mid ahaa. Waxa uu ahaa wasiirka dastuurka Koonfur galbeed Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku yimid. Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa loo macneyn karaa in Koonfur Galbeed aysan iminka xubin kasii ahayn golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, taasi oo dhabar jab wey ku ah golaha. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda. Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filaaa inuu noqdo qof ku xiran dowladda dhexe ee Muqdisho. Xigasho
  7. Awshariif uultimo waa isdhiibay. Laakiin ninkaan siyaasadda been been sahlan uguma baxaayo so he must have something under his sleeve.
  8. Aqoonsi waa cirkoo dhiig ka soo da'o. Saalax, why do some so-called wariyaal in Waqooyiga lie to the poor folks when they call the ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya to ergeyga Soomaaliya iyo Waqooyi Galbeed. That is blatant lie. Ma xishoodaan miyaa?
  9. When will Reer Ingiriiska hurdada ka kici doonaan and send one to House of Commons? Also Reer Australia. Iswiidhan even has a Soomaali sister elected to their national assembly, Riksdag.
  10. Hambalyo iyo boggaadin dhamaan walaalaheena ku guuleystay doorashooyinkooda: Ilhaan Cumar, Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur. Labada musharax dambe oo ku guuleystay baarlamaanka gobolka Minnesota. Kheyr ayaan u rajeynaa dhamaantooda. Khudbada Ilhaan xalay: Khudbada Hodan xalay:
  11. Haa, widaay, and if he truly resigns from his candidacy, he will throw his support behind Rooboow, his reer abti, plus Rooboow fits my enemy's enemy is my friend criteria.
  12. What was this so-called xildhibaan expecting from the Qaramada Midoobay's own special representative to Soomaaliya's get-to-know tour of Soomaaliya's maamul goboleed? Nicholas Haysom started his tour in Kismaayo, then Baydhabo, Garoowe, Hargeysa and concluded in Gaalkacyo. He earlier met guddoomiyaha Banaadir Yariisoow iyo Waare from Hirshabeelle in Xamar, after meeting when he first landed in Muqdisho madaxweynaha dalka, guddoomiyaha baarlamaanka, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha aqalka sare. At least Muuse Muqayil, the true local man, is lucky that he finally met a delegate after months of non-stop jaad session marqaamid of nothing to do. He dusted off his suit, which gathered dust for so long.
  13. Maxaa kusoo kordhay Koonfur Galbeed & Xildhibaanada kusugnaa magaalada Muqdisho Qaar kamid ah xildhibanada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo maalmo ka hor ay ka yimaadeen. Xildhibaanadaan ayaa saaka la arkayay iyaga oo saaran gaadiidkii Dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxayna sii galayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Xildhibaano ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib u laabashada xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Waxay xildhibaanada qaar ay sheegeen in marnaba dib u dhac uusan ku imaan doonin doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana magaalada Muqdishoa u tageen kadib casuumaad ay ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka oo isku deegaan ay kasoo jeedaan. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay ka horyimaadaan go’aankii malaaqyada Koonfur Galbeed ay shalay qaateen oo ahaa in doorashada dib loo dhigayo. Wali waxaa laga dhowr sugayaa isbadalka saacad kasta ku imaan kara xaalada doorashada Koofur Galbeed. Xigasho
  14. We will see that, Cadnaan. I don't think other maamul goboleed horjoogayaal would want that, though.
  15. This just in now. Is Shariifka pulling another so-called 'trick' now? I don't think he is going to resign from the candidacy. Shariifka oo laga yaabo inuu iscasilo iyo saxaafadda oo looga yeeray Madaxtooyada Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weriyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo looga yeeray madaxtooyada Koofurgalbeed. Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono balse lama oga in uu ku dhowaaqi doono inuu yahay musharax iyo in uu iska casili doono Madaxtinimada Koofur Galbeed,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu iscasilayo. Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana warka ugu badan ee Baydhabo laga helayo ayaa ah in Shariifka uu ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kana haray tartanka Doorashada Koofur Galbeed. Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye. Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in galabta 4-ta galabnimo looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed shir jaraa’id oo aan loo sheegin cida qabaneysa, balse loo badinayo in Shariif Xasan qabanayo, si uu ugu dhawaaqo is casilaadiisa. Jawi aan daganeyn ayaa ka jiro Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxayna siyaasiyiinta buux dhaafiyeen madaxtooyada. Xigasho
  16. Now, the rest of remaining guddiga doorashada (12 members) are claiming they will hold the (s)election come on Nofeembar 17th.
  17. Shariifka and his silliness staying behind odey dhaqameedka Koonfur Galbeed, same odey dhaqameed he persuaded to accept three-gobol Koonfur Galbeed maamul, instead of lix gobol, back in 2014. I don't think the populace are that ready to accept this.
  18. Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashada Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bishan November. Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, iyadoo la safatay Musharaxiin, isla markaana dhaqaale iyo baabuur aan xabado karin ka soo dejisay Garoonka Baydhabo. Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka in Xildhibaanadii Koonfur Galbeed u daabushay Muqdisho, isla markaana lacago laaluush ay siisay, si ay u doortaan Musharaxiin gaar ah. Odayaasha dhaqanka ayaa soo xigtay qodobka 60aad ee Dastuurka Koonfur Galbeed waxay go’aan ku gaareen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha ee loo balansanaa, inta laga helayo jawi degan. Sidoo kale Odayaasha waxay caddeeyeen inay marjac u yihiin Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama markey xaalad la soo gudboonaato Golayaasha dowladda Koonfur Galbeed, waxayna noqon karaan Garsoor lagu go’ i markii loo baahdo. Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, iyadoo war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ku fartay Madaxda Koofur Galbeed in aan dib loo dhigi karin doorashada, kuna dhacdo xilligii loo asteeyay. Xigasho
  19. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo war saxaafadeed cusub ka soo saartay Doorashada Koonfur Galbeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa goor dhow war saxaafadeed ka soo saartay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo qabsoomideeda uu jahwareer ku yimid, kaddib markii ay is casileen inta badan xubnihii Guddiga doorashada. Sida lagu shaaciyay bogga Wakaalada Wararka ee SONNA waxaa wasaaradda Arrimaha Gudaha ay fartay madaxda dowlad goboleedka Koofur Galbeed on doorashada ay ku qabsoonto xilligii loo asteeyay oo ku beegan 17-ka November 2018. War saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koonfur Galbeed. Xigasho
  20. Baarlamanka Koonfur Galbeed oo la kala dirayo & doorashadii oo baaqatay Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay sii cakirmayso kadib markii xalay ay is-casileen xubnaha guddiga doorashada, oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso doorashada. Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu ku dhawaaqi doono maantq inuu kala diray baarlamanakii Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale filayaa inuu shaaciyo in doorashadii Koonfur Galbeed, oo la waqtiyeeyey inay dhacdo 17-ka bishan aysan qabsoomi karin. Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu dowladda federaalka ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso doorashada, islamarkaana ay xildhibaanadii maamulka gaysatay magaalada Muqdisho.Ma cadda waxa xigi doona intaas, waxaase muuqata in xaaladd Koonfur Galbeed ay isku dhex yaacday. Guddoomiyaha guddiga doorashada, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan. Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed. Xog aan helnay ayaa sheegaya in dhammaan arrimaha is xiga xiga uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin. Xigasho
  21. Iscasilaadda gudiga doorashada K/Galbeed iyo qorshaha cajiibka ah ee uu dejiyey Shariif Xasan Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda ay ku dhawaaqeen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, iyo inta badan xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo galabta is-casialy. Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahad Maxamed Ciise. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in arrintan ay tahay xeelad siyaasadeed oo cajiib ah, oo uu dejiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo doonaya in doorashada aysan dhicin. Caasimada Online ayaa goor hore oo maanta ah shaaca ka qaadday xog ku saabsan in Shariif Xasan uu ku dhawaaqayo in doorashada uu ka harayo, waxaana is-casilaadda xubnaha guddiga ay qeyb ka tahay qorshahaas. Qorshaha Shariif Xasan ayaa ah inuu sabab ka dhigto is-casilaadda guddiga, sidaasna uu doorashada ku baajiyo, isaga oo dowladda federaalka eeda dusha u saari doona Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay. Kadib markii lagu gacan seeray qorshaha dib u dhigidda doorashada, ayaa Shariif Xasan iyo guddoomiyaha guddiga waxay isla dejiyeen qorshe ah in Shariifka aanu doorashada ka harin, balse taa beddelkeed guddiga is-casilaan, oo Shariifka arrinta banaanka ka taagnaado. Si kastaba, waxaa xaqiiq ah in dowladda federalka ay faro-gelin cad ku hayso doorashada, ayna dooneyso in Shariif Xasan meesha laga saaro, taasi oo Shariifka siisay fursad iyo cudurdaar uu xukunka usii haysto. Xigasho
  22. Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhabo iyo qorshaha doorashada Koonfur Galbeed Shacabka magaalada Baydhabo ayaa dhegtooda ay kor u taagan iyaga oo ka dhowr sugaya go’aanada xiga isacilaadii 15 xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada Koofur Galbeed. Xaaladda siyaasadeed ee magaalada ayaanan daganeyn ilaa xalay, waxaana socday ilaa xalay kulammo kala duwan oo ka dhacayay magaalada Baydhabo oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan ee kusugan magaalada. Wararkii u dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu wado qorshe uu musharixiinta Koofur Galbeed kaga dhaadhicinayo in dib loo dhigo doorashada. Shariif Xasan ayaa horey u dalbaday in waqti dheeri ah la siiyo, laakiin hadda ciyaar cajiib ah ayuu sharaxay, maadaama culees badan uu kaga iaamanayay dhanka dowladda Soomaaliya kadib markii xildhibaanadii ugu badnaa Muqdisho la keenay. Musharixiinta aragti ahaan kasoo Horjeeda Shariif Xasan ayaa dhankooda xalay kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha guddiga ka harsan ee aan wali iscasilin, iyaga oo kala hadlay in doorashada waqtigeeda ay dhacdo. SHariif Xasan, ayaa ciyaarta ka bilaabay markii uu badalay dhamaan ciidamadii ilaalada madaxtooyada isaga oo dad ku heyb ah ku badalay, waxaana uu ka baqayay in ciidamada kale dhibaato ku keenaan. Wararka ayaa sheegaya inuu doonayo in doorashadan ay dib u dhacdo, waxaana sidoo kale soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu wado qorshe uu isku casilayo, waana qorshaha labaad haddi qorshaha iscasilaada xubnaha gudiga lagu guuleysan waayo. Shariif Xasan, ayaa hadda helay fursad uu wadahadal ku gali karo, waana ruux aad u yaqaana siyaasadda Soomaaliya. Afhayeenka guddigii shalay iscasilay ayaa saxaafadda u sheegay in waqtiga uu ku yaraaday ayna ka baqeen inay ku fashilmaan doorashada Koofur Galbeed, sidaasi daraadeedna ay isku casileen. Wuxuu ku eedeeyay xildhibaanada Koofur Galbeed inay marar badan u yeereen balse ay imaan waayeen, taasi oo ah goolka koowaad ee laga dhaliyay dowladda Soomaaliya maadaama magaalada Muqdisho ay kusugan yihiin inka badan 60 xildhibaan oo seddex jeer Baydhabo laga soo qaaday. Xigasho
  23. Doorashada Koonfur Galbeed oo dib loo dhigay iyo go’an kasoo baxay odayaasha Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ah cidda leh go’aanka kama dambeysta ee arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaga dhowaaqeen in dib loo dhigay doorashada maamulkaasi oo la filayey iney dhacdo 17-ka bishan November. Golahan oo cuksanaya qodob ka mid ah dastuurka Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyey in doorashadaasi dib loogu dhigay sababo la xiriira farogelinta ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku hayso doorashada. Waxa ay dowladda ku eedeeyen iney lacago laaluusha siisay xildhibaannada qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamabka Koonfur Galbeed oo loo soo daabulay magaalada Muqdisho toddobaadkii tegay.. Sidoo kale, Golahan ayaa dusha ka saaray dowladda dhexe gaar ahaan madaxda ugu sarreysa wax walbo oo dhacay oo ku saabsan doorashada. Ugu dambeyn, doorashadan ayeey sheegeen in qabashadeeda la go’aamin doono marka la helo xaalad siyaasadeed oo deggan. Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xalay ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo iyagana sheegay inay isku casileen farogelinta dowladda dhexe. Xigasho
  24. So, Shariifka is up to his old tricks, forcing the just nominated (and pro-Shariifka) election committee that were members of Koonfur Galbeed parliament, whom was selected by a pro-Shariif guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed. Last week, Shariif Xasan suddenly changed all the soldiers who were guarding his 'presidential' palace, removing them to outside the city camp. He instead brought some that were close to him and trusted. Shariif Xasan tried hard not even wanting his pro-guddoomiye baarlamaan to nominate this (s)election committee, waiting until the last days to nominate them. Then yesterday, Nofeembar 5th, a few days after they were nominated, most of them suddenly resigned, including (s)election committee's chairman, accusing faragalin by dowladda dhexe. Today, odey dhaqameedka (many of them in Shariifka's pockets) came out, calling the delay of the (s)elections. We had seen his political tricks in the last 14 years. This is his M.O. of Shariifka; he thinks he can pull maneuvering like this in a clear day light when he realized he had no chance of retaining the seat he holds. Shariifka should be careful, meesha dagaal sokeeye ayuu u horseedi doonaa. His clan is traditionally unarmed, he is guarded by his reer abti, whose clan is the late Xaabsade's and Rooboow's clan members. This clan has abandoned him, throwing their support behind their own son, Rooboow. Rooboow has his own militia outside Baydhabo. So is Saransoor, another musharax, who has loyal ones in Xuddur area. I am afraid they might bring their militias to inside Baydhabo and cause problems if this delay tactic succeeds.