-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhaqaale iyo mid socdaal ku soo rogtay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya Getachew Assefa ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay xadgudubyo ba’an mudadii uu hayey xilka taliyaha sirdoonka wadanka. Talaabadan ayaa timid ka dib markii dhawaan aqalka wakiilada ee Mareykanka ay soo gudbiyeen qaraar lagu dalbanayo cunaqabateynta ninkan, kaas oo markii dambe meel mariyey Congress-ka Mareykanka. Getachew Assefa ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey in soo abaabulay isku day dil oo lagu khaarijin rabay ra’sul wazaaraha dalka Itoobiya, Abey Axmad intii lagu gudajiray dibadbax lagu taageerayey hogaamiyaha isbedal doonka ah ee la wareegay talada wadanka. Dambiyada loo heysto Getachew Assefa waxaa sidoo kale ka mid ah inuu gaboodfalo kula kacay kumanaan maxaabiis ah oo ku jiray xabsiyada wadanka intii uu ahaa taliyaha sirdoonka ee wadanka kuwaas oo isugu jira kufsi, jirdil iyo inuu koronto ku dilay maxaabiis ku xirneyd xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaalla dalka. Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada Federalka Mareykanka ayaa dhawaan tilmaamay in la helay xabsiyo badan oo qarsoodi ah oo sirdoonka Itoobiya uu ku tacdiibin jiray maxaabiista, kuwaas oo 7 ka mid ah laga helay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Dowlada Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga dhigtay in ka badan 10 sarkaal oo ka tirsanaa madaxda ugu sareysa ee sirdoonka Itoobiya, balse Getachew, taliyihii hore ee sirdoonka ayaa baxsaday ka dib markii uu ka warhelay raafka beegsanaya saaxiibadiisii hore. Getachew Assefa oo ah sarkaal aanan wax sawir ah laga heynin, weligiina ka soo muuqan warbaahinada, ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo gobolka Tigreey oo ah halka uu asal ahaan ka soo jeedo. Xigasho __________________ Tigrey calankiisa dhacyey. I had seen yesterday American Ambassador in Xabashiland visiting the notorious torturing chamber by Ileey in Jigjiga, along with Cagjar.
-
BEYLE oo sharxay lacagtii dowladda Sacuudiga laga keenay iyo halka ay jirto Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay lacagtii dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya. Wasiir Beyle wuxuu sheegay in lacagtaasi ay aheyd mid dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya, isaga oo amaanay in lacagtaasi lagu aamino dalka oo toos loogu soo shubay Bangiga Dhexe ee dalka. Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi bil walbaa ay kasoo bixin jireen inta ay u baahdaan inay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda, oo aysan jirin cid si gaar ah lacagta kaga baxsaneysay Bangiga Dhexe ee dalka. Kalsooniyadda maaliyadeed ee ay sameeyeen xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay keentay in midowga Yurub dhankooda ay ku deeqeen 100 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda. Lacagta hartay ayuu sheegay inay gaareyso 15 milyan oo doolar ayna adeegsan doonaan marka ay u baahdaan sida uu hadalka u dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. “Markii ugu horeysay Sacuudi Carabiga oo aan warbixin la siin jirin, ayaan warbixin ka siinay sidaan lacagta u adeegsanay, waxaan u dirnay labaatanka kun sidaan u adeegsanay, 15 Kun ee harayna waan u sheegnay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Wasiirka maaliyadda ayaa dhinaca kale sheegay inaysan jirin dhaqaalo qaab aan la ogeyn looga bixiyo qasnadda dowladda Soomaaliya, waxaa kale oo uu beeniyay in xasaradaha siyaasadeed lagu bixiyo dhaqaalaha dowladda si loo xaliyo. Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in bil walbaa uu bixiyo warbixin la xiriirta dhaqaalaha wasaaradda maaliyadda soo galay iyo sida loo adeegsaday, halkaasna laga ogaan karo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wasaaradda. Xigasho
-
Somalia's Thorny Problems on the Horn of Africa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
Hambalyo ayaa leeyahay wiilkaaga, mustaqbal wacana waa u rajeynaa hadduu Rabi idmo. Dhalinta qalinjabineysay Soomaaliyeed yaa ogaado the ratio was 65-35 - 65% girls, 35% boys. Qurbahaan jaamacadaha iyo kuliyadaha waxaa aad ugu badan gabdhahaa than wiilasha. -
Raali gelin to Mudane President Roobow!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
Our pro-isbaaro boy wuxuu rabaa in saan dib loogu noqdo: Meel noolihii dhan - bini'aaden iyo noolaha kale - ka qaxay. Meel inta yar soo hartay isbaaro loo dhigto uu rabaa. Waraa Dalmar, waxaas ma soo noqonayaan ee iska iloow. No more isbaaro iyo xaaraan ku naaxid - those things went the way warlords Xaaraankunaax, Dhuxuloow, Seeraar, Indhacadde, Caato, Seerjito, Caydiid Sr and Jr iyo wixii la mid ah wada mareen - they are gone and will never come back along with their isbaaro-based ideas. -
Raali gelin to Mudane President Roobow!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
Qof macquul ah ku mooday oo runta loo sheegi karo. Aragaana Rooboow adigoo beri ka calaacalaayo, sida dabeesha ayaa marba meel u dhacdaa. Iljeexaan aad amaaneysidna waa kuwii xaasaskooda Koonfur Galbeed ugu soo cararay fuleynimo darteeda in 1999, including Caydiid Junior's xaas lagu qabtay Baydhabo, lana sii daaye. -
Waraa, if you think the secessionist sewage-dwelling creatures kuu dhoolacadeynaayo today inay dantaada wataan, think again. Those creatures were vehemently against Xasan Sh and Shariif Sh. Axmed as they are now against Farmaajo. Those creatures are more madder against dowladda Farmaajo because it achieved so much in a so short time and sidelined and kept their local Muuse Muqayil in his xaafad, in an open prison with no air travel. That killed them inside. Those secessionist creatures Soomaaliya (except Waqooyiga) iska burbursanaanto ayee rabaan and no horumar - so always keep that in mind.
-
Raali gelin to Mudane President Roobow!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
You think Rooboow would be lenient to pro-isbaaro groups isbaarada u taalo between Afgooye iyo Daafeed while using the national army dresses. He is campaigning to get rid of them, unlike Shariifka who pretty much looked the other way. My enemy's enemy is my friend amee kuu socon weydaa oo aad ka shaleyn doontaa. Rooboow and Saransoor are the ones who vowed to get rid and eradicate pro-isbaaro militias from all Shabeellada Hoose. Laftagareen amuu kuu roonyahay. Of all people, you should have been much more appreciative for dowladaan's leadership because they have yet to sign the execution letter that ilma adeer killer of yours who murdered wasiir Cabaas Siraaji., even as he was sentenced to death. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Taliyaha AFRICOM oo qiimeeyey sida uu arko DF kadib markii Farmaajo uu kula kulmay Muqdisho Taliyaha ciidadmada Mareykanka ee AFRICOM Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa la shaaciyey inuu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya talaadadii shalay ahayd. Intii lagu guda jiray booqashada ayaa Waldhauser waxa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sarakaiil sare oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya. “AFRICOM iyo dowladda Mareykanka waxa ay taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah, ayaga oo gacan ka siinaya dadaalka horumar waara iyo xasilooni amni looga hir-gelinayo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM. “Waxaan ku faraxsanahay xiriirka xooggan ee aan la leenahay madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa” ayii yiri Gen. Thomas D. Waldhauser. Waxa uu intaas ku daray in “Farmaajo iyo maamulkiisa ay horumar wanaagsan ka sameeyeen Soomaaliya ayna caddahay in hadafkoodu yahay nabad xasilooni iyo horumar ka dhaca Soomaaliya”. AFRICOM ayaa sheegtay in siyaasadda dowladda Mareykanka ay tahay in Soomaaliya ay ka dhaceen xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Dhinaca kale Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa sheegay in wax kasta oo Soomaaliya ay ka sameeyaan ay ku fuliyaan codsiga dowladda Soomaaliya taasina ay qeyb ka tahay caawimaada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay ugu talo-gashay Soomaaliya. Xigasho -
The original guulwade
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa runtaa, xaaji. -
Musharixiinta doorashada puntland ee sanadkan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to cadnaan1's topic in Politics
LoL. Afartaan wiil uu adeer u yahay shaqo uu abuuray at least, I think. Who is he laakiin? Waxa kale soo waday suudkaas ay xiranyihiin kuleelka Boosaaso iyo Bari see ugu baxsan doonaan, laakiin isla markiiba wey badaleen oo wey arkeen inay cimilada Bari suudkaas ka shaqeynin. -
Somaliland Tigray list by Ali xaraare
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
He has same list Galbeeti haayo miyaa? Feysal Dhurwaa wixiisa basaasnimo iyo jaajuusnimo wey dhaaftay ee ninkaas waa qashin Xabashi caabudo. -
Madaxweynaha is mocking them now. Mucaarad ku sheegii heer waxee marayaan xataa dhaqaalaha yar dowladda hesho in laga gooyo, gaar ahaan kuwa Bankiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka laga helo. Meelihii kale dacaayad raqiiska ah wey ku fashilmeen bilooyinkii u dambeeye markaas ayeeba bogus financial committee baarlamaanka ka jiro magaciisa ku qaraabanayaan, which failed again. Wasiir Beyle been beentaan xil kuma weynaayo, so try harder siyaasiinta pro-isbaarada ah, sida Axmed Fiqi iyo Odowaa. Haddee daacad ka tahay ha iska xaadariyiinta deeganadee sheegtaan inay xildhibaano u yihiin ee Dhuusamareeb iyo Cadaado ee ilma adeeradooda isku heysto. Kama hadli karaan, waxna kama qaban karaan because they are failed politicians meesha qash qashaad kaliya u joogo and whoever leads the country jalaafo u dhigo. Filinkaan Soomaalida wey la fahantay. __________________________ Farmaajo: “Waali ayuu ku dhow yahay XANAAQA siyaasiyiinta mucaaradka" Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaaa mar kale weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladiisa ee uu ku sheegay siyaasiyiinta xanaaqsan, isagoo xalay magaalada Nairobi kula hadlay qaar ka mida jaaliyadda Soomaalida. Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ayaa inteeda badan ahayd difaaca isbaheysiga uu la galay dalalka Itoobiya iyo Eritrea iyo weerar uu ku halgaaday siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee ay ka mid yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka. Wuxuu sheegay inay siyasiyiinta xanaaqsay ay muddo wadeen Borobogaando siyaasadeed oo ku saabsan amniga dalka iyo inuu sii xumaaday, markii sida uu yiri ay taasi ku guul darreysten ayay u wareegeen arrin kale oo ku saabsan dhaqaalaha, isagoo tilmaamay Warbixintii Guddiga Maaliyadda, laakiin wuxuu ku faanay inay iyadiina soo afjareen. “Siyaasiyiinta careysan waxaan u sheegeynaa waqtigiina waa dhamamaday. Ayaamo hore waxay wadeen inay yiraahdaan, 'Dowladda amniga waa ku fashilantay, waa shaqeyn weyday.' Hadda waxay yiraahdeen: 'Nidaamkii Maaliyadda waa fashilmay." "Dad badan oo shisheeya sida IMF iyo World Bank ayaa noo qiray inaan nahay dowlad nadiif ah. Waxay bilaabeen inay dhaqaale na siiyaan, iyaguna waxay leeyihiin, 'Maya, waa inaan dhaqaale la siin.' Kuwaasi dadka shakiga gelinaya yey u daneynayaan? Wax kale ma'aha xanaaqii ayaa ka batay, qofku hadduu xanaaqu ka bato wuxuu u dhow yahay nooc waalli ah," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay inay dowladiisa soo xirtay kanaalo ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka heli jireen biyaha oo dalal dibadda ah ay ku xirnaayeen, ayna sii xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin dowladaha dibadda iyo kuwa deriska ah. Xigasho
-
The original guulwade
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ingiriis, this, Ingiriis that. Ingiriis, Ingiriis... Those wretched secessionists and their never-ending worship of anything Ingiriiska. Waxaa ka cabsanaa xataa haddee janada galaan inay dhihi doonaan 'boqortooyadeena Reer Ingiriis maku jiraan?' Shamelessness. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Those five who endorsed Rooboow are the qurbojoog technocrats and were the most educated candidates. They are also united against dowladda dhexe. It seems Rooboow is kinda well-funded if he quickly registered and paid the $20,000 needed from the candidates in order to run. This is the the second time he is the first to pay and get the candidacy certificate. It remains to be seen if their endorsement changes anything. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Shan ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha K/Galbeed oo u tanaasulay ROOBOOW Musharixiinta Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada la filayo inay dhacdo 5 Bisha soo socoto. Musharixiinta oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Musharax koowaad u yahay Golaha isbadal doonka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Golaha ayaa go’aankooda ku sheegay inuu imaaday kadib markii ay fiiriyeen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen iyo la tashiyo ay la sameeyeen Odayaasha deegaanadaas. Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay faragelin ku heyso Doorashada isla markaasna aysan macquul aheyn in laga shaqeeyo waxaan aheyn rabitaanka Shacabka. Golaha ayaa sheegay inuu Musharax u yahay Roobow Abuu Mansuur oo ay ku sheegeen inuu yahay Musharax ay rabaan shacabka Koonfur Galbeed. Waxay tilmaameyn inay ka tanaasuleen mowqifkoodii gaar ahaaneyd isla markaasna ay u tanaasuleen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed. Musharixiinta uu tanaasulay Roobow ayaa ah illaa 5 kamid ah musharixiintii isbadal doonka Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda la aaminsan yahay inay u dhaxeyn doonto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Musharaxiintii Ugu Badneed Oo Ka Haray Tartanka Doorashada Madaxweynaha KGS Musharixiintaan oo Kulan ku yeeshay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen inay ka tanaasuleen u tartamida xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sababaha ay uga hareen tartanka ayaa waxa ay ku sheegeen dhowr qodob oo kal ah. 1:-Markii ay falanqeyn iyo qiimeyn dhab ah ku sameeyeen xaalada murugsan ee dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. 2:-Markii ay arkeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin toos ah ku sameyneyso doorashada Koonfur Galbeed. 3:-Markii ay tixgeliyeen rabitaanka Shacabka iyo codsiyada ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay sababtay inay tartanka isaga haraan. Xubnahaan tartanka ka haray ayaa waxa ay ahaayeen Galaha la Magac baxay isbedeldoonka Koonfur Galbeed, waxana ay sheegeen inay musharaxa isbedeldoonka u doorteen inoo noqdo Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Maxamed Aadan Fargeeti Yuusuf Macalin Baadiyoow Saalax Sheekh Cismaan Xuseen Kacaan Xasan Amiin Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Guddiga doorashada K/G oo mar kale go’aan ka gaaray musharaxnimada Rooboow Sheekh Mukhtaar Rooobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta mar kale la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhaceyso shanta December. Waa markii labaad ee guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay shahaadada siisyaan Roobow, ayada oo guddigii hore ee is-casilay uu beddelay guddi cusub oo qasab ka dhigay in mar kale shahaadada la qaato. Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayey in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor. Sidoo kale Saransoor ayaa isna maanta la siiyey shahaadada musharaxnimo. Tallaabadan ayaa dhabar jab ku noqoneysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow, iskuna dayeysay inuusan tartamin. Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’neyd inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan adag, oo looga adkaan karo. Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray. Xigasho -
The reason I am calling it original guulwade is because Siyaad Barre's uniform. Guulwadiyaasha that was created during Kacaanka dareeskooda ayaa saas ahaa. Rabi ha u wada raxmado marxuumiinta meesha ka muuqdo - Sheegoow Bishaaro (midigta), C/rashiid Cali Sharmaarke (dhexda) iyo Maxamed Siyaad Barre (bidixda). Qofka dharka cad Maxamed Abshir u egyahay.
-
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Doorashada Madaxweynaha KGS Oo Mar Kale Dib Loo Dhigay Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa markale soo saaray Jadwalka doorsahada Madaxweynaha,iyada oo waqtigii loogu talo galay ay dib uga dhacday. Kulan ay Magalada Baydhabo ku yeesheen Guddiga doorashada Madaxweynaha KGS ayaa waxa ay soo saareen jadwal Cusub oo ah habraaca doorashada. Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in 26 Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ay bilaabi doonto diiwaangelinta musharixiinta,isla markaana ay ku egtahay 27 Bishaan. Sidoo kale 27 Bishaan ayaa Gudiga waxaa lasiin doonaa tababar ku saabsan doorashada,halka 1-da Bisha soo socota ee December ay guddiga yeelan doonaan kulan is-xog wareysi ah. 2-da ilaa 3-da December ayaa musharixiinta waxaa fursad loo siin doonaa in Xildhibaanada ay kahor-jeediyaan khudbahooda ku aadan waxyaabaha uu mid walba qbaan doono hadii la doorto. Gababadii 5 Bisha December ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya. Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ah mid xasaasi ah,taa soo aad ka dareemeyso in uu jiro muran ku saabsan waqtiga rasmiga ah ay dhaceyso iyo qaabka loo wajahayo,waxaana wlei jirta in Dowladda Federaalka lagu eedeynayo inay faragelin ku heyso doorashada. Xigasho