-
Content Count
17,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
A Soomaali can - and should - never trust a Xabashi, nevertheless the new Xabashi leadership so far seems to coincide our own special interest, hence we should take the complete advantage of it. In this transitional non-interference by Xabashi government, waa inaa ku soo dhameynaa aayaheena, first completely bringing all maamul goboleed under dowladda dhexe guardianship and tutelage. They should never - and must not be allowed - to deal with foreign affairs again. They are on their weakest point now. This opportunity should not go to waste. I am sure the three amigos' next meeting will be in Muqdisho.
-
Waa runtaa. Shariifka would have never left if the Xabashi leadership that was in power earlier this year were in power still. No way he would have gone. He and his cohorts like Gaas and Madoobe so many trips ayee Adisababa ku aadi lahaayeen. But sheekadaas wey dhamaatay.
-
The dhaqan xumo of Somaliland ministers
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Saalax, this is some pretty damning allegation. I googled and it seems the author is Maxamed Xaaji Ingiriis, so I will have my reservations about this. I remember Maxamed Xaaji being a pro-warlords back in 2001-2004, back during shirarkii Soomaalida loo qabanaaye in Kenya, when he used to publish qoraallo iyo maqaallo online while based in Nayroobi. -
For sure he will be back after a few months of relaxing in Nayroobi. The likes of Shariifka cannot stay away from Soomaali politics, unless there is something (e.g. health-wise) we don't know. His son is a seat holder in baarlamaanka dowladda dhexe, elected by Shariifka's subclan. So the son will step aside and allow him to get in baarlamaanka in 2019. After that, he will try to gather wixii anti-madaxweyne Farmaajo ahaa oo dhan, then try to unseat guddoomiyaha baarlamaanka. I can almost see how the production of this film will go on already now.
-
Ilhan Omar is the first Somali elected to the US Congress
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
That Nigerian is a Catholic, which is a huge plus in Talyaaniga. Soomaalida are Muslims, so no average racist Talyaani (while they give you friendly smile at your face) would vote one in. Plus, most Soomaalis who settled in Talyaaniga moved to other parts of Yurub, notably to UK during the '90s. This Nigerian also represents a racist, extremist party, which many members of it don't want him in their party either. -
Ilhan Omar is the first Somali elected to the US Congress
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ilhaan will do American national media tour now, starting on Wednesday with Whoopi and her fellow talk show hosts: -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka. Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda. Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga. Xigasho -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Arriving in Muqdisho on Wednesday. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ka naxoow nafta waa - Soomaali diidoow silac u dhimo. Cayayaankii rabay inay Soomaaliya iyo Turkiga xiriirkooda xumaado ciil ha u baqtiyaan. Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, along with huge delegation, are in Muqdisho now, hosted by ra'iisul wasaaraha for a formal dinner at aqalka ra'iisul wasaaraha. -
Madoobe tolkiisa, who are my reer abti, ayaa si waalanimo ah ula jiro, plus the corrupt Kiikuuyo meesha ku haayo. Sidee tolkiisa qaarkood ula jiraan waa yaabeysaa. I think it has to do over-investing real estate market in Kismaayo by this section of tolkiisa in the last seven years, especially the diaspora ones. They are afraid losing this. Unless mid asaga ilma adeer yihiin dowladda dhexe meesha keento ku badasho or ciidamada Kiikuuyada ka baxaan, it won't be easy
-
He will back Rooboow, if he publically backs anyone at all. What a seven and half years make. In Juun, 2011, the two Shariifs humiliated Farmaajo, forcing him to resign as a ra'iisul wasaare when majority of the population were against it. I was in Islii on that day, and there was a major protests, which I participated and took countless sawiro and videos of it, which I still have them to this day.
-
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
And now gollaha maamul goboleed ku sheega afhayeenkooda is gone too. This means gollaha qarka u saaranyahay inuu burburo. Soon Xaaf will perhaps announce he too is no longer a member. __________________ Afhayeenki golaha madax goboleedyada oo iscasilay Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo. Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu maamulkiisa ka mid ahaa. Waxa uu ahaa wasiirka dastuurka Koonfur galbeed Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku yimid. Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa loo macneyn karaa in Koonfur Galbeed aysan iminka xubin kasii ahayn golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, taasi oo dhabar jab wey ku ah golaha. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda. Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filaaa inuu noqdo qof ku xiran dowladda dhexe ee Muqdisho. Xigasho -
Awshariif uultimo waa isdhiibay. Laakiin ninkaan siyaasadda been been sahlan uguma baxaayo so he must have something under his sleeve.
-
Ilhan Omar is the first Somali elected to the US Congress
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
When will Reer Ingiriiska hurdada ka kici doonaan and send one to House of Commons? Also Reer Australia. Iswiidhan even has a Soomaali sister elected to their national assembly, Riksdag. -
Ilhan Omar is the first Somali elected to the US Congress
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Hambalyo iyo boggaadin dhamaan walaalaheena ku guuleystay doorashooyinkooda: Ilhaan Cumar, Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur. Labada musharax dambe oo ku guuleystay baarlamaanka gobolka Minnesota. Kheyr ayaan u rajeynaa dhamaantooda. Khudbada Ilhaan xalay: Khudbada Hodan xalay: -
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Haa, widaay, and if he truly resigns from his candidacy, he will throw his support behind Rooboow, his reer abti, plus Rooboow fits my enemy's enemy is my friend criteria. -
What was this so-called xildhibaan expecting from the Qaramada Midoobay's own special representative to Soomaaliya's get-to-know tour of Soomaaliya's maamul goboleed? Nicholas Haysom started his tour in Kismaayo, then Baydhabo, Garoowe, Hargeysa and concluded in Gaalkacyo. He earlier met guddoomiyaha Banaadir Yariisoow iyo Waare from Hirshabeelle in Xamar, after meeting when he first landed in Muqdisho madaxweynaha dalka, guddoomiyaha baarlamaanka, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha aqalka sare. At least Muuse Muqayil, the true local man, is lucky that he finally met a delegate after months of non-stop jaad session marqaamid of nothing to do. He dusted off his suit, which gathered dust for so long.
-
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maxaa kusoo kordhay Koonfur Galbeed & Xildhibaanada kusugnaa magaalada Muqdisho Qaar kamid ah xildhibanada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo maalmo ka hor ay ka yimaadeen. Xildhibaanadaan ayaa saaka la arkayay iyaga oo saaran gaadiidkii Dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxayna sii galayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Xildhibaano ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib u laabashada xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Waxay xildhibaanada qaar ay sheegeen in marnaba dib u dhac uusan ku imaan doonin doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana magaalada Muqdishoa u tageen kadib casuumaad ay ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka oo isku deegaan ay kasoo jeedaan. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay ka horyimaadaan go’aankii malaaqyada Koonfur Galbeed ay shalay qaateen oo ahaa in doorashada dib loo dhigayo. Wali waxaa laga dhowr sugayaa isbadalka saacad kasta ku imaan kara xaalada doorashada Koofur Galbeed. Xigasho -
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
We will see that, Cadnaan. I don't think other maamul goboleed horjoogayaal would want that, though. -
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
This just in now. Is Shariifka pulling another so-called 'trick' now? I don't think he is going to resign from the candidacy. Shariifka oo laga yaabo inuu iscasilo iyo saxaafadda oo looga yeeray Madaxtooyada Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weriyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo looga yeeray madaxtooyada Koofurgalbeed. Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono balse lama oga in uu ku dhowaaqi doono inuu yahay musharax iyo in uu iska casili doono Madaxtinimada Koofur Galbeed,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu iscasilayo. Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana warka ugu badan ee Baydhabo laga helayo ayaa ah in Shariifka uu ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kana haray tartanka Doorashada Koofur Galbeed. Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye. Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in galabta 4-ta galabnimo looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed shir jaraa’id oo aan loo sheegin cida qabaneysa, balse loo badinayo in Shariif Xasan qabanayo, si uu ugu dhawaaqo is casilaadiisa. Jawi aan daganeyn ayaa ka jiro Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxayna siyaasiyiinta buux dhaafiyeen madaxtooyada. Xigasho -
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Now, the rest of remaining guddiga doorashada (12 members) are claiming they will hold the (s)election come on Nofeembar 17th. -
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shariifka and his silliness staying behind odey dhaqameedka Koonfur Galbeed, same odey dhaqameed he persuaded to accept three-gobol Koonfur Galbeed maamul, instead of lix gobol, back in 2014. I don't think the populace are that ready to accept this. -
Shariifka's shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashada Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bishan November. Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, iyadoo la safatay Musharaxiin, isla markaana dhaqaale iyo baabuur aan xabado karin ka soo dejisay Garoonka Baydhabo. Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka in Xildhibaanadii Koonfur Galbeed u daabushay Muqdisho, isla markaana lacago laaluush ay siisay, si ay u doortaan Musharaxiin gaar ah. Odayaasha dhaqanka ayaa soo xigtay qodobka 60aad ee Dastuurka Koonfur Galbeed waxay go’aan ku gaareen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha ee loo balansanaa, inta laga helayo jawi degan. Sidoo kale Odayaasha waxay caddeeyeen inay marjac u yihiin Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama markey xaalad la soo gudboonaato Golayaasha dowladda Koonfur Galbeed, waxayna noqon karaan Garsoor lagu go’ i markii loo baahdo. Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, iyadoo war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ku fartay Madaxda Koofur Galbeed in aan dib loo dhigi karin doorashada, kuna dhacdo xilligii loo asteeyay. Xigasho
