-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
The evil Jeegaan has crossed all cultural and human decency.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to galbeedi's topic in Politics
Meeshii loogu hanjabi jiray in loo dhiibi doono the likes of Naciimo Qorane iyo Coldoon ayaa calankeena suuban ka babanaayo maanta, Naciimana hadal dhiiragalin heersare ah ka jeedineyso. Naciimo Qorane oo Jigjiga joogta. What a few months had it been. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ciidanka Gaadiidka Badan heysta Duleedka Muqdisho oo la ogaaday waxay yihiin Taliyaha ciidamada Xooga dalka Gen Daahir Aadan Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxay yihiin ciidamada gaadiidka tirada badan ku xanibay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn. Indhaqarshe, ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka Saadka ee ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay bixiyaan dharka ay xiran yihiin ciidamada gaadiidka isbaarada u dhigtay. Taliyaha ciidamada xooga, wuxuu sheegay in ciidamada gaadiidka heysta inaysan ka tirsan ciidamada meletariga Soomaaliya, balse ay heleen dareeska ciidamada meletariga Soomaaliya, sida uu sheegay. Taliska Saadka ayuu ku eedeeyay Indhaqarshe inay si qalad ah ku bixiyaan Tuutaha ciidamada meletariga, taasina ay sharaf dhac ku tahay ciidamada xooga dalka, sida uu sheegay. Ciidamo wata dareeska ciidanka Meletariga ayaa xaniban inka badan 200 oo gaadiidka Xamuulka qaada, oo ay ka doonayaan dhaqaalo badan sida maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen. Shan kun doolar ayaa la sheegay inay gaari walbaa ka doonayaan ciidamadan oo ka careysan mushaar xumo heysta, sida maamulka Shabeelaha Hoose uu sheegay. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Gadiidka xamuulka ee ka baxa muqdisho oo ku xaniban duleedka Afgooye Gawaarida xamuulka ee shixnadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku xaniban duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose, gawaaridaan ayaa shixnadaha ganacsi ee ay sidaan intooda badani waxay ku wajahan yihiin Gobolada Bay, Bakool, Gedo illaa xuduudka Itoobiya. Sida ay baahisay warbaahinta gudaha sababta ay gawaaridaan u xaniban yihiin ayaa lagu sheegay in gaadiidka lagu soo rogay canshuur aad u badan oo ay sheegeen in aysan awoodin bixintooda, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidkan ay ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn, tira gawaaridaan ayuuna ku sheegay in qiyaas ahaan ay gaarayaan 200 oo gaari. Ciidamada dawlada ayaa la sheegay in gadiidlayda ay ka codsadeen in ay bixiyaan lacag ka badan midi ay bixin jireen, sababta ayaana lagu sheegay in mudo aysan ciidanku qaadan wax mushahar ah. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Among the reasons Reer Koonfur Galbeed vocally support Rooboow is this: There are so-called 'ciidamo' qaran, wearing dareeska ciidamada oo isbaarooyin u taalo between Afgooye iyo Daafeed in Shabeellaha Hoose, wixii baabuur, xaamuul ama ha yaraado maro baad ugu qaato lacag, hence the complaints of ganacsatadaan. Rooboow promised that won't be the same and will kick them out of Shabeellaha Hoose. Shariifka never cared about those mööryaan, even might have been close to their leaders. -
Galbeedi, are you sure you are talking about the same Mudug we all know. Mudug waa wada ognahay, deegaankaas dadka degan waa ognahay madax adeegooda, reer iyo qabiilkee yihiinba ha ahaadaanee. Walaa gumeystihii Talyaaniga, walaa dowladii rayidka, tii Kacaanka iyo burburkiiba ka dib. Dadkaas si sahlan kuma wada noolaan karaan. Xasan Sh. Maxamuud, wax uu kab kabay ee wax ma dhisin. If uu dhisi lahaa, saan si sahlan uma burburteen all the time.
-
Muuse Lokal: Axmedoow, meet me, see me, please
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
The shameless secessionist have missed this bow humiliation to Xabashis, which hadn't happened for half a year. Saf sidee ugu jiraan ayaa igu daran, sida ardey kindergarten camal ah. Such a brazen ignominy. Dhurwaa and his likes are agitating for one. -
Muuse Lokal: Axmedoow, meet me, see me, please
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Calaacal after endless calaacal. Dhurwaa wali quuqdiidsa ma joojinin. Wiil yar, wiil weyn, wiil dhexe waligaaba ku haay, Awdhurwaa. Xabashiland siyaaradooda ayee ahayd. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Fadeexad Qabsatay Maanta Murashax Laftagareen & Guushii Rooboow (Kulanka Maanta Baydhabo) Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ka dhacay Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Safiirka UK Ee Soomaaliya iyo Inta badan Murashaxiinta utaagan Qabashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka David Concor iyo Murashaxiinta ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Doorashada dhaceysa sabtida dambe 17 Bishana ku beegan. Ilo ku dhaw Shirkaas waxay sheegeen in Murashaxiin uu ka mid ahaa Rooboow Abu Mansuur ay joogeen Kulanka ayna yimaadeen Murashaxiin uu ku jiray C/casiis Lafta Gareen. Safiirka UK ayaa Bahdil ku sameeyey Murashaxaas ay Dawlada Dhexe wadato oo Murashax kale wada socdeen laguna magacaabo Dr Ibraahim,maadaama loo diiday inay shirkaas ka qeyb galaan. Warar kale ayaa sheegaya in uu ubadan yahay Abu Mansuur Rooboow in Madaxweyne Loo doorto,marka loo eego Saadaalinta iyo sida ay wax usocdaan. Danjire Concor ayaa waxa uu si gaar ah markii Kulanka dhamaaday oo murashaxiinta istaageen codsaday inuu haro,isagoo yiri Madaxweyne Rooboow fadhiiso kadibna kulan kale oo Saacado qaatay la yeesheen. Shakiga waxa uu ka yimid meeshaas, maadaama Abu Mansuur ay ucarfeyso Xilka madaxweynaha Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xigasho _____________________ It seems danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya met Rooboow separately after he met him among with other independent candidates. Taloow maxaa laga hadlay? -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
I think the (s)election will be delayed now. Holding it within a toddobaad won't be possible, all independent candidates want it to be delayed. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed iyo shirar dhacay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Musharixiinta ayaa safiirka u gudbiyay walaaca ay ka qabaan doorashada Koofur Galbeed, waxaana dhankiisa uu kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor ah oo Musharixiinta ay ku wada qanacsan yihiin. Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhabo. 7 Maalin ayaa ka harsan waqtiga loo balansanaa inay doorasho kaga dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada sanadkaan ka qeyb galeynin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo iska casilay xilka madaxweynaha kana tanaasulay Musharaxnimadiisa. Musharixiinta ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada, laakiin dowladda ayaa dooneysa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed. Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi u dhici laheyd. Xigasho -
Cagjar iyo Shide oo soo biiray the three amigos.
-
Thos won't be possible in our lifetime or next, but otherwise in ganacsiga la isku furo Soomaaliya ayee faa'ido weyn ugu jirtaa. More mini-Islii ayaa Adisababa laga furaa and our fishery industry can have a large land-locked market like Xabashiland. Kiinya, Tansaaniya iyo Ugaandha have been trying this integration thing for decades, and nothing is feasible yet. If anything, they will be the first.
-
Dalmar iyo Samafal, banooniga isku meel aa u wadiin laakiin laba goal posts ku laadeysiin ee caadi iska dhiga. Degmo iyo magaalo walba oo hormarto waa Soomaaliya horumarkeeda.
-
Keep friends close, enemies even more closer. Soomaalideena should not waste a political opportunity like this. Waa inaa dalkeena ku hormarinaa, iskuna keenaa without Xabashi interference. I am sure Farmaajo will go to Jabuuti, and tell them Soomaaliya will always be their big brother and our interests should always remain and be the same.
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I will never buy or fly with anything Xabashi owned, nevertheless I hope this new route by this airline will lower airfare prices to Muqdisho for Soomaalida. Kenya Airways will soon start another route as well in the next two months. And soon I hope Soomaali Airlines in dib loo howlgaliyo. This should also encourage to expedite Jubba and Daallo airlines to officially merge under one name and company, and buy modern airlines. Otherwise, flying domestically ayee ku soo hari doonaan or die all together. Sheekadii hore ma soconeyso. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Diyaaradda Ethiopian Airways oo bilowday duulimaad toos ah oo labada dal Waxaa Maanta oo Jimca ah markii ugu horreysay muddo 41 sano ah soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airways. Waxaa haatan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soconaysa munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayo imatinka Diyaaraddan. Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya. Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid Dalka Ethiopia. Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa indhawaalaba ku tallaabsanayay horumar xagga duullimaadyada caalamiga ah, waxanay tallaabadani qayb ka tahay guulaha isku xirka caalamka iyo kuwa dhaqaale ee ay gaadhay dowladda federaalka Soomaaliya. Xigasho -
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ka wada hadlaya dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Mudane Abiy Axmed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah. “Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.” Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah. Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalalka Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka. Xigasho
-
A Soomaali can - and should - never trust a Xabashi, nevertheless the new Xabashi leadership so far seems to coincide our own special interest, hence we should take the complete advantage of it. In this transitional non-interference by Xabashi government, waa inaa ku soo dhameynaa aayaheena, first completely bringing all maamul goboleed under dowladda dhexe guardianship and tutelage. They should never - and must not be allowed - to deal with foreign affairs again. They are on their weakest point now. This opportunity should not go to waste. I am sure the three amigos' next meeting will be in Muqdisho.
-
Waa runtaa. Shariifka would have never left if the Xabashi leadership that was in power earlier this year were in power still. No way he would have gone. He and his cohorts like Gaas and Madoobe so many trips ayee Adisababa ku aadi lahaayeen. But sheekadaas wey dhamaatay.
-
The dhaqan xumo of Somaliland ministers
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Saalax, this is some pretty damning allegation. I googled and it seems the author is Maxamed Xaaji Ingiriis, so I will have my reservations about this. I remember Maxamed Xaaji being a pro-warlords back in 2001-2004, back during shirarkii Soomaalida loo qabanaaye in Kenya, when he used to publish qoraallo iyo maqaallo online while based in Nayroobi. -
For sure he will be back after a few months of relaxing in Nayroobi. The likes of Shariifka cannot stay away from Soomaali politics, unless there is something (e.g. health-wise) we don't know. His son is a seat holder in baarlamaanka dowladda dhexe, elected by Shariifka's subclan. So the son will step aside and allow him to get in baarlamaanka in 2019. After that, he will try to gather wixii anti-madaxweyne Farmaajo ahaa oo dhan, then try to unseat guddoomiyaha baarlamaanka. I can almost see how the production of this film will go on already now.
-
Ilhan Omar is the first Somali elected to the US Congress
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
That Nigerian is a Catholic, which is a huge plus in Talyaaniga. Soomaalida are Muslims, so no average racist Talyaani (while they give you friendly smile at your face) would vote one in. Plus, most Soomaalis who settled in Talyaaniga moved to other parts of Yurub, notably to UK during the '90s. This Nigerian also represents a racist, extremist party, which many members of it don't want him in their party either.