gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Haa walaal, ninkii lahaa qoraxdu dhanka ay iga hayso yaan qiyaasayay waana sida shaqadu u socoto. Sirdoonku wuxuu ka bilawdaa (malo) wuxuuna ku dhamaadaa Run ama Been. Qofka wayn kama caqli badna dadka laakiin wuu ka khibrad badanyahay. Sirdoonku wuxuu u qaybsamaa labo Mid shacabka ku dhex jira iyo arimaha gudaha ku shaqo leh, waana "hay'ad" darajada ay wataana cid taqaana ma jirto islaanta yaanyada iibisa yaa u shaqayn karta. Midna waa hogaanka sirdoonka ee ciidanada qalabka sida, shaqadooduna waa gudaha iyo dibadda labadaba waana halbawlaha dalka Ma sheegi karo inuu dhisantahay iyo inkale balse u malayn maayo inay jiro wakhtigan. Tan ma nin 77 dagaalkeedii galay yaad ugu shakisan tahay inuu camiil ahaa? Haa oo dagaalkii 77 dadkii dhufayska soomaalida ku dhimatay qaarkood tacsida itoobiyana waa looga dhigay walaal. Iminka xagjirka waxa dila waa kan shaqada u diro oo aysan waligood ka shakin karin. Dawladda xoogga leh, ilna, ayagay isaga ilaalisaa tan kalena cadawga kale lama garan karo. Farmaajo dawladiisu waa dawlad ka kooban qabiil laysku kakabay, Waxaan difaacayo Mr.gooni ahaan waa shakhsiyadiisa ee ma'ahan dawladiisa. Soo sidaa ma'ahan ajandaha noo wada qarsoon? Ma dhagaysatay shekh shariif oo leh waxba kama ogayn in badda la saxiixay? Qof walba meeshii loo dhiibo yuu madaxweyne ka yahay asagoo ay gabaad ay u tahay awood qaybsiga dastuurka ku qoran. Sanbaloolshe haduu dawlad caadi ah u shaqayn lahaa asagoo dhanba lama arkeen meel uu jaan iyo cirib dhigay geeri iyo nolol midna. Maantana TV'ga yuu fadhiyaa asagoo leh dawladu muqdisho haka baxdo. Arrintaan waa arrin la xiriirta amnigeena qowmiga ah waxayna ahayd inaysan dadka caadiga ah ogaan dad badana godka u dirto ayadoon la ogayn. Waxaadna ogaataan inta turkigu jooga soomaaliya in cadawgeedu kaa dhaqaale iyo takhdiid badan yahay dadkaagana adeegsanayo.
  2. Suldaan Ma difaacayo farmaajo sinaba hadii sanbaloolshe ka kor baxay waa dhaawac wayn oo u baahan in khibrad laga dhaxlo. Waxaa la rabaa hay'adaha sirdoonka in aan qof kaligiis lagu aaminin waa sil-silad aan quful lahayn hal nin kaligiis ma jiidi karo. Waa waraysigii iigu cajiibsanaa oo aan dhagaysto waayahan. Odaygu waa ugu yaraan 70 jir waana masuul sare oo xilkas ah, been ku tuhmi maayo. Markhaatigiisuna ma dhiman waa labo ninoo masuula hadana nool. Waxay noqon kartaa aragtidayda.... In sanbalooshe iyo qalbi dhagax ay ahaayeen walaalo,ama labo kornayl oo tigreega u shaqeeya, looguna talo galay in lagu dhaawaco shacbiyada dawladda oo markaas xoog ku socotay. Sababta aan uga shakiyay dhibanaha waxay tahay sida uu wadciga isaga indho tirayo ilaa maanta. Way dhici kartaa inuusan hubaal ahayn aragtidaydu balse nin wayn oo og inuu yahay gabal sii dhacaya been buu sheegayaa marnaba i mari mayso.
  3. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Nin meelu u cadahay Meelu ka Madaow.
  4. Gal-mudug La mid ma'ahan gobolada kale sida bay iyo bakool oo diinta loo raadsan jiray iyo masagada. Dhaqan ahaan gal-mudug waa dad dhib badan, axdigana ma oofiyaan. Nabada, colaaday ka jecel yihiin. Xalaashana xaarayntay ka jecelyihiin Waa intooda badan dadka laysma raaciyo aqlabiyadda ama ilaa man raximalaah. Ilmaha markii loo xiiro waxaa lagu dhahaa orodoo facaa iskasoo celi asagoon ilko lahayn. Labaatan jir mudug ku dhashay ilaahay uma xil qarin, macnaheedu waa inuu ama dilaa noqdaa ama isaga tagaa gobolka. Tusaale waxaa kuugu filan dadka wax loo qaybinayo oo loo dadaalayo waa hal jufo oo sadex jufo usii kala baxday Waxa federaalka oo aysan sharuudihiisii buuxin uga mid noqdeen gobol iyo rubuc si shartooda looga nabad galo. Mid waxay leedahay madaxweynaha. Midna waxay leedahay caasumadii dhaqaalaha ugu badan soo galayay. Midna waxay leedahay gurigii baarlamaanka oo lagu talinayay Waxaa loogu daray suufiyadii oo sadbursi iyo mixnad kale ah. Maxaa soo haray?.... Waxba. Juhdiga intaa le'eg waxa lagu bixinayo waa hal beel ah oo aan timo waligood usoo bixin. Soo kama fiicnayn juhdiga intaa la'eg, in dawladu geliso geella Australia lagu laynayo.
  5. Aad baan ugu hambalyaynayaa qaa'idkaas qiimaha badan oo ogaaday shaqaduu bartay inaysan hargaysa oolin oo ah qayilaad iyo been dalkiisuna u baahanyahay. Banu aadamku waxaa alle ka sameeyay sadex shay "Jir" ama (jidh) Naf iyo Ruux sadexdaa kee ugu muhiimsan ama xisaabta inta badan ku dhacdaa?
  6. Barnaamijkan mediaha waxaa lagu magacaabaa isxilqaan. Waa barnaamij iskaa wax u qabso ah oo qaranka looga badbaadinayo cudurada faafa iyo beenta cid lacag ku bixiso ma jirto. Wuxuu la mid yahay kan lagu dhisayo tiyaatarkii qaranka, maktabadii dhaqanka taalooyinkii iwm. Ciyaalkan markii gaari ka banjaro dariiqa ku dib jiraya farmaajo ma yaqaan lacagna ma siiyo waa muwaadiniin soomaaliyeed oo iskood u dhaxamaysan. Inta badan dadka isticmaala live waxay bulshada ka codsadaan ayagoo baryootamaya ama ducaynaya inloo share gareeyo, waxa ay sheegaayaan si ay wax un faa'iido ah uga helaan. Bulshaduna mar walba waxay xiiseeyaan xumaanta waayo siday u dhasheenba wanaag maysan arag. Dhibka live'ku keeno waxaa ka mida ayadoo markii horaba caqligoodu yaraa bay hadal bateen, waana mida keentay aakhirka in ayagoo live ku jira is qaawiyaan, si ay uga raad gataan khaladkii horay uga dhacay oo aan kasoo noqosha lahayn, loona dhaho ha la quraan saaro iyo jinigii facebook yaa madax maray.
  7. There is no such low born or high born. Alah created us sand and we will back one day for sure You look victim many times. First one, your own education, and that is the first and important one. Snm created our enemy, but they were white english speaker and you know very well, how much we love english speakers. Ask your self why we updating every year hate and envy all most half century? Where we got this culture? Odweyne? I don't think so.
  8. So you have no any answer? I rather ask Netanyahu he knows better than you. Salaadda tuko inta yaqiitu kuu imaanayso waa talo walaalkaa soomaaliyeed. Mowtidana faraha ka qaada mar hadaadnan waxba ku samayn karin intay noolaayeen Ogowna qofku markuu dhinto la odhan maayo, duriyadda yaa ka jooga meesha iyo markhaati ha la doono. Qof walba kitaabkiisa asaga qudhiisa, yaa akhrinaya. Allaha khaatumada noo suubiyo... dheh aamiin.
  9. i asked three times, same question. Can you answer? if you do that, i really appreciate because i don't know the reasons snm created. Siyaad barre miyuu idin gumaystay? Ma kaligi talisnimadaa idinku dheeraatay? Maxuu ka bilowday dagaalka sidaas ba'an maskaxda idinkaga duleeyay? Waa fahmi waayay xabada intaadnan ridin wixii idinku kalifay oo laydinku sameeyay. Ma doonayo kadib wixii dhacay. Intaa kaliya noo sheeg adigoo mahadsan.
  10. Dr.oodweyne. Soo afjara walaal, cuqdadana iska saara, qofkii dhinta (fii dimatilaah) ilaahay baa oofsaday asagaana jano iyo cadaab labadaba haysta. Waxaad kusoo afjartaan kuna samirtaan, hadii dad idinka dhintay soomaali bay ahaayeen waana lawada dhintay allaha u naxariisti dhamaantood. Fulay waxaa ah ninkii qarankiisii soomaaliya soo dumiyay, oo sodon sano gaal aqoonsi u ag fadhiya. Snm ssdf usc spm Afartaa jabhadood waxaa lagu asaasay qabiilaysi. Markii laga reebo( ssdf) intooda kale waxay ka dagaalameen lama yaqaano iyo waxa hadafkoodu ahaa Is waydii su'aashaas isuna jawaab kaligaa. Snm maxay ka dagaalantay? Spm waa la yaqaanay shaaha iyo sonkorta yaa loo dhiibtay awrtana way iska daba gashay dambi wayn laguma soo oogi karo. Usc dhari la kariyay oo bislaaday bay mar kaliya gacanta geliyeen, dharigiina waa jabiyeen wixii ku jirayna waa ciideeyeen ayagana caqligaa ka xumaaday waana la malayn karaa. Ssdf waa jabhada kaliya oo si toos ah kuugu sheegaysa waxa ay ka dagaalameen. Waxay leeyihiin dabaqa afraad yaan masaariifta khadamkeena ugasoo tuuri jirney, inaan talino mooyee waligeen nalooma talin. Siyaad barre khaadimkeenii yuu dabaqa saaray waana midda keentay inaan ka dagaalno. Hadafkoodu waa cadyahay ilaa iyo maantana manhajka wax barashada dooni maayaan inay cid la wadaagaan hadaan garoowe lagu qorin. Mar labaad aan kuugu celiyo su'aasha snm maxay ka dagaalantay? Kow, labo, sadex. Soomaalidu waxba kuma kala saarnayn saxiib waadna ogtahay hadaad jaamacdii lafoole dhigan jirtay, ciidanka, iskuulada, shaqaalaha, faqri iyo qani-nimo intaba waa loo sinaa. Mar sadexaad maxay snm u dagaalantay? Ma inay taliso? Ma gooni isu taag? ma dulum gaara oo lagu sameeyay? Maxaa keenay daciifnimada intaa le'eg oo xataa qofkii dhinta aad naxariiste eebe haysto, ugu diidaan? Isku day mudane inaad wax un lagaa faa'iido adigoo geedaha jaridda badan ka daynaya.
  11. Axmed warsame allaha u naxariisto wuxuu ahaa nin culumo ah oo hadana dalkiisa usoo shaqeeyay, wuuna kala yaqaanay dilka waajibka ah iyo kan aan waajibka ahayn. Dadkii walaalaheen waqooyi galbeed laayay hargaysay iminka joogaan, ayagoo qaarna madax ugu yeeray kuwii nolosha ka dhacayna mujaahid. Ninkaan wax ka barta been idiin sheegi maayee waa waayo arag geesi ah oo aan beeshiisa been iyo dulmi ku raacin waligiis.
  12. Wuxuu isu arkaa halgamaa balaayo ka dhacday oo aduunkoo dhan gilgilay, ma oga dadka u ilmanayay in lug u laabantahay Mana akhrin karo hadii cimrigiisa 50 kale loogu daro wax lakala macaashayo.
  13. Waa midka khafiifka buluugga ah. Anaga keenu waa cirkoo kalo'ee aan caadna lahayn.
  14. Dr odweyne Famaajo iskuma diro beelo soomaaliyeed saaxiib, arimahan waa arin jufooyin hoose oo snm u gaar ah, odayaal dhaqameedkaa laga rabaa inay mujaahidka qanciyaan. Tan Dpworld waa masuuliyad saaran in dalkiisa aan raqiis lagu boobin iyo xaqul qalin. Waana mid ka mid ah sumacadii soomaaliya lahaan jirtay oo dib usoo noqotay. Ogowna waxaa jira aayad quraana oo oranaysa, waxaa jira waxaad shar moodayso oo khayr kuugu jiro, iyo waxaad khayr moodayso oo shar kuu ah. Waxaan hubaa hadii laydin aqoonsan lahaa inaad si fudud aad ceel aadnan kasoo bixi karin ugu dhici lahaaydeen anigoo ka cabir qaadanaya aqoonyahanada ku doodaya farmaajo yaa na cuna qabateeyay. Biixi dalka soomaaliya masuul kama aha walaal, waa farmaajo qofka masuulka ka ah sharuucda dawliga ah. Waxba ma qaban karto dpworld hadaysan haysan damaanad dawladeed oo sax ah, fadhi ku dirirka faraha badan iska daa ninyahow xaqiiqda mar un u dhawaw.
  15. Villa soomaliya lacag badanaa Markay dhali waydo bay tidhaahdaa shaatiga farmaajo ha lay ursiiyo.
  16. Saalax.... raganimo iyo dhaqan waa hore yaa soomaali soo aastay. Ragii soomaalida qurbaha joogay dumarkii baa adkaaday. Soo maadan arag kuwo ku leh ragooda qurbaha, live baan ku jiraaye ilmahaa iga kaxee dhawr kun oo qof baa i daawanaysee. Somaaliyana afartan jir todaba jir kufsanayaa lagu arkay waxaan maqlay gorilaha inkaar baa ku dhacdee dad buu ahaan jiray asalkiisu.
  17. Waa daroogada ku badatay wadankoo dhan waxa keenaya kufsiga aragtidayda, haday la dagaalamaan daroogada kufsigu waa yaraanayaa oo qaadku ugu horeeyo. Meel madax-weynahoodii qayilayo akhlaaq laguma ilaalin karo.
  18. Dr.odweyne Beerta waxaa la geliyaa tacab badan. Ciidda waa la fiiriyaa marka hore. Abuur lagu rido. Biyaha loo qiyaaso. Laga ilaaliyo xasharaadka. La sugo intay soo go'ayso. Ka waran tacabkaas aadka u mashaqada badan ka dib, hadii la cuni waayo mirahaas oo xataa shimbiruhu diidaan? Waxaa la mida aqoonta professor'da aad sheegayso iyo waxa loogu yeero aqoonyahanka soomaalida oo dhan (ilaa man raxima-laah.) Adigu bal is xisaabi ilaa lafoole ilaa aad qaxooti ku noqotay ingiriiska waxbaad baranaysay, aqoontaas waxaad dib ugula noqotay sadex jufo oo markii mid lasoo caro celiyo mid kale tagayso. Doodu see wax u dhalaysaa hadaadanba aqoon sida wax u dhashaan? Ilmo saleebaan isku qabiil lama ahi, waligayna lama noqon, nabi aadam yaa nawada dhalay waana meesha kaliya oo dhalashadeenu ka bilaabatay ka dibna muslin iyo soomaali yaan iskusii noqonay alxamdulilah. Aniga qabiilkayga waa dadka ugu nabadda jecel soomaalida. waxaan shirnaa markii sambuus gaari naga jiiro, dadna ma dhibno magna nalooma soo raadsado, alle waxaan ka rajaynayaa inay soomaalidu anagoo kale noqoto. System 'ka soomaaliya waa qabiilaysi waana dastuurka firqadiisa koowaad. Hadii aad adigu aqoontaadii aad ku difaacayso jufadaada, jufooyinkii kalana aad diiday inaad wax ku darsato, maxaad professor galaydh shaaha ugu dirsanaysaa? Soo ilmo saleebaan walaalkood ma'ahan? muu iska celiyo, xaqiisana qaato asagoo soomaali ah qabiilna ah sida waafaqsan dastuurka?
  19. Dr. Odweyne Saxiib waligeen dood kumaanan kala gar helin waligaana bacaad baad fadhiday. Doodu markeedii horeba waxay ku socotay labo ilaa sadex professor oo siyaasada somaaliya ku wareeray. Haday iska aamusi lahaayeen macno wayn bay samayn lahayd. Qofka wax bartay iyo hadalkiisu waa inuu isleeyahay ama usu qalmaa, waa adigoo kale dhamaantood. Mowduuc kastoo laga doodo beel baad kusoo celinaysaa, iyo beeshaydaa tashatay taadana kenya haysata. Maxaad beel ku eedaysaa, hadaadan dal iyo dad jiraba ahayn, adigoo konton sano xor ahaa yaad mar kale xoriyad doonaysaa oo kabo ku le'eg wadankii iyo aduunkii oo dhan laga waayay. Ina farmaajo xaq looguma leh in lagu dhaho, qoryihii wax lagu karin lahaa biyihii iyo dabkii kaligaa keen raashin bisilna noo toosi hadhaw. Tan hablaha ma taqaanid sida looga hadlo waxaa kuu fiican inaad dhinac ka marto.
  20. Dr.odweyne Mida hablaha qaarna amaani maayo, qaarna xumayn maayo qabiilkoodu waa hooyo soomaaliyeed, ma doonayo inaan ku fogaado si aadan usii fashilin. Tan kale waa sax gob baad tihiine ka noolaada hablaha reer sool, meel aroos ka dhaco waa meel khayr yaalo. Farmaajo Farmaajo haduu sii joogo afar sano oo kale dib dambe laydinka maqli maayo erayga aqoonsi taas meel ku qor iminka. Sababtana waan kuu sheegi saaxiib dadku aad wax u sheegaysaan waa judge waa malaayiin aadanaha ka mida, waxayna akhrin karaan ninka daacadda ah iyo kan beenta ku maaweelinaya. Waa sax waana kugu raacsabahay inuusan xaafadda hodan gaari karin, balse wali wuu ka shacbiyad badan yahay kuwa aad qabiilka ku taageeraysaan dhamaantood. Farmaajo qabiilayste ma'ahan marka ugu horaysa qabiilkiisana ku lahjad ma'ahan, hadaad maantoo dhan ku celcelisaan waa haraadigii afweyne ee na xasuuqay, cidina akhrisan mayso, waana mida keentay inaan saxar calooshiina ku harin waa intaa kaliya ciidanka aad ka baqaysaan dadku been waa ku daalay saaxiib. Suldaan Walaal waxaan aaminsanahay ama xaqiiqo ah, laas-caanood in lagu xukumo laaluush, waana ku meel gaar wax walba wakhti bay leeyihiin, dadku nabad haday haystaan, makala jecla nin la haysto taladiis waa la ogyahay qalbigoodu meeshuu jiro. Waxaan maqlay, sayid c/lle xasan yaa sidii loo fadhiyay amar ku siiyay saraakiil daraawiishtiisii ahayd inay soo dilaan nin reer laas-caanood oo raganimo badan ku ogaa. Sida caadada ahayd sayidka amarkiisii lagama hor imaan karin. Markii ay fardihii fuuleen yuu u hadana u sheegay inuu amarkii ka noqday oo ay iska joogaan (mission cancelled ). Sharciga daraawiishtu wuu ogalaa inay waydiyaa sababta wuxuuna ugu jawaabay ayagaa iska dilaya intaadnan gaarin. Waxa xagjirka snm la socda waa xaabo ragoodii asalka ahaa ayagaa horay u dilay. balse waxaad ogaataa dhulkii geed qurxoon ka bixi jiray mirihiisa ciidaa u kaydisa inta abaartu jirto. Tan puntlad, wali imaadan fahmin.
  21. Suldaan Imaadan fahmin waxaan ka hadlayo completely Kalshaale iyo inaad ka adkaatay puntland hindida iyo somaaliduba waa ogtahay. Waxaan ka hadlayo waa dal qabiil u kala baxay, professor aqoontiisu ku qancisay inuu marti ugu noqdo beel kale. Puntland inay jecladaan reer sool lama rabo muhiimna ma'ahan, waxaa la rabaa inay xisaabtooda ka qaataan iyagoo somaalinimo iyo tolnimo labaduba ka dhaxayso, xoog iyo xeelad labadabu waa u banaantahay. Jacayl ku meel gaara, oo hargaysa soomaali ku shidaynayso, macno iyo muuq ahaan uma fiicna daraawiishta soomaaliyeed. Mid xanaaqa oo mujaahida yaa ku filan ama dhirbaaxa. Dr oodweyne Marka ugu horaysa ina adeerkaa suldaan iyo walaashaa barwaaqo kaliya dadka haka salaamin dadkoo dhan salaan waa waajib. Marka labaad alxamdulilah calaa salaama. Waxaad aad qorayso waa wixii maalayacniga ahaa oo aad waligaaba qori jirtay. Farmaajo waa marti, calooshiina waa na socotaa oo wax kuma harin isma qabtaan. Haduu tagana mid kasii fiican allaha na siiyo haduu joogana waa nin wax u kala saaran yihiin. Midaan mashruuca arooska haddii aad gabdhaha reer sool kaliya aad guursataan, kuwiinu koonfurtay aadayaan, taasaana aqoonsiga dhib wayn bay u keeni karta, wax isku wada hal dhinac kaliya xoogga ha saarina.
  22. Suldaan Saaxiib aqoontu waa waraaqo qofkii bartay jeebka ugu jira, waa wax asaga kaligiis anfacaya, haduu garto sida loo adeegsado. Taxi driver iyo geel jire xaq bay u leeyihiin inay ra'yigooda dhiibtaan. Malab hadii lagu shubo weel aan nadiif ahayn lama dhadhamin karo. Aqoonta hadii lagu shubo maskax aan nadiif ahayna waa la mid. Puntland waxba nooma ogola waa eray aan meesha oolin ama qaban aragtidayda. Puntland waxaa laga rabaa in laga helo wax maysku darsanaa (bas) Hadii laga helo waxaa ku xigta si sax ah noogu qaybiya waxaan isku darsanay. Waa la arkay labo nin oo walaalo ah oo dhaxalkii aabahood isku qabsatay, ama isku dilay. Balse lama arag nin doonaya in reer dhari ay karsadeen, saxan la ag taaganaado, soomaalinimo iyo qabiil ahaan labadaba aan kuu doonayn. Tusaale Hadii puntland lagu dhex dilo, ama lagu dhirbaaxo, ina khaliif soo aasa yaa la oranayaa ama waa kuma ninka dhirbaaxay Diktoorka. Hadii hargaysa lagu dhex dilana faqashka maydkiisa naga fogeeya yaa la oranyaan. Waad ogtahay waxaan kuu sheegaya inay sax yihiin, markii beeshaada jeegaantu dulumtay maxaad maamulka puntland ugu biiri wayday adigoo calanka buluugga ah wata?
  23. Ciyaalkan wax dambi ah malaha weel walba wixii lagu shubto yaa laga cabaa. Dadkooda waa wayn yaa marin habaabiyay, ayaga qudhoodana dad ka sir badan yaa marin habaabiyay sidoo kale. Ujeedka snm loo aasaasay ma'ahayn xukun diid, mana ahayn gooni isu taag. Horta intaas waa in la fahmaa ayadoo si fiican oo cilmiyaysan loo baarayo, taariikhda snm ee saxda ah. Snm waxaa asaasay yuhuuda reer galbeedka waxaana loo ogolyahay in xataa qowm luudkoodu booqdaan, oo caruurta dhunkadaan, sheekha muxaadaradiisuna waa ka mamnuuc. Waxay ka bilaabatay xukunka military'ga iska rida, waxayna ku dhamaatay waan ka go'nay dalka intiisa kale. 1990 kii ka dib, waxaa lagu war geliyay inay gooni isu taag ku dhawaaqaan ayagoo ingiriis ku abtirsanaya. Xagjirka waa laga ilaaliyaa oo waxaa loo sheegay madaxda xag-jirka in qaybtii ingiriisku gumaysan jiray ay yihiin somaali sax ah oo caqiido fiican haysta, qaraxa iyo dhibkana laga ilaaliyo. Koonfurtuna yihiin dad gaalo iyo mushrikiin isugu jira dhiigooduna baanaanyahay oo aan lakala saarin caruur, iyo hooyadood. Warka markii lasoo koobo dad hal caqiido haysta oo isku af iyo midab ah dhul khayraad badana deggan waa inaysan jimcaha ku ducaysan ilaahow gaalada naga kor yeel. Aqoonsiga Aqoonsigu muqdisho ma yaal sida caruurta loo sheegay, shaqadii kala furfurka soomaaliya yaan weli dhamaan, markay dhamaatana ama waa la aqoosan ama walaalahood itoobiyo yaa lagu dari.
  24. Meel walba waa in lagu mashquulaa dalka waa wada leenahay ilaa iyo iminka lama kala bixin. Wax qabadka farmaajo iyo qaraxyadu waa labo mashruuc oo aan shaqo isku lahayn. Ina godane hargaysuu ku dhashay jubada dhexena waa ku dhintay, walaal, ilaa iyo hada wax si fiican noogu fasira waan la'nahay. Mowduuco kaas ma'ahan xaaji, sodon sano ka dib, hadafku ma habar un, in la qaabiluu ahaa, hadii tii ingiriiska la waayay? Teeda kale af soomaaligaagu wuu soo yara fiicnanayaa (ku bateen dheh ) (ku batten ma'ahan)
  25. Sidii loo doortay Dr. Biixi, cagjar iyo islaan oromo ah cidaan ahayn ma qaabilin, waana tan keentay inuu qofkii hadlaba xidho. Farmaajo wuxuu ka dagaalamay in dalka faragelinta laga yareeyo ugu yaraan, laakiin taas badelkeeda waxay snm ku abuurtay jacaylkii oromada iyo amxaarada oo kusii siyaaday. Soo dhawaynta habartaa oromadaa macno wayn bay ugu fadhidaa, qaranka iyo aqoonsiga labadaba, sida ay isleeyihiin Balse gabadhu, dadkeeda beermaya oo qaxwaha u shubaya muqayiliinta, bay ilaashanaysaa.