Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Dhubad., Weligey Al Shabaab & dad kaleba wax qalad ah kuma taageerin. Waxaa fiican in miyir la isu yeelo oo dadka hadalkooda la dhuuxo, teeda kale Alle subxaanah wuxuu qolo Yuhuudda ka mid ah ku tilmaamay wax ay ku amaananyihiin. Haddaad leedahay qofkii qaldama samaantiisana xumaan u beddel, kuma jiro ani. Uztaad, Mahadsanid sxb inaad ila fahantay.
  2. Uztaad, mayee waxaa la yiri: 'gaal dil gartiisanasii'e 1) ma cadda iney iyaga ka dambeeyeen 2) ereyga: 'waa gaalo' ayaa takfiirnimo ah 3) Umm Zam-zam & Shaakirullaah (haddey 2 kala yihiin) ayaa ku faani lahaa oo dadka ka hor soo post-gareyn lahaa. 4) gaalo & takfiiri-na isma raaci karaan. 5) Waxa la weriyey in markii Cali (rc) la weydiiyey in Khawaarijtu gaalo yihiin uu ku jawaabay: 'minal kufri farruu'
  3. Originally posted by Sophist: M ad aadey, marka waa ey istaahilaan in lalaayo? Subxaanallaah!.
  4. Originally posted by Sophist: Adow and other prominant Salafi ministers have been those who made sure there shouldnt be a cemented alliance between the TFG and Ahlusuna. Goorma & meelma?. Markii Ahlul-furqada Baarlamaanka & Wasiirkooda Diinta habeen & maalin weerari jireen Dacwada Salafiyada, ragga aad sheegtay juuq lagama maqal. Prof. Caddow & Axmed A/lahi 'former principal of Imamu Sahafi'i School' (AUN), hawlihii ay u xilsaarraayeen ayey si hufan u gudanayeen ilaa aakhir laxdha.
  5. Originally posted by Juje: O ma shaki ya kaga jiira ciddi ka dembeysey ? Haa Juje, Shaki baa iiga jira oo illaa uu Cali Dhere yiraahdo: 'Camaliyah istish-haadiya Mubaaraka' ma rumeysanayo sidaad u rabto. Waxaan ogahay in cadaw kale lahaayeen Wasiirrada meesha ku dhintay, lakin ma rabo inaan mala'awaalo.
  6. Alle ha u naxariisto, wixii ka dambeeyey falkan waxashnimada ahna ALLE waxay mudanyihiin ha marsiiyo. 'aamiin'
  7. ^^ hadday 'Kenyaan weerareynaa' dhahaanna, waa xikmad laawayaal, meel lagu cafinaayo maleh, waxaan maqli jiray: وعين الرضا عن كل عيب كليلة=ولكن عين السخط تبدي المساويا
  8. Labadan nin waa wadaaddo waxayna ka soo jeedaan Soomaali Galbeed, waana ganacsato. Fiiri Boocame & Jidbaale
  9. Horta, RPG-ga meeqaa la gadaa ii soo agaada, haddiiba bil gudaheed $75,000 lagu helaayo
  10. ^^Nuunne, waad igala soo hormartay, kuwaan kuwii AK47 in la garwaaxeedsado ku kacaayey maaha, marduuf jaad ah ha ku dayo!
  11. Maamulka Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka oo sheegay in aanu qorshaynayn wax duulaan ah oo uu ku qaado dalka Kenya. Posted: 12/1/2009 10:41:00 AM Shabelle: DHOOBLEEY Maamulka Islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen dhinacyadii kula dagaalamay gobolada Jubooyinka islamarkaana aanay duulaan ku ahayn wadanka Kenya. Sheekh C/fataax Ibraahim Cali oo ah ku xigeenka madaxa war faafinta ee Walaayada Isaamiga ee gobolada Jubooyinka ee hoostagta Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo saakay la hadlayay saxaafada ayaa waxa uu ugu horayn ka hadlay nabadgalyada deeagaanada Jubooyinka gaar ahaan laga bilaabo Birta dheer oo ahayd meeshii ay dagaaladu ka bilowdeen ilaa iyo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ee Dhoobleey oo ah meesha uu dagaalku ku gabagaboobay. Waxa uu sheegay Sheekhu in dadka deegaanka ay si aad ah u soo dhaweeyeen isagoo sheegay in haatan wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanadaasi. Sheekh C/fitaax Ibraahim Cali ku xigeenka madaxa war faafinta ee Walaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka waxa uu intaasi ku daray in ay dhamaanba cafis u fidiyeen dhinacyadii ka soo horjeeday waa cidii aan haatan wadin dhibaato iyo shir qoolo ka dhan ah Walaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka ee hoostagta Xarakada Mujaahidiinta Al Shababaab. Si kastaba ha ahaatee waxa uu ugu danbayn ka hadlay Sheekh C/fitaax Ibraahim Cali dowladda Kenya oo dhawaanahan ay hadalo ka soo baxayeen isagoona sheegay in dowladda Kenya ay tahay dowlad ay deris yihiin balse ay lala haanaynin wax xiriir ah,hase ahaatee waxa uu sheegay in wax dhibaato ah oo iyaga ka dhanka ah in aysan marnaa wadin laakiin waxa uu sheegay in sidii ay ula dhaqmaan ay iyana ula dhaqmi doonaan.
  12. ^^ , orod badnidaa!, waa dhinac fadhiyaan kuwaas
  13. Waxaa saaka xayirnaa dhaq-dhaqaaqyada kale duwaanaa ee ka jiray Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynlay ee Gobolka Banaadir, ka dib markii xerooyin ciidan oo halkaa ku yaala uu Sh Shariif Sh Axmed Booqasho ku tegay. Sh Shariif oo ay waheliyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG oo iskaashanaya ayaa saaka barqadii gudaha u galey Xaafado ka mida Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynlay, waxa ayna arintan saameyn ku yeelatey dhaq-dhaqaaqyadii kale duwanaa ee rayidka ee Degmooyinkaas ka jiray. Ujeedka tegitaanka Degmooyinkaas ee Sh Shariif ayaa aheyd booqashada xeryo ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ku jiraan oo ku yaala Degmooyinka uu saaka gaaray. Intii uu halkaa ku sugnaa khudbooyin ayuu Sh Shariif ciidamadiisa u akhriyay waxa uuna kala Hadley Howlaha ugu igman yihiin iyo sidii u gudan lahaayeen. Waxa uu ka codsadey inay ilaaliyaan anshixii lagu yaqaaney ciidamadii hore ee Soomaaliya, waajibka shaqo ee saarana sidiisa u gutaan, sida uu hadalka u dhigay. Mar uu Saxaafada kala Hadley Ujeedka booqashadan, waxa uu sheegay inuu booqashooyin kale ku bixin doono xerooyin kale, ujeedkuna yahey sidii ciidamada u dhiiri gelin lahaa. Horey ayuu sidan oo kale u booqdey ciidamo ugu xareysan Jaziira iyo goobo kalena, kalana Hadley sidii waajibka ciidan ee saaran u gudan lahaayeen. Faahfaahino intaa ka dheeriya lagama hayo ujeedka rasmiga ah ee ku aadan, dhiirigelinta uu Sh Shariif ku wado beryahan danbe ciidamada, basle waxa ay ku soo beegmeysaa xilli fariisimo hor leh ka sameysanayaan qeybo ka mida Magaalada Muqdisho. Dhanka kale ciidamada AMISOM ee gaadhka ka hayay saaka Sh Shariif, gaadiidka gaashan ee ay wateen waxay ku dileen qof rayida 2 kalena dhaawac ayay u geysteen ka dib markii gaari rayid oo ay la socdeen jiirsiiyeen, sida wararka lagu helayo, waxa ayna arintan qeyb ka noqoneysaa dhibaatooyinka joogtada ah ee ciidamada AMISOM ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
  14. Maaddeey

    propaganda

    ^Adi waxa muslimka ku dabadhigay aa isna daba dhigay!
  15. Kool_Kat, hambalyo & bogaadin, gabadhaada yar Alle ha kuu barakeeyo, tii dadkeeda, dalkeeda & diinteeda anfacda Alle ha ka dhigo, Adigana caafimaad deg-dega 'aamiin'
  16. Alle ha u naxariisto, mawtul faj'ada ayaa badan ayaantaan, waxa la rabaa in mar walba tawbada la cusbooneysiiyo, meel la soo jiro lama oga, ilaahow noo dembi dhaaf.
  17. Xag-jirnimada diinta waqti walba waa jirtaa, waxayna badan tahay markii mad-madow yimaado, Waqtigii Saxaabada (rc) ayay bilaabatay, si wanaagsan oo xikmad & cilmi ka buuxdo ayayse ku daweyn jireen. Waxaa jira tusaalooyin Ibnu Cumar & Ibnu Cabbaas (rc) ay si yaab leh dad dhunsan xaqqa ugu soo celiyeen, haddase waxaan rabaa inaad ila aragtaan sheekadan dhex martay Jaabir-bin-Abdullaahi (rc) & Taabici wayn oo la yaraahdo YAZEED AL-FAQEER, sidan ayayna u dhacday, waxana ka sheekeynaya taabiciga Yazeed ah: 'Waxaan caashaqsanaa ra'yiga khawaarijta, waxaan soo aadnay XAJka innagoo fara badan, oon rabnay inaan soo xajinno kadibna aan dadka ku baxno 'la dagaallanno', waxaan soo marnay Madiina, waxaan ku aragnay Jaabir binu Cabdullaahi oo rasuulkii (cs) ka sheekeynaya, wuxuu sheegayey dad jahannama laga soo saari doono, waxaan ku iri: 'Rasuulkii saxiibkiisoow, waa maxay waxaad sheegeysaahi, sow Alle ma dhihin: 'waxay rabaan iney ka baxaan (naarta), mana aha kuwo ka bixi doona, waxayna leeyihiin cadaab daa'imaya' maidah 37, markaan sidaa iri ayaa raggii la joogay igu qayliyeen, Jaabir baase iga celiyey oo yiri u kaadiya, wuxuu i yiri: 'Quraanka ma akhisay?' 'haah, oo waan dhameeyey' baan ugu jawaabay, 'aayadda ka horreysa akhri, waa gaalada waxa laga hadlayaa oon naarta ka soo baxaynin' intaa markuu noo sheegay ayaan isku laabannay, mabda'iina ka laabanay hal nin maahane'. Qisadaa waxay noo sheegeysaa, dadkaa cibaado doon iney ahaayeen oo qur'aanka xafidsan, laakiin mas'aladu ka wareersaneyd, Culimaduna tahay kuwa la rabo mar walba iney mabaadii'daa qaldan saxaan.
  18. MMA,sxb Comment-iga dambe hadda leen arkay, anigana adigaan kula yaabanaa, sida aad sawirka u jahwareerisay,Magaalada waa Marka Caddeey dadka degganna waad taqaannaa ee sawirka been ha ka sheegin!. Markii qofku gaaro heer uu cadawgiisa wanaagga uu leeyahay u qiro ayuu xornimo gaaray. Meel Moderator-keeda saan yahay KABBIR CALEYHAA ARBACA
  19. A Belgian man who doctors thought was in a coma for 23 years was conscious throughout that period, say medical staff. It was believed Rom Houben had sunk irretrievably into a coma after he was injured in a car crash in 1983. Dominic Hughes reports. READ MORE: http://news.bbc.co.uk/2/hi/europe/8375326.stm