Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Sh.Xassan Daahir oo maanta jeediyay khudbad taabanaysa meelo badan By Somalimirror on 30 Oct, 2009 8:46 PM in Main, Wararka Gudoomiyaha Xizbul Islam, Sh.Xassan Daahir Aweyn oo maanta Salaadi Jimcada kadib Muxaadaro ku qabtay Masjidka Abu-Hurayra ayaa ka hadlay Arrimo farabadan oo ku saabsan Xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira Dalka Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. Sh.Xassan Daahir ayaa Gaashaanka u daruuray Warka ka soo baxay Afhayeenka Xisbiga ee uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadalka ay ku baaqday Dowladda Liibiya taas oo uu ku tilmaamay War ku kooban Ra’yi Shaqsi isla markaana aan ka turjumayn Go’aamada Xisbiga wuxuuna yiri “ warkaas war nin waaye war jamaacana maaha mana ka soo fulin waa ra’yi shaqsi ku kooban, waana laga yabaa in sida uu u waday iyo sida loo qaatay ay kala gadisan yihiin”. Sheekha ayaa Muxaadaradiisu waxay u badnayd dhinaca boorinta in lala dagaalamo Ciidamada AMISOM oo uu Dagaalkooda ku tilmaamay mid Waajib ah isla markaana qofkasta oo awooda looga baahanyahay sida Salaadda looga rabo oo kale isla markaana ka haritaankiisa lagu danbaabayo. Sh.Xassan ayaa isweydiiyay waxa Dagaalka ka reebay Culumadda uu ku tilmaamay Ah-lu Saxwa & Towxiid wuxuuna ku fasiray in sababtu tahay Caadifo Qaloocan oo dad badan ku jirta daraadeed in ay Jihaadka uga fariisteen Caadifadaas oo uu ugu magac daray mid qabyaaladeed ee aan diinta sal ku lahayn wuxuuna yiri “waa ijmaac Culimada islaamku ku kulansan tahay in qofkii Gaalada Muslimiinta uga hiiliya oo kaashada uu islaam nimada ka baxayo, waa ijmaac weyn marka Caadifad miyaa lagu qaadi karaa mise fiqhi qaloocday, Caadifadda aan afka ku balaariyee waa Hawiyiisim iyo Iririisim, marka waxaas cilmigii ilaahay lagu dhuminayo sax maaha” Wuxuuna intaas ku daray in qofkii gaalada iyo cadowga la socda uusan koofiyad islaam ku ahaanayn. Sh.Xassan ayaa diiday in dagaalka hadda socda uu yahay mid Fitno ah balse wuxuu ku tilmaamay mid waajib ah asaga oo sheegay in uu xaaraam yahay dagaalka dhex mara muslimiinta balse wuxuu ku tibaaxay in dagaal Muslimiinta dhex mara uusan keenayn in dagaalka Waajibka ah ee uu ku tilmaamay kan AMISOM iyo DKMG ah laga tanaasulo wuxuuna booriyay in dagaalkaas laga qayb qaato kan Xaaraanta ahna laga dheeraado. Sh.Xassan ayaa khaladaadka ka dhaca saaxada ku sheegay in ay sabab u tahay culimadii oo aan ka qayb qaadanayn Dagaalka taasina ay sabab u noqotay dhalinyarada oo aan cilmi badan lahayn ay ka dhacaan khaladaad ayna culimadi ku tuhmaan in ay dhinac ka yihiin. Sh.Xassan ayaa Xaaladda caalamka islaamka guud ahaan ku tilmaamay in uu marayo xilligii Tataarku ku soo duulay isla markaana uu qabsaday Casimaddii Islaamka ee Baqdaad, asaga oo barbar dhigay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, Afgaanistaan, Falastiin & Ciraaq. www.somalimirror.com
  2. Me, sidan aad ayaan kuugu raacsanahay. Mahadsanid caddeyntaada.
  3. Originally posted by Cawaale: ^lol@ Ma x aadeey. tell the Sol feminists. [/QB] Cawaale, ns-tii aad igu sheegi jirtay, adaaba ah! waan kaa shakiyey
  4. Anwar, haddey run tahay, keligiis maahan, adoo go back to where they came from dhahaayana kuma arkine see wax u jiraan walaalkiis?
  5. Ceeb Duke, Gaaladii xataa waa ku fahantay!, that should tell you st!
  6. ^sheekadaada xiiso uma qabo,hadalkaaga xanafta lehna cidi uma adkeysan karto, ee meeshaada & meel ka dheer, Dictator aan laga dictator-saneyn inaad tahay ayaan marag ka ahay, dadka hadalka afka u geli, sidaad rabto hadeysan u hadlinna naf maleh! Bes, intaaseey iigaga egtahay waxaanan jeclaan lahaa in MMA uuba xiro topic-an!, haddii kale dhinacayga ka xiran. Maxaa rag caarranaa (maba aqaan micnaheedee) laguu soo daayaa!, dadkii midaad caydo & midaad xorriyatul-qawlka u diiddaad ka dhigtaye, waxaanse ku weydiiyey aaway Kashafa? Post-igiisii u dambeeyey car & car waadinkii is lahaaye!??
  7. Originally posted by Mr.Paragon: Why just Puntlanders and not all Somalis and Muslims? Why limit the support yet again? Haddii nimanka Puntland lagu xiray lagana dhiibey, Sol-erska Puntland qaarkoodna inkireen, Puntlanders-ka wanaagsan iney walaalahooda Soomaaliyeed ee Galbeed dega iney hiil & hoo-ba la garab taaganyihiin waa iney Caddeeyaan sow maaha? la parolla e Bianca? Che, dadaalka sii wad, Soomaali dhaba!
  8. Jaffe wallee wa dagaal yahan: Nimanku shan bey ahaayeene kii shanaad meeh? thats his point!
  9. lol@ qawlu qaddiim! Taasoo kale waxaa la yiraah: TANAAQUD, Culimadeenna ASAALAH maleh, sida Soomaalidu badankeed tahayna waxoodu waa iska Caadifo, hadba Caadifadu sidey tahay ayay wax ku dhisaan, waa la tajrubeeyey (Awoowe ). Haddey waa qaldannay dhihi lahaayeen oo mabda'aas hore ma aaminsanin ayey Qolu jadiid yeelan lahaayeen. Waa jiraan Culimo wixii hore Takfiir & Dhiig muslim daadis bey ahaayeen yiri, waxaa loo bixiyey: SALAFIYYAH JADIIDAH, warkoodu waa cadyahayoo wa daraf, AS-na waa daraf kale. Sh.Umal warkiisa waraana ka horreeyey war kalaana ka dambeeyeye kii dambe ma maqal miyaa? Ps. Hadaan hari waayey Vocabulary-gaaga ha iila soo bixin yaa (Awoowe )
  10. ^Hay'adda (somalian Rights Group)& WEbsite-ka keliya ayaan ka hadlayaa ee in warku jiro kama hadlaayo, in other words, qolo been & fabrication lagu yaqaan ha soo xiganin.
  11. Cajab! Xiinoow, Culimada aad soo tixday eed Saxwaday Aabbayaal u yihiin leedahay waxaa u aqaannaa in Nuzcah Takfiir ihi ku jiro/jirey. Macallim Maxamuud (maca ixtiraamii lahu) waa kii isku mid ka dhigay General Caydiid & Gen. Howe! Inta korena, Dagaalkii SSDF & Ittixaad iyagaa horboodaayey, sidaas darteed waxaan dhihi karaa: waa Aabbayaashii Shabaab! Soomaalina, Culimo, Siyaasi & Caamoba, dhibka waxey arkaan markey gondahooda ka arkaan. Doodeydase saas maaha ee waa: Somalia & Caalamul-Islaami oo dhan waxa ku dagaalayaa waa Islaam & Gaalo, kuwan ama AlShabaab la dagaalaya ama Alqacida (hadeyba jiraan)iyaga lama dagaalayaane Islaam ayay la dagaalayaan, sidaas darteed, Gaalo liidata & Muslimiin qiiq & qaladaad fara badan ku jiro waaye inaad kala doorataa'ee waa warkii Bush oo dhinaca kale loo soo wareejiyeye: u r either with us or against us. period. Doodaada ah: Dhibaatada Soomaaliya waxa udub dhexaad u ah AS, waa Cadaalad darro meesheeda ah!. dadka deggan meelaha AS maamulaan ayaase kuu jawaabaya!
  12. Jafe101, Xogta waa Waagacusub oo weji kale leh!, waxa ey soo qoreen & hay'addaba iney iyaga uun yihiin baa laga yaabaa. Saasooy tahayna, markaad aragtid dad la calool xumaanaya Afgaanistaan, Ciraaq & Falastiin, markii waxa waddamadaas shishe ee Muslinnimada darteed ula damqadeen Somalia (Xamar)ka dhacaan eed aragtid iyagoo ku faraxsan ayaa SHAKKI badan kugu abuurmayaa, laakiin dad badan oo wan-wanaagsan iney ku jiraanaan Shakki kale lahayn!
  13. Ani waa yaabey, Haddii la yiraahdo: gabadhu waa iney Xajaab xirataa, jawaabtu wa: Xor waaye, waxey rabtey xiranee! Haddii la yiraahdo: Naagaheenna Jamaicaanaa eber ka dhigay, jawaabta waa isak handy: dooqeeda u daa & adinkaa dayacdeen. Haddana, waa kanaa iyadaa la soo taagan waan rabaa oo waakaa garabka ka heysta! haddana war lee la sheegaa, 'WAKAANAL INSAANU AKTHARA SHAY'IN JADALAA'.
  14. ^horta ninyahow, talent-baad u leedahay waxa la yiraahdo: XUSNU TASNIIF, dhibaato ayeyna keentaayo qalad loo jeedo ayaad sax u ekeysiineysaa, waa tuu Xadiisku ahaa: INNA MINAL BAYAANI LA SIXRAN!. markaad tiri: 'qodobadii aad cuskattay waxaa ugu liitta midka oronayya ayadoon soomaali la dilin oo dhiig muslim la qubin gaal lagama adkaan karo!!!' anoo yaaban ayaan dib ugu noqday qoraalkeyga, waxaasna ma sheegine nuxurku waa inaan mas'alo suuraddeed ka hadlay Kutubna refer-gareeyey, mas'aladaas aan ka hadlay dagaalka Somalia ma quseysee, waxaan ka hadlaayey tan aad ku tiri: 'dhiigga qofka muslim ka ah, layskana dilo inta niyada lagu qaboojiyyo aakhiraa kii dhinta niyadiisa lagu soo bixin' tan aan ka hadlay waa taas, keyword-kana waa: 'haddii... & mooyee' Markaan Afeefta soo qoraayey, waxaan ka gaashamanaayey: 'Sh.Xassaanna dhegeysigiisa iska daa, oo rag kale oo miyir iyo caqli leh la kaasho' Xassaan inuu NBI joogaan maqalaaye weligey ma maqal codkiisa, waxayna la mid tahay eedeyntaadii maalin hore inaan Qolo Hebla taageersanahay, markaan xaggeen ku taageeray ku irina jawaabtaadu noqotay: 'hadda sheeg yaad taageersan tahay WARYEE!', being reer koofur-na WARYEE waa ka dagaalnaa Haddaan sida hadalka loo yiri la tixgelineyn anna rabtaasaan uga heray! Wassalaam.
  15. Xiin, Horta mahadsanid, wax yar aan ka dhaho intaanse ka dhihin, dadka aad la doodeyso iska dhaaf inaad caqligooda istikhfaafsato, halkan maaha ee meelo kalaan ka hadlayaa, in kastoon ereyga AWOOWE jecleysan, sababtaad u isticmaashose adaa iga og. 1-Dimaa'da ka mid maaha CAQIIDADA, tusaalaha aad u soo qaadatayna sax maaha: mas'aladaas culimo fara badanaa ka hadashayoo TATARRUS ayaa la yiraahdaa: suuraddeeduna waa: Haddii cadaw lala dagaalaayo, si kalena eysan jirin in dad Muslimiin ah la laayo mooyee, maxaa la sameynaa? 3 ayey u qaybiyaan.. Kutubada Fiq-hul Jihaad ayaa loogu tegayaa'e yaanan u gelin. 2-Saluuk, kama hadlin, hadda & hor-na waan sheegay in nimankan wax badan ka qaldanyihiin, laakiin Xikmadda qofba si ayuu u arkaa, yaase laga warsanaa?(Cabdallah Cazzaam AUN wuxuu yiri Jihaad ma warsaneyno nimaan Xalwo Lubnaani & TNT kala garaneyn!): ma nin waddankii Gaaladii lala dagaalaayey jooga ee qabatimay noloshooda, ciyaalkana iskuulka la dhigtaan ciyaalkooda, meelna ku wada ciyaaraan, mise kan ay Gaaladu dey-deyayaane kumanaanka kun ee doollaar ku bixinayaan dilkiisa ama qabashadiisa?, Ogow waxaa usuusha diinteenna ku jirta in Gaalada la khilaafo oo labbiska xitaa looga dayan, in meel lala degona hadde wuxuuba ka yiri suubbanaha: laa tataraa'aa naaraakumaa! (deris ha noqonina) saameynta ugu yarna waa in dhibkooda aad dhibsato illeyn adaa ku dhex jiree wuuna ku soo gaarayaaye,sida darteed waa inaad wax badan ka tanaasushaa. Taariikhdaa waxa ka muuqata in Nebigu dagaal ka meer-meertay?? saas idhlaaqeedu sax maaha! balse dhowr & toban sano markuu mootanaa Islaamku China & Europe ayuu gaaray, Axaadiista ah: Umirtu an uqaatilannaasa.. & wajucila rizqii taxta dhilla rumxii..ayey ka soo horjeedaan!. Muslim in la dilo waa gooni, laakiin in Gaalo la assasinate-gareeyo waa sugan tahay! nebigaana Amray!. Muxuu munaafiqiinta Nebigu u dili waayey, mar kale Culimadu waa ka hadlaan, laakiin waxay isla oggolyihiin in la dili karo. 2-Inta badan, dadka Jihaadka u istaaga cilmi yar-yihiin, waana qalad badanyihiin, sabatuna waa Ixraajka & dhibta faraha badane ay ku jiraan & dadkoo dhan ka wada ah sida hadda dhacday!, suurta galna maaha koox iney meel walba master-areyso, qolobana wax baa u fudude iyaga Haddii Jihaadka u fududyahay adiga Tacliinta ku dadaal: WALIKULLIN WIJHATUN HUWA MUWALLIIHAA FASTABIQUL KHAYRAAT. Culimaa'u Doollaar-na, walaaloow adoon is indha tirayn, Culimadii ku Ijmaacday Jihaadnimada Dagaalkii Afghanistan (Russia) ee hadda isla Afganistan-tii(USA) diiddane leh Waliyyul Amri-gaan oggoleyn, aanna ognahay waxa ay WaliyulAmri leyihiin in Mareykan ka amar qaataan, maxaan dhihi karnaa?. Sayyidka & 3da qodob wan kugu raacsanahay, laakin dad kale ayaa dhihi kara: waa ku gabbanaayaye ujeedkiisu saa & saa buu ahaa, waxaana u daliila saa & saa!. Wiilasha & Sayidka meel walba kama wada simin si aan sidaa la ii dhihinna waan ku cel-celiyey, laakiin haddaan anna intaan soo qaato qaladaadka waaweyn ee Sayidku galaye ku qasbay inuu reer Abtiyadii & Saldanadi Maakhir-ba is gefsiisay'e dadkii & dhulkii halganka udub-dhexaadka u ahaa uu lumiyey, aan iraahdo Odaygaas waalan hala simin Wiilashan ka warran? Heesaha guubaabada ah sow looma baahna af kastoy ahaadaanba, sowse ma ogid in Shucaradu waagii Nebiga & khulafada makaan weyn lahaayeen oo intey Wefdi ahaan madaxda ugu yimaadaan si fiican loo soori jiray?, Dagaalkii Mu'ta ee Roman-ka Gabaygii guubaabada ahaa ee C/lahi ibnu Rawaaxa (RC) meeshuu ka soo baxay kaama qarsoona. Afghanistan-ta laga xukumo wiilasha, waanigii dhaliilahooda ka dhigay kor, laakiin ma waxaad diidantahay in ey meel kale Inspiration ka helaan?, Haddii Mahdi-gii Sudan jiri lahaynna Sayidkeenna maanta ma maqalneenba.
  16. Bismillah, Horta hala tartiibsado, dadka qaar iyagoon waxba akhrin bey hadleen, waa hubaal taas!. Anigu is bar-bar dhigga dhowr qodob uun baan ka soo qaaday-waana la badin karaa-, waxaase jirta meelo badan oysan isaga mid ahayn. Ta kale, Taariikhda sida badan qofku markuu dhinto ama hawsha uu waday dhamaato ayaa la xusaa/qoraa, waxaana dhacda in qof la xuso oo kor loo qaado, iyadoo qof kale oo ka caansanna aan meelna lagu sheegin sababo jira awgood! waxaa jira Imaam weyn oon sidaa caan u ahayn, waa Layth ibnu Sa'ad, waxa la yiraahdaa: 'dayacahu talaamiiduh', sidaas si la mid ah isla waqtigaa uu sayidku jihaadka kula jiray Ingiriiska, Koofurta Biimaalka ayaa Talyaani la jihaadayey,guulo waaweynna ka soo hooyey, -waxaa kula jiray isla Jihaadkaas qolooyinka Gendershaha la yiraahdo, ilaa & hadda waxay yiraahdaan: Abkey Gendershoow Gaalada shiid ka yeeloow!- aadna looma xuso, wakadhaalika Shaykh Xasan Barsane, intaas waa intaas. Sayidku waa baddaas oo kale, qof walbaa wuxuu ka rabuu ka heli karaa: Jihaad, Alle ka cabsi, Quraan akhris,haddana dhanka kale: Diridiraale, Qabyaalad, Af-lagaaddo, Faan iwm. oon xidid & xigaal toona ka nabad gelin!-waxaan rajeynaa inaanan caddeyn u baahan-, saasooy tahay qaybtan damboo dhan waxaa lagu illaawi karaa, inuu isagoo keligiis ah Berbera ka soo degay, haddana 20 sano gudahood noqday awood uusan Quwaddii ugu xoogga badneyd waqtigaa taag u helin jeer ay diyaarado ku duqeyso, illaa & haddana qof walboo raba inuu Jihaad & gumeysi diid raba inuu ka hadlo, magaca SAYIDKA inuu xusuu ku qasbanyahay,taasna waa taas. Waxaa kuu soo haray Caqiidada ay kala aaminsanyihiin, Shabaab waxay haystaan Caqiidatul Salaf, shirkiyaatkana si xoog ley bey ula dagaalaan, Sayidkase wuxuu leeyahy gabay uu caqiidadiisa ku caddeynayo oo Cilmul-Kalaam ah, gabay kale waa kuu ku lahaa: Weliyada hanuunaan baryiyo, hodanka Yaasiine! Waxaa hubaal ah inuu Sayidku ka siyaasad, dad aqoon & tab dagaalba ka badnaa Shabaabka, laakiin inta aan Mowduuca ku soo sheegay & Ujeedka guudba isaga mid bey ahaayeen. Afeef: waan qaldami karaa 'wayna u badantahay'waana lay naqdin karaaye, shakhsi & wax uurka ku jira iyadoon la gaarin, fikradda uun wax ha laga sheego weliba si cilmiyeysan. Wabillaahi Tawfiiq.
  17. ^lol, JB bal ha soo post-gareeyo heestii Rajesh Khan oo iyagoo yar-yar la qaadaayey!
  18. Sheekadaanoo kale waxaan dhihi jiray: 'DHEGTAAN INTAAN GELIYO TAN KALE MA KA BIXINAAYI'
  19. lol@'Habah gaalaa dilaanee' thats what he's just doing, Ninku waa Geelleey!, xafladda '7'da waxa ka soo baxa aan aragno!
  20. Malika, what if it was the other way round?
  21. Rag dheh, BBCSomali reports he's 120!
  22. Jb, Mithun fan baad tahay! Hmmmm.. Gun Master.. sugaan soo xusuusteee...vaguely baan u xusuustaa.. waagaas Mithun-ba looma aqoone.. attoorihii niikada aan dhihi jirnay waa James Bond style, sax wala ah?
  23. Intersting, but what about BinLaden's claim he was behind it?
  24. Allamagan, lol@Amitabh Bachchan, dadkii hore aad tahay!, Don & Sholay ka warran? welina waa hit aan maqlay, laakiin wiil uu dhalaa flop noqday!
  25. ^waxaan u maleyn meelo aad Monoboly ku heysataa jiray, Taariikhda sayidka keligaa kuuma Xakir-na, waa la wada yaqaannaa waana qoranyahay, teeda kale qofka waa inuu beenta ka xishoodaa, horena waan kuugu arkay, laakiin: 'Ithaa lam tastaxi fasnac maa shi't'