Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Masha Allah, reading this sort of stories makes ur day!
  2. ^^A&T, Allah Yacizzak! Dooddaadu-weligeedba-aad ayay u miisaamantahay, markaadan kaftameyn, laakiin Naarta dadka ha kula deg-degin, Alle u daa isagaa Caadil ahe.
  3. Xiin, Sol miyaa kuu noqotay: Minbaru man laa mimbara lahu. Wax aanan ogeyn iimaadan sheegine, gunaanadka hadalkeygu waa: 'wax aadan caddeyn u hayn dad ha ku dhejinin'. Intaas wax ka baxsan kama doodin Anigu.
  4. Xiin, adiga la jiifiyaana bannaan-ta iska dhaaf, markaan sidaad u dhaqantay arrintii Puntland & wiilashii S/galbeed soo qaatay, waxad tiri: Iska dhaaf taa een tan ka hadalno, hadda maxaa mowduuca kaa bixiyey. Waxaan ka hadleynay farqiga B/weyne & Hotel Shamo, waana caddeeyey sidey ila ahayd, maxaa su'aalo kale oon loo joogin keenay?.
  5. ^^ Hunguri, sxb isma leh labadaas, farqigana kor baan ku sheegaye adigu iska ilaali daka qoraalku qeexayo.
  6. ^^adiga ma FBI-daad u shaqeysaa?, su'aal baad i weydiisay waana kaaga jawaabay, mise dhiran-dhiranta sheekaduba sidanaad ka rabtay?.
  7. ^^ waan akhriyey, waa iska kutirikuteen, uma heysto iney jiraan weriyeyaal la wareystay & xildhibaanno hadlay toona.
  8. Bogagga Soomaali Maxamed ka samaysatay Carro’edeg intooda badani waa magacuyaal. Qof wali ba tuuladiisa, qoladiisa, degmadiisa ama ka uu u arko halyeygiisa inta uu meel yar ula baxo ayuu war aan dhex ahayn, faallo aan nuxur lahayn iyo ra’yi aan xikmad ku fadhiyin ka buuxiyaa. Halkaas baa inta qoladooda ahi na sidii geel hawd ku raagay oo haro la soo taagay ku soo qamaamaan oo inta ay qashinka uu meesha dhigay tuurta u ritaan guryaha, suuqyada iyo dunida inteeda kale sii gaadhsiiyaan. Cabdillaahi Cawed Cige
  9. Xiin, horta adiga dagaal ooge weyn baad tahay, inta badan marka la nabdoonyahay laguma arko, markii musiibadan oo kale dhacdaa adoo xeyraansan isasoo dhigtaa. Dhacdadii beledweyne halkanba ma joogin duqa, waxaan arkaa inaadan waxa dadka aad la doodeysid qoraan aadan akhriyinba. Beledweyne wixii ka dhacay & tan shalay waa: 'qiyaas macal faariq' , waxaana kuu caddeynaya tii beledweyne Shabaab ayaa sheegtay kuna faanay, tan shalay iney sheegtaan iska daayye waa inkireen waana ka tacsiyeeyeen!, tan Beledweyne waxaa la beegsaday rag dagaal ku jira oo abaabul dagaal weday oo Ethiopia ka yimid, raggii shalay la beegsadayse waxay ahaayeen min khiyaari-nnaas. Wax la is bar-bardhigo maahan labadaas koow, dooddase maxaa meeshaas geliyey hadaadan ujeeddo kale lahayn??, maxaase dhacdadii shalay uga carareysaa? sow dooddu iyada kama billaaban?. Wax hala hubsado miyaa ceeb ah, mise qolo aad ciil u qabto inaad ku qar-baxdo uunbaad rabtaa. On a different note, Dagaalkii Araarre ka warran?.
  10. Title-ka Thread-ka, Website-ka warka laga soo xigtay & Logic-a meesha ku qoranba waa 'habaa'an manthuuran'.
  11. ^^ Xiin, yesterday maaheyn markaan isgalnay, ee ninyahow warka ama ka har, ama hadalkayga soo xigo ee waxa aad igu haysato si cilmiyeysan u raddi.
  12. ^^walaal, hal eray oo hiillo & taageero ah oon iri keen, haddiise warku yahay: 'na daaya aan ben & run isugu darnee' ma yeelin.
  13. Waa kaa Shaakirullaahna inkirsan. maxaa yaalla markaa?
  14. Xiin, waa wareesantahay adaana qaawan marona lagu siineyn, Puntland wiilasha waa dhiibeen markii la lahaa, maxaad u dhihi weyday: 'forget today e horay ayay u sameyn jireen'. How many times do i need to REPEAT: 'shabaab & kuwo kaleba ma taageersaniye: 'DHURWAA DHURWAA KA GAR DARAN BAANAN ARKI KARIN'. Dadka le'day (AUN) wixii falkaas geystayna Al_SHABAAB & AL_SHUYUUKH waxey doonaan ha ahaadeene Ilaahey abaalkooda ha marsiiyo. Haddii tii B/weyn & tan isku mid yihiinna maxey Shabaab tii hore waa sheegteen kuna faaneene, tan sida u yeeli waaayeen. Mise dhagax dixeed baad tihiin!.
  15. ^^Haatu, hadalka Sophist dhib malehe si kale miyaad u fahantay?. Addow, Waayeel(AUN), Sh. Mohamud Garweyne etc. waa Salafiyyiin 'naxsibuhum kadaalik'.
  16. ^^duf ku bixi waa! War wax ha la hubsado & iyagii baaba beeniyey haddaan iri, anigii miyyaa iyyagii noqday? Allaahul-Mustacaan.
  17. ^^ Abwaan & Sabriye, Haddaan idin iraahdo Cabdi Qaybdiid baa ka dambeeyey, caddeynta aad heysaan ka badanna keeno, maxaad sameyneysaan? Waxaanse la yaabbanahay, hubsiimada loo baahanyahay markey maamulka Puntland masaakiinta xir-xiraan ee Xabashida ka gadaan iyadoo horay loogu yiqiin een la dhihin: 'shaydaan nin habartii jiida waa yahay, habar shaydaanna wax la jiido waa tahay' een hadda loo baahneyn ee war aan indhuhu qabaneyn inta la akhriyo la isu jiibinayo!
  18. ^^ waxaas yaa caddeeyey?? NYtimes? Allow Alle. dadkii meesha ka bad-baaday ee soo baxsaday, markii la warsaday waxa meesha ka dhacay waxba waa sheegi waayeeyn, sidee information-kan lagu helay?. waxaa kuu caddeynaya shirka jaraa'id ee Shariif: "Waxaa uu dusha kaga tuuray madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya qaraxii maanta xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda,isagoo beesha caalamka ugu baaqay in maadama Soomaalida aysan arinkaani wax ka qaban Karin ay si deg deg ah wax ugu qabtaan sida uu hadalka u dhigay". shabelle.net
  19. ^^halley xasuusiyo waayahaye, warkaaga waa nacay ani!!
  20. ^^why do i beleive u only responded to the title??
  21. Beeninta Al-shabaab Afhayeenka kooxda Al-shabaab Xarakada Alshabaab, ayaa tacsi u dirtay eheladii iyo dadka muslimiinta ah ee ay ka geeriyoodii dadkii muslimka ahaa ee ku dhintay qaraxii ka dhacay hoteelka Shaamo ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, ayaa yiri, "dadkii muslimiinta ahaa ee aan waxba galabsanin ee ku waxyeeloobay dhibaatada ka dhacday Hotel Shamo, dadkaas oo ah macalimiintii, ardadii iyo dadkii shacabka ahaa ee kaleeto ee meeshaas yimiday ee dhibaatadu ku gaartay, waxaanu leenahay in alla intii muslimiin ah ee aan wax galabsan ee meeshaas ku jirtay, Ilaahay Subxaanahu watacaalaa ha u naxariisto eheladoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo, dhamaan dadka muslimiinta ahna ilaahay subxaana watacaalaa samir ha ka siiyo." Wuxuu kaloo sheegay in xarkada Al-shabaab ay maqalka falka halkaas ka dhacay maqalkiisa ay kala mid yihiin dadwaynaha, oo ay warbaahinta uga maqleen si la mid ah dadka, dhibaatada halkaas ka dhacday ayuu yiri kama suurtowda 'Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin'. Wuxuu kaloo sheegay in kooxaha ku bahoobay dowladda ay damac siyaasadeed iyo kuraas doon yihiin. bbcsomali.com