Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Do major sins cancel out good deeds? Does Allah accept the good deeds of adulterous people or not? Does adultery make good deeds profitless? Can an adulterer who keeps on doing this evil action, have good deeds, or they will not be accepted until he repents to Allah? Does Allah accept the fasting and prayers of an adulterer? Knowing that the prophet, peace be upon him said what means that the doors of heavens open after midnight and a caller calls saying, will anyone pray so that his prayers will be accepted, will anyone ask for something so that it will be given to him, is there anyone in distress so that Allah relieves it, then there would be no Muslim asking Allah for anything except that it will be given to him, except an adulterer who earns by his genitals, and a man who takes taxes unfairly. It is mentioned in the above hadeeth also that Allah will make their good deeds like scattered floating particles of dust, because they commit what Allah forbade. Please clarify this matter and how authentic is this hadeeth?. Praise be to Allaah. One of the well-established facts that is affirmed by the Qur’aan and on which Ahl al-Sunnah are unanimously agreed is that sins and major sins do not erase all of the good deeds of the Muslim, and that there is nothing that erases the good deeds of a Muslim altogether except kufr and shirk. This is indicated by the verse in which Allaah says (interpretation of the meaning): “And whosoever of you turns back from his religion and dies as a disbeliever, then his deeds will be lost in this life and in the Hereafter, and they will be the dwellers of the Fire. They will abide therein forever” [al-Baqarah 2:217] Shaykh al-Islam Ibn Taymiyah (may Allaah have mercy on him) said in Majmoo’ al-Fataawa (10/321-322): The Sahaabah and Ahl al-Sunnah wa’l-Jamaa’ah are of the view that those who commit major sins will be brought forth from Hell and intercession will be made for them. A single major sin does not erase all good deeds, but it may erase an equivalent amount of them, according to most of Ahl al-Sunnah. Nothing erases all good deeds except kufr, just as nothing erases all bad deeds except repentance. If the one who has committed a major sin does some good deeds, seeking thereby the pleasure of Allaah, Allaah will reward him for that, even if he deserves to be punished for his major sin. The Book of Allaah distinguishes between the ruling on thieves, adulterers and believers fighting with one another, and the ruling on the kuffaar with regard to how they are labelled and the ruling applicable to them. The mutawaatir Sunnah of the Prophet (peace and blessings of Allaah be upon him) and the consensus of the Sahaabah points to that. According to Ahl al-Sunnah wa’l-Jamaa’ah, good deeds are accepted from the one who fears Allaah and does them purely for the sake of Allaah and in accordance with the command of Allaah. If a person is sincere towards Him in doing an action, He will accept it from him, even if he disobeys Him in other ways; if a person is not sincere towards Him when doing it, He will not accept it from him, even if he obeys Him in other ways. End quote. The hadeeth which is mentioned in the question is the hadeeth narrated by Thawbaan (may Allaah be pleased with him) from the Prophet (peace and blessings of Allaah be upon him) who said: “I certainly know people of my ummah who will come on the Day of Resurrection with good deeds like the mountains of Tihaamah, but Allaah will make them like scattered dust.” Thawbaan said: O Messenger of Allaah, describe them to us and tell us more, so that we will not become of them unknowingly. He said: “They are your brothers and from your race, worshipping at night as you do, but they will be people who, when they are alone, transgress the sacred limits of Allaah.” Narrated by Ibn Majaah in his Sunan (no .4245); al-Rawiyaani in al-Musnad (1/425); al-Tabaraani in al-Awsat (5/46) and al-Sagheer (1/396); Musnad al-Shaamiyeen (no. 667); al-Daylami in Musnad al-Firdaws (7715). Classed as saheeh by al-Albaani in al-Silsilah al-Saheehah (505). This is evidence that supports the principle we have mentioned, which is that some bad deeds may cancel out a portion of a person’s good deeds and of the reward for his righteous needs. For more information on what we have mentioned about this issue, please see the answer to question no. 81874. With regard to the second hadeeth you mentioned, it is the hadeeth of ‘Uthmaan ibn Abi’l-‘Aas al-Thaqafi, according to which the Prophet (peace and blessings of Allaah be upon him) said: “The gates of heaven are opened halfway through the night and a caller cries out: Is anyone supplicating so that he may be answered? Is anyone asking so that he might be given? Is anyone in distress, so that he might be granted relief? And there will be no Muslim left who is supplicating but Allaah will answer him, except for a zaaniyah who earns a living from committing zina or an extortionist.” Narrated by al-Tabaraani in al-Mu’jam al-Kabeer (9/59) and in al-Mu’jam al-Awsat (3/154). Al-Haythami said in Majma’ al-Zawaa’id (10/156): Its men are the men of saheeh. Al-Albaani said in al-Silsilah al-Saheehah 91073): Its isnaad is saheeh. Based on this, there is no suggestion that all his good deeds will be erased, rather it shows that the du’aa’ of the adulterer (zaani) who is persisting in his zina will not be accepted, and this is a valid meaning. Major sins are one of the impediments to du’aa’ being accepted. How can Allaah respond to one who is remaining in sin and not giving it up or repenting from it? And Allaah knows best. Islam Q&A
  2. Alle ha u naxariisto inta dhimatay! Juje, thnx for the Link.
  3. Waxaan waxba kama jirin intaan maqaalkan la qorin ka hor, waana istiraatiijiyad ay ku guuleysteen ooy weligood ku dhaqmi jireen. Waan wada ognahay in markii dagaalka kulul lagu hayey Ethiopian-ka & Qolyihii markaas la joogay iney yirahdeen: waa in Islaamiyiinta loo kala qaybiyaa: xagjir & Qunyar Socod, waa ku guuleysteen, haddana qolooyinkii soo haray ayaa sidaas haddana loo sii kala qaybiyey,waana u qaybsameen!. Hawshaan wax hadda billowday maaha, Kutubta Siirada & Tafsiirka waxaa ku qoran in Yuhuudda Madiina deggan markey la yaabeen nimankii Ansaareed ee Aws & Khazraj sida ay isu jecelyihiin, ayay damceen in ay isku diraan oo soo xusuusiyaan qabaliyad laga soo gudbay & colaad dheeraatay oy isu qabeen, waana ku guuleysteen oo intuu casuumay oo khamri ku sooray uu gabar fanaanad ah-na amray iney heesihii dagaaladii ay ku hoobteen u qaaddo, waana laysku dhacay, hadduusan Rasuulku (scw) ka soo gaarin oon aayado Qur'aan ah soo degin: 'wactasimuu bixablillaahi jamiican walaa..'. Muassasada 'Rand' la yiraahdo ayaa soo saartay in Muslimiinta la isu adeegsado oo la kala qaybiyo, intii lala wada dagaali lahaa!iyadaana u dhib yar, raad-reebna weyn!. Waxaa looga Guuleystay qaybintan Sacuudiga oo daaciga wayn ee Salmaan Al-awdah, qofkii yaqaanay ama dhegeysan jiray 20 sano ka hor & hadda MBC, Islam Today, wa arki karaa farqiga wayn!. Qur'aanka sow ma akhrisaan: 'wadduu maa canittum qad badatilbaghdaa'u min afwaahihim wamaa tukhfii suduuruhum akbar...'. Waxaan kaloo ognahay in halgankii Sayidka ku dadaaleen iney dhabar-jebiyaan, ficlanna ku guuleysteen, oo Ina Shixiri oo turjubaan & la taliye u ahaa ay ka duufsadeen. Sidoo kale shirqoolkii Canjeel iyagu ka dambeeyeen, oo Sheekhii dariiqada Saalixiyada ku direen Sayyidka iyagoo adeegsanaya Wadaado Allo sahal ah. Soomaaliyeey toosa! ' FASATACLAMUUNA MAA AQUULU LAKUM...' Wabillaahi Tawfiiq.
  4. War illeyn meel aan laga filayn baa qosol laga helaa!! 'shuba hadda' a la Maryan Mursal . Waryaa Hunguri, maxaa i kaa daba dhigay?, meel walba magaceyga inaad ku sheegto maxaa kugu qasbay?, iga har ninyahabow!
  5. Shabelle: NAIROBI Halgamaagii ugu dambeeyay ee Ururkii Xornimo doonka ee SYL Cali Xasan (Cali Barduuro) ayaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenynya. Alle ha u naxariistee Waxaa habeenkii xalay ahaa Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ku geeriyooday Cali Xasan Cali (Cali Barduuro) oo ka mid ahaa Dhalinyaradii Ururka SYL oo ahaa Urur Taariiq weyn iyo sumcadba ku leh Soomaalida dhexdeeda marka laga hadlayo helitaanka xoriyadda. Alla ha u naxariistee Cali Barduuro ayaa waxaa uu qeyb weyn ku lahaa Aas aaskii Ururkii SYL waxaana uu ka mid ahaa dadkii sida weyn uga dhiidhin jiray Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala xukumi jiray gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofurta Soomaaliya. Cali Barduuro ayaa da’diisu waxaa ay ka badneyd 90 sano waxaana uu halgan dheer u soo galay isaga iyo saaxiibadiisii SYL sidii meel ay isugu keeni lahaayeen Umadda Soomaaliyeed taasoo gumeystuhu kala qeybiyay iyagoo ugu dambeyntiina ku guuleystay. Ka sakow halkangii xornimo doonka ee uu u soo galay Soomaaliya Cali Barduuro ayaa waxaa uu soo qabtay Xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa Safiirnimo. Si kastaba ha ahaatee Cali Barduuro ayaa ahaa Halgamaagii ugu dambeeyay ee ka noolaa SYL waxaana Alla ha u naxariistee Cali Barduuro ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
  6. Complicated, mahadsanid sxb, waxad sheegeysoo dhan waa suurtogal. Waxaan kaloon tuhunsanahay in ay ku jiraan qolooyinkan 'elite' aan cidna ka amar qaadan oo waxay rabaan fuliya, iyadoon Umara'da ka war-heynna fuliyeen falkanna waa suurtogal!, laakin waa iska 'hear'say' waxaasna daliil ma noqdaane adaa wiilka personal u garanayee 'wa cinda juhaynata al-khabarul yaqiin' noqo oo warka oo saxa noo keen mise anaa u tafa xeyta oo Copanhagen & Hotel Shamo'ba isu mara!
  7. A & T, sxb, Na'cas ha noqon!, wax ay qirteen & waxa ay yihiin anigu kama hadlayo ee wax ay inkireen ee haddana loo daliishanayo: 'horay ayey sidaa u yeeleen' & 'meel hebla-ba waa kuwa sidaa & sidaa ku sameeyey'. Horay waxa loo lahaa waa reer A & T oo Dhoobley buu ka yimid, haddana waa reer MMA!. Fekerkayga & dhacdadan ka sal gaarideeda waxba iskama quseeyaan. Waxaan diiddanahay in qolo -xumaan kasta ha lahaatee- la xalaashado in la sii foolxumeeyo, oo been lagu dhoobo. Wamaa khabarul-(bra) bi baciid!
  8. ^^ inaadan waxba fahmeyn & inaad is yeel-yeeleysaanan kala garaneyn yaa Xiin!! Source-gu wuxuu ka hadlay: 'KHABAR DHACAY' oo ah in reerku inkireen in wiilkoodu falkaas ka dambeeyo yahayna VICTIM & 'RA'YI', adigu ra'yiga ayaad la boodday anna Khabar-kaan focus-ka saaray, see the difference?
  9. ^^'baytul qasiid' weligaa ma maqlin miyyaa?? haddii aanan source-ga keeni lahayn maxaad sheegi lahayd?
  10. Ciyaalka intii Calan waxa uu u taagnaa (5ta Somaliya)tii ugu dambeysay 20 sano bur-bursantahay ayay Maro ereyga Tawxiidka ku qoranyahay jeex-jeexeen!
  11. Juje, i was waiting for the hard evidence you promised (the dardaaran video). Lakin sheekadan akhri ee waxa kaaga soo baxa ii sheeg! Reerka ayaa lagu wargaliyay in wiilkoodu uusan is qarxin oo aysan arrintaas ka suuroobin balse uu martiqaad ka helay dhalinyaro kamid ah ardaydii qalin jabineysay, kuwaas oo ay saaxiib ahaayeen. mahaan ka daymoo!
  12. as long as u don't give them your DOB then u r safe
  13. labadii la beddelay jufadoodii ayaa laba laga keenay miyaa oo jagooyinka loo kala wareejiyey?
  14. ^^Abu-salmaan,Adaa mudane, maxaad riyo ku arkaysay?
  15. Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. TACSI TIIRAANYA LEH… Waxaan ugu horrayn Tacsi u dirayaa dhammaan eheladii dadkii lagu xasuuqay qarixii lala beegsaday Xafladii aqoonta ee Hotel Shaamow, Muqdisha, waxaanan leeyahay, inta dhimatayna Ilaahay Naxariis iyo Janno ha siiyo, Inta dhaawacaana allaha bogsiiyo oo boogtooda dhayo, eheladooda iyo asxaabtopodii iyo Soomaaliyoo idilna Ilaahay samir iyo ajir Musiibadooda Allaha ka siiyo. Maalintii khamiista December 3, 2009, Musiibada ka dhacday Hoteel Shaamow – Iyadoo Musiibooyinka Soomaaliya gaar ahaanna Muqdisha waayadanba isdaba joog yihiin – wexey ahayd mid aad uga duwan kuwii dhici jirey: 1) Waa midda Koowaade waxaa goobta lagu gummaaday koox ka mida dadkii Wadankaan waxtarka u ahaa, iyo facii wax bartay oo soo kacayey, taasoo muujineysa, dadka falkan ka dambeeyaa iney yihiin kuwa Soomaaliya doonaya iney ka sifeeyaan cid kasta oo wax tar noqon karta ama aqoon diineed ama adduunyo leh. 2) Dadka Meeshan lagu gummaaday wexey ahaayeen dad aan dagaalada socda kaalin weyn ku lahayn, ama haba yaraatee wax kaalinaba ku lahayn, xitaa wasiirada meesha lagu diley wexey ahaayeen, kuwii aadka uga fogaa arrimaha dagaalka, isla markaana ugu waxtar badnaa ama ugu shaqa badnaa DKMG intii ay jirtey sida muuqata, Wasiirada Waxbarashada, Tacliinta Sare, Caafimaadka iyo Isboortiga. 3) Dadka ugu badan ee xafladan isugu yimi waxaa la oran karaa iney ahaayeen xulkii bulshada, dhakhaatiir waaweyn, arday caafimaadka ka qalin jebisey oo 6 sano ka badan cidiyaha ku dirirayey si ay aqoonta sare u ururiyaan, waxna u dhisaan, halka ummadoodu inteeda badan wax dumineysey, ayna ku dhex noolaayeen, taasoo ka dhigeysey iftiin yar oo kasoo bidhaamayey dhul qudcura oo mugdiyadu ****oleen, amase ay ka dhignaayeen, farxad yar oo dhex taalla murugo aad u weyn oo carrigaa qarisay. Si kastaba ha ahaatee, falkani wuxuu muujinayaa dadka ka dambeeyey iney yihiin kuwa ay ku fogaatey cadaawadda dadka muslinkaa, jecelna Ummadda Soomaaliyeed ruux wax tar ahi inaanu ku harin. Ilaa hadda warka lasoo tebiyey wuxuu sheegay inuu falkan ka dambeeyey qof isku soo xiray ama lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo meesha isku qarxiyey. Hase yeeshee arrintu wexey u baahantahay in loo saaro guddii aqoon dheer u leh arrimahan oo baaritaan ku sameeya qaabka wax u dheceen, si loo ogaan karo asraar badan oo ka dambaysa falka noocan oo kale ah, in kastoo maanta Muqdisha aan laga fili Karin baaritaanka noocaas ah, haddaana dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh, hawlahaan, wey fiicnaan lahayd iney wax ka faallayaan marka baaritaan lagu sameeyo goobta, sida wax u dheceen, qaabka loo fuliyey, sida dadku ku dhinteen, dhaawacyada oo la waraysto iwm. Maxaa rag Qaalliya ku baxay Goobtan Dadka falkaan cadawnimada ah lagu gummaaday waxaan si fiican uga aqaaney Dr. Ibrahim Caddaw iyo Dr. Axmed Cabdullaahi, iyo Sh. Abuukar Xuseen oo isagana waqti dheer aan ku aqaaney dacwada iyo inuu ahaa aabayaasha agoontii jamciyatul mashaariic ee Muqdisha. Dr. Ibrahim Xasan Caddow Allaha u naxariistee Oo aan ugu badiyey dadka meeshaa ku geeriyoodey, Waxaan bartay sanadku markuu ahaa 1985 waxaanuna isku baranay magaala madaxda maraykanka ee Washington, halkaasoo uu ka watay waxbarashadiisa sare ilaa uu ka qaatay shahaadada PhD, kuna takhasusay waxbarashada. Kadibna Jaamacadaha American University iyo George Mason iyo qeyrkood ayuu wax ka dhigay. Sagaashameeyada horraankeedii ayuu wuxuu shaqa ka helay Bangiga Islaamiga ee Jiddah (Islamic Development Bank) inuu xagga waxbarashada iyo jaamacadaha kala taliyo ardayda bangigu minxooyinka siiyo, xilligaas habeen uu gurigiisa Jidda igu casuumey wuxuu ii sheegay inuu la qabsan kari la’yahay qaabka shaqada ee Bangiga, ayna dhici karto inaanu waqti badan sii wadin. Sidaas ayey noqotay oo Ibrahim wuu ka tegey shaqadaas, iyadoo lacag badan la siinayey. Wuxuuna mar kale ku noqday Maraykanka. Wuxuu muddo la shaqaynayey Safaaradda Imaaraadka carabta Washington, lataliye xagga tacliinta, hase yeeshee iyadana waqti dheer masii wadin. Ibraahim Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin aan qal qalooc iyo isdaba marin u dul qaadan Karin, saas darteedna uu shaqooyin badan uga tegey. Kadib Ibrahim isagoo ku taahayey in badan inuu dalka kusoo noqdo oo wuxuu soo bartay wax ku taro, wuxuu ku fikerey inuu dalka kusoo noqdo si kasta oo duruuftu u adagtahay. Dabadeedna wuxuu Muqdisha ka asaasay Iskuul Private ah. Mar aan Muqdisha gurigiisa isku aragnay 2002-3 wuxuu iiga sheekeeyey inuu ku taamayo iskuul taya leh xag diin iyo xag aduunyo. Ibrahim oo ahaa nin diinta ku adag, wuxuu shuruud ka dhigay, macalin kasta wuxuu doono ha dhigo, science ama Math, inuu aragti diineed leeyahay, diintana wax ka yaqaan, wuxuu kaloo ardada shardi uga dhigay iney qamiis (uniform) u noqda iskuulka, iyo in anshaxa islaamiga aad loo ilaaliyo. Wuxuu arrinkaa ku qeexay risaala yar oo uu qoray, maalintaasna i tusay laakiin aanan hadda hayn. Kadibna Ibrahim wuxuu wax ka qaban qaabiyey Jaamacadda Banadir ee markaa Kulliyadda Caafimaadka keliya ahayd, sidoo kale wuxuu qayb ka qaatay. Xilligii ay soo ifbaxday Maxaakimtii Islaamka ee beelaha Muqdishana wuxuu qayb ka noqday dhaqdhaqaaqoodi, dabadeedna waxaa loo magacaabay Xoghayihii arrimaha Dibadda ee Maxaakimta. Ibrahim Allaha u naxariistee ma aheyn nin siyaasadda jecel, ama u samaysan xitaa inuu siyaasi noqdo. Waayo siyaasiyiintu waa dad laab laab badan, Ibrahimna wuxuu ahaa nin toos u kaca (straight) oo aan laa laab lahayn. Maxaakimtii markey dhacday ka dib, Ibrahim kama maqnayn saaxada, hase yeeshee waxaa muuqatey inuu xoogaa dhinac uga istaagey, gaar ahaan markii la sameeyey Isbahaysigii Asmara, kaasoo aanu ka qayb gelin, markii isbahaysigu u kala jabay Jabuuti iyo Asmarana Ibrahim dhinacna ma raacine wuu ka haray, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ka shaqaynayey in dib loo mideeyo. Wuxuu Prof. Ibrahim dib uga soo muuqday saaxada markii DKMG jabuuti lagu soo dhisay halkaasoo Wasiirka Tacliinta Sare loo magacaabey, waana halka uu Prof. Ibrahim islahaa, dadkuna is lahaa waxbuu ka qaban karaa, oo waa shaqa uu aqoon iyo khibrad u leeyahay. Waxaan aad ugu malaynayaa Prof. Ibrahim inuu jagadaas u galay niyad ah inuu Ummadda wuxuu ku tari karo ku taro. Intii uu hayey hawshanna waxaa la dhihi karaa wuxuu ka mid ahaa ama ugu horreeyey dadka fara ku tiriskaa ee wax la taaban karo qabtay, maxaa yeelay boqollaal arday ayuu minxooyin uga soo qaaday wadamada yemen iyo qeyrkeed oo uu guddoonsiiyey, iyadoo awal kumanyaal doolar lagu gadan jirey. Sifooyinka ugu weyn ee Ibrahim Allaha u naxariistee lahaa waxaa ka mida, inuu ahaa nin Muslina oo diinta aad u jecel, caqiida toosan oo wadadii salafka haya, sunnada ku dheggan oo ay ka muuqato, xaqqa wuxuu u arko aan marna ka weecan adduunku hadduu dhinac ka safto. Waxaan Ibrahim ku bartay Allaha u naxariistee, nin toos u socda oo aan leex leexad iyo war wareeg aqoon oo jeclayn, zaahid ah oo aan adduunyo raadis ahayn, tawaaduc leh oo aan isla weynaan aqoon. Ibrahim Allaha u naxariistee, wuxuu Maraykan iyo qeyrkeedba ka heli karey shaqooyin wax badani kasoo galaan, nolol adduunyo oo qabowna leh, hase yeeshee wuxuu jeclaa inuu dalkiisa ku noolaado waxna taro, isaga ayaana maanta isagoo madluuma lagu dilay. Xitaa sida meydkiisu u yaalley meeshii lagu dilay ayaa markhaati ka ahayd inuu ilaahay uga ashtakoonayey kuwa dulmiga ku dilay Ibrahim. Ilaahay waxaan uga baryey Ibrahim inuu u naxariistu, Jannadana nagu kulmiyo, Ilaahow ajarkiisa hanaga qadin, gadaashiisna Ilaahow hana fitnayn. Dr. Axmed Cabdullaahi Waayeel Ninka Labaad ee aan aadka u aqaaney waa Dr. Axmed Cabdullaahi Shekh (Waayeel). Axmed Waa maamulihii iyo Maareeyihii Mu’asasada iyo Dugsiga laamaha badan ee Imaamu Shaafici. Dugsigaas oo la asaasay intii Dawladdii Maxamed Siyad Jirtey, Mudadii Burburka oo dhanna aan maalinna istaagin, soona saaray kumanyaal arday ah oo maanta adduunka ku firiqsan. Axmed Allaha u Naxariistee wuxuu ka qalin jebiyey jaamacadii Soomaaliya, kadibna wuxu Master ka qaatay dalka Suudaan, haddana wuxuu wadey ogaaltay PhD oo wax yar uga dhinaayeen, hawlahaanuna ka mashquuliyeen, haddaanuba dhamayn. Kolleey burburkii Maxaakimta kadib wuxuu ii sheegay inuu ku tala jiro inuu dhamaystiro PhD ama daktoorada, laakiin waa laga yaabaa inaanu haleelin. Axmed waa halgamaa weyn oo 20 sano ee dalku burburka ku jirey isaga iyo saaxiibadiis ku mintideen iney taagaan Mu’asasada Imaamul Shaafici ee maanta xarumaha wax barashada Geeska Afrika ugu magac dheer. Ka dibna wuxuu wax ka asaasay Dalladii Wax barashada ee FPENS, oo uu agaasime ka noqday, taasoo ahayd (Wasaaradda Wax barashada) dal aan dawlad lahayn, haddii dawlada magacii soo mareenna aaney waxba ka qaban wax barasho. Axmed markii loo magacaabay, wasiirka wax barashada, waxaan iri, isagaa wax u kordhinaya ee wasaaraddu wax kuma kordhineyso. Waayo Axmed isagoon cidi u magacaabin, ayuu wasiirka Waxbarashada Soomaaliya si ficil ah oo camal ah u ahaa. Axmed waxaan marar badan ku booqday dugsiga shaafici, iyo FPENS, waxaanu ku walaalowney dariiqa dacwada oo qofba kaalin kaga jirey, Axmed Allaha u naxariistee, markii Isbahaysiga Asmara is khilaafay wuxuu ahaa raggii kaalinta weyn ka ciyaaray dhinaca Jabuuti. Axmed wuxuu ahaa nin aad u caqli badan. Deggan oo fikir fiican. Qabow oo aan kulayl iyo xaraarad cidna ku qaabilin. Wuxuu ahaa nin had iyo jeer inaan lakala tegin ee wax laysku waafiqi karo, waxna lagu heshiin karo aaminsan. Wuxuu ahaa nin diinta ku soo bar baaray, aqoon u leh, waxaanan is leeyahay mudadii yarayd ee uu jagadan hayey, wax badan inuu Soomaalida ugu qabtay, ama heshiisyo uu la galo wasaaradaha wax barashada carabaha, ama manaahijta wax barashada, ama kobcinta aqoonta iyo iskuulada, wuxuuna ahaa nin karti badan oo agaasimka shaqooyinka aad ugu wanaagsan, waxaadna ka garaneysaa miraha uu ka tegey iyo Mu’asasada uu wax ka dhisay, isagoo ku haminayey marar badan Imam Shaafici, Jaamacad inuu gaarsiiyo, oo xitaa diraasadeedi diyaarshey. Ilaahay waxaan ka baryayaa Axmed Cabdullaahi inuu u naxariisto, Janana nagu kulmiyo, kuwa shalay dulmiga ku dileyna ilaahay abaalkooda mariyo. Waxaa ii haray hal arrin oo uurka aan iigu jiri Karin. Magaaladan Muqdisha waxaan filayaa iney tahay tan iyo maalintii dhibka Soomaaliya bilawday, meesha ugu badan ee dad Muslina dhiigooda dulmi loogu daadiyey. Muqdishooy maxaa Muslim Madluuma uurkaaga ku jira. Maxaa Muslin Mussaliya oo Ilaahay habeenkii u sujuuda dhiigiisa lagugu daadshey, oo jidadkaaga togey, maxaa kaa dhiqi kara xinjiraha Muslimiinta Ilaahay yaqaan. Muqdishoooy Maxaad Muslimiin qaalliya qabtaa…Maxaa dad Awliya Ilaahay jidadkaaga lagu ugaarsaday. Maxaad dhiig ku fooldhaqatay, oo hilbaha muslin ku cadayatay, oo xinjiraha dadka ilaahay yaqaan waagii beryaba ku subkatay. Muqdishooy..Miyaadaan dhiiga dulmigaa ka dhergin…Miyaadan hilbaha waxtarka Soomaaliyeed inaad quudato ka quusan…Immisaa madluumiin dhexdaada dhiigooda lagu daadshey Maxkamadda Ilaahay kuusoo istaagi doona berry qiyaamaha.. Ilaahow Fitnada Soomaaliya ka socota oo weliba Muqdisha ka socota, naga bad baadi oo dhinac naga mari. Cuquubada iyo Lacnadda ka timaadda dhiigaa xaq darrada lagu daadinayana Ilaahow na dhaafi. Ilaahow aamiin.. Muxamad Idris Axmed Makka Al Mukarramah SomaliMirror
  16. C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii Dowladii Carta lagu soo dhisay isla markaana ku sugan Dalka Masar ayaa si kulul uga hadlay arimo ay ka mid yihiin Falalka Foosha xun ee ay Maamulada P/land & S/land ugu Gacan galinayaan Shacabka S/galbeed Gumeysiga Itoobiya, Qaraxii Khamiistii ka dhacay Hotel Shaamoow iyo Duqeynta Arxan darada ah ee ay AMISOM ku hayso Shacabka Soomaaliyeed. Maamulada S/land & P/lanad C/qaasim ayaa sheegay inay Mar uun Maxkamad soo taagi doonaan Nimanka Gacanta u galiyay Gumeysiga Itoobiya Shacabka S/galbeed oo uu ku sheegay Dad u Halgamaya Xoriyadda Umadooda isla markaana Qarniyo soo waday Dagaal. Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaan aad iyo aad uga xumahay oon la dhakaafarsanahay Maamulka ka jira Puntland iyo Xataa kuwa Waqooyi ka jira Dadkii u Halgamayay Gobonimadooda oo Tigreega la Dagaalamayay oo Qarniyaasha Dagaalka soo socday waday oo Soomaali oo dhan ay Wiil iyo Xoolaba ku Beeshay oo Al-aanka hadda Umadda Soomaaliyeed oo dhan Dagaalka kula jirto ileen Dowlad dhexe oo Xoog leh ma jirtee Nimanka inta Qabtay Dadkii u yimid u dhiibay Tigreega Mukhaabaraadkiisa, aad iyo aad ayaan u dhaleecaynaa, waxaana leeyahay Maxkamada la soo taagi doono Qab-qablayaashii Dagaalka ee ina Yuusuf iyo kuwii xamar Qab-qablayaashii ka ahaa oo hadda Baarlamaan ku sheega ku jira, iyo kuwii kismaayo ka ahaa iyo kuwii meel walba ka ahaa Maxkamadaha la soo taagi doono iyo Buush haddii uu Noolyahay iyo haddii uu dhinto iyo Meles Zenawi iyo Wax Alle waxa Maxkamada la soo taagi doono ama Midda Aduunka ama Mid Soomaalidu leedahay ayaa la soo taagi doonaa Nimanka Gacanta u galiyay Tigreega Dadkii u Halgamayay Xoriyadda Umadooda” . Duqeynta AMISOM Dhanka kale wuxuu wax aan loo dul-qaadan karin ku tilmaamay xasuuqa ay AMISOM sida joogta ahi maalin walba ugu hayso Shacabka soomaaliyeed, wuxuuna xusay inuu Qoraal u gudbiyay Madaxweynaha Uganda isla markaana uu kala hadlay arintaasi. C/qaasim wuxuu kaloo sheegay inay AMIOM xiligii gumeysiga Itoobiya is-gaabinaysay markii ay Baxeen Ciidamadii Gumeysiga itoobiyana ay Bilaabeen inay Madaafiic la dhacaan Meelo ay ugu darantahay Suuqa Bakaaraha ee Magaalda Muqdisho. Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Mushkiladda Wax weeye Nimankii la keenay, markii uu Tigreegu Yimid waa is-gaabiyeen Markii Tigreegii Tagay sidii uu Tigreegii u Dagaalamayay markii Wiilal yar-yar Qoryo ku ridaan … Madaafiic ayay la eegtaan Suuqa Bakaaraha iyo Bambooyin, aad iyo aad ayaan uga xunahay, umadda Soomaaliyeedna ugu xuntahay”. Sidoo kale wuxuu yiri “Madaxweynahoodana waan u qornay oo waan kala hadalnay, waana la hadli doonaa, Afrika oo dhan iyo Aduunka oo dhan waan la hadlaynaa, Arintaasi Arin loo dul qaadan karo ma aha, waxaa ayaan daro ah Afrikaddii aan abaalka ku lahayn Abaal daray noogu dhaqaaqday Carabtii aan ka midka ahayn oo aan Jaamacadda carabta ak midka ahayna, iska daa inay wax qabtee Abaal daray noogu dhaqaaqday iyo inay yiraahdaan Argagixiso iyo Al-Qaacidaa joogta, Beeshii Islaamka oo aan ka midka ahayn wax ay noo qabatay lama arko, sababtoo ah Ninkii Aduunka ku amar ku taaglaynayay ayaa ka soo horjeeda marka waa inuu yiraahdaa Ma lugahaan kuu qabtaa Madaxaad ka gowracaysaa mise Madaxaan kuu qabtaa Lugaha iyo caloosha baad jaraysaa” Qaraxii Shaamoow Qaraxii 03, Bishan ka dhacay Hotel Shaamoow ayuu Sheegay inay ka danbeeyaan wuxuu ku tilmaamay Burcad Bariga Maraykanka iyo Itoobiya oo Raba inaysan Soomaaliya Dagin “Qaraxa waxaa ka danbeeya Burcadii Dalka Qabsatay Nimanka kan Reer galbeedka ee uu Maraykanku Madaxda u yahay Burcad Badeed Niman la yiraahdo bay sheegaan, Burcad Barigii Dalkayaga 20 Sano Burcad Bari uu Ninkaas Aduunka maanta ku soo haray labaddii Dowladood ee waaweynaa Ninka Madaxda u ah iyo Rag uu wato iyo Dowladii Geeska Afrika Dowaladaha u waaweyn ka mid ahayd oo Tigreegu hadda Madaxda u yahay Burcad Barigaas ayaa ka danbeeya oo Raba inaysan Soomaaliya Dagin, Qaraxyada iyaga ayaa ka shaqeeya”. Ugu Danbeyntii C/qaasim ayaa ku tilmaamay Qofka Qaraxii Shaamow ku kacay Qof Cadow u adeegaya oo Maskaxdii Cadowgu ku jirto “Qof kasta oo waxaas ku kaca inuusan Muslim ahayn waa la ogyahay, oo Qof is-qarxiyay Muslim maba noqon karo oo Diinta islaamka waa ka baxay, waxaasi waxa keenaya waa dad uu cadowgu soo adeegsaday oo la soo sumeeyay oo Daroogooyin la soo siiyay oo Is-qarxi la yiri oo Maskaxdii Cadowgu ku jirto oo Computer ku socdo oo kale weeye oo Is-Qarxinaya sidaas Dad u socdo weeye”. www.somalimirror.com
  17. Habar Moowto Kal-kaashay mooradeedeey ka aragtay!