Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Originally posted by Gheelle.T: [QB] Sargaal=officer/official, no? Sargaal darajo maaha dee. NO!, Sargaal waa XIDDIGLE wixii ka billowda!
  2. ^^Sida muuqata adigaan fahmin waxan ka hadlaayo, AS-na ma taageerine, tartiib bal adoon deg-degsaneyn, wax iska celina aysan kaa ahyn mar kale fiiri.
  3. ^^ Maxaa diidaayo?, waxaa la yiri: Nineey meeli u caddahay .....!
  4. lol@ askar gaalshire!, Abwaanow, Thread-kii Siyad Barre ninka wax ka qoray ma Abwaan kaluu ahaa!, BBC-da xitaa Profile ayay ka qortay 2006-kii, taariikhdiisa waa tan iyadoo dheere ku raaxeysta: Waa nin horay ciidanka oga tirsanaan jiray, waana nin adag oo waxa uu samaynayo ay dhab ka tahay, waxaan aaminsanahay intaa marka la isku daro in uu nin nabadeed yahay, Soomaaliyana nabad ka keeni karo" Xuseen Caydiid. Sh.Xasan waxa uu ku dhashay Baadiyaha Dhuusamareeb ee Goboladda Dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1945kii. Sh.Xasan waxa uu Xifdiyay Quraanka Kariimka yaraantiisii isaga oo jooga Baadiye, waxa uu xaadiri jiray yaraantisii xalaqadda Masaajidda, isla goobahaas ayuu ku bartay Culuumta Naxwaha, Sarfiga iyo Fiqiga. Machadkii Diinta ee Al-Azhar ee Muqdisho ayuu sheekhu galay sanadkii 1965kii. 1971kii Ayuu ka qalin jebiyay machadkaa, isaga oo qaatay Shahaadadii Dugsiga Sare. 1973kii Waxa uu xubin buuxda ka noqday ciidankii xooga dalka Soomaaliya, isaga oo lagu qaatay darajadda Sargaal. Dagaalkii 1977kii Sheekh Xasan waxa uu ka qaybqaatay Dagaalkii 1977kii lala galay cadowga Soomaaliya ee Itoobiya, dagaalkan oo uu ku mutay bilad sharaf, Mujaahidiin ay dagaalka wada galeen ayaa soo weriyay in Sh.Xasan Daahir Aweys uu udardaarmi jiray goorwalba ciidankii uu taliyaha u ahaa, in hadii ay Illahay si wanaagsan ugu xidhmaan ay guushu xageena ahaan doonto. Dagaalkan ayuu Sheekhu ku mutay Biladdo Sharaf iyo kuwo Geesinimo, raggii dagaalka la galay Sheekha oo ka sheekeeyay ayaa si wayn u tilmaamay siiradda xagga difaaca dalka ee uu leeyahay, waxay ku tilmaameen in uu yahay Soomaali halyeey ah, oo u nxariis badan dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Af-gambigii Dhicisoobay Sanadkii 1978dii waxaa Sheekh Aweys loogu yeedhay in uu ka qayb qaato af-gambi lala damacsanaa Dowladii Maxamed Siyad Bare, oo isagu xoog ku qabsaday dalka waqti intii Gumaysigu oga tagay dalka sidii ay doonaan ka yeelan, iyagga oo dhaxalka keliya ee ay haystaan uu ahaa kitaabkii Talyaanigu u qoray in ay dalka ku maamulaan. Xiligaa Sheekh Aweys waa uu iska soo taagay ka qaybqaadashadda Af-gambigaa, goortaa oo uu sabab oga dhigay, isaga oo aan aaminsanayn in xoog wax lagu bedelo, waxa uu doonayay marwalba sheekhu in wanaaga iyo wadahadalku uu shaqeeyo, yaase ka raaridaya cadowga umaddeena oo cadaan iyo madowba leh. Xabsi Waqti Dheer Qaatay Sanadkii 1986kii ayaa Shaakha Xabsiga loo taxaabay isaga oo koox culima ah, kuwan oo kuligood kawada tirsanaa Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami - kan oo la aasaasay sanadkii 1982kii, waxa uu si wayn sheekhu ugu dadaali jiray in dhamaan Bulshadda Soomaaliyeed iyo ciidankii uu ka tirsanaaba ay noqdaan kuwa Illahay si wanaagsan ugu xidhan. Sanadkii 1987kii Sheekh Xasan Daahir Aweys in dil toogasho ah lagu dilo ayaa ay Xukuumadii Siyaad Barre ku xukuntay, walow xili dambe xabsi daa'in loogu bedelay, sababta Boqor Fahadkii Sacuudiga oo Dowladii Siyaad Barre lasoo xidhiidhay, kadib markii Sheekhii caanka ahaa ee BinBAAZ uu arintaa Boqorka faray. Qiso Dhab Ah Waxaa la weriyaa in Xiligii dilka lagu xukumay uu Aabihii Daahir Aweys u tagay Siyaad Barre isaga oo ka codsaday in uu usii daayo wiilkiisa oo uusan ka dilin, Siyaad Barre ayaa u sheegay Daahir Aweys in uu wiilkiisu aaminsanyahay in uu Gaal Yahay Madaxwaynuhu, Arintaa Dahir Aweys waa uu qariibsaday... Siyaad Barre ayaa codsaday in balan loo qabto Dahir Aweys iyo Sh.Xasan oo markaa majlis la isugu keeno, Daahir Aweys balantii ayuu ku yimi, Siyaad Bare ayaa intuu Masale ku fadhiistay Tusbax-na soo qaatay codsaday in loosoo geliyo Sh.Xasan Daahir oo isagu laga keenay 20Jiroow. Daahir Aweys ayaa uu wiilkiisii oo uusan dhawaanah arag soo galay halkii ay fadhiyeen isaga iyo Siyaad Bare, hadii uu salaamay odayadii meesha fadhiyay waa Siyaad iyo Aabihiise, ayaa Siyaad waxa uu usoo jeediyay su'aal Sheekh Xasan oo yidhi "Maandhoow ma aniga imika Salaadda ka kacay oo tasbiixsanaya ayaad gaal ii haysataa?", Sheekh Xasan ayaa ku jawaabay "Gaal Baad Tahay, Illahay ka furtay". Sida qoran Suldaan Jaa'ir ah oo aad hortiisa runta ka sheegtaa ayaa ah sababaha Janadda Illahay lagu mutaysto, maalintaa Sh.Xasan waxaa la sheegaa isaga oo aad ugu faraxsan talaabooyinkaa uu horay u qaaday in uu ku laabtay xabsigii laga keenay, oo Xarunta Soomaaliya in badanna ka durugsan. Sanadkii 1988kii ayaa xabsiga laga sii daayay, sababta Reer Galbeedka oo Dowladii Xiligaa ku qasbay in ay sii dayso dhamaan raggii u xidhxidhnaa Siyaasadda. Budhbudhkii Dowlada Budhbudhkii Dowladii Soomaaliya sanadkii 1991kii ayuu si aan qarsoodi lahayn ola dhawaaqay in Diintu ay tahay arinta keliya ee badbaadin karta Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana dib isugu soo celin karta oo ruux keliya ka dhigi karta. Waxa uu ka qayb galay dagaalo dhowr ah kuwan oo dhamaantood lagu doonayay in Diinta Islaamka lagu soo rogo dalka, si loo badbaadiyo dal iyo dad wixii ay Soomaaliyi lahayd. Dagaaladda uu Sheekhu galay ayaa ka mid ah mid ka dhacay Goboladda Wuqooyi Bari Ee Soomaaliya, kan oo uu la galay Con.Cabdulaahi Yuusuf, Con Yuusuf ayaa qudhiisa dagaalkaa lagu qabsaday sanadkii 1994kii, walow markii dambe la sii daayay isaga iyo qaar ka tirsan ragii qabyaaladda wadanka u horseeday iyagga oo habayaraatee aan waxba la yeelin. Sanadkii 1996kii waxaa magacii laga bedelay Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami oo loo bixiyay Al-Ictisaam, Ururkan oo goortii dambe shaqayn waayay sababta ragg badan oo odayadda ka tirsan ahaa oo doonayay in ay aqaladooda iyo badhahooda si nabad ah u fadhiyaan. Itoobiya Oo Isku Dayday Dilka Sheekha Sanadihii 1995 - 96 waxa uu cadowga weligii ee Ummadda Soomaaliyeed isku dayay in uu ka takhaluso, isaga oo adeegsanayay dad ay qaraabo dhow yihiin Sheekh Xasan, inta la ogyahay sheekhu sadex jeer ayuu dil uu cadowgu soo agaasimay ka baxsaday, tan oo ku dhalisay in uu dibadda oga baxo dalka Soomaaliya oo uu arkay in uusan ku badbaadeynin. Xiligaa ka dib xataa Sheekh Xasan ma uusan dhigin Qorigiisa waa halkii Xirsi Magane "Ma Wadaad Ilbaxaboo Aakisihiisa Sitaa La Adoonsan Karaa". Sanadkii 1997kii waxa uu halkiisii kasii waday halgankii uu ugu jidhay quwaynta diinta, oo isagu arkayay in ay Diinta Islaamka oo laqaataa ay tahay dariiqadda keliya ee lagu badbaadin karo Qaranka Soomaaliyeed. Sanadkii 1998 Waxa uu horjooge ka noqday Maxkamad Islaami ah, oo laga hirgelyay Magaaladda Muqdisho, tan oo si ku meel gaadh ah loogaga hirgeliyay Muqdisho. Argagixisadda Caalamiga ah Sanadkii 2001 dowladda Maraykanka ayaa iyadda oo xiganaysa cadowga Soomaaliya ee Itoobiya ku dartay Sheekh Xasan waxa ay ugu yeedheen waqtigaa, kuwa sida goonida ah loola socdo, arimahan ayuu Aweys qudhiisu ku tilmaamay in ay qayb ka tahay aqoondaradda Maraykanka ee ku jeeda Arimaha Soomaaliya. Sanadkii 2006 Sheekh Xasan waxaa loo magaacaabay Madaxa Golaha Shuuradda Islaamiyiinta Soomaaliya, arintan oo ka dhalatay kadib markii dhaliinyaro Soomaaliyeed oo isu tagay ay dibadda oga saareen dagaal oogayaashii dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhigay halka ay yaalaan maanta, kuwan oo garabsanayay Maraykanka iyo Cadowgeena weligii Itoobiya. Sheekha ayaa xilkan loo magacaabay isaga oo ka maqan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, islamarkaana jooga meelo ka tirsan Goboladda Dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu waanwaan ka dhexwaday qaar ka tirsan qabiiladda Soomaalida ee dega Goboladaa. Voy + NAgency Xigasho: Agabso..com
  5. Digashadu ma fiicna, Fitnadana Ilaah baa laga magan galaa!. Al Shabaab qalad & sax waa leeyihiin, laakiin hadda taas ma taagna, waxaa lagu haystaa waxa ay u taaganyihiine, haddaadan la jirsan karin Cadawga ha u jebin!. Iney XI la dagaalamaan ama iyaga dhexdooda intey kala jabaan haddana is dilaan waa dhici kartaa!. Kuwo ka fadli badan, kana aqoon og Diinta ayaa BABTA iska qasay!, iyadoo weliba furinta cadaw joogo, intey dagaallamaayeenna Jihaad uusan jirin!. Waxaa soo hartay Gaalaysiinta & Dilka, Koox ama Qof kasta ee u istaagta JIHAAD! waa ku qasab labadaas ama midkood!. C/laahi ibnu Zubayr (RC) oo hadduu Salaadda u istaago waxa hareerihiisa ka dhaca aan ogeyn, wuxuu ku sigtay inuu gubo Muhammad ibnu Hanafiyyah (wiil uu dhalay Sayyid Cali (RC)markuu diiday inuu dagaalka la galo uu uga soo horjeedo Yazeed. Haddaad Sayyidka taariikhdiisa akhrisidna waxaad is leedahay isagaa AS baro dheeraa!. Marka, akhyaareey waxba yuusan dhiiggu idin kicin, hebel oo reer hebel ahna maxaa loo dilay ma joogto, Khilaafadii Cumar-na sooma noqoneyso, ee waxa yar een heysanno ma iska biyo-biyeysanaa?. Markey Soomaaliya isku labqas-neyd, oo maydka laga tallaabsan jiray, oo qofka loo dilayey Bac madow waa nalagu fiirsan jiraye hadda waxa is bedelay ma is weydiiseen??
  6. Ninkaan waa HALGAMAA WAYN!, waa Daacad qabyaalad ka fog, mintid hal adag oon aqoonin "LA JIIFIYAANA BANNAAN". Dagaallada wuxuu ku soo jiray 1/3 cimrigiisa, mabda'iisa ayuu ku sigtay in loo dal-dalo (toogto), muddo badanna u xirnaa. Dagaalkii 77, wuxuu ciidanka ku boorrin jiray inay salaadda tukadaan si Ilaahay guul u siiyo, hadday dhintaanna Jannadii galaan. Asagoo kale,waa ragga Taariikhda lagu xuso,waase haddaan taariikhda la qal-maroojin.
  7. Siyaad Barre waa tegay!, Soomaaliyana meeshii uu kaga tegay meel ka xun ayey mareysaa, mustaqbalka dhowna xataa ma muuqato si ay uga soo reyneyso, wixii qalad uu lahaana Ilaah ayaa kula xisaabtamaya!. Sida Jamaal sheegayna, hadda maxaa talo ah? Soomaali waxbaa si ka ah! xumaanta dadka ay la qabaan waxaa u dheer, qab baas, qabyaalad, been, xaqiraad & tan ugu daran ee ah inaan waxba la isu oggoleyn!. Soomaalidu ma yaqaanaan NAQDI dheellitiran, qofka samaantiis & xumaantiis isma bar-bardhigaan, kii mar dembi yar lagu arko waa u dhamaatay! cudurdaar, sharraxaad & siyaasad toona lama tixgeliyo. Sawirka wayn & maxaa dalka dan u ah ma jirtee, mar hadduu Aniga & Qabiilkeyga ii daranyahay waa: BUL ALLAHA SIIYO!. 20 sano kadib Siyaad Barre, haddii sheekadu mareyso Cadaado oy degaan Sub-sub-clan iney dawlad goboleed noqoto, aniga waxaan ka iri: SALAAMULLAAHI CALAL SIYYAAD!
  8. Waxay ku xirantahay hadba gobolka aad ka timid. Nin reer Koofur ah ayaa maqaayad soo fariistay Galkacyo ku taal, isaga & kamalyeerigii waxaa dhex martay sheekadaan: Ninkii: Maxaa yaallo? Waiter: Cad & Caano! Ninkii: Caano waa kasee, Cadkaanna maxaas ahaayne? Waiter: Waa Hilib ari. Ninkii: ee Goosaar lee joogtaa..maxaa lagu cunaa hilibka & Caanaha!
  9. Originally posted by Castro: [QB] You really believe this? These illiterate clan warriors know nothing of Islam or statehood. This is as absurd as the thread title, Al-shabaab is any thing but clan warriors.
  10. Qof reer Waqooyi ah ku dheh: kaalay dooro aan isla soo cuneynaa! then u'll know the diff.
  11. Waxay ila tahay Somali patriotics, waa joogane, waxay la'yihiin chance-kii, hadda waxay la mid yihiin Falcon-kii Chicken-ka is mooday ee mar dambe cirka fiiriyey ee soo xusuustay wuxuu beri ahaan jiray!, iska sug intey cirka ka fiirinayaan!
  12. Originally posted by Malika: I am with Hayam, what happened to lowering one's gaze? This is ridiculous,bisinka! Malika, waxaan waa Propaganda, don't beleive every thing u read!, haddii la yiraahdo: David Cameron prayed Tahajjud all nightlong to win the seat ,ma rumeysanee?
  13. Originally posted by Kool_Kat: Maaddeeyoow taas xataa makula saxsantahay? Buugeey ka aqriyeen in jalbaabka laga tosho dharka adag ee saraawiisha laga tosho? Xaasidsanaa, inteey u huurinaayaan masaakiinta? Walee kuwaan wax kastaa kasuurooba!!! KK, taas waa another issue, halkan waxaa looga hadlaayey, iney Naas koontroolaan !, haddey dharkaas dumarka ku qasbaanna ma dhici karto, haddii sida la yiraahdo ay yihiin sida Taliban, waan ognahay Taliban sidey gabdhaha ugu labisaan!, waa lagu eedeyn karaa: " KUWAAN NUURISKII EEY NOO QOONSADEEN " Su'aal: how do i quote onother person in the same post?
  14. Originally posted by Jimcaale: Waa ka suurtowdaa. Abadan!, sxb, Abadan!, Wax kastoo ka suurtoobaba, tani kama suurowdo! iga qor aniga!, caddeynteedana waa tan: Dumarkoo dhan waxay ku qasbaan iney qaataan Jalbaab & Goonno isku joog ah (dharka adag ee saraawiisha laga tosho)haddii sidaa la fuliyo sida laga arko meelaha ay maamulaan, haddaba macquul maaha in ay ogaadaan a firm breast from a flat one waxaas wa buun-buunin & been abuur, suurtogal in Shabaab/Shaxaari ah sidaas sameeyo, laakiin wax qowmkoo dhan wada qabaan, waa HEEYHAATA!. Mar dhow waxaa soo bixi doona naago leh, in aan rajabeeto xirto aa la ii diiday waana soo cararay!
  15. War wuxu been badanaa! duf ku baxa & doorsimaad!. Waa hore ayaan maqli jiray: "Gar-dheerayaashu,waxay yiraahdaa gabdhaha aan la guursan 'bigrada'ah salaad lagama aqbalaayo, sidaa darteed waa in ..ehem ..
  16. Xaalada Goobihii Dagaaladu ka dheceen ee G/Bakool oo degan. By Somalimirror on 16 Oct, 2009 10:23 AM in Main, Wararka Waxaa saaka Degan Xaalada Deegaanka Buur-dhuxule oo dhanka Waqooyi 30km kaga beegan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool halkaas oo Shalay galinkii Dambe Dagaal ku dhex marey Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah & Xarakada Shababul Mujaahidiin. Ugu yaraan 2 Qofood ayaa ku dhimatay 4 kalana wey ku dhaawacmeen Dagaalkii Shalay gabal dhicii ka dhacay Buurdhuxule. Dadka dhaawacmay iyo mid kamid ah labada qofood ee Geeriyootay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa la dhigay goob Caafimaad oo ku taal deegaanka dirirtu ka dhacday. Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa caadi ku soo noqotay kadib markii uu dhamaaday Dagaalku waxaana haatan gacanta ku hayo Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin. Majirto wax war ah oo ka soo baxay Dhanka Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku aadan Dagaalka ka dhacay Gobolka Bakool laakin dhanka kale Aadan saran soor oo DKMG ah kamid ah ayaa horey u Sheegay inay iyagu Dagaalka qaadeen ayna ka gaareen ujeedadii ay kalahaayeen. www.somalimirror.com
  17. Xaalada Goobihii Dagaaladu ka dheceen ee G/Bakool oo degan. By Somalimirror on 16 Oct, 2009 10:23 AM in Main, Wararka Waxaa saaka Degan Xaalada Deegaanka Buur-dhuxule oo dhanka Waqooyi 30km kaga beegan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool halkaas oo Shalay galinkii Dambe Dagaal ku dhex marey Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah & Xarakada Shababul Mujaahidiin. Ugu yaraan 2 Qofood ayaa ku dhimatay 4 kalana wey ku dhaawacmeen Dagaalkii Shalay gabal dhicii ka dhacay Buurdhuxule. Dadka dhaawacmay iyo mid kamid ah labada qofood ee Geeriyootay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa la dhigay goob Caafimaad oo ku taal deegaanka dirirtu ka dhacday. Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa caadi ku soo noqotay kadib markii uu dhamaaday Dagaalku waxaana haatan gacanta ku hayo Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin. Majirto wax war ah oo ka soo baxay Dhanka Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku aadan Dagaalka ka dhacay Gobolka Bakool laakin dhanka kale Aadan saran soor oo DKMG ah kamid ah ayaa horey u Sheegay inay iyagu Dagaalka qaadeen ayna ka gaareen ujeedadii ay kalahaayeen. www.somalimirror.com
  18. Shabaab, ama sidaa ha u dagaallameen ama dhibka ha naga daayeen Ilaahey baa Faraj noo furi doonee! surce: http://www.msnbc.msn.com/id/33340606/ns/world_news-south_and_central_asia
  19. breaking news updated 6:09 a.m. ET Oct. 16, 2009 KABUL - The U.S. military said on Friday that four American service members were killed in a bombing in southern Afghanistan. A U.S. statement said that two of the service members were killed instantly in the blast and two others suffered fatal injuries in the same explosion. Names of the victims and the precise location of the Thursday attack were not released. The latest deaths bring to 25 the number of American troops killed in Afghanistan this month.