- 
				Content Count213,415
- 
				Joined
- 
				Last visited
- 
				Days Won13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
- 
	Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay doorashada Koonfur Galbeed oo shalay xubnihii ugu badnaa ee Guddiga doorashada ay iska casileen. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ayaa u qornaa Sidan:- Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koonfur Galbeed. Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa auu ku soo aadayaa xilli xalay intoodii ugu badneyd ay is casileen Guddigii qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyaga oo sheegay in ay faragelin kala kulmeen dowladda federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
- 
	Bosaso[Puntland Post]-Shir in mudo ah u socday Beelweynta Siwaakhroon ,oo lagu dooranayay labada xubnood ee Baarlamanka Puntland u matali doonta 2019 ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Bosaso. Shirkan waxa shir gudoominayay Beeldaajaha Guud ee Beesha Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, waxana sanadkan lakala siiyay xubnaha Labada jifo ee kala ah Maxamed Siwaakhroon Iyo Nuux Siwaakhroon. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa labadan beelood ku amray in ay si dag dag ah u soo xushaan labada xildhibaan ee u matalaya Baarlamaanka Puntland 2019 . Waxana Uu Beeldaajuhu sida oo kale uu u Mahad celiyay Dhamaan Waxgradkii Hawshan Mudada Dheer Ufadhiyay Isagoona Ku Amaanay Sida Wanaagsan Ee Ay Doorkooda Umuujiyeen. The post Mid ka mid ah Beelaha Gobalka Bari oo soo xulay Xubnihii u Matali lahaa Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
- 
	Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliya Mareykan ah ayaa qarka u saaran inay maanta noqoto gabadhii 2aad ee Muslim ah oo ka mid noqota congress-ka Mareykanka iyo qofkii ugu horeeyey ee ka soo-jeeda Soomaali ah oo xilkaas loo doorto. Waa Kuma Ilhaan: Ilhaan waa hooyo, sharci-dejiye, qaxooti ah, oo deyn lagu lahaa marka ay jaamacadda ka qalin jabisay, waxaa ay Mareykanka gashay iyada oo 12 jir ah. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, 5 Sabab Oo Lagu Dooran Karo? 1. Canshuuraha: In la badalo canshuur dhaafka 2017-ka gaar ahaan dakhliga qofka, shirkadaha iyo canshuurha gobolka. 2. Deynta: Ma taageeri-doono in la taabto ceyrta bulsho, daryeelka caafimaad, waxaan boorinayaa in maalgeshi lagu ameeyo waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale. 3. Arrimaha Socdaalka: Waxaan meesha ka saari-doonaa ICE, tarxiilka, dadka oo la iska heysto, darbiga xuduuda lama dhisaayo, bad-baadinta nabad-geliyo doonka iyo in aan ka hortago in la mamnuuco hijrada. 4. Daryeel Caafimaad: Waxaan ku dadaali-doonaa in la awoodo, tayo leedahay, dadka oo dhan inay caafimaad helaan, oo ay ku jiraan caafimaadka ilkaha, indhaha iyo daryeel caafimaad oo muddo dheer ah 5. Hubka: Waxaan doonayaa in la mamnuuco hubka lagu dagaalo, waxaan kale oo maalgelin u raadin-doonaa daaweynta dhimirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
- 
	Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed. Dhammaad Puntland Post The post Wasaaradda Arimaha Gudaha “Doorashada Koonfur Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey ” appeared first on Puntland Post.
- 
	Baydhabo (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ayaa looga hadlay faragalin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso maamul goboleedyadda gaar ahaan doorashadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha ayaa soo dhaweeyay Iscasilaadii Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in ay kasoo hor yimaadeen Faragelin ay sheegeen in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku hayso Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in illaa boqol Xildhibaan ku dhow oo ka tirsan Koofur Galbeed lagu daabulay diyaarado, lana geeyay magaalada Muqdisho, si loo siiyo lacago laaluush ah sida lagu yiri qoraalka. Halkaan hoose ka akhriso: Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
- 
	Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garòowe munaasabad casho sharaf iyo sagootin ah xalay ugu sameeyey qunsulkii hore ee qunsuliyadda Itoobiya u fadhiyey Puntland Mr. Asmalash oo ay dhammaatay muddo xiliyeedkiisii shaqo. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa munaasabadda ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenkiisa Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Mr. Asmalash ku ammaanay shaqada adag ee uu kasoo qabtay Puntland iyo sida uu u xoojiyey wadashaqaynta Itoobiya iyo Puntland. ” Runtii ma dhicin in aan maalin dhibsano shaqadiisa Danjire Asmalash, marwalba wuxuu u shaqaynayey si hufan, mana ahayn nin xafiiskiisa kaliya ku eg ee si balaadhan ayuu uga shaqayn jiray wanaajinta xiriirka labada dal, waxaan jaraynayaa midka badali doona in uu noqdo mid la mid ah, aad iyo aad buu u mahadsan yahay, waana u hambalyeynaynaa meel walba oo uu tago” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa sheegay in Asmalash uu dhexgalay bulshada Puntland, waxaana uu tilmamaay inuu ahaa nin shakhsiyad wanaagsan oo markasta dhanka wanaagsan wax u xaliyo. ” Waxaan rabnaa dhammaantiin oo uu ugu horreeyo qusulku in aan idiinka mahadcelino wadashaqayntii wanaagsanayd ee aad dadka iyo dowladda Puntland-ba aad la lahay’deen, muddadii aad joogtey waxaad ka mid noqotay reer Puntland, sida aad dadka iyo dalkaba u kala garanayso, kan imaan doonana waxaan ka rajaynaynaa sidaas oo kale”. Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Mr. Asmalaash iyo hadiyado gaar ah oo ay kamid ahayd dharka hidiyo dhaqanka Soomaalida, sidoo kale Madaxweynaha ayaa iyana hadiyado gudoonsiinyey laba sarkaal oo dhammaystay shaqadoodii iyaguna. -DHAMMAAD- The post Dowladda Puntland oo saagootisay Qunsulkii Ethiopia ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
- 
	Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ku matala Koofur Galbeed ayaa ka hadlay iscasilaada ay shalay ilaa xalay ku dhawaaqeen 15 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada Koofur Galbeed. Senetar Ilyaas Cali Xasan ayaa nasiib daro ku tilmaamay iscasilaada guddiga doorashada Koofur Galbeed, isaga oo sheegay in waqti xasaasi ah ay ku dhawaaqeen iscasilaadooda xubnaha guddiga. Wuxuu sheegay in shacabka Koofur Galbeed looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadeen oo aayahooda ay ka tashadaan, sida uu hadalka u dhigay. “Waa nasiib daro Aad iyo Aad uweyn Is Casilaadi Gudoomiyaha iyo Xubnaha Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Somalia, waxaana rajeynaayaa dadka KG iney gacmaha is qabsadaan xaalada taagana loo wada istaago sidii loo xalin lahaa”ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan. Xaalad gashay mowjad kale ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana arintaan la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo culees ka dareemaya doorashada Koofur Galbeed. Xildhibaanada ugu badan ee Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaaada Muqdisho, waana sababta ka dambeysay xiisadda cusub ee siyaasadeed ee kaso korortay doorashooda Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
- 
	Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/ Hoose ayaa ku warramaya in Xalay Oday da’ ahaa lagu dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla agagaarka Baar Ismaaciil ee degmadaasi. Illaa 2 ruux oo uu mid ka mid ah ku hubeysnaa Qoray Ak47 ayaa fuliyay dilkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Kooxihii ka dambeeyay dilkan ayaa goobta isaga baxsday, waxaan dilka kadib goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Sidoo kale Warar heshay Shabelle ayaa ku warramaya in dilkan uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka tagan qeybo ka mid ah Sh/ Hoose. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Afgooye ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro intaba. The post Kooxo hubeysan Oo xalay Oday da’ ahaa ku dilay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Senotor Nadiir ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay is casilaadii ay ku dhawaaqeen xubno ka mid ah guddiga qaban qaabada doorashada maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in aan la aqbali karin in caqabad lagu noqdo doorashada la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Koonfur Galbeed Soomaliya. Sidoo kale Senator Axmed Nadiir ayaa ugu baaqay Madaxda DFS in ay soo faragaliyan arrimaha K/ Galbeed, maadaama ay mas’uul ay ka yihiin guud ahaan dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/ND.mp3 The post Senotor Nadiir Oo DFS ka dalbaday in ay aysan gacmaha ka laaban arrimaha K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	(SLT-Riyadh)-Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jir dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej. Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xiray isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xiray kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada. Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaalo Dubai. Wariyahaan ayaa waxaa la xiray Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa. Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli ay weli Sacudiiga dhexda kaga jirto fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal. Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada. Source
- 
	(SLT-Muqdisho)-Gabadh Ardayad aheyd ayaa xalay lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkeeda uu warar kala duwan ka soo baxayo. Sida wararku sheegayaan askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa rasaas ku furay mooto bajaaj ay saarneyd gabadha agagaarka Xaafada Ceel Qalaw ee degmada Wadajir. Gabadha ayaa lagu magacaabayay Safiyo C/raxmaan, waxay macalimad ka aheyd Dugsiga Raage Ugaas, waxaa ay ka qalinjebisay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dilkan walaac ka muujiyay, waxaana dad badan ay soo dhigeen sawirkeeda baraha bulshada, iyagoo dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigii falka dilka geystay. Source
- 
	(SLT-Washington)-Xisbiga mucaaradka ee dimuqraadiga ah ayaa rajaynaya inuu dib ula wereego maamulka aqalka wakiilada, halka xisbiga Republican-kana uu doonayo in ay sii xajistaan maamulidda aqalka Senate-ka. Waxaa la rajayanayaa in ay dadka aad isugu soo baxaya doorashada berito ah oo qiyaas ahaan gaaraya in kabadan 34 milyan oo qof. Taageerayaasha madaxweyne Donald Trump iyo kuwa Barack Obama ayaa maalintii Axadda ah isu soo bax ballaaran sameeyay. “Talaadada ayaad codbixinta u dareereeysaan oo aad codkiina dhiibanaysaan,” ayuu Mr Trump u sheegay taageerayashiia. Maalmihii ugu dambeeyay Mr Trump ayaa aad uga hadlayay arrimaha socdaalka dalkaasi. Source
- 
	24-kii saac ee tagay waxaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed isbadallo ku tusinaya inay qasantahay xaaladda maamulkaasi, howluhuna aaney u socon sidii loogu talo-galay, taasi oo laga yaabo inay dib dhigto doorashada madaxtinnimada oo qorshuhu ahaa in la qabto 17-ka bishan. Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda xusuusineysaa sida ay wax ku bilowdeen iyo halka ay xaaladdu mareyso. Xiriirka Dowladda iyo Isbadal-doonka: Shakiga ah inuu xiriir jiro waxuu soo shaac baxay markii kooxda tartanka kula jirta Shariif Xasan ay noqdeen qaarkood saraakiisha dowladda sida taliyihii NISA Mudane Xuseen Cusmaan Xuseen, Wasiirkii Tamarta iyo Biyaha C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo mas’uuliyiin kale. Marka laga soo tago ilaalada ay raggaasi heystaan, waxaa jirto in qaarkood si cad u sheegaan inay wadato dowladda federaalka ah, iyaga oo cadaadis ku saarey odoyaasha dhaqanka inay isbadal ka shaqeeyaan!! U Yeeridda Xildhibaannada K.Galbeed: Sida ay Goobjoog News u sheegtay Aamino Mursal oo ah murashaxadda keliya ee haween ah oo ku jirta tartanka madaxtinnimada koonfur galbeed, guddoomiyaha golaha shacabka JFS Maxamed Mursal ayaa wuxuu Muqdisho ugu yeeray xildhibaannada koonfur galbeed, shirar wadatashi lagu sheegay ayuu la galay, isaga oo tusiyey daryeel dowladeed waa sida ay hadalka u dhigataye. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa la sheegayaa inuu wax badan ka qabtay xaaladdooda nololeed, mid caafimaad, kulana taliyey inay isbadal ka sameeyeen doorashada ka dhaceysa Baydhabo 17-ka bishan!! Cadaadinta Shariif Xasan: ilo ka tirsan madaxtooyada dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay jiraan cadaadis la saaray madaxweyne Shariif Xasan, isagana uu ku fakiray xataa inuu ka tanaasulo tartanka madaxtinnimada koonfur galbeed ee 17-ka bishan! Qaar ka tirsan murashaxiinta Isbadal-doonka ayaa dhankooda Goobjoog News u sheegay in cadaadiska uu ka yimid odoyaasha dhaqanka, oo aaney dowladda federaalka ah iyo cid kale shaqo ku laheyn! Iscasilaadda Guddiga Doorashada: Xilli dad badan ay sugayeen tanaasulka Shariif Xasan ayaa mar qura la arkey iscasilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada koonfur galbeed Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, guddoomiye ku-xigeenka, afhayeenka guddiga iyo xubno kale, Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo waxaa ay sheegeen in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan. Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed. Cambaareynta Golaha Iskaashiga: Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa dhankooda waxaa ay xalay soo saareen war-murtiyeed lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin qaawan ku heyso doorashada koonfur galbeed, cambaareeyana siyaasadda dowladda dhexe ee kala qeybinta shacabka, baarlamaanka iyo xukuumadda koonfur galbeed, iyaga oo ka digay in wax kasta oo ka soo baxa doorashadaas, oo aan loo marin hannaanka saxda ah aaney aqoonsan-doonin dadka reer koonfur galbeed. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada waxaa ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen inay wadaan qorshe lagu burburinayo hannaanka federalism-ka dalka, , soona celinayaan kaligii talisnimo, iyaga oo ku baaqay in laga hortago in dalka mar kale ku laabto dagaallo sokeeye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
- 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu warramayaa in xalay rasaas xoogan ay ku fureen dad shacab ahaa oo ku sugnaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Dadkan oo ka soo baxay Masjid ku yaalla deegaankaasi ayaa la rasaaseeyay, kadib markii la sheegay in Ciidamadu ay ka shakiyeen dadkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadu xilligaasi ay wadeen howlgal ballaaran oo lagu boodi goobayo Rag la sheegay in Xalay Askari ay ku idleen halkaasi. Illaa 5 Qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay falkan, sida uu xaqiijiyay Dr Amiin Sama Kaab oo ka mid ah howlwadeenada Isbitaalka Bayaan oo la geeyay dadkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-cabdiqani-ceelasha-.mp3 The post Dad Rayid ahaa Oo xalay lagu Rasaaseeyay Ceelasha Biyaha appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM lagula eegtay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Isgoysyada Ex Koontarool Balcad iyo Soos ee degmadaasi. Sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah qaraxA ayaa haleelay mid ka mid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamadaasi, wallow aan la ogeyn karin khasaaraha ka soo gaaray Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay dhinacyada u fureen rasaas ay ku dhinteen illaa 4 Qof,kuna dhaawacmay mid kale. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho Shabelle ayaa ka warbixiyay qaraxaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-dagane-dagaal-.mp3 The post Kolonyo ka tirsan AMISOM Oo qarax lagula eegtay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa ka digay faragalin ay sheegeen in lagu hayo doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. War-Murtiyeed ka soo baxay golaha ayaa waxaa lagu Cambaareeyay faragalintaasi oo ay ku eedeeyeen dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen Is casiladdii xalay ay ku dhawaaqeen xubnihii guddiga doorashada maamulkaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post GIDG Oo ka digay faragalinta doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Ciidamada AMISOM ayaa dad shacab ah waxa ay ku dileen nawaaxiga isgoyska Ex-control Balcad ee magaalada Muqdisho, kadib qarax lala eegtay gaari ay la socdeen askartan. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidankaan ayaa markii qaraxa lala eegtay waxa ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo meel ku shaahayey. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Saddex qof, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidanka AMISOM ay gaadiidka gurmadka ah u diideen daqiiqado badan iney qaadaan shacabkii ay rasaasta ku dhaawaceen. Xaaladda halkii ay wax ka dhaceen hadda waa ay deggan tahay, ciidankii AMISOM goobta waa ay isaga tageen, inkastoo halkaasi ay gaareen ciidanka dowladda federaalka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
- 
	Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-061118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in bishan aynu ku guda jirno ee November ay wax badan ka bedali doonaa xaaladda amni ee deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo. Jeneraal Mahdi C/salaan oo ah la-taiyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in shirkii amniga Jubbaland ee ka dhacay Kismaayo la isku raacay in la dar-dargeliyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab. Waxa uu sheegay in la doonayo markaan in la kordhiyo meelaha lagula dagaallamayo Al-shabaab, islamarkaana laga wada shiray dib u dhacii howlgalladooda ku yimid bishii October. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/LATALIYAHA-AMNIGA-JUBBLLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
- 
	Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM dad rayid ah ku laayeen xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay agagaarka SOS, sida dadka goobjoogayaasha ay sheegeen, waxaana kadib ciidamada AMISOM oo lugeynaya dileen dad rayid ah oo iska qaxweynayay. Afar ruux ayay siyaabooyin kala duwan saaka ciidamada AMISOM ugu dileen SOS ilaa Ex Control Balcad, waxaana dadka la dilay ku jiray ruux Dameer watay oo ku cararay Meel Garaash aheyd. Seddexda kale ayaa ku sugnaa maqaayad ku taala Ex Control Balcad, halkaasi oo la sheegay inay isaga qaxweynayeen, lamana oga sababta ciidamada ay dadka rayidka ah u dileen. AMISOM ayaa marka qarax lagula eegto ilaa Suuqa Xoolaha waxay furaan rasaas badan oo afarta dhinac ah, waxaana rasaastii saaka ku dhaawac dad xaafadahooda ku sugnaa. Waxaa haatan banaanbax xoogan uu ka socdaa halka saaka rayidka lagu dilay, waxaana dadka ay kasoo horjeedaan tacadiyada ciidamada AMISOM ka geystaan Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
- 
	Wararka naga soo gaaraya Ex-control Balcad, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka AMISOM. Goob jooge ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay ka dhalatay khasaare kala duwan. Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna la sheegay in ay fureen rasaas xooggan oo waxyeello soo gaarsiisay dad shacab ah oo goobta ka dhowaa. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan inta uu la egyahay, iyadoo xaaladdu tahay mid aad u adag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
- 
	Wararka ka imaanaya degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafadda Soos ee Ez Control Balcad ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM. Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha gaaray ciidamadaasi. Dhinaca kale ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhintay ilaa 3 kalena waa ku dhaawacantay rasaas ay fureen ciidamadii qaraxa lala eegtay ee AMISOM,sida laga soo xigtay goobjoogayaal ah. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay rasaasta AMISOM ayaa la sheegay in dhammaantood ay shacab ahaayeen,kuwaasoo xilliga rasaasta lala dhacay fadhiyay maqaaxi halkaasi ka agdhoweyd. Jawiga xaafada ayaa haatan qasan waxaana ka socda muddaharaad looga horjeedo dhibaatada ay shacabka u geysatay AMISOM,sida ay sheegayan dadka degaanka. PUNTLAND POST The post AMISOM oo dad shacab ku laayay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
- 
	Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wareegto shaqada kaga eryey wasiiru dowlihii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee maamulkaasi. Waxa uu sheegay Shariif Xasan in sababta ugu weyn ee shaqada looga eryey Abba Awow Suufi ay tahay kadib markii uu Aflagaado sameeyey, uuna ku xadgudbay nidaamkii u yaallay wasiirada. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com

 
			