Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Director of Public Prosecutions (DPP) Noordin Haji has publicly admitted to receiving ‘countless’ death threats since taking up office in April. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen kasta marka ay saacadda tahay 3:00 AM, waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka kaca diyaarado ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas shaaca ka qaaday siyaasiga Faarax Macallin oo aad ugu dhow dowladda Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay twitter-kiisa ayuu Faarax Macallin ku sheegay in diyaaradahan oo ay leeyihiin milatariga Mareykanka islamarkaana ah kuwa xamuulka ay isaga gudbaan garoonka Aadan Cadde iyo kan Balidoogle, kadibna ay usii duulaan goob aan la aqoon. Waxaa sidoo kale jira, ayuu yiri, konteenaro la eg 40ft oo wax aan la aqoon looga qaado Buur-Hakaba iyo Baraawe. “Habeenk kasta, abaare 3:00 oo gow ah, diyaaradaha xamuulka milatariga Mareykanka ayaa isaga goosha garoonak Muqdisho iyo Balidoogle, xilli mugdi ah, sir bandanna la qariyo, ayaga oo aada meel aan la aqoon. Sidoo kale konteenaro 40ft ah ayaa laga qaadaa Buur-Hakaba iyo Baraawe. Ma waxay xadaan macdanta?” ayuu Faarax ku yiri qoraalkiisa. Isla qoraal kaas xigay oo uu raaciyey ayuu Faarax Macallin uga codsaday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay soo celinayaan madaxbanaaninda iyo qarannimada Soomaaliya, oo ay la socdaan waxa ka dhacaya gudaha dalkooda. Waxa uu ka codsaday inay Mareykanka ka dalbadaan inay shaaca ka qaadaan dhammaan waxyaabaha ay ka samaynayaan gudaha Soomaaliya. “Dalkiina dib usoo ceshta” ayuu Faarax Macallin ku yiri Farmaajo iyo Kheyre. Every night at around 3 o’clock in the morning heavy American military transport planes shuttle between Mogadishu Int. Airport & Balidogle airport under cover of darkness &secrecy to unknown destinations. 40ft containers are also moved from Buur Hakaba& Barawa. Stealing minerals! — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 27, 2018 Farmaajo/Kheyre took oaths to restore the sovereignty of Somalia, and restore they must do. The President /Prime Minister must know what is happening in their own country. Read Americans the riots act by demanding full disclosure of what they have been doing. Reclaim yr nation. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 27, 2018
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay hadal jawaab u ah khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey magaalada Muqdisho khamiistii, ee uu siyaasiyiinta mucaaradka ugu magac daray “Siyaasiga xanaaqsan” Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Maadada “Siyaasiga Faraxsan & kan Xanaaqsan “ oo caruurta iskuulada Xamar dhigata lagu soo kordhiyey manhajkooda! Buug uu qoray Mudane Maxamed C/hi Farmaajo. “Goob walba kalimadeeda ayey leedahay لكل مقام له مقال! Goob tacsi taallo loogama waramo damaashaad, goob dib u heshiisiin lagu hayana laguma xuso dagaal hadaladiis, akhyaar waaweyn sheekada caruurta looma sheego, ilmo yaryarna sheeko odoyeed ma xamili karaan.. iwm. ilmo yaryar oo iskuullay ah, guryahoodii salaaddii subax ka dib laga soo kaxeeyey, ayagoo dharkii iskuulka ku labisan oo aan quraac soo cunin hool lagu soo xareeyey, wax ka badan 5 saacadood iska fadhiyey halkaas, duruusta Iskuulka loogu dhigi jirayna ay ka mid aheyd is-ixtiraamka iyo tarbiyadda wanaagsan, in madaxweynihii dhibkaas oo dhan loo soo marsiiyey in ay wax un ka kororsadaan ay noqotay ayagoo goobtaas kala gaddoomay “darsi nacayb & karaahiyo muujinaya” iyo gocasho hadallo ku taagnaa madaxweynaha, inkastoo Soomaalidu ay ku maahmaahdo “Matag meel Aad rabto kuguma simo”, madaxweynuhu uma muuqan cidda u uu khudbaynayo, ee waxaa u muuqday cid kale oo tabasho uu ka qabay markaas. Ardayda yaryar ee horfadhiday madaxweynaha, waxey xaq u lahaayeen in waxbarashada ay lacagta ku dhigtaan madaxweunuhu u ballanqaado in iskooladii dawladda dib loo furayo Lacag la’aanna looga dhigi doono, jaamacadihii dalka dib loo hawlgalinayo” marka ay jaamacadaha ka soo baxaana shaqooyin la siin doono, sidoo kale waalidka ku dhibban Waxbarashada iyo caafimaadka caruurtaas waxey filayeen in culeyska ka heysta Waxbarashada iyo caafimaadka ilmahooda oo ay xaq ugu leeyihiin in dawladdu daboosho, ballanqaad ay ka maqlaan madaxweynaha, laakin uma aysan fadhin in hadallo cuqdad iyo caro ka muuqato ilamahooda lagula dul dhaco. Si kastaba, Mudane Madaxweyne, Armuu xaalka dalku ka durugsan yahay farxad & Xanaaq caruur yaryar hortooda laooga sheekeeyo! Mas’uuliyadda kaa saaran dal qeyb ka mid ah alshabaab heysto, maamuladii goboladu ay hogaankaada iyo siyaasadaaba calaamad su’aal saareen, magaalada Muqdishana xaalkeeda laga warqabo, intaas mas’uul ay heysato ma farxi karee, see wax yihiin? ogowna dalku inuusan doorasho ku jirin, oo aan la indha-sarcaadin karin dadka, dhabta in loo soo jeesto, oo arrimaha dawlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta hogaanakaada dhallilshan ay sheegayaan jawaab aan ahayn “Farxad iyo Xanaaq” ka bixi.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ku dhaleeceeyey siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Madaxweynaha ayaa shalay magaca cusub u bixiyey Siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ee mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, isagoo ku tilmaamay inay yihiin (Siyaasiyiin Xanaaqsan). “Siyaasiga xanaaqsan waa kan dhaha ha nala dhexgalo, waa kan hanjebiya shacabka, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay masoo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar malah, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan” ayuu yiri Madaxweynaha. Si kastaba, qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in hadalladaas aysan ahayn kuwa ku haboon madaxweyne doonaya inuu dadkiisa isku soo dhooweeyo. Hoos ka aqriso qoraalkiisa. “Khudbada iyo hadal jeedinta hogaamiye dal colaad ka soo baxaya oo baahi wayn u qaba in dadkiisa la isku dumo dawladiisana dib loo dhiso, waa kartida uu u leeyahay in uu shacabkiisa la wadaago sida uga haboon ee caqabadaha ku horgudban looga gudbi karo, halista ku xeeran looga baxsan karo, fursadaha horyaalana looga faa’iidaysan karo. Waxaa kaloo laga doonayo in uu leeyahay awood iyo fasaaxad hadal jeedin oo uu dadkiisa ku qancin karo, ku soo jiidan karo, kuna dhiiragelin karo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ayaa la sheegay in bilihii lasoo dhaafay dadaal weyn ugu jiray inuu xarun ama Saldhig Militari kasiiyo Dowlada Ruushka degmada xeebta saaran ee Saylac. Xogtan ayaa soo baxeysa xili ay kulamo u socdaan Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Ruushka oo kulamo gooni ah ku yeeshay magaalada New York ee uu ka socdo shirweynaha 73aad ee Qaramada Midoobay. Qorshahan oo uu si weyn u daneenayey Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday fashil kadib markii ay dowlada Ruushka ka gaabsatay inay qaabisho wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo damcay inay booqdaan magaalada Moscow ee caasimada Ruushka. Degmada Saylac oo ah deegaan xeebeed taariikhi ah ayaa aad ugu dhaw dalka Jabuuti oo ay hada saldhigyo ku leeyihiin militariga dalal kala duwan oo ay ku jiraan Maraykanka, Faransiiska iyo China. Maamulka sida weyn u doonaya aqoonsiga ayaa rajeenayey in dowlada Ruushka ay ka caawiso dhinaca aqoonsiga inay yihiin dal madax banaan, taasina ugu bedasho Ruushka dhul balaaran oo ay kasiin lahayd degmada Saylac. Siyaasiyiinta Somaliland ayaa istusay in Ruushka taageeradii uu siiyey hogaamiyaha Siiriya Bashar Al Assad mid lamid ah siin doono Somaliland hadii uu aqoonsado, walow dadaalkaasi ka socday Hargeysa la sheegayo inaan lagu guuleysan. Somaliland ayaa horey heshiis saldhig militari u saxiixday Dowlada Imaaraadka Carabta oo ay ku wareejisay dhul balaaran oo ku yaal degmada Berbera, walow heshiiskaasi la saxiixay hase yeeshee dhismaha saldhigaasi ayaa la sheegay inay dib u dhacyo ku yimaadeen. Kulankii Federaalka iyo Ruushka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergey Lavrov iyo Wasiirka Soomaaliya Axmed Cawad oo hada ku sugan shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen uga wadahadlay xiriirka labada dal. Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay dooneyso inay xoojiso xiriirka iskaashi iyo ganacsiga ay la leeyihiin Wadanka Soomaaliya. Ruushka ayaa kamid ahaa wadamadii qeybta weyn ka qaatay dhismaha militariga Soomaaliya laga soo bilaabo xiligii dowladihii Rayidka iyo militariga ee Soomaaliya, isla markaana dhisay madaarka weyn ee magaalada Berbera oo ay hada maamulka Somaliland ku wareejisay Imaaraadka Carabta. Moscow ayaan soo hadal qaadin baaqyada iyo codsiyada uga imaanayey Maamulka Somaliland balse sheegtay inay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Maxamed Cismaan, HM
  6. Premier League leaders Liverpool face unbeaten Chelsea for the second time this week in an early-season clash between two title contenders at Stamford Bridge. Source: Hiiraan Online
  7. Khartoum (Caasimada Online) – Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa lunsaday Lacag kor u dhaafeysa 12000$ “Labbo iyo Toban kun oo Doolar” ka dib markii ay is daba mariyeen habkii lacagaha ay ku bixin Jireen Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee u baahan Baasaboorka, taa oo aheyd in Account lagu shubo Lacagta lagu dalbado Baasaboorka. Xafiiska ayaa Ardayda faray in shaqsi walba uu kaash ahaan u bixiyo Lacag dhan 160$ “Boqol iyo Lixdan Doolar” si loogu dalbo Cusbooneysiinta Baasaboorkiisa. Arintan ayaa dhacday intii ay Safaaradda Joogeen Diblumaasiyiintii hore ee ay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ku amartay in ay dib ugu soo laabtaan dalka ka dib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo wax is daba marin. Cabdullaahi oo ah Madaxii hore ee Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Safaaradda ayaa ku dooday in sii haayihii hore ee Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule uu ku amray in Lacagta uu Kaash ahaan uga qaado Muwaaddiniinta, ka dibna uu isagga ku wareejiyo, balse hadalkaa ayaa u eg mid iska dheh ah Maadaama Xafiiska Jinsiyadaha uu si toos ah u hoos tagi jiray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya. Sii haayaha Cusub ee Safaaradda ayaa markii hore tilmaamay in aanu shaqo ku lahayn wixii isagga ka horeeyay, balse Ardaydii la dulmay oo uu hadalkaa u cuntami waayay ayaa u sheegay Mudane Cismaan in Lacagta ay ku bixiyeen Magac Dowladeed, ayna tahay in uu xaqoodii uga doono Dowladda si ay Baasabooradooda u helaan, isagga oo ugu danbeyn balan qaaday in uu Dacwadda ardayda u gudbin doono Xafiisyada ay quseyso ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. In ka badan Toddobaatan Arday ayaa is diiwaan galiyay ka dib markii uu sheegay Sii haayaha Cusub ee Safaaradda Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed in loo baahanyahay tirada Ardayda ee lacgata laga dhacay, iyadoo Warbixinta ay Wakaaladda AANA heshay ay sheegaysa in tirada Ardayda la dhacay ay intaa ka badan tahay maadaama ay jiraan dhalinyaro wax ka barata Gobolada kala duwan ee Suudaan kuwaa oo aannan hadda wali soo gaarin Khartuum si ay liiska dulmanayaasha uga mid noqdaan. Baasaboorada Shan bilood ka hor halka Muwaadinka ugu muddada yar uu Baasaboorka ka maqanyahay Bil iyo wax la jira. Qaar ka mid ah Ardayda la dhacay oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in aanay wali u jeedin Yididiilo muujinaysa in ay xaqooda heli doonnaan ayna ku qasbanyihiin sida muuqata in ay Lacag cusub bixiyaan si Baasaboorada dib loogu dalbo. Mid ka mid ah Ardayda Dulman oo aan mar sii horeysay la xariirnay ayaa yiri sida tan “Tiradeenu aad ayey u badantahay, waxaa nagu jira arday Jaamacadihii dhamaystay oo Master u aadi lahaa Waddamo kale, qaar daganaashihii ka dhacay oo Maalinkii u dhashaba Ganaax lacageed ku socoto inta ay daganaasho ka saaranayaan, Qaar baa Caafimaad u aadi lahaa dallal kale. Waad dareemi kartaa nin Qurbo jooga oo Baasaboorkii ka dhacay. Run ahaantii Ardaydu waxay dareemayaan dulmi loogu gaystay Magaca Dowladdooda, waxay lacagta ku baxsheen Xafiis Dowladeed iyagoo u dhiibay shaqaale Dowladeed. Waxaa Nasiib darro ah in la iska indho tiro Cabashadeenna, jawaab cadna aannan nala siin ilaa iyo hadda. Waxaa Nasiib darro kale ah in Ninkii xoolaheenna qaatay uu wali Khartuum ku damaashaadayo isagoo baal maray amarkii ahaa in Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee Suudaan jooga ay labbo Asbuuc ku soo xaroodaan. Waxa aan Dowladda Soomaaliya uga fadhinaa in ay la xisaabtanto Tuugadii ina dhacday, inagguna xaqeena inoo soo celiso”. Inkastoo Safaaraddu ay faafisay Warqad ay ku sheegayso in arinta foosha xun ee lagula kacay ardayda ay gudbisay, isla markaana ay Jawaab ka sugeyso Hay’addaha ay quseyso ee Dowladda ayaa haddana waxa ay Ardaydu shaki galinayaan Xaqiiqda warka Safaaradda maadaama in ku dhow laba Asbuuc aanay wax Jawaab ah ka imaan dhanka Dowladda Soomaaliya.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in weerar dhowr jiho ah ay ku qaadi doonaan maamulka Somaliland oo ciidamo ay ka joogan qeybo kamid ah Gobolka Sool. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha gobalka Sool ee Puntland Cabdiraxmaan Abukar Geelle oo sheegay in ciidamada Somaliland ay wadaan sal balaarsi iyo xadgudub xuduud. Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in dhawaan ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobalka Sool. Waxa uu Gudoomiyaha Gobolka sheegay in shacabka Gobolka laga doonaayo inay ka qeybqaatan dagaalka, isla markaana hagaan ciidamada maamulka. Waxa uu shacabka gobolka Sool ka dalbaday in aysan niyad jabin oo ay ka qeyb qaataan dagaalka ciidamada Puntland ay ku qaadi doonaan Ciidamada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, dagaalka ay ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland kaga sugan Gobolka ayuu sheegay inuu noqon doono mid ay qaadan maalmaha nagu soo aadan. Haddalka Guddoomiyaha ayaa imanaya xili ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobalka Sool. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dagaal afka ah u dhexeeyo Iran iyo Israel ayaa waxaa QM la hordhigay sawirada dhul baaxad weyn oo Iran u ah Keydka Hubka Nukliyeerka. Ra’isul wasaaraha Isarela Benjamin Netanyahu oo qeyb ka ah madaxda lagu casuumay shirka golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa madaxda adduunka tusay halka lagu keydiyo Hubka Nukliyeerka ee Iran. Waxa uu Netanyahu sheegay in Iran ay leedahay xarumo qarsoodi ah oo lagu keydiyo Hubka Nukliyeerka iyo Kiimikada halista ah wuxuuna ugu baaqay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay goobtaasi booqdan. Sawirada uu shirka kusoo bandhigay ayaa waxaa lagu soo koobay dhamaan xarumaha Keydka u ah Iran, isagoo halkaa kaga dhawaaqay in Iran ay halis ku tahay adduunka. Sawiradan oo Netanyahu uu ku sheegay xog sir ah ayaan ahayn markii ugu horeysay oo uu hogaamiyaha Israel kusoo bandhigo warbixino uu sheegay inay sirdoonkiisa ka heleen Tehran, bishii May ee sanadkan ayuu sidan oo kale magaalada Tel Aviv ugu soo bandhigay xogo ka dhan ahaa Iran. Netanyahu, waxa uu sheegay in halista Iran ay saameyn weyn ku yeelankarto adduunka oo idil, waxa uuna QM si degdeg ah uga dalbaday in baaritaan lagu sameeyo xarumaha keydka hubka. Netanyahu, waxa uu tilmaamay in Iran ay adduunka ka dhaadhicisay inay hakisay isticmaalka Hubka culus, hase yeeshee ay si xooli ah u sameeyan Hubka u kala goosha qaaradaha fog. Xogta uu soo bandhigay Netanyahu kadib ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhawaaqay inuu burburiyey heshiiskii Iran ee la saxiixay 2015. Trump ayaa burburinta heshiiskaasi u adeegsaday xogtuu soo bandhigay Netanyahu. Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka Trump, Israel iyo Sacuudiga ayaa bilihii ugu danbeeyay ku jiray olole xoogleh oo lagu burburinayo heshiiskii beesha caalamka iyo Iran wada saxiixdeen 2015, taa oo ugu danbeyntii uu Trump ku dhawaaqay burburinteeda. Sidoo kale, Seddexda dhinac ee Mareykanka, Israel iyo Iran ayaa hada mar kale dib u bilaabay olole horleh oo u muuqdo inuu salka ku hayo abaabul dagaal oo ay xulafadaasi doonayaan in lagu qaado Tehran, arrintaasi oo uu ka digay Madaxweynah Iran Xasan Rouhani oo isaguna khudbad kasoo jeediyey Shirweynaha UN-ka. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka iyo Israel ayaa u mindiyo sifeysanaaya Iran, waxaana aad loo saadalinayaa in awood Militeri loo adeegsado burburinta xarumaha keydka Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Maxamud Maxamed Culusoow oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha ah oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo deeqaha dhaqaale oo caalamku uu ku baritaaro dalka. Diktoorka oo aan su’aalnay waxa ka jira in lacagtani 80 Million ee dollar in ay tahay mid cusub oo hadda Soomaaliya la siinayo ayaa sheegay in barnaamij billoowday 2013-kii uu yahay qorshahaasi. Guddoomiyihii hore ee Bank dhexe ee dalka Soomaaliya DR Culusoow ayaa daboolka ka qaaday in deeq bixiyeyaasha caalamka ay ka caga jiidayaan kaalmeynta xukuumadda federaalka waa dhinaca dhaqaalaha. Waxaa uu soo hadal qaaday in Miisaaniyaddii dowladda uga imaan jirtay beesha caalamka ay hoos u dhacday arrintaasina ay saameyn dhaqaale xumo keeni karto. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay leedahay saameynteeda oo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo waxyaabo kale oo lagu dabbari jiray dhaqaalaha adduunka laga helo ay istaagi karaan. “Runtii waxay ku yeelanaysaa haddaad fiiriso miisaaniyadda 2018-ka 274 Million oo dollar ayay ahayd, dowladda federaalka lacagta canshuurta oo inta badan dekadda ka soo galaysa waa 156 Million oo dollar 118 million waxay ahayd lacag ka imaanaysa dibadda, marka Lacagtaasi dibadaha ka imaanaysa waxaa kamid ah 80-ka Million ah 100-ka million ayaa kamid ah, waxaana lagu bixiyaa inta badan shaqaalaha dowladda ama dowlad goboleedyada ama waxyaabaha kale ee qarashka tababarrada iyo gaadiidka, waxyaabaha dhacay waxaa kamid ahaa waxaa ku jiri jiray ciidamada xataa mushaarka la siiyo booliiska iyo Millateriga oo waayadii dambe Millateriga waa laga gooyay, haddii lacagtii la waayo meelahaas oo dhan mushaarkiina la bixin waayo saameyn waa imaanaysa” ayuu yiri DR Maxamuud Maxamed. Waxaa sidoo kale wareysigayaga wax kaga weydiinay qaabka ay ku sahlanaan karayso in dib loo yegleelo hannaankii maaliyadeed iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka. Dr. Culusow, ayaa soo qabtay jagooyin kale duwan sida Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhammeystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-DR-CULUSOOW-28-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo maalinkii Khamiista ahaa ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ku qaaday siyaasiyiinta uu mucaaradada kala kulmo iyo maamul goboleedyada ku kacsan dowladdiisa ee xiriirka u jaray, isagoo ugu yeeray kalmadda ah “Siyaasiga Xanaaqsan”. Madaxweyne Farmaajo ayaa sida la xasuusto weerarro afka ah ku qaaday dadka dhaliila maamulka Villa Somalia, waxaana la xasuusta sidaas oo kale in madaxweynuhu uu siyaasiyiin u dhaleeceeyay 10-11-2017 xilli habeenimo ah. Haddaba, iyadoo ay arrintaas jirto ayaa dadka siyaasadda odrosa uga hadlayaan siyaabo kale duwan. Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim) oo la hadlay Goobjoog News islamarkaana ay wax ka weydiisay hadalkani ayaa sheegay in kalmadda uu madaxweynaha ugu yeeray siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee ah “Siyaasiga Xanaaqsan” ay wanaagsanaan lahayd in halkii uu Arday iyo Maato kala hadli lahaa uu ka jeediyo fadhiga baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu qabaa danjiraha in marka la eego halbeegga khudbaddii madaxweyne Maxamed Farmaajo ee hadalkaasi uu ku soo hadal qaaday ay ka muuqatay caro oo isagu laftiisu uusan xanaaq ka marnayn. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/FALANQEYN-YAA-AH-SIYAASIGA-XANAAQSAN-28-09-2018-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadlay nabadgalyada magaalada Jowhar. Iyadoo kal hore ay soo baxayeen warar sheegaya in magaalada Jowhar ammaan la isku halleyn karo uusan ka jirin ayaa waxay sheegeen in arrintaasi aynaan waxba ka jirin. Xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow ayaa sheegay in ammaanka magaalada Jowhar uu wanaagsan yahay wax dhibaato ahna aynaan ka jirin. Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aan la isku darin, amniga magaalada iyo xaaladda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar waa laba arrin oo aan shaqo isku lahayn ayuu yiri. Dhanka kale, xildhibaan Axmed Cumar Gaaboow oo isna gollaha wakiillada Hirshabeelle ka tirsan ayaa sheegay in wax amni xumo ah oo Jowhar ka jirto aynaan jirin. Wuxuu tilmaamay in xaaladda magaalada Jowhar oo caasimad u ah Hirshabeelle ay wanaagsan tahay. Halkani Ka Dhageyso Xildhibaan Coloow: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-COLOOW-28-09-2018.mp3 Halkan Ka Dhageyso Xildhibaan Gaaboow: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-LIBI-28-09-2018.mp3 Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan warbixinadeenii hore ku sheegnay Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay mucaaradka dawladdiisa ka soo horjeeda ee uu ku tilmaamay Siyaasiyiin xanaaqsan. Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay munaasabad ku saabsaneyd dib u habaynta waxbarashada dadweynaha, waxaana siyaabo kala duwan uga carooday qeybo kamid ah mucaaradka. Nuqul kamid ahaa haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa “Soddonkii sano waxaa batay siyaasiyiin xanaaqsan. Siyaasiyiinta xanaaqsan dhaqankii ayey halleeyeen, waxay xalaaleeyeen beentii iyo in aan la shaqaysan. wax badan oo diinta islaamka ay diidayso ayey xalaaleeyeen”. Waxa uu intaa raaciyay isla markaana kuwa xanaaqsan uu ku sifeeyay kuwo aan mustaqbalka Soomaaliya dan ka lahayn oo ka hadla wax waliba oo xun isla markaana dadka qalbi jabinaya, isagoo ka digay in lagu feelo dadka ceynkaasi ah. Xildhibaanada mucaaradka ee kasoo jawaab bixiyay isla markaana ka gubtay hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Daljir, xubinna ka ah baarlamaanka Soomaaliya. Qoraal uu Axmed Fiqi kusoo daabacay Boggiisa Facebook ayuu uga jawaab celshay haddalka Madaxweynaha waxa uuna qoraalkiisa ahaa mid u qoran sida tan:- HOOS KA AKHRISO QORAALKA AXMED FIQI OO DHAMEYSTIRAN Maadada “Siyaasiga Faraxsan & kan Xanaaqsan “ oo caruurta iskuulada Xamar dhigata lagu soo kordhiyey manhajkooda! Buug uu qoray Mudane Maxamed C/hi Farmaajo. “Goob walba kalimadeeda ayey leedahay لكل مقام له مقال! Goob tacsi taallo loogama waramo damaashaad, goob dib u heshiisiin lagu hayana laguma xuso dagaal hadaladiis, akhyaar waaweyn sheekada caruurta looma sheego, ilmo yaryarna sheeko odoyeed ma xamili karaan.. iwm. ilmo yaryar oo iskuullay ah, guryahoodii salaaddii subax ka dib laga soo kaxeeyey, ayagoo dharkii iskuulka ku labisan oo aan quraac soo cunin hool lagu soo xareeyey, wax ka badan 5 saacadood iska fadhiyey halkaas, duruusta Iskuulka loogu dhigi jirayna ay ka mid aheyd is-ixtiraamka iyo tarbiyadda wanaagsan, in madaxweynihii dhibkaas oo dhan loo soo marsiiyey in ay wax un ka kororsadaan ay noqotay ayagoo goobtaas kala gaddoomay “darsi nacayb & karaahiyo muujinaya” iyo gocasho hadallo ku taagnaa madaxweynaha, inkastoo Soomaalidu ay ku maahmaahdo “Matag meel Aad rabto kuguma simo”, madaxweynuhu uma muuqan cidda u uu khudbaynayo, ee waxaa u muuqday cid kale oo tabasho uu ka qabay markaas. Ardayda yaryar ee horfadhiday madaxweynaha, waxey xaq u lahaayeen in waxbarashada ay lacagta ku dhigtaan madaxweunuhu u ballanqaado in iskooladii dawladda dib loo furayo Lacag la’aanna looga dhigi doono, jaamacadihii dalka dib loo hawlgalinayo” marka ay jaamacadaha ka soo baxaana shaqooyin la siin doono, sidoo kale waalidka ku dhibban Waxbarashada iyo caafimaadka caruurtaas waxey filayeen in culeyska ka heysta Waxbarashada iyo caafimaadka ilmahooda oo ay xaq ugu leeyihiin in dawladdu daboosho, ballanqaad ay ka maqlaan madaxweynaha, laakin uma aysan fadhin in hadallo cuqdad iyo caro ka muuqato ilamahooda lagula dul dhaco. Si kastaba, Mudane Madaxweyne, Armuu xaalka dalku ka durugsan yahay farxad & Xanaaq caruur yaryar hortooda laooga sheekeeyo! Mas’uuliyadda kaa saaran dal qeyb ka mid ah alshabaab heysto, maamuladii goboladu ay hogaankaada iyo siyaasadaaba calaamad su’aal saareen, magaalada Muqdishana xaalkeeda laga warqabo, intaas mas’uul ay heysato ma farxi karee, see wax yihiin? ogowna dalku inuusan doorasho ku jirin, oo aan la indha-sarcaadin karin dadka, dhabta in loo soo jeesto, oo arrimaha dawlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta hogaanakaada dhallilshan ay sheegayaan jawaab aan ahayn “Farxad iyo Xanaaq” ka bixi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa codsi ku aadan in xoriyaddiisa uu dib u helo u diray hoggaanka xukuumadda federaalka ee dalkaasi. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadal uu ka jeediyay maxkamad ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Addisababa wuxuu codsaday in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu cafiyo isaga iyo dadka kale ee la xabbisan. Maxkamadda oo markii seddexaad uu hor yimaado MW hore Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareennada maxkamadda ka codsaday in farriintiisa la gaarsiiyo Raysal wasaare Abiy, si uu cafis ugu fidiyo. Madaxweynihii hore ee Soomaali Galbeed ayaa muddo dhan 42 maalin u xiran xukuumadda federaalka Itoobiya iyadoo bishii hore laga qabtay magaalada Addisababa markii loo jeediyay eedeymo ku xadgudub beni’aadanimo. Dhowaan ayay ahayd markii uu cabasho ka keenay in isaga iyo xubnaha kale ee la xiran aan qoraxda la tusin, islamarkaana ehelkiisa ee soo booqda lagu qasbo inay ku hadlaan afka amxaariga. Dacwad oodayaasha ayaa dalbaday in la siiyo muddo hal todobaad ah si ay ugu keenaan caddeymo sax ah oo la xiriira eedaha loo heysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. South Sudanese President Salva Kiir Thursday ordered to release all the prisoners of war, and detainees in line with the revitalized peace agreement Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha dhalay Ruqiya Cabdullaahi Maxamed oo guurkeeda Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar uu sababay in la dilo oo kadibna la gubo Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo) ayaa markii ugu horreysay ka hadlaya arrintan. Aabe Cabdullaahi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inuusan waxba ka jirin warka ah in gabadhiisa uu bixiyey oo uu siiyey Maxamed Cabdiraxmaan, ayna arrintaas tahay arrin la been abuuray. Markii la dilay Axmed Dowlo ayaa waxaa soo baxay warar ku saabsan in gabadha aabaheed uu siiyey wiilka guursaday balse ay diidan yihiin reerka hooyadeed, kuwaasi oo fuliyey dilka Axmed Dowlo. Aabe Cabdullaahi ayaa kasoo jeeda beesha Abgaal, halka hooyada dhashay gabadha ee Shariif Axmed ay tahay Murusade. “Aniga ma bixin wilaayada gabadheeda, la igalama xidididn, guurkeedana sax ma ahan ” ayuu si cad u sheegay Aabe Cabdullaahi. Aabe Cabdullaahi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in gabadhisia afduub looga haysto, wuxuuna ka digay waxa loogu yeeray arooska qaran ee dowladda Soomaaliya la sheegay inay ku talo jirto in loo sameeyo lamaanaha Ruqiya Cabdullaahi Maxamed iyo Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar. Waxa uu ka codsaday dowladda Soomaaliya in gabadhiisa dib loogu soo celiyo gacantiisa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Aabaha-Dhalay.mp4
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa oo waayadan heshiisyo diblumaasiyadeed la gashay dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha dalkaasi Erdogan ka dalbatay inuu cadeymo u keeno eedeymaha loo heysto wadaadka Fetullah Gulen. Angela Merkel, waxa ay sheegtay in loo baahan yahay cadeymo badan si loo mamnuuco dhaqdhaqaa wadaadka caanka ah ee lagu magacaabo Fetullah Gulen oo xiligan ku nool mareykanka. Angela Merkel, waxa ay sheegtay in arrin khalad ah ay tahay in Fetullah Gulen uu cadaalad la’aan ku noolaado Mareykanka, hase yeeshee loo baahan yahay cadeymo lagu waajihi karo soo gacan galintiisa. Fetullah Gulen, ayaa waxa ay dowlada Turkiga ku eedeysay in uu door weyn ku lahaa afganbigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii lala damacsanaa Turkiga. Dowlada Ankara ayaa dhanka kale mamnuucday dhamaan ba hey,ado ka howlgalayay turkiga kuwaasi oo gacan saar la lahaa wadaadkan. Fetullah Gulen oo ku nool mareykanka ayaa turkiga waxaa uu kaga codsaday in uu u soo gacan galiyo,walow mareykanka uu arintaan ka biyo diiday. Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa arrintaani isku weydaarsaday Shir Jaraa’id oo si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Berlin. Sidoo kale, Angela Merkel ayaa ka dalbatay turkiga in uu sii daayo muwaadiniin u dhalatay Jarmalka kuwaasi oo lagu eedyay in ay ku lug lahaayeen falal argagixiso oo ka dhan ah Turkiga. Ugu danbeyn waxay sheegtay ms markel in loo baahan yahay cadeymo badan si Jarmalka uu go’aan cad uga gaaro dhaq dhaqaaqa wadaadka Fetullah Gulen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. NAIROBI (HOL) – The former president for Ethiopia’s Somali region who was arrested on suspicion of gross human rights violations as well as instigating ethnic and religious violence has asked Ethiopia’s new prime minister to pardon him. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) – Somali intelligence says it captured Somali explosives expert from the al-Qaeda linked al-Shabab group in the Somali capital and obtained key intelligence information. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (HOL) – Somali intelligence says it captured Somali explosives expert from the al-Qaeda linked al-Shabab group in the Somali capital and obtained key intelligence information. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee ciidamada Kumaandooska Mareykanka ayaa duqeyn ka geysatay degaano ku yaalla dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayen Saraakiil iyo xubno ka tirsan Shabaab. Waxaa lagu sheegay qoraalka in duqeynta lagu dilay Saddex ka tirsan Al-Shabaab kuwaa oo in muddo ah loogu jiray baadi-goob. Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Howlgal dhanka cirka ah ciidamadeena oo kaashanaya ciidanka Soomaaliya ay fuliyeen ayaa lagu dilay Saddex ka tirsan Al Shabaab, hawlgalka wuxuu ka dhacay degaan qiyaas ahaant 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. ayaa lagu yiri qoraalka Waxaa sidoo kale, qoraalka Taliska Mareykanka Afrika lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen lagu ogaaday inaanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan. Dhinaca kale, warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka ay u kaashteen ciidamada dowlada Federaalka iyo AMISOM, waxaana lagu xaqiijiyay inuu sii socon doono howlgalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. MOGADISHU (Caasimada Online) — The US. Marine Corps F-35B joint strike fighters reportedly conducted reconnaissance missions over or near Somalia. The F-35B joint strike fighters are said to be ready to respond to requests for close air support from American forces in Somalia during their first-ever deployment to the Horn of Africa region aboard the USS Essex amphibious assault ship. CNN first reported the F-35Bs had taken to the skies around Somalia to perform surveillance missions and to stand guard in case there was a need to respond to requests for support from U.S. forces or their African Union and Somali partners. On Sept. 21, 2018, unspecified U.S. military aircraft, typically understood to be armed drones, conducted a so-called “self-defense” strike on Al Shabaab militants who had attacked a combined patrol of U.S. and local forces. A similar airstrike against Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia had occurred on Sept. 11, 2018. The F-35Bs did not take part in the Sept. 21 mission in Somalia, according to CNN. It is not clear what portion or portions of Somalia the jets have been monitoring, either. In March 2017, President Donald Trump’s administration did designate a wide swath of southern Somalia, where Al Shabaab is particularly active, as an area of active hostilities. This gave U.S. forces there greater leeway to call in air strikes and other support, as necessary. Since then, American operations in Somalia have steadily, if quietly increased in size and scope. RAW FOOTAGE: @thef35 bravo conducted its first combat strikes in Afghanistan today in @CENTCOM‘s area of responsibility in support of Operation Freedom’s Sentinel. The strike fighter is attached to the @Official13thMEU with the @USNavy‘s Essex Amphibious Ready Group. pic.twitter.com/jaN9JjweyP — U.S. Marines (@USMC) September 27, 2018 There would have been little need for the Joint Strike Fighter’s stealth features during any missions over Somalia, since Al Shabaab forces have limited access to advanced anti-aircraft weapons. The Somalia missions already show that the U.S. military is taking steps to further integrate the F-35 in more routine missions, no matter how mundane they might be, just like any other combat jet. The United States has carried out more than 20 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. The U.S. military partners with the African Union Mission to Somalia, or AMISOM, during combined counter-terrorism operations against al Shabab training camps and terrorist leadership. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel in Somalia. In early June, one U.S. soldier was killed and four more were wounded during an attack by Al-Shabab militants that consisted of small-arms fire and mortars near Kismayo, a town some 500km south of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  23. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maanta mar kale maxkamad lagu soo taagay magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Maxkamadda maanta lasoo taagay Cabdi Iley ayaa ahayd tii saddexaad, tan iyo markii la xiray muddo iminka laga joogo 42 maalmood, waxaana Cabdi Iley uu kulankii maxkamad ka jeediyey codsi uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya kaga dalbaday inuu cafiyo, isaga iyo dadka la eedaysan eek a tirsanaa maamulkiisa. Dhinaca kale dacwad oogayaasha ayaa dalbanay in waqti dheeri ah oo gaaraya illaa 10 maalmood oo kale Cabdi Iley lagu sii hayo xabsiga, ayaga oo ku dooday inay weli ururinayaan caddeymaha kiiskiisa. Si kastaba xaakimka maxkamadda ayaa canaantay dacwad oogayaasha, wuxuuna sheegay inaan la aqbali karin in kiiskan uu sii jiitamo sanado, oo ay qasab tahay in deg deg loo soo geba gebeey. Xaakimka ayaa yiri “Qorshihiina ma waxa uu yahay in kiiskan iska socdo sanado iyo waqti aan la aqoon, waan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen, waxaana idin kugu daraa 10 maalmood, deg degu la imaadaa wax cad”.
  24. MOGADISHU (Caasimada Online)– Jubaland regional state leader, Ahmed Mohamed has urged Kenya to help Somalia in fighting against Al Qaeda linked Al Shabaab group. Mr. Ahmed Madobe called on Kenya to cooperate with Somalia, in a bid to eradicate the deadliest group in Africa — Al Shabaab in Somalia. He also urged Kenya to reopen its border along Somalia soon, amid rising attacks by Al Shabaab. “It is important to focus on the relationship based on Safety, Health and Relationship communities in the Somali-Kenya border”, he said. Madobe’s call comes after Kenya deployed hundreds of its soldiers to the border towns, in a bid to thwart border-cross-attacks carried out by the Islamist group in Somalia. Earlier this week, the Islamist group in Somalia has claimed to have carried out massive attack on Kenyan military army camp in the coastal town of Lamu, killing at least ten soldiers. The group said its fighters had also captured 3 soldiers alive during the raid. Al -Shabaab vowed to rump its attacks against Kenyan forces in northeastern region, until Nairobi withdraws its forces under African Union peacekeeping force from Somalia. Kenya says it has suffered since their arrival in Somalia in 2011 – but, adding, it will not affect its mission and will only strengthen their resolve to achieve regional peace. Kenya contributes about 4,000 troops to the 22,000-strong African Union force in Somalia, battling against Al Shabaab. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
  25. MOGADISHU (Caasimada Online)–The US military says it has carried out drone strike targeting Al Qaeda linked Al Shabaab group in southwest of Somalia. The strike was carried out in area, some 40km southwest of Somali capital Mogadishu, killing three Al-Shabaab militants, according to US Africom Commando. US Africa Command said the strike had been conducted in coordination with the Somali government. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. But the Islamists still hold sway in large parts of the countryside and launch regular gun and bomb attacks on government, military and civilian targets in Mogadishu and ambushes on military convoys and outposts. The United States has carried out more than 20 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. The special operations forces have also been rotating through the country for several years to bolster local and regional forces. There was no immediate comments from Al Shabaab over the claims. US serves as front-line advisers to a United Nations-backed government of Somalia, struggling against rebel factions across the country, particularly in rural southern Somalia. The U.S. military partners with the African Union Mission to Somalia, or AMISOM, during combined counter-terrorism operations against al Shabab training camps and terrorist leadership. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel in Somalia. In early June, one U.S. soldier was killed and four more were wounded during an attack by Al-Shabab militants that consisted of small-arms fire and mortars near Kismayo, a town some 500km south of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com